Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Sidii Bil Dhalataan Ku Sugaynaye Soo Dhawoow
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim

"Camalka (fal) kasta oo bini Aadam sameeyo isagaa iska leh SOONKA MOOYEE. Soonka Anaa Iska Leh Anaa Ajarkiisa Bixin" Xadis Al-Qudsi.

Waxaan dhawrn
Waxaan sugno
Wuu soo socdaa hayno
Waxaan imisaa ka hartay is weydiino

Xalluu yimid Marti kii ugu qaalisanaa.

Suuqaan tagnay oo hilib ari iyo mid lo'aad shiidan, bur, bariis, TIMIR ha iloobin TIMIRTA, Sareen ama qamadi shiidan iyo mid la xashariyay. Beer ma beerkiibaad ilowday, Saliid, sonkor iyo caano iyo cabitaan badan.

Tolow maxaan ilaabay... Waa marti sanadkiiba MAR ku soo booqata ee si fiican u sooryee !

Wanaaggiise gogol kaama rabo hungurina ku waydiisan mayo ee adiguu hadyad iyo barako kuu sidaa...

Sidii Bil Dhalatay ayaa galbeed laga dhawray..
"waa kaa!"
"mee?"
"xidigta hoosteed"
"daruurtaa agteeda!"

Bishaaro Bil Baa Dhalatay waa RAMADAAN!

Allahu Akbar Allahu Akbar
Allahu Akbar Allahu Akbar

Makhrib baa soo galay oo Salaadii baa loo dareeray goor bishaaro leh oo MARTI qaali ah noo soo hoyatay.

Soo Dhawoow Soo Dhawoow
MARXAB MARXAB

TARAAWIIX BAAN TUKANAY....

Xalay waxay ahayd soo dhawayn iyo damaashaad caawase waa is waraysi kala war qaadasho.

Muddo badan baan kala maqnay oo war badan baan isu haynaa... yaase RAMADAAN ka dhargi kara.

SUXUUR BAAN CUNAY..

Waxaa nala joogo marti Barako, Khayr, Dambi Dhaaf, Cafis, Caafimaad, Midnimo, Dul Qaad, Xusuus iyo Xikmad xambaarsan oo weliba wata habayn ka khayr badan 1000 bilood oo dhiganta cimriga san ku neefle isla weyn.

HALA SOOMOOY HA LA SOOMO
BISHA RAMADAAD SODONKEEDA

HAMBALYO HAMBALYO

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Jazakallaah Walaalkiin!

Fantastico!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim

Waxaan sugnaba Marti Sharaftii way noo timid. Deg degsiinyo waa caadadeen e durba waxaan niri maalin baa tagay 29 baa dhiman.

Aah maxay ku ordayaan may Nasteexada gacmaha iyo tafta ka buuxsadaan.

Markii Ramadan soo galay oo siduu mudnaa iyo marti gelin u fidiyay buu yiri "xalay ismaynu waraysan bal ii waran."

"Xamdil Ilaahay iyo mahad baan joognaa" baan ugu jawaabay "khayr..khayr badan iyo Mahad Ilaahay."

"Bal ii waran muddaan kala maqanayn" iyuu Ramadaan yiri

"Sanad buuxa" ayaan ka dhex geliyay

"Haaya sanadkaa maxaa is bedelay" buu yiri Ramadan

"Halkeen ka bilaabaa" ayaan weydiiyay
"Bal Ummadda Islaamka iiga waran" buu yiri
"hal bilyan iyo bar baan kor u dhaafnay" baan iri "ma laha intaad naga maqnay labo boqol iyo kontan milyan baa nagu darsantay!"
"Allahu Akbar" buu yiri Ramadan "xaalkoodu siduu yahay"

"Bosniya waa nabad, Turkiga dhul giriir baa ka dhacay labaatameeya kun oo qof dilay, haa Kosovo NATO gacan siisay oo Muslimiintii guryahoodii bay ku noqdeen" baan iri "intaad naga maqnayd baa guryahoodii la gubay iyagana la soo qaxiyay."

"Hadda Shiishaan (chechniya) baro kacay oo Aygii Ruushkaa gantaal iyo madfac ku garaacaya oo weliba beri oo sabti ah haddii ayna magaalada ka bixin wuxuu ku hanjabay in aan dib dambe loo arki doonin."

"Aah" buu yiri Ramadan

"Haddanse ugu fiican nahay" baan iri "sanadkan meel kastoon joogno mar baan ku soo dhawaynay in yar mooyee" waxaan intaa uga dhigay war farax leh.

"Reer Adoogaa iiga waran" buu yiri Ramadan "toban sano ka hor anoo marti ah waa idinkii dabka isu qaatay e!"

Xoogaa baan aamusay anoo ka xun sida aan Marti Sharafta leh u galnay wax aan sheego ma hayo "weli sidii baan isu eryenaynaa oo wiilkii kacaba kadabkiis goynaa!"

Wuxuu yiri intuu aad ii fiirshay "abdo ma leh reer adoogaa" hadana intuu is qabtay buu yiri "Naxariista Eebe Lagama Quusto!"

Waxaan iri "haddaan ka darnoo Sanawi soo kaxaysanay!"

"Sanawi!" ayuu yiri Ramadan "oo Sanawi yuu ahaa..haa soo ma ahayn igaarkii Tigreey?"

"Haa" baan iri

TARAAWIIX AAN TUKANO HADDII ILAAHAY IDMO BERI BAAN HALKAA KA SII WADAN DOONAAYE.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Calaykum!

Walaalkiis,

Ilaahay hakuu naxariisto! Kuwaas waxay ahaayeen...maqaalo qurux badan! :)


Ramadan Mubarak!

Ilaahayna Laylatul Qadarka haku solonsiiyo!


Wasalama Calaykum!

Ahmad!