    Weriye | Unrecorded Date Salaan to you all Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa kala qab galay dadweyanaha magaalada Hargeysa xuskii maalinta weyn ee 18 May oo ku beegnayd markii Somaliland ay soo ceshadeen sharaftoodii iyo Karaamadoodii. Xaflado kuwaan la mid ah ayaa ka dhacay dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka waddanku ka kooban yahay. Waxa si xamaasad leh looga dabaalgedey Saylac, Borama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, LaasCiidle, Sheekh, Burco, Caynaba, Ceel Afweyn, Ceerigaabo iyo dhamaan dalka intiisa kaleba. Fagaarihii Madaxweynuhu Salaanta ku qaadanayey waxa isugu soo baxay dad Boqollaal kun. Madaxweynuhu wuxuu halkaa salaan iyo damaashaad kaga qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ku gaadhnaa dhar iyo ubaxyo kala kaan ah oo bilay quruxdii goobta iyo magaaladaba. Xafladaas waxa ka soo qayb galay ajaaniib iyo madaxda Labada Gole iyo Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee qaranka. Madaxweynuhu wuxuu Salaan ka qaatay Ciidamada Asluubta, boliiska, iyo Ciidanka difaaca Qaranka. Ciidamada Qaranka ee goobta maray waxay gaadhayeen Illaa 5 kun ayadoo ay ka muuqatay shucuur wadaninimo iyo u diyaar ahaanshaha difaaca qaranka. Ciidamadaas oo illaa 30 Cutub ka badnaa waxay isugu jireen ciidamada lugta iyo ciidamada komaandooska ah ee Cadawga dhuunjara. Waxa kale oo halkaa lagu soo bandhigay hub lixaad leh ayadoo morale-ka ciidanku uu cirka isku shareerayey. Ciidamada qaranaka, asluubta, iyo boliiskuba waxay gaadhayaan illaa 20 kun ayagoo ah ciidamada ugu mushahar iyo daryeel badan qaaradda Africa. Ciidamada mushaharkoodu wuxu u dhaxeeyaa 200- 300 iyo raashin ayadoo taasi suuragelisay in aysan ka werwerin eheladooda ee ay xoogga saaraan shaqada ay u hayaan Qaranka Somaliland. Dhoolla tuskani oo ka duwanaa kuwii hore wuxu u muuqday in Jabouti lagu tusayey cududda qaranka, sidoo kalena ya digniin u tahay Canaasiirta Qaran dumiska ah ee Tuulooyinka qaar kaga sheekeeya inay diiddan yihiin Somaliland. Degmada Gebilley oo ayana uu ka dhacay Dhoollatus kaa la mid ahi waxa Guddoomiyaha degmadaasi ku borriyey inay Ammaanka dhawraan oo aan Walaalahooda Samaroon cadaawuhu isku dirin. Dadka Samaroonta oo qayb weyn ka ah Qaranka Somaliland waxa ay wada dhasheen Qabiilooyinka kale ee Woqooyiga dega ayadoo Gobolka Sanaag ay labadii Sheekh ee dadkaasi ka soo tafiirmay isku meel ku aasan yihiin taasoo sii xoojinaysa Walaalnimada dhabta ah ee Dadyowgaas. Madaxweyne Cigaal oo ka hadlay halkaas wuxuu ka hadlay khilaafka jabouti iyo Somaliland iyo Shirka dib u heshiisiinta ee soomalida uga socda Carta. Isagoo ka hadlaya Jabouti waxa uu yidhi madaxweynuhu; - Jabouti waxay la mid tahay Kaneecadii damacday inay Maroodiga ka kor duusho ee Maroodigii ku tidhi "Waan kaa kor duulayaa ee ha liicin". Wuxuu kaloo ka hadlay booqashada ay damacsan yihiin Duqeyda Somaliyeed ee Carta ku shirsani ugu soo kcitimayaan Somaliland isagoo yidhi. -Walaalahayo waan soo dhaweynaynaa wayna imaan karaan wadankayaga. Laakiin marka ay arkaan Xaqiiqda ka jirta Somaliland ee aannu u xog warranno waxaa laga yaabaa inaanay Jaboutiba dib ugu noqon. Waxaa ugu xiisa badnaa Damaashaadka ay Haweenka, hooyooyinka, ardayda, shaqaalaha,xoogsatada, aqoonyahanada, qaybaha kala duwan ee Ciidamadu ku mareen halkaas taasoo socotey muddo 3.5 Saacadood ah. Waxaa munaasabadaa goobo badan ka duubay Televisionka madaxa bannaan ee hargeysa waxaadna ka heli kartaan goobaha Videos-ka lagu iibiyo ee Canada, US, iyo Europe. Weriye Madax Bannaaaan |
    qarxiye | Unrecorded Date waaryaa wiil khataraad tahay waar bal halkaas kasii wad sidaad noola socodsiineyso warkaa xiisaha leh nabadgelyo great gentelman |
    dhuux | Unrecorded Date to Wariye wariye waxaan filayaa inaad tahay wariye uhadla dowlada Cigaal hadaba su'aalahan wariyow aan kuwaydiiyey jowaab iigu doon. qoralaalkaadii : Fagaarihii Madaxweynuhu Salaanta ku qaadanayey waxa isugu soo baxay dad Boqollaal kun. suaal: how? fagaara intaa la eg miyaa hargaysa kuyaal( more than 100,000)? qoralaalkaadii: Ciidamada qaranaka, asluubta, iyo boliiskuba waxay gaadhayaan illaa 20 kun. suaal: waa imisa mushahar cidaankaa? imisa ayuu kayahay badjadka jamuuriyada hadii loo bar bar dhigo waxbarashada? ileehee oogu waa wayn ee jamhuuriyadu wax kasoo galaan? Dakada oo kaliya kuma filna ciidanka aad sheegtay wariyow. suaal: diidmada Cigaal uu diiday Jabouti maxay ooga duwan tahay diidmada qabqab layaasha kale sida Caydiid iyo caato? kuligood maslaxo shaqsiyeed oogu majirto shirkaa. qoraalkaadii: Waxaa ugu xiisa badnaa Damaashaadka ay Haweenka, hooyooyinka, ardayda, shaqaalaha,xoogsatada, aqoonyahanada, qaybaha kala duwan ee Ciidamadu ku mareen halkaas taasoo socotey muddo 3.5 Saacadood ah. suaal: Tan soo ma aha cashar macalinka wayn Siyaad Bare afkii un baa diidaye? diktootar tuur diktoorna saar taa ma siyaasaa? midaan kaqaylin jirnay soo ma ahayn hooyoyinkii oo orteeshan la iskugu geyay caruutiina cidla looga tagay? |
    Weriye | Unrecorded Date Salaan To you all Walaalayaal waad mahadsan tihiin. Qarxiye Waxad tahay mujaahid ee derejadaa ku shaqayso oo ka war hay dalkaagii hooyo una qabo wixii awooddaadu tahay, cidna ha ku hallayn. To DHUUX. Waa lagu salaamay horta. Marka labaad waxan kaaga mahadcelinayaa sida asluubta leh ee aad wax ii soo weydiisey. Inkastoo aad Warkayga durtay haddana lama illaawi karo sida miyirka leh ee aad fikradaada u dhiibatay. Suaalahaagii aan ka jawaabo. 1. Waxad i weydiisey; how? fagaara intaa la eg miyaa hargaysa kuyaal( more than 100,000)? Jawaab. Fagaalaraal waaweyn waa leedahay magaalada Hargeysa laakiin kan aan ka hadlayey waxa dadka isu soo baxay iyo kuwa khudbada dhegeysanayey taxnaayeen illaa dhawr mile ayadoo Samaacadaha warka baahiyaa ay dhismayaasha iyo dhirta korkooda ka lusheen. Dadku wuxuu is daba taxnaa illaa meesha socodka damaashaadku ka soo bilaabmay illaa meeshuu ku dhammaaday. War baahiyayaashaas ka sokow waxa LIVE dadku khudbada uga daawanayeen TV-ga Hargeysa oo soo duway khudbada oo dadkii aan smaacaduhu gaadhayn Screenno waaweyn debedaha u dhigay si ay ula socdaan Khudbaddaa qaayaha leh. 2.Waxad i weydiisey; waa imisa mushahar cidaankaa? imisa ayuu kayahay badjadka jamuuriyada hadii loo bar bar dhigo waxbarashada? ileehee oogu waa wayn ee jamhuuriyadu wax kasoo galaan? Jawaab; Mushaharka ciidankaasi waa mid aad u badan sida aan sheegay isla markaana wuxu qayb weyn ka yahay Budget-ka dawladda (%ma hayo laakiin it is high). Sababaha ugu waaweyn ee ciidanka loo marxabbaysiiyey waa a. Inay Difaacaan dalkooda. Nin baahani wax ma difaaci karo b. In baahidooda la sugo si aanay ugu bahaloobin dadka illeen ciidan waan naqaannaaye. c. In ay noqotay arrin xal u noqotay ururinta hubka iyo baabinta dadka fallaagooba ee hubkooda magaaloyinkooda la meeraysta iyadoo nin walba qorigiisii keenay si Qaranku uga nabad galo. d. Arrintani inkastoo Dawlada maal uga baxo hadana waxay baajisay Colaad sokeeye iyo Budhcadnimo aan loo aabayeelayn sida South-ka ka jirta. Marka ha la yaabin Malaayiinka Dollar ee ku baxa ee eeg wanaagga iyo kala danabaynta ka dhalatay. e. Ilaha dhaqaalaha ee dalku waa badan yihiin oo inkastoo aanu weriyuhu u kuurgelin haddana waddanka Dhaqaalihiisu waxay ku xidhan tahay - Xoolaha nool - Hargaha iyo saamaha - Cashuurta Dekedaha - Cashuurta Dawliga ah ee kale - Beeraha - Beeyada oo hadda Dawladdu ku talo jirto hirgelinta mashruuc lagu shaqaalaysiinayo illaa 70,000 oo qof. 3. Waxad i weydiisey; diidmada Cigaal uu diiday Jabouti maxay ooga duwan tahay diidmada qabqab layaasha kale sida Caydiid iyo caato? Jawaab; Way ka duwan tahay oo Somaliland waatii ku nabadday Burco iyo Borama. Uunkana wixii is dilaa horta la nabadeeyaa. Nabadu ayadaa Dawladnimada keenta ee mar ma wada yimaaddaan. Marka Cigaal wuxu lee yahay horta soo Nabda ka dibna aan Dawlad iyo Siyaasad ka hadalno. Shirka nabadaynta dan soomalinimo, dadnimo, islaannimo ayaa ugu jirta Somaliland laakiin annagu isma dagaalaynee heshiis baanu nahay nabadna waa ku wada nool yihiin dadkayagu ee maxaan ka doonnaa Jabouti; Dawladda jabouti wxay samaynaysaa waan ku raacsanahay laakiin yay annaga nagula soo galgalan haddii shirku Fail garoobo. Annagu Walaalahayo soomaliyeed waanu jecel nahay siiba kuwa aan wax noo geysan ee dulmanaa welina qaarkood dulman yihiin laakiin Hog layga qaniinay Ku sii hiradkiisa Inaan ka hagaagoo Ka haarri idhaahdo ayaa ka hagaagsan. Our Motto is "SOO NABDA OO XUKUN SOO DHISTA KA DIBNA ISU KEEN KEENA SOOMALIYEEY" 4.Last but not least waxay i weydiisey Tan soo ma aha cashar macalinka wayn Siyaad Bare afkii un baa diidaye? diktootar tuur diktoorna saar taa ma siyaasaa? Jawaab; Waa runtaa in aan Dictator mid kale lagu bedelin laakiin - Cigaal maahan Diktatoor inkastoo aanu perfect ahayn - Dadka Boqollaaalka kun ah ee isu soo baxay ma ahayn kuwo qasab lagu soo kaxeeyey ee waa kuwo yididiilo iyo shucuur wadaninimo meesha keentay. Afweyne iyo habrihii u sacabbin jirey arrinkani ka weyn oo Cigaal wuxu ku socdaa Waadiiqada dadku weydiisteen taas ayuuna ku hoggaamiyaa dalka. Raalli ahaw haddaan ku dheeraaday laakiin waxan kugula talinayaa inaad Videogaas daawato indhahaaga oo shan ah. Hadaad sidaa yeesho adaa qiraya inay meeshaas ahayd Million men/women march. Nabadeey Weriye Madax Bannaan ( Madax bannaan bidaar ha moodin ee waa independent) |
    Faysal | Unrecorded Date It is disgusting habka uu nink qoraalkan bilaabay u fakarayo, waayo waa fakar aragti gaaban ku salaysan oo soomali badankeed ay qabto in nin walba intuu buqcad yar goosto yiraahdo anaa iska leh oo dawlad baan ahay, waxaa la yaab leh in lagu wada fakarayo habkii dalkeenu ku burburay dariiqiisii in uu qof walba sameeyo. Maalin dhowayd waxaan daawaday cajal laga soo duubay Bosaaso, oo loogu dabaal dagayo maalinkii lagu dhawaaqay jamhuuruyada Puntland, waxaan ka naxay madax isku sheego boorka ay dhexa fadhiyeen, iyaga oo oo matalaya in ay tarebuunka fadhiyaan, haweenkooda inta meel gaar ah la fadhiisiiyey, sidii iyagoo VIP ah, marka arrintan aad sheegtay kama duwana shirinta iyo fagaaro marka ka dhaca Muqdisho ee loo maro ama Caydiid ama Cali Mahdi. Ugu dambayn Somalidu waa mid mana kala goi karto, ee riyada beenta ka soo noqda, wakhti umbaad naga luminaysaanee. I wish all the best for the people of Somaliland, Puntland, Hiiraanland,Benadirland, Jubbaland etc. Faysal |
    Xayraan | Unrecorded Date Faysal Waaryaadha kala quusanaye qoomamo la'aada. Somaliland markay dib u qabsatay dalkeeda waxa la gudboonayd laba arrimood 1. Inay sameeyaan Revenge oo dadka dalka iyo dadkaba gubey waa la yaqaanne Doorood ciidan la gesho oo afarta tuulo laga soo gubo. Arrintani sida Xamarba ka cad wax xal ah oo aan burbur iyo Baaba'a ahayn kuma danabayseen oo dadka xalaasha ah ee reer Somaliland waxay goosteen in aysan wixii loo geystey dib u naqtiimin oo cid kale u huwin. 2. Ina Ay Jamhuuriyaddu gooni isu taagto soona ceshato milgaheedii iyo sharafteedii ayadoo ka taxadaraysa in wixii dhacay aysan dib u dhicin. Mar I dage Alla ha dago, Laba jeer i dagese anaa is dagay. Haddii xiiso kuu hayo Somalinimo ma aadan burburiseen. Haddii soomali jacayl ku hayo qudhunkan uma horseeddeen dalka iyo dadkaba laakiin ceebtaa maaha oo waa caadadaa oo horaa loo yidhi. Doorood inuu daar dunsho mooyee Daar ma dhiso. Meel aad joogtaan uf. Haddii dalkiinna aad goosanaysaan Soomali abaal bay ku qabtoo ee goosta. Tan Aad tiri Cabdullahi yuusuf ayaan daawaday waa Majeerte iyo caadadiis oo Illeen meel isma taagi karee Annagay na yu'anayaan oo isleeyihiin ka dhabqiya Dawladnimadooda laakiin waanu ka shishaynaa oo ka sokaynaa cid aan ayaga ahaynna khiyaamayn maayaan. Soomaliland Guul. Weligey ma arag naag la furay oo leh Dalqad kuma furmo. Hadday sidaas tahay Saddex baan furay somalia ee meherkiinnu imisuu ahaa Yaa ciyaala kudaaf...Doorood ma maqli karo, bax tag , wejigayga ka dhaqaaq. Ma maantay u darnayd oo Doorood Soomalinimo ka hadlayaa. Ma ayagaa yaqaan QARAN wuxuu yahayba saa waa kuwa waxaan ogaa sameeyey ee maryihii iskaga xaaray illeen waa waxaan meher lagu dhalinoo Caddaalad ma yaqaannaane. Hawwiye, Rahanweyn, Dir, Jareer, Xamari, Shiikhaal, Jiido, Ajuuraan, Midgo, Yibro...iyo qabiilooyinka kale ee Xalaasha ah ha igala doodaan soomalinimo ee Doorood muxuu ka garan. |
    Faysal | Unrecorded Date Xayraan Magacaaga ayaa muujinaya in aadan qof caadi ah ahayn, miskiin talo u baahan ayaa tahay ee treatment raadso, bal waxa aad qortay adigu dib u akhri oo is xukun. Waxaase la yaab leh sabata aad darod iigu malaysay, waayo anigu mawqif dad badan oo somaliyeed oo qabiil walba leh ay aaminsanyihiin baan ayaan qeexay. Dhibka somaliya ka dhacay cid walba wuu saamayey, mid uu ku horeeyay iyo mid uu ku dambeeyay, qabiil isagu sabab kaligii u ahaana ma jiro, dadkii xukunkaas ka qayb qaatay oo janano ciidan leh, NSS leh, wasiiro leh ayaa meel walba ordaya including somaliland. Hadaba talo iga qaado, qabiil wax ku yeelay ma jiree, caqligaaga ayaa wax ku yeelay ee dib isugu noqo. Faysal |
    Realist | Friday, July 07, 2000 - 06:34 am The ideas most supporters of Qabiil dreamland are spousing are clan supremist,sectarian and divisive at best,and racist,exclusionary,and fascist at worst.Most of the advocates of the so-called Somaliland are from the Isaak clan.Their idea of state is a single clan dominated,undemocratic,unpluristic fiefdom,where human rights,freedom of expression,dissent,assembly are all forbidden as is the case in the self-styled Somaliland.Hallo! dreamers,this kind of an entity can not work anywhere in the world in this day and age.Stop wasting your time on an realistic and unsustainable adventures. |
    boorame | Thursday, August 24, 2000 - 01:37 am waa riyaanaysaan, isaakland wa a hargeysa iyo agagaaaraheeda,, awdal sanaag , bariga togdheer, iyo sool waa qaybo ka mid ah our beloved somalia long live somalia,, dead to so call somaliland ore isaakland |
    xildiid | Friday, August 25, 2000 - 12:57 am ku dadka wax magaradka ah sida xeyraan boorame iyo feysal waar xishooda oo iska dhaafa qabyaalada 8DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE) waxaa sisharfleh u hadlay ragga isku wareystay qaybta hore ee doodan waxaan idinkula talinlahaa inaad ka barataan sida loo hadlo waa weriye madaxbanaan iyo dhuux. |
    WARDOON | Wednesday, November 22, 2000 - 01:52 am WAXA SHARAF IYO MAHADBA MUDAN MR WERIYE WAXAANAN AAD UGU FARAXSANAHAY SIDA CODKARNIMADA,AQOONTA,CILMIGAIYO WAAYO ARAGNIMADA LEH EE AAD NOO SOO GAAR SIISAY WARARKA XAQIIDAA IYO SIDA ASLUUBTA LEH EE AAD UGA JAWAABTAY SU AALIHII LAGU WEYDIIYAY WAXAANAN KUGU BARAARUJINAYAA AMA AANU KAA CODSANAYNAA IN AAD SIDAA HAGARLA,AANTA AH NOOLA SOCODSIISO WARARKA IYO XAQIIQDA WADANKA KA JIRTA AADNA WAAD UMAHADSAN TAHAY |