Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: North America: More Discussions: Somali Community Association of Chicago.(SCAC). Ururka Isu-tagga Bulshada Soomaaliyeed ee Chicago.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Friday, July 07, 2000 - 12:19 pm
Sida magacaba ku cad Ururka Bulshadda isu tagga soomaaliyeed ee Chicago, waxaa la asasay sanadku markuu ahaa 1993dii. Ururkaas oo intuu uu soo jirey qabtey, waxyaabo danaha soomaalida khuseeya dabooleyna baahi badan oo bulshadeed ee ay soomaalida Chicago joogta haysay,hadana si daacad ah ugu adeega bulshada ayaa waxaa dhowaan la qaban doonaa sanag guurada 7aad ee uruka, waxaan ugu hambelyeynayaa soomaalida ku lug leh fulinta hawlahaas guul iyo horumar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabarsoomaaliyeed

Thursday, July 20, 2000 - 07:22 am
Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo sand ka hor soo gashay wadanka mareykanka, waxaan aad iyo uga helay sida ay ii caawisey Somali Community Association of Chicago, walaalayaal sii wada howlaha aad waddaan cidda u soo baahata ee anigoo kale ah, ayuunbaa fahmi karta, muhimadda caawimaadiinna. Keep up the good Work

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marti

Thursday, July 20, 2000 - 07:24 am
Walaalayaal , waxaan rabaa in aan helo TElSomali Community iyo Ciwaanka, waayo dhowaanbaan rabaa in aan immaado Chicago,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdikarin

Thursday, July 20, 2000 - 07:28 am
Waxaan Chicago Joogay summer -kii kal hore, waxaan ka qayb qaatey , Picnic ay diyaarisey Somali Community Association of Chicago, Inkasoo soomaalidu iska yar tahay , haddana wallaahi hawl cajiib ah ayaad qabateen, Waxaan xasuustaa qaban qaabiyaasha oo ah dhallin yarda Chicag gaar ahaan nin ma daala ah oo aan bartey magaciisana la yiraahdo Jeylani. iyo waliba odey soomaaliyeed oo la yiraahdo Xaaji Xuseen.
Mahadsanidiin.