Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): IN BADAN OO GABDHEHEENA KA MIDA WAA MOOG YIHIIN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum salaan kadib walaalayaal diinteenu waa naseexo allaah yay utahay iyo rasuulkiisa iyo madaxda iyo dadka oo dhan,
hadaba waxaan rabaa inaan ku baraarujiyo in badan oo gabdhaheena ka mida oo aan si fiican u aqoon axkaamta xaydka masalo kamida.

Walaal waxaad ogaataan marka ay gabadhu daahir ka noqoto xaydka intaan qoraxdu dhicin wax yar kahor in ay qalaynayso duhurkii iyo casarkii maalintaas,
sidoo kale hadii ay daahir noqoto intaan waagu dilaacina waxaa lagu leeyahay cishihii iyo maqribkii habeenkaas.

Waxaan ogaaday inaan in badan dadku ku baraarugsanayn oo ay ku tageen salaadana ma qalaynayso

Wasalaamu calaykum
Walaalkiin ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Salmaa

Unrecorded Date
Walaal Ismaaciil Jazaakal-laahu khayran arrintan aad nagu baraarujisey. Laakiin daliilka arrintaas noomaad sheegin, i.e. in ay gabadhu qalaynayso Duhurkii hadii ay daahir noqoto qoroxdu intaanay dhicin (waqti yar ka hor). Sidoo kale Maqribka hadii ay daahir noqoto waagu intaanun dilaacid (waqti yar ka hor).
Uma jeedo in aan dood halkan ka furo, ee waxaan doonayaa oo kaliya in aan wax faa'iidaysto. Sidaas awgeed walaal dalill ah Qu'aan ama Xadiis Saxiix ah amaba dhaqankii saxaabada hadaad haysid oo arrintaa ku saabsan noo soo gudbi. Allahna wanaag hakaaga abaal mariyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal abu-zalma jazaakallaahu khayr, walaal daliilka maan ilaawin laakiin sidaanoo kale ayay ku wanaagsanayd.
Walaal IBNU TAYMIYA kitaabkiisa fataawaha majalada 22aad waxa uu kuleeyahay arinkaas aan soo sheegay,wuxuuna yiri sidaan
In gabadhu qalaynayso hadii ay daahir noqoto intaan qoraxdu dhicin casarkii iyo duhurkii sidoo kale inay qalaynayso cishihii iyo maqribkii hadii ay daahir noqoto intaan waagu dilaacin shaki kuma jiro waxaana arinkaas isku raacsan SHAFICI,AXMAD IYO MAALIKI,iyagoo kasoo naqlinya C/RAXMAAN IBNU CAWF,C/LAAHI IBNU CABAAS,IYO AANAS IBNU MAALIK.
hADABA WALAAL WAXAAN OGNAHAY IN HADII LA WAAYO XADIITH NEBIGA KA SUBNAADAY OO CAARADAYA QAWLKA SAXAABIGA INUU MARKAA QAWLKA SAXAABIGU NOQONAAYO XUJO CAD,waxaana arinkaas kitaab ka qoray ibnu qayib. Marka walaal hadaad haysid xadiith caaradaya ii faa iidee
Alahumarzuqnaa cilman naafican.
Wasalaamu calykum
walaalkaa ISMAACIIL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu Salmaa

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum,
Walaal mar labaad Jazaakal-laahu khayran cilmigan aad noo faa'iidaysay (hore umaan ogayn arrintan).
Waxaan xalayto ka aqristay arrintan aad noo sheegtay kitaab uu qoray Sh. Saalix bin Al-Fawzaan oo magiciisa la yidhaahdo ".. calaa Axkaam Takhtasu Lilmu'minaat"

Wasalu Calykum