Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb. 16, 2001): Sayyed Qutub, Taariikdiidsa, qoraalladiisa, dhaliisha lagu heysto
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raadraac

Friday, February 09, 2001 - 09:16 pm
· Magaciisa: Sayyid Bin Qutb Bin Ibrahim Bin Hassan Bin Shaadili
· Wuxuu ku dhashay tuulo la yiraahdo Mooshaa, 1906, oo ka tirsan gobolka Asyuut, Masar
· Waxaa la daldalay, (idinka Allah Shahaado), arroortii maalin isniin ah, ku beegan 29/8/1966
· Wuxuu noolaa Sayyid konton iyo sagaal sano, toban bilood iyo labaatan maalmood
· Wuxuu lahaa afar walaalo: Nafiiso, Amiina, Muxammad iyo Xamiida
· Nafiisa waa la ciqaabay waana la xiray, sidaasoo kale waxaa la ciqaabay labadeeda wiil oo dawladda Masar ay ciqaabtay, Labada wiil midkood, oo la yiraah Rifcat, waxaa la ciqaabay ilaa ay naftiisii baxday, oo ay kaga baxday xabsiga maamulka masar ee xad dhaafay oo fulinaayey awaamir meel sare ka socota sidii lagu joojin lahaa ururka walaalaha muslimiinta ee Masar oo kumaankun laga xiray, qaar badanna laga dilay.
· Xamiida Qutb oo ah tan ugu yar cidda, waxaa lagu xukumay toban sano oo xarig ah markey socotay ugaarsigii ikhwaanul muslimiinta 1965, Xamiida waa la ciqaabay wexeyna xirneyd lix sano iyo afar bilood.
· Moxammad Qutb, Allah xafido, wuxuu muddo dheer ku noolaa waddanka Sucuudiga oo uu profossor ka ahaa jaamacadda Ummul Qura ee Maka.

· Sayyid Qutub wuxuu xafiday Quraanka asagoo ahaa toban jir, oo dhiganaya fasalka afraad ee dugsiga hoose.
· Wuxuu qoray kitaabkiisii ugu horreyey oo islaamiga ah 1945 (Al Taswiir Al Fanni fil Quraan)
· Waxaa la xiray 1954, wuxuuna xirnaa seddex bilood, Haddana mar labaad baa la xiray , 1955
· Maxakammad baa la saaray waxaana lagu xukumay toban iyo shan sanadood.
· Waxaa lagu soo daayey cafis caafimaadkiisa oo xumaaday ah dartiis. Markaasa haddana la soo qabtay 1965
· Waxaa lagu xukumay dil 1966
· Waxaa la fuliyey xukunkii dilkiisa aroor isniin ah oo ku aaddan seddex iyo tobankii Jumaadal Uulaa 1386 hijriga, ama 29/8/1966
· Wuxuu ka tagay maktabad kutub ka kooban sagaal iyo toban kitaab oo loogu yaqaanno kitaabkiisa ( Fii dilaalil quraan oo ka koobma lix juzz)

1. Quraanka hoos harsigiisa
2. Cadaalada bulshada ee Islaamka
3. Waxyaalaha u gaarka ah sida uu islaamku wax u arko
4. Islaamka iyo mushkiladaha ilbaxnimada
5. Muuqaalka qiyaamaha ee Quraanka uu sawiray
6. Dagaalka (islaamka) aan kula jirno Yuhuudda
7. Tafsiir aayadaha ka hadlaya ribada
8. Tafsiir Suuratul Shuuraa
9. Sawiraadda Quraanka ee qurxan
10. Kutub iyo shakhsiyaad
11. Dhaliilidda suugaanta (literature), asalkeeda iyo waddadeeda
12. Diraasaad Islaami ah
13. Nabadda adduunka iyo Islaamka
14. Dagaalka ka dhaxeeya Islaamka iyo hantigoosadka ( Capitalism)
15. Taariikhda waxaa ku jirta talo iyo waddo la maro
16. Sidii lagu gaari lahaa bulsho islaam ah
17. Bartilmaameedka waddada ( Macaalimun fil tariiq) ( Kitaabkii lagu dilay dartiis)
18. Diintan
19. Aayaha dambe waxaa leh Islaamaka ( Al mustaqbalu li haadal diin)


Waano ku saabsan sida wax loo dhaliilo (criticism)

Marka hore ii oggolaada inaan idin hor dhigo dhowr hakasho oo loo baahanyahay in la tix galiyo markii caalim, ama dalabatul cilmiga la naqdinayo.

1. Koobaad: Waa in marka hore masalada lagu heysto caalimka ama daaciyada la sugaa si ay u sugnaato ula jeeddada uu caalimkaas watay inaan laga baddalin meeshuu wax ku waday,( ma nin Islaam u hiillinayey buu ahaa mise nin cadow Islaam u uh buu ahaa) Taasna waa amaano.

2. Labaad: Inaan ka soo qaadano waxa lagu dhaliilay caalimka qoraalkiisa oo qura, laguna sugo waxa lagu sheegay. In la dallilsado qoraalladiisa kuwa ugu dambeeyey intuusan dhiman.

3. Seddexaad: Inaan marka hore heysanno fikrad dhamaystiran oo guud oo ku ssabsan manhajka uu qofkaas raacsan yahay iyo waxa uu u socdo inuu xaqiijiyo. Taasoon laga qaadanayo qoraalladiisa asaga oonan marna loo qaban waxa dad kale ay ka qoreen ama ay ku celceliyaan ayagoon hubin wexey leeyihiin. Mataal ahaan Sheikh Cabdul Caziz Bin Baaz markuu banneeyay guurka loo yaqaan ( Zawaaj bi niyatul dalaaq), la mid ma aha markey shiicada bannayso mutcada , maxaa yeelay , Sheikh Bin Baaz, Allah u naxariistee, meeshuu wax u waday waa toosneyd, Sabiilul muminiin, shiicadana meeshey wax u wadaan waa sabiilul daalliin.

4. Afraad: waa inaan isku deynaa inaan taarikhda qofkaas la dhaliilayo inteeda daruuriga ah, in taariikhdiisaas si fiican loo yaqaan, iyo marxaladaha uu soo maray oo u keentey inuu afkaarta qaarkood uu cuskado, markaas uu haddana iska dhaafay afkaartaas markuu galay marxalad kale oo uu arkay waxaan markii hore aan u muqan.

Nabi Ibraahim wuxuu maray maraaxil dhowr ah lagumana dhaliili karo inuu qorraxda iyo bisha caabudi jirey, maxaa yeelay marxaladdiisii ugu dambeysey wuxuu ku dambeeyey towxiid. Sidaasoo kale la ma mooga in uu imaam Shafici, Allaha u naxariisy lahaa laba rayi oo la kala oran jirey (qowlkiisii hore iyo qowlkiisii dambe)

5. Shanaad: Inaan naqaanno duruufta uu ku noolaa si aan si quman u fahamno wuxuu ka wadey hadalkiisa, maxaa yeelay, qofku haddusan fahamsaneyn duruufta hadalka lagu yiri wuxuu kala bixi karaa macne ka duwan kii daaciga uu ula jeeday, maadaama uu daaciga dhintayna, waa in malada lagu fiicneeya, taas waa sunnada nabigeenna SAWS. Waxaa taas u daliil ah in Abu Ayuub Al Ansaari uu arkay niman taabiciin ah oo u fahmay aayadda ( Naftiinna halaag ha kuu tuurina ) in laga wado ha dagaallamina. Markaasuu Abuu Ayuub Al Ansaari wuxuu yiri : aayaddan annaga macshar alansaar ayey ku soo degtay, markii muslimiinta ay dagaalladii ku reysay oo qaarkood is dheheen , war aan u laabanno beeraheenni, iyo xoolaheenni, oo aan iska shaqeysanno, markaas ayaa Allah aayaddan soo dajiyey ayadoo loola jeeday in jihaadlka laga haro ayaa ah tahlukad ah, maxaa yeelay jihaadka waxaa lagu tilmaamay Xayaad ama nolol, ka tagidiidana waxaa lagu tilmaamay tahlukad. Marka in duruufta hadalka lagu yiri la fahmo waa daruuri.

6. Lixaad Inaan qofka la dhaliilsan yahay aan hadalkiisa intii lakala jajabiyo aan markaas la fasirin wuxuu ka waday, laakiin in siduu u yiri naskii oo dhan loo soo bandhigo markaasna qasdigiisii lagu eego qoralladiisa kuwa ugu dambeeyey si aanan hadalka meeshuu u waday aan looga baddalin.


Dhaliilaha loo soo jeediyay Sayid Qutub , Allah u naxariistee.

1. Kitaabkiisa fii Dhilaalul Quraan, inuusan aheyn kitaab tafsiir ah.
2. Inuu ku qaldamay aayadah Sifaadka Allah qaarkood.
3. In la yiri caqiido wax ku saabsan lagama qaato.
4. Nabi muuse calyhi salaam inuu ku tilmaamay qof casabi ah.

Walaalayaal waxaan boggaan aan u furnay inuu Allah kheyr badan na siiyo oon si cilmiyeysan aan u baarno waxa Sayyid ay ka sheegeen khusuumtiisa iyo inaan bal soo akhrinno kutubtiisa si aan amaanada Allah uga soo baxno, maxaa yeelay, hadduu Sayyid quman yahana waa inaan ka faaiideysanna, haddii kalena waa in la waadixiya meeshuu ku qaldan yahay ayadooo lagu miisaamayo miisaan la wada saari karo culimada oo dhan oon kaligiis ku gaar aheyn.

Waxaan kaloon ka dalbanayaa qofkaan akhrinin kutubtiisa inuusan ku eedeeynin wax dad kale ka sheegeen, maxaa yeelay qof macsuum ah inuusan nooleyn waan isku raacsannahay.

Walaalayaal, amaanada cilmiga ah darteed, qofkaan kutubta Sayyed soo akhrinin yuusan rayi dhiiban, si uusan Allah uga caroonin.

Allah wuxuu yiri

" Walaa taqfu maa laysa laka bihi cilm"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 11, 2001 - 07:55 pm
Walaal

aniga waxaan wax badan ka akhriyey kutubta Sayyidka, gaar ahaan, Dilaalka, Macaalimun fil tariiq, Haadal Diin, Khasaaisul Tasawurul Al Islaami,

Waxaan kaloon akhriyey, kutubta salafka, Ibnu Taymia, Ibnul Qayim, Al Showkani, iyo culimada casriga ah sida Sheikh Muxammad Bin Cabdulwahaab, Sheikh Bin Baaz, Al Otheimeen, Al Jibriin.

Walaal wax is ka hor imaanaya oo khilaafsan ahlul sunnah wal jamaaca kuma aan arag Sayyid Qutub kutubtiisa, laakiin qofkii xasad ju jiro, caalim walba ceeb waa loo heli karaa haddii Allah laga baqi waayo,
Walaal waxa lagu eedeynayo kuma aan arag, laakin waxan arkay xaq cad, oon la celin karin soona bixi doona.

Allah khaatimadeena toosiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOONSADE

Monday, February 12, 2001 - 06:11 am
Assalaama calaykum, Raadraac.

Waxaad aad ugu mahadsantahay, soo gudbinta taariikh nololeedkii calamaa shahiid Sayid Qutbi. Walaal, haddaan soomaali nahay waxaan jecelahay in aan wax kasheegno culumada islaamka, anakoo ku dayanayna dad kale. Run ahaantii sayid Qudbi kutub uu leeyahay waxaan ka ahkriyey tafsiirkiisa fii dilaalul Qur,aan. Waanaa kitaab cajiib ah qofkii wax ka sheega, waa qof daliilkiisu yahay sheekh hebel baa sheegay. Run ahaantii anigu urur diini ah kama tirsani, culumada islaamkana ma kala xigsado. Hase yeeshee dadka wax ka sheegay Amiirul Mu,miniin fil xadiis Al-Imaam Xaafid Ibnu Xajar, Al-Imaam Xaafid FIQIIH MUJTAHID Nawawi iyo Imaamadii Islaamka dayn maayaan cid kale. Haddaba waxaan kula talinayaa walaalahayga soomaaliyeed in ay u jeestaan barashada cilmiga kana fogaadaan Masaa'ilul khilaafiyah. Odhaahda ah "Waxaan ahay ahay salafi" ayaa waxay keentay in dad badan ay ku hodmaan, iyaga oo mooday in ay dadka kale ka fiican yihiin. Hadaba SALAFKU WAA WAQTIYADA ISLAAMKA SOO MARAY KII UGU KAYRKA BADNAA. EE MA AHA MADHAB LOO NASBO SHEEGTO.Nebiga(CSW) oo tilmaamaya wuxuu YIDHI, "kHAYRUL QURUUNI QARNII, THUMA LADIIN YALWNAHUM, THUMA LADIINA YALOWNAHUM" WADADII AY RAACEEN CULUMADII QARNIYADAAS JIRAY AYAA HABOON IN AAN RAACNO. KITAABKA ALLE IYO SUNNAHA RASUULKANA(SCW) IN LA RAACO. WAXAAN LA GUBOON IN MUSLIMIINTA IN AY BARTAAN FIQIGA, USUULUL FIQIGA, LUQADDA CARABIGA, CILMIGA XADIISKA(CILMUL MUSDHALIXUL XADIIS), CILMUL RIJAAL, IYO WIXII KALE EE INA ROON AAKHIRO IYO ADDUUN. DOOD IYO CULUMADA OO WAX LAGA SHEEGO WAA ASTAAMAHA LAGU GARTO DADKA JUHALADA AH EE AAN XAQA AY MUSLIIMIINTA IYO CULUMADU KA MUDAN TAHAY AAN GARANAYN.
WA BILAAHI TAWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Monday, February 12, 2001 - 08:35 pm
Qonsade

Walaal, Allah kaa abaal mariyo hadalka miisaaman eed ku hadashay.

Waayahan dambe waxaa yaraaday miisanka, waxaa batay ahwaada, iyo tacassub loo tacassubo raayi iyo qof walba oo la dhacsan rayigiisa oo kaliya oon marna il xaq raadis ah aan ku fiirineynin rayiga ka soo horjeeda.

Walaal. Ummaddeena wexey mareysaa heerkii ugu hooseysay taarikhda Islaamka. Imaam mideeya ma joogo, ayagii tawxiidkii waa ka tageen, gaaladiina wax walba ayey uga daysadeen,

gaar ahaan nidaamka siyaasadeed oo ah kan nolosha oo dhan ku socoto. Nidaamkaas waxaa habeeyay dad indo la. Allahna aan aqoon.

Nimankaas ayaa noqday maanta kuwa xaq iyo baadil dadka bara.

Nimankaas wexey dajiyeen waa hore sidii ummaddaan lagu baabiin lahaa, wexey ku guuleysteen iney ridaan khilaafaddii Islaamka aheyd , kadibna ey waddamadeenna nagu istacmaarsadeen.

Intey waddamadeenna joogeen wexey baddaleen fakarka dadka, iyo culimada, markay tageenna wexey nooga tageen kuwo ay tawabbareen, diin laan la baray, iyo Allah ka cabsasho laan, oo addoomo u ah shawhwaddooda, oo fuliya waxa uu isticmaarkii gaalada rabay.

Maanta, qof walba waddankiisa haddu rabo inuu nabad ku noolaado wuxuu u baahan yahay shahaadateyn la dhaho, WAXAAN QIREYNAA QARAARRADA QURUMAHA MIDOOBEY . Qurumada midoobey waxaa u talisa mareykan, mareykanna waxaa u talsia youhuud, yuhuudna wahaa u talsia maasuuniyad u dityaargareyneysa adduunka Dajaalka inuu xukumo.

Nimankaas qofkii caalim ah oo ceebtooda soo ban dhiga sida sayed qutub, waxaa lagu diraa madaxda waddankooda oo loo adeegsado in nadaamka adduunka ka dhisan ay u hoggansan yihiin ay ilaaliyaan.

Madaxdaas si ninka caalimkaas ah ay u mamnuucaan cilmigiisa wexey soo saaraan caalim ayaga u shaqeeya oo shaqo ka dhigta si ninkaas warkiisa aan la dhageysan.

Madaxda markaas intey meel fadhiistaan ayey ku qoslaan sidey isugu direen wadaaddada, ayadoo adduunkana jahannamo ummadda lagu wado oo loo xalaaleeyey wax walboo Allah xarrimay.

Maanta, qilaafka jira waxaa dhaliyey dad neceb wuxuu Allah soo dajiyey, waxey sireen dad niyad quaman, markaasey cadaawo ka dhex abuureen.

Allaha naga dhigo kuwo jecel rabbigooda, u adeega asaga oo QURA , u hiilliya diintiisa, ku socda sunnada nabigiisa, khaatimadeennaan Allaha ka dhigo jannada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qof-Kale

Tuesday, February 13, 2001 - 06:35 am
Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiina haa ahaato dhamaan,

Ma jecleen inaan halkan wax ku qoro ka dib markaan akhristay mar hore bogag kale oo isla arintan ku saabsan. Qaabka doodu wuxuu ahaa mid aan ku saleysneyn ixtiraam, isfahan iyo in dadka kale ay aaminsanaan karaan aragtidaada mid ka duwan. Waxaan filayaa in ciladan laftigeedu sal u tahay afdhaafka iyo xadgudubka lagu sameyo culimada amaba lidka arintaasi.

Shaksiyan, Kutubka Sayd Qutub waxaan ka akhristay dhowr, labo ka mid ahi haaba ahaadaan kuwaan ugu jeclahayee: Fi-Dilaalil Quran iyo Macaalim Fi-Dariiq. Waan akhriyay kuwo kale oo badan oo ka mida kutubtiisa. Dilaalul Quran waxaan filayaa inuu yahay kitaab la yaab leh qoraaguna isticmaalay maskaxda ilaahay ugu deeqay siduu si cilmiyaysan ugu sharxo kitaabka Eebe.

Dabcan, kitaab iyo buug kasta oon akhriyo wuxuu leeyahay afkaar sax iyo kuwo khaldan. Muxaadaraadka iyo casharada aan dhegeysto, iyana sidoo kale waxay leeyihiin afkaar khaladaada iyo kuwo sax ahba. Waa maxay ujeedadaydu halkan? Waxaan ku doodayaa in aynu barano sida aynu ula dhaqmi lahayn dhamaan aqoonyahanada islaamka iyo kuwa kalaba inagoo midwalba ka qaadanayna waxa aynu filayno inay sax yihiin,kana tagyna waxa aynu filayno inay ku khaldan yihiin. Dabcan miisaanka cabiraadu waxaa weeyaan kitaabka Allah iyo sunnada rasuulka, waxay dhaheen uunbaa soconaya, wixii ka soo hadhaana wax kasoo qaad ma laha siduu yidhi imaam Maalik ibnu Anas.

Kaliya hadaynu halkan qodob fahano, hadaynu fahano sida loola dhaqmo aqoonyahanada, waxaan filayaa inaynu meel gaadhi lahayn. Cilmigu wuxuu ku saleysan yahay is waafaq iyo is khilaaf. Aragtidaada in lagugu dabo maro waa shey fiican, maxaa yeelay waxay taasi kuu saamaxaysa inaad aragto ceebaheeda. In laguugu waafaqana waa muhiim maxaa yeelay waxay taasi ku tusaysaa inaad wadiiqo saxa kaa qaaday.

Sidaa la'adligeed, maahan inaan dhamaan wuxuu Saydku qoray ku waafaqi, inkastoo shakhsiyan aan aragtidiisa la wadaago in ka badan 80%. Marka dhalinta, waxaan idinkula talin lahaa, anoo ka bilaabaya nafteyda, aynu ixtiraamno shakhsiyada culimada inagoo ku khilaafayna ama raacayna afkaartooda.

Ma filayo inaan si fiican u qoray agartida aan jeclaa inaan idinla wadaago, iyadood iigu wacan tahay anigoo maskaxdaydu af-ingiriis igula hadlayso ana aan isku dayayo inaan afkaartaasi afsomaali ku soo turjumo. Ma okaybaa in af-ingiriiska wax lagu qoro bogan? Fadlan, haa u maleynina inay iga tahay wax kale, ee sida uu Eebe igu ogyahay "fikarkayga" ayaa wuxuu ku baxaa luuqadaa jini iyadooy ugu wacantahay qoraaladyda oo dhowrkii sano ee ugu dambeysay afkaa ku qormi jirey.Marka ilaa xad waxaa ii fudud inaan risaalaadkeyga ku soo bandhigo afka ingiriska. hadii kale, waa okay oo afkeena hooyo waan qori aqaanaa, kaliya maskaxda ayaan isku dayi inaan xooga damiyo.

Qoonsade,

Mahadsanid Saaxiib. Laakiin waxaan filayaa inaad fikrad khaldan ka aaminsan tahay kalimada "Salaf" iyo isticmaalkeeda. Inshaa Allah, markale ayaan isku dayi inaan sharxo waxaan uga danleeyahay arintaasi. Marlabaad, Mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RaadRaac

Tuesday, February 13, 2001 - 07:09 am
Anon, Nur, Qoonsade iyo Qof kale

Dhammaan waad mahad santihiin sida adabta ah ee aad u munaaqashooteen mowduucaan aad mooddo inuu qodxo leeyahay.

Sababtaan mowduucaan u soo bandhigay waa in qof walba uu fahmo asagoo ixtiraamaya qofka kale.

Daruuri ma aha in wax walba la isku raaco, laakin waxaa daruuri ah in dariiqa Allah la isu kaalmeysto.

Sayyed waxaa dhab ah inuu dowr weyn ka soo qaatay dhaqhaqaayada Islaamka waagiisii, wuxuu kheyr galey Allah ka abaal mariyo, wixii qalad ka dhacayn Allah ka cafiyo, laakiin waa iney noo caddaataa in culimada soo halgantay oon lagu shaki saneyn iney adduunyo doon aheyn in loo duceeyo inuu Allah ka aqbalo camalkooda.

Allah wuxuu Quraanka ku leeyahay " Kuwa dhegeysta hadalka oo raaca intiisa u fiican"

Qolada shiicada la yiraahdo ayaa ku xadgudbay Mucaawiya RadiyaAllah canhu, iyo Saxaabo badan. arrintaas wexey u geysey iney bidco badan galaan.

Annakoo taas ka digtoon waa inaan naqdinnaa waxa la qoray, ee aan iska ilaalinaa in aan caalim qoraa ah aan hadalkiisa kala saarno oon ka dhax qodno xumaan. maxaa yeelay somalidu wexey tiraah, raad arooryaad lama saan qaado.

tan kale si ayan u dhicin tacassub, waa in culimada oo dhan la simaa markii wax la naqdinayo, si kulligood isku miisaan wax loogu miisaamo. Waxaan radineyno waa xaq ee ma aha qof la eedeeyo.


Walaal Qof kale,

Allaha kaa abaal mariyo niyadaada fiican, anigaba waxaan ahay adigoo kale, afsomaliga iima sahlana, laakin labaadan bari waan soo fiicnaanayaa, lama huraan waa cowska jiilaal, ee afjinniga hadduusan daruuri aheyn iska illow.

Waxaan ku faraxsanahay inuu boggaan ku soo jiitay adabta dadka wax ku biirsaday oo aan aflagaaddo leheyn. waa fadli Allah, waxaan rajeyneynaa in ay sidaas ku sii socoto.


Bal hadda aan u gudubno waxyaalihii lagu naqdiyey sayyed ooy ugu horreyso Kitaabkis Fii Dilaalil Al Quraan. Muxuu ahaa? Tafsiir miyuu ahaa? Afcarabiga waa kala duwan yihiin Tafsiir iyo Tarjumo xarfiyah ama laqbeyn waxaan u naqaan.

Fii amaanillah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asraar

Tuesday, February 13, 2001 - 04:40 pm
Salaama Caleeykum,
Walaalayaal luqaado kale ma loo tarjuuma buugaagta Sayed Qutub oo idil? Aniga waxaa igu maqaala ah in English loo tarjumay midkiis ugu dambeeyay "Ma'alim fil-Tariq - Signposts along the Road"

Walaalayaal aniga waxaan arkay uun qoraallo ee reer galbeed qoreen iyaagoo markaas ka hadlaya wax ee ugu magac dareen "Islamic fundamentalism iyo taariikhdda Islamic brotherhood" waxay kalo soo hadal qaadaan Sayyed Qutub in the context of comparative political theory.

Walaalayaal, aniga waxaan baahiweyn uu qabaa buugaa ku saabsan taariikhda Islaamka iyo taariikhda raagga xaq uu diiriirka ah oo ku qoraan af Ingriis ama Somali. Kuma kalsooni inaan runta akhrinaayo markaan arko qof wax ka qoraya hal prespective kali (i.e western prespective).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Tuesday, February 13, 2001 - 07:38 pm
Walaal Asraar

Sayyed wuxuu ahaa nin qoraa ah, oo tacliimtiisii hore ay aheyd luqada carabiga ah oo u ku qaataty shahaado jaamici ah oo aad u sarreysa. Taas waagii dambe uu u dhaqaaqay fasiraada quraanka ayey faaidedeeda soo ban baxaday.

Ka dib wuxuu qori jiray murti asagoon weli noqon qof la socda tayaarka xarakada Islaamaka ee Masar wagaas ka dhisneyd.

sayyed wuxuu wax ku soo qori jirey jaraaidka, qoraalkiisana waxaa waagii hore raad ku reebay faham la'aantii waagiisii jirtay, maxaa yeelay waagiisii Islaamka qabri baa la dhigay oo waxaa lo heystay inuusan soo noolaanyenin.

Sidaa darteed qoraalladiisii hore oo ilaa iyo hadda la helo ka muuqdaan diin jeceylka uu ku dhintay.

Isbeddel weyn ayaa ku dhacay Sayyed markuu tagay Marykan asagoo raacay Markab ilaa u ku gaadhay maraykan.

Markuu Maraykan tagay wuxuu ku wareegay jaamicado mareykan ah oo ay ku jirto jaamicadda Georgetown ee ku taalla Washington oo hadda maktabadeeda qaybta carabiga ah heysa ( Good collection of his works in Arabic)

Sayyed waxaa baraarujiyey dilkii Xasanul bana oo ahaa ninkii asaasay walaalaha muslimiinta ee Masar, asagoo meel fadhiya ayuu wuxuu maqlay marekankii oo farax la cayaaraya oo isu bishaareynaya inuu la dilay nin argagaxiso ku ah qarbiga.

Sayyed dhacdadaas ayaa ku baraarujisay inuu qalinkiisa ku jeediyo sidii uu ugu hiillin lahaa Rabbigiisa ilaa ruuxiisa daahirka ah rabbigeeda uu oofsaday arroortii maalin isniin ah, ku beegan 29/8/1966


Sayyed qoraalkiisa qofkii Allah jecel kama dhergi karo, waa hadduu carabi yaqaan, kutubtiisana waxaa ugu qoto dheer kuwiisii ugu dambeyey oo u saleeyay habka dacwada dadka ku jira laga rabo iney noqdaan, wuxuuna aad xoog u saaray sifada la yiraahdo ( Al Rabbaaniyah) oo ah in wax walba Allah oo qura laga QAATO , asgoo oo qudhahna wax walba loola QASDO. Taasna uu ku tilmaamay Tawxiidka.

Asraar walaal isku dhib inaad carabiga fahamtid, maxaa yeelay haddaad rabtid inaad diintaan si fiican u dhadhansatid, oo naxruurkiisa aad ku daaweysid qalbigaaga.

Af Carabiga wuxuu kugu caawinayaa inaad fahamtid Sunnada, axaadiithta iyo Quraanka tafsiirkiisa. Wax adagna ma aha haddaad u dhaqaaqdo, intaad dariiq aad cilmiga allah aad ku baraneyso aad ku taagan tahay, waxaad ku jirtaa dariiqa Allah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kheyr-raadis

Friday, February 16, 2001 - 02:27 am
Walaal qof kale

Runtii waad ii faaiideysay, laakin waxaan qabaa suaal.

waxaad qortay " Sidaa la'adligeed, maahan inaan dhamaan wuxuu Saydku qoray ku waafaqi, inkastoo shakhsiyan aan aragtidiisa la wadaago in ka badan 80%. Marka dhalinta, waxaan idinkula talin lahaa, anoo ka bilaabaya nafteyda, aynu ixtiraamno shakhsiyada culimada inagoo ku khilaafayna ama raacayna afkaartooda."

Walaal maxaad ula jeeddaa 80%, labaatanka harey ood ku qanacsaneyn ma noo sheegi kartaa si aan isula fiirinno, ku fiirinno Kitaabka iyo Sunnada Rasuulka SAW. ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Friday, February 16, 2001 - 05:14 am
Assalaamu Calaykum, dhamaan walaalahayga ka qayb qaatay Mawduucan.

Waxaa haboon in la fahmo in la ixtiraamo culumadda islaamka, waayo ILAAHAY baa kitaabkiisa ku amaanay. Rasuulkuna(SCW) SUNNIHIISA, ayuu inagu amray in aan weyneyno, qadarinta iyo weynaynta culumadda(IJLAALUL CULUMAA')waa waajib. sida sunnaha rasuulku tibaaxdayna kalluunka badda ku jira ayaa alle dembi dhaaf u weydiiya culumada. Waxaa kale oo haboon in qofka cilmiddoonka ah uu ku dadaalo in uu ilaaliyo sharafta dadka hurmuudka u ah diinta. culumaduna aamin kama aha in ay khaldamaan, waxaase xusuus mudan in sheekh haddii uu masaa'il ku khaldamo uu kuwa badan uu asiibo, sidaas darteed xurmadda sheekha iyo kitaabkiisa midna waxba u dhimi mayso. xadiis saxiixa ayaa rasuulka alle(scw) ku caddeeyey in calaamaddaha dhamaadka adduunka ay culumadda ay dunida ka tegayaan, markaas ay ummaddu dadka aan cilmiga ehelkeeda ahayn ay diinta ka qaadan doonaan, taasna ay sababi doonto in ay baadiyeeyaan naftooda iyo dadka kaleba. haddaba, marka aad dib u milicsato 10kii sano ee la soo dhaafay illaa iyo xiligan aan ku sugannahay immisa ayaa dhimatay culumada islaanka.

Haddaan u soo laabto Sayid QUDBI, waxaa nagaga filan xadiiska nebiga(SCW) ku sheegay in jihaadka ugu weyn uu yahay suldaan jaa'ir ah oo xaqa aan lagala gabban. Sayid QUDUBNA wuxuu helay fadliga jihaadka ugu sareeya.

waxaadna ogaataan in caqiidada aan qof laga qaadan ee kitaabka ALLE IYO SUNNAHA RASUULKA AY CAQIIDADA RUNTA AH AAN KA HELAYNO. HADDII AADAN JECLALAYN KUTUBTA CULUMADA QAARKEED, WAXAAD HELAYSAA KUTUB KALE, LAAKIIN OGOW CULUMADA AADAN KUTUBTOODA AADAN RABIN MUSLAM BADAN AYAA JECEL OO KA FAA'IIDAYNAYA. CULUMADA AADAAN XAQOODA SIINNA, DAD BADAN AYAA IXTIRAAM WEYN U HAYA EE HA KA MAAGIN.

WAXAA IS WEY DIIN MUDAN, GOORMA AYAAN CULUMADA MASAA'ILKA AY KU QALDAMEEN AAN SIXI KARNAA? MAS'ALOOYINKA LA ISKU KHILAAFAYNA, SIDAAN QAWLKA RAAJIXA AH KU OGAANAYNAA?

WA BILAAHI TAWFIIQ