    as_salafi | Unrecorded Date su,aal yaa isheegi kara itixaad iyo ikhwaanul muslimiin waxay kamiday sanyihiin??????? |
    saxiix | Unrecorded Date waxaan fiqi ahayn way kamidaysanyihiin sidaan lasocdo. diintada hayso oo gudo inta lagu faray ha isku mashquulin ra'yi iyo figradaha kala duwan ee culamadu kalaqabto. |
    LADAN | Unrecorded Date waa muslimiin suniyiin ah |
    Cilmi-doon | Unrecorded Date Musliminta sunigga ah maxay uu kal baxeen, fadalan iga jahiil bixiya |
    as_salafi | Unrecorded Date waxaan shaki kujirin inay labaduba yihiin suniyiin oo ayna shiico ahayn waxyaabo badan oo aan fiqi ahayn oo ay isku khilaafsan yihiina wajirtaa sida caqiidada laakiin su,aashayda wax kalaan kawadaa waxaa jira waxay kamidaysan yihiin oo doqoni magaratay ah, hadaba tolow waamaxay waxaasi????????????????????????????? |
    Gadhyare | Unrecorded Date Asalaamu caleykum. Intaanan jawaabta guda gelin bal marka hore aan kala qeexno labadooda. Itixaad:Akhii itixaad waa sunniyiin oo taasi suaal uma baahna.Markaan sunni leenahay waa dadka asalka diinta isku waafaqsan laakiin furuucda ku kala tegi kara.Haddii aan faallo yar kuyara darana waxay la baxeen salafiyiin oo ay kawadaan inay diinta ugu dhaqmaan sidii loogu dhaqmi jirey sadexdii boqol ee sano ee nebiga ka dambeysey. Itixaadku waxay xooga saaraan barashada tafsiirka iyo axaadiista,badanaa iyagu madhabo shaqo kuma laha.Haddii aan caqidadooda yara taabtana waxay ka qaataan caqiidada maxamed ibnu cabdilwahaab. Dadka qaar baa yidhaahda madhabka xambaliga ayay haystaan laakiin masheegtaan. Akhwaanukmuslimiin:Akhwaanku iyguna waa suniyiin hase ahaatee waxay kakooban yihiin inta ay sunniyiintu ka kooban yihiin,tusaale ahaan waxaad ka helaysaa salafiyiin,xanafiyiin,shaaficiyiin,maalikiyiin,xambaliyiin iyo qaybo kale oo badan. Akhwaanku xooga waxay saaraan in islaamka loo wada shaqeeyo iyadoo sidaa furuucda loogu kala duwan yahay maadaama aynu kulligeen wada sunniyiin nahay. Haddii ay caqiido noqotana waa saxiix caqiidaddu oo sunniyiinta kama caqiido duwana. |
    hassan | Unrecorded Date Waxaan filayaa walaalayaal waxaa kaafi ah ma idinku filan warbixintii uu garyare ka bixiyay labadaas xarako Asagana waxaan leeyahay waad ku mahadsan tahay jawaabtaada |
    ALLAALE | Unrecorded Date assalaama calykum. majecli in aanka hadlo xarakaadka islaamiga ah laakiin jawaabtaan waxaan u arkaa in ay tahay iijaabi(posative side). waa badan yihiin waxayaalaha ayka midaysanyihiin waxaa kamid ah. waxay kamidaysan yihiin in loosacyiyo in lasooceliyo xukuuma islaamiyah inta aan ka'ogahay. wallaahu aclam. |
    as_salafi | Unrecorded Date hadaba waadku mahad santihiin sida fiican ee aad uga jawaabteen su,aashaas. su,aashayda labaad baawaxay tahay muxuu yahay farqiga udhexeeya (((((((((((wasiilo iyo manhaj, ))))))))???????? sida caadada ii ah dadal iska dheh ah maqaato oo waxaan ubaahanahay in jawaabta aad bixinaysaan kusalaysaan aayad iyo xadiis iyo qowl saxaabi hadii intaa lawaayo culumada salafku waxay ka dheheen ama ha ahaadaan kuwii hore ama kuwa maanta jooga fadlan sheega aqwaasha kutubtaad kasoo rartaan magaca kitaabka safxada iyo ninka qoray magiciisa. |
    caaqil | Unrecorded Date to as_salafi walaal runtii waa su,aal muhiim ah jawaabtaydu waxay tahay walaal wasaal ilka dacwadu waa towqiifi akhri hadaad ubaahan tahay kitaabka shaykha layidhaa c/salaam binu barjas oo layidhaa(al_xujajul qawiya calaa anna wasaa,ilu dacwa towqiifiyah)walaahu aclam |