Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Norway: ARIMO KU SAABSAN GUDNIINKA HABLAHA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

New generation

Saturday, October 07, 2000 - 09:49 am
anagoo ah gabdha ku nool wadanka Norwey waxaan rabnaa inaa wax ka dhahno arintii ku saabsanayd gudniinka gabdhaha oo laga sameeyey barnaamijkii
uu TV-2 soo daayey.
Dadka badankood waa ka soo horjeesteen arinta ay gabadha ku dhaqaaqday,laakiin ma isweydiiseen sababta ay imaamadii gabdhaa la kulmay ugu waaniyeen inay gabadha isa soo gudo oo ay raacdo talada waalidkeed.
maxay marnaba u soo qaadi waayeen inay diinta islamka ka soo horjeedo gudniinka fircooniga.
mase waxay idinla tahay in hadii ay waalidkaa wax dhibaato kuu geysanaya ama kaa dheeraynaya islaanimada inaadan ku gacan seeri karin?
waxaa iswediin leh maxay wadaadadii gabadhaa la kulmay marnaba ugu fekeri waayeen inay gabadha waalidkeed la kulmaan si ay uga dhaadhiciyaan inay waxa ay gabadhooda kula kacayaan ay xaq daro tahay oo ayna diinta islaamka khilaafsan tahay.
waxaa wanaagsanaan lahayd in muxaadrooyinka lagu soo qaato arintaan oo looga digo waalidiinta caruurtooda u kaxaynaya wadanka debediisa si ay usoo gudaan.
loo sheego in ay diinta islaamka aysan farayn laakiin ay tahay dhaqan nooga yimi faraaciyiintii.
waxaa naxdin nagu noqotay in aya dadkii wadaadada ahaa oo arintaa wax ka qaban lahaa ay ka aamusayaan oo ayagii ay leeyihiin waan soo gudyanaa gabdheheena

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Eindhoven s.-d,,,,abd -----l----d

Wednesday, October 11, 2000 - 08:07 am
abaayo arintas waxeey qusees dumarka marka hore waa in dumarka ay moqif ka taganyihin isku mid ah oo halka an jogo dumarka ayaa isku heys tan ,oo aniga fikraded gadal ayaa ka dhibanaya