Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MAXAA SABABEY BURBURKII ISLAMKA(DAWLADII)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
walaal waxaan doonayaa in suaashan aan si cilmiyaysan uga jawaabno,daraaso dhamaystiran samayn ,iskuna dayno inaan qodobayn afkaarteena .
sababta igu kaliftay suaashan waxay tahay dad badan marka aad ugu sheekayso horumarkii islamka suaasha uu ku waydiinayaa waa OO HADAA MAXAA KU DHACAY DAWLADII ISLAMKA markaa waa inaad jawaab u hesho arinka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUDUJAANA

Unrecorded Date
BISMILLAHIRRAXMAANIRRAXIIM
WALAAL DAWLADII ISLAAMKA AHEYD WAXAY UDHACDEY
SABABO DHOWR AH WAXAYSE ISKUGU SOO BIYO SHUBANEYSAA AYADOO DIINTII ILAAHAY LAGA TEGEY
TAASINA WAXAA CADDEENAY AYAADO IYO AXAADIIS BADAN
WASSALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaama Caleykum!

Waxaa dowladii islaamka ama (Khilaafadii) burburiyey markii laga leexday dariiqii saxda ahaa, markii la hilmaamay casharaddii iyo tarbiyeentii Suubaha (scw) na siiyey iyo weliba Asxaabadii suubanaa (ra), waxaa kaloo keenay burburkii khillaafada ayadoo xukunkii & khaliifnimadii loo badalay dhaxaltooyo, waxaa kaloo keenay in la is xurmayn waayo deedno aay dhacday in Khaliifnimaddi la iska xoogo (afgambi), waxaa kaloo keenay in weliba tii u dambeeysay in dadkii musuulka ahaa (Governers) ahaa iyo Khaliifyo badanba aay TUMASHO GALEEN.

Walaal waa aay badan yihiin waxyaalihii keenay burburkii Khilafada, balse intaas ayaan hadda ka magacaabay.

Waxa keenayna waanu ognahay oo waa Dariiqii Alle & Suubanihiisa na tuseen oo laga leexday , afkana la saaray Dariiqii Sheytaanka (Illaah baanu kamagan galaynaa'e).

XASUUS: waxaan aragnay in khilaafadu ku dhisnayd dimoqraadi sax ah oo wax haata haystaa la arag. Khaliif kastaana waa lasoo dooran jirey ama ha is sharaxo ama ha lasoo doortaba. Balse gadaal laga bilaabo waqtigii Umawiyiinta illa iyo tii Cusmaniyiintu waxaay ku saleysnayd DHAXAL & AFGAMBI, balse waxyaabo badan ayeeyIslaamka u tareen.

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum ALL!

Muslim,


Walaal, Islam wuxuu noqday sidan markii dadku doorteen MUAWIYAH IBN SUFYAN...Nin diinta Ilaahay ku soo galay QASAB(asaga iyo reerkoodiiba). Taariikh-yahano badan oo Islam ah ayaa waxay aaminsan yihiin inuu ka dambeeyay dilkii Cali Ibn `Abu-Talib.

Cali iyo Muawiyah waxay noqdeen cadow iska soo horjeeda...oo mudo badan ayay dagaalameen.

Halkaas waxaa ka bilowday kala tafaraaruq...qaarkii Cali raacay waa dadka maanta loo yaqaan SHIICO. Dadkii Muawiya raacayna waa dadka maanta loo yaqaan SUNI.

Xadiis waxaa jira Nebigu lee yahay: "Ninkii cadowga Cali noqda...waa cadowga Alle!" Bukhaari baa soo wariyay, sidaan jeclahay.

Markii Cali dhintay...Muawiyana uu jiraday, Muawiyah wuxuu dowlada uga tagay willkiisa YAZID ibn Muawiyah. Yazid wuxuu ahaa nin aad u xun oo diinta Islamka ku tuntay.

Hussain Ibn Ali(wiilkii Cali ibn Abu-Talib) baa qaar Muslimiinta ka mid ah rabeen inuu noqdo Khaliif...Yazidna wuu u diiday. Hussain waxaa dilay ciidamadii Yazid markay isugu yimaadaan goobtii dagaal KARBALA(taariikhdu markay ahayd Oct. 10, 680)

Hussain oo ahaa ninkii Nebigu u duceeyay...wuxuu yiri intii la dilin ka hor: "Ilaahayow dhamee dhamaantood. Ha`u ogolaan inuu mid ka fakado. Dhamaantoodna ka dhig dhad ehlu-Naar ah!" Ciidamadii Yazid markaasay dileen. QOORTAY ka jareen...seef uga jareen.

ISLAM halkaan buu si fiican ugu kala bur-buray. Maanta waxaan isku keenayn dhamaantood waa arimahaan dhacay. Dadku iska cawaan bay ahaayeen waagaas(xoogaa)...laakiin shiicadu way iska oonayaan markay waxaan xasuustaan...waxayna in dheer ka durjinaysaa dadka Suniga ah.


Arimahaan waaye...sababaha qaarkood aanan weligay urur uga midnoqonayn aana ISLAM ahayn. Hadii qofku uu lee yahay: "Laa Ilaaha Ilal-Lah" waa walaalkay...wixii qof Muslim ah iga mutana wuu iga helayaa...laakiin weligay isku sheegi maayo urur.


Wasalama Calaykum!


Ahmad!*>.<*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Asalaamu 'Aleykum;

Burburkii Dowladaddii Islaamka?!! Dowladdee Islaamka? Halkeen ka soo bilownaa? Imisa Dowladood oo Islaam ahaa ayaa burburay? Imisaase Kacay? Hoos u dhaca ku yimidse ma isku mid buu ahaa?

Malaha waxaan u malaynayaa in aan cinwaanka yara bedelno oo aan nidhaahno Burburkii Ilbaxnimadda Islaamka, markaa aan ka soo bilowno Khilaafadii Cusmaan ilaa tii turkiga ee qarniggan baab'aday!!

Mida kale waxaan raadinaynaa Sababihii kalifay hoos udhacyadaas, ee ma raadinayno dambiilayaan loo eedeeyo arimaha burburka.
AHMAD:- It is too early to make any conclussion, Sunnadda Ilaahay ma bedeli karno, wax "steady state" ahna ma jiraan ilaa rise and decline ayaa jira. dariiqa Diintuna sidaad ogtahayba ma aha furaash xariir ah ee waa wado qodxo iyo masaabiir ku goglan. INA MACAL CUSRI YUSRA!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To:Muslim,

dawladdii islaamka waxaa burburiyey khilaaf soo food saaray asxaabadii rasuulka wakhtigii Cali Bin Abi Dhaalib oo ay nabiga N.N.K.H. ilma adeer ahaayeen.
Keddib dagaal dhex maray Mucaawiye iyo Caasha oo dhinac ka soo wada jeeda iyo cali iyo asxaabtii raacsanayd oo meel ka soo wada jeeda, taasoo qayb qayb ka dhigtay asxaabta.
Khilaafku siduu ku soo bilowday oo iga maqan hadana waxaa saxsanaa oo in la raaco ay ahayd Cali, haseyeeshee dhibaatooyin badan ayaa dhacay oo waatii Cali Bin Abii Dhaalib iyo labadiisii wiil ee Xasan iyo Xuseen-ba lagu dilay oo ay dishay Shiicadu, maalintaas ayeyna bilaabantay inay dowllad Islaam ah oo sax ahi liicdo.
Cali ayaa Asxaabadu u timid oo ay ku yidhaaheen Mucaawiye ayaa kaa saxsan ee maxaad u raaciweyday calina wuxuu ugu jawaabay, xaqa garta markaas ayaad dadkiisa garandoontaane, aniga iyo macaawiye markaas ayaad na kala garandoontaane ayuu ka waday.
Keddib waxaa bilowday dawladdii Cuthmaaniyiinta( Otoman Empire) oo adduunka maamulaysay 900 sagaal boqol oo sannadood oo Turkey xarunteedu ahayd, haseyeeshee waxaa kasoo garab dillaacay niman shiico ah oo la odhanjiray FAADIMIYUUN oo halaag badan u geystay Islaamka iyagiina waxaa tirtiray Salaaxu Diin Al ayuubi oo Kurdistaan u dhashay nimanka cajiibka ah ee maanta ku kala firidhsan inta lakala qayb qaybiyey waddammada Iran, Ciraq,Syria, Turkey, iyo inta u dhaxaysa waddamadaas.
Keddib markii Islaamku galay Spain (Andulus), ayaa culuumbadan laga dhaxlay.
1492 markii Christopher Clombus uu helay adduunka cusub ( The New World) oo qaaradda America ah, ayaa waxaa ku qasbay inuu waddankuu u dhashay oo Talyaaniga ah uu uga kaco galbeed meeshuu bari uga kicitimi lahaa, sidaana waxaa ku khasbay dawladdii cuthmaaniyiinta oo gacanka Zuweyska waxa mara ee aan Islaamka ahayn ku khasbi jirtay inay bixiyaan canshuur qaali ah markay gacanka marayaan ee ay u socdaan Hindiya iyo bariga fog.
Christopher Clombus, wuxuu niyeystay inuu galbeed ka abbaaro Hindiya maaddaama layaqaanay inuu adduunku wareegsanyahay.
Wuxuu ku soo baxay qaaradda Amarica oo dadkii markaa degenaa uu ku magacaabay hindiyaankii cas casaa ( red Indians), waayo wuxuu moodayey inuu Hindiya joogo.
Islla sannadkaas aan kor ku soo sheegay ee 1492, ayaa burburkii dawladdii islaamiga ahayd ee cuthmaaniyiinta oo muddaba soo socday uu bilowday, ilaa sakarigii ugu dambeeyey laga soo saaray Spain (Andulus).
Keddib muddo badan ayey waxay gaadhey in madaxdii dowladdii Cuthmaaniyiinta la ugaadhsado oo loo diro shacabkooodii inta lasiiyo lacag layidhaaho ninkii nin Turkey ah oo madax ah keena wuxuu leeyahay miisaankiisa oo dahab ah, ilaa markii dambe ay soo baxday in Yuhudda lagu tallaalo Falastiin.
Markaa dowladdii Islaamka waxaa riday musuqmaasuq (corruption), iyo diinta oo laga caajisay.

Ilaa xilli dambe salaama.