Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Somalida Cusub iyo dowrka Islaamiyiinta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 06:24 pm
Waxaa uu Shirka Jabuuti caddeeyay fashalka xarakaadka Islaamka haba ugu sii darnaadeen kuwa Itixaadka la dhihi jiray.

Waxaa shirka ka soo baxay:

1. In Islaax leedahay kaadir initiative billaabi karo laakin aysan lahayn kaadir dhamaystiri kara mashruuc.

2. In Itixaadku yahay hilib bisil oo aan hoggan lahayn initiative billaabi karin dood Siyaasi ka qayb geli karin wakhtigan

3. In Islaax tahay horor guul doon ah aaminsan tahay means justifies the goal oo Qabiil iyo waxay doonaan koraan markay rabaan.

4. In Itixaadku uusan lahayn qaraar Siyaasi iyo mid mid aan sisaayi ahayn oo tiro badan meel la yuurura

4. In Islaax orodkeeda Jabuuti iyo waraysigoodi ay dadka ku faradh yeelay uu noqday hal bacaad lagu lisay kaddib markii Ina Salaad booy isticmaalay oo yidhi Sheekhaal ku soo daba fayla.

5. In Itixaadku yeeshay boqol Itixaad oo Qaarna soo salaan sharaf iyo madfac u rideen ina Salaad boy sida Xasan Daahir sameeyay qaarna warba u ahayn xaal adduun meel uu marayay.

6. In islaax haddii ay ku darsan lahayd Ikhlaasi iyo cilmi hantin lahayd Soomaaliya kal hore.

7. In Itixaad haddii uu nidaam iyo kala dambayn lahaan lahaa Soomali dagaal sokeeya ka dhaceen.

8. In laba ururba la kala safteen qabiilka beeshooda Islaax haba ugu darnaatee

9. In Munaafaqa Khalif galleer iyo mujrimka salad booy ay taxliisha u tufayaan labadii heshiiska ku ahayn la dagaalanka faqashka afwayne.

10. In Cumar Faruq ka mowqif roona xag karti iyo diin labada urur haddii uusan siyaasadda ku xeel dheeraan.

11. In Salafiya al jadiida iyo takfiir khabar noqdeen golana soo istaagin oo aqallada weli ka murmayaan.

12, In Waxdada weli ka dhamaan la' dahay Hargeysa iyo Berbera 30 sano ee u dambeeysay iska daa dawlad ay dhisaane.

War ma idiin wadaa. Alla maxaa wadaad xanaaqsan aan u jeeda oo dhulka isla dhacaya. Waan ogahay haddii i qabataan inaad i gowracaysaan laakin Allaan idinka magan galay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baadigoob

Monday, November 06, 2000 - 06:37 pm
Anonymous

Aniga kuma gowraceen.

Si run u dhow ayaad u fasirtay waxa dhacay

Laakiin intaanan siyaasad la dhexboodinmiyadan arkin in marka hore aragtida la mideeyo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Roobleh

Monday, November 06, 2000 - 08:15 pm
Islaamiyiin maxaa la dhahaa?

Definition, please?