Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Asalamu Calaykum All!: MAXAA ISLAAMKA DIB U DHACA UGU WACAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOWLID

Unrecorded Date
ASALAMU CALEYKUM;

WAXAAN DOONAYAA WAXYAABAHA SABAB AY DIB U DHACA ISLAAMKA AMA DALALKA MUSLIMIINTA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

MOWLID walaal labo kala qaad. Islaamka iyo Muslimiinta.

Islaamku dib u dhac ma leh waa DIINTA Ilaahay. Haddii aad fiiriso oo aad si qoto dheer u darista Diinta Islaamku way dhan tahay dhinca walba.

Qofka Bini Admiga ah ayay dantiisa oo dhan qorshe wanaagsan Diinta Islaamku u dejisay. Sida uu isu maamuli lahaa xag dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo milatari. Siduu deriskiisa ula dhaqmi lahaa, siduu ubadkiisa u barbaarin lahaa, siduu waayeelka iyo bukaan u dhaqaalayn lahaa, siduu labada isu dhaxday u dhaqmi lahaayeen, caafimaadka iy waxbarashada ummadda.

Beeraha, kaluumaysiga, ganacsiga, safarka, xeer dejinta iyo gar bixinta. Dagaalka, nabadda iyo heshiisayada.

Cilmiga sare ee kawaakibta iyo astaroonamiga. Biyaha iyo badaha iyo naflayd kala duwan ee ku nool. Maxaan ka tagay? Wixii aanan sheegin waa aqoon daro aniga i haysata ee ma aha wax ka maqan Diinta Islaamka.

Muslimiintu waa addoomo Ilaahay oo uu ikhtiyaar u siiyay in ay labo waddo mid raacaan. Tiisa oo wanaag adduun iyo JANNO aakhiro u horseedaysa. Iyo tan kale.

Haddii dadka Muslimiinta ihi gaabiyeen ama ka leexdaan WADA Ilaahay macnaheedu ma aha in DIINTA Islaamku dib u dhacsan tahay.

Ogowna Mowliidow Nebigeenii Suubaanaa (SCW)ayaa waa hore noo sheegay in ummadaha adduunku noo geli doonaa sida habar dugaag u gasha xoolaha. Markii Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee ay Saxaabadu weydiiyeen sida ay arrinkaas ku dhacayso oo ay yiraahdeen "Ma tiro yarida Muslimiintaa" ayaa Salallaahu Calayhi Wa Salim yiri "Maya ee siday xumbada badda ayaad faro badan tihiin."

Bal fiiri Nebigeenii Suubanaa (SCW) siduu runta u sheegay maanta in ka badan 1,000,000,000 ama shan meelood meel dadka adduunka ku nool ayaa Muslimiin ah.

Hadaba Mawliidow waxaan u kala baxnay kooxo iyo firqooyin iyo dad daciif ah oo aad u gaabiya. Dhaqaalaha adduunka maanta waxaa ugu ladan dhulalka dadka Muslimiinta ah ku nool yihiin waxaana loogu dhintaa gaajo iyo cudur dhawr doolar daawayn karto.

Islaamku waa Diinta Ilaahay uu u soo dejiyay in dadku aakhiriyo adduunba ku badbaadaan.

Aniguna waxaynu nahay kuwa aan sidaa u arkin ee habawsan. Ilaahay wuxuu u gargaaraa kuwii iyagu marka hore Ilaahay u gargaara.

Oo Ilaahay ma gargaar keena ayuu u baahan yahay? Maya Mawliidow waa dhiiri gelin sida aad ilmo yar oo socod barad ah aad u tiraahdo "daa deh socodka baro!"

Haddii sida ilmo yar oo socod barad ah ayna u kacaa kufin dhinaca wada Ilaahay ogow walaalow in aan sidaan xaalkeenu ahaan doono.

Ugu dambayn ma aha in cid gooni ah loo xil saaray in ay socodka bilaabaan ee waa in aan nafteena ka bilowno. Wuxuu naftaadu ka diddo ogow in Ilaahay uusan raali ka ahayn. Wixii la qariyo ama lagu qaybiyo addoomada Ilaahayna ogow in ay ka fog tahaya wada Ilaahay.

Islaamku walaal waa DIINTA ILAAHAY.
Mulimiintuna walaal waa adoomo Ilaahay.

Ilaayahow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
by,walaalkiin

Runtii aad ayaan ugu qancay sida faahfaahinta leh ee walaalkeen u kala saarey Islaam iyo Muslim. Balse waxaan rabaa inaan markale su'aashan soo ithaareeyo: Malaga yaabaa in Muslimiinta markale hormuudka caalamka noqdaan sidii ay marhore u ahaayeen oo kale? hadday jawaabtu haa tahayna, ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya arrintaas?

waxaan jeclaan lahaa inaan ra'yiga walaalahay ee ku saabsan su'aashan.