Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Yaa saxsanaa???? Ciraaq iyo Iiraan markii ay ku dagaalamaayeen labadaba magaca Illaahay???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suaal

Unrecorded Date
Yaa saxsanaa???? Ciraaq iyo Iiraan markii ay labadaba ku dagaalamaayeen magaca Illaahay???

--------------------------------------------------

Sidoo kale Muslimiinta maanta isku heysto Afganistan.Yaa saxsanaa????

--------------------------------------------------

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Su'aale qof xaq uu dagaalamaayo ayaaba iska yar. Cid walba agenda ayeey wadaataa; waxeenna noqotay caadi in magac Alle lagu adeegto. Soomalidda baa uu fiirso oo dhaba raac. Waad arki sidda magac Illah lagu fulinaayo dano gaar ah oo ku saleeysan dano qabiil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
Ciraaq iyo Iran

Labada wadan hadii lafiiriyo aniga waxay ila muuqataa in marka hore aan is waydiino dulucda ka danbaysa dagaalka Iran iyo Ciraaq. Dawladaha galbeedka ah baa ka danbeeyey dagaalkan sababo badan awgood.

1- 1979 waxaa ka dhashay Iran kacaan, Kacaankaas waxuu ku gacansayray inuu noqdo dabadhilif raacsan dawladaha westernka siiba Maraykanka oo dano saliid ka lahaa gacanka carbeed,isagoo ka baqayey in Iran oo ahayd xooga ugu weyn ee gacanka carbeed in ay qalqal geliso saliidaha uu kadhoofsado gacanka cadmeed oo ay usii maraan straightka layiraahda hormuz ee aadka ugu dhow Iran.

2- Ciraaq oo rabtay in ay hormood unoqoto wadamada khaliijka oo ay u arkaysay dagaal lala galaa Iran ay tahay opportunity ay ku heli karaan xoog military iyo lacag masruuf ah o
o ay ka helaan wadama ku bahoobay khaliijka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum!

Kuku Man,

Waxaa maqli jirey; "wixii xunba xaawaa leh"...hahaha! Hada wixii aduunka ka dhacaba "Galbeedka" baa loo saarayaa??? Sadam Hussein asagaa la socday Galbeedka, cidnana ma qasbin...cidnana ma baryin. Asagaa rabay inuu Iran weeraro(Irana way ku fahantay sheekada!)

Mida kale, dhibaatadaan dhex taala(y) Ciraaq/Iran waxay bilaabatay kumaan sano ka hor. Persia iyo Babylon weligeed cadow bay isku ahaayeen! Midba midka kale buu weligiis rabay inuu xukumo!

Waa run in Maraykanku(iyo Galbeedka kaleba) uu ku jiray waxyaabaha kiciyay dagaalka, laakiin, nin maskaxdiisa dagaal ku jirin, nina dagaal ma gelin karo. Saddam calooshiis u shaqeeste buu ahaa; maraykankuna dantiisuu watey, asagana(saddam) dantiisuu watey.

Saddam nin Alle dartii wax u sameeynaya haduu yahay, dadkiisa ma`uusan gaas-gareeyeen. Ayutollahna nin Alle dartii wax u sameeynaya haduu ahaa, dadka Islaamka ah ma`uusan dhameeyeen. Iran, ilaa iyo mar dhow, dadka Suniga ah waa lagu layn jiray---sidoo kale, Ciraaq, ilaa HADA, dadka Shiicada ah waa lagu laayaa!

Marka, labaduba ma kuula eg yihiin dad Ilaahay dartii wax u sameeyay??? Muslimiinta haday iskaashan lahaayeen oo kala duwantooda intay dhahaan "WAAN KALA DUWANAHAY" hadana walaalo ahaan lahaa, Islaam maanta meel wanaagsan buu joogi lahaa! Laakiin ayagii baaba is-cunayee maxay dad kale wax dhahaan???


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Eye Of the Tiger

Unrecorded Date
...
...////... O O
/// ////////////_______________|-|__
\ ? ? / ,,,,,, _____________________
' ?? /\
,,,,,, ? / \
,,,,,,, / \

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
TO: Ahmed

Walaal anigu meeshaan ka had layo iyo adiga meeshaad kadoodaysid baa is yara dhaafsan. Walaal hadaad maahmaahdo iyo hadaad geedo kawareegtaba aniga pointiga aan ka hadlayo maaha internal affairska labada wadan ee waxa weeye sida uu dagaalka ku bilowday iyo micnaha kadanbeeya dagaalkan socday tobaneeya sano. Sida aad adiguba ogsoon tahay Sadam Hussen waa ruthless dictator Ayatolahna kaba daran hadaba dagaalkan bilaabashadiisa waxaa lahaa saraakiisha state departmentka maraykanka u fadhiyey waagaa sucuudiga kadib markii uu ayatolah xayiray saliidii uu maraykan ka dhoofsan lahaa iyo sadaam hussen oo ciidamadiisu ay aad lixaad u lahaayeen doonayeyna in uu ka faaiidaysto sababtoo ah wuxuu ogaa in quwada ay ciraaq leedahay ayna yeelan doonin waxaana taa daliil u ah gulf war oo ciraaq lagu buburiyey waana run in ciraaq ay kuwait ku duushay oo ay saliidii aduunka ay ciriiri galisay
HADANA WAXAA AASAASKA DULUCDA ARINTAN KA DANBEEYEY WAA MARAYKAN oo ayna u cuntamayn in xoog muuqda uu ka jiro khallijul carab oo uu u arko in ay wiiqinayso saliida hakaa ogatimaada ama soomarta!.

JAWAAB BAAN KAA SUGAYAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Kuku Man,

Waa runtaa, adiga waxaad ka hadashay asaaska, sida aduunku u arko(dagaalkaan kaliyah!) Meeshaan aniga ka hadlay(waxa u sababta ah, GUDAHA!)

Dagaalku ma dheceen hadii labada qolo ay yihiin dad isku fiicnaa ama "Muslimnimo" ka dhexeeysay! Waxyaabaahaas iyo wax yaabo ka daran baa Syria iyo Egypt ka dhex dhaca, hadana way isku fiican yihiinoo...way isku af-gartaa(qaladaadkooda!)

Waana runtaa, Maraykanku wuu ku lug lahaa! Maraykankana way dhibaysay in Iran(oo siday dhihi jireen "MAD MULLAH" xukumayay) in ay xoog saas u wayn yeelato Khaliijka dhexdiisa!

Sidoo kale, Ku ku Man, Internal Affairs...la`aantood, dagaal iyo heshiis toona laba qolo kama dhexeeyso! :)


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
to ahmed

Walaal aniga internal affairs waxaa u aqaan marka wadan laga xadgubo soohdintiisa gadaha iyo marka ay qalqal gasho jiritaanka xukuumadeed ee wadan walba,iyo civil war ka dhaco wadanka dhexdiisa sida goverment vs opposition like rebel movement iyo political party oo isticmaalaya dagaal ama status quo hadaba arinta iraq iyo iran ma'ahayn sidaa hadii dhab loo eego lakiin waxay ahayd excuse ciraaq wadatay oo ay dagaalka ku kicisay oo uu maraykaka maskaxdeedu lahaa. ahmedow labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku dagaalantaaye markii uu dhamaaday dagaalkii labadaa dal oo ay soo noqdeen asxartii ciraaq waatii uu sadam hussen ku yiri maraykan,saudiga ,kuwait iyo dhamaan dalalka khaliijka in ay billions lacago gaaraya oo ay ku gacan sayreen marka makula tahay arintan internal affairs mise waa external?

jawaab baan kaa sugayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama calaykum!

Kuku man,

Aniga wixii *Muslimiin* ka dhexeeya; Internall Affairs bay ii tahay!hahah!Laakiin, sidaad sheegayso baa sax ah!

Aniga, Iran howsheed...runtii makala jecli(waa wadan Islam sheegta, sida Iraq, hadana dadka Muslimiinta ah lagu laayo) Laakiin, Saddam Hussein, in kasta oo aan aaminsanahay inuu nin qurmay yahay...hadana waxaan ku jeclahay sida uu Galbeedka uga qal-qalsiiyo...oo aysan "Terrorist" u dhihi karin!Hahah! :)


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
to ahmed

hadaba ahmeedow waxay ila tahay in aad leedahay I don't care what is the nature of a situation as long as your desire occurs my friend that is a sort of gamble mideeda kale Iran kaliya muslim malaysee dunida muslimka oo dhan baa laysa e.g. somalia reer futuut iyo laandheer muslim ma'ahoo see waaye widaayow!

jawaab aan kaa sugaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Kuku man,

Maya, walaalkiis, runtii ma jecli wax yaabaha uu Saddam sameeyo. Laakiin, ciil baa waxaa iga qabtaa sida America/West ay qofkii naftiisa u dagaalamaba ay u dhahayaan *terrorist*. Maskiin Palestinian ah oo saaka shaqadii inuu aado loo diiday...oo inta xanaaqay askartii u diiday inuu shaqeysto bomb ku tuuray...iyo Saddam Hussein oo wixii aysan isku *fikrad* ahaynba laynaya...yaa labadooda *terrorist* kuula eg? Hadana west/America ma dhihi karaan "Sadam waa terrorist"--hhahaha...miyaysan taas wax lagu farxo ahayn?

Mida kale, waa runtaa Iran kaliyah ma`ahan meesha Muslimiinta lagu laayo. Laakiin, meelaha kale sida SOMALIYA waxay dhahaan waxaan nahay *demuqraadi* ma dhahaan waxaan nahay *islamic nation*hahah! :)

Ma xasuusataa Maxamed siyaad bare? Wadaadadii wuu laayay sababtoo ah waxay ka hor-yimaadeen *Demuqraadigii* ahaa *ninka iyo naagta way siman yihiin* hahaha! Marka, dowladiisa waxaan ahayn *islam ma`aysan ahayn...* laakiin hadii uu dhihi lahaa waxaan ahay dowlad *islam* ah...saasna uu yeeli lahaa, waxaan ka dhihi lahaa ALOT of stuff. I hope you get my drift! ;D


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
Ahmed,

Waxaad madaxa gelisaa marka hore gaalkan cad ama madow waxa uu kugula dagaalamayo waa aas aaska jiritaankaaga diineed no matter hadii aad welfare qaadato iyo hadii aad suldaanka brunei aad tahay

Arinta Sadaam Hussen waataan horay kuugu sheegay oo waxaan ku iri labadii xaqdaro ku heshiisaa xaqa ayey is dagaalaan lacag iyo power hel buu islahaa lakiin isagii bay waxay ku noqotay 360 degree turn.

Tan kale dilkii xaqdarada ahaa ee 10 wadaad eedeeda siyaad bare kaliya ma'ahee inagoo dhan bay nasaaran tahay sababtoo ah dilkoodii kadib hadaan xitaa awood lahayn waan ka murugoon lahayn laakiin mayeelinee caleemo qoyan baanu ku ayidney dilkaa xaqdarada ah.

ahmed your majaro habaabin or fallacies are very nice

peace.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Calaykum!

Kuku Man,

Meeshaas baan aniga iyo adiga ku kala duwan nahay. Aduunkaan qof aadan wax ku darsan...kuma dhibi karo. Maanta arag, meelahaan Gaaladu dhibayso oo dhan...waa dad wax ku darseday(Bin Laden, Saddam, etc!)...labada nin oo maanta *Gaaladu* neceb yihiin...waxay mar la ahaayeen gaalada *saaxiibo* against Iran/Russia. Ilaahay baa dadka Qur`aankuu ugu sheegay *HA U QAADANINA GAALADA SAAXIIBO...AYAGAA SAAXIIBO ISU AH*---aniga waxaan jeclahay inaan gaalada nebed-geliyo...kana FOGAADO intaan ka fogaan karo, oo saaxiib iyo qariib toona u qaadan!

Arag maanta Arafat, ma u maleynaysaa in *Maraykanka* wax u hayo??? Maraykanku wuxuu ahaa kii hubka/lacagta siinayay Stateka Israel markii uu Palestiniyiinta uu banaanka ku tuuray. Marka, nin shalay dhabarka kaa toogtey...ma maantuu dan kuu hayaa??? Ahaayeey, ahaayeey, *ha la siiyo Palestiniyiinta State ay ayaga lee yihiin* blah blah blah...aaqirka ayaga lee caawinaya marka beenalayaasha Israel ay dhahaan *West Bank baa argagixiso bilaabay*...maraykanku wuxuu noqonayaa kuwa ugu horeeya oo Israel u sacab tuma. Marka, aniga waxaan la yaabanahay hadhow waxay dadka dhihi doonaan! "Maraykankaa gar daran"...xataa hadii aad adiga *saaxiib* ka dhigatey marka Ilaahaa kuu sheegay inay AYAGA(Yuhuud iyo Kiristaan) ay saaxiibo isu yihiin???hahah! Nin waliba beertuu qotuu...baderkeeda cunaa!

Midaan ah Siyad Bare iyo Wadaadada, waa runtaa inay anaga oo dhan ay dusheena tahay, laakiin xukunka asagaa lahaa, ma`ahan? Nimankaan waxaa lagu dilay waxay ka soo horjeesteen *DIMUQRAADI*...dowlada siyad bare waxay ahayd "Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliyeed!"---not "Jamhuuriyada Islaamka soomaaliyeed" hahah...there is difference! :)


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
To: Ahmed
Walaal waan ka xumahay in aad is berber dhigtid nin dad muslimiin ah u dagaalamaya iyo nin kursi u dagaalamaya. Usaama.b.ladin waa nin maraykanku danku watay and vice verza lakiin sadaam hussen wuxuu rabay in uu kursigiisa uu haysto qaliijkana
atoore kanoqdo sidaa u ogow

arinta palastine waxaa hore loo yiri hadafkaa dooneyso ayaa darbi walbo loo jiiraa Carafaat waxa wax walba uga weyn in uu state helo oo uu u gaarey heer kaniisado ka qayliyo istusid darteed oo uu kawado political sympathy ha!ha!Ku!ku!

Mida siyaad bare ee aad leedahay waxa wadaadada lagu dilay waa gender equality not democracy sababtoo ah democracy waa rule of the people so there were Rcc,nss.kkk and bunch of crup institutions dadkuna wax uma talineyn ee dowlada ayaa wax u talinaysay iyadoo waliba soo faragashatay arimaha diinta ha!ha! ahmed murankan marba meel u leexanaya wuxuu ku dhamaado aanu aragno.

peace,kuku

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Calaykum!

Kuku Man,

Walaalkiis, aniga *muran* uma arko---waxaan u arkaa laba qof oo sheekaysanaysa! Mar-mar waan isku raacsanahay, mar-marna iskuma raacsanin; this is life, man! haha!

Walaal, it doesn't matter sababta aad u la saaxiibtid; GAAL waa gaal. Hadii uu maanta wax kuu qabto, beri buu lugta kaa jarayaa! Usama iyo Saddam labaduba waa dad Muslimiin ah; ama kursi ha`ahaato ama islam u-dagaalan ha`ahaatee, labaduba Gaalo bay markii hore cuskadeen...markii dambana gaaladii suxulkii meesha bay ka saareen...LUGTANA way gashteen! Marka, runtii waa isku mid; political/islam. Islam waa political, politicalna waa Islam...Muslimiintana dhexdooda bay ahaatey!

Walaal, maahmahyihii shirkiga ahaa??? "hadafkaa dooneyso ayaa darbi walbo loo jiiraa"hahahah!LOL! Wax yaabo waxaa jira aad *darbi walbo* u jiiri karin! Inuu X-Mass ku caawiyo Kiristaaniyiinta waa arin daciif ah oo shirkina ah. Ina Adeerkeen Carafatna...wuuba ku faraxsan yahay! Hana iloobin, STATEKA sidaas lagu dhiso---gaalnimo kama fakanayo! Walee wax badan waa la`arki ayaga iyo gaalo oo madaxa iskula jira. HADHOWNA, waan aqaan Muslimiinta...waxay dhahayaan; "Gaalaa wadamadeenii ku dagaalamaysa!" oo hadii Gaalada marka hore la cuskado, hadhow inuu lug ku geliyo maxaad ku diidi? Bal adba si dheh; this is the tragedy, Bro!

Mida Siyad Bare, saan KORba kuugu soo sheegay; ANIGU siyad Bare baan eedeeyaa waxa ku saabsan wadaadada 90%...and then 10% to the people(because THIS is how it was!) 10% waxaan dadka ugu eedeenayaa, waxaa la rabay inay KABTA tuurtaan oo fusqiga ka dagaalamaan!(aaqirkii way ka dagaalameen, laakiin aaqirkii *Qabiil* bay ahayd...ma`aysan ahayn *Islam* iyo *wanaag* toona!)


Ramadan Mubarak!

Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Unrecorded Date
To dhammaan:

Dagaalka Iraan iyo Ciraaq waa taariikh dhacday waana laduugay oo hadda waa laga gudbay:
Haddaanse iskudayo inaan wax kadhiibto arrinta meesha lugu hayo:

1- ciraaq baa gar darrayd. iyadaa dagaalka qaadday iyadii jabisay (heshiiskii laga gaaray biyaha shaducarab ee lagu qabtay Aljeeriya 19974 Saddaambaa gacantiisa kusaxiixay asagaana gacantiisa kujabiyeyey. Weerarkana isagaa billaabay. kaligiina ma'uusan ahayn ee waxaa dabada kawaday Ingriiska iyo maraykanka.

Maraykanka iyo ingriiska hadafkoodu wuxuu ahaa inay katakhalusaan nidaamka mitidka ah ee halis galiyey danihii ay kalayaayeen khaliijka oon filayo in lawado fahmayo.

Sadaamna hadafkiisu wuxuu ahaa inuu soo cashto Shatulcarab iyo dagmooyin ay dad carab ah dagnaayeen oo kuyaala koonfur galbeed iiraan loona yaqaanno Carabistaan. si'uu magac carbeed oo wayn uhelo saaxiibadiisii uu u shaqaynayeyna uu kalsooni uga helo.

2-Saddaam magac islaam kuma dirirayn mana aaminsanayn islaam, Diintiisa waxaa layidhaa (ALBACTHU CARABII) wuxuuna ahaa marka laga reebo kamaal ataturk ninkii ugu darraa ee kacidhib tiray dal muslim ah dhaqankii islaamka oo illaa iyo maanta ay tahay dalka ugu diin yar dalalka carabta
yayna kusirin calanka uu takbiirta kuqortay waa show. Xitaa xilligan lajoogo diinta ciraaq laga ogolyahay waa BACTHI.

Khumaynina dhiniciisa lixda milyan ee shiicada ah ee ciraaq daggan buu rabay inuu ciraaq kuwareejiyo oo dawlad shiico ah kadhiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuku man

Unrecorded Date
Walaal wax shirki ah alaan kamagan galay koley aniga waxay ila tahay maalintay yuhuud udhamaanleheed the begining of the end sababtoo ah yuhuudi farafarees iyo intimadation dhaafimayso carabna bulshit qaadanmayso peace processkaan lagu hadaaqayo waa al hiwaaya.

Mida kale Usaama bin Ladin iyo Sadaam Hussen arintooda waa ay kala duwan tahay sababtoo ah gaal waa gaal lakiin siyaabaha aad isugu imanaysaan baa kala gedisan.Usaama bin Ladin waa islaam ugar gaar oo olama jirin maraykan jaceyl ee labaduba (US&USAAMA)danbaa isu keentay midna wuxuu la dagaalamayey gaalo mid wuxuu la dagaalamayey ideology halka uu sadaam hussen ugula jiray kursi dhuuqsi iyo power in the arabian peninsula

Arinta siyaad bare waxaan eeda sarayaa 50/50 waa labada dhinac wadaadada iyo shacabka sababtoo ah imisa dadweyne ayaa isugu soo baxay banaanka imisa wadaad ayaa ka aamustay inta ay arkeen xaqdarada lagu sameeynaayo mujaahidiintaa sharciga eebe ilaalinaysey.Waxaanse Hubaa in maanta siyaad uu san ku xadgudbeen hadii ay ka dhiidhiyi lahaayeen waxa lagu sameeyey 1974kii

Ramadaan wanaagsan!
peace,kukuman