Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Health - Caafimaadka: Dhibaatada cudurada ka yimaada marka l aisu tago gaar ahaan HIV/AIDS --ka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismael

Unrecorded Date
Ilaaha ina dhigay Ummad muslima ayaa mahad balaaran leh, waxaa kaloo mahad leh waalidiinteena iyo macalimiinteenii ina bartay aqlaagda wanaagsan. Waxaa sideetameeyadii la helay cudur cusub oo dilla jirka awooda uu cudurada uga hor tago cudurkaas oo lagu magacaabay HIV wuxuuna keenaa AIDSka. Cudurka waxaa waagiisa hore lagu arkay dadka jinsigooda oo kale u taga (qaniisyada) toban sano ka dibna waxaa lagu arkay dadka caadiga ah. Cudurkan asalkiisa wali lama oga hase ahaatee waxaa horaantiisa lagu arkay wadamada Galbeedka. Nasiib daro Africa ayuu aad iyo aad u hayaa wuxuuna si dhibaato ku sii hayaa caruurta. Inkastoo cudurkani aan wali Soomaliya in badan loogu arag haddana wadama la deriska ah ayuu aad iyo aad faro ugu hayaa. Kenya, Ethiopia. Maadaama ay dagaalo sokeeye dhaceen oo dumar abadan loo xad gudbay wali loo xadgudbo soo uma maleyneysaan iney waxaas jiraan oo aan wali laga war qabin. Cudurkani waxaa gudbiya marka xadadka uu ilaah ina mamnuucay la gudbo marka aan ku baraarujino caruurteena ineey is dhowraan. Dhalinyarada ku adkeysatana iney waxaas sameeyaan in ay is xushmeeyaan. Raali iga ahaada hadii ay fariinteydu dheeraatay.

Soo barya