Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Walaladay muslimiinta ahiyee hadii aad ahaan laheyd aniga maxaad ka oran laheyd mucjisadan????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walashiin Dhiban

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Walalayaal waxaan rabaa in aad fikrad iga siisid dhibatada ii heysta. Waxaan ahay gabar schoolay ah oo kunool qurbaha. In mudo lago jogo ayaa walidkeey waxey iga codsadeen in aan soo galiyo abahey ina abtigiis oo igu toosan adeer, wuxuu ku dhibanaa Ethiopia, sida qura lagu soo galin karanay waxey aheeyd in aan iraahdo waa fiancé geeyga. Markii hore aan xareynaynay arinka wuu yara sahlanaa, markaad qofka soo galiso mudo yar kadib ayaa ladhihi jiray waan kala tagnay. Balse arinka hada saas wuu ka cuslaaday, waa in la sameeyo Meher dhab ah oo tii diinteena qabtay ah, hadii aan saas lasameeyn 3 bilood gudaheeyda waa lacelin. Aniga garan maayo wax aan sameeyo, waayo maherkaan beenta ah hadii aan sameeyo, danbi ayaan kagali Ilaahigii ii qalqay, danbi waxaa igu filan markii hore beenta aan sheygay, hadii aanan sameeyn asagii ayaa lacelin walidkeeyna way iga xumanayaan. Run ahaantii aniga kuma jacsani arintan, marka aan hor dhigay walidkeeyna waxey yirahdeen, waa aderkaa asaga niyad kuuma haayo adna niyad uma heysid waxa dhibatadaan loo maraayo waa in loogu daneeyo asaga sidii uu ugu heli lahaa dagaan wadankaan Ilaahayna wuu nojedaa in aan u sameyneyna cawinaad dartiis qof walaalkeen ah, markii meherka lasameeyana daqiiqado kadib wuu ku dhigi. Walaal Ha umaleen in aan cabsi ka qabo in uu idhigi waayo, waxaan cabsi ka qabaa beenta aan sheygaayo, waayo waligay waxaan oo kale ma'aan sameyn waxeyna iila tahay anoo qalad aad u weyn kagalay rabigii ii abuuray.

Ee walalayaalow maxaad ka leydihiin arinkan? Bacdamaa eey idinka midyihiin dhaliyaro dhinaca diinta ku wanaagsan oo isku baheystay dhanka Islamka ayaan waxaan jecleystay in aad fikradiina wax iga siisaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-farooq

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

To: Walaashiin Dhiban

Walaal marka hore waxaan Ilaahey ka baryayaa inuu arrimaha kala asturo oo uu faraj kheyr qaba inuu furo. Walaal Ilaahey ha kaa saaro murugada aad ku jirtid hana kuugu badalo kheyr waara oo miro dhaliya aduun & aakhiroba.

Walaal marka hore ma kuu banaana inaad Ilaahey dambi ka gashid adigoo isku dayaya inaad waalidkaa raali galiso maxaa yeelay suubanihii ayaa horay u sheegay oo yiri "Laa daacata li-makhluuqin fii macsiyatil khaaliq." Qofna laguma adeecayo wax Alle xaaraantimeeyay beentuna waan ognahay meesha ay ka joogto diinteena. Quraanku waxa uu leeyahay "Fanajcal lacnatalaahi calal kaadibiin" Lacnad beenlowyaasha dushooda ha ahaato.......Allow ha inaga dhigin kuwaas. Waxaan kugu boorin lahaa inaad ku ekaatid dambigii aad horay u gashay waalidkaana aad runta u cadeysid inayan beent iyo meher been lagu dhiso kuu banaanayn deedna Alle khayr waydiisato lacal-laaha inuu arrinta sahlo. Mida labaad Ilaahey adoomadiisa dhibka waa uu ka saara hadey imtixaanka ku baasaan ee isku day inaad ducada badisid oo aad dambiyada aadan yareysan maxaa yeelay dambiga kiisa yar ayaa ugu dhib badan laakiin dadku inta badan kabaa'irta ayay iska ilaaliyaan. Maxaa ugu dambeyntii kugula talin lahaa salaatul-itikhaara u tuko una bandhig cidii aad is leedahay waa culumo kuwaasoo kugula nool meeshaad joogtid iskuna day inaad wadooyin kale ku xalisid arrinkaan. Runtii is barbar dhig dambiga intuu le'egyahay iyo raali galinta bini'aadam amaba wax qabad qaraabo. Ilaahey nooma banayn inaan been sheegno hadii ay waalidkeen na amraan laakiinse wax walba waynu u qaban hadii uu ku jiro raali ahaansho Alle. Akhri aayadaha suuratul-luqmaan ku jira 14-15.

Alle wuxuu leeyahay "Hadeyy kugula dadaalaan (labada waalid) inaad ii shariig yeesho waxaadan aqoon u lehayn HA KU ADEECIN kulana nooloow aduunka si fiican, raacna jidka kuwa ii noqda, xagayga yaa laydiin celin doonaa waxaana idinkaga warami doonaa waxaad camal fali jirteen."

ALAAHUMA LAA SAHLA ILLA MAA JACALTAHU SAHLAA, WANATA TACALUL XUZNA IDDAA SHI'TA SAHLAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyaar

Unrecorded Date
Salaama caleykum!

War kooban:

Haddii uu soo galay wadanka, kasaar xadka wadanka kana dhiib waddamada deriska ah, hana sameyn dambi cusub, kana towbadkeen kii hore.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
asalamu alaykum
waxay ilatahy aniga maaha markii koowad oo aan maqlo arinkaan mid lamida
marka waxaan kugula talinayaa ninka wadanka kasaaar wadankaloo dariskaa u musaafuri hadii uu diido isagaa kamusuula wixii kayimaada hana samayn meher dhab ah sababtoo ah wuxuu noqonayaa dhab
managaranayo tabartaadu intay tahay sidii aad wadankaas uga sari lahayd waxaad u dhadhamaysaa qofkasoo hadlaya wadamada scandenevianka.