Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islam (Current): Taariikhda SALAFIYA AL JADIIDA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 21, 2001 - 04:40 am
Somalia sabata ay u burburtay waxey eheyd in Allah uu u carooday ummad uu nicmad badan siiyey oo ku kufrisay nicmadihiisii.

Somalia waxaa diin u ahaan jirey, suufiya, ilaa u ka yimid waddanka Xijaaz sheikh la oran jiray Shekh Nuur Cali Colow, ninkaas oo ahaa salafigii ugu horreeyey wuxuu ka la kulmay dhib badan sufiyada oo bixisay inuu yahay bidci raba inuu diinta aabbayaasheen baddalo, Suufiyada saad ogtahay wewxey ku jirtay shirki weyn, iyo diin laan.

Dadka soo haray waxaa raad weyn ku reebay isticmaarkii talyaaniga ahaa oo ka tirtiray diinta runta ah waddanka, waxaa la bilaabay in gaalada sidooda loo hadlo, dharkooda la xirto, khamrigaaoga la cabo..... dadka wexey dhihi jiraan hebel suufi buu noqday oo waa tukadaa. Salaadda iyo wadaadnimadana ceeb bey aheyd, qof raba inuu hore umarona wuxuu kala dooran jiray in uu diinta ka haro ama inuu adduunka ka haro.

Ayadoo meeshaas la marayo ayaa waxaa Waddanka yimid wadaad la oran jiray Shekh Mohammad Macalin oo ka yamid Masar, waxaana soo dhoweeyay dhalin yaro Allah hadeeyay oo loo oqoon jirey waagaas ehelka, tafsiirna wuxuu ka bilaabay xamar.

Dhallintii wexey aad ugu soo urureen masaajidyadii, dowladdii waagaas jirtey oo eheyd Dowlad sheegatay Marxism ama kufri, ayaa wexey ku qaadday dagaal dhallinta wadaaddada ah, oo tiradooda ay cabsi gelisay amniga adduunka, gaar ahaan Ruushka oo markaas dowladda afweyne ay addoon u eheyd. Ruusku wuxuu amray in laga takhaluso diinta, waxaana loo dhigay. Wadaaddada shirqool lagu tirtiro raadka diinta.
Shirqoolkaas wuxuu ahaa in Afweyne ku dhawaaqo xuquuqda haweenka, oo uu yiraahdo Quraanka waa qaldan yahay. Wixii kaca markaas in la laayo, oo waddanka si fiican u raaco siyaasadda adduunka.

Shirqoolkii waa l fuliyey, Afweyne wuxuu ku dhawaaqay sinnaashaha dhaxalka haweenka iyo raga, meeshaasna waxaa ka kacay culimadii waddanka oo ka istaagay masaajidda kufrigaas Afweyne inkiray.

Afweyne asagoo amarkiisii fulinaya ayuu wuxuu degdeg ku toogtay toban wadaad oo hor istaagay baadilka Afweyne. Cirka waa ooyay, roob tiixtiix ah ayaa soo da’ay. Labo dayaaradna waa isku dhacday subixii la toogtay culimada markaasey ku kordhaceen xaafad korontadii iyo dab kalena dadkale ayey laayeen.

Dhallinta diinta jecel, aad baa loo cadaadin jirey, taasna wexey sii kordhisay tiradooda, diintana waa lala dhuuman jirey, intaas oo howl ah waxaa ku jirey dhallin yaro Diin jecel, oo naftooda u hibeeyay Allah.

Saad aragto dadku hal qolo ayey ahaan jireen markii la yaraa. Markii la soo badtay, waxaa bilaabmay qilaaf furuuc la siku qabto oo lagu kala tago. Waxaa meeshaas ka sameysmay waxaa loo yaqaan jamaacaad, oo sabab u eheyd in madax gaalo ah waddanka xukumayeen ayagoo ku gaaloobay Allah culimadana laayey.

Afweyne, oo madax waddankeenna u ahaa, iyo ninka Suuriya xukuma oo asagana 30 kun laayey iyo kuwa badan ayaa is baheystay sidii ay isga celin lahaayeen khatarta xukunkooda ku jiraan. Madaxdaas wexey ku adkeysteen iney Allah ku kufriyaan ooy xukunkiisa shareecada diidaan, ducaatkana xabbisyada ka buuxiyaan qaarna dilaan.

Madaxdaas wexey isla gaareen qaraar in sida kali ah ee looga hor tagi karo wexey u bixiyeen asalraac, ama usuuliyad, in ayaga dhexdooda qilaaf laga sameeyo oo la aaasaaso fikrad cusub oo ka dhigeysa madaxda daacadooda cibaado Allah mid u dhiganta oo qofkii xaakimkiisa adeeci waaya uu yahay gaal diinta ka baxay.

Arrimahaas oo dhan wexey soo socdaan waxaa bilowday xarbigii khaliijka oo ahaa xarbi mareykanka ay ka soo shaqeeyeen toban sano ka hor oo ahaa googol dhig sidii ciidammadiisa ku soo degi lahaayeen Jaziiradda carbeed iyo bilaadka muqaddaska ah. Ayagoo ku andacooday iney rabeen iney amaangaliyaan danahooda baansiinka si aan loo khatar gelein.

Mareykanka iyo sadaam oo isla shaqeynaya ayaa riwaayad u dhigay dowladaha carabta ah, Riwaayaddas waxaa loogu tala galay iney seddex natiijo keento.

1. In Carabta la daciifiyo oo lacagohooda yaallay gharbiga laga cuno.
2. In Israail la xoojiyo oo lacgta carabta lagu kobciyo]
3. In Usuuliyadda soo xoogeysaneysa la hor istaago.

Dagaalka markuu dhamaaday, Carabtii deyn baa lagu yeeshay ay ilaa iyo hadda bixiyaan.

Israaill wexey ka gadi jirtay hubka sadaam, sharkadaha yuhuudana wexey ka gadi jireen qalab badan oon shaqeyn, markaas baa waxaa riwaayadda lagu dhaameeyay in la yiri sadaam qunbulad buu sameynayaa, annakana waan idinka celineynaa, marka waa inaan degnaa waddanka muqaddaska ah.

Marka mareykana ciidankooda wuxuu noqday ciidan ilaalaya danaha mareykanaka qarashkana ku bixiya lacagta carbata.

Markaas baa waxaa ku kacay culimadii waddanka xarabta joogtay, oo masaajiddadaii khutbooyinkii aad ay u qaraaraadeen, dowladda carabata ah, markaas wexey xirxirtay culimadii diidday joogidda ciidamada mareykanka , waxaan isla markaas lagu heshiiyey barnaamij ay mareykanku keeneen oo la dhaho engejinta mesha ay biyahay ka cabaan dadka ka soo horjeeda siyaasadda dowlada.

Engejinta ceelalka wexey ka bilaabatay in culimada laka qaybsho, kuwa xikmad darted u ganbaday oo arkay iney xikmad tahay in la iska aamuso si aan meesha shar weyn ugu dhicin, kuwaas waa la iska dhaafey , Allah wuxuu yiri, (Wadduu low tudhinu fa yudhinuun)

Kuwii ka hor yimidna waa la xiray.

Waxaa marka dowladda sameysatay kuwo seddexaad, ;

Kuwo dowladda la jira, oo kutubta ku baara in ay waajib tahay in la adeeco dowlad ku sifowday inta aan soo sheegnay.

Culimadaas waxaa madax u ahaa nin la oran jiray Al Jaami. Iyo nin kale oo joogay Jaamacadda Madiina oo la oran Jiray Rabiic Al Madkhali.

Rabiic, wuxuu ku builabay howshiisa inuu ceeb u raadiyo culimada dhigay kutub ku direysa dhallin yarada dowladda. Marka wuxuu bilaaabay xamlad dacaayo ah inuu ku qaado sayyid Qutub, iyo culimo kale oo dbadan. Maxaa yeelay, kuwaas wuxuu ku tilmaamay khawaarij diinta ka baxay.

Afweyne iyo Jamal Cabdi Naser , Xafidul Asad iyo Qadafi wexy u arkaan amiirul muminiin.

Waxa qarash ku baxay sheekhaas iyo xarakadiisa kala jabisay dacwada meel walba ha joogtee waxaa bixiya dowladaha uu u diriro in la adeeco.

Rabiic Al Madkhali howsha uu u qabtay nadaamka adduunka oo cusub wuxuu u dhigmaa howshuu u Qabtay Saint Paul diinta kirishtaanka. Saint Paul asagoo la shaqeynaa Romaankii isticmaarsan jirey Falastiin ayuu wuxuu dhex galay ahlul diinka markaasuu wuxuu baray in Qaysar xaqiisa la siiyo, Allahna xaqiisa la siiyo.

Walaal. Cilmul xadiith waa cilmi aad u fiican, sidaasoo kale cilmul quraan, laakin , haddu qof jaahil ah lumo Qatar weyn diinta u ma leh.

Laakiin hadduu caalim lumo, dad badan buu lumiyaa, maantana Rabiic Madkhali xataa hadduu towbo keeno dad badan baan ka soo noqoneyn baadilkiisa .

Waxaan kaaga tagayaa hal dardaaran.


Waligeenna waa Allah. Oo kaliyah. Oo kaliyah.

Adiga haddad wali ka dhigato Rabiic madkhali, ogow in waligiisa uu waligaaga yahay. Waligiisana wali kale ayuu leeyahay.

Marka si fiican uga fiirso qofkaad wali ka dhiganeyso, maxaa yeelay yowmul qiyaamaha, qof walba waxaa lala soo saari doonaa waligiis.

Allah rumeyntiisana kifaaya ma ah, haddaadan ku darin inaad ka bari noqoto waxa Allah dariiqiisa ka soo horjeeda, Mxaa yeelay waxaa jannada lagu galaa shahadada, taas oo aan xirmeyn adoon inkirin baadilka, ( Fa man yakfur bil daaquuti wa yumin billahi faqad isstyamsaka bil curwatil wuthqaa)


Allow naga najee dajjaaliinta iyo ducaatka taagan abwaabta jahannamada. aamioin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dan jir

Sunday, March 25, 2001 - 10:55 pm
Xoolo lacag la soo siiyay baa tahay haddaadan ahayna waa lagu khiyaanay. ma reer cabdulwahab oo ragooda isfuulfuula ayuu Ilaahay ku faraxsanyah? waxaad salifiyad ku sheegaysid waa wahaabiyah, Salafiyada Saalixa ah meel ha kaga dhicin. burbur iyo wahaabiyaba isku mar bay noo yimideen, waan iska ladneen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 26, 2001 - 12:46 am
dan jir


saaxiiboow marka hore luqaddaada fiicnee,
marka labaad, aniga nin muslim ah ayaan ahay, mana ahi qof salafiya sheegta ama magac kale oon muslim aheyn.

Laakiin saaxiibow waxaan kor ku soo qoray waxaan u maleynaa inaad igu raaci doontid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuumucaad

Thursday, March 29, 2001 - 11:33 am
Subxaanalaah
to anonymous (majhuul)


(hadalada aad ku hadleysid ma aha kuwo aad adigu la timi laakiin waa manhaj qoom aaminsanyahay , isu eekaa maanta iyo shalay)

salaanta islaamka bacdigeed hadal badan isaga kaa khasaareyn maayo maadaama aad isla sintay caalim weyn oo maanta diinta wuxuu u qabtay la yaqaano iyo nin gaal ah,

walaal ma rabo inaan kugu dheeraado asbaabo badan awgeed laakiin waxaa iga su,aala sidan

1: sheekh rabiic hadii uu yiri ha la adeeco dowlada sucuudiga, muxuu denbigiisu yahay?

2: sheekh rabiic hadii uu ummada uga digay khaladaadkii sayid qudub isla markaana cadeeyey meesha ay ku jiraan khaladaadkiisu ,culimada islaamkuna ku amaaneen arinkaas sida ibnu baas ,albaani iyo ibnu cuseymiin, raximahumulaah, shakhsiyadii sayidna waxba la yeelin , muxuu galabsaday sheekh rabiic?

waxaan kaa sugaa waa jawaab.
wasalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 29, 2001 - 08:18 pm
Walaalkey Abuu Mucaad

Assalamu caleykum wa raxmatullah wa barakaatuh.

Ilaahey baan kaaga rajeynayaa cafis haddaad Sayyid Qutub ku tilmaantay Gaal. waxaad qortay

"salaanta islaamka bacdigeed hadal badan isaga kaa khasaareyn maayo maadaama aad isla sintay caalim weyn oo maanta diinta wuxuu u qabtay la yaqaano iyo nin gaal ah,"

Walaal

Gaalnimada aad gaaleyssisay Sayyid, Salmaan, Safar iyo qof walboo aad qilaafsan tihiin miyaanad ogeyn iney qatar tahay?

Dadka Takfiirka loo yaqaan wexey gaaleysiiyaan caammada, Idinka caammada waa idinka fakatay, laakiin waxaad ku takhassusteen gaaleysiinta culimada.

Salafiya Jadiida wexey diiin ka dhigatay in ay Xukaamta wax walboo ay sameeyaan qiil u raadiyaan si aan looga bixin daacadooda.

Wexey kaloo diin ka dhigteen iney qofkii Xukaamta ka soo horjeeda ama eedeeya in loo waayo wax qiil ah oo khair ah


Allah wuxuu yiri "Wa idaa qultum fa acdiluu"

War nimanyahow, yuusan Rabiic Naarta idiin horseedin asagoo raacay kuwo awliyaa ka dhigtay cadow allah iyo Rasuul.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 30, 2001 - 08:43 am
Abuu Mucaad

Akhii khalad baan kaa fahmay, Saint Paul inaad ka hadleysid ma ogeyn, ee waxaan shakisanaa inaad sayyid iyo Salmaan aad heysatid.

Iga raalli noqo qaladka aan kaa fahmay.

Sheekadan waa noo socotaa.

Walaalkaa fil Islaam