Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Islaannimada maloo dhashaa? mise waa lagalaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baadigoob

Sunday, October 29, 2000 - 07:51 pm
Baryahan dambe waxaa wareer weyn ka yimid definitionka islaannimada, yaa ii fassiri kara waxa lagu noqdo muslim(minimum requirements) waxa looga baxo( border line).
Waxaan fallo iyo waxaan dhahno ma naga saarikaraan islaannimada? Ereyga tawxiidka ee lagu soo galo diinta ma nagu filan yahay inaan ugu jirno diinta haddii wixii kale oo dhan aan ka tagno? niyad wanaagsan ma nagu filan tahay haddii ay ka muuqan waxaan sameynno?

Waxaan aad ugu mahadinayaa qofkii iisoo jawaaba, iyo kuwa suurogaliyey FORUMkaan SomaliNet

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAGAAFE YARE

Monday, October 30, 2000 - 03:25 pm
walaal islaamnimada waa loo dhashaa sababtoo ah marka uu cunugu ama ilmuhu dhasho outomatically waa muslim kadib markii uu qaan gaaro oo uu 15 sano iyo lix iyo toban sano gaaro ayuu noqdaa muslim ama gaal hadba siduu ku koro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baadigoob

Monday, October 30, 2000 - 07:40 pm
HAGAAFEYARE, waad mahadsantahay, laakiin suaasha ma ahayn MALAGUDHASHAA ee waxey aheyd MALOODHASHAA waxaan filayaa in ay kala duwan yihiin, saasoo kale jawaabtooda waa iney kala duwanaadaan.
Ma loo dhashaa macneheedu waa ma jinsiyad baa? mise waa wax markuu qofku masuul noqdo uu doorto dariiquu mari lahaa?
Waan kugu raacsanahay in lagu dhasho, qofwalbana uu ku dhasho, haseyeeshee, markii la qaan gaaro ma jiraan xuduud cad oo soohdin u sameyneysa ku jiridda ama ka bixidda diinta islaamka.
Sababta aan su'aashaan u soo bandhigay waxaa waaye in aan ogaanno meeshaan taagannahay si aan u dooranno meeshaan usoconno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 31, 2000 - 11:51 am
fron laila
walaale islaamnimadu maaha jinsiyad ee waa
mid ku ah waajib qofkasta oo waxgarad ah
yacni dhamaystiran waxaana looga baxaa shuruudo
badan ee tawxiidkood kudhawaaqdaana waa waxa
daahirka ah waxa kuu qarsoona alle ayaa kugula
xisaabtami kadib tawxiidka waxaa jira laba wado
oo midna usocoto jahanama midna aljanah
waxaana lagumutaa acmaasha kaladuwan
amatawxiid sheego ama hasheegan marka allaha kugu
duwo inaad raadiso labadaas wado,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Tuesday, October 31, 2000 - 01:00 pm
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

DIINTA ISLAAMKA waxaa leh oo ballan qaaday daryeelkeeda Eebihii Boqorka Ahaa Ee Isaga Mooyee Uusan jirin xaq wax lagu caabudo.

MUSLIM waa qof qaatay wadadii Ilaahay ee toosnayd Qirayna Ilaahay In Uu Yahay Keli Aan Wehel iyo Shirko Lahayn.

Ilaahay wuxuu awlaaddii Nebi Aadam Calayhi Wacalaa Nebiyunaa As-Salaam oo dhabarka aabahood ku jira ka saxiixay in Isaga Mooyee Uusan Jirin Ilaah Kale. Sidaas baa dhashii Nebi Aadam qireen iyagoon weli dhalan.

Hadaba markuu ilmuhu dhasho wuxuu dunida yimaadaa isagoo qoorta ay ugu jirtaa ballankaa adag.

Haddan Boqorkii Na Abuuray Wuxuu na siiyay ikhtiyaar aan ku kala doorano in aan fulino oo aan oofino ballankaan galnay iyo in aan luuq luuqyada marnoo shaydaan shaaha la cabno Ilaahay Ha Naga Koriyee.

Soomaaliduna waxay tiraahdaa baa la yiri "fiqi tolkii kama jano tago" oo ah qofku wuxuu la dhaqan yahay hadba cidda uu la nool yahay haddii aan Ilaahay U Naxariisan.

Ogowna qofkii Ilaahay Hanuuninayo cid habaabin kartaa ma jirto, qodkii Ilaahay Lunshana cid hanuunin kartaa ma jirto. Ilaahayow Jidkaaga toosan nagu hagaaji.

Muslimku wuxuu galaa heshiis adag oo qodobakiisa koowaad yahay in uu qiro in Ilaahay Mooyee Uusan jirin Ilaah Kale, Maxamedna Calayhi Salaatu WasSalaam yahay Rasuulkii iyo Nebigii Ilaahay.

Qodobka labaad: Salaadda oo la oogo
Qodobka saddexaad: Soonka oo bisha Ramadan la soomo.
Qodobka Afraad: Sakada oo laga baxsho xoolaha iyo hantida qofkii haysta.
Qodobka Shanaad: Xajka oo la aado qofkii awooda.

Niyadduna waa hawl oo dhan asalkeeda siduu Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaam noo sheegay.

Qofkii ashahaata oo qira tawxiidka waa in uu naftiisa, maalkiisa iyo xilihiisa u nabad galo. Xisaabna isaga iyo Ilaahay bay ka dhaxaysaa.

Ogowna waxaa la yiri Ilaahay Wuu Awoodaa Mase Yeelo:

Ilaahayow Ciibaadaysan mayo ee ha i cadaabin.
Ilaahayow guursan mayo ee ha gablamin.
Ilaahayow camal fali mayo ee ha i cayreen.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baadigoob

Wednesday, November 01, 2000 - 12:37 am
Walaal Layla
Walaal "WALAALKIIN"

waad mahadsantihiin, sida fiican ood iigu jawaabteen, waxaa ii haray suaalo kale.
Soo geliddii Islaamka waan isla garannay iney tahay laba mar, mar waa markaan ballanta ka qaadnay Rabbi oon qirannay inuu rabbigeenna yahay, mar labaadna waa marka ifka naloo soo bixiyey oon ikhtiyaarkeenna Rabbigeenna ku dooraneyno.
Suaashu waxaa weeye, Salaadda wexey leedahay shuruud, waajibaad iyo arkaan, midwalbana ay leedahay xukun. Soonka dadbaa oon iyo baahi qura ka hela,
Sidaas oo kale Islaannimadii oo laanteed aan janno la geleyn miyesan laheyn SOOHDIN ama XUDUUD nal guduudan leh oo qofkii jara uu ka baxay, kan ku jirana uu is hubo inuu ku jiro soohdinta gudeheeda.
Ogaashaha meeshaan taagannahay waa mid daruuri u ah si aan u diyaargarowno meeshaan ku soconno.
Mataal ahaan, gaarigu wuxuu ka koobmaa qaybo badan oo markey wada shaqeyaan sidii loogu talagalay uu gaarigu u dhaqaaqo si quman, haddii qayb ka mid ah ay hallowdo, qaybtaasna ay tahay sida Engineka ama korontada, gaariga ma dhaqaaqo,
haddii kursuga uu jabo, gaarigu wuu dhaqaaqi laakiin raaxo ma leh, IWM.
annagoo tix raacaynaa mataalkaas, Islaammadeenna maxaa lagamamaarmaan u ah jiriddeeda, maxaa kaamilyeela, maxaase qurxiya.

Waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, November 01, 2000 - 05:26 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

baadigoob walaal ma garan runtii su'aashaada waxaanse isku dayi doonaa Haddii Ilaahay Idmo in aan sidaan u fahmay wax uga sheego.

Xuduudda ama Soohdinta ugu horaysa ee Islaamku waa in AADAN ILAAHAY U SHIRKI YEELIN. Ilaahay ma laha shirko la wadaagta Boqortooyadiisa iyo Awooddiisa.

Haddii aad si dhab ah oo qalbi sami ah u qirto in Ilaahay Mooyee uusan jirin Ilaah kale waxaad ku jirtaa xerada Islaamka.

Ilaahay Wuu Dhaaf dambi oo dhan marka laga reebo in Isaga Loo SHIRKO yeelo.

Ashahaadada oo aad qirtaa waa furihii lagu soo galayay aqalka Islaamka. ILAAHAY MOOYEE ILAAH KALE MAJIRO, MAXAMEDNA WAA RASUULKIISII.

Aqalka markaad soo gasho waxaad u baahan tahay gogol in aad dhigato oo aad ku nasato. Waxaad u baahan tahay in laguu garto in aad adigu leedahay ama degan tahay aqalkan. Haddii kale yoobsan buu gurigu noqon.

SALAADDA oo shan jeer maalintii la oogaa waa sumadda lagu garan karo in aad tahay qof MUSLIM ah oo qira ASHAHAADADA.

Suubanow Nebigeenii Calayhi Salaatu Was-Salaam wuxuu noo sheegay in SALAADDU tahay udub dhaxaadkii Islaamka. Qofkii ka tagaana dumiyay aqalka Islaamka. Wuxuu kaloo yiri Suubanow Calayhi Salaatu Was-Salaam xadka u dhaxeeyay gaalnimo iyo Muslinimo waa mid aad u dhuuban WAANA SALAADDA.

Salaadda qofkii ka tagaa wuu is lugooyay. Qofkii is tus iyo halaagaa sheego u tugadana Jahannamuu qol ka kiraystay Ilaahay Ha Inaga Koriyee.

Balse maxay tahay SALAADDU? Waa xiriir joogta ah oo adiga iyo Boqorkii Ku Abuuray ee irsaaqadaada, noloshaada iyo dhimashadaada hayay ka dhaxaysa.

Markaad adigoo san ku neefla ah aad damacdo in aad hor tagto oo aad u dan sheegato Rabigaaga cidna fasax kama rabto iyo in balan laguu soo qabto ee wayso intaad isku qurxiso ayaa labo rakco Ilaahayow waa ikan ee I qaabil aayar u oran. Isna Subxaanuhu Watacaalaa HAYE mooyee wax kale ku oran mayo.

Soonka oo bisha Ramadaan aadan maalintaa afkaaga ka qabsato cunto iyo cabid iyo shahwo oo dhan, habaynkii cibaado iyo taraawiix iyo qiyaam aad Alle ku caabudo isna abaalkiisa Eebahay Mooyee cid kale oo gudi kartaa ma jirto.

Haddiise aad noqoto dameer cawskii laga xiray oo aad oon iyo gaajo isku disho soo khasaaro ma aha?

Hadaba walaal baadigooboow XUDUUDDA ISLAAMKU waa IN AADAN U SHIRKO YEELIN ILAAHAY.

Haddii aanan ka jawaabin su'aashaadii oo aan gees marayna raali noqo.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baadigoob

Wednesday, November 01, 2000 - 10:19 pm
Walaalkiin

Jazaakallahu Khayran,

Waxaan kaa fahmey in uu qiridda midninmada Eebbe, iyo awooddisa uu uunka ku leeyehay ay tahay soohdintaas. Wadaajinta Eebbe sifaadkiisana (shirk) ay tahay tii looga baxayey.

Waxaa harey, in la fasiro muxuu yahay taxiidku, Yuhuuddu wexey leedahay Allah mooyee Alla kale ma jiro, qaarkoodna wexey aaminsanaayeen inuu Suubbanihii ahaa nabi eebbe soo direy, laakin loo soo direy Carabta oo qura, dadkalena wexe aaminsanyihiin intuu ahaa nabi caalamka oo dhan loo soo direy, haseyeeshee raaciddisa ayan daruuri aheyn, kuwa kalena wexey aaminsanyihiin in raaciddisu daruuri tahay inkastoo ay arkaan samankeenna inaan la hirgalinkarin wuxuu na faray subbanahii, qaar kalena wexey aaminsanyihiin in ay hirgaliyaan.

Soohdintu waa halkee?

tan kale, Tawxiidku ma jiridda Eebbe qiriddeeda oo qura, mise waa qiriddaa raaciddisa, jeceylkiisa, lajiriddisa, u gargaarkiisa.

Waana maxay sifaadka u leeyehey ILAAH oo haddan siinno midaan asaga aheyn aan shirki galnay.

Muujinta arrimahaas waa kuwo muhim u ah sida ay muhim u tahay in janno lagao, naarna laga fakado.

marlabaad, aad baad ugu mahadsantahay, munaaqashadaan miraha badan leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, November 02, 2000 - 06:27 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

ISLAAMKU siduu na baray Suubanow Rasuulkii Ilaahay Calayhi Salaatu Was-Salaamu wuxuu ku dhisan yahay SHAN tiir:

1- Qiritaan ama Marag ka noqosho ama ASHAHAADO in ILAAHAY MOOYEE UUSAN JIRIN ILAAH KALE..Laa Ilaaha Illa Allah..Maxamadna yahay Rasuulkii Ilaahay..Muxamadan Rasuulu Allah.

2- SALAADDA oo shan jeer maalintii la oogo.

3- SOONKA oo bisha Ramadaan maalinta quudka iyo shahwo laga caaganaado.

4- SAKADA oo qofkii awooda oo ay ku waajib noqotay bixiyo.

5- XAJKA oo qofkii awoodaa mar nolashiisa guto.

IIMAAN: Wuxuu kaloo Rasuulkii Alla na baray in lix tiir kuu taagan yahay IIMAANKU oo ah mid qarsoon oo qalbiga ruuxa ku jira oo isaga iyo Ilaahay mooyee uusan daalacan qof kale.

1- in la AAMINO Ilaahay oo la rumeeyo.
2- in la rumeeyo malaa'igta Ilaahay
3- in la rumeeyo Kutubta Ilaahay
4- in la rumeeyo Rususha Ilaahay
5- in la rumeeyo maalinta qiyaamo
6- in la rumeeyo Awoodda Ilaahay khayr iyo sharba.

Ilaahay Rusushiisa ma kala fadlin ee wuxuu na faray in aan dhamaantooda raacno oo aan rumayn in xaq lagu soo diray. Suubanow Rasuulkii Alla Nebi Maxamed Calayhi Salaatu Was-Salaamna wuxuu ahaa kii ugu dambeeyay ee Ilaahay Koonka oo dhan u soo diray.

Miyaadan maqal Jinigii dhagaysta Qur'aanku waxay yiraahdeen? Waxaan maqalnay Qur'aan la yaab leh! Waxaanna rumayn Ilaahay.

Nebi Maxamed Ilaahay Ma Soo Dirin Mana Soo Diri Doono Rasuul ama Nebi Kale ee ciddii aan sidaa rumayn aakhiro waa loo yaab in dab cadaabeed lagu solo haddii aan Ilaahay U Naxariisan.

Dadku waa mid naftiisa dulmiyay, mid gutay waajibkiisa iyo mid dadaalay oo saahid ah oo korarsaday kheeraadka. Intu xerada Islaamka way ku jireen Haddii Ilaahay Idmo.

Ilaahay Waa Keligii oo waan qirayaa in Isaga mooyee uusan Ilaah Kale jirin mase ogoli intaa wax dhaafsan haddaad la soo shir tagto waxaa lagu dhihi "yeel kadaa kaasa bixin mayso!"

Haddii reer banii Israa'iil iyo inta kale ayna u rumayn DIINTA Ilaahay sidaan inagu u qaadanayna laga akhrisan mayo.

DIINTA Ilaahay waa ISLAAM qofna laga aqbali mayo diin kale Ayuu Eebaheen Noo Sheegay.

TAARIK U SALAAT: Qof saxiixay heshiis oo ballan qaad adag la galay Boqorkii Abuuray ee yiri waxaan qirayaa in Ilaahay Mooyee Uusan Jirin Ilaah Kale Maxamadna Yahay Rasuulkiisii...hadana aan rabin in uu hor istaago ama la xiriiro Ilaahaygii qurxiyay oo quudiyay maxaad oran kartaa oo aan ahay NACAS.

Salaadda haddii aad ka tagto ogow doqon dabaal ah oo naftiisa dulmay oo habaw ah in aad tahay waxna aadan yeelayn DIINTA Ilaahay ama aadan waxba u kordhinayn Boqorka Ayna Xeradiisu Maran Ee Isaga Mooyee Uusan Jiran Deeqdiisa Mid Lagu dhergo.

TUKO SHANTA SALAADOOD waad liibaaniye.

Oo waxaa la yiri kuwaa bisha Ramadaan salaadda qabta ku hayo maalinta ciidana maca salaamo ku dhaho ilaa iyo kal dambiyo Ramadaanka soo socda.

Ilaahayga bisha Ramadaan ogoobay waa Ilaahayga bil walba, toddobaadka kasta iyo maalin walba ee ma waxaad naftaada u sheegaysaa in Ilaahay Uusan mudnayn in la caabudo oo xiriir lala yeesho oo loo dhawaado 30 maalmood wax ka yar sanadkii oo dhan ama 365 ka maalmood.

Haddii ay kugu filan tahay boqolkiiba toban (10%) wax ka yar sanadkii in aad xiriir la yeelato Boqorkii ku abuuray ogoobay Ilaahay Baahi Uma Qabo wax ka yar 10% waxaanse ku oran oo keli ah:

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, November 02, 2000 - 06:33 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato:

Saxid qalin duuf:

Fadlan sidan u akhri:

Nebi Maxamed KA BACDI AMA DABADII Ilaahay Ma Soo Dirin Mana Soo Diri Doono Rasuul ama Nebi Kale ee ciddii aan sidaa rumayn aakhiro waa loo yaab in dab cadaabeed Lagu solo haddii aan Ilaahay U Naxariisan.

Raali Ahaada.

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Inrenet Sheikh

Friday, November 03, 2000 - 07:30 pm
Walaalayaal

Baadigoob iyo Walaalkiin

Markaan akhriyey suaalhiinna iyo jawaabihiinnaha, waxaan is iri bal kala dhax gal waxna u siyaadi.

Baadigoob.

Diinteenna wexey leedahay soohdimo cadcad, habeenkeedu uu ka duwanyahay maalinkeeda, uusan ka leexan illaa qof halaaksamahaya.

Iimaanka iyo Islaamka wexey ka koobmaan laba arrin

1. Erey la dhaho (qowl)
2. Howl la qabto (camal)

Ereygu wuxuu usii kala baxaa laba kale

1. Ereyga Afka ( qowlu lisaan) Shahadada
2. Ereyga Qalbiga ( qowlul qalb) Rumeynta

Howsha la qabto (camalka) wuxuu usii kala baxaa
laba kale

1. Howsha qalbiga ( Camalul qalb) Niyadda
2. Howsha korka (camalul jawaarix) Faraaidka

A. Qofkaan erega afka la iman Muslim ma aha
B. Qofkaan Ereyga qalbiga oo ah Rumeynta,la iman Mulim ama aha
C. Qofkaan la iman howsha qalbiga oo ah NIYADDA Muslim ma ah
D. Qofkaan la iman howsha korka, laba ayey u kala baxdaan.
1. Qofkii Faraaidka u qasda inuu ka taga Muslim ma aha, maxaa yeelay wax la farey ka tagiddeeda waxaa keeney qaddarin laan kii na abuuray. Shaydan taasuu ku gaaloobay.
2. Qofkii wixii la iska reebay la yimaada, caasinimo, waxaa la eegayaa wuxuu ku xadgudbay.
hadduu xadgudbay asagoo qaflad ku jirto oo daciifnimo aadami ay u geysey falka xun uu sameeye, Waa muslim caasi ah, towbuu u baahan yahay.
Hadduu u bareero ku adkeysto xalaaleysto oo uu caadi ka dhigto, tawbadna uusan la iman sida nin naag xaaraan kula nool asagoo xalaal ku guursan kara, Muslim ma aha

Kalimaddah tawxiidka sida AY GABARTA LAYLA la yiraah ay kor ku sheegtay shuruud ah ayey leedahay, tan ugu horreysa ay tahay
1. Inuu qofku cilmi u leeyahay ereygan macnihiisa
( seed u saxiixi karta Kunturaad aadan iska akhrin oodan fahmin waxaa ay kaa dalbaneyso)
2. Inuu Ku camal falo wexey Shahaadadu fareyso
3. Yaqiinsado oo uusan shaki qabin ereygaas dhab ahaantiisa.
4. Qalbigisu ku deggan yahay ereygaan
5. Jecelyahay ehelkeeda, necebyahay cadowgeeda
6. Rumeeyo wax walba ay u taagantahay

Waxaa kaloo jira toban shey oo burisa Islaamka qofak sida salaadda ay u leedahay wax buriyah
kuwaas waxaan caddeyn doonnaa markaan arko aqbalidda intaan qornay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baadigoob

Saturday, November 04, 2000 - 10:46 pm
Internet Sheikh

Waad ku mahadsan tahay muwduuc complex ah inaad si sahlan, laakiin aad yaab u leh u fasirtay.

Waxaa iiga muuqda qoraalkaaga in caqiidada ay tahay aassaaka diinta oo haddey hallowdo uusan camal wax tareyn.

Sidee hadaba ummaddeenna looga saxi karaa qaladaadka caqiidada ay ku jiraan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Internet Sheikh

Saturday, November 04, 2000 - 11:20 pm
Baadigoob

Markaad dib u raacdo siiradii rasuulkeenna SAWS
waxaa kaaga muuqanaya duruus.

Seddex iyo tobankii sano oo ugu horreysay, waxaa xoog weyn la saarey sidii dadka looga saxi lahaa waxyaalaha qaldan ay aaminsanaayeen.

Markii laga saxay waxaa ay sameeyeen mucjisaad badan.

1. Qabiillada AWS iyo KHASRAJ oo is leeyn jirey wexey noqdeen ANSAR Waloolo, dhiigoodii waa joogsaday.
2. Is addonsigii yaallay waa la baabi'iyey
3. Akhlaadii xumaatay waa la toosiyey
4. Isticmaarkii Roman iyo Persia waa laga raayey, Arabiana waa la mideeyey
5. Diinta Islaamkan waxaa lagu fidiyey adduunkoo dhan, muddo yar ayuu wuxuu ku gaaray Marocco ilaa China.
6. Maanta waxaad diinta ugu jirtaa howsha raggaas ay qabteen

Sidaa darteed Somali arrinteeda ku hagaagimeyso wexeynan ku hagaagin ummaddii naga horreysey ee saxaabada.

Maanta mar labaad waxaa lagalay mugdi labaad, waxaana looga bixii karaa iftiinkii waagii hore looga baxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 06:25 pm
Internet-Sheikh

Allah khayr badan kaa siiyo, waan ku qanacsanahay waxaad qortay, waxaan ka rajeynayaa, walaaleheen kalena iney rayigooda soo bandhigaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 11, 2000 - 12:39 am
Sida maanta adduunka taagan, Islaannimada waxaa loo fahamsanyahay wax loo dhasho sida somaalinnimada. Qof Somalinnimo loo didikaro ma jiro, saasoo kale waxaa dadka maanta fahamsanyihiin in Islaannimada loo dhasho.

Aniga saasey ila tahay, waxaana daliil u ah in gaal loo yaqaan dadka cadcad oo yurubka ah.
markii uu soo islaamo waxaan dhahnaa gaalka muslimka ah.

Laakin marna waxaan caqli geleyn in dadweynaha ay u arkaan qof somalia ah qof gaal aha sababtoo ah in ay isku xiran yihiin islaannimo iyo somalinimo.

aniga rayigaas ayaan qabaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, November 25, 2000 - 06:54 am
Asalaamu Calaykum.
Famaadaa bacdal xaq ila dhalaal?
Anigu uma bogin magaca baadigoob!

Yacni marka diin laga hadlayo qofku waa inuu magaciisa saxo, magacyada xunxun dhib bay leeyihiin maxaa yeelay hadalka wanaagsan diintuu ka mid yahay?
Baadigoob meesha geel baafin maysid! " dambaaburada naareed haduuna dhinucu doonayn" waa la bixi kartey "Xaq doon"

" Qul mankaana fi dhalaalati fal yamdud lahu Raxmaanu madaa" Marka hadii qasadkaagu yahay dhib iyo inaad ummadan muslimiinta ah oo diintoodii gaalo iyo qab-qablayaalba (gaalo raacyo) ay usoo dhigteen aad ugu darmatid hadee baadida aad sheegayso Allaah waad ka helin sida Rabi sheegay hadii ay jahli kaa tahayna magaca noocaas ah lama qaato oo asluub fiican baa la qaataa

Marka Su'aalahaagii lagaaga jawaab hadaad xaqdoon tahay.
Hadaad rabtid inaad magac baadi isticmaashid waa inaad ka hor marisaa micno la fahmi karo oo cadaynaya inaadan baadidii (halaagii) dhabta ahaa aadan raadinayn.
Sida loo dhaho " Xaqu waa baadida qofka muslimka ah oo meeshuu ka helo waa inuu qaato". Marka hadaad bar-bar dhigto magacaaga oraahdaa waxaad ogaanaysaa khaladkaaga.
WABILLAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baadigoob

Friday, December 01, 2000 - 09:33 pm
Walaal C/Waaxid

Shekada meeshay u socotay wad ka leexisay. Magaca Baadigoob wax qalad ah kuma jiro. Waxaa daliil u ah:

Waxaa laga soo wariyey Rasuulka SAW inuu yiri

" Al Xikmatu Daallatul Mumin"

" Xikmaddu (murtida) waa baadida muslimka"

(Baadi), af Soomaali waxaa la yiraah wixii ka (lumay) oo kaa (maqan)

Waxa kulligeen naga maqana oon raadineyno waa murti, xikmad iyo xaq, maadaama dadkii ay waayahaan dambe wareersan yihiin.


(Goob) waxaa la yiraahdaa (raadin)

Marka anoo malada kugu wanaanjinaaya, waxaan is leeyahay in aad kaalmo af somaliga u baahan tahay, taasna ceeb ma aha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Thursday, December 07, 2000 - 12:24 am
Asalaamu calaykum

Baadi goob
Horey baan uga arartey waxaad meesha la timid.

Hadii la yiri Xikmadu waa baadida muslimka, waa arin fiican laakiin magacaaga ma ka muuqataa waxaad raadinayso.

Waxaan filayaa inaadan fahmin waxaan soo qorey oo ahayd in qofku feejignaado xataa hadii uu kheyr doon yahay oo waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu qorayo ayna marna ixtimaalin micno kale.

Maxaa kuu diidey inaad tiraahdo xaqdoon.

Maanta waxaa caadi noqotey in laga raadgato magacyadii iyo sifooyinkii wanaagsanaa.

Marka taladeydii dhiibtey.
Wabillaahi Towfiiq.