Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): TAARIIKHDI (NOLASHII ) SHEEKH AL-BAANI RAXIMAHU-LAAH.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMATU LAAHI WA BARAKAATUHU.

Yaa ikwaani waa idin salaamay dhamantin,waa walaalkin maskiin oo idin soo booqday,waxaana aad uga xumahay walaalahii iga codsaday inaan marmar imaado in aanan codsigoodi ka soo jawabin.walaalayal iska kay cafiya ilaahay darti baan idinku jeclahaye.
Yaa ikhwaani waxaan maanta idiin soo booqday mawduuc aan arkay in aan waxun ka yara ishaaro waana TAARIIKHDI SHEEKHENI AL-BAANI RAXIMAHU LAAH.
WAANA SIDAN.
SHeekh Maxamed Naasiru Diin Bin Xaaji Nuux Albaani waxuu ku Dhashay Magaalada Ashgowla ee caasimada Albaaniya sanadkii 1914 oo ku aadan 1333 Hijriyada,reerkoodu waxuu ahaa reer diineed,waxay isaga iyo aabahii u soo hijrooden dalka Syria magaalada Dimishiq.markuu xukunka Al Baaniya qabsaday ninkii westarenka dhaqankoda cabsana ee islamka necbaa Axmed Zafu.
Waxuu waxbarashadiisa Ibtidaa'iga ku qaatay madaraso layiraahdo (Madarasatu Iscaafu Khayri) oo ku taala Dimishiq waxuu xifdiyay quraanka intuu yaraa, waxuu ka dib u jeestay dhinaca Cilmiga Xadiiska waxuuna ku dhex jiray Mudo Labaatan sano ah.waxuu noqday mid Cilmigaa lagu bartay laguna Tilmaamay si dheeri ah.waxaa qol ka siiyay Maamulka Maktabada weyn ee (Maktabatu Daahiriya ee Dimishiq) halkaa ayuuna ku baxsin jiray oo baarid faro badan uga samayn jiray Cilmiga Xadiiska.waxuu Caan ku ahaa qaacidada la yiraahdo AL-Tasfiya Wal Tarbiya, oo macnaheedu yahay AL-Tasfiya in la sifeeyo Kutubta Xadiista Nabawiga SCW oo laga saaro Xadiisyada Been Abuurka Iyo Kuwa Daciifka. AL-Tarbiya oo macnahedu yahay In muslimminta lagu tarbiyeeyo Kitaabka Alah,Sunada Nabiga SCW iyo Wadadadii Salafka.
MU'ALIFAADKISI IYO WANAAGYADIISI (Munaaqibtisi)
Sheekhu waxuu leeyahay kutub badan balse aan qaar ka ishaarno.
1-Silsilatu Axaadiisu Saxiixa Wal Mawduuca Wa Atharuha Sayi'a Fil-Umah. 14-Juz Waxa la dabacay 5 ka mida.
2-Silsilatu Axaadisu Daciiyfah Wal Mawduuca Wa Atharuha sayi'a 8 Juz.
3-Irwaa'u Al-Galiil Fii Takhriiji Axaadiisu Minaari Sabiil,8 Juz iyo Juz Fahaaris ah.
4-Tasdiidi Al Isaabah Ilaa Man Zacama Nastaru Khulafaa'u Raashidiin Al Saxaaba 5 Juz.
5-Saxiixu Jaamacu Sagiir Wa Siyaadatuh 6 Juz.
6- Daciifu Jaamacu Sagiir 6 Juz.
iyo kutub kale oo badan Sida Saxiixu Targiib wa Tarhiib lil Madani iyo Daciifkiisaba, Sidoo Kale Saxiixu Sunanu Abuu Daa'uud Iyo Daciifkiisaba, Sidoo Kale Saxiixu Sunanu Ibni Maajah iyo Kutub kale oo fara badan oo uu saxiixiyay.
Waxaa kaloo Jira kutub badan oo uu Takhriijiyay Sida Sharxu Caqiidatu Daxaawiyah Li Ibnu Cizi iyo Mishkaatu Masaabiix Lil Khadiib Al Tabriiyzi.
Waxaa kaloo jirta Kutub uu Taxqiiqiyay Sida Riyaadu Saalixiin Lil Imaamu Nawawi Iyo Mukhtasiru Saxiixu Muslim Lil Mundiri.
Waxaa kaloo Jirta Kuwo UU Tacliiqiyay Sida Al-Baacithu Xathiith Li Ibnu Kathiir.
Waxaan ku soo Gabo gabaynaya Wanaagyashi Sheekha Iyo Amaanti Culumadu ku sheegen.
Runtii meesha oo igu yar awgeed Sheekha Ma tirin karo wanaagyadiisi waxaase wanaag ugu Filan iyo Amaan Kutubtan soo ishaarnay iyo sida uu u gu dadaalay inuu sifeeyo oo uu u kala saaro Axaadiista Nabawiga.sidoo kale waxuu ahaa saaxibu Tawaaduc,Walaal ardaydiisa ka mid ahaa markii uu wax ka dhigi jiray Jaamacatu Madiina waxuu noo sheegay Xataa inuusan ogalaan jirin in baabuurka daaqadiisa laga furo asaguna waxuu jeclaa inuu ardayda wax u qabto lana sheekaysto,dhinaca Culumada waxaa amaan ugu filan hadalkii uu yiri Sheekh C/Caziiz Ibnu Baaz Raximahu Laahu,Waana kan.(Naasiru Diin Al Albaani min khawaasi Ikhwaaninaa al macruufin qad cariftahu qadiiman fahuwa min khiyrati Culumaa Wa min Asxaabi Caqiidati Dayibah. Wa miman faraga waqtahu Lil Xadiisi Shariif Wa Khidmati Sunah,Fahuwa Jadiiyrun Bi Kuli Ixtiraamin Wa Cinaayati Sharciyah,Wa huwa jadiiyrun Bi'an yuntafaca bi kutubihi wa yustafaadu minhaa wa anaa MIMAN YASTAFIIDA MINHAA,daalactu kathiira min Kutubihi Fahiya Kutubu Mufiidah Wa huwa Akhu Saalix Wa saaxibu Sunah Wa laysa Macsuuman Mithla gayrihi minal Culamaa.) Waxaan filaya macnaha waa la fahmay marka fasir uma bahna.
YAA IKHWATII WA AXIBAAYA HA LA ISKA ILAALIYO IN LAGU DHACO CIRDIGA CULUMADA WAA AWLIYADII ILAAHAY QOFKII LA DIRIRA AMA WAX KA SHEEGANA RAXMAANKA LA DIRIRAYA,QOF RAXMANKU LA DIRIRAYNA MEEL UU KU GABADO MA LEH,WAA WALAALKIN MASKIIN OO IDIN SOO BOOQDAY,WAXAAN JECLAHAY INAAN RAMADANKA HADUU QAADIRKU OGALADO AAN BARNAMIJYO SOONKA KU SAABSAN IDINKALA QAYB QAATO.HADAAN MARMAR ARKO MAWAADIIC NOOCAN OO KALANA WAXA LAGA YABA INAAN IDIIN IMAADO,IKHWANI HA LA ISU SOO DUCEEYO LA ISNA CAFIYO.
NB: ABU MIXJIN AL SOMALI,WALAAL JAWAABTADI HOOS KA FIIRI.
WASALAAMU LAAHI CALAYKUM WA RAXMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!

Ku: Maskiin

Walaal marka hore waanu kutabney oo kuu xiisney, marka xigan walaal shiikha geeridiisu mar hore ayeey isoo gaartey waxaana ilaahey ug baryaaya naxariis iyo dambi dhaafba.

Adna maqaalkan cajiibka Allaha kaa ajarsiiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMAH.
TO:ABU-MIXJIN-ALSOMALI.
Yaa akhii Abu Mixjin Al Somali.Xayaaka laah runtii waxaan kuu arkaa nin wanaagsan asbaab dhowr ah markaan hadalkagi ka fiiriyay,sida aad diintada ugu adadag tahay iyo sida aad sabirka ugu leedahay jawaabaha laguu soo qoray,balse hadaan shabaab nahay bahasha caadifada la yiraahdo baan balo ku qabna, wayadana waxaa noogu darmaday culumo ninba fahankiisa si noo tusay,markaa cilmigeena oo yar awgii baan culumada kale cirdigooda ku dhacnaa.
Yaa akhii arimaha aad sheekh albani raximahu laah aad ku shegtay iyo sida aad uga warantay sax maaha.
Mida koowad waxaad tiri sheekh Albaani Waxuu ku dhashay Syria kumana dhalan ee Al Baaniya ayuu ku dhashay.
Waxaad kaloo sheegtay masaa'il uu qabo sida.
1-Waxaad tiri waxuu diida in wajiga iyo gacmaha la dado,sida laguu sheegayba mas'aladu sheekha kaliya kuma koobna ee waa looga horeeyay,balse xataa sida uu u diidan yahay fahan bay rabtaa,niqaabka ma uuba diidana balse sifada ayuu diidan yahay loo niqaabanayo,asagoo ka waramaya waxuu yiri,(ALAYSA YACLAMU HUWA LADII JACALANII ISTIGRAABA AL KHABARA ANA NIQAABA KAANA MAWJUUDAN FII CAHDI RASUUL LAAHI SCW)waxuuna saas ku yiri FATAAWI SHEEKH AL-BAANI SAFXADA 593,waxaadna moodaba inuu qariibsanayo dadka ku sheegay inuu si duubduub ah uga soo jeedo.
2-Waxaad tiri waxuu qabaa Falastiin in yahuuda looga baxo, Taasna markuu ka hadlayay sabab bay ku timid Waxuu aad u radinaya Xadiis ay dadku sheegsheegan oo ah (XUBUL WADAN MINAL IIMAN) waxuuna yiri wax asal ah ma laha,waxuu dabadeed tilmaamay in muhimadu aysan dhulka ahayn ee shayga weyn ee raabidada qofka muslinka ama umada muslimiinta ah ay tahay iimanka iyo ukhwada,kuligoodna ay isku mid yahiin ee dhul iyo jinsi loo tacasubin.
3-Waxaad tiri waxuu qabaa in aan Xukaamta daaquudka lala diriri karin, Taasna yaa akhii cilad buu u sheegay,waxuuna yiri waxaa laga yaaba in mid laga dilo ayaguna boqolaal muslimiina ay laayan.waxaadna fatwooyinkaas oo dhan ka heli kartaa kutubtiisa ama cajaladihiisa, khaasatan Kitaabka Fataawi Li Sheekh AL Baani.
Amaa masaa'ilka Dahabka iyo kuwa la mid waa jiran siduu uga hadlay in culumo badan ku radiday,balse adilo ayuu keensanaya ee iskama hadlayo,amaa sheekha aad carabka ku dhufatay ee Sheekh ismaaciil Ansaari waxuu uga hadlaya KITAABKIISA LA YIRAAHDO ADAABU SAFAAF MUQADIMADIISA RUNTIINA MABA LA ISU QABAN KARO WAXA DHEX YAALA WAXUU XATAA RAG XERTA SHEEKHAS AH KU SHEEGAY IN AY YAHIIN MUTACASIBA LI IMAAMU XANAFI SABABTA AY U SOO WEERAREENA AY TAHAY INUU IMAAMU ABUU XANUUFA TAXFIIDKISA XAGA XADIISTA WAX KA SHEEGAY UUNABA SHEEGAYO CULUMO UGA HOREYSAY OO IMAAMU ABUU XANIIFA SAAS KU SHEEGTAY.
Gabo gabadii waan badiyay ee walaalkay Abuu Mixjinow Sheekhu nin lagu degdegi karo maaha waxuuna lahaa dad badan oo cadow ku ahaa haba u badnaaden dadka madaahibta u tacazubee,markaa ha dhagaysan waxay sheekha ka sheegen.
AKHII ADIGA IYO AKHYAARTA KALABA KHAYR BAAN IDIIN RAJAYNAYA WAAN UUN IDIN SOO BOOQDAY.HA LA ISA SOO CAFIYO.
Gabogabadii DHOWR QOF baan jeclahay inaan halkan ka salaamo.
Saaxibkay Ismaaciil, Falis,DR Who,Deeqo,Degan,Ladan,C/Laahi,Saaxibkay Ansaari, Gacamey,Suuban oo an mar isku yara Dhacnay Iyo Kuwo Kale oo aanan soo koobi karin INTAA IYO NABADGELYO IYO KULAN DANBE OO KHAYR BADAN NETKANA CEEBAHA KA ILAALIYA GAAR AHAN QAYBTA ISLAM.
NB: Waxaan rabay inaan mawduuc ka qoro qayb kale oo an arkay oo ah QOF SOMALI AH OO KIRISTANA SOOMALIYA MA KU NOOLAN KARA,waxaanse ka xumahay waqti uma hayo balse hadii alah idmo oo aan mar kale idin soo booqdo waan ka qori doona.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Jazaaka-laahu Khayran yaa Miskiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WALAALKIIN

Unrecorded Date
KU WALAALAHAY MUSLIMIINTA
KA WALAALKIIN OO MUSLIM AH


A/SALAAMUCALAYKU

WAXAAN IDN KACOSANAYAA IN AAD IIGA JAWAABTAAN
SU'AALAHAN OO AAN MEESHA HOOSA KU XUSAY-OO KU SAABSAN SH/ALBAANI-IN TAA KAGARANAYSAN.


1-MARKUU TAGAY SIRIYA-OO KATAGAY -DALKIISA-INYUU JIRAY?

2-INTA MEEL UU WAXKUSOOBARTAY-DALALKA?

3-INTA JAAMACADOOD UU KASOOBAXAY-AMA MADRASOOYIN?

4-INTA UU JIRAY MARKUUDHINTAY?

5-MAGAALADA UU KUDHINTAY?

6-DALKIISA-ALBAANIYA-XIRIIRMALALAHAA?
7-MASAAJIDMIYUU KU LAHAA ALBAANIYA?

8-MALAGA DUUBAY CAJALADO FIIDYOW AH-HADII LAGA DUUBAY XAGEENKA HELI KARAA ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

AL-BAANI??? OY VEY! Isn't that one of
them corrupters who said "Quran cannot
survive without Hadiths"??? HIM, the
Rabbi Hillel(who advocated that Torah
cannot be without mishnah!)...Paul(who
advocated Christ was the son of God)
are nothing but corrupters...whose
fore-heads read "evil!" Cursed, TRULY,
are those who attribute lies to God!
God, and His Angels, and all the Beings --
join together in cursing the cursed ones! BUT,
then again, people who are cursed like
that -- are probably having a facing
beyond recognition, right?

SHAR KACUUDUBILLAH! Duli Ilaahay wuxuu
badey -- kuwa kuwaas ilaahay gacanta u
geliyay, dhab ahaan -- oo indho iyo dhago
iyo fahan ba uga dhigay! Magan Alla,
Wallee...Naar bilaash looma sameyn!
Shaydaana...bilaash quwad looma siin --
kuwuuse ka adag yahay...ilaahay ka ma dhigo
kuwa asaga rumeysan...oo asaga KALIYAH caabuda!


Sallamullah,

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Ahmed gets angry at everyone who mentions quran alone does not incorporate religion AS muslims consider both QURAN&HADITH inseparable.

We believe in the hadith the same way we believe in the quran and they are all ONE by following the saying of the prophet. The fact that Ahmed promotes A CULT called SUBMITTERS who believe their own HADITH and PRAYER comes as no surprise to us. Ahmed and his SECT call all muslims and SAXABAH liers and fabricators visit their website at http:/www.submission.org and see what they say about ABAHUREYRA.


Mohammed concealed nothing from Islam and muslims even if there was to come another messenger or prophet except Jesus caleyhimassalaam. Allah reaveals {O Messenger proclaim what is revealed to you from your Lord (5:67). Aisha (may Allah be pleased with her) is reported to have said "Whosoever says that Muhammad (SAW) concealed something which he was commanded to communicate, is in a great calumny against Allah." (Bukhari and Muslim have stated it.)

This AHMED guy is trying in vain to sell to us "RASHAD IS A MESSENGER". That is why he circles around the difference between a messenger and prophet so as to clear the way for RASHAD.

To him MOHAMED was a lier and a cheater who didn't tell us that there will be a prophet or even worse that MOHAMMED (saw) was not man who understood the quran well and THUS AHMED DEDUCES FROM THE QURAN WHAT OUR PROPHET WASN'T ABLE TO DEDUCE.

In a clear manner the prophet stated "that there will be no no prophet or messenger after him" and we muslims unlike Gaalo SUBMITTERS where ahmed belongs believe that HADITH and period.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
......Ar laay ilaaha ila laahu muxamada rauulu laah ,,,,,walaahi lama socon ,,Nimanyahoow nin Sheikh weyn baa Soomaalida ka dhintay ,,Ilaahay ha u naxariisto ,,inaa lilaahi wa inaa ileehi Raajicuun,,,,war wadaadka waan maqli jiray walaahi aad baan ooga naxay,, Waanse u maleynaayay waxan Jabhadan iyo Mooryaantan is eryanaya iney ruux walbo ay horey u sii galaafanayaan ,,,Hadda ka hor waa tii ay dileen Sheikhii ka sii weynaa Sheikh Boqol soon,,Ilaahayga subxaana khaadirka ah janadii ha ka waraabiyo ehelkii iyo kharaabadii uu ka tagayna sabar iyo iimaan ha ka siiyo,,,,..


Innaa Lilaah Wa inaa Ileyhi Raajicuun,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Ahmad is angry at ALL the corrupters; Hillel + co., Paul + co., Al-Baani + co., etc etc etc! It seems...so does God! Ah, Blessed BE! ;D

PAUL + CO: "NO, the Gospel is not enough -- Jesus is the Son of God...we MUST accept this."

HILLEL + CO: "NO, the Torah is not enough -- We need the Tradition, the Mishnah, as it is inseperable!"

AL-BAANI + CO: "NO, the Qur`an is not enough -- We need the Tradition, the Hadiths, as it is inseperable!"

...and I have the pleasure to say to them all; ROT in hell!


Peace - Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniiiiini

Unrecorded Date
,,...Ahmad!!heedhe maxaa ku helay aad maanta la carreysantahay,,ninyahoow adoon i oran soo akhri wixii aad horey u qortay baan jeclaan lahaa bal risaaladaada(adoon xummaan iiga qaadan) inaad inoo soo gudbiso bal aanu aragno iyadoo afka soomaaiga ku qoran maxaa yeelay badiyadu afka ingiriisiga ma fahanno oo waxna kuma qorna hanna dheereyn inlee badideen semi litrate baanu nahay oo ma jeclin wax badan oo dhirir badan oo waanu ku hurdooneynaa intaanu dulucda warka aanan gaarin si aan u ogaano bal waxa aad soo qorto iney abshirtayada tahay iyo in kale,,,...


N-E-E-F-O-O-W-K-A-N-I-I-N-I

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
neefow kaniini
anigoo ku ixtiraamaya waxaan jeclaan lahaa inaadan lugaha la gelin waxyaalaha aadan macluumaaad aadan ka heyn .
ma sheeq soomaali ahaa laga hadlay mise cid kale.
wedaayoow widaantaa meel kasta inki ridooy unu koo naxaanee.
nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
What did I tell you guys?. Ahmed with his sharp mind has a chronic amnesia that lets him forget to include his SUBMITTER group by name when he is blaming others. His usual desease..Point fingers at others. Well.. I will do you a favour AMNESIAC;

RASHAD + AHMED + CO (Mohammed wrote the quran, He was IDOL worshiper, Didn't understand the QURAN, He was given nothing specific, MUHAMMADAN rasululaah does not exist, Pray as you like, Circle around endless plea for understanding, LIE as much as you can, Quote the bible WHEN STACK but backtrack when reminded it was USELESS and a bedtime story, Confusion is the best medicine, Marry as many women as you like -Ahmed's admission-, All sahabah ARE liars and fabricators, No one can understand from the QURAN except the few SELECTED SUBMITTERS, Ahadith of the prophet ARE LIKE THE BIBLE since mohammed scw himself was A CHEATER FROM THE BIBLE, No adan for prayer and if it does exist CUT MOHAMMED RASULULLAH who needs him in the first place when RASHAD AHMED'S LAST MEESENGER REPLACED MOHAMMED (scw). HAJJ, well who saw the last message AHMED POSTED about Hajj?. He said FOUR MONTH DURATION HAJJ, THE NEW REVELATION IN THE HOUSE,,, who is interested?. Well, this was no surprise to me and the learned about AHMED'S MEMBERSHIP in the SUBMITTER CULT. But today AHMED had the gutts to say what it takes to be A FULL MEMBER "MOHAMMED RASULULAH is A FAKE anyway so why bother" Like OUR BELOVED prophet will lose something IF AHMED refrains from saying that. Aqoonaa kuugu laaban SUUBANE MUXAMMED SALLALAHU CALEYHI WASALLAM,,OOOOH I forgot sorry that was a crime too.. Let me see WHAT AM I missing from HERE?. I guess I will be back after a while ALLAH WILLING and AHMED, toooooooodles, have a nice SUBMITTER DAY IN HELL.

The list is long, but then again LET THE CONFUSED DIE IN HIS CONFUSION AND ROTT IN HELL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
asalama alaykum muslims,

neefow,

war heedhe -- waxaa i heley...mid ka mid ah kuwa mushrikiinta ah oo alle ka furtey baa halkan laga faanshey. xaqiiqdii, al-baani wuxuu ahaa mid allehii ka furtey. alle iyo aayaadkiisuu ku been abuurtey -- ummadana jid xun buu u hagay. raxmaanka alle ah...wuxuu dad walba u soo saaraa cadow -- ibliis iyo ehelkiis...runtii waxay ku soo arooraan kuwa dhafoorkooda alle ku qorey; "mushrikiin"...sababtoo ah, ibliis iyo ehelkii waxay mushrikiinta ka jecel-yihiin baa jirin.

odeyga carbeed ee halkan looga waramay...waa mid dadka u jideeyay in "xadiisyadu" ay yihiin wax qur`aanka u baahan yahay...alle baana wuxuu yiri; "wax kasta oo wanaag ah...kitaabkaan dadka ugu sharaxnay"

sidoo kale, wuxuu jideeyay in qur`aanka aan la fahmi karin ilaa xadiisyada la istimaaclo mooyaane. alle baana wuxuu yiri; "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid carabkiina u fudud, bal inaad wax fahantaan." "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid xasuusnaan u saaxiib ah, bal inaad wax ka qaadataan" "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid aad u fudud(in la fahmo) si aad wax u qaadataaan"

hadaba labadooda mid baa beenlow ah -- subxanaalah, alle waa mid ka fog in wax xaq ah mooyee uu wax kale sheego. been iyo shar waxay isugu timid kuwa alle ka doc hadla -- oo wuxuu yiri...wax qilaafsan arooriya. carada alle baana dushooda ahaatey kuwa been-abuur u saaxiibka ah!

wasalaam - ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.

Run ahaanti waxaan waayadan ka maqnaada golahan anigoon uga maqnayn nacid iyo ka go'id walaalaha muslimiinta, waxaase ii muuqatay in maamulka forumku aysan dan ka lahayn ilaalada qaybtan xurmada badan ee ISLAM.xaqiiqadiina kaligay maaha dadka iskaga tagay qoritaanka mawaadiicdi islamiga ahayd ee dad badan baa ka tagay kadib markay u arkeen in forumkani soo xumaanayo.
Runtiina forumku waxuu ahaa meel wax lagu kala faa'iidaysto dad hufana isgu yimaadan loona quuri karo waqtiga qofku soo galinayo,
Balse waayadan danbe waxuu noqday meel qofku inuu danbi iyo caro kala tago mooye aan faa'ido kale lahayn waqtigana aan loo soo huri karin,waxaana aad ugu soo batay dad waxa ay ka hadlayan iyo fekerkooduba laba mid yahay.
1-Fakir hooseye oo aan macno ku fadhin,doodana abuura kaaso aan keenayn ilaa in walaalahu isku xumaadan mooye aysana ku jirin faa'ido aakhiro iyo mid aduun toona.ama waaba fikir qofka soo qoray fun iyo maawelo uga jeedo taasna qof qaymo leh waqti uma huri karo.
2-Fikirka labaad waa mid sumaysan oo dad waayadan loo soo tilmaamay in soomalidu halkaa isgu tagto lagana dhex fulin karo fidinta aara'ada, figradaha iyo waxyaabaha ay aaminsan yahiin dadkaasi,balse kama ay fakarin in golahaani uu yahay meel waxuun lagu kala faa'iidaysto ee uusan ahayn meel wax lagu faafiyo.dadkaasna waxaa ka mid ah ninka la baxay magaca Axmed.waxaanse aad uga xumahay dadkii fekerkan u soo dhiibay inay ku khasaareen sifooyin dhowr ah oo uu leeyehay iyo dhowr arimood oo aysan meeshan kala socon daraadood.
Mida koowad waa nin daciif ah inta qof
daciif noqdo aanan cadaysan karin waxa
uu wato iyo waxa uu ka turjumayo.
Mida labaad waa nin duulduul qaba oo
hadba meel ku boodaya doodahana aan
adkaysi u lahayn.
Mida sadexaad waxaa yar aqoonta waxa
loo soo dhiibay inuu ku doodo,aqoon
fiicana uma laha diinta islaamka
oo ah tan halkan shaqada looga soo
dhigay ee uu lacagta ku sameeyo.
xataa luuqada diintu ku soo degtay
ee carabiga lama barin ee english
baa xoogaga loogu soo akhriyay.
Meesha ayaa ciriiri igu noqotay ee sifooyinkiisa waan sii wadi lahaa,waxaysanse ka fakarin kuwii wax u soo dhiibay in meeshan ay isgu yimaadan soomalida inta ugu aqoon roon aysana ahayn meel dad jahli hayo daraadod wax uga hir galayan.
AKHYAAREY MACASALAAMA WAXAAN RAJAYNAYA IN FORUM KA MAAMUL WANAAGSAN KANA KHAYR BADAN KAN CIDWALBANA AYSAN WADAANTA DARSAN AAN ISKU ARKI DOONO.HADANA WAA LA WADAA HAWSHIISA,INAAN HALKAA ISKU ARAGNO INTA AKHYAARTA ILAAHAY WAXBA KUMA AHA.HA LA ISU SOO DUCEEYO.
WASALAAMA CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Nabi maxammed cadawgiisa waxaa lagu yaqaan iney ka cabsadaan oo wadnaha fugfugleeyo markey magaciisa maqlaan. AXMED GAAL waa la mid oo sida sheydaanka quraanka uga cabsado ayuu XADDIISKA NABIGANA UGA CABSADAA. Dulli waxaaba ugu filan inuu baryootamo maalin walba isagoo "asalaamu caleykum muslims".

AXMED KAAFIR, muslinimadaada INAAN KU GAALOOWNEY HORAAN KUUGU SHEEGNEY IYO RASUULKAAGA GABADHA MISKIINTA INTUU XOOGEY MARKII LAGU OGAADEY YIRI JAGADAAN ISKA CASILAYAA OO SIDAA ISAGOO DULLEYSAN DHINTEY.

Adigana sidiisoo kale baad hadda dulleysan tahay oo tiisoo hkale baa kuusoo socota. Dullinimo ka weyn inaad RASHAAD RAACDO BAL WAA TEE?.

MUSHRIK ILAAHEY LA CAABUDA RASHAAD KHALIFA waa adiga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum,

Waa sidaa aad sheegtee Bashiirow, cabsidaas iyo baqashadaas waa astaamaha munaafiqiinta oo waataas oo ILAAHAY ayaa inoo cadeeyey:
"Yaxsibiinna kula sayxati calayhim..Humul cadduwu Qaatalahulaahu Annaa Yufakkuuuuun""

Ummadda Nabi Mahamed(scw) ku shirkoobi mayso Baadil, ilaa mid INXIRAAF iyo QALOOc ku jiro mooyaane sida AHMAD_GAAL iyo wixii la halmaala ah mooyaane oo khilaafa UMMADDA MUSLIMIINNTA.

Kanaxoo nafta waa..........Allahu yaclamu xayza yajcalu risaalatahhu!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
WAXAA WAXAAS OO DHAN IIGASIIDARAN DADKA KALAQAYB QAATA NINKAAS MAWDUUCYADA OO UU KUHAYO WALAALKIIS IYO ABAAYADIIS MARARKA QAARKOODNA UU TALOOYIN SIINAAYO WAR NINKAN BOQOL JEERBAA BAA LA'IDIIN SHEEGAY EE ISAGA HARA OO KA'AAMUSA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Allaale.

Ahmed GAAL haddii laga aamuso kor socod aan waxba ogeyn ayaa laga yaabaa inuu maalmo jahwareeriyo laakiin markastoo meesha QUZCABALAAD UU KU QORO innana waxaan hor dhigeynaa GAALNIMADA MEESHA UU KU TAXAY. WAA YUHUUDI DULLI AH OO LACNADDII ILAAHEY SARAN TAHAY. Kama maarmo dadka oo wuxuu is leeyahay bal in dad kuu yara jilco raadi meesha oo maalin walba waa kan dawarsada oo xitaa salaanta wax ka qaado ma leh.

Axmed waa kuwa ilaahey yiri "Alla wuxuu dabooley qalbigooda, maqalkooda, araggoodana dabool baa saaran, cadaab weyna wey leeyihiin" Albaqra.

Wuxuu KALOO KU SIFEYSAN YAHAY DADKA UU ALLA SUBXAANAH KU SHEEGEY "Dadka waxaa ka mid ah kuwa yiraahda ilaahey baan rumeysannahay iyo maalinta qiyaame iyagoo aan mu'miniin aheyn, Alle bey qiyaamayaan iyo kuwa ilaahey iyo rasuulkiisa rumeeyey, laakiin ma qiyaameynayaan ilaa naftooda mooyaane". Albaqra.

Walaaloow ninkaan ninkii inta loo sheego GAALNIMADIISA KU SII INDHA ADEYGA ka dib markan tusno in NABIGA UU AFLAGAADEEYEY OO YIRI "SANAM BUU CAABUDI JIREY" "IYO QURAANKUU QOREY" WAA ISAGA IYO YEELKADII.

Halkaan waxaan u fadhinaa inaan tilmaanno BEENTIISA IYO KUFRIGIISA. AHMED WAA NAJAAS, NAJAASANA SIDA LEYSAGA DAAHIRIYO DADKA WAA LA BARAA.

YASKA.

Brother waan ku salaamey. Axmed gaal fursad la siin maayo uu ku faafiyo beentiisa meesha ILAAHEY WAATUU YIRI:

"BAL NAQDIFU BIL XAQQI CALAL BAADIL, FAYADMAGUH FA'IDAA HUWA ZAAHIQ"

"WAXAAN XAQQA KU DUL TUURNAA BADILKA, MADUXUUNA KA GARAACAA ISAGOO ZUULIYA".

si kastoo AXMED loogu soo dhiibo TOPICS isaga xitaa uusan aqoon MUSLIMIINTA WAXBA KA DHIMI MEYSO OO ISAGEY KU ROGAAL CELIN DOONTAA.

"QUL MAN KAANA FIDALAALATI FALYAMDUD LAHU RAXMAANU MADDAA"

Ilaahey baadinimada AXMED haku fogeeyo oo cadaabta kuleelkeeda ha arko haduusan faraha ka qaadin NABI MAXAMMED BEENTA UU KA SHEGAAYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
aslama calaykum muslims,

maskiin,

runtii? hhhhmmm, ma waxaad rabtey in soomalinet ay noqoto "sunni"??? ilaahay baa wuxuu yiri; "laa ikraahu fi diin" -- dadse...aan wax ba isku hayn taas uma muuqato. dhiigaa boqolka taga -- marka wax run ah...oo xaq ah la sheego. ilaahayna asagaa wax og!

waxaad tiri;

<<<Runtiina forumku waxuu ahaa meel wax lagu kala faa'iidaysto dad hufana isgu yimaadan loona quuri karo waqtiga qofku soo galinayo,
Balse waayadan danbe waxuu noqday meel qofku inuu danbi iyo caro kala tago mooye aan faa'ido kale lahayn waqtigana aan loo soo huri karin,waxaana aad ugu soo batay dad waxa ay ka hadlayan iyo fekerkooduba laba mid yahay.>>>

soomaalidaa waxay ku maah-maahdaa..."shimbirba...shimbirkiisuu la duulaa!" waxaad jecleen...ha aqrin -- wixii aad jeceshahayna aqri. cid garabka inta ku qabata...kugu qasbaysa inaad waxaadan rabin aqrisid ma jirto.

shar iyo wanaagna...hadba waa siduu qofka u doonto. hadii aad shar la kulantid -- oo dambi aad si`aadsatid, runtii waa adiga iyo naftaa.

<<Fikirka labaad waa mid sumaysan oo dad waayadan loo soo tilmaamay in soomalidu halkaa isgu tagto lagana dhex fulin karo fidinta aara'ada, figradaha iyo waxyaabaha ay aaminsan yahiin dadkaasi,balse kama ay fakarin in golahaani uu yahay meel waxuun lagu kala faa'iidaysto ee uusan ahayn meel wax lagu faafiyo.dadkaasna waxaa ka mid ah ninka la baxay magaca Axmed.waxaanse aad uga xumahay dadkii fekerkan u soo dhiibay inay ku khasaareen sifooyin dhowr ah oo uu leeyehay iyo dhowr arimood oo aysan meeshan kala socon daraadood.>>

hahahahah! oo waxaad is leedahay axmed meeshaan wuxuu u joogaa inuu dad bohowsado? runtii, waxaa qasaarey dadka taas is leh. waxaan halkan imaada marka aan firaaqo lee yahay -- umana imaado inaan dad duufsado iyo inaan dad la saaxiibo...ee waxaan u imaadaa inaan soomalida siiyo fursad ah -- in waxa aabayaashood u soo sheegeen...iyo waxa carabta u soo gudbisay aanan ahayn ilaahay diintiisa oo kaamil ah. ee ay tahay mid la nusqaabay...lana kordhiyay. mida kale, waxaa ku dhaaftey -- inaanan u baahnayn amaan ama cay toona. oo hadii kun qof aaminto -- ama uusan qofna aaminin ay isugu kay mid tahay. *naf willow naftaa...nebiyow ummadaa,* ma maqashey?


Bashir/yaska, etc,

hahahahahahaah! magaca nebiyullahi muxammad baa i dhibaya??? maxaa dhacay, ma waxaad rabtey sida kuwa alle yiri; "idaa jaa`akal-munaafiqiina qaalluu an-shahadu inaka la-rasullu allahi...wallahu yaclamu inaka la-rasulluhu...wallahu yash-hadu inal-munaafiquuna la kaadibuun"???(marka munaafiqiinta kuu timaada...waxay dhahaan; "waxaan qiraynaa...inaad tahay rasuulkii alle" allese wuu og-yahay inaad tahay rasuulkiisa...allena wuxuu qirayaa in munaafiqiintu tahay beenloowyaal)

nebiyullahi muxammad wuxuu ahaa nebi alle u naxariistey...oo ummadahana loogu naxariistey. alle iyo kuwa alle aaminaba...way jecel yihiin -- allena waa og-yahay...sida munaafiqiintu ugu gab-gab dhahdo...nebiyo aysan si xaqiiq ah u aaminsaneen.

anigase, walaalayaal, kuwa munaafiqiinta ah waxaan ku gartaa -- nebiyullahi muxammad bay ka gooni-dhigaan rasuulada kale. nacalada eebana dushooda waxay ahaatey, kuwa rasullada alle kala qayb-qaybiya. been-howaasyo...aan alle iyo nebigiisa toona jecleen -- oo ku qaraabta magacyadooda...bulshada dhexdeeda. kuwa faan-faaniya cadowga alle iyo rasuuladiisa. iyo kuwa fusuq iyo baadil u sacabo-tuma. yaa ka quransan kuwa alle nacaladey? anigu garan maayo!

Aniga iyo adinka -- alle baa inoo dhexeeya, qufuurul-raxiimka...xaakimka ah -- oo maxkamadiisu ay weligeed run badan tahay! aanu sugno maalintaas -- anigana kuwa idinla suga buu alle iga yeelaye!


w/salam,

ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Axmed tabartaada dhan maanta ma waxey noqotey inaad tiraahdid"rasuullaa lakala soocey?. Nin falan baad tahay ee sixirka ay kugu tuureen ASXAABU SUBMITTER ilaahey hakaa saaro. Iimaanka ilaahey hakugu soo celiyo oo gaalnimada hakaa saaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
BASHIR ABDI.
asalaama calaykum.
Runtii dadka adiga ookale ah ulamajeedin qoraalkayga hadana waxaa fiican in sikooban loobaraarijiyo afkaartiisa hadaamada ah, laakiin uusan dadka idiinku gaban waqtigana idinka lumin..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

áhmad

Unrecorded Date
asalama alaykum muslims,

bashir,

soomaalidaa waxay ku maah-maahdaa..."qumanihiisaa qoorta u suran" -- axmed naac uma baahna, qur`an -- kalimatullahi...baa meesha XIKMO iyo XAQIIQ ba ka ah. nin walibow -- adiga iyo naftaa!


w/salam,

-áhmad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Inta muslima Asalamu Calaykum
Inta kale Asalamu Calaa mani tabacul hudaa.

Axmed waxaan ku weydiiyay qur'aan hadii aad raacayso xageed ka galeysaa, aayadaha lagu tilmaamay inla raaco rasuulka, ma tirtirtay, xageed geysay, madaa sidii aad doonto noogu macneynayo, maadaa qur'aanka luqada uu ku qoran yahay iska leh?.
1- "Wamaa ataakumu rasuulu faquduuh, wamaa nahaakum canhu fantahuu".
2- "Qul inkuntum tuxibuunalaah, fatabicuunii yuxbibkumulaah".
3- "Fa'in tanaasactum fii shey faruduuhi ilalaah warasuul, inkuntum tuminuuna bilaahi wal yoomil aaqir".
4- "Wamaa yandhaqi canilhawaa in huwa ilaa waxyin yuuxaa".

Axmed aayadahn sow qur'aan maahan tilmaamaya in la raaco nabiga iyo axaadiistiisa, xageed ka galeysaa adigu maalinta yowmulqiyaamo. mase waxaa tahay kuwii la yiri "Afa tuminuuna bibacli kitaabi, watakfuruuna bibacli".

Waxaad tiri Albaani alahii ayuu ka furtay, maadiga alaah ku xiran aan ku su'aalee?

Waxaad qortay waxakan:
PAUL + CO: "NO, the Gospel is not enough -- Jesus is the Son of God...we MUST accept this."
Ilaahna wuxuu noogu sheegay qur'aanka inuusan waxba dhalin, lana dhalin, sow marka maadan beenin qur'aanka iyo ilaaha aad leedahay waan rumeeyay. Ninyahow wax badan ayaa lagaa digay meelo badan oo wax ku sheegtay ayaan sida adigoo yiri Abaahureyra waa beelow, maanta waxaa taagan tahay, Sheilkhul Albaani raximuhu laah waa mushrik, waxa kale oo aad tiri rabi ayaa wax dhalay, waxaan rajeynayaa inaad iska xukunsan tahay, hase yeeshee waxaa isku dayayaa inaan arimahan aad qortay Print ka saaro ka dibna aan fax u galsho Soomaalia soona waydiiyo Shekheyna weyn ilaah aa weynee Shariif Cabdinur, wixii uu ka yiraahdana aan meesha kusoo bandhigo maaulkan wax ka qaban waayay arinkaaga waxay mudanayaan maalinta qiyaamana waan su'aali sheekha insha alaah ayagana indhahooda haku arkaane waxay idmeen waxa aydiintu ka qabto.

War badan ku sii dhahi maayo

By Hussein.

Inta muslima Asalamu Calaykum
Inta kale Asalamu Calaa mani tabacul hudaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.
TO:BR HUSSEIN.

Jazaaka laahu khayra yaa akhii.hawl weyn ayaad naga furatay,waxaana kaa rajaynaynaa inaad sheekha si xigmadaysan ugu qori doontid.waxaana runtii anigu aad u jeclaystay mida ah XUKUNKA maamulka forumkan waana mida aan aad u wada sugayno.waayo midkan duliga naf ma hayo wax hada qiimo saas u sii weyn ku fadhiyana maaha.waxaana filaya inaad qoraaladiisa maalmahan danbe aad aragtay inuu wax sii dhimanaya oo daciifay yahay awalna meel dheer ma haysan baadhilka ayaana saas iska ah.waxaana filaya in hada timihii ka daateen sidii Salmaan Rushdi Lacanahu laah,wa akhzaahu laahu.
To: Bashiir Abdi.
Jazaaka laahu khayra yaa akhii sida aad nooga kaafiday sharka shaydaanu insigan,xaqiiqadiina waxuu maalmahan noqday mid aad u daciifa oo tabar daran.waxaana rajaynaya inuusan u qalmin in rag badan ay radiyaan marka adaan kugu daynay.
hussein waan ku sugaynaa sheekhuna hada waxuu jooga MAKA oo waa la heli karaa caafimaadkiisuna wuu fiican yahay,waana aduunyo oo inuu noolan doono iyo inuu caafimaadkiisu sii socon doono lama ogee ka gaarsi halkan baan kugu dhowraynaa in shaa ALLAHU.
WASALAAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmedkhadar

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Walaalayaal waxaan rabaa in aan suaal idin waydiiyo qofkii cilmi uleh.
1-SIDEE QOFKA DUMARKA AH UGA QUBAAYSANKARTAA JINAABADA(HABKEE, SIDEE MA IN AYDHAQDO TIMAHEEDA MA WAAJIBAA MISE WAY MASIXI KARTAA OO KALIYA, WAXAAN DADKAMAQLAY IN AY TIMAHA AYMASIXI KARTO, BAL WALAALAYAALOOW ARINTAA QOFKII CILMI ULEH HA IIGU SOO JAWAABO.
geelle74@hotmail.com
casalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum muslimiinta oo dhan iyo Akhii Miskiinba.

Insha alaah sida ugu suuragalsan ayaan u raadinayaa Sheikha, hase yeeshee waxaan ka cabsanayaa inay dadkii oo dham ku mashquulsan yihiin kasoo noqoshada xajka, siday doontase ha ahaatee hadii alaha awooda leh ii ogolaado waxaan isku dayayaa sida ugu dagdagsan inaan ula xiriiro, adinkana soo duceeya in si fudud ilaah noogu sahlo xiriirkiisa, markii aan war soo helana anaa idinla soo socodsiin doono insha alaah.Jazaakalaahu Kheyra akhii Miskiin nabadgalyana.

By Hussein.

Asalamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum walaalaha muslimiinta ahow.

Waxaan in mudo ahba isku dayayey inaan su'aalo ku saabsan halkan aan weydiiyo Sh. Shariif Cabdi Nur, Alxamdu Lilaah xalay ayaan la hadlay asaga oo Maka joogo, su'aalahana waxa ay u dhaceen sidan:

------------ Axmed Qebtiisa-----------------------
S- Waxaa jira inaan isticmaalno aalada computer-ka oon halkaas aqbaarta dadka isaga kala gudbiyaan waxaa dhacday in baryahan dambe meel dadka islaamka ah ay wax ku kala faa'iideysataan inuu ku soo qoro nin la baxay Axmed hadalo aan aad ugu kululaaday, hadaladaas waxaa ka mid ah nin shabaabka islaamka ka mid ah ayaa waxa uu qoray taariikhdii Sh. Al-Baani raximuhulaah, ninka Axmed la yiraah hadaladiisii ayaa kuu aqrinayaa uu ku jawaabay, waxaana u aqriyay hadalkiisii ahaa sidan oo markaas i horyaalay:

war heedhe -- waxaa i heley...mid ka mid ah kuwa mushrikiinta ah oo alle ka furtey baa halkan laga faanshey. xaqiiqdii, al-baani wuxuu ahaa mid allehii ka furtey. alle iyo aayaadkiisuu ku been abuurtey -- ummadana jid xun buu u hagay. raxmaanka alle ah...wuxuu dad walba u soo saaraa cadow -- ibliis iyo ehelkiis...runtii waxay ku soo arooraan kuwa dhafoorkooda alle ku qorey; "mushrikiin"...sababtoo ah, ibliis iyo ehelkii waxay mushrikiinta ka jecel-yihiin baa jirin.

odeyga carbeed ee halkan looga waramay...waa mid dadka u jideeyay in "xadiisyadu" ay yihiin wax qur`aanka u baahan yahay...alle baana wuxuu yiri; "wax kasta oo wanaag ah...kitaabkaan dadka ugu sharaxnay"

sidoo kale, wuxuu jideeyay in qur`aanka aan la fahmi karin ilaa xadiisyada la istimaaclo mooyaane. alle baana wuxuu yiri; "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid carabkiina u fudud, bal inaad wax fahantaan." "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid xasuusnaan u saaxiib ah, bal inaad wax ka qaadataan" "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid aad u fudud(in la fahmo) si aad wax u qaadataaan"

hadaba labadooda mid baa beenlow ah -- subxanaalah, alle waa mid ka fog in wax xaq ah mooyee uu wax kale sheego. been iyo shar waxay isugu timid kuwa alle ka doc hadla -- oo wuxuu yiri...wax qilaafsan arooriya. carada alle baana dushooda ahaatey kuwa been-abuur u saaxiibka ah!

Markii aan u dhameeyey.

J- Sheekha waxa uu yiri ninkaas waxaan oran karnaa hadii ugu yaraado waa Jaahil, Mulxid haduusan ahayn.

S- Hadalkii ayaan ku noqday, waxaana u sheegay ninkan inuu ku mrmayo inuu qur'aanka raacsan yahay, hase yeeshee uu axaadiista intooda badan uu ka soo horjeedo, asaga oo oranaya inay kasoo horjeedaan qur'aanka, ninkana uu qur'aanka si fiican ugu yaqaano afka ingriiska, waxaana u daba dhigay hadal markii horteeda yaalay oo uu qoray kaas oo oranaya sidan: Kuwa faanfaaniya cadowga alle iyo rasuuladiisa. iyo kuwa fusuq iyo baadhil u sacabatuma. yaa ka qurunsan kuwa alle nacaladay? anigu garan maayo!
Dabadeed waan sii wadoo waxaan u sheegay in dhalinyarada inta badan ku eedeynayaa meel uu ku qoray in ataxyaadka inta dambe laga tagi karo qaasatan ashahaatinka, laakiin aanan aqrin, hase yeeshee aan u arkay ninkan inuu axaadiista intooda badan ka soo horjeedo aragtideeda.

J- Mulxid(Diinlaawe) weeyaan, maxaa yeelay nusuus badan oo qur'aanka ah ayaa cadeyday in rasuulka aan raacno, rasuulkana(scw) waxa uu yiri "MAN RAQIDHA CAN SUNATII FALEESA MINII" .

----------- Qeybta Maamulka SomaliNet-------------
waxaan u weydiiyay sidan:
S- Meesha ninkan ama dad kale oo la mid ahba uu nabiga, ama diinta wax uga sheegayo, waxaa ka mas'uul ah dad, arinkaana waa loo sheegay oo ilaa hada waxay ka qabteen ma leh, ayaga xukunkooda waa sidee?
J- Kan Qoray ayey la mid yihiin.

S- Waxaa jirta in hada ka hor meelo qabaa'il wax looga sheegay inay tirtireen, midana aysan waxba ka qaban n kastoo dhowr jeer loo sheegay, aniga fikrad ahaanteyda dadkan maamulka ah waxaan u arkay hadii inay qabiilka ka hor marinayaan diinta(Hadii aan idinku gafay i cafiya), marka ma waxaad leedahay hadii kani kaafir yahay kuwana waa kaafir, mase dambiga loo qoro uunbaa loo qorayaa?, mida kale waxaan u sheegay inay meeshaan dad gaalo ah xataa soo gali karaan aa ay aqrisan karaan, iyo dad muslim ah laakiin aan diinta si fiican u aqoon.

J- Nacam, maxaa yeelay ninkii raali ka noqdo in diinta iyo rasuulka(scw) wax laga sheego, kan ka sheegay ayuu la mid yahay, wuxuuna ii daba dhigay tirtira adinku.
S- waxaan u sheegay inaanaan awood u laheyn inaan tirtirno, laakiinse aan isku dayi karni inaan furano meel islaamka u gooni ah dad islaam ahna ay gacanta ku hayaan oo wixii aan habooneyn laga tirtiro.
J- Wuxuuna yiri waa tan ugu wanaagsan, ee hadii ay wax ka qaban waayeen, uga taga oo meel kale sameysta hadii aad awoodaan.

----------- Abdulahi----------------------------
S- waxaa jira ayaan iri nin la yiraah cabdulaahi oo leh haweenkii waa la gumeystay oo wadaado aan diintii aqoon ayaa qalad u sheegay oo gurga inay fadhiyaan ayaa la rabaa, waxa kale oon u daba dhigay in gabdho badan oo islaam ah u jawaabeen, madaxana ka garaaceen?.

J-
1-Abdulahi waa jaahil, hadii cilmi dari u gaysay.
2-Hadiise uu doonayo gabdhahayaga muslimaadka ah inuu guryahay kasoo dareeriyo, oo ay banaanada wareegaan(Kalmada ma hubo laakiin wax u dhaw ayuu yiri sheekha) waa Daalim.


Hadalka waan dheeray waana soo gunaanadayaa ee iga raali ahaada, wixii aan qalday aniga iyo sheydaan xagooda ayay ka ahaadeen, wixii aan saxeyna allaah ayaa mahad leh.

Walaalkiin Xuseen.

Asalamu calaykum