We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date xaqiiqdu sidaas ma'ahane diinta rabi oo laga tagaa (la'qilaafaa))iyo caadooyin xun xun oolala yimaado ayaa runtii caro alle leh" waxay in badan oo islaamka u'nasab sheegataa ay QURAANKA IYO XADIISKA RASUULKA ((SCW)) ka jecel yihiin oo (( ku badasheen)) caado iyo maah maaho, hadaba xaqiiqdu waxay tahay markay dadkii muslimiinta ahaa ay ka fogaadeen QURAANKII IYO SUNIHII NABIGA(SCW) ayay waxay urursadeen caadooyin xun xun iyo bidac laga soo guuriyay mushrikiin" markaa ayay waxay diintoodii noqotay shirki quraafaad sixir bidac caado maah'maah iyo qabuuraha oo la'dawaafo IWM. maah maaha'ha shirkiga halayska jiro naftaydaan ku leeyahay iyo walaalahayga islaamka ah 114 KAAN AQAAN KAA AQRISAN MAAYAA KA ADAG CAADO LA QILAAFO CARO ALLEEY LEEDAHOO KALE. INA HEBEL TALAABADII NABIGA KU DAYATAY TEEDIINA KA TAGTAY TUKALANA GAARI WAYDAY. IWM, hadaba waxaynu ALLE WAYNE waydiisanaynaa- cibaado saxiixa iyo inuu diintiisa(ISLAAMKA) nagu dilo naguna soo bixiyo ((AAMIIN))
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Saxiib caqligaaga waa gaaban yahay, walina ma aadan fahmin ujeedada iyo macnaha maahmaahda, waan ku ogahay diin jecel ayey kaa tahay in aad sidaas soo qortid laakin la soco:- (Aqoonta yar waa qatar) Hadaba ujeedada maahmaahda waa CAADO LAGA TAGO:- wax aad caadeysatey hadaad joojisid, ama aad badashid, ama aad illoowdey. CADHO ALLE AYEY LEEDAHAY:- Macnaheedo waxuu yahay waxaad la kulmeysaa dhibaato, oo waxtarkii aad ka heli jirtey ma heleysid. ama shaqo ha ahaato. ama sadaqo aad baxin jirtey. cadho alle ayey leedahay. waxey leedahay labo macno. mid waa kan daahirka ah oo aad adiga ku macneysey, midna waa macnaha dadban oo ah kan aniga aan ku macneeynayo. Haduu qof ku yiraah ( cagta wax ka dey ) maxaad sameyneysaa waxaan filayaa in aad fahmeysid. cadho alle ayey leedahay waa sidaas oo kale, saxiib waad fahamtey ayaan filayaa bye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date KU:cabdullaahi ma waxaad noo sheegaysaa soomalidaan naqaanay mise soomaalikale,adiguhadaad saas ufahantay ogoow dadbaa sidaytahay uqaadanaya oo waliba kudhaqma ilaaxad,intaadse kaqiiroonaysid maahmaah maxaad uugu qiiroonwayday diinta Alle ee aad unisbo sheeganayso. KU:DEEQA walaal khayr Alle hakusiiyo waa saad sheegataye Alle ha inoogargaaro, waxaa kalooy soomaalidu halqabsi kadhigtaan, markuu qofrabo inuu ku yidhaahdo waxaa magaranayo inay yidhaahdaan Alluu iga yahay yacnii Alle ma´aqaano. & illaahayoow bal muu saas ahaanwaayo yacnii Allaaba loo hanjabayaa. Waxayna kumaahmaahaan fiqi tolkii kama jano galo & salfudaydba xaawuu janada kasaaray, axsaan hafalin sharba kuuma yimaadee, waxaa kale oo jira sheekooyin ciyaalka loogu sheekeeyo oo ay kamid yihiin,cirka cidna iskama laha waa walaahsaa Alle ubaahan. wabillaahi tawfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date AL-salaamu calaymum: wallaalayaal kuligiinba waan idiin mahadcelinayaa sida fiican ee aad ugu dadaalaysiin arrimaha diinteena weyn ee sharafta leh,khaasatan wallaasheen Deeqo oo noo furtay doodan ku salaysan Maahmaahda soomaaliyeed(CAADO LAGA TEGAY CARRO ALLE AYEY LEEDAHAY).Labadiina qolo ee isku haya arrintan midba dhinac ayuu ku saxan yahay wuuna iska indho tirayaa qofka kale fikradda uu qabo. Haddaan ku hormaro qodobka DEEQA wey ku saxan tahay in ruux intuu ka tago NAS quraan ah ama xadiis Rasuulka NNKH ka sugnaaday uu u hanqal taago caado xun oo dadku caadeysteen.Dhanka kale waxa uu ka hadlay wallaalkey ABDULLAAH waxaa jira caadooyin fiicfiican oo sal u noqon kara tiirarka Islaamka oo ku dhaqankeeda uusan dambi ahayn. Caadooyinkaas fiicfiican waxaa lagu yiraahdaa Diinta Islaamka(AL-CAADA MUXKIMAH)waxayna ka tirsan tahay Qaacidadaha Fiqhiga Tiirarka Islaamka Marka waxaa fiican in aan maahmaahda soomaaliyeed ee (caado laga tegay caro alle ayey leedahay)in loo tiiriyo oo kaliya caadooyinka fiifiican oo aysan khusayn caadooyinka xunxun, oo ay markasta fiican tahay in caado kasta oo xun dariishada laga tuuro.Waxaan kaloo idiin sheegayaa in uu ku soo Baxay MAQAAL dheer oo arrintaas naga kaafinaaaya WARGEYSKA (DHAMBAL)oo ka soo Baxa TORONTO Labadii usbuucba mar kuna soo baxa Af soomaali,CADADKIISII AUGUST 1-15,cinwaankiisuna wuxuu ahaa(CAADO LAGA TGAY CRO ALLE AYEY LEEDAHAY).haddii aad heli weyso FEEL FREE in aad i soo siiso E-MAIL kaaga ANIGA AYAA KUU SOO MEEL GREEENAAYA.KU SOO HAGAAJI: GACAMAY@HOTMAIL.COM MAHADSANIDIIN ku noqo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salamu caleykum! Walaalayaal.... ...waa iska cadahay oo waa hadba sidii loo isticmaalo: Xasuuso hadalna waa MARGI oo kale!. - Haddii aad caadooyin fiicfiican oo islaami ah oo xasanaad iyo ajarba leh aad waligaa sameyn jirtey waxaa laga yaabaa in Alle ficilkaas kheyrka leh kugu jecleysan, markaa haddii Allena uu jecleysan maa jira? Dabcan Caro Alle. - OK! haddii aad weligaa waxyaalo xun-xun sida (shirki iwm)oo diinta banaanka looga baxo suubin jirtey waagii hore oo inta Alle ku garansiiyey aad iska dhaaftey ma Caro Alle ayaa kugu dageysa? Maya ...maya weeyan. Tusaale: Markii dhibaato jirto waxaan cuskan jirey Sh. C/Qaadir iyo Aweey iwm. markii la iisheegay oo la isaxay ma waxaan leeyahay Caadi Laga tago Caro Alle ayeey leedahayee filinkeygii maan wato??? Adiguba Cabir Saaxiib!. To: Cabdullaah Walaal Islaamku ma ogola aflagaadada iyo cayda iyo wax xun sheegaba. Markaa maahan in aad walaashaa aad sidaa ula dhaqanto. Cafis weeydiiso! Ansaari
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salamu Caleykum! ....Waxaan kale oo hadda igu soo dhacdey maahmaah dad badani isticmaalaan haddana runtii qatar ah qofkuna diinta si toos ah uga baxayo, runtii waxaayba ka sii daran tahay maahmaahdan kore!. Waana tan: Subxaanal-laah! hooy dadoow (waa kuwa saan isticmaaloow Alle ka baqa diinta ha kabixina ee is jira!) Waa badan yihiin maahmaaho saan oo kale ah oo ku saleysan jaahilnimo iyo baadi cad, markaa qofkii kuwa kuwaan la mida ah yaqaanoow fadlan soo bandhig noon faa'iidee!. Illaahoow na TOOSI! ansaari
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Deeqo raali noqo hadaad erayo kulkulul isticmaaley , waxaa aad ugu xanaaqsanahay dad wadaado iska dhigayo oo aad ugu xad gudbayo diinta islaamka iyaga oo wax kasta u fasirayo si adag oo dadka wareerinayo, oo aan sal ku leheyn sunada nabiga (SWC).
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date AL-salaamu calaykum: IGA RAALI NOQDA WAA GACAMAY OO KU SOO NOQDAY. HALMAAM HADAL KUMA JIRO,WARGEYSKA AAN IDIIN CELIYEY MA AHA "DHAMBAAL"EE WAA "HIMILO". EE KU NOQDA CADADKIISII AUGUST 1-15. MAHADSANIDIIN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO: CABDULAHI SALAAMU CALAYKUM. AKHI raali waan ahay". KU: dhamaan walaaha sida waanagsan oga hadlay mawduucan barakaysan waxaan alle jala wacala idiin way diiinayaa danbi dhaaf aan go'in waxaana idan ku boorinayaa inaad meeshiina ka sii wadaan wasalaamu calaykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Al-salaamu calaykum: yaa weli akhriyey maqaalkii (caado laga tegey carro alle ayey leedahay)ee ku soo baxay wargeyska (himilo)aad iyo aad buu nooga kaafin lahaa in aan doodan sii wadno, maxaayeelay wuxuu aad u bayaanshay waxa Islaamku ka qabo(caadada). waxaan isku dayey in aan idiin soo (download)gareeyo se waan kasi waayey si aan isla booskan (Add a message)aan ugu soo diro ,haddii uu jiro ruux kasaaya ha la so socodsiiyo si aan uga haqab beelno maqaalkaas. mahadsanidiin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu caleykm. Mawduucani walaalayaal waa mid xiisihiis leh,waxaana habboon in aan aqoonta lakala lexe jeclaysayn ee qof waliba wixii allaah geliyey uu soo maaxdo.Caado lagooyey cadho allaah bay leedahay intii aan dab kabbaydhay waan maqlaayey.Waxaan xassstaa annagoo dhallaan ah inta dab lashido baa la odhan jirey kabboodbooda oodabkana biyo lagu shubi jirey,dadka waaweyna waajib bay uhaysteen.Way fara badan yihiin arrimahan ookale ee midhkaas baan tusaale usoo qaadanayaa.Arrintaa aan kor kusoo sheegay dabshidka lagu magacaabo wwaa ciid ay leeyihiin majiistii reer faaris ee dabka caabudi jirtey,dadkeennuna inay caadadaa xun qaataan waxaa ugu wacan jahli diintooda kahaystey.Haddaba caadad aynu laba ukala qaadno:mid Islaamkeenu aanuu diidayn iyo mid diinteenna khilaafsan.Xaqu wuxuu yahay midda Islaamka waafaqsan waa lagu dhaqmayaa laakiin middii aan waafaqsanayn waa waajib in laga tagaa.INtaa arrinta waan kasii dheerayn lahaaye waqtiga ayaa ii saamixi waayey. Asalaamu caleykum<Werdiyaaye>.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Deeqo, ha na wareerin gebereey,hore aa loo yiri soomaalida been waa sheegtaa laakiin been kuma maahmaahdo,caado laga tagey xaro ale maxaas u lahaan weese?,hadiins dhaqankaanya ka tagno oo mid islaameed qaadano maxaa ka nool nahay??,maxaa san ku neefle ka nehey?xoolo daaqo ma iska noqonoo??
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waxaan hal kan awalan ka salaamayaa walaalaha aqrista yaasha bogan islaamka ama qorayaasha ah, SALAAMU CALAYKUM TO: MACAANI awalan waxaa alle mahadii ah inaad meelahan timaado oo yacni taqriiban wax waynu isla ogolnahay e' ayaan filayaa- aynu oraahyo is dhaafsano waa muhim. walaal bil xaqiiqa caro alle waxaa leh ruuxii waxii alle adoomadiisa ku waajib yeelay ka dhaga adayga, qaatana caado iyo dhaqan jaahili- waxaa tiri hadaan dhaqan keena ka tagno oo dhaqan islaameed qaadano--- taas adaa isaga jawaabay baan filayaa waayo dhaqan waxuu ku sugan yahay islaamka" saad sheegtayba hadaynu qaadanona waynu noolaan insha'alaah!!!! wasalaamu calaykum.
|