Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MEEYE HABLIHII MUSLIMKA AHAA EE GUURDOONKA AHAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAAQIL

Unrecorded Date
salaamu calaykum


WALAALAYAAL WACAN OO WANAAGSAN DHAMAANTIIN WAXAAN RABAA IDINKABA CODSANAYAA DHAMAANTIIN

IN LA IXTIRAAMO LANA ILAALIYO AFLAGAADADANA LAGA REEBO DAACADNA LAGAGA WADA HADLO BOGON KU HOOSYAAL ISLAAMKA MAGA CA ISLAAMKANA LA ILAALIYO QIIMIHIISA
DADKA DAACADA AHI UUN AY FIKRADAHOODA KA DHIIBTAAN


WAXAANU NAHAY WIILAL DHALINYARO AH MUSLIMA TIRABA ILAA TOBANA KUNOOL QURBAHAA RAADINAAYANA GUR GABAR MUSLIM AH. OO IYAGUNA SIDOO KALE DHIBKAAS OOKALE HASTO

BAAHI WAYN WAXAANU UQABNAA HABLAHA SOOMALIYEED EE MUSLIMKA AH LAGA YAABO INAYBA GUURLA,AAN LAGABOWDAY IYADOO AN WAX CILADA OO AYLEEDAHAY AYSAN JIRIN

SABABTA OO AH MARKII QURBAHA LA YIMI WAXA LUMAY DARIIQOOYINKII MARKII LA JOOGAY SOOMALIYA LAYSU SHUKAAN SANJIRAY

WAXAABA LAGA YAABA IJ MAGAALADA AAD KUNOOSHAHAY AYTIRSANYIIN DHALINYARADA KUNOOL WILAL IYO HABLABA LAYSNA ARAG WAXAA KALE OO LAGA YAABA IN BISHII HALMAR LAYS ARKO LASNA DHAAFO

BAL FIKRADIINA WIILAL IYO HABLO KASOO DHIIBTA ARINKAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somalimuwaxid ah

Unrecorded Date
Alsmau alykum,
Waa caajiib warma gabdh soomali baad la'dahay ma kuwan jamakanigii iyo hindigi ba ka dhergeen amaba ajanbi oo dhan dheg cas iyo afrikaan iyo gaalaba.
saaxiib wax baa ini ka si hadaade radainayis kuwa la mida saxaabiyadkii kuwaa lama helo xilikan hadey jiraana dhul gaalo ma yimaadan oo mujaahidiinta buuraha ku jiraa xaq u leh kuwa cafiifaatka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Masugto

Unrecorded Date
TO: somali muwaxid ah hey fariinka jiido, walaaladaa dan ayee shaygteen, hadii aad fikrad wanaagsan u haysid si wanaagsan oo ay diinta qabto ugu sheyg ma'aha in aad hablaha somaliyeed tirtir tid oo tiraahdid wax ma'aha ajanabigii ayaa ka dhargay. kuligood ajanabi maraacin kuwa badan oo diintooda ku xiran way jogaan qurbaha ee ha danbabin ogowna aflagadada in la diiday waa khaybta islaamka khaybtaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO: MUWAXID
KA FIIRSO HADALADAADA GABDHA HA SOO MAALIYEED BILILIQO MA AHA WAX KA DHARGAYNA MA JIRAAN
GABDHO WAN WANAAGSAN NA QURBAHA WAY KU NOOL YIHIIN MANA JIRTO GABAR MATALI KARTAA GABDHIHII ASXAABTA MEELKASTAABA HA JOOGTEE
JAMAYKAAN TU HADAY WIILA SHA SOOMAALIYEED XAG DIINEED IYO XAG TIXGALIN BA KA SITAAN WAA LA GUURSANAYAA TAANA BILI LIQO MA AHA
AF LAGAADONA HA LA IMAAN HALKAN HANA QASIN MOW DUUCA BARAKAYSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Unrecorded Date
subxaan allaa

markaad wax usheegto soomaalida ayay meel kale ubooda waar miyaaanad intaadan soo gelin mowduucan aadan akhriyin miyaadan ogay kalmada islaamka ah macnaheeda ,miyaan hooyo inan eedo,habaryar inaaabti ,aadan lahayn maxaad dumarka soomaliyeed aad u aflagaa daynasaa dhamaantood
miyaadanse ogay markaynu dhulkeeni joognay in guri naagoo xunxumi jiri jireen aaadan ogayn dadkuna waxwalba lahaan jireen

markaa walaalow dantayada ayaanu ka hadalay ee hadaad ninmuslim ah tahay hanaqasin farahana naga qaad

balhabloow ninkaa intaas ku ilaawa

fikradiiinina sii ayaanu idiinka sugaynaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calykum.
Caaqil wwad mahadsantahay walaal weli hawlahaan maan dhex galin laakiin maanta waan kaftamayaa.

Waar ninyohow waad iga yaabisay laakiin ma kaftamaysaa see camal si aan geela loo hori jirin ayaad u horaysaaye, waxaan layaabanahay sidaad forumkaan gabar uga helaysid, mida kale cinwaankaagi waad ka tagtaye mawaax filaysaa gabar soomaaliyeed inay ku tiraahdo anagaa diyaare E,MAILKIINA WAA KAA.

WAAR NIN YAHAOW DAROIIQA BADELO.

WASALAAMU CALYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Unrecorded Date

to anonymous

maxaanu ufili waynay inay inani na tiraahdo anaa diyaar u ah email kaygina wakaa????
habluhu weli miyay xishoonayaan

balse hadaad ogtahay waxaad tiri dariiqada bedelo bal soo sheeg inan yahay sidaan ubedeleno xal sidan karoon waanu waynaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO; CAAQIL
SALAAN KADIB
anon ayaan ku raac sanahaye,
gabadhu way xishoon dabcan waayo gabar xishoonay so ma tiraahdo waxa aad ku had layso
ama adaan ba wax doon ahayn oo fidnaad u furtay mawduucaan hadaadan in taasba ahayn maxaad meel ay lagaala soo xariiro u sheegi waysay
mase adugu gabar xishoonaysa ma doonaysid
dee hadaadan doonayn gabar xishoonaysa
way buuxaan haba kula dari ahaadeene

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Unrecorded Date
TO ANONYMOUS


SALAAMU CALYKUM


WAARUN OO XISHOODKU WAA WAXA AANU HABLAHA SOOMAALIYEED AY KUWO BADAN OO ADUUNKA KAMIDA KAGA SITAAN BAL HADABA

INKASTAANAN FILAYN INAAD ILA SOO XIRIIRAYSAAN
BALHADANA AAN HOOS KUQORO EMAILKAYGA

HANAGALA BAKHAYLINA UUN EMAILKA SI AYNU FIKRAD ISU DHAAFSANO WAABA LAGA YAABA INUU CALAFKA ADEEGO INTARNETKA

MARKA INANTII RABTA INAY WAXKA OGAATO DHALINYARADA WIILASHA EE KUNOOL MASHA AANKUNOOLAHAY DHIBTA GUURLA,AANTA KA HAYSATA DOONAYNA INAY NAAGA CADAANA RAAACAAN HANAGALA SOO XIRIIRTO

ANIGOO KUWAA UGU HOREEYA


faais1@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date
salaan dhamaan

ku HABLAHA SOOMAALIYEED DHAMAAN


waad xishoonaysaaan inaad baahidiina aad uqabtaan walaalihiina wiilasha soomaliyeed aad sheegtaan bawaxaad eegtaan hablaha kale ee gaalo ama muslimba ha ahaaden eesheganaya bahida ragla,aaneed ee haysata

bal fiiriya
www.africanprincess.com
waxaad halkaa ku arkidoonaan habla badan oo asaagiin oo aduunkoo dhana oo bahidooda usoo gudbinaya dhalinta dadooda,ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalamu caleykum,

anigoo xishoonayo baa haddana waxaa i dhiri galisay site ka aad kor ku tilmaamtey. Waxaan ahay guurdoon, dooneysa da'da nin jira 45-55, oo horey carruur uso dhalay. Emailkega waa lulh@hotmail.com.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
thanks for those of you who raise this issue
(guurdoon)and there are thousands and thousands
of brothers and sisters who are searching their
partner at this moment some where in this world,
but they can't see each other and probably they
will not meet,why? because we scattered all over the world,we are very bussy,and we don't have
places to meet,so the only way we can find each other is internet if you aggree,try it.
let me start my self Iam looking some one especail(xul)more than that will be private discussion,if you are interested this is my e-mail.
I prefered for those who live Canada.
Abdidanab@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalamu caleykum
walaal waad salaaman tahiin
wiilasheyna somaliyed waxaan idin sheegaya dumarka somaliyed idinka ka xishood badan
oo wayahan denbe wiilasha waxey jacel yahiin
in ay gabarta guurka ka codsato
oo waxaan arki jirney wilasha in ay wax guursadan
ee mahin in ayaga la guursado

ee ragoow debcigan bedela

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waxaan kaa codsanayaa haddii aad tahay gabadh guur doon ah oo soomaaliyad ah inaad igala soo xidhiidho ciwaankan hoose,
shuruud waxaa ah in aad ka dhalatay dad diin leh oo aad qur'aanka dusha ka hayso dhammaan ama ugu yaraan kala badh.
inaad axaaddiista taqaanno ilaa xad, siiba axkaamta iyo caqiidada.
Inaad qof daacad ah tahay oo diyaar u ah inay reer dhaqato dulqaad iyo wanaagnna leh ilaahay daraaddii u dulqaadata.
Inaad diyaar u tahay inaad tacliintaada korodhsato ee aadan fadhiisan intaad caajisto, wax kastoo aad dhasho ilaa in muddo ah.
Inaad qof karti u dhalatay tahay oo is maamuli karta iyadoon mar walba wax loo sheegin.
Qabiil muhiim maahan umana baahni, balse waa in aad ka dhalatay dad la fahmi karo dhinac walba, muhuim maaha in dadkaagu aanay waxba lahayn waxaanan jeclahay qof dadkooda jecel inay taageerto haddii ay u baahanyihiin taageeradeeda .
WAA INAAD TAHAY QOF DAACAD AH OO NAFTEEDA U HURI KARTA MIDDA QOFKA DANTU KA DHAXAYSO.
Waxaan kuu ballan qaadayaa wanaag iyo horummar intaan wada nool nahay, qurux, karti ragannimo, nasab, maal, tacliin, mid diineed iyo mid maaddiba igu qawedi maysid.
Igala soo xidhiidh:
Jama_adar@hotmail.com
waad ku mahadsantahay jawaabtaada.
P/S arrintani waa dhab fadllan waxba haka daba qorin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, June 25, 2000 - 02:58 pm
waa xile gubihii la sheegi jiray! bismilaa,
war ka taga.... bismilaah! war gabdhoow is ilaaliyya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ladee76@hotmail.com

Unrecorded Date
tijaabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faarah

Unrecorded Date
Assalamu-calykum

waa run in ay maanta adag tahay marka laga hadlayo masalada guurka iyo habka loo marayo, marka loo eego xaladihii guurka ee ka jirey soomaliya, runtiina wey haboon tahay in la helo dariiqo wanaagsan oo ka shaqeyn karta dhulalkan qurbaha ah ee hadda la joogo, si ay u sahlanaato walaalo badan oo muslimiin soomaliyeed ah in ay u fududaato in ay dhisaan guri islaam ah,
anigu waxaan qabaa halkan oo kale si wad jir ah looga wada hadli karo, layskuna weydaarsan karo fikrado kala duwan oo lagu xalin karo iska warqab la'aanta kala haysta dad aan wax badan isku diidaneyn, lakiin waayey waqti iyo fursad ay ku kulmaan oo ku wada hadlaan,
inkastoo ay aad u dhib badan tahay in laga badbaado aad aad u yar oo aan wali garsho ahaan iyo akhlaaq ahaanba aan dhawri karin in ay ilaaliyaan anshaxa iyo asluubta dooda iyo sheekada, dhibkaasoo jira hadna waxaa looga bad-baadi kara inta quman oo aan la qaad qaadin waraaqo badan oo marksata lagu qasaayo sheekada

wa-bilaahi tawfiiq