Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Muxuu Islaamka ka qabaa arrinkan???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-farooq

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Waxaan doonayaa inaan halkaan arrin iga yaabisay oo dadkeena ay wax badan ku dhaqmaan ka dhawaajiyo. Waxaan arkay dad badan oo isugu jira rag iyo dumar oo bisha ramadaanka sooma hadana waxyaalo badan oo soonka ka muhiimsan dayaca cilmi daro u geysay ama isla weynaan darteed. Waxaan arkay rag sooman hadana salaada aanan tukan oo aaminsan in soonka iyo salaada aysan farqi u dhexaynin. Waxaana la ogsoon yahay cidii salaada uga tagta kas ayadoo og in ay waajib tahay hadana cadeystay in salaada oo laga tago aysan wax ku jirin, ay arrinkaas gaalnimo keento salaadana ay tahay tiirkii labaad ee islaamka ku taagnaa laakiin cidii uga tagta caajis iyo naf iyo shaydaan, taasi waxaa la yiraahdaa gaalnimadaas ma aha tii diinta looga baxaayay ee waa "KUFRI DUUNA KUFR." Hadaba sidee macquul u tahay qof tiirkii labaad ee diinta diiday inuu kii sadexaad toosiyo waxayna la mid tahay weesada oo laga bilaabo lugaha gacmahan loo dambeesiiyo. Waxaa kaloo jira in dumarka soomaaliyeed ay qaarkood soomaan hadana xijaabkii la amray wadan ama surweel qabto ama tinta u qaawan tahay ama rag anaajib ka ah ku dhexjirta oo la mucaamaleenaysa sidii ayadoo ay maxma u yihiin. Arimahaas oo dhan maxay diinta ka qabtaa, sideebaa se loo kala hormariyaa, maxaase soonka naga reebay oo qofka sooman la doonayaa inuu la yimaado intuusan soonka bilaabin ileen waxaa hubaal ah qof aanan asturneyn ama daahir aheyn inaan salaad laga aqbaleyn ayna isugu mid tahay haduu tukado iyo haduusan tukan.

Arrin kale oo jirta oo dadka intiisa badan aysan ku baraarugsaneyn ayaa jirta kuna xiriirta bisha ramadaan. Waxaa laga yaabaa inaad aragtid qof sooman oo cunto cunaya ama biyo cabaya maxaad ku oran laheyd qofkaas sooman oo cuntada cunaya asagoo hilmaansan? Ma ka aamusi laheyd mise waad ka jeesan leheyd mise waaad xusuusin leheyd inuu sooman yahay. Hadaba wuxuu Ilaahey iga garansiiyo oo ay diinta ka qabto ayaan wax ka oranayaa. Qofka sooman ee cuntada cunaya ama biyaha cabaya asagoo hilmaansan ilaahey ayaa quudinaya oo waraabinaya ee soonkiisa ha wato; sidii ahaa xadiiskii nabiga (scw) laakiin qofkii arka waa uu xusuusinayaa inuu sooman yahay wuuna ka reebayaa cuntada iyo cabitaanka maxaa yeelay adiga waxaa lagu amray inaa munkar reebtid waxaana munkar ah qof sooman oo cunto cunaya laakiin qofkaas soonkiisa buri mayo oo wuu sii wadanayaa hilmaan ayaana arinkaas u geeyay.
WALAAHU ACLAM