Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): DIINTA ISLAAMKA iyo MUSLIMIINTA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Eebaan ka magan galay Shaydaanka la fogeeyay. Bisinka Ilaahay Barakadiisaan Ku Bilaabay.

Dood faro badan ayaa ka taagan waxa Diinta Islaamku ka qabto arrimo badan oo bulsho weynta Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan tan Soomaaliyeed haysata.

Dadka Soomaaliyeed waxay la qabaan bulshada Muslimiinta ah kala daadsanaan, iska hor imaad, aqoon yari, colaad, dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo dad sameeyeen.

Ugu horayn inta aanan wax kale u gudbin aan si cad oo aan mugdi ku jirin u sheego in Islaamka iyo Muslimiintu labo kala yihiin.

Islaamku waa Diin. Waa Diinta Ilaahay. Waa Diinta dhammaan Anbaiyadii iyo Rusushii Ilaahay addoomadiisa soo gaarsiiyeen. Waa Diin ciddii raacda aakhiryo adduun liibaanayso.

Muslimiintu waa addoomo Ilaahay waa gaf iyo hilmaam badan. Waa Khalqi Ilaahay u sahlay in ay kala doortaan shar iyo khayr. Waa kuwo naftooda dulmiyay ama is-dhawray. Muslimiintu waxa ay ku dhaqmaan ama ay sameeyaan kama turjunta waxa Ilaahay Addoomadiisa u soo dejiyay Diinta Islaamka.

Iyadoo kooban Islaamku waa Diinta dhamaystiran oo aan u baahnayn dayac tir. Muslimiintu waa dad raacay Diinta Islaamka oo gaf iyo iloow u gaysan karo in ayna ku dhaqmin Diinta Islaamka.

Waxa qofka Muslimka ihi aqoon daro ama iska yeel yeel u gaysto ma aha wax Diinta Islaamku qabto ee wax uu qofkaas ama dadkaasi iyagu gaysteen.

Dhibaatada hadaba haysata Muslimiinta maanta joogta ma aha wax cusub ee Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaam ayaa afar iyo toban qarni ka hor noo sheegay. Waxaa laga soo weriyay Nebigeena Calayhi Salaam in uu yiri "dadyowga ayaa waxay idiin eryan doonaan sida habar dugaag u eryato ishkinta (xoolaha guri joogga ah)." Rasuul Allaow ma yaraan taa saa naloogu geli markay weydiiyeen Asxaabtiisii Ilaahay Ha Ka Raali Noqdeena wuxuu Nebigeenu Calayhi Salaam ugu jawaabay: "Mayee waxaad u faro badan tihiin sida xumbada mawjadda badda."

Muslimiinta maanta adduunka jooga waa shan qaybood meel dadka adduunka ku nool ama in ka badan 1,000,000,000 oo qof.

Ilaahayow Noo Maciin Adaan Magan Kuu Nahay E.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Unrecorded Date
Waa ku salaamay....
Walaalkiin, adigoo ey wanaag kaa tahay ka hadlidda diinta Islaamka iyo Muslimiinta maanta aduunka ku nool, baan haddana shaki weeyn ka qabaa mowduucyadda ku saabsan arimahaan oo kale.
Ururka NSYL iyo home-page ka goonidda noo ah ee password-ka lagu soo galo, hadeey isku badasho kooxihii Soomaaliyeed ee diinta Islaamka fasiraad-yo ka kala haystey, oo firqooyin u kala baxsan, mid ka mid ah.
NSYL waa in aan loo arkin meel loogu soo gabado in wacdi lagu faafiyo. Diintana waa "private" arin ah.
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Unrecorded Date

Ammin wanaagsan gidiin


Fadlan.....wixii diinta ku saabsan geeya maxfalka ay Somalinet ugu tala gahay diinta islaamka.


F.G: (fiiro gaara): yaanan loo qaadan in fikradeydu tahay diin ka soo horjeedid iyo la jirid, waxaan aragtidaa u soo tibaaxay ayadoo ay jirto meel loogu tala galay wixii ku saabsan DIINTA ISLAAMKA.

Mahadsanidin


NABAD iyo CAANO


Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Badgal iyo Galleyr haddii aad fiirisaan "Hawl qaybsi" waxaa la igu daray "Waaxda Wacyiga" hadaba. Wacyiga waxaan u qaatay in uu yahay kor dhin aqoonta bulshada.

Waxaa durba laga hadlay NSYL iyo meesha ay joogto Qabiilka iyo Qabyaaladda. NSYL waa urur Soomaaliyeed oo ka Madax banaan QABIIL ayaan niri hadaba miyayna haboonayn in aan qeexno waxa aan ula jeedno QABIIL.

Waxaa kaloo su'aal ka timid in GABAR hoggaanka NSYL qaban karto. Miyayna Haboonayn in iyana si cad oo cilmiyaysan uga jawaabno?

Anoo halkaa ka ambaqaadaya ayaan isku dayay in aan ka hadlo afarta qodob ee aan xusay. Waxaan daliil ka dhiganayaa Ayaado Qur'aan ah iyo Xadiiska Nebigeennii Suubanaa Calayli Salaam.

Sida aad aragto durba waxaan ka arartay in aan kala saaro Diinta Islaamka iyo Muslimiinta. Muslimiintu waa dad gafa, khaldama, aqoon yar oo nin tooxsi iyo lexlo jecel badan. Diinta Islaamku waa Diinta Ilaahay oo ma leex leexato.

Ujeedayadu ma aha in aan mawqif goon ah qaatay ama aan cambaareeyo cidna ee waa WACYI gelin iyo aqoon korarsi.

Badgal aniga rayigayga Diintu ma aha "private." Diinta Islaamku waa doorasho ee ma aha wax la isku muquuniyo. Waa u yeeris iyo rabitaan. Haddii aan doorano oo aan qaadano kuna dhaqanno waa Distuur aan in baahnayn in mar walba la saxo.

Haddii aan si khalad ah u fahmay "Waaxda Wacyiga" oo hawsha WACYI gelintu ahayn in aan saxno ama si cad u sheegno in GABAR hoggaanka noo qaban karto ama QABIIL iyo QABYAALAD yihiin wax laga dido iga raali noqdo. Waxaan u baah nahay in aan ogaado waxa ay tahay in aan dadka ku WACYI geliyo.

Ilaahayow Noo Gargaar Adaa Awood U Leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXOOW

Unrecorded Date
SALAAMAAD.

Walaalkiin waad ku mahadsantayay qoraalka aad soo qortay waa mid loo baahanyahay rururkaneh waxba u dhimeeyn inoo wax u kordhiyo ma ahanee,hilka aad iska saartay neh waa mid lama huraan ah,anigu diin aniga iga badan ma aqaan laakiin haddii aan idi aan ku heeysto nabad baan qabaa.

TO:Badgal,Galleyr

Walaalayaal waan idin salaamay.Walaalyaal runtii NSYL waa urur qofkastoo Somali ah ka mid noqon karo marka sidaas awgeed waa in diyaar loo noqdaa su'aal waliba in laga jawaabi karo sidee doonto hano qato.Walaalkiin waxaay dood is dhaafsadeen Somaali kale oo ka hadlayey ururkaan waxuu diinta ka qabo,sidaas ayaa ku qasabtay Walaakiin in uu qoraalkaan soo qoro.Badgal iyo Galleyr waxay noo aheed in aan garab ku siino Walaalkiin,walaayaal ogaada falaaro badan ayaa nagu soo foorara ee diyaar waa in aan uno qonaa waxayna ka imaan karaan dhinic waliba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Salaan dhamaan walaalayaal,

Sida hore loo yiri diinta waa nasteexo, lakiin khilaaf baa wuxuu ka yimaadaa fasiraadda dinta.
Sida uu Walakiin sheegay Islaam iyo Muslimiinta waa kala labo. Waxaa jira muslimiin aan dinta aan si munaasab ah uu baraniin amaba doorta inta iyagga dantoodda xoojineeyso diinta ka adeegsadda.

Aan afeefto, aniga diinta aqoonta aan ka leyahay waa koobantahay; waxaanse ogayahay dembiyadda Ilaahey swt uu ku sheegay quranka inaay ka mid tahay dembigga ah "in ninka uuna isku ekeesiinin ama u dhaqmiin sidi naag; naagna inay isku ekeesiin nin amaba uu dhaqmin sida ninka"
Rag baa taa uu fasirtay in uu Ilaahay ka soo horjeeddo naag waxaa maamuusha. Xaadith waa jira ka hadlay arrinta, xadith-ka oo sax ah hadda kor kama hayo lakiinse wuxuu leyahay "qoom naag maamusho ma waaro" taas waxaa loola jeedaa because of the biological and physcholgical
difference between men and women, men will make better leaders. If we put this into prespective and remeber the situation of Islam at that time it makes perfect sense. Lakiinse, raag baa xadith-kaas sidii donaan uu fasiirta.

Walaalkiin, ma waxaa jirta aayad quran oo orneeysa naag waa ma maamuli karto??

Angia waxaan oran lahay dadka inaan uu sheegno:-
1. NSYL ma laha shaqsi keliya oo maamule
2. Moderator-ka shaqadiisa waa hawl fududeen
3. Go'aamada ururka xubnaha oo idil baa ku
heeshiya

Aniga waxay ilaa tahay firqooyinka xal doonka ah inay badan yihiin, cidii rabta inay si qaas ah xal ku raadiso fadlan firqooyinka la xiriira, laga yaaba inaad isku argitii noqotaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Mahadsanid AXOOW. Suuban walaal waxaan isku dayayaa in aan u gogol xaaro ama u ararto sidii aan jawaab buuxda uga bixin lahaa wax Diinta Islaamku ka qabto Xukunka guud ahaan iyo cidda ay u banaan tahay in ay qabtaan.

Waxaan mawduuc arar ah uga hadli doonaa Haddii Ilaahay Idmo bilowga Ayaadda Hoos ku Qoran "Waxaan Idinka Abuurnay Lab iyo Dhedig."

Ka dibna Qabiilka iyo Qabyaaladda oo ay ku xigo doonto Firqooyinka ugu dambayna Xukunka.

Ujeedada qoraalku ma aha cambaarayn ama taageerid fikir and firqo ama cid gooni ah ee waa sharxid iyo aqoon korarsi.

Hadaba waxaan ka sugaa xubnaha NSYL waa fasax in aan sii wado qoraalkan iyo in kale.

Suuban walaal Xadiiska aad sheegtay waa Xadiis sax oo jira wuxuuse u baahan yahay in dib loo eego lagana fiirsado sababtuu u soo degay iyo xiriirka uu la leeyahay Aayada Qur'aanka.

Sidaan meel kale ku sheegay dumarku gacan libaax ayay ka qaateen halgankii Nebigeenii Suubanaa si gooni ah ayaan Haddii Ilaahay Idmo uga hadli doonaa Sinaanta Ragga iyo Dumarka waxa ay Diinta Islaamku ka qabto.

Wixii san Eebow Na Guddoonsii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Unrecorded Date
Waa idin salaamay....
Walaalkiin
Waa ku mahadsantahay in aad noo sheegtey sababta keentey mowduuca.
Aniga iyo qaar ka mid ah xubnaha NSYL waxaan doorbidney in mowduucaan laga wareejiyo home page-kaan ee goonidda noo ah.
Walaalkiin
NSYL, hadeey Qur'aanka iyo Hadiith-ka aan dadka wax ugu fasirno, qof-ka meel uu ka hadli karo majiri doonto.
Fikrad is dhaafsi waa laga hadli karaa, laakiin Aayad Qur'aan dood ma galin karno, qof kastana markaas waa xujeesmey.
Sidaas daraadeed , inta aan mowduuca sii wadin aan
COD-QAADID u sameeyno.
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Haddii aad rabto in aad sooo jiidato ama aad ku qanciso qof Ilaahaygii Abuuray siiyay ikhtiyaar uu labo wado tii uu doono uu qaado waa in aad siiso sabab uu taada u qaato.

Haddii aad tiraahdo sidaa aan yeelno. Waxaa lagu dhehi maxaa ka iman? Waa in aad qancin karto qofka su'aashaa leh. Ma kula tahay in uu kaa yeeli "waxay ila tahay" aan lahayn dhacdo hore oo ay raacdo ama tix raac?

Maadaama aan isku raacnay in aan dhisno urur ama xisbi siyaasadeed iyo "dawlad dahsoon" waa in aan soo jiidan karno qof kasta.

Waxaan daliil amd raad raac ka dhigan karnaa wixii inaga horeeyay.

Waxaa tix raaci karaa Luuk, Soqraat, Farankalin, Markis, Linin iyo abwaanidii siyaasadda reer galbeedka. Waxaan kaloon tix raaci karaa dawladihii Muslimiinta ha ugu horayso tii Nebigeenii Suubaanaa Calayhi Salaam iyo Ilaahay Raali Ha Ka Noqdee tii Cumar Ibnu Khitaab iyo Cumar Ibnu Cabdulcasiis.

Waxaan raad raaci karaa halgamadii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan, SYL iyo dawladihii Soomaaliya soo maray.

Haddii aadan tix raac ama raad raac lahayn sidee u ogaan khaladaadkii iyo wanaaggii wixii kaa horeeyay?

Maxaan u dooranay NSYL haddii aanan raad raacayn ururkii SYL?

Waxaan kaloon idin weydiin maxaan uga baqaynaa in aan taabano boogta oo aan dilaacino malaxda mar haddii aynu isku raacnay in dadkeenu buko daawo sidaa baa lagu heli karaaye?

Waxaan rabnaa in aan dejino xeer lagu maamulo NSYL iyo Dastuur hadaba ma inaga ayaa alifayn wax aan horay u jirin mise raad raac iyo tix raac baynu yeelan doonaa?

Haddii aad tiraahdo Dastuur u eg kan reer galbeedka aynu dhigano anigu waxba kama qabo adiguse ma hubtaa in dad badan uusan ka didi doonin. Fiiri talada Suban ee Qariniga 21aad waxa ay dadkeenu u arki doonaan.

Haddii aad tiraahdo Dastuur ku salaysan Diinta Islaamka aynu dhigano waxba kama qabo ee ma hubtaa in aan laga didayn. Fiiri Galleyr in Badgal.

Haddii aad tiraahdo aan dejino Dastuur aan lahayn raad raac iyo tix raac waxaan ku dhehi aqoonteeda ma lihi. Waxaan aan raad raac iyo tix raac lahayn sideed iigu qancin? Ma hubtaa in aan ku liibaani doono? Mise hubtaa in aan hortaa dad kale isku deyin oo ayna ku lumin?

"Fiirya umadihii idinka horeeyay iyo wixii ay ku dambeeyeen!" waa Aayad Qur'aan ah micnaheeda.

Ilaahay Ha Noo Saarin Wax Aanan Qaadi Karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Unrecorded Date
Waa idin salaamay....
Inta cod loo qaadaayo, mowduuca dhex-galkiisa qof ahaan diyaar uma ahi, wixii aan ka oran lahaaba, mabaadiida tiradda badan ee maanta aduunka ka jira.
NSYL iyo home page-ka goonida u ah, mowduuc aan isku raacsanahay oo kaliya ayaa looga hadli karaa.
Sidaas daraadeed, xubnaha NSYL jawaabtooda aan helo. Markaas ayaan mowqifkeeyga si cad u qeexi doonaa.
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonx

Unrecorded Date
Waxaan raacsanahay Badgal.

Kuligeen Islaam ayaan nahay laakiin waxaa wanaagsan dood walba oo furmaysa in marka hore la isla fiiriyo in diyaar looyahay iyo in kale.

Ani qof ahaan laba dood ayaan furay labadabana waxaan moderator-ka ka codsaday in la isla fiiriyo hadday munaasib tahayna laga doodo haddii kalana dib loo dhigto.

Waxaan u baahanahay qawaaniin aan ku wada dhaqano inaan degsano.

Anonx