We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 20, 2000 - 08:47 am Assalaamu Calaykum, Walaalayaal kadib markaan mudo 10 sano ah ku noolayn wax haddii laga sheekeeyo dad ban ilmo ka qubanayso ama dad badan muruqo iyo tiiraanyo kusoo celinaysa dad badan ay naceen wadankoodii sababta wixii dhacay dad badanna ay ku dayacan yihiin Aduunka cirifyadiisa. Walaalayaal waxaan Aduunka ku joogi jirey SHARAF iyo CIZZI waxaa wadan walba oo dunnida ka mid ah inoo joogi jirey SAAFIIRO ilaaliya danada dawladeena iyo xuquuqda qof kasta oo SOOMAALI ah waxaase taa bedelay in maanta Aduunka oo dhan aan ku joogno QAXAATINIMO oo hoos la inoo fiiriyo Dadkeeniina xaaladooda lagama sheekayn karo. Caruurteenii DIBEDA baa loo dhoofiyey qaar kuwii dhalay dhoofiyeen iyo kuwo lala dhuuntayba, waxaa suqyada Aduunka lagu kala qataa sidii SPARE PARTSka dadaka sidii baabuurtii oo kale waxa la iibinayaana waa dadkeena xubnohoodii. Waxaa siyaabo fool xun loo kala gataa gabdheheenii iyo wiilasheeniiba iyagoo loo adeegsanayo QAAB TUMASHO waxaa kaloo loo gataa in la korsado kuwan la korsadaa waa kuwa aad moodo inay ugu nasiib roon yihiin marka loo eego qaybaha loo gatay SPARE PARTS iyo kuwa loo qatay in lala TUNTO runtiise iyaguna aad bay u nasiib daran yihiin oo GAALNIMO bay caaqibadoodu noqonaysaa Walaalayaal waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa la jirka iyo taageerada iyo u ducaynata Dawlada KMG ah, 100 sababood darteed, waxaanse kasoo qaadanayaa intan: 1...waa dawlad Islaamka inay waxku xukunto balan qaaday 2...waa dawlad ay soomaali u dhan tahay 3...waa dawlad masakiinta inay kaalmayso balan qaaday 4...waa dawlad qabiilayse mooyee cid kale aanay kasoo hor jeedin 5...waa dawlad siyaasiyiinta ADUUNKU (dawladaha) wada aqoonsadeen bal taageereen 6...waa dawlad nadaan xornimo ku socota (xoriyada ganacsiga, xoriyada siyaasada ama xisbiyada, xoriyada qoraalka ama saxaafada iwm) 7...waa dawlad dad yaqaanna maamulka ay faraha ku hayaan ama dad kasoo shaqeeyay shaygii dawlad la oran jirey 8...waa dawlad balan qaaday muqadasnimada SOMALIWEYN meesha ay dhamaan Jabhaduhu isku waafeqeen in nin walbi (warlord) waxoogaa reerkiisa ah ku urursado cirif yar oo SOMALIYA ka mid ah 9...waa dawlad balan qaaday inay sharaftii SOOMAALI lahaan jirtay soo celiso,ADUUNKA way ka hir gelisay laakiin gudaha inagaa weli ku jiifna oo aad moodaa in nin walba oo inaga mid ahi uu mid kale oo JABHAD ah oo reekiisa ah aynu uurka kala jiro 10...waa dawlad si degan oo qunyar socod ah SABUR iyo dulqaad ka muuqdo ama wax ku wada kadib markay naftoodii u hureen iyagoo mid mid loo ugaarsanayo inay ka shaqeeyaan danta iyo isu soo celinta ummadan la kala qoqobay (googooyey), 20...waa dawlad muujisay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya wadana sidii shisheeyuhu uga bixi lahaayeen GOBOLO soomaaliyeed oo la haysto oo weliba Soomaali kale taageersan tahay ama ay joogitaankaas shisheeyaha rabaan 30...waa dawlad bilawday in dadku hadal buu isku af gartaaye xayawaankuna cida e la wada hadlo si la siu af garto GUUL waartana loo gaaro. 50.. 70... 100...waa dawlad kaga dhabaysay balan qaadkeedii ku aadanaa in nabad wax lagu xaliyo intaan gacan la qaadin taasna dhacdadii sshalay baa markhaanti u noqotay Warkii shalay "Sheekada ugu weyn ee magaalada Muqdisho maanta la isla dhex qaadayey ayaa ahayd howlgalka ay sameeyeen shalay ciidammada Dowladda. Dadka badankiis ayaa arrintaasi ka muujiyey niyad xumo, inkasta oo qaar dadka mid ahi ay sheegeen in dowladda la tusay tabarta ay leedahay. Wargeysyada magaalada Muqdisho ka soo baxa qaarkood ayaa iyaguna qoray faallooyin ay ku dhaliilayaan dowladda ku meel gaarka ah. Mid ka mid ah Wargeysyada ayaa cinwaan uga dhigay dhacdadaasi "ciidammada dowladda oo loo awood sheegtay." Wargeyska ku hadla afka Dowladda ee Dalka ayaa isna qoray in ciidammadii ka socday dhanka Dowladda ay ahaayeen ciidamo sama-doon ah. Waxa uu soo sawiray wargeysku cartoon muujinaya ciidammadii dowladda oo ubax sida, ayna ka hor yimaaddeen maliishiyooyin qamaamaya oo sita hubka cul culus iyo kan fudud" ka akhri maqaalkii oo dhan halka: http://www.hiiraan.com/Dec/dec20.htm Waa dawladii masaakiinta sida in badan uu madaxweynuhu ku celceliyey "Dawladani waxay u dhalatay masaakiinta" taasna wuu kaga dhabeeyey waxaadn akhrisaa haddaad walaal waqti kugu filan hayso maqaalkan anigoo rejaynaya inaad ka heli doonto macluumaad badan oo ku dareensiinaya inaan DAWLAD noocan ahi hore inoogu dhalan: booqo Boggan http://ingiriis.somalitalk.com/2000/december/18122000.html Walaalayaal anigoo hadalkii badiyey waxaa igu qasbay in dad badan leeyihiin maxay talaabo adag uga qaadi wayday DAWLADU jabhadaha khaas ahaan dhacdadii shalay oo dad badani jeclaysteen in dhiig badan la daadiyo taasna waxaan aad ugu taageersanahay mawqifka dawladu qaadatay sababtoo ah walaalayaal waxa ay JABHADUHU wataan waa dhalinyaro yar yar oo la marin habaabiyey kuwa dhimanayaana waa dhalinyaradaas DAWLADUNA waa kuwaas cidda ay rabto inay badbaadiso. marka yaan dagaal la jeclaysanin waxaan maamulka dawlada khaas ahaan MADAXWEYNAHA ALLE ha garab galee ka codsanayaa inay sidaa wax kusii wadaan NABADANA wax walba ka hor mariyaan XALKA QORIGU waa kii jabhaduhu 10kii sano ee la soo dhaafay ku guul daraysteen, wax ziyaado ah oo aan idin oran karo ma jirto oo idinka dhiman, waxaanse idinku bogaadinayaa sida aad illaa hadda hwsha u wadaan. Waxaan ugu danbaystii walaalaha Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed XASUUSINAYAA waa bil RAMADAAN oo barakaysan ALLAAHNA inoo balan qaaday inuu DUCADA aqbalo ee aan ummadeena u ducayno si uu dhibka inooga saaro waxaanna Ducadii inoogu bilaabi Yaa ALLAAHU Yaa RAXMAANU Yaa RAXIIMU Yaa MALIKU Yaa QUDDUUSU Ilaahayoow magacyadaad Qurxoon iyo Sifooyinkaaga Sreeya baan kugu barinaye DAWLADAN nooga dhig DAWLAD caadilad ah, walaalayaal haddi taa la helo waxaad ogaataan in ALLAAH barakooyinkii SAMADA iyo kuwii dhulkaba inoo furayo Aamiim Aamiin Aamiin. Walaalkiin Adam A Y Xawar Ibn-Islaam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 20, 2000 - 11:37 am Waa dawlo ku dhisan qabyaalo Waa dawlo ay ka buuxaan dadkii dalka burriyay. Waa dawlo ummadda badhkeed kasoo horjeedo Waa dawlo rabta inay caruurta masaakiinta gacmaha iyo qoobabka ka gurto! Been maan isugu warramaynaa? Dawlo la'aanse waa dhaantaa! Allow ummdda nabad iyo cadaalo u keen. Aamiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 20, 2000 - 01:09 pm Salamu Caleykum, Xaaladdii aan awal ku jirnay waxaa inoo dhaanta dowlad diktator xun. Ogoow waxba waxbey dhaamaan. Mida kaliya aan suubin karno waa inagoo u duceyno dowladan cusub, Allena ka barino in noqoto midii masaakiinta iyo cadaalada. Insha'Allah aanu sidaa rajeyno Allena ka barino. Waligeen meel ma gareyno haddii aanu kii kastaa oo meesha qabsadaa dabagalno. Ramadan Kareem Akhukum Ansâri
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 21, 2000 - 08:08 am Waryaa galool, gacanta iyo lugaha goyntooda waa mid shareecadu amartay, markaa ma waxaad ka soo horjeedaa Alle xukunkiisa? Somaali waxay ku maah maaday AQLI KOOBADADAY MOORA SHEYDHAANAA KI JEEYEE". oo macnaheedu yahay haddii caqli aad is bido xero shaydaan baad ku dambayn. Galoolow, horay waxaan marar badan ku dareen siiyeey in Alle oo quraankiisa lagu jees jeeso, iyo axaadiista nebiga ay tahay gaalnimo cad, waxaase ii cad in aad ula kac u samaynayso, waayo diinta waad taqaan. war hoy dib u ashahaado oo xadhiga Alle si dhab ah u qabso. Waad ogtahay Alle wax ba u dhimi maysid, oo haddii aad diintiisa aad ku jirto iyo haddii aad ka baxdo, waxba u dhimi maysid.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 24, 2000 - 04:05 am Qoonsade Are May aa taqaan miyaa? Aad aan u jecelahay lahjadaa kuma se hadli aqaan. Cid aan ku jees jeesaa ma jirto. Ra'iyigeegaa aan dhiibtaa taana xaq aan u leeyahay sida adiga aad adiga xaq ugu leedahay. Tan shariicada waa kaala doodi lahaa, laakiin dood iskama xejin kartid, oo hore aan kuu arkay, marka walaalow maa faraha iga qaadid wiil yar aad tahaye?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 25, 2000 - 11:13 am Galool, arlaadii waa meeha aan ka imi somaaliyana iyada uun baan ka aqaaan. Midda labaad, waxaan ku siiyey amaan aad u balaaran. Runtii anigu haddii ay doodu tahay mid aan diinta lagu xad gudbayn waan jecelahay in aan ka qayb qaato; haddiise ay tahay mid aan islaamka waafaqsanayn waan ka dagaalammaa. war iyo dhamaan Galoolow waan ku daayey Allena xaqa hana waafajiyo. Nabadaay alankii awkay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 25, 2000 - 04:24 pm Galool, ma rabtaa in aad lahjadaas maqashid? ka maqal halkaan: http://www.kfai.org/kfai2/somali.ram
|