Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): Wadaadada hawiye & Kooxda Carta.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 18, 2000 - 12:47 pm
Wadaadada Hawiye waxay go'aan buuxa ku gaareen inay taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagaan dowlad ku sheegga carta taasina waxay ku tusinaysaa dulmigu heerk aw ka marayo Magaalada Muqdisho iyo beelaha ku nool oo xataa wadaadadoodii ay waardiye u noqdeen Haraadigii M/ed Siyad Barre iyo kuwii sacabka u tumi jiray in alle laga fogaado Shuucinnimo lagu dhaqmo dadkana la dhaadhiciyo inaan Ilaah jirin.

Innaa li laahi war maa alle laga baqo!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maslaxo.

Monday, December 18, 2000 - 03:43 pm
Dadka nabad galyo hakaaga noolaadeen. Ninkii taageera dowladda isagey jirtaa. Inta kalena maslaxad weyn yaa ugu jirta nabadda. Adiga ma jeclaan leheyd meesha qabiilkaaga deggan yahay inuu qas iyo wareer ka taagnaado?. Waxaan u arkaa qoraalkaaga mid dulmi ah oo aad ku dulmineyso dadka deggan muqdisho. Haddaad ka dhalateyna waxaad tahay qof ku qaldan inuu halkan wax kaga sheego wadaaddada ku magacaaban qabiilka aad sheegtey. Ma soo wada wareysatey adiga waa adiga halkan ka leh qabiilkaas wadaaddadiisii wexey taageereen dowladda?. Afkale yaad ku hadli leheyd haddii ay dagaallami lahaayeen wadaaddada. Isku xishood haddaad tahay qof caqli leh. MA mooryaantii baad la rabtey muslimka gamta ka saartey iney weligeed meesha iska heysato?. Xaasid baad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Monday, December 18, 2000 - 04:24 pm
Anon & Maslaxo

Fadlan yaan qabyaalad halkaan lagu bilaabin. Waa codsi midaani. Haddii aad qabiil rabtaan inaad ka doodaan waa idiin furan yahay, laakiin la taga bogga qabiilooyinka. Intaan diin aan uga doodnaa, fadlan ha naga wasaqaynina.

Adinka wax idinkama qabo, dad caqli badan baad u egtihiin, laakiin doodda qabiil qurun maangaab ah oo dhan bey soo jiidataa sida raqda baqtidaa duqsiga usoo jiidato.

Waxaan rajeynayaa in aydaan iga caroon.
Mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 20, 2000 - 11:06 am
Walaalayaal Mahadsanidin Laakiin ma idiin muqataa in C/qasim oo Siyad Barre la shaqaynayay muddo dhan 20 sano uu diin wax ku xukumayo?

Midda kale waad ogtihiin Niman wadaado isku sheegaya inay ka hawl galaan deegaanada Qoryooley iyo marka iyagoo ka garab dagaalamaya mooryaanta Caydiid marka iyada ma maslaxo ayaad u aragtaan, mase idila tahay nin ka yimid gobol kale inuu ka taliyo dad guryahood hore loo dulmiyay oo beerahoodii xoog lagu haysto C/qasimna waa isagii ku ballan qaaday arrinta ugu horaysa oo uu ku dhaqaaayo inay noqon doonto inuu mooryaanta ka saaro dhulka ay xoogga ku haysato uuna ku ballan furay marka ma ninkaas ayaad khayr kas sugaysaan? Idinkaa cirka caano ku og.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maslaxo.

Thursday, December 21, 2000 - 01:38 am
Anonymous.


Alle ka cabsiga aad fartey adiga ku dhaqan marka hore. "Ma wanaaggaad fareysaan dadka adinkoo halmaamaya naftiinna walibana akhrinaya kitabka?. Miyaadan caqlineyn?" Al-baqara.

Dadka qallooca diinta u gashey EE QABIILKA CAABUDA IYAGOO WADAADDO SHEEGANAYA haka mid noqon.

Waa maxay qabyaaladdan aad lasoo taagan tahay iyadoo ramadaan ah. Haddii kale QABIILKAADA HALKAN KA SHEEG WARKABA HAKU XIRMEE MEESHA. Diin inaad ku heysato dadka warkaaga uma eka mar haddaad cinwaankiina magac qabiil ku furtey doddaadana ay sumeysan tahay. Ilaahey haku soo hadeeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idea

Thursday, December 21, 2000 - 02:50 am
acdu beelaahi meen al-shaytaan al-rageem.

What does it mean that a person worships Qabiil?
what is weird! What is wrong with somali ppl why can't they just differentiate between qabil n their stupid politics?
Allah says" waa gacalnaakoum shoucoban waa qaba'ilen lee tatacarifu.." can we just stick to that.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MADMULAH

Thursday, December 21, 2000 - 03:07 am
Assalamu Caleykum.

Anonymous,

Siad Barre waa loo soo wada shaqeeyay, yeeyan hilmaanin in Soomaaliya ay aheyd dowlad Socialist ah, dadka badanaana dowlada bey u soo wada shaqeeyeen.

C/Qassim waa nin aad u wanaagsan hadii run la rabo. Waa nin Alle yaqaan. Waa nin Diinta yaqaan. Hadii ey wadaadaha rabaan in ey taakuleyaana waxba ma dhibeyso, hadii Soomaaliyana diinta lagu dhaqo aad ey u wanaagsantahay. Sababtoo ah ummad Muslim ah beynu nahay, Alle diintiisana wax ka fiican in la raaco ma jiro.

Fadlan, Ramadan waaye ee Alle ka baq, ee isku xishoo. Qabiil waa wixii Soomaaliya saas ka dhigay. Qaabiil waa waxa ugu xun aduunka ey dad isku dhameeyaan.

Hada dowlad baa noo dhalatay, Alxamdulilah. Bal maxaa naga galay haduu C/Qassim yahay qabiilkan iyo qabiilkaa? Waa nin Muslim ah intaas baa nagu filan.

Ogow, in aanan C/Qassim isku qabiil aheyn. Waxaan ku faraxsanahay in Soomaaliya dowlad ey nooga dhalatay. Dowlad aduunka oo dhan laga aqoonsaday, dowlad U.N., O.A.U., Arab Union, Islamic Conference and IGAD ay wada aqbaleen. Waa Mahad Alle kaliya u sugan, 10 sano baa Soomaaliya dowlad la'aan aheyd.

Isku xishoo ee qabiilka iska daa. Hadii kale Soomaaliya ku noqo ee qoray qaado. Intaad halkan qurunkan ku soo qori laheyd!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 23, 2000 - 12:29 pm
Xasan Dahir wuxuu yiri Intaan C/qasim la dooran dowladda Jabouti lagu soo dhisayo Jihaad ayaan ku qaadaynaa markii C/qasim la doortayna wuxuu yiri wixii ka hor yimaada dawladda dagaal ayaan ku sifaynaynaa marka ma sidaas baa idinkuna la qabtaan?(Maslaxo ,Idea, Madmulah)

Midde kale wadaadada Dowladda taageersan dad guryahood ayaa qasab lagu haystaa intaan C/qasim ladooranna waxay joogeen Xamar may sifeeyaan Burcadda ay hadda C/qasim dartiis ula dagaalamayaan mise markii dhowr kursi la siiyay ayay Jihaadka soo xasuusteen.

Haddii aad Tariikhda wadaadada wax ka ogtihiin waxay oran jireen annagu kooxna ma raacsanin marka hadda waxaa cataatay inay rabeen xukun aysan wax kale u dagaalamayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 23, 2000 - 04:13 pm
Idea sis masha allah I love the egyptian dialect too "gacalnaakum".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Monday, December 25, 2000 - 10:57 am
Qofka meeshan wax ku qoray waxaan u malaynayaa in madashii qabyaaladda lagu gorfeynayey waad ka soo habowday ee meeshan amuuraha diinta ayaa la isku waydaarsadaa ee ixtiraam dadka soomaaliyeed ee halkan ku tacaluqa.

Wadaadada Hawiye iyo wixii khayr wada ilaahay Janadii ha geeyo(AAmiin).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 25, 2000 - 03:38 pm
Amiin Jannada alla ha geeyo!!!

Laakiin Qoonsadow amaad dhinac qabiil u qoonsatay hadalka sida badanaa dhacda kadibna aad diinta damacday inaad ku daboosho arrintaas.

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Friday, December 29, 2000 - 02:21 pm
Anon, Allah dembigeenna ha dhaafo, hana inaga dhigo ku qabsada xadhigga alle. Haddaan u soo noqdo su,aashaada jawaabteeda, annigu reerka aad ugu tuhmayso ma ihi, laakiin cid aan u qabo xumaan ma jirto. Muslimiintu waa walaalo meelkasta ha joogeenne. Hawiye iyo reerka aan ka dhashay wax ay ku kala duwan yihiin ma jirto, waayo dad soomaaliyeed weeye. Xagga qabiilka haddaan u kaco, muslinimo iyo qabiil meel ma wada galaan, sidaas darteed baa diintu inooga mamnuucday qabyaaladda. Markaa walaal ha igu tuhmin in qabyaalad ay ii gaysay hadalka aan idhi. Walaahay in aanan been ku sheegin ee marka walaal waxaan kuu dardaarmay iyo weliba naftayda xaqa Alle. Haddaad hadalkayga ka dhadhansato deelqaaf ula kac ha u qaadan.

Assalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax

Monday, January 08, 2001 - 09:28 am
war ilaahay halaga baqo aduunkan waa laga tagaayaa oocidna aaqiro wax kuu tari mayso ee cuqdada halayska saaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ashcari daarood ah

Saturday, February 10, 2001 - 08:29 pm
waxaan aad uga xumahay inaan ku arki waayay hadda ka hor,bogaanoo, ninka wadaadada hawiye af goostayoow been loow wadaadada hawiye ee islaaxa ah iyo itixaadka iyo kuwa daaroodka isaaqa iyo qabaailka kale ee itixaadka iyo islaaxa (wahaabiyada) ayaa taageera, ee sidaa ula soco barnaamijkii qaiilkuna waa dhamaadaye la soco oo ogoow ninka hawiye iyo kan daarood oo ahlu-sunnaha ah inay walaalaha jira yihiin ee caalamka ku nool hana galin calooshaada inay dawlada wahaabiya ahi soomaaliya ka dhalato inta nin ahlu sunne ahi noolyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLEYAQAAN

Wednesday, February 14, 2001 - 05:38 pm
ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBBAR
INNAA LILLAAHI WAINNAA ILAYHI RAAJICUUN
WAR MIYUUSAN ALLE KABAQAYN NINKA INTUU QABIILKA BOOSKIISII KUDEEQI WAAYAY LASOO AADAY BOGGII DIINTA WALAAL ALLAH KACABSO OO KAXISHOW UMADDA
MARDAMBE HAKAGA HADLIN QABIIL BOGGAAN WACLAM ANNA DAAROOD OW HAWIYA OW QABIILATAN MINA ALNAASI LAA YANFACUKA YOOMALQIYAAMATI WAQAALA S/C/W/ "FAJTANIBUU HAA FA INNAHAA MUMTINNAH"