Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): QUESTIONS ABOUT: HALAL AND HARAM
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi-doon

Unrecorded Date
Asalmau caleykum WW.<b>
Please dedicate this section exchanging questions and answers about halal and haram.

Walaalayaal qeybtaani hanoqoto meel aan isku dhaafsano su'alaha iyo jawaabaha, gaar ahaan kuwa aynu mar walba la kulano. Su'aashaadu mar walba ha noqoto mid dhab ah oo aad ka tahey jaahil doonaysid in ay kaaga jawaabaan kuwii Ilahey barey. Waxaynu aakhirka sameyn karnaa inaynu u yeerano culumo owdiinkeena sida Shiekh Cumar Faruq iyo kuwa kaleba gaar ahaan kuwa Internet-ka isticmaala. We thanks Somalinet for this wonderful forum. Peace.</b>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdulahi

Unrecorded Date
Walaalayaa sua'asshaan yaa iiga jawaabi kara. Waxaan daganehey Minesota, USA. State-kaana Somali badan ayaa dagan meel walba Somalidu hada wey ka sheeqeeyaan: bars, restaurents, banks, malls, iyo meelo kale oo badan. Hadaba su'aasheydu waxay tahey: Shaley aniga oo Drive-gareynaya ayaan Super American Gas station-kiisa waxaan kaga shubtey gas Baabuurkeyga. Waxaan kale oo aan soo qabsadey Coca cola. Cashier-kii ayaan u tagey anigo oo isleh lacagta iska bixi the gas+ the drink. Dhamaanba cashiers-ku waxay ahaayeen wiilal Somaliyed. Inankii cashier-ka ahaa markii aan lacagtii u dhiibay, wuxuu igaqaatey gas-kii kaliye markaasuu I yiri "Walaalkiis cabitaanka iska qaado." Been ma sheegayo ee cabitaankii ayaan iska qaatey. Markii aan ka tagey oo jidka sii socdo ayaan is weydiiye: Xoolaha uu ku siinayo ma isagaa iska leh? Ma xoolihii dowladu u maleyey. Su' aasheydu waxay tahey: Meeshii maku noqdaa oo cabitaankii ma iska bixiyaaa mise, ninku isaguba meeshuu ka shaqeeyaayoo wuxuu rabo wuu bixin karaa? Please give your hones answer. I look forward hearing from you

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walalka muslin ah

Unrecorded Date
A/aleykum.
To:C/Laahi. Saaxiib statekaa waa kan ay ugu badan yahiin soomalida maraykanka joogta,waxaana ognahay in culumo badan oo soomaliyeed joogto, markaa la xariir SHEEKH BASHIIR AMA SHEEKH C/ RAXMAAN,ayagaa kaa qancin doone.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sister

Unrecorded Date
Abdullahi, you have to pay for the drink. the fact that a person works at a gas station does not mean he can give away stuff. You have 2 choices: 1) Pay for the drink or 2) ask the guy if he paid for it or is allowed to hand freebies to all customers. I don't think xoolo gaalo is xalaal. Remeber, in all cases, if you have any doubts about anything, it is best to leave it alone. Listen to your conscious.
Illahow xoolo dadoow naga ilaali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siyaad

Unrecorded Date
HADDII AQOON HORE IDIIN DHAXAYSAY WAXAA LAGA YAABAA IN UU ISAGU BIXIYAY AMA LOO OGOL YAHAY IN UU BIXIYO CABITAAN MAADAAMA UU MEESHA KA SHAQEEYO.

WAXAA KUU EKEYD MARKII HORABA IN AADAN YEELIN .55 CENT IN AAD QAADATO. HADDA IYO DAN HADDII AY KU DHIBAYSO OO AY TAHAY IN AY KU DHIBTO ISKA BIXI LACAGTA MAR KALANA HA U NOQON.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
xamaasha uu marti soor kaga dhigay.
hadii aad doonaysid inad hallal miiratid dukaankii ooo dhalinyabimilahi rahmani rahim
su ashhadu waa muhiim ninkaas walaalkaa ah e kusiiyay cabitanka waxay tahay sidan
waxaa jirta 1- in cabitankas asagu bixinayo
2 inay jiraan cabitan free ah ee uu xaq uleeyahay inuu kusiiyay arinkaas hada kahor ayuu igu dhacay aniga oo meel kashaqaynaya take away ah ayaa labo nin oo soomali ah ii yimaadeen waxay rabeen cunto cuntadii markii aygateen ayay waxy ubaahden hal cunto oo kale oo extra ah waan siiyay anigana taa danbe marti soor u gadhigay laga yaabe inuu inkaas soomaliga ee radii joogin tag lacagta bixi adoo wax kale kumar marsiyoonaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Walaal Ilaahey waxaan ka baryayaa inuu xaqa sida dhabta ah inoo fahansiiyo deedna nagu arsuqo inaan raacno.

Mida hore siday walaalahey horey u soo sheegeen arrintu waa labo wax oo kaliya, in cashierka uu bixiyo qiimaha cabitaanka iyo inuu raali ahaansho ka haysto cidii meesha laheyd inuu dadka (customerka) siiyo waxa uu u garto. Arinta labaad Ilaahey ayaa ku cadeeyay suuratul Nisa asaga oo oranay "......Laa ta'kuluu amwaalakum baynakum bil baadili Illaa an-takuuna tijaaratan can taraadin minkum." Dadka Ilaahey rumeeyayoow ha kala cunina maalkiina dhexdiina si baadil ah ILLA idinkoo tijaaro raali isaga ah ma oyee. Marka dadka yaanan la iska xukumin ee hala ogaado xaalka meesha ka jira. Dadka qaarkiis ayaa ixsaan loo qabto si khalad u fahma anigu waxaan aqaan wiil Soomaaliyeed oo city-bus wada wax badana waan raaci jiray intaan lacag bixiyayna way yartahay laakiin dad ayaa arinkaa khalad u fahmi jiray. Waa dambe ayaan shaqadiisa u kuuro galay oo company policyga raadiyay arrinkaas ku saabsan waxaana ogaaday in uu busku yahay doon uu darawalku naakhuudo ka yahay cidii uu doono bilaash ku qaadi karo wixii isugu waalana uu ka dajin karo waa markii loo eego sharciga u dagsan companyiga. Laakiin walaal waxaan kugu boorin lahaa inaad qofkaad ku aragtay gas station diinta waxay ka qabto aad u sheegtid in laga shaqeeyo meelahaas ayadoo ay ku jirto murti, waano iyo wanaag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAQDOON

Unrecorded Date
Salaan giddigiin;
Walaalayaal qof muslim ah baan ahay waxaan aad iyo aad u jecleystay ruuxa inoo furay page-kan aanu ku weydiisan karo su'aal waliba ee markaa aan diintayada xaniifka ahi aanu oga baahanno se ay culimadana ay dhici karto in ay inooga jawaabi karaan,,,,,
waa aniga ee su'aasha aan qabaa waxeey tahay; maalin dhaweyd baan waxaan soo galay gurigeyga islaanta hooyadayoo markaa xajka ka timi oo dhageysaneysa cajalad uu wadaadka aad kor ku soo xustay SHEEKH CUMAR FAARUUQ oo ka hadlaya dhulka sida Eebaheen u fidiyay oo uu micneeynayo AL ARDU MADADNAAHAA marka sheekha inta ula kala baxay buu wuxuu lahaa gaalada been bey ku sheegeen dhulku inuu kubbad oo kale yahay oo intaa kuma gaabsanee wuxuu masaal usoo qaatay in dhulku fidsanyahay inuu carigoo dhanna ee soomaaliya uu lug ku maray oo dayaaradna uu ku tagay sacuudiga uusana arag meel dhulka ilaahay
uu kubad kaga eg yahay,,,marka waxaan jeclaan lahaa hadii sheekhaa fursad loo helli karo bal mar labaad la'ii weydiiyo wa intaas uu inaga iyo gaaladaba uu inga saxsanyahay,,,,wakhtigan baasee is daba marsan ee kan kenya jooga iyo midka norway jooga iyo kan hawaii iyo alaska jooga waxa waqtiyadooda is dabamariyay.....
wxa kuwa qaarkood lixda bilood habeenka ugu tahay lixna maalin,,,,,,,ilaahay tan toosan ha ina waafajiyo wacaleykum salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiinu Ha Ahaato.

Ilaahay wuxuu meelo badan oo Qur'aanka ah ku sheegay in uu dhulka fidiyay ama kala bixiyay. Taas macnaheedu ma aha in dhulku yahay DERIN ama SALLI ama KATTIIFAD oo kale.

Derinta haddii aad gogosho waxay leedahay afar gees oo kooban oo qofkii galgalad badan oo ku seexda uu ka bixi karo. Weli ma maqasho qof dhulka ka dhacay?

Tusaalaha ugu fiican ee aan ku siin karo in dhulku fidsan yahay isla markaana uu wareegsan yahay sida kubadda waa markaad tagto Guriga Ilaahay ee ku yaal Makkah.

Muslimiinta ku tukata Xaramku waxay sameeyaan saf toosan oo midba kan kale garabka saar oo waxay Salaadda ka dhawraan qalqalooca.

Sida midba mid kale garabka u saarayo saf toosan ayay waxay sameeyaan GIRAAN ama wareeg Kacbadu dhexda ku jirto. Geeraantaa fidsan weeye DHULKU.

Tusaale kale haddii aad Soomaaliya joogto oo aad dhanka bari uga baxdo weligaana u socoto dhanka bari oo aad bad iyo beri midna ku celin. Diyaarad fuushayaa, Markab raacdayaa ama baabuur daba qabsatayaaba waxaad haddii Ilaahay idmo ka soo geli Soomaali dhanka GALBEED adoo weli u socda dhanka Bari.

Tusaale kale dadka adduunka ku nool waxay kala joogaan saddex wakhti. Marka Jabaan uu baryo subax Axad ah, Yurub waa maalin Sabti ah, Jasiiradaha bad weynata Basifiga sida Hawaayna waa maalin Jimca ah.

Haddii aad Maraykanka Diyaarad ka raacdo wakhti fiid ah oo aad u socoto Jabaan waxaad ku jiraysaa 16 saac oo habayn ah waayo qoraxda ayaad ka hortagaysaa. Haddiise aad Jabaan ka soo tagto duhirkii oo aad Maraykanka u socoto waxaad imaan doontaa Maraykanka 16 saac ka dib xiligii iyo maalintii aad Jabaan ka soo kacday.

Dhulka markuu Ilaahay fidiyay wuxuu u yeelay BAROOSIN ama UDUB DHEXAAD celiya oo u diida in uu dhaqdhaqaaqo. Baroosinkaasi waa buuraha. Cilmiga Jolajiguna sidaa ayuu sheegayaa.

Ilaahaygii dhulka fidiyay oo sidii giraan wareejiyay oo buuro uga dhigay udub dhexaad oo cirka roob uga soo daayay oo miro aan cunno iyo khayraad kale naga siiyay baa MAHAD iyo XAMDI leh.

Ilaahayow Noo Naxariiso