Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Norway: WADANKAYGII SOOMAALIYA MA DEGENI WADANKAN SHISHEEYAHANA MA DEGENI MAXAA II XAL AH?KA DHIIBO FIKRADAADA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADCEED

Unrecorded Date
Dadka soolaaliyeed ee ka soo qaxay wadankoodii hooyo ee degen wadamada shisheeyaha waxay xaaladoodu badi ku sugantahay sidan!

Sida ciwaanka ka muuqata wadankaygii hooyo ma degeni wadankan shisheeyahana madegeni maxaa xal ah? micnaha iyo ujeedada aan uga jeedaa waxa weeye tusaale: waxaad arkaysaa qof degen 15 sanadood wadamadan shisheeye sida (Norway) ilaa maalintii uu soo galay wadanka ilaa iminka doonaya in uu dib ugu laabto wadankiisii hooyo welina aanay u suurto gelin in uu dib u laabto.

Suaasha is weydiinta u baahani waxa weeye ma xuma in lagu laabto wadankii hooyo, lakiin maxaad qabsatay mudadii 15 sanadood ahayd? Maxaadse wadankii la tegeysaa?

Waxaan hadaba kula talin lahaa walaalaha somaaliyeed ee xaaladaha noocaasa ku sugan in ay labo arin sameeyaan hadii ay rabaan in ay wadan kii dib ugu laabtaan si ay naftooda wax u taraan dadkana wax u taraan.

1)wadankii wuxuu u baahan yahay aqoon.Hadii adigu aad ka fursad wanaagsantahay walaalkaaga degen wadankii, xaga wax barashada waxa loo baahan yahay inaad ka faa iideysato fursada wax barasho ee aad haysatid,Si aad u caawisid beri kamaalin kuwii aad kaga timid adankii, lakiin adigoon wax baran hadii aad wadnkii ku noqotid naftaada iyo naf kale toona waxba tari maysid.

2)wadankii wuxuu u baahan yahay dhaqaale.Hadii aad wadankii ku noqonaysid waa lagama maarmaan inaad haysatid dhaqaale.Ujeedadu ma aha inaad haysatid dhaqaale aad ku dhistid warshado ama mashaariic waa weyn iyada lafteedu ma xuma hadaad heleysid, laakiin waa inaad haysadid dhaqaale adigu aad ku debertid duruufahaaga nololeed.Ama aad haysid fikrad aad ku baraarujinnaysid dadka si ay wadankooda wax ugala soo baxaan oo ay uga maarmaan gacmaha shisheeyaha

Waa fikrad u furan dhamaan walaalaha soomaliyeed si aynu u saxno dhibaatooyinka gaarka inoo haysta ee ay ka midka yihiin kuwa dusha ku xusan.


BY: CADCEED