Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Isbar bar dhiga koonfurta Somaliya iyo Gobolada uu maamulka kajiro Puntland and Somaliland
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warside

Unrecorded Date
Qaran:
QALINDAAR
ISBARBAR DHIGGA NOLOSHA KOONFURTA
SOOMAALIYA IYO GOBOLLADA MAAMULADA
SAMEYSTAY EE SOOMAALIYA
(Iftiinka Waqooyi Bari Ku Dayasho Mudan)

Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya iyo gobollada kale ee isku magacaaba
Somaliland ee waqooyi galbeed Soomaaliya waxaa ka dhisan maamullo wax
ka qabtay nolosha dadka, waxaana lagaga tilaabsaday horumar dhinacyo
dhowr ah, taasna waxaa masaabaxay maamulka wax kala hagaya.
Sida uu ku soo bandhigay xasuus qorkiisa weriye ka ambabaxay magaalada
Muqdisho oo gaaray magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe waqooyi Bari
Soomaaliya waxaa ku nool dad noloshooda inay dhistaan u diyaar garoobay.
Xasuus qorka weriyuhu wuxuu leeyahay "inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo
Garoowe ayaan ku maray baabuur, waxaana la yaabay nabadgelyada
wadada oo ma aanan arag wax jid gooyo ah intii aan ku socdaalayey
wadadaas".
"Gaadiidka la raacayaa waa qurxoon yahay, waddooyinkuna way hagaagsan
yihiin dadkuna waxay ku mashquulsan yihiin shaqooyin isugu jira xoogsi
iyo
ganacsi, waxaana la higsanayaa horumarka nolosha".
"Taas bedelkeeda Muqdisho oo aan ognahay xasiloonideeda sidii ay ahayd
waayadan dambe markii aan ka ambabaxnay oo aan u dhaqaaqnay dhinaca
jahada gobolka Shabeelaha dhexe oo aan uga sii gudubnay Hiiraan siina
marnay inagoo dhulka ku soconay Galgaduud, waxaan gaarnay Gaalkacyo
inagoo jidgooyooyin badan iyo cabsi waddooyinka ku sii marnay, hase
yeeshee waxaa culayskii naga degay markaan u baxnay dhulka nabadoon ee
amarkii iyo kala dambeyntii ay shaqaynayaan" ayuu ku yiri xasuus
qorkiisa
Wariye Mustaf Warsame Cabdulle (Qarni).
Annagoo ka socdaalnay gobolo fowdo ah oo amarkii iyo kala dambeyntii la
ilaabay ayaa waxaa la yaab nagu noqotay markii aan gaarnay gobollada
maamulka Puntland ka taliyo in baabuurtu Taargo leedahay, waddooyinkana
boolisku joogo, amaanku sugan yahay, gaadiidkuna markay meel ka
safrayaan loo jarayo warqadda dhaqdhaqaaqa gadiidka.
Waa uu sii hadloo wuxuu yiri weriyuhu "markii ciyaartoy ka baxday
magaalada Muqdisho oo ka qayb galayey ciyaarihii 17-aad ee gobollada iyo
kuwa kale oo ka kala yimid gobollada kale ee Soomaaliya ay isugu
yimaadeen hal degmo oo ku taalla gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya,
waxaan waayey wax xambaarsan dareen iyo colaad qabyaaladeed, waxaana
naloo soo dhaweeyey si niyad sami ah oo aad u wanaagsan. 8 gobol iyo
degmada Buuhoodle oo gaar ah ciyaartoy" buhodle oo aheyd meesha ciyaarta lagu qabtey" ka kala timid oo tiradoodu ka
badan tahay 300 oo qof iyo wafdiga hoggaaminayey ciyaartoyda ayaa hal
meel la wada dejiyey, wayna wada noolaayeen intii ciyaartu ka
dhamaanaysay, hase yeeshee laba is khilaaftaahi ma jirin murana kama
dhicin".
"Waxaa kaloo la yaab igu noqotay intii aan joogay gobollada waqooyi bari
Soomaaliya waxaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso iyo
Garoowe dibadbaxyo looga soo horjeeday go’aamo ay gaartay xukuumad
goboleedku, hase yeeshee meelaha dibadbuxu uu ka dhacayey waxaa wada
joogay shacabka aragtidiisa oo bandhigaya iyo dowladii ay ku
mudaharaadayeen.
Taasi waxay muujinaysaa in gobolladaasi uu ka jiro maamul rumaysan in
awoodu tahay shacabka, isla markaana dimuqraadiyadi ay ka jirto halkaas.
Wariyuhu waa sii hadlay oo isagoo eeg eegaya buugiisa xasuus qorka wuxuu
yiri "waxaan la yaabay kalsoonida ajnebigu ku joogo gobolladaas oo
waxaad
arkaysaa rag caddaan ah oo haddii ay Muqdisho joogi lahaayeen tikniko
iyo
hub culus lagu waardiyeyn lahaa oo si xor ah magaalada u dhex maraya
kana
iibsanaya Biibitooyinka wax yaabaha ay u baahan yihiin iyadoo aysan
jirin
wax ilaalo ah oo la socda"
Waa uu sii hadloo wuxuu yiri weriyuhu "waxaa dareenkayga soo jiitaay
hadal
madaxweynaha xukuumad goboleedka Puntland uu u jeedshay ciyaartoyda
4-tii Abriil ee sanadkan isagoo yiri ‘ninkii dadkiisii dilaya iyo ninka
wax u
qabtay isku mansab ma fariisan karaan’ waxayna weertaasi I xasuusisay
farqiga u dhexeeya madaxda kooxaha koonfurta Soomaaliya iyo madaxda
gobollada maamulku ka jiro".
Haddaan intaas uga gudubno xasuus qorka weriyaha bal aan jaleecno is
barbardhiga Somaliland iyo South-land, Somaliland waxaa ka socda dib u
dhis xoogan iyo horumar nolosha laga sameynayo, waxaana
amaankeedu
kaba sii xasiloon yahay deegaanada Puntland, halka gobollada
koonfurta
colaada, burburka, xaqiraada, fowdada iyo maamul xumado ay ka
xoogan
yihiin.
Nin wariye ah oo isug maray magaalooyinka Garoowe, Boosaaso,
Hargeysa
iyo Muqdisho ayaa isagoo ku socdaalaya mid ka mid ah
waddooyinka
Muqdisho oo tacadi badani ka muuqdo waxaa uu yiri "waa waddo
iyo
magaalo dadkii lahaa ama u qalmay ay ka maqan yihiin".
Waxaa diyaariyey: Cumar Diini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

PuntDarwishland

Unrecorded Date
haye haye,

Warkaan yaa keeney?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Unrecorded Date
Walaal Warside;

Waa xaalado hada jira oo aad runtii moodid in marka laga sheekeynayo Soomaaliya aan la sheegin, anigoo soomaaliya foobiyada idaacadaha laga sheego ka qabo ayaa waxaan shaqo u tagey gobalada waqooyiga Soomaaliya waxaan socdaalkeygii ku bilaabey magaalada Hargeysa, waxaana aad ula yaabey maamulka iyo xasiloonida ka jirta magaalada Hargeysa, waxaadba moodaa in aysan dawladii kaba tagin oo shaqada ayaa loo soo kalahaa nin walbana hawashiisa ayuu ku mashquulsan yahay, waqtiga aan ku aadey waxey aheyd waqtigii ay mamnuucneyd in la dhoofiyo xoolaha soomaaliya, waxaana aad uga muuqatay magaalada Hargeysa sida dhaqaalaheeda ay aadka u saameysey mamnuucaas.

Waaxaan ka ambabaxey magaalada Hargeysa waxaana gaarey magaalada Boosaso, waxaana aad ula dhacey xasiloonida iyo nabada iyo maamulka ka jira magaalada Boosaaso, waxaan ka waayey magalada Boosaaso intaan joogey qof shicib ah oo qori ama bistoolad wata, waxaa qoryaha watey booliska lebisan oo keliya, waxaana aad ula sii yaabey dhaqaalaha yaala magaalada boosaaso iyo qabiilooyinka kala duwan ee ku dhaqan kana ganacsanaya magaaladaas.

Waxaan u sii kacay magaalada Kaalkacyo anigoo sii istaagey magaalada Garoowe, magaalada Garoowe waxaa ka dhisan guryo aad u qurux badan waxaana si fiican uga muuqata in ay tahay xarun oo waxaa aad ugu badan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, waxaana aad uga jira kala danbeyn iyo habdhaqan dawladeed, markaan gaarey magaalada Gaalkacyo ayaan hadana aad ula yaabey xasiloonida iyo nabad gelyada ka jirtey magaaladaas iyo sida qabiilooyinka kala duwan ay ugu dhaqan yihiin magaaladaas ugana ganacsanayaan, magaalada Gaalkacyo oo noqotey xarunta ganacsiga xoolaha Soomaaliyeed ayagoo xoolahaas laga keenayo meelkasta oo ka tirsan wadanka Soomaaliyeed, magaalada Kaalkacyo waa ay ka muuqataa in ay joogaan ciidamo hubeysan ayagoo dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayo, balse kuma aanan arag dad shicib fara badan oo hub kula dhex wareegaya magaalada dhexdeeda.

Waxaa xusid mudan inta aan dhulka marayey in aanan arag jid gooyooyin ay leeyihiin dad shicib ah, waxaan aad ula yaabaa marka la dhaho soomaaliya waxaa ka jira burbur iyo dil iyo dhac, marka magaca soomaaliyeed la soo qaadana uu yahay wax loo naxo oo loo murugoodo, inta aan aniga soo arkey waxey aheyd soomaali loo farxo laguna tashado in lagu laabto wax badan oo u dhimana loo qabto.

Waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garyaqaan

Unrecorded Date
Ninmanyahaow somalia wey kalabaxday, weyna isku soo noqondoontaa ee maxay qolowalba lasoo noqontoontaa? waa suaal ubaahan in ay inta caqliga usaaxiibka ahi ka jawaabto inta maangaabka ahna iska aamusto.

Sidoo kale ayaan fasax gaaban ku tagay magaalada Gaalkacyo anoo sii maray magaalooyinka Hargeysa, Bosaaso iyo Garoowe. Inta raggu kor kusheegeen ayaan kula kulmay. Hargeysa waxaa u sii dheeraa in Garoonkeeda diyaaradaha (Airport) uu lahaa transit iyo departure areas kala xiran. bolis, ciidan garoon iyo shaqaale labisanna ay ka shaqeynayeen.

Haddaba dadka u qaba dhayal iyo kaftan, waxaan kula talin lahaa in ay wadankii kulaabtaan oo runta naftooda iyo dadkooda u sheegaan, gaar ahaan dhallinyarada u dhalatay gobolda Koonfureed. Hadalkaasna yaan xumaan loo qaadan ee waa ragow boodhka ha la iska jafo" Nin wax kusiiya waad heshaa ee nin kula taliya maheshi"

Garyaqaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QeerSide

Unrecorded Date
Warside=Xaarside

Uf waryaa
Somaliland iyo Puntland ha isku ag qorin wasaq yahay xaarku ka dureerooyaa. Dadkaas walaalaheena ah waa soo laabanaayiin lakin idinka waa idin qaadeynaa afarta tuulo ee aa puntland ku dheegaysiin.
Southern Somalia ammaan waa ka jiraa ee dhibkii aa baddeen aa weli haayo. Ciyaartoygaa sheegooysone maba qabtiin dad ciyaar yaqan oo eri cad geel wada aa tihiin.

Lax laxdiis shib iga dheh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faysal

Unrecorded Date
Somali ma kala bixin , mana kala bixi karto, ka ku fakaraya in ay kala baxdoow waad riyoonaysaa.
Somaali oo idil hala doon bay wada saraantahay, ama waa la isla dagi, ama waa laga wada dabaalan,
waa nasiib darro hadday dadka qaarkood qanciso dhalanteed dusha ah oo aan qoto dheereen.
Ummad aan dadkeeda xaq soor u samayninna waligeed bur bur iyo dac darro ayay ku jiri.

salaan
Faysal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nalaye

Unrecorded Date
Qeer side:

Adiga hada saad uhadleysid wiilyahow ayaaba laga garanahayaa inaad kheyr iyo wax udhowtoona aadan sidin, ee bal shib dheh.

Jiidalaai Alnaalaye Axmadi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR. SYL

Unrecorded Date
TO> QeerSide/Ciilside

War illeen wax la arag duli walba Puntland buu dabada haystaa war hadii ay tahay 4 tuulu ama 40 magaalo wax kaa galay baa iskayar ee nin yahow hadaad cay iyo aflagaado rabtid orodoo meel kale karaadso ciilbaa ku hayee. Xasidnimadaada nagala tag. Waan aqaan waxa aad Puntland u nececbtihiin waxaa weeye maxay wax u qabsadeen,
waxaana aaminsantihiin idinka oo keliya in aad somaliya ugu fiican tahiin oo inte kale baa ba'a aytahay
war nin yahow iskaga carar meesha yaanu ceeb kaaraacinee.

WAR MA ANAA WAX ARKAY MISE SOMALILAND WAA CIILQABTAA????????????????????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

batuulo

Unrecorded Date
aniga taas ilaahey ayaan ogamahadcelin ee marba hadeey jirto meelnabad ah oo ceeynkaas ah waa ilaah mahadii. hadii aan kunoqonhaya somali oo ilaahey yiraahda waxaan jeclaanlahaay meeshaas nabada lagusheegay unbaan iskadegilahaay.ilaaheyna waxaan weeydiisaneeyna inuu sidaaso kale kadhiga meelkasta oo soomali kamid ah. sidaaiyo nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Concerned

Unrecorded Date
Nacas walna wuxuu maskaxda ku hayaa in uu meeshii hooyadii markii ugu horeysay looga dheelay uu yiraahdo meeshaas ayaa Soomaaliya ugu fiican......Weli ma maqal Nacas ka hadlaya arinta saxda ah ee u wada wanaagsan Somaali oo idil. War was iskula hara oo dadka ha isku wada duubinina, waxaa jira dad sidiina oo kale aaminsan in eey ka yimaadeen meelaha Saxaraha ah ee aad sheegeysaan hadana ku qanacsan in eey arkaan Soomalliya oo isu dhan oo ka wada talineysa hal horumar/wada noolaasho wanaagsan iyo wax qabsi loo wada dhanyahay. Mid ogow, hadba kaad tahayoow; Soomaali ayaa la wada yahay weli...oo wax is bedelay ma laha ilaa iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kulmiye

Friday, September 01, 2000 - 10:45 am
walaaahi aad baaan ugu faraxsanahay iney dadkaeena eey fahmeen iney meel walba ku noolaan karan nabadana weey fiicantahay ,qof walbana wuxuu waxkasheegaayaa koonfurta iyo muqdishu hadaad adinka naga joogtaan meelihiina anaga waan is aaminsanahay waad arki doonaa 2 ama 3 sanno ka dib meeshaan joogi doono weeyna fiicantahay in somaliya tartankaas ka jiro oo uu wadanku sinmo oo meel walba shidantahay marka saaxiib aniga aad baan ugu faraxsanahay punyland iyo somaliland adigana iga daa cayda iyo warxumada aad ka wadid muqqdisho iyo agagaaarkeeda oo hadii aad wanaag igu soo dari kartid welcome hadii kallena ii soo ducee peace.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, September 03, 2000 - 07:52 am
rayi
hargeys iyo boosaaso maxaa isu dagaala waxaaba dagan halhal qabiile maxayse iska dagaalaan
hadii aay isdagaalaan gaajey u dhiman oo waxba
mahaystaane sida mogdishoo kala ma,ahee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fatah

Saturday, September 16, 2000 - 08:37 am
waxaan la yaabanahay in anaga oo ah dadka ugu saqaafada badan dagana dalka ugu hodonsan uguna istaraatiijyeysan uguna dhaqaalaha bada inaan weli somaali wax ka doonayno maanu goosano dhulkayaga oo aanu noqono dowlad madax banaan waxaanu leehanahay jaaliyada ugu balaran north America oo aanu samayno shir la mid ah kii ay sameysey yahuudu magaalda Zurich ee swizerland oo aanu uga tashano mustaqbalkeena iyo kan fog ee Geeska africa iyo inaan wax uga tagno jiilalka soo socda oo dhaln doona iyo dib dhis deg,deg ah oo ay disaan nin kastoo u dhashay Puntland dhulkiisa hooyo