Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Beledweyne
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Waxaa Magaaladda B/weyne ka socda mashaariic badan oo horumarineed, marka qof walba oo ku dhashay kuna soo koray magaaladaas qabiilkastaga ha ahaadee waxaa laga filayaa in uu kaalintiisa ka qaato..

Soomaliya ha iskaashato hana iskutiirsanaato
Ilaaheyna aan tawakalno

Nabad iyo barwaaqo ayaan Soomali oo dhan oo cidi ka baxsaneeeyn u rajeynaynaa

Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

filtare vilage

Wednesday, July 05, 2000 - 06:42 am
Hi brother Omer

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan warka B/weyne
aad meesha ku soo qortey taasoo ah mid aad u
qiimo badan.

Marka danbe eed B/weyne la xiriirto fadlan Qoono
ii soo dhiib mar hore ayaa iigu danbeysee + Qoono-
jeebato.

*****balad-weyn alahayow kadhig beerta raaxada***
*****balad-weyn alahayow kadhig guri barwaaqo****
*****balad-weyn alahayow kadhig xero badhadho ah*

nabadeey aad iyo aad ayaan u faraxsahay.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, July 18, 2000 - 10:27 am
asalamu alaykum

aqyaarta reer hiiraan waan idin salaamey,,,,salaan
kadib aqyaareey waxaan raadinaa wiil ex-reer b/we-
yne ah kaasoo la yiraahdo hassan hagi abdisamed
wiilkaas markii iigu war dambeysay waxaan ku maq-
lay dalka talyaniga iyadoo laga yaabo inuu ka sii
gudbey. Marka hadaad taqaaniin fadlan ii reeba
waxii fariina waxaan ahay wiil aay aad iyo aad
eey saaxiib ugu ahaayeen somalia, xamar, h/wadaag.

asalamu alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, August 03, 2000 - 12:35 pm
waa laguu yaqaan xasan xaaji waxa uu dagan yahay dalka holland hadaad rabtid soo sheeg magacaaga iyo meesha lagaa helo ...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Douglas

Saturday, August 26, 2000 - 08:17 am
Greetings to the people of Belet Weyne!

I heard the Bundo Weyne bridge has been rebuilt?

Is it true?????

Would appreciate any news from Belet Weyne - especially from the staff who were at the UN office in 1998

Best regards

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daacad

Monday, October 16, 2000 - 06:59 am
To.Omer
walaal kiis waad mahaad santahay
aniga waxaan ahay reer B/weyne
qaasatan reer kooshin waxaan
doonayaa inaan kaqaybqaato
mushruuca aad shegtay ma mid bered
baa mise waa dhismaha magaalada
hadii uu yahay mid bereed waxaan
diyaar u ahay inaan geeyo qalab bero
sida (dhagran dhoqor Hilabuulo
booco aabaley)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

irida-aamin

Saturday, October 28, 2000 - 06:41 am
aha,,ahaahaha,,,,ahahaha,,,

daacad walaahi rageedi ayaad tahay.

dhakran ,hilabuulo, booco, dhoqor,,,,,ahahahaha.

fiiri daacad adiga aadaneey miyaa mase xuseen/xasan maxamed.

beeraha hiiraan meelo badaneey ka baxaan waa hadii HIIRAAN la yiraah laakiin hadii b/weyne la yiraah xitaa ilaa iyo dhul weyn aa ka tagtey fiiri bal dhinacaan iyo hilakalyo u bax nooh. duqa
xitaa waxaan kugu soo arkey buulaburte adoo wax ku qoreysid oo dhaheesid aniga waa reer buulaay marka adiga siteeydii maa wadi jirtey ama lacagta ka aruurin jirtey ka shaqeyn jirtey b/weyne-buulaay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daacad

Monday, October 30, 2000 - 07:35 am
To.IRID.AAMIN
Saaxib rutii anga maahi meelaha aad igu
maleynaysid guud ahaanba dhinaca aad
ubaxday laakiin soo raadi waxaa laga
yabaa inaad meelka dhaw iga heshid
tankale waxaan kuu shegayaa in dhulka
aan beeraha ku koob neyn B/weyn oo
xataa B/burte dhankeeda soo eeg
(farqalaal qansax caagbashiir
jameecashin jameeca mubaarak dhanka
kale ceymoy caagmuudey hilobanaan
hareeriga) by duqa anga runtii
hiiran kuma aanandhalan ee waxaan
kuleeyahay sifiican u raadi ninkan
dhulka kuugu sharaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IRIDA-AAMIN

Monday, October 30, 2000 - 11:03 am
daacad runtaa sxb oo dhulka hiiraan aad ayaa iiga badisaa laakiin aniga waxaan kasaa kaliya dhinaca B/weyne iyo magaalada gudaheeda sababtoo ah aniga halkaas ayaan dugsi dhexe/sare ku dhameeyey,marka sxb buulaay iyo dhinacyada aad sheegeysid waa layga badiyaa gurmad quraan ku marey (dab & dhagax).
Marka sxb sidaan horeyba kuugu sheegay aad ayaad HIIRAAN ama gaas ahaan B/weyne u xiiseeysaa waxaan kugu soo arkey adoo UK-maana la chatoosid,Zweden-Leyla la chatosid,Danmark,marka sxb waad wareegoosaa ee bal isi soo sheeg halkee joogtaa xitaa waxaan kugu soo arkey HOLLAND mid Tilburg lagu chatooyo (Daacad)oo warar ku soo qorey.
see yo bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kooshin

Tuesday, October 31, 2000 - 05:21 am
To.daacad
saxib matihid reer hiiran laakin waad taqaana

To.IRID AAMIN
saxib adiga waxatahay reer B/weyne laakin
waxaan kuushegayaa inuusan ahen daacad reer
B/WEYN ee waa reer madiino farmashiyah
shigshigow agtiisa ayuu daganaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IRIDA-AAMIN

Tuesday, October 31, 2000 - 06:47 am
loooooool kooshin
duqa see ku kastey in daacad uusan reer b/weyne aheen bal soo cadee adna halkee kooshin ka daganeed 1-xidigta,horumarka,jaamac qatal,masjidka yar,raadeerka,boosteejada jiiqleey,kutiimbo,iskool xalane...........

bal isi soo cadee hee aniga waa nin b/weyne liiska tirikoobka haayn jirey hadaadan aheen soo galooti sida qaxootigii siigaale,leeboow & yementii(you know).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daacad

Wednesday, November 01, 2000 - 05:49 am
To.KOOSHIN
duqa xagee igu aragtay animaa reer madiino ah
adiga waxaad haaysataa picture qaldan ee
isi sax nin aan reer hiiran aheyn saas
uma sharixikaro

TO.IRID AAMIN
saaxib waxaan ku weydiyay yaad ka taqanaa
ragii gobolka u dheelijiray baaskidka ama
foolga ama kubada cagta,
laga bilaabo from 1988 to 2000.
by asxaabta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IRIDA-AAMIN

Thursday, November 02, 2000 - 05:58 am
To: Daacad

Waxaan kasaa:
Kubadda Cagta

Coonka,Daahireey,Izaaqeey,Cabeey,Cismaaneey,Madaxeey,Aadan Guunbe,Ali-dhuux,Abuukareey,Cismaanciil-Gaab,Aamaan Guuleed,Inboobe,Cumar muuse,Kooli-Kooli,Xaseey,Nuur-Guudeey,Jeeg,,,,,,,,,,,,


Kubadda Koleyga:

Cabdulaahi Baay,cabeey,saciid abees,carab,iyo adiga daacad.

kubadda fooliga

fiidle

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daacad

Sunday, November 05, 2000 - 08:09 am
To.IRID AAMIN
WALAAHI RAGEEDII AYAA TAHAY OO WAXAA II CADAATAY
INAAD TAHAY REER B/WEYNE WALIBA REER HIIRAN LAAKIN WAXAAN KUU SHEEGAYAA ASXAABTII INEY KALA DHUMEEN OO AY HADA QAARKOD JOOGAAN YURUB HABA U
BADNAADAN U.K LONDON COONKA IYO SHIIQALOW WAXEY
JOOGAN B/WEYNE JEEK.GRMANEY.ALIDHUUX SA.UUDI.
INBOOWE.& CUMAR MUUSE. LONDON. NOOR GUUDEY.
B/BURYE.INTA KALE MAXASUUSTO


KUBADA KOLAYGA:
WAXAA ILOOWDAY LAACIBKII REER KOOSHIN
OO AHAA ABDI FARAH TEERI,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IRID-AAMIN

Sunday, November 05, 2000 - 08:58 am
ahahahahaahaha Abdi Farah Teri & Saxardiid waxeey ahaayeen shaley lee sxb Daacad laakiin bal iiga waran aawey Abdi Farah Teeri intee buu ku danbeeyey aduunka.

Bal se adiga maad isi soo sheegtid sxb aniga waan isku kaa sheegay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daacad

Monday, November 06, 2000 - 04:22 am
to IRID AAMIN
SXP waxuu kudanbeeyay sidaa aan lasocdo
dalka ingland magaalada london

duqa haye hada maisku soo dhacnay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IRIDA-AAMIN

Tuesday, November 07, 2000 - 06:09 am
haa nin yahoow waan isku soo dhacney ee bal aan si fiican isku baranee adiga bal e-mail ii soo dir.

E-mailkeyga waa: fiiltare@yahoo.com
Marka sxb aan warkaaga helo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Beletwein

Monday, November 13, 2000 - 09:33 am
Waxaan radinayaa gabdhahii somali-yamen ahaa oo reer Beletweyne ahaa. Fadlan Ila soo Xariira.
E-mailkeyga waa DMDAAR@YAHOO.COM

mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marti

Monday, November 13, 2000 - 09:48 am
Waryaada reer B/Weyne waa idin salaamay, anigu reer B/Weyne ma ihi laakiin waxaan saxib ahayn nin reer B/Weyne ah oo la yiraahdo Cabdullahi Cali Geedi, haddii aad warkiisa haysaan fadlan ila soo socodsiiya, waxaa la iga helaa sharif88@hotmail.com

Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faduma

Saturday, November 18, 2000 - 02:53 am
haloo reer B/wayn,

aniga ma ahi gabar reer hiiraan ah laakiin waligeey waan jeclaa magaaladaa oo waxaan ahay anigu gabar reer mudug ah kuna barbaartey garoowe
waxaanan aad u jeclaa marka eey ciyaartooyda hiiraan yimaadaan mudug ama nugaal runtii cidi
ma xissabin karto sida eey dhalintaasu nooga farxin jidheen.


waxaan aad u jeclaa sida eey ilbax u ahaayeen & sida eey nooga qosil jidheen.

waxaanan nolasheyda aan iloobin karin farxadii aan qabin jidhey markaan baladwayne fasaxyada iskuulaadka aan tagin jidhey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shibis

Monday, November 20, 2000 - 12:38 am
Ala faadimooy mahaad reer baadiye aheedeen/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

B/weyn

Tuesday, November 21, 2000 - 05:18 am
To.shibis
your ediod what hel are you tolking abaot
don't interver this page agin your baster

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shibis

Thursday, November 23, 2000 - 11:37 pm
B/weyn ahahahahaah
ha faragashanin qolkaan ma adaa iga xigtid page-kaan anba aabaheey aa ku dhashtee B/weene laakiin an waxaan ku dhashtey Beexaani reer oo makiino cajiin ku lahaa B/wene ma kasee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhegax-Jibis

Wednesday, November 29, 2000 - 06:14 am
Ar reer Dhagax-Jibis Yaa aheeY???....Dhuurta agteeda?...All the waY Hareeri-ceebeed...If Ya from there? then You will know me..
A hint is " I'm the first one who brought that Area how to french-kissing " :-) some of the girls used to call me "the ladies man"..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IRIDA-AAMIN

Wednesday, November 29, 2000 - 06:46 am
ahahahahahaha loooooooooool@

>Ar yaa reer Dhagax-jabis aheeY? lol@
Dhagax-jabis ma Dhuurbuu lahaa?
Laakiin walaahi waxaad i soo xasuusiyey
geedihii Dhuurta ahaa oo ku yiil dhinaca
Beertii uu lahaa Faarah-Gacaneey
xitaa waxaan soo xasuustey markaa
dhalinyaro eey ka mid ahaayeen:
Caabdi-Kuubo,Cali Khaliif,Saciid jalbo(Caamir).

>Waryaa ma reer Dhagax-jabis baad tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 11, 2000 - 11:48 pm
Dulmi diidoow dulmi doonaan aragnee
Dulmi diidoow dulmi doon heysku noqonee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

King

Thursday, March 08, 2001 - 10:25 pm
Dhagax-jebis

Dhagax jebis Sx anigaa dhuurta degganaa ee kummaa tahay (Reer-gaaraad hufane, Reer-Xaashi Cali, Reer-C/lahi dheerow, Ree-Sh: maxamex-ture Reer-Aadan Caabbudwaaq) isu kay sheeg sx

Irid aammin

War ninyahow hadaad garaneyso Aadaney iyo Muuse-liijaan waxaa laga yaabaa inaan ku aqoonsadee kummaad ahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Irida-aamin

Saturday, March 10, 2001 - 09:47 pm
Waryaa King waan ku salaamey brother,
Xaafadaas eed soo tirisey reeraha daganaa aad ayaan u aqaan oo waxaan dhihi jirney xaafada Murusadaha & Saciidka.

Haa Aadaneey & Muuse Liijaan waan aqaan oo daganaa dhuurta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

King

Sunday, March 11, 2001 - 10:44 pm
Irid-aamin

SX waxaa hubaal ah inaan ku aqaanno waana ku faraxsanahay inaan wax reer B/weyne ah Arko ama aan Xariir la yeesho,e bal E-mail kaan igala soo xariir, Qeyr@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Som

Tuesday, March 20, 2001 - 03:19 am
Waryaa reer kooshin ahaay oo yaqaan reer Faarax-Waacaay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Saturday, March 24, 2001 - 05:23 pm
dhamaan reerb baled weyna waad salaaman tihiin eel kastoo aad joogtaan waxaana aad ujelaan lahaa in aan maqlo reer xidigta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamuud Faarax Shirwac

Friday, April 06, 2001 - 12:30 pm
Asalaamu caleykum.
War maxaa la sheegay reer beletweynow,waxaan la yaabanahay ma reer B/weyne cusub ayaa yimid magaalada mise waa carruurtii oo kortay maxaa yeelay ragga la tirinayo waxaan ka aqaan wax yar,aniga magaceygu waa (Maxamuud Faarax Shirwac,"LAALE":Obal keena warka,midna waa iga waano ha laga baqo alle'SWC' meel kasto oo la joogo,nabiga 'scw'wuxuu xadiis ku yir(itaqi laaha xeysumaa kuntum wadbicu sayi'ato xasanatu tamxuhaa wa khaaliqu naasa khuliqu xasana) wasalaamu caleykum.