Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Netherlands: Netherlands: Somalida Holland Hurdada ka kaca
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xayd

Friday, July 14, 2000 - 11:58 am
Ha u qaadanina inaa cay iyo ceebeyn u jeedo ee waxay iga tahay gobaabin iyo canaan waalid ama walaaltinimo haddii aynu nahay dadka Somalida ah ee Hollan degan ,si aad ah ayaynu dib ugu dhacsan nahay mar la inoo eego jaaliyada kale ee Soomaalida qurbaha, waxa inala gudboon ayay aniga ila tahay , in inta ay goori goor tahay aynu hurdada ka kacno oo aynu bal in uun baraarugno dibna isku abaabulno sidii aynu daneheenii badnaa ee lumay u radsan lahayn waxana taa inagaga sii daran khataraha dhinacyada dhaqanka iyo diinta saaameeya ee inagu soo fool lehleh, sidaa darteed ciddii fikradaa ila qabtaa ha soo hadasho si la isku kaashado.
Mr.Xayd Breda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

chief

Sunday, August 06, 2000 - 09:59 am
Walaal Xayd,

Aniga ayaa fikradaa kula qaba. Su'aashu waxay tahay: Halkee baa laga bilaabayaa?

Chief from Den Haag

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xayd

Friday, September 08, 2000 - 10:34 am
Waad salaaman tahay Mr. chief raali iga noqo haddii aan jawaabtii la daahay fasax ayaan ku maqnaa, hadii aan u soo noqdo su'aashaadii ahayd xagee wax laga bilaabaa ? runtii ma fududa marka la eego xaalada lagu sugan yahay, hase ahaate wixii daacad laga yahay guul ayuum baa laga gaadhaa waxay aniga ila tahay, in marka hore aynu soo aruuriyo wixii shaqooyin ahaa ee amuurtan ku saabsan ee la soo qabtay iyo waay-aragnimadii la heley, waxa haboon in marka aynu qaadano fikrada guud ee arintan oo ah wax-wada-qabsiga somalida Holland ay ka qabto, waxaanan jecelahay in kulankeena dambe aynu la nimaadno horu-mar dhanka fikirka ah
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 01, 2000 - 02:48 pm
saaxib shan maalin aan qolka isku xira wana horda daka magaleyda wa dadxun