Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): DIIN la fakad ayeynu nahay miyaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-farooq

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!

Waxaan la yaabanahay sida aynu u naqaan diinta iyo sida aynu isaga indho tirayno. Muslimiin Soomaaliya joogta ayaa siday rabaan Ilaahey u caabudi karin maanta waxaasna waxaa keenay khalad horay loo galay oon la sixin balse lagu socdo. Xabashi ayay reer galbeed inoo adeegsadeen ayagoo inoo tusaya inay yihiin dad east-african na la ah oo wiliba xalkeena raadinaya(a large number of Somalis believe that and have been brainwhased by either the pro-westerns or eithopians).

Hadaba su'aashu waxay tahay shalay maxay caawa kaga duwan tahay waa ayada la oranayay xabashida waxay rabaan gar-dheerayaasha, asal-raaca, usuuliyiinta, islaamiyiinta iyo wixii dacaayad loola jeedo oo lagu xumaynayo inta xaqa raacday. Waxay rajeynayaa inay Soomaali oo dhan u cadahay ina aanan la rabin hebel amaba midka ay diintu ka muuqato ee loo dan leeyahay wadankaaga adigana laguu imaan doono markii meel lagu soo ogaado walaalkaa. Runtii waxaa yaab leh dadkii shalay oranayay itoobiya waxay rabtaa ikhwaanka; hadaan iraadho caqli xumo ayaa kuwaas u gaysan maxaan niraahnaa kuwa ku faraxsan qabsiga baydhabo oo wili aaminsan in itoobiya aysan rabin ayaga balse ay baa'binayso cadoowgooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO:ALL MUSLIM
waxaan filayaa dhibaatada soomaaliya gabal kamida haysata haduuna alle ka qabana saamayn doonta dhamaanteed inay kalifeen dad soomaali ah oo waliba'muslimiin isku sheegayo
balse dadkaa ayaga ah waxy la'ahayd hadii akhwaan meesha looga saaro, inay iyaga meel walba u'haraan balse runtii iyo siduu kufaar damacsanaa ayay isagu biya shubatay taasoo ahayd, markii walaalkood islaama oo difaaci lahaa ay iyagu gaal u adeegsadeen uu booskii ka baxay ayaa iyaga loo soo jeestay, heer ay yiraahdaan, xabashiyi xalay xad gudub bay samaysay oo baqaaro raashin iyo hub ah ayay dhaceen, mideeda kale ayagii ayaa misane la'isu hubeeyay(ama hub la'isugu dhiibay)
ilaa qaarna hubkii xooglooga qaaday kuwana la'hubeeyay
dabcan halkaas waxaan ka fahmikarnaa
dabcan dadka saas la'yeelayona waa dadkii hal meel akhwaan oga soowada jeeday jeclaana in akhwaan wiil'ka baxsan ama(ka fiigin)
ee la ciribtiro.
balse waxaad ogaataan qoon uusan alle ugu talagalin inuu tirtiro ama(citibtiro)
in uusan binu'aadan cibtiri karin
allena waxuu quraan kiisa kuyiri
sikasto ood urabtiin nuurka alle inaad afaf yaalkiina ku damisaan kuma damin doontaan, allena nuurkiisa wuu taam yeeli haba karaahsadaan, gaal iyo munaafaqba. e'

raali ahada waan idan ku dheeraadaye
salamu calaykum walaashiin islaama
degana sweden