We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu calaykum waraxmatillaahi wabarkaatu Walaalayaal waxaan in mudo ahaydba ku fakarayey inaan aasaaso xisbi Islaamiya oo caawiya umada Islaamka meelkasta oo ay joogaanba,xisbigaas oo ay soo hoosgalaan dhamaan umada islaamku meelkastooy joogaanba.waxaanan usameeyey qawaaniin uuku dhisnaankaro ururkaasi anoo Alle s,w, ka xishoonayana maxad gudbin iinsha Allaah. markaa walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaydun ila talisaan miyaanku dhaqaaqaa mise waaban iska daayaa,maxaad igu kordhin lahaydeen, maadaama oo aad tihiin umad islaama,waliba waxaan rabaa inay wax iiga sheegaan walaalaha cilmiga leh.KHayrbaan idinka sugayaa iinsha Allaah yaan cidna la`aflagaadaynin. waa walaashiin Alle ubaahan wabillaahi tawfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date walaal waxaan kugu talin lahaa in aadan aasaasin urur diini ee aad jeceshay in aad wax u qabato dadka soomaaliyeed ururada diiniga ee jira mid ku biir sida Islaax itixad ama tabliiq anigu waxaana ku waanin laahaa haddii aad mid ka mid ah noqnaysid in aad ka mid noqoto islaax maxaa yeelay waa urur dowlo ah lehna qawaaniin iyo qodobo iyo waliba kal dambayn iyo maamul. iskuna day in aad wax ka ogaato habka ay u shaqeeyaan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu calaykum KU:warsame khayr Alle hakusiiyo markayga horeba waxaan ahay dadka raacsan ururka itaxaad waayo waa ururka aan is leeyahay isag ayaa soonoolaynaya jihaadka Alle waana iyaga kuwa duurka kujiraa. Markaa su´aashaydu mayna ahayn urukeebaan kubiiraa laakiin waxaan rabaa inaan aasaaso urur dhaqaale islaamiya oo caawiya dadka Alle dartii udagaalamaya iyo agoonta masaakiinta fuqorada i,w,m,meelkasta oo ay joogaan. waa walaashiin Alle ubaahan wabillaahi tawfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date By Abdalla. Salaamu Calaykum. Walaal waxaan Ilaahay kaaga baryayaa liibaan aduun iyo mid aakhiro ,iyo inuu niyadaada wanaagsan kuu qaado oo khayr kuugu bedelo. Walaal waan degdegsanahay ,laakiin arinka wanaagsan ee aad soo jeedisay ayaa igu kalifay inaan kuu soo jawaabo,hadii aad ku qanci waydo taladayda raali ahaw. Waxaan anigu kugula talin lahaa ,inaadan urur aasaasin waayo waxa inaga maqani ma aha ururo,Alxamdu lilaah ,ururada soomaaliya iyo dibadahaba ka jira ee islaamiga ahi ma yara, laakiin waxaa maqan dad wax qabta oo wexeenii oo dhami waxay ku dhamaadeen hadal,laakiin raadso dadkula fikrad ah oo arintaas wax kaala qabta ,khasabna ma aha in urur la sameeyo si wax loo qabto.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaal dadaalka aad wado Allaah ha kaa abaal mariyo. Ukhtii hadaad jeceshehay inaad wax u qabato ummada Soomaaliyeed ee dhibaateysan shardi ma aha inaad xizbi asaasto amaba qawaaniin dejiso. Muslimiinta oo dhan waa hal xizbi qaanuunkoodana waa kitaabka Qur'aanka & sunnada Nebiga (S.C.W). Islaamku wuxuu nagu dhiira geliyay taakuleenta dadka tabaaleysan wuxuuna na tusay sidaan u taakuleyn laheyn. Hadaba wax u qabo dadka baahan adigoo raacaya qawaaniinta Islaamka & sharciyadiisa. Nebiga (S.C.W) wuxuu ahaa mid aad u taageera masaakinta, fuqurada, iwm. mana asaasin xizbi cusub balse wuxuu ka mid ahaa imaamna u ahaa xizbiga muslimiinta. Sidoo kale culumadii ka dambeysay. Hadaba walaal aan ku dayano Nebigeena (S.C.W) iyo salafka. Waa walaashaa Deeqo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Ku: Warsame Walaal waxaan kugu baraarujin lahaa arimahan soo socda: 1) Qof walba oo muslim ah waxaa waajib ku ah inuu barto siduu Eebe u caabudi lahaa, inuu kala barto xalaasha iyo xaaraanta, wanaaga iyo xummanta, baadilka iyo xaqa. Barashada Islaamka waxay kuu sahlaysaa inaad kala baratid qofka saxan iyo qofka qaldan. Waxaa jira hadal laga soo guuriyay Cali bin Abii Daalib ee uu yiri "Baro xaqa (Islaamka) waxaad baranaysaa ehelkiisa". 2)Ruux walba oo muslim waxaa waajib ku ah inuu Raaco Qur'aanka iyo Sunnada isagoo u fahmiya sidii ay u fahmeen AS-SALAFU AS-SAALIX. Nebiga(S.C.W) wuxuu yiri "Dadka waxaa u kheyr badan qarnigayga, kadibna kan ku xiga, kadibna kan ku sii xiga" hadaba qarniyadaa kheyrka badan ayaa waxaa la yiraahdaa AS-SALAFU AS-SAALIX. Waa iga su'aale dakii noolaa qarniyadaa wanaagsan ma u kala bexeen kooxooyin iyo qolo qolo??Ma is cadaaweysteen?Ma dagaalameen? Jawaabtu waa miya, hadaba maxay ku midoobeen? waxay ku midoobeen Qur'aanka iyo Sunnada. 3)Magacyada kor lagu xusay sida AL-ITIXAAD, AL-ISLAAX, AL-TABLIIQ IWM. mid walba oo ka mid ah waxay leedahay dadka ayaan waxaan ugu yeeraynaa Islaamka. Allaah wuxuu Qur'aanka ku yiri "Waxaad qabsataan xariga Eebe idinka oo dhan". Waa yaabe haday xarakooyinkaa kor ku xusnayn ku abtirsanayaan Islaamka MAXAY U MIDOOBI WAAYEEN?!!waxaa noo muuqanaayo inay ka dhexeyso colaad, is naceyb, iska hor imaad, iyo kala tag aad u weyn. Carabta ayaa waxay ku maahmaahdaa "FAAQIDU ASH-SHAY'I LAA YUCDHIIHI" oo macnaheedu yahay "Ruuxna ma bixiyo wuxuusan isagu haysan" hadaba kuwan dhahaya Islaamka ayaan dadka ugu yeeraynaa iyaga ayaa u baahan inay bartaan oo ay ku dhaqmaan. Ugu dambeyntii qaf walboow baro Islaamka taas ayaad waxaad ku heleysaa naxariista Eebe ugana badbaadeysaa in qofkaloo qaldan uu hogaanka kuu qabto. Waa walaashiin Deeqo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu 'Aleykum, To alle ubaahan; Waad ku mahadsan tahay Ka walwalka aad ka walwaleysid ummmadda Soomaaliyeed ee dhibaatado meel walba ka qabsatay, Arinta kale ee ururkana waxaan kugula talin lahaa maadaama aad urur xubin ka tahay, Dabcan waxaan rajaynayaa in ururko leeyahay Mashruucyo arintaas ku wajahan. Markaa mashruucyadaas uun adna wax la qabo. TO Deeqo; Jazaaka Laaha kheyrayl jazaa, sida aad arinta u kala furfurtay. LAAKIIN aad baan uga niyad jabay sida aad qodobka 3aad u xalisay!!!! Toosnaanta ama Xaq ku taagnaanta xaq lagu taagnaado laguma ogaan karo Wadajirka ama meel ka soo wada jeesashada ay xarakooyinka oo dhami meel ka soo wada jeestaan ARIN KASTA !! Allaah wuxuu Qur'aanka ku yiri "Waxaad qabsataan xariga Eebe idinka oo dhan" aayadan ALLE soo dhaadhiciyey miyaa laga fahmayaa in xalka arin kasta mid laga noqdo? sideese la isku waafajinayaa aayada iyo xadiiska rasuulka (s.c.w) ee sheegaya raxmada kala duwanaanta ummadda islaamka ? qawinimadda iyo caafimaad qabka xadiiskan hada ma hubo!! Mida kale Colaada iyo isnaceybsiga xarakooyinku ma wax run ah oo jira miyaa mise waa wax la sheeg sheego oo aan run ahayn? Mabaadidda Ururkasta waa la yaqaanaa oo wa macruuf!!XARAKOOYINKUNA WAXA AY ISKU KHILAAFSAN YIHIIN XALKA AMA DAAWADDA!!!! waxayna isku raacsan yihiin DHIBTA/CUDURKA JIRA!! Akhuukum Filaah Yasin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date alsmau alykum ukhtii fi laah alle ubaahne waa runtaa oo wiilashaa duurka ku jiraa baan jidkii ilaahay iyo rasuulka haysta marka waa inaad kuwaa la xoojiyaa mide kale itixaad oo dhan ma wada ah dad jihaada qaar baa ka soo horjeeda jihaadka markii kuwii luuq joogay is ku dayeen inay caawinadaa ka jaraan mujaahidiina waa tii la ogaa wixii ilaahy u soo diray. waxa jira muslimiin somali ah oo ka soo jihaady afghanistaan oo soomaliya iyo aduunkaba jooga taageera mujaahidiinta gudaha. cilmi iyo aqoona aan lagu gaari karin markaa hadad rabtid inaad ragaas wax la qabatid ii soo sheeg soomaliyana waa la isu diyaarinayaa sidii wax looga qaban lahaa haw malayn in laga hurdo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Dhamaantin su'aal? Ma la si weydiiyay ale u baahan cida ay tahay? maxaan u arkaa maalmahan inay halkaan ka baarayso mujaahidiinta,jihaadka,lacag aruurintooda,iyo axwaashooda. qolkan ma waxaa loo furay in aqoon la isku dhaafsado mise jihaad iyo arimihiisa xasaasiyadka baa looga hadlaa. waxaan kaloo ka shakiyay ala u baahan haday qof dumara tahay waliba xarako salafi ah sheegatay sow kuma aysan qanacsanaan lahayn inay.wa qarna fii buyuutaku aaminsanaato. waa maxay iclaanka ay la wareegayso,qof dumarase jihaad ma lagu waajibiyay? waan yaabanahay soomaliyey sida forumkan cid walba u baratay iyo sida caadifada ee walaaleheyga aan waxba dareemin jawaabtu uga soo horeyso.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to.alla ubaahan. asalaama calykum. naseexo!!. hadii aad tahay gabar muslin ah oo raacaysa wadadii salafka R.C. kuuma haboona in aad qorto net-ka arimahaa noo caas oo kale ah iyo muslimiinta arimahooda hoose ee xasaasiga ah sida jihaadka meel walaba waxaa jooga cadawga muslimiinta gaar ahaan yaa iska leh netka?. asalaama calakum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date KU:Anonymous. Walaal waan ujeedaa inaad meelkasta iigu qorayso waxaanan ahayne kaliya waxaan ku leeyahay Alle haku saamaxo meelbaad igaga dhacdaye. waa walaashiin Alle ubaahan wabillaahi tawfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu calaykum KU: Deeqa,yaska,Abdalla,Abumuxjinalsomali. KHayr Alle ha idin siiyo sida wanaagsan ee aad iigu soo jawaabteen,waanan qaatay waanadiinii fiicnayd ee aad iisoo jeediseen anigoo uula jeeday Alle dartii arinkaas, waxaa muuqata in dadka qaarkii ayba iifahmeen inaan jaajuusad ahay taana allaan ka magan galayaa.In mudo ahayd ayaan idnla joogay forumka,markaa marba hadii laygu tuhmay jaajuusnimo waxaan goostay inaan iska daayo inaan wax kudarsado forumka waayo Alle ayaa ina yidhi (al fitnatu ashadu minal qatl)marka waxaan idin leeyahay waynu isku danbaabnaye aynu isa soo saamaxno kuligeenba, Rabbina waxaan inooga rajaynayaa inuu inaga dhigo kuwii ku kulma JANO FIRDAWASA kuligeenba,waanad mahadsantihiin. mawduucan waan kabaxay ee iska daaya khayrna hala isku tuhmo ,waxa umada kala dhaqaajiyey maanta waa tuhmo aan asal lahayn. wasalaamu calykum waraxmatullaahi wa barakaatu. waa walaashiin Alle ubaahan wabillaahi tawfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date SALAAMULAHI CALEYKUM Bal anigana aan wax yar iraahdo. To: Yaska, Walaale hadaad u maleysay inay xarakooyinka kheyr wadaan, shaki kuma jiro inay mid walba khery ummad u horseedayso laakiin fintada ay aasaaseen ayaa wanaagooda ka badan. Ummadii Islaamka aheyd ayey u kala wajaheen meelo kala badan, mid yiraahda anaga sheekh hebel ayaan taabacsanahay, mid tiraahda, anaga ikhwaanka waxaas ayaan uga soo horjeednaa. Waxba ma dhaamaan qolyihii Soomaaliya joogi jiray ee ahaa, SAALIXIYA, QAADIRIYA, AXMADIYA iwm. Dhamaantood hadey diinta say tahay u raaci lahaayeen maanta Islaamka gumaysi kuma noolaadeen. Markii masjid meel laga furo, kuwo ayaa dhiig yeesha oo masjid kale meel ka fura. Islaamka miyuu qabaa in labo qof oo Muslimiin ah kala aamusnaato in ka badan sedex casho? Xarakooyinka neceybka ku jira dartiis ayaa waxay sababtay in masaajidadii magacyo loo kala yeelo oo hadaad masjid daa'imtid aad xizbi gaar ah laguu aqoonsado. Raadiya cida aasaastay iyo micnaha loo aasaasay xalna loo heli maayo ilaa la ogaado cida ay mid walba hoos taagan tahay. Waxaanan rabin inaan cidna ceebeeyo ee mid walba khaladkay muslimiinta ka gashay ayaan sheegi lahaa laakiin ceeb in la asturo ayaa nagu waajib ah ee dadka u qiiraysan xarakooyinka, diinta barta idinka ayaa baranaya dadkeeda. To: Anonymous Walaal waxaan ku oran lahaa inaad is dajisid markaad wax qoreysid ee aadan qofna ku xad gudbin. Arrimaha jihaadka meel walba ayaa looga hadlayaa cidii ay dhibaysona iyada ayey jirtaa laakiin munaafaq waxaan aheyn kama noxo. Ilaahey diintiisa ayaad rabtaa inaad tiraahdid masaajidad ha lagu soo koobo, forumka wax kasta ayuu u furan yahay laakiin adigu waxaad diidaysaa in jihaad loog hadlo romancena ha laga buuxiyo. Ilaahey ayaa yiri wax kasta oo aad awood u leedihiin ula diyaar garooba gaalo la dagaalankeeda marka meelna kuma koobna ee ha koobin. Mida kale, qofkaan aad leedahay dumar weeye gurigeeda ma joogto, maxaa ku ogeysiiyay inay gurigeeda ka baxdo mise gabar diin u qiraysan ayaadan arki karin oo waxaad la dhacsan tahay kuwa afka gaduudan ee night clubka aadayay. Gabdhuhu jihaadka wax ka manciyay ma jiraan, jihaadna ha u qaadan inuu yahay midka dagaal ah kaliya, ma taqaan haweenaydii nafteeda khatarta galisay oo nabiga iyo abuu bakar raashin ugu geyn jirtay godkii ay galeen markii magaalda laga saaray. Waxay aheyd haweenay rabtay inay caawiso Rasuulka Ilaahey, kaasoo ahaa mid ay dadk oo dhan la dagaalamayeen, Waxay ku fakaraysay qof ay magaalada oo dhan la dagaalameen inay nafteeda u hurto. Hal iyo labo ma aha inta dumar ah oo gaalo la dagaalamay. Ha is oran caadifad ayaa ku jirta laakiin runt sheeg, rag iyo dumar qof oran kara naguma jiro culumada gaalo ay xirxireen waa dad innocent ah laakiin anaga ayaa isu muuqana. Adiga hadaad run ka sheegaysid ayaada aad qortay, u raac siday tahay oo guriga jooga dheh inta dumar ee aad taqaanid. Mise waxaad tahay kuwa laga dhaadhiciyay jihaad waqtigiisa lama joogo, diimaha ha la isu keeno hadalna wax ha lagu dhamesyto. Walee xaq iyo baadil waligood dagaal baa dhex yaal. Mise democracy ayaa aaminsantahay, wixii ISLAM ka soo haraya aay GAALO iyo MUNAAFAQIIN. Netka aad leedahay gaalo ayaa leh, ogoow inay wax walb ku jiraan, Dacwada diinta heer wayn ayuu ka taagan yahay, waxaa jira muxaadarooyin aan xisaab leheyn oo weekly lagu update gereeyo, wuxuu leeyahay raadiyoyaal badan oo program nooc walba ah laga siidaayo ee ha is oran gaalo ayaa arrimaha jihaadka ogaanaysa ilaa hadaba ma mooga. Wuxuu netka leeyahay Islaamic discussion oo wax walba loog hadlo, from FIQH to FATWA to POlITICS.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu 'Aleukum, TO: Muslim Ilaahay ha kaa amaal mariyo horutaankaaga aad wakhtigaaga iyo maskaxdaadaba u hurtay si Ilaahay diintiisa ugu gargaartid: Arinta khusaysa Xarakooyinka iyo Ujeedooyinkooda iyo waliba sida uu qof walbaaba u arko waa arin aad loogu kala duwan yahay, kuna xiran xagasha aad arintan ka soo eegaysid iyo majaraha aad u martay in aad ogaato. Arimaha noocan oo kalena waxaa aad ugu dhuundaloola dadka aadka u raac raaca TAARIIKHDA ISLAAMKA. Laga soo bilaabo buburkii ku dhacay Ilbaxtooyadii Muslimiinta ee ay ugu danbeysay tii Turkiga ilaa iyo maanta 28.10.99 hadii aanu Iswaydiino kacdoomadii kacay iyo cida majaraha u haysayba, waxaan arkaynaa in ay ahaayeen uun Mufakiriin Islaamiyiin ah oo sida ay wax u arkayeeni kala duwanayd . Balsi Intaynaan Arinta u guda galin waxaan jeclaan lahaa in ayno Isweydiino Maxaa dhacay? Maxaase la raadinayaa? Waxa maqan ee la raadinayo markaan isku raacno ayaa laga yaabaa in markaa ayno isweydiino dhabada ugu wanaagsan/toosan ee ina gaarsiinaysa yoolka ayno hiigasanayano. Waxaan jeclaan lahaa in Mowduucan aad looga qayb qaato oo figradahana la is dhaafsado ! not just listening post/channel !!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO DEEQO Waad mahadana tahay walaalo deeqo sida wanaagsan ee aad aragtidaada u dhiibatay, waxaan ogatahay in ay niyadaadu wanagsan tahay sababto ah waxay cabirtay waxyaabo wanaagsan. waxaan rabaa in aan wax ka irahdo 3 qodob oo aad halkan ku qortay Illahay quraankiisa waxa uu ku talmaamay " in gaalnimo iyo waxaaddan aqoon ood ka hadashid ayuu isku meel dhigay" Waxaan arkaa in ay isaga kaa qaldan tahay labo arimood oo kale ah 1 is khilaafka banaan 2 iyo kala taga xaaranta ah Qofkuna waxaa inta uusan ka jawaabin waa in uu diinta u bandhigaa, diintuna rayi ah Hadaba waxan jeclahay in aan kuu sheego diintu waxa ay ka qabto qoraalkaagii qodabka 3aad Diintuna sida aad ogsoontahay waxa uu u kala baxaa Asal iyo farac, asalka diinta in la isku khilaafo waa xaaraam wax isku haystana ma jiraan maanta maxaa yeelay xarakaadka islaamiga ah sida ITAXAAD ISLAAX IYO TABLIIQ WAA AHLI SUNAH WALJAMAACA kamana dhaxeeyo wax khilaaf ah oo asal ah taasna waa macnaha uu illahay leeyahay xariga illahay qabsada Xariga illahay marka waxa weeye diinta asalkeeda oo laga mideysanaado, ee ma aha in wax yar iyo wax waynba laga midaysnaado. Diinta faracyadeedana khilaafkeedu waa banaan yahay, waxaana kuu sheegi doona aqwaasha salafka shiikh al islaam ibnu taymiyah ayaa la waydiiyay muslimiintu asxaab ma bixi kartaa? waxa uuna yiri waa ay banaantahay asal ahaan in muslimiintu ay axsaab kala noqdaan. Qoolkaasna waxaad ka heli kartaa kutaabka la yiraahdo"fataawil kubraa, ibni taymiyah Haddii aad intaas wax ka baddan u baahan tahayna iga soo xirrir telkayga oo ah 004520736167 C/casiis Emailkayguna waa Abdulasisi@hotmail.com Waa walaalkaa Cabdi casiis
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Assalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatu Intaa kadib waxaan kula talin lahaa walaalkey In uusan xisbi furin xisbina gelin kuu ku jirana ka baxo waayo waa fitan uu rasuulku nooga digay waatii sabannadii saxaabada badankood ka fariisteen fitanta sida ibnu cabbaaas sacad bin abiiwaqqaas usaama iyo kuwa kale oo badan saxaabaduna waxay u badneyd kuwa aamusan hadaba iska ilaali tafaraaruqa ayaadad badan oo diidaya tafaraaruqa ayaa jira tanina waa tafarruq cusub w wassalaam kheyrullkalaami maa qalla wa dalla
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date WAQTI MA U HELIN INAA TALOOYINKA LAGU SOO SIIYEY AQRIYO,LAAKIIN PLS WAXBA HA ASAASIN KUWII HORAA QAATI BILAAHI LAGA TAAGAN YEHEE. MA U BAAHNIN XISBI IYO URUR WAXAA U BAAHANAHAY ISKU DUUBNAAN. WASALAAM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Ku: Warsame Warsame waad ku mahdsantahay ra'yigaada aad dhiibatay. Muslimiinta oo axzaab u kala baxa waxay ka soo horjeedaa ddinta Islaamka oo na amartay inaan mid noqono. Hadalka Ibnu Taymiya ma aadan sheegin boga uu ku yaal kitaabkana aaduu uweynyahay oo 30 mujaladood, hasayeeshee, waxaa jirta aqwaal badan oo ka sugnaatay Ibnu taymiyah oo khilaafsan sida aad sheegtay. Waxaad tiri Islaax, tabliiq, iyo itixaad dhammaantood waa ahlu sunna wal-jamaacah Warsamow Ahlu-sunnah wal-jamaacah micneheedu waa in mid la noqdo oo lagu midoobo sunnada ee micneheedu ma aha in kooxo loo kala boxo oo la khilaafo sunnada. Tabliiqa waxaa ka buuxa wax badan oo khuraafaat & bidcooyin ah oo khliaafsan sunnada, waxay ku dhawaafaan qubuuraha, waxay baryaan dadka dhintay, waxay taxriifiyaan sifaadka iyo asmaada Allaah, waxay ku dhaqmaan axaadiis badan oo mawduuc iyo daciif ah, waxay dejisteen lix qodob, waxaa aasaasay nin suufi ah oo naqshabandi ah, iyo waxyaalo kale oo badan oo aan halkaan kusoo koobi karin. Islaax sidoo kale waxaa ka buuxa bidcooyin iyo khuraafaad waa dad intooda badan sunnada aan ku dhaqmin garkey xiiraan surwaalkey dheereystaan dumarka ayay gacanqaadaan asmaada iyo sifaadka Allaah ayay taxriifiyaan maalmahaan reer magaaley noqdeen oo riwaayado ayayba sameeyaan!! sawirka ayay baneysteen heesaha ayey dhegeystaan dumarkii ayay xijaabkii weynaa ee saxda ahaa ka dhigeen oo qimaar yar madaxa ugu duubeen. Waxaaba ka daray culumadooda (Dasuuqi & Qudubi) oo ku hadlay waxyaalo khatar ah oo sunnada kasoo horjeeda. Itixaad waa kuwa sunnada ugu dhow caqiidadoodana ay waafaqsantahay kitaabka & sunnada hasayeeshee qladaad kale ayay sameeyeen oo dad muslimiin ah ayay dagaal ku qaadeen (Bari & Kismaayo). Warsamoow aan iska dhaafno qeyb-qeybsanaanta oo aan midowno kuna midowno kitaabka & sunnada iyadoo loo fahmaayo siday u fahmeen salafu saalix. Waa walaashiin Deeqo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalamu alaykum walaalkayga raba inuu xisbi asaaso horta maba asaasi kartid kaliga marka hore alahamudu lilaah oo waxaad ubaahantahay dad kula asaasa. 2-ilaahay ayaa kuu caroonaya 3-kawaran hadaad xibsbi siyaasadeed leedahay ame ku kalaba majeclaan lahayd in xisbigaaga xisbi kale qof ka dhex furo? jawaabtu waa maya hadaad tahay qof wax fahmaya hadaba waxaadan naftaada u oglayn sidee ilaahay iyo xisbigiisa u gu ogalanaysaa yaa akhii filaah. wixii intaa dhaafsan walaasheen deeqa mawduuceeda akhri katharalaahu amthalahaa. walaalkaa abu-amaar
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salamu caleykum! 100% waxaan ku fikrad raacsanahay Deeqo. Hooy dadoow! war hooy dadoow... war hooy dadoow!!, ha la is-jiro!. Maxay tahay anigu waxaan ahay Islaax iyo kidaa wa kidaa??? iyo waxaan kugula talin lahaa.....??? Waxaadba Islaamkii ukala bixiseen xisbiyo sidii xisbiyadda gaalada ee aanu ku naqaano halkan "GALBEEDKA" oo kale ee kunka nooca. Islaamku waa Mid. Xasuustana inta FIRQOOYIN BADAN oo muslim u abtirsan jirtey oo Aakhiro cadaabta lagu shubayo! illaa hal mooye (WAA TAN QOWLKA ALLE & SUNNADA RASUULKA (scw) SIDA SAXDA AH U QAADATAY). Ku:- Anonymous Waa edeb daro & anshax xumo, islaamkuna ma ogola in aad gabar islaama ah oo walaashaa ah sidaa u ula dhaqantid una daba gashid. Dhowr meelood oo horena waxakan ayaad kusoo qortey. War Alle ka baq oo daa gabadhaa islaamka ah. Ku:- Alle ubaahan Walaale raali ahoow!, waxna haka xumaanin aduunkan malaga waayayo mid kan oo kale ah. Walaale kheyr Allaha kaa siiyo niyadaada & jaceylka aad u aqbtid Diinttada Islaamka, Allena hakuu Dambi Dhaafo. Saas darteed walaale ha caroonin, qofkaan dartiisna meesha ha uga tegin ee nala joog oo nagala qeyb qaado Boggan ISLAM. Wa salaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu. Walaalkiinka islaamka Ansaari
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu calaykum waraxmatulaahi. salaan kadib waxaan walaalahayga islaamka ah gaarsiinayaa inay Alle kaxishoodaan oo aysan isku caroonin ee ay kala faa'iidaystaan, maxaayeelay haddii layskugu caroodo waxaan waxba ahayn diintana aan waa faqsanayn waa dhibaato sidaas daraadeed wixii xaq ah oo kaliya isku sheega. waxaan kaloo idin kaga digayaa inaan aayadaha qur'aanka ah qofwalba asagoo qof kale oo walaalkiis ah kuxumaynaya uusan siqalad ah u adeegsanin maxaa yeelay dhib ayay keeni kartaa. Qofkii dabcan qofkale oo walaalkiis ah unasteexaynaya ha ugu nasteexeeyo sida wanaagsan ee diintu qabto asagoo illaahay uga baryaya danbi dhaaf asaguna ajar karaadsanaya. intaas ayaan u arkay inay muhiim tahay inkastoo ayssan waa faqsanayn ciwaanka mawduuca. asalaamu calaykum waraxmatulaahi. waa walaalkiin sayid
|