Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Health - Caafimaadka: QURUXLAY AYAAN DOONAYAA OO NOQOTA OORIDAYDA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUHANI

Tuesday, February 27, 2001 - 05:02 am
INBADAN AYAAN ISKU DAYAY INAAN RAADIYO QURUXLAY BALSE HADII AAD TAHAY GADADH AAD UQURX BADAN MIDABKEEDU UU YAHAY CASAAN TIMO HALDHAALAY DHERER IYO LAXAAD ILAAHAY UDHIIBAY OO KUB IYO KAL BA ISKU JOOGTA FADLAN ILA SOO XIDHIIDH,,.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habar Isniino

Saturday, March 03, 2001 - 08:54 am
Muhani

Maandhoow haddii ummaddiikale aad live ku heli weyday, ma anaa (cyberwoman) naf iga soo dayday, balse wax walba ha iska ahaatee haddaad uun tahay mid aan uskag badneeyn, aan jirooyin culculus qabin, maskaxdana looga jirin, maandhow kolkaas waa isbiyo-biyeeysan karnaa.

Xoogaa warbixin ah oo backgrounkeyga ku saabsan aan ku siiyo: da'deeydu waan ku dambaabayaa haddaan ku dhaho waan aqaanaa, maxaa yeelay hooyadeey baadiyo geed hoostiis ah beey igu dhashay, balse waxaad ka qiyaasi kartaa intaan jiro maxaa yeelay markii xornimadda la qaadanayay shan cunug ayaan lahaa garoobna waan ahaa.
Teeda kale waxaan tummi aqaan mingiska iyo booranaha oo haddaad bari ka maalin u baahatid waan kaa qiiqinayaa.

Jirkeeyga intiisa kale waa is-haystaa aan ka aheyn afarta ilkood ee hore ayaa iga maqan, ookiyaalo 5+ ahna waaan xirtaa, xoogaa arthritis ah ayaan faraha ku leeyahay. Cabirkeeygana waa waxwalba unisize iskudeys.

Kolka maandhow bal waxaad iskuqarqarineeyso oo aadan waxba iska sheegin ayaanba la yaabanahay, ma madax siisow baad leedahay, mise weershe ayaad tahay, mise Downs Syndrome ayaad qabtaa, bal waa lagaa yaabaye is cadee.

Habar Isniino