Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Shirkii 7-aad ee ururada Iskandaneeviya.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Salaamu Calaykum .
Waxaan jeclaystay walaalayaal inaan warbixin kooban idinka siiyo shirkii ururada islaamka ee Iskandaneeviya.
Waxaa uu ka dhacay shirkani oo ahaa kii 7-aad ee ay isugu yimaadaan ururada iskaandaneeviya magaalada Goteborg oo ku taal dalka Sweden, waxaa lagu qabtay shirka Dugsi sare oo ku yaal Goteborg,waxana uu dhacay intii u dhaxaysay 12-15 July 1999,waxaa ka soo qayb galay dad gaaraya ilaa 1000 qof oo kakala yimi dalalka Sweden,Denmark,Finlad,Norwey,England,USA,Canada,Soomaaliya,dadkaasi waxa ay isugu jireen rag,dumar iyo caruur,waxay ku yimaadeen basas,gawaari khaas ah,tareeno,doomo iyo diyaarado.
Cinwaanka shirka waxa uu ahaa NOLOSHA QOFKA MUSLINKA AH EE GALBEEDKA KU NOOL.
Shirkaasi waxa uu furmay maalin isniin ah taariikhduna ahayd 28kii rabiicul-awal 1420 oo kuu beegnayd 12kii July 1999,waxana uu u dhacay sidatan.
Furitaanka shirka.
Waxaa lagu furay shirka aayado quraan ah oo uu akhriyay Khadar Yuusuf ,ka dibna waxaa hadal ka soo jeediyay maamulaha shirka Cumar Xasan Yoolac,ka dibna waxaa ka hadal gaaban ka soo jeediyay sheekh Yuusuf oo ah Sheekha Goteborg,waxaa isna hadal ka soo jeediyay Carays oo ka socday haya'ada ka caawisay shirka helitaanka fiisooyinka culimada.
Kadibna waxaa bilaabmay muxaadarooyinka oo ilaa 5 muxaadaro ayaa baxaysay maalin kasta,oo ay muxaadaro kasta raacayeen su'aalaha dadwaynuhu soo jeedinayeen.
Culimada ka soo qaybgashay.
Waxaa ka soo qaybgalay culimo kala ah .
1.Sheekh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi oo ka yimi qadar.
2.Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka yimi Nayroobi Kenya.
3.Sheekh Aadan Maxamed Ciise oo ka yimi Canada.
4.Sheekh Basiir shiil oo ka yimi Canada.
5.Sheekh C/Qaadir Cosoble oo ka yimi USA.
6.Sheekh Maxamed Cali Kaariye oo ka yimi USA.
7.Sheekh Yuusuf Axmed oo Degen Goteborg Sweden.
Waxaa la filayey inuu yimaado oo aad loo sugayey Macalin Maxamuud oo soomaliya ka imaan lahaa ,laakiin waxaa dhibaato ka qabsatay garoonka diyaaradaha ee Nayroobi oo uma suuroobin inuu yimaado.
Muxaadarooyinka oo aad ula xidhiidhay cinwaanka shirka,ahaana qaar si toos ah u taabanayey nolosha dadka soomaaliyeed ee qurbaha degan ,waxaa ka muuqatay inay dadku xiise gaar ah u hayeen ,waxaana laga dareemayey wakhtigu inuu culimada iyo dadkaba ku yaraanayey,mararka qaarkoodna aan su'aalaha wakhti loo helin.
Muxaadarooyinka la soo jeediyay.
1.NOLOSHA QOFKA MUSLINKA SH.AADAN MAXAMED CIISE.
2.CAQIIDADA SALAFKII SUUBANAA SHEEKH MAXXAMED CABDI UMAL.
3.AKHLAAQDA QOFKA MUSLINKA AH SH.C/QAADIR COSOBLE.
4.HABKA XALINTA KHILAAFKA SH.BASHIIR SHIIL.
5.JILBAABKA IYO SHURUUDIHIISA SH.MAXAMED CABDI UMAL.
6.CIBAADADA ALLE SH.C/RASHIID CALI SUUFI.
7.GURYAHEENA GUDAHA AYAY KA GUBANAYAAN SH.YUUSUF AXMED.
8.WANAAJINTA QALBIGA MAXAMED CABDIRAXMAN KAARIYE.
9.HABKA GUDBINTA DACWADA SH.BASHIIR SHIIL.
10.TARBIYADDA JIILKII HORE MAXAMED CABDIRAXMAN KARIYE.
11.DHIBAATADA MAALINTA AAKHIRO SH.C/RASHIID CALI SUUFI.
12.NADWO FIQI AH CULIMADA OO DHAN.
13.NADWO SIYAASI AH CULIMADA OO DHAN.
Muxaadarooyinkan oo badankooda ay si wanaagsan u duubeen SomaliMedia waxaa la heli karaa iyaga oo video ah iyo iyaga oo maqal ah,waxaanan jeclahay hadii Ilaahay ii fududeeyo inaan iyagoo qoraal ah aan dhowaan ku soo gudbiyo homepayjkayga oo ah.
www.geocities.com/MadisonAvenue/Boardroom/1183.
e-mail mohamed132@hotmail.com
Faa'iidooyinka laga helayo shirarka noocan oo kale ah aad iyo aad ayay u badan yihiin ,waxaana ka mid ah.
1.Iimaanka qofka oo aad u kordha .
2.Ajar aad u fara badan oo uu qofku ka helo,maadama qofku cilmi doon yahay.
3.Waxaad ka soo faa'iidaysanysaa cilmi aad u fara badan adiga oo waxaadan garanaynina culimada waydiinaya.
4.Waxaad kula kulmaysaa walaalo aydan mudo is arag.
5.Waxaad ku baranaysaa shirka noocan oo kala ah walaalo cusub.
6.Waxaad la noqonaysaa afkaar cusub.
7.Waxaad soo helaysaa cajlado iyo kutubo sare u qaadaya aqoontaada diineed.
Waxaa iyana jira faa'iidooyin kale oo aana halkan ku soo koobi karin.
Shirkan oo ahaa kii iigu horeeyey aan ka qayb galo,waxaan mahad uga naqayaa Ilaaha ii fududeeyey inaan ka qayb galo,waxaan kaloo rabaa inaan mahad u naqo walaalaha soo qabanqaabiyay shirkan iyo sida gaarka ah ee ay xilka isaga saareen sidii uu shirkani si wanaagsan ugu dhici lahaa ,taasoo runtii i farxad gelisay sida ay dhamaan walaalaha reer goteborg ugu adeegayeen martida ,iyo habsami u socodka shirka,waxaa kale oo aad ii farxd gelisay inaan arko culimo soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ilaahayna isugu daray cilmi,degenaan iyo dhamaan sifooyinkii looga baahnaa qofka daaciga ah ,waxaanan ogaaday inay dhawdahay goortii wadankeenu heli lahaa waxa ka maqan oo ah dawlad islaam ah oo ku xukunta manhajkii rasuulka, maadaama ay jiraan walaalo badan oo aduunyada geesihiisa kala jooga oo u shaqaynaya siday arintaasi ku suuroobi lahayd.
Waxaa iyana salaada mahrib ka dib ka hadli jiray odayaal soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Aada cartan oo xasuusinayey dhalinyarada kaalinta kaga aadan u shaqaynta umada iyo sidii looga saari lahaa masiibada ku habsatay.
Dardaaran.
Waxaan walaalaha muslimiinta ah ee akhrisanaya warbixantan kula dardarmayaa anigoo naftayda ka bilaabaya cabsida ilaahay iyo inay islaamka u shaqeeyaan oo kolay intaad nooshahay waad daaliye islaamka u daal,waad haraadiye islaamka u haraad,waad gaajoone islaamka u gaajood ,waad dhimane islaamka u dhimo.
Wixii aan saxay Ilaahay ayay mahadi uga sugnaatay,wixii aan khaldayna naftayda iyo shaydaan ayay ka ahaatay.
Wixii aan ka tegay walaalaha waa u furantahay inay ku daraan,wixii aan khaldayna inay i saxaan.
Walaalkiin abdalla (Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED

Unrecorded Date
SALAAMA CALEYKUM!

WALAAL CABDALLA ILLAAHAY KHAYR HAKAA SIIYO, SIDAAD U DADAASHAY. MIDDA KALE WAXAA WANAAGSANAAN LAHAYD IN MEELAHA QAARKOOD AY LAHAADAAN SADAR BANNAAN SI
EY U FUDUDAATO AKHRINTA.

MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum axmed.
Walaal waad mahadsantahay waxaan rajaynayaa inaan marka xigta samayndoono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alfarooq

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay arrinkaas waxaana rajeynayaa inuu Ilaahey kaa abaal mariyo sidaad xil wayn isaga saartay oo aad inoogu soo gudbisay akhbaartaas. Dhab ahaantii intaas ayaaba dacwada ku taagan tahay, hadii uu qof walba xil iska saari lahaa sidii uu diinta Ilaahey wax ugu qaban lahaa maxaan maleynayaa in khary iyo faraq badan u furi lahaa adoomadiisa. Walaal Ilaahey ha kuugu daro acountka aakhiro maalin aysan naf iyo maalba wax hanan karina ha kugu furto. Waxaan kugu boorin lahaa inaadan ka seexan arrimahaan ee aad mar walba update inoo suubisid. Waa Akhuuk fiLaah Alfarooq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum Faaruuq.
Walaal waad ku mahadsantahay dhiiragelinta aad igu dhiiri gelisay camalkan khayriga ah ,waana run oo walaal hadaynu iska dayno hadalka badan oo ku bedelno ficil ,wax badan baa hagaagi lahaa,gaar ahaan arimaha wax qorista aad ayaan ugu liidanana hadaan soomali nahay,marka walaal aynu ka wada shaqayno sidaan waajibka islaamiga ah ee ina saaran aan ugudan lahayn.
Walaalkaaga Islaamka Abdalla.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdikhaaliq

Unrecorded Date
asalaamu calaykum walaal cabdalla ilaahay ha kaa abaal mariyo