Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Norway: WADANKAYGII SOOMAALIYA MA DEGENI WADANKAN SHISHEEYAHANA MA DEGENI MAXAA II XAL AH?KA DHIIBO FIKRADAADA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADCEED

Unrecorded Date
Dadka soolaaliyeed ee ka soo qaxay wadankoodii hooyo ee degen wadamada shisheeyaha waxay xaaladoodu badi ku sugantahay sidan!

Sida ciwaanka ka muuqata wadankaygii hooyo ma degeni wadankan shisheeyahana madegeni maxaa xal ah? micnaha iyo ujeedada aan uga jeedaa waxa weeye tusaale: waxaad arkaysaa qof degen 15 sanadood wadamadan shisheeye sida (Norway) ilaa maalintii uu soo galay wadanka ilaa iminka doonaya in uu dib ugu laabto wadankiisii hooyo welina aanay u suurto gelin in uu dib u laabto.

Suaasha is weydiinta u baahani waxa weeye ma xuma in lagu laabto wadankii hooyo, lakiin maxaad qabsatay mudadii 15 sanadood ahayd? Maxaadse wadankii la tegeysaa?

Waxaan hadaba kula talin lahaa walaalaha somaaliyeed ee xaaladaha noocaasa ku sugan in ay labo arin sameeyaan hadii ay rabaan in ay wadan kii dib ugu laabtaan si ay naftooda wax u taraan dadkana wax u taraan.

1)wadankii wuxuu u baahan yahay aqoon.Hadii adigu aad ka fursad wanaagsantahay walaalkaaga degen wadankii, xaga wax barashada waxa loo baahan yahay inaad ka faa iideysato fursada wax barasho ee aad haysatid,Si aad u caawisid beri kamaalin kuwii aad kaga timid adankii, lakiin adigoon wax baran hadii aad wadnkii ku noqotid naftaada iyo naf kale toona waxba tari maysid.

2)wadankii wuxuu u baahan yahay dhaqaale.Hadii aad wadankii ku noqonaysid waa lagama maarmaan inaad haysatid dhaqaale.Ujeedadu ma aha inaad haysatid dhaqaale aad ku dhistid warshado ama mashaariic waa weyn iyada lafteedu ma xuma hadaad heleysid, laakiin waa inaad haysadid dhaqaale adigu aad ku debertid duruufahaaga nololeed.Ama aad haysid fikrad aad ku baraarujinnaysid dadka si ay wadankooda wax ugala soo baxaan oo ay uga maarmaan gacmaha shisheeyaha

Waa fikrad u furan dhamaan walaalaha soomaliyeed si aynu u saxno dhibaatooyinka gaarka inoo haysta ee ay ka midka yihiin kuwa dusha ku xusan.


BY: CADCEED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suge

Unrecorded Date
assalaama calaykum


mahad allaaa iska leh

to cadceed. walaal cadceeed waxaan odhankaraa waxaad asiibtay labadii arin ee ku haboonaaa qof doonaya inuu naftiisa dadkiisa iyo dalkiisaba anfaco. waana wixii ugu mudnaaa eee loo baaahnaaa in halkan lagaga hadlo. labada qodob ee aaad soo bandhigtay oo ah labaduba wax aaad loogu baahanyahay hadana waxay aniga iila muuqataa iany kala muhiimsanyihiin oo ay waxbarashadu ka mudantahay dhaqaala. hadaan u gudbo su.aal aaan jeclahay inaaan dadwaynaha waydiiyo waxay tahay mar hadii waxbarashadu muqadis tahay. qaybo fara badana u qaybsanto waatee ta inaga ina khusaysaa sidaynu se kugaari karnaa heerkaynu doonaynay maadaama aaan dadka dhalinyara ah ee hada waxbaran karaaa aaanay lahay badan koodu waxbarasho hore ama ayba ilaaweenba. waaad salaamantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Beder

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum
Fikrada cadceed iyo walaalka kale ay kor ku xuseen cadceedna bilaabay waa fikrad aad iyo aad u muhiim ah.Waxayse aniga ila tahay waxan soomaalida ka maqli jiray caano daatayba dabadood la qabaye haddii jiilalkii hore inaga khasaareen kuwa dambe haddii aynaan daba qaban xaalkeena illaahay ayuun baa garan kara waxa uu ku dambayn doono.Nimanka yuhuuda la yidhaa meel kasta oo ay aduunyada ka joogaan waxay soo saaraan wiil ama gabar yahuudiyad ah s'aashaydu waxay tahay soomali meelkasta aduunyada ka dhacdaye ma soo saari karnaa wiil ama gabar soomaaliyeed? sidee ayayse ku suura gali kartaa? waxan kaga baxayaa salaanta islaamka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
waa idinku raacsanahay sadexdiinaba, waana arin loo baahan yahay in laga hadlo runtii.
DET ER ALDRI FOR SENT!!!!!!

Qofkii raba inuu wax barto, ma celineeyso inee marhore waxbarasho ugu danbeeysay, waana wax lagu farxo ineey dhallinyarada qaarkood fahmeen!!!
Waxbarashadana noocwalba wuu na quseeyaa waana u baahanahay..... CAYRI ILEEN CAYMA MA DIIDEE!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

europe urayso

Monday, September 18, 2000 - 02:33 pm
cadceed!

cadceeda lagaa qariye ka fiirso waxaad qorayso. ha ka buuxin fagaaraha (forum) waxa macnaha aan lahayn ee aad qorayso.


war jooji shitka urka badan ee aad meesha ka buuxisay meesha.

eoropetii na gumaysatay?