Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Asia: Pakistan: Saffaarad qabiil ku biyo shubatay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmed kadiye daahir

Sunday, July 16, 2000 - 05:23 am
aniga oo ah nin soomaaliyeed oo ku nool waddan pakistan , muddo badan, waxaan jeclaan lahaa inaan dadka tusso ama ku war galiyo dhaqqanka xun , ee saffaarad isku sheegga soomaalida ee ay labada nin ka taliyaan , ee ku taalla islmabad .
saffiirka oo ah nin habargidir , sacad ka si ah iyo qunsulka oo marreexaan darteed , ayaa saffaradda siidadka la siiyo ay u qayb sadeen labadaas qolo .
saffaraddu waxay bixisaa 10 seat ka badan sanadkii oo laga helo dowladda pakistan .
seedadku waxay iskugu jiraan medicine , engineering , dental iyo pharmacy oo dhammaantoodba ka tirsan qeybta cilmiga.
hadaba awal waxay ahaydba sanadahaan danbe , waxaa qaybsatta labadaas qolo , ee marreexaanka iyo habaragidirta , soomaali inteeda kalena waxaa lugu yiri badda ka cabba .
lama yaabani oo soomaaliyu qabyaalad ayay iskugu hartay , waxa l dagayna ay ayadu tahay , laakiin inay heerkaan gaarayso uma haysanin , hana ogaadaan labadaas nin in barrito lala xisaabtami doono , oo magacna ka haro dono .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Wednesday, July 19, 2000 - 05:15 am
Lee Axmad walaalkiis adi waa danbaysaaye - taasi caadi waaye nooh. Waxaanba uhaystay in aad wax weyn sheegi doontid.

Labadaas nin waa shaqsiyaad, marka fadlan ka gaabso in aad wada raaciso qabiiladooda oodhan.

kuwaas waxaan ugu yeeri karnaa calooshooda ushaqaystayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustaf

Sunday, July 23, 2000 - 12:12 pm
Haddiiba meeshan ayaan galay, waxaan u maleynayay in aad wax anfac leh taalo
balse waxay noqotay 'lamood noqonse weyday'

Ninyahoow waxaa fiicnaan lahayd in aad magacyadooda qortid oo kaliya oo isaga hartid qabiilkooda.

Waxaad u muuqataa nin qabiili ah. Habar Gedir & Mareexaan oo dhan waxba kuuma dhimin ee calool qaad ha usuubinin.

Nimankaasi aad ka dacwoneysid, waxaa laga yaabaa in aay la midyihiin kuwa badan oo safaaradaha jooga.

marka ragaasi u xanaaq ee colaad ha u qaadin walaalahaa kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, July 26, 2000 - 09:41 pm
I'm very sorry to say that i'm disapointed of the fact that most of the somalis in Pakistan are narrow minded. Look at your discusion topics!!!!, this reflects of how narrow minded you are, and it also reflects of the society with which you interact. Look what the other somali communities write and compare them with what you Pakis write!!! :( wake up, wake up.