    WALAASHIIN MUSLIMDA AH | Unrecorded Date SALAAMA CALAYKUM WALAALYAAL, WALAALAYAAL WAXAAN RABAAY IN AAN OGAADO WAXA AY DIINTA KA QABTO IN LABIXI KARO WADAN KALE OO KUU JOOGO MUXRIN ADOON MARKA AAD DHOOFEYSO AADAN WADAN MUXRIM, WAXAAN KA WADAA MAS UUL MAKA NOQON KARAA QOF AAN KULA JOOGIN MUXRIM MARKA AAD RABTID IN AAD AADO MESHA UU JOOGO, TUSAALE OO KALE ANIGA WAXAAN JOOGAA YURUBTA WAALIDKEY MAM WALAALHAY "WIILAL" YAA WAXAY JOOGAAA AFRIKA MARKA HADII AAN RABO IN AANU TAGO MA IGA NOQON KARAAN MAS UUL OO MA DHIHI KARAA WUXUU II NOQON KARA MUXRIM, WALALAYAAL HADII AAD CILMI U LEEDAHAY IIGA SOO JAWAAB ILAHAY HA KAA AJARSIIYEEE WABILLHI TOWFIIQ!! |
    Adam | Unrecorded Date asalamu alaykum saan su ashaada kafahmay ukhtii waxad doonaysaa inaad safartid adigoon muhrim lahayn hadaba waa waa shay xaaraam kaa ah inaad dhooftid ama safartid adigoon maxram lahayn xadiis saxiixa ayaa rasuulku ku yiri (scw) gabadhii alle iyo nabi rumaysay yaysan safrin ilaa wacahaa duu maxram. yaanan gabarna safrin in ay lasocdan mooyane hadaba wallashayda su ashhasha soo waydiisay ilaahay kabaq ilaahay hadaad kacabsato wuxuu kufurayaa makhraj (waman yatiqilaaha yajcal lahow makhrajaa) liaahay wuu kuu shalyaa dhibaatooyinkaaga hadad alle kacabsatid akhuuka filah Omar london |
    DrWho | Unrecorded Date Salamu Alaikum Ukhtii Fil Islam, Walaal Sharxan ma banaana in gabadhi ey safarto MUXRIM la'aan sida uu Walaalkeyba korkusoo sheegey. Salamu alaiki |
    DrWho | Unrecorded Date Salamu Alaikum Ukhtii Fil Islam, Walaal Sharcan ma banaana in gabadhi ey safarto MUXRIM la'aan sida uu Walaalkeyba korkusoo sheegey. Salamu alaiki |
    Anonymous | Unrecorded Date Salaama caleykum! Wallaal waxaan la yaabay sidaad u dadaaleysid, iyo sida gabdho badan ey transit kugu marayaan, habeen, maalin, diyaarad, Tareen , bus, iyagoon kala jecleen amaba ogeyn waxa Muxrimka la dhaho. Waxaa kaloo kasii daran gabdho aan arkay oo habeenba meeshii uugabalka ugu dhaco seexdo, oo socoddartiis uguursan waayey ceebna lahayn, laakiin ku leh ninkaasi waxaan isu guursan weynay waxaan ka baqay innuu i xabiso. ILLAAHAY JID HAKUU FURO |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato Walaal DIINTA Islaamku ma aha wax qalafsan oo taagan mana aha la jiifiyaana bannaan ee waa Naxariis Ilaahay. Sidaa darteed inta aadan jawaab ka bixi su'aasha kor ku qoran oo kale waxaa loo bahan yahay in aad ogaato sababta keentay. Hadaba waxaan ku weydiinayaa meesha aad hadda joogto ma "Muxrim" baa kula jooga? Markaad imanaysay ma "Muxrim" baa kula socday? Sababta aad Africa u aadayso ma dalxiisbaa mise waa daruuri sida xiriirin walaal iyo waalid? Wadada aad marayso ma toos baa mise meelo badan ayaad sii maraysaa? Ma keligaa baad socotaa mis cid baad weheshanaysaa? Haddii aad dad raacso horay ma u taqaanay? Ma si sharci ah ayaad ku safri oo waxaad leedahay Basaboor iyo Viso mise waad iska tacaburaysaa? Ilaahayow Noo Naxariiso. |
    Ismaaciil | Unrecorded Date Asalaamu calaykum walaalaha ka jawaabay aad ayaad u mahadasan tihiin sida Drwho iyo aadam. walaal sida sharciga ah waa siday sheegeen. To: Walaalkiin walaalow dadka hadaadan qancin karin dhinac cilmi ahaaneed u daa dadka qancin kara waa iga nasteexo. Wasalaamu calaykum |
    DUCAALE | Unrecorded Date salaama calaykum Ilaahey ha idinka abaal mariyo sida wanaaga leh ee aad uga jawaabteen su,aalshaas( Drwho and Aadam). To Ismaaciil walaal waxaagu ma "odeyga habarta la tus" mise muraad kale? Maxaad Walaalkaa ugu aragtaa qof dadka walaalihii damacsan inuu bohol ka tuuro. Tusaale, Suaashaan ay soo ay la timid Walaasheen Muslimida ah, Walaalkiin kama uusan Jawaabin su'aasha ay walaasheen la timid, laakiin isaga oo doonayo inuu helo nuxurka suaasha ayuu weydiiyey walaasheen suaalo kale. Marka waxaan ku weydiiyey halkee ku aragtey qoraal sheegaya in Walaalkeen uusan qancin karin ama aad uga dhigtey sidii qof u diyaar ah inuu lugooyo walaalihii soomaaliyeed. marka intaadan ka jawaabin suaalaha ama fikradaha la isdhaafsanyo, marka hore fahan nuxurka ama fikrardaha dadku soo qoreen oo si fiican u aqri waayo Carabtu waxay ku maahmaahdaa " FAHMU SUAAL NISFUL JAWAAB" oo micnaheedu yahay "marka hore fahan suaasha kadibna waxaa laga yaabaa inaad hesho suaasha ama fikrada saxsan" |
    Miskiin | Unrecorded Date ASALAMA CALAYKUM. To:Walaasha muslimada ah. Walaal ilaahay ajar ha kaa siiyo sida aad diintaada u ilaashanaysid. Runtii mas'alada siday ahayd waxa u sheegay walaalaha kor ku xusan sida DR Who,Adam iyo Ismaaciil, waxaana filayaa inay yahiin dadka aan forumkan ku arkay kuwa xaga diinta mar walba si wanaagsan walaalahood uga qanciya ilaahay ajar ha ka siiyo. Waxaan anigu kuugu darayaa tusaalayaal badan oo dhacay dhowr ka mid ah kuwaso ku sabsan dumarka maxram la'aanta safra. Waxa dhacday dalka keenya in qof haweenay ahi ay alaab ganacsi ah u doonatay magaaladay daganeyd mid aan ahayn.ninkeediina uu caruurtii hayay gabadhaas alaha u naxariistee waxa gaarigii ay saarayd ka booday buundo waxuuna isku shubay wabi weyn,waxay murugadii ugu waynayd ahayd markii la waayay maydkeedii, maalmo ka dib baa waxaa laga helay meel wabiga geeskiisa ah,waxaana filayaa in la i yiri waxay ku dhex jirtay geedo. inaa li laahi wa inaa ilayhi raajicuun. Qisada labaad waxaa jirtay gabar muslimada oo ku dhex safraysay wadanka gudihiisa macnaha soomaaliya, waxay soo raacday baabuur kuwa xamuulka qaada ah oo ay saaran yahiin darawalkii iyo kurushbaygii ama saqeeyahii iyo dhowr qof, gabadhii waa la soo dhaweeyay,waxuuna saaray kursigii hore ee shirka, marka la marayo meel hayjad ah oo ay habeen tahay. Inta aanan qisada dhamayn waxaan walaalahay ka jeclaan lahaa bal inay ii soo sheegan tusaalayaashaasi dadka cibro ma noqonayaan mise waa iska sheeko xariir in waqtiga lagu dhumiyo aysan wanagsanayn. Cafwan waan yara degdegay waan soo dhamaystiri doona hadii alah idmo. |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato "RABI YASIR WALAATU CASIR CAWNAKA." Ismaaciil walaal waxaynu joognaa casri labadii isla dhalatay la yiri way is qabaan, kuwii is qabaynay la yiri way isla dhasheen. Casri beenu run ka fiican tahay waxa sanna aad looga leexdo isla markaasna la raadsho in Diinta Ilaahay Lagu dabaqo. Ma maqashay "ukhtii naftaa ku rabta?" Ma hubtaa gabadha aad u jawaabtay in ay hadda la joogto "Muxrim?" Mise og tahay in ay dumar kale isku raad yihiin? Ma hubtaa markii hore in Yurub ku tagtay si waafaqsan Shareecada? Ma laga yaabaa in ay ka walwalayso aabaheed oo sakaraad ah ama hooyadeed oo bugta ama "RIXIM" kale oo u baahan in ay aragto? Inta aad boodin ka fiirso weeye arrinkaygu SHAREECADA waxaa jira wax la yiraahdo "Baahidda ayaa Banaysa." Ilaahay Noo Naxariiso |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato "RABI YASIR WALAATU CASIR CAWNAKA." Ismaaciil walaal waxaynu joognaa casri labadii isla dhalatay la yiri way is qabaan, kuwii is qabaynay la yiri way isla dhasheen. Casri beenu run ka fiican tahay waxa sanna aad looga leexdo isla markaasna la raadsho in Diinta Ilaahay Lagu dabaqo. Ma maqashay "ukhtii naftaa ku rabta?" Ma hubtaa gabadha aad u jawaabtay in ay hadda la joogto "Muxrim?" Mise og tahay in ay dumar kale isku raad yihiin? Ma hubtaa markii hore in Yurub ku tagtay si waafaqsan Shareecada? Ma laga yaabaa in ay ka walwalayso aabaheed oo sakaraad ah ama hooyadeed oo bugta ama "RIXIM" kale oo u baahan in ay aragto? Inta aad boodin ka fiirso weeye arrinkaygu SHAREECADA waxaa jira wax la yiraahdo "Baahidda ayaa Banaysa." Ilaahayow Noo Naxariiso |
    Deeqo | Unrecorded Date TO: WALAALKIIN salaamu calaykum walaal nasteexadaadu ma casriga wuxuu sameeyo samee baad ku leedahay walaa shaa mise- wax ilaahay baneeyay baad walaashaa fari lahayd wax ilaahay ka xarimayna waad ka celin lahayd hadaba- nasteexadaadu casriga ama waxa ay soomaali maanta caado ka dhigatay samee miyaa?????? |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato Deeqo walaal haddii aad dib ugu noqoto oo aad akhriso qoraalkayga mar kale waxaan qoray in la isku dayo in la waafajiyo DIINTA wax badan oo aad uga fog DIINTA. Waxaan kaloon idin xusuusinayaa in aadan go'aan guud ka gaarin markii ay tahay su'aal shareecada ku dhisan. Walaal haddii aad Dhakhtar u tagto oo uusan waxba ku waydiin oo uu daawo kuu qoro maxaad u qaadanaysaa? Haddiise uu dhawr su'aalood ku weydiiyo oo uu madaxa kuu ruxo isagoo kuu muujinaya in uu ku fahmay maxaad u qaadanaysaa? Su'aasha Walaasheen weydiisay ciddii cilmigeeda garanaysa waxay u baahan tahay in la hubsado sababta ku kaliftay Walaasheen in ay weydiiso. Haddiise aan la soo boodno waa xaaraan lamana ogola amaa waxa aad xaarintimaysay ka xun yahay waxa aad fasaxday. Casriga hadda jira ee aan sheegay waa kan aynu ku dhaqano oo aan carruurteena ku barbaarino in ay yiraahdaan aabahaa iyo hooyadaa isma qabaan ee haddii lagu weydiiyo dheh waa "boy friend," waa kan aan xafiisyada la hor joogno oo inaga oo shaqaysan karna aynu dhahno "single mother" ayaan ahay. Inta aan Soomaali haddii aynu nahay aan xaaraan ka dhigan wax fiican ayaa badan. Hadaba si aadan u fasixin ama u reebin ama xalaal iyo xaaraan kala sheegin hubso? Deeqo walaal maxaad ka qabtaa in aan hubsano waxa ku kalifa Walaasheen su'aasha? Ilaahayow Noo Naxariiso. |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato Walaalaha jawaabay su'aasha WALAASHIIN MUSLIMDA AH ay waydiisay ciddii aqoon u leh waxaa si xushmad leh iigu ogolaataan in aan idin waydiiyo in haddii WALAASHIIN ay tahay mid ka saddexdan xaaladood sida ay jawaabtiinu noqon lahayd: 1- Gabar aan weli guursan oo qurbaha la joogto reer qaraabo ah oo aan "muxrim" u ahayn oo rabta in ay u safarto meel uu joogo "muxrimkeedii?" 2- Saddex gabdhood oo doonaya in ay isu raacaan si ay u soo arkaan aabahood ama hooyadood oo laga soo dayriyay? 3- Hooyo dad ayna dhalin u noqotay hooyo si qaxootimo loogu soo qaado oo rabta in ay dib ugu noqoto reerkeedii (Ninkeedii iyo carruurteedii) oo joogo Afrika? Ilaahayow Noo Naxariiso. |
    ISMAACIIL | Unrecorded Date Asalaamu calaykum. Waxaan aad ula yaabanahay qof rab jawaab oo forumkaan quud soobiday innaan wareerino! oo waxaan loo joogin furno iyo dood. Walaalayaal islaamku sidaas ayuu qabaa iyo dadka afcaashoodu waa ii kala labo waxaa laga yaabaa in islaamku xukun jideeyay laakiin insaanku qilaafo xukunkii mawaxa nasaqauya isbadalka dadka waa fatwo aanan waligay maqal. Anigu waxaan u arkaa gabadhan in ay ina waydiisay hal su,aal oo ah masafrikaraa muxrimla,aan.jawaabtu waa aykoobantahay xaquna waa cadyahay kii rumaynayaa ha rumeeyo kii diidana hadiido, Waxaa jirta qaacido sharci ah oo imaam sakhaawi uu aad uga hadlo oo Caalimka hadii su,aal la waydiiyo oo fatwo ah waa in uu iyda ku gaabsadaa,waxaa kale oo aad uga faalooda arinkaas SH,ABUU-ISXAAQ AL-XUWAYNI,MARKUU SHARXAAYO ALFIYATU AL-SUYUUDI. Hadaba kaasi waa caalimkii balka ka warama ingoon arday xataa ahayn waayo qof walba qoraalkiisa ayay kamuuqataa, Anigu waxaan arkaa gabadha hadii arin daruuri ah haysato culimada waawayn fatwo ha waydiiso yaanayna meeshaan ku soo khaldamin hadaanay garanayn hanoo sheegto aniga ayaa u waydiin. Wxaan kusoo gaba gabayn xaqu waasida ay sheegeen walaalahay dr,who iyo aadam,hadii arin daruuro ah ku hayona culimada waawayn laxiriir. Wasalaamu calaykum ISMAACIIL |
    Miskiin | Unrecorded Date ASALAMA CALAYKUM. TO: Walaalkiin. Walaalow anigu hada ka horna waan kula hadlay dhawr jeer,hadana wali inan kula hadlaan sii jeclahay. Waxay nasteexadaydu tahay dadka soo gala forumkan waxay u badan yahiin dad aan diinta wax badan ka garanayn, mana fiicna in lagu furo tashuush faro badan iyagoo waxuun cilmi ah ka soo doontay walaalahood waxii garanaya masa'alada ay markaa doonayaan inay ka jaahil baxaan. Markaa waxaan ku dhihi lahaa qoraalo badan oo aad qortay qaarkood xataa waxaan is iri qof caadi ah oo fayow sidan wax uma qorin, sidoo kale markaan miisaamay ama qiyaasay sida aad jawaabaha u bixinayso waxaa iiga soo baxay inaad tahay nin diinta wax ka bilaabay balse baabab badan oo ay leedahay aan aqoon u lahayn, sida usuul & asluub badan oo looga baahan yahay qofka dadka u jawaabaya . Waxaa hadaba xaqiiqo ah walaalow hadaad sidaan ku sii wado inaad khatar weyn ku dhacayso,markaa nasteexadayda guud waxay tahay faraha ka qaad waxii jawaabaha diinta ah, hadii kale noo cadee in aad tahay nin ka soo bixi kara qofkaan forumka ku aragno waan kuu soo diraynaaye,. Waxay kaloo nasteexadaydu tahay, dib ugu noqo waxyaabahaad forumka ka buuxisay,waxii khalad ahna ka codso somalinetka inay kaa tirtiraan. GABOGABADII WALAALOW FUDAYDKA BADAN ISKA DAA ILAAHAYNA KA BAQ OO DIINTA ISLAAMKA ILAALI ALAHA KU ILAALIYEE HADAAD WAX WALBA ISKA SHEEGTO WAXAY NOQONAYSAA IN QOF WALBA ISKA DARSADO FORUMKANA LAGU KALA GUURO. Waxii khalad aan kaa galay iska kay cafi nasteexadayda baa sidaa iila muuqataye. |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato Ismaaciil iyo Miskiin Walaalayaal marka hore in Ilaahay dambigiina dhaafo iga raali noqda haddaan idinku istaagay..ulama jeedin in aan wax idin yeelo. Mid kale DIINTA Ilaahay waa NASTEEXO iyo in wax la is xusuusiyo ee waxa aad qoonsateen ee ka leexsan Diinta oo aan wax ku yeelay ii sheega aan ka noqdee? Ismaaciil walaal waxaad tiri "haddii daruuro jirto culamada waaweyn la xiriir!" Oo walaalow sow kula ma aha in su'aasha ayna Walaasheen weydiiyay tahay in aan hubsano "daruuro in ay jirto?" Waxaan lahaa intaadan fasaxin ama aadan reebin "masalo" hubi sababta su'aasha keentay laga yaabo in qofku damacsan yahay in uu jawaabtaada sabab uga dhigto wax aadan adigu markaa ula jeedin. Haddiise Miskiinow aad i leedahay waxba ha qorin oo aad SomaliNet ka codsatay in ay ka tirtiraan waxa aan qoray walaal waxaan ku leeyahay waxba kama qabo ee ii sheeg meesha aan ka dhacay ama ku khaldamay inta aadan afka...gacmaha...i qaban! Qofkii Ilaahay Khayr la Doonayo Diinta ayuu baraa. Ilaahayow Noo Naxariiso. |
    ISMAACIIL | Unrecorded Date Asalaamu calaykum. Miskiin iyoWalaalkiin waad mahadsantihiin. Walaalkayoow marka kowaad wan kuu nasteexayn waayo waa xaqa muslimiintu sikuleeyihiin. Walaal su,aashu waa aykoobnayd laakiin waxaad isku dayday inaad aad u faalaysid,adiga oo gogoldhig ka dhigtay la jiifiyaana banaan. Walaal waxaa jirta wax u baahan in lahubsado iyo wax aan ubaahnayn marka waa inaad kala fahantid labadaas tusaale haan: Hadii qofkuu yimaado asuu ku yiraahdo sino ayaan rabaa ee diintu maxay ka qabtaa mawaxaanleenahay aan hubsano mise xaqaan farta kasaaraynaa, Hadii gabar kuu timaado asay ku tiraahdo dumaashigay(xamwi) guri mawada joogi karnaa si khalwo ah mawaan leenahay aan bal aan hubsano mise diintu waxay katiri ayaan sheegaynaa kadib wixii karatimana culimada ayaan u bandhigaynaa. Walaal xaqa allaah ha ina tuso hadaad ileedahay darajo aan ku fatwoodo ayaan gaaray waa baabkale hadii kalena istaag qadriga cilmigaaga. Mida uu miskiin kahadlay hadaan wax kaa iraahdo bal walaalow markaad damacday inaad sharaxdid riximka boga NSYL BAL FIIRI SIDAAD U SHARAXDAY waxaa jira luuqada carabiga hal eray oo macno badan leh bal adigu fiiri kaad siisay riximka uu nebigu yiri xiriiriya riximka kii ku dhegay carshiga oo riximka dadka ka dhexeeya ah balfiiri waxaad ku sheegtay. Walaaloow wixii qalada ka raali noqo wabilaahi towfiiq |
    WALAASHIIN | Unrecorded Date SALAAMA CALEYKUM, WALAALAYAAL ILAAHYA HA IDINKA SIIYO QEYR WIXII AAD I DARDARANTEEN , INTAA KADIB WALAALAYAAL WAXAA LA I SOO WEYDIIYEY IN MARKA AAN IMAANAAYEY WADANKAAN AAN JOOGO UU MUXRIM ILA SOCDEY IYO IN AAN KU SOO GALEY SIS SHARCI AH TAAS JAWAABTEDU WAA MAYA MANA LIHI WAX MUXRIM AH AAN KA AHAYN WALALHAY OO JOOGA MEESHA AAN IDIIN SOO SHEEGEY, WALAAL HADA WAAN LEEYAHAY SHARCI BAASABOOR OO WELI MA DH AMA UGA BIXIN WADANKA MEELNA MARAK DIINTANA HADA YAAN KU DHAQANKEEDA BILAABEY WAAD OG TIHIIN SIDA AY YIHIIN DADKA WADAADADA AHAYN XAALKOODA, WALAAL ANIGA WELI MA QORSHEYSAN IN AAN BAXO LAKIIN WAAN KU TALO JIRAA OO WAXAAN RABAA IN AAN WALAALKEY OO JOOGA AFRIKA KEENO OO AAN IRAAHO WAAN IS QABNAA SI AAN UGA DHIGTO MUXRIN WAXAANA WEYDIIYEY HADA KA HORE SU ASHAAS OO LA I YIRRI HADII AY GABADHU U RABTO IN AY KA DHIGATO MUXRIM SIDAA DARTET WEY KU KEEENI KARTAA, MARKA WAXAAN U MALEYNAYAA IN AY TAHAY ARINTAAS DARUURI MISE? KULEY WAXAAN IDINKA SUGAAYAA JAWAAB ILAHAYNA HADIIN DHAAFO WIXII AAD DENBI HIRE UGEYSATEEN KULIGEEN AMIIN. WALAAL WAXAAD TIRAAHDEEN HADII AAN U BAAHANAYAHAY IN AAN LA II WEYDIIYO WADADADA WAWEYN ILAAHAA WEYNOO WAXID AHEE MARKA WALAAL JAWAABTU WAA HAA, WABILAAHI TOWFIIQ!!!!!!!! |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato. Ismaaciil walaal dib u akhri waxaan kor ku qoray ma dhihin walaal "la jiifiyaana banaan" ee waxaan idhi: "Walaal DIINTA Islaamku ma aha wax qalafsan oo taagan mana aha la jiifiyaana bannaan ee waa Naxariis Ilaahay." Ismaaciilow walaal adoo raali ah bal mar kale fiiri waxaan qoray. DIINTA ISLAAMKU MA AHA WAX QALAFSAN OO TAAGAN MANA AHA LA JIIFIYAANA BANNAAN EE WAA NAXARIIS ILAAHAY. Walaal waxaan ula jeedaa in aan Diinta Ilaahay laga dhigin mid qalafsan oo qofkii dambi gala uusan ka quusan Naxariista Ilaahay. Dambi kasto oo aad gasho Ilaahay wuu kaa cafin karaa intaan ka ahayn in AAD ILAAHAY U SHIRKISO Ilaahay baan taa ka magan galnay. Walaalow Diinta Ilaahay ma aha la JIIFIYAANA banaan oo qofku markuu rabo uu ka qaato intuu doono. MA WAXAAD AAMINAYSA KITAABKA QAARKII, QAARKIISNA WAAD KA TAGAYSANAA. Mid kale walaalow bal fiiri jawaabta Walaasheen uga soo jawaabtay su'aalahaygii. Midda "Riximka" haddii Ilaahay idmo Xadiisyo iyo Aayado ku saabsan ayaan hoos ku soo qori doonaa. Ilaahayow Noo Naxariiso |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato. WALAASHEEN Ilaahay Sifooyinkiisa waxaa ka mid ah in Uu Yahay Ghafuur (Dambi Dhaafe) Raxiim (Raxmad iyo Naxariis Badan) Cafuwo (Cafiya addoonkii khaldama) Xaliim (u dabacsan kan dhiboon) Wuduud (waday u ah kan raadsha) Kariim (Deeqsi ah) oo dhammaantood inoo sheegaya in aanan ka quusan Ilaahay Naxariistiisa. Dambi kasto oo aad gasho ogow Walaasheen in Ilaahay jecel yahay kuwa u soo noqda oo dambi dhaaf weydiista ama TOOBAD keena. Toobada shiruudaheeda waxaa ka mid ah in aad joojiso ama aad ka baxdo waxa keenay dambiga, in aad ballan qaado in aadan dib ugu noqon doonin, in aad ka shalaydo wixii aad fashay iyo in aad fuliso wixii "kafaaro" ah ee lagugu xukumay. "Kuwa Naftooda ku tacadiyayow ha ka Quusanina Ilaahay Naxariistiis." Ayaad Walaalsheen jawaabtaada waxaa iiga soo baxay saddex arrimood. 1- Hadda meesha aad joogto kuuma joogo "Muxrim." 2- Waxaad ku hamiyaysaa in aad Africa aado oo aad u tagto walaalahaa. 3- In aad walaalkaa ku soo kaxayso sidii idinkoo is qaba. Dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay isu keenaan waalid iyo walaal iyo weliba ehel iyo qaraabo ayaa adigana ku haysta. Marka hore walaasheen waxaan ku dhihi in Ilaahay ceebtaada asturo walaalay GUURSO oo raadso wiil Muslim ah oo Ilaahay yaqaan adigana ku daryeela. Waa sida kali ah ee aad uga bixi karto gafka aad ha ku jirto. Tan kale haddii Xadiiska walaalaheen soo daliilsadeen waxaa weeye sidan. Xadiiska waxaa soo weriyay Abu Hureera Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee oo yiri: Wuxuu yiri Nebigeegii Suubanaa Calayhi Salaam: "Uma banaana qof dumar ah oo aaminta Ilaahay iyo maalinta aakhiro in ay kacdo safar maalin iyo habaynkeed qaadanay iyadoo uusan la socon qof muxrim u ah." Tan kale Walaasheen kuuma banaana in aad been sheegto iyo in aad balan furto. Dawladda magan galyada ku siisay inkasta oo ay tahay Dawlad Gaalo hadana in aad been u sheegto kuuma haboona ogowna marka lagu dhaarinayo waxaad ku dhaaranaysaa MAGACA ILAAHAY inkasta oo hortaagan tahay GAAL Kitaab Qur'aan ahna aadan gacanta saarin. Sidoo kale markaad tiraahdo qofkan waan isqabnaa waxaad ballan qaadaysaa in aad reer wada dhaqataan haddii aad GAALKA ku sirayso ogow in naftaadana aad sirtay. Walaasheen waxaan kugu boorinayaa in aad walaalkaa u raadiso gabar Muslim ah oo Ilaahay taqaan oo ogolaata in ay Ilaahay hortii walaalkaa guursato oo reer sidaa aad ku dhisto isla markaasna walaalkaa kuugu yimaado. Ugu dambayn haddii niyadda safarkaagu tahay in aad soo been guursato walaalkaa oo aad soo kaxayso Walaasheen kuuma banaan safarku oo wax aan DIINTA ku fiicnayn buu noqonayaa safarkaagu. Ogowna Walaasheen dumarka kale ah ma aha ee xitaa ragga ninkii doonaya in uu u safro wax aan Diinta u fiicnayn uma banaana in uu safro. Walaasheen Xadiiska aan kor ku soo xusan walaalaheenna soo daliilsadeen ka badan ayaa ku qabanaya. Bal dhagayso Nebigeenii Suubaanaa oo leh: "Calaamadaha Munaafaqu waa saddex: Haddii uu hadlo been buu sheegaa, haddii uu balan qaado wuu ka baxaa, haddii wax lagu aaminana wuu khaa'imaa." "Xitaa hadduu uu Soomo oo Salaad tukada oo uu sheegto in uu Muslim yahay." Ilaahayow Noo Naxariiso |
    Anonymous | Unrecorded Date Maskiin iyo Ismaaciil Soomalidu waxaay ku maahmaahdaa 'hubsiimo hal baa la siista" Qoraaladiin dib uugu noqda. Walaalkiinna weydiista inuu raali idinka noqdo. Maskiin, min fadlak, iska ilaali seef la boodnimadda. |