    magan | Unrecorded Date Asalaamu caleykum. Walaalayaal Sidaynu lawada socono dalkeena madhabka laga haystey shaaficiya ayuu ahaa.Culimadeenu kulligood waxay wax ku kala xukumi jireen isaga hadday noqoto dhaxalka,nikaaxa,magta,dalaaqa iyo dhammaan wixii kale ee xukun ahba.Waagii ay somalidu bilawday inay sucuudiga u shaqo tagaan ayay dad badani diinta kasoo barteen sucuudiga siiba madhabka xabaliga oo sucuudiga lagaga dhaqmo.Culimadii sucuudiyiinta ee soomaalida wax baraysayna uma aanay sheegin inay madhabka xambaliga barayaan ee waxay ka dhaadhiciyeen inay wax ubareen sida ugu haboon ee sunada Nebiga waafaqsan(scw).Culimadeeniina kolkay sucuudiga kasoo laabteen olole ayay qaadeen ay u haysteen inay dadka bidcinimo kala dagaallamayaan.Ololahaasina wuxuu keenay iska hor imaad dhex maray culimadii shaaficiyada baratay iyo qolooyinkan cusub ee sucuudiga xambalyada kala yimid. Doodda intaas baan ku joojiyey ee ha inoo sii socoto. Asalaamu caleykum. |
    CARMALEboston | Unrecorded Date waxaa fiican in la kala saaro waxyaalo badan isla mar ahaantaana waxaa qurux badan qofku marka uu wax gudbinayo waxa uu gudbinayaa inay yihiin wax uu hubo saxeexnimadooda. bidcada in lala dagaalamaa waa diin waana waajib saaran qofkasta oo muslim ah hadaba mad-habta shaaficiya ma bidcaa? ma aha mana jiro qof ku sheegi karaa haduu jirona waa qof khaldan. fiiro gaara:diinta waxaa laga qaataa kitaabka iyo sunada asalna ayaga ayaa u ah diinteena, madaahibta waxaa loogu noqdaa waa fiqiga ee ma aha madhabtu inay tahay diin takale madaahibta hadii aad daraasayso asalka iskuma khilaafsana dib u fiiri dardaarankii culumada waxaad ogaanaysaa in aan xaalku ahayn sida aan wax u cabirayno. hadii laga fogaado (tacasubka)iyo(taqliidul acmaa)madaahibtu waa walaalo waxayna lahaayeen hal ujeedo iyo hal hadaf. madhabka aan fiqiga ka qaataa waa shaaficiya arimaha madhabtayda looga saxsan yahay waan ku khilaafaa waxaana raacaa madhabta kaga saxsan umana haysto madhabaha kale inay yihiin wax khaldan gebagebadii waxaa la raacaa waa xaqa oo ah kitaabka iyo sunaha. waa walaalkiin carmale boston. |
    madhab laawe. | Unrecorded Date Maqan. Waxaad yeeshaa warkiiyoo kooban, Raac kitaabka alle iyo rasuulka suubanaa hadalkiisii saxsanadey. Dooddaada uma arko wax faa'iido leh ee waxaad yeeshaa madhab iyo waraan loo joogin intaad iska deyso quraanka alle raac iyo sunnada nabiga. Shafici diin masameysan, Xanbalina sidoo kale. Dhammaantood waxey ahaayeen dad sunnada raacey. Jaahil baana madhab raaca. ee khuraafada meesha ka daa fadlan. |
    CARMALEboston | Unrecorded Date to madhab laawe. walaale waa runtaa,waana wadada keliya ee la hubo in lagu badbaadayo in la raaco kitaabka iyo sunada. walaal madhabuhu ma aha khuraafaad hadii looga faaiidaysto sida saxeexa ah ee culimadu ugu ijtihaadeen lagana fogaado nin jeclaysiga iyo tacasubka. nasteexo walaal hadalkaaga qaybta u danbaysa waxa laga yaabaa in ujeedadiisu tahay inuu jaahil yahay qofkii indho la'aan madhab ku raaca kana dhigta madhabta inay utahay kitaabka oo kale,ka doorta madhabta adilada saxeexa xataa hadii madhabta masalada looga saxsan yahay. gebagabadii xaqu waa kitaabka iyo sunada nebiga S.C.W |
    yaasmiin | Unrecorded Date salaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatu To: Magan walaal bacda salaan waxaan jeclaaday in aan wax yar ku darsado mowduuca aad soo qortay taas oo ah walaal horta diinta Islaamku waxay ku dhisan tahay Kitaabka Ilaahay soo dejiyey iyo Sunada Nebiga salaalaahu caleyhi wasalam, madaahibtuna walaal waa niman dadaalay oo ilaahay khayr ha ka siiye diinta si fiican ugu dadaalay mana ay isku khilaafin asalka diinta Islaamka waxa keliya ee ay isku khilaafeen waa furuucda inkasta oo ay yartahay waa macaamalad siiba dhinaca Fiqiga khilaafkaasna waa raxma ilaahay umadiisa siiyey la'ina marka aad rabto in aad sheegto arin ku saabsan diinta waxaad sheegi inta ay ka yidhadeeb madaahibtu, ogowna ma aha afarta keliya ee dadku badanaa yaqaaniin ee waa badan yihiin lakiin afartaa ayaa ishtihaaray yacni caan noqday marka walaal madaahibta kale ma aha in ay tahay bidco ogowna walaal si ay u ogaadan hal masalo ayey waxay u socon jireen intaas oo bilood marka walaal iyaga oo ina soo gaadhsiiyey diinta iyada oo saaran saxan dahab ah maanta in aan nidhaano waa bidco ma aha mida kale walaal wadaadada kasoo bartay diinta saudia way barteen madaahibta iyo araadooda ee walaal ma waxaad rabtaa suufiyadii aan haysaney ee niman iyo naaguhuba isku qasnaayeen ama dumarkii garbaha qaawanaa mise wadadadii meelkasta ka digrin jiray iyo qabuuruhii loo xajka tegi jiray iyadoo la aaminsan yahay in ay aakhiro wax kaa celinayaan iyo ka badan inta aan sheegay marka walaal hadalkaygii waxaan ku soo xidhay ilaahay ayaa maalin san u diray umada meel ay ka bartaan diinta saxda ah adigana waxaan kugula talinayaa in aad barato diinta sida ay tahay oo aad iska dayso saan ayaan ahaan jirnay ee diintana aad barato kuna dadaasho in aad gudbiso inta aad baratay la'ina rasuulkii waxa u yihdi iga gudbiya xataa ha noqoto hal aayade marka walaal noqo kuwii aanay ka mashquulineen diinta ilaahay aduun ka daba oradkiis ilaahayna ha ina xifdiyo. To:madhab laawe walaal waa sax oo diinteenu waa kitaabka Ilaahay iyo Sunada Nebigeena (s.c.w) lakiin shareecadu waa in aad fiiriso al Ijmaac iyo Ijtihaad iyo Qiyaas taasna waxaad ka arki doontaa xadiiskii nebigeenu yidhi(scw) markuu u diray Mucad bin jabal yaman ee uu waydiiyey macaad maxaad ku xukmin dadka waxa uu ugu jawaabay Mcaad Kitaabka Ilaahay hadaad ka waydo ayuu yidhi nabigu( s.c.w) kitaabka waxa uu ugu jawaabay Sunada Nabiga (scw) hadaad ka waydo ayuu yidhi nabigu (s.c.w) waxa uu ugu jawaabay ajtahid isaga oo fiirinaaya waxa ay ku so arooray arintaan oo kale marka walaal muhuum weeye in aad madaabita barato iyo araadooda ogowna a'imadat madaahibku waxa ay soo gudbiyeen waa waxii ku qornaa kitaabka iyo sunada iyo aqwaashii asxaabta iyo daabicintii iyo daabiciin daabiciintii marka walaal kii aad doonto ayaad raaci kartaa, jaahilnimo iyo khuraafadna ma aha ee waa dadaal ay dadaaleen ilaahay khayr ha ka siiyo inagana ilaahay cilmiga ha inoo siyaadiyo hana ina tuso xaqa aamiin. wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu Yaasmiin |
    Magan | Unrecorded Date Asalaamu caleykum. Walaalayaal waad ku mahadsantihiin sida aad doodan uga soo qayb qaadateen. to/Carmaleboston iyoYaasmiin. walaalayaal runtii waan la dhacay fikraddiina daawada u ah isu keenida walaalaha muslimiinta ee dunida ku kala nool. Inyar baynu is fahmi weynaye aad baan idiinku fikrad dhawahay.Waa sidaad u sheegteene kitaabka Allaah iyo sunnada Nebigeenna(scw)ayaa asalka ah,wixii labadaa khilaafana daaqada ayaa laga tuurayaa.Qubuur lagu wareego,siyaaro laguro iyo wixii lahalmaala Allaah baan ka magan galay. Middeeda kale waan ku qanacsanahay in bidcada lasuuliyo iyadoo xikmad la adeegsanayo ee aanan marwalba lala soo taagnaan (ruuxii munkar arkaa gacantiisa haku suuliyo). Waxyaalaha khaladka ah waxaa ka mid ah iyadoon waxlakala saarin in lala soo boodo bidco,khuraafaad iwm. Afarta shiikh ee mashhuurka ah iyo kuwa kale ee badan kitaabka iyo sunnada ayay inoo sharraxeen oo Allaah khayr hasiiyo,mana aha in lagu meeraysto waxba annaga nagama gelin madhab heblaayo iyo sheekh hebel ee annagu kitaabka iyo sunnadaan naqaannaa,ruuxii cilmigiisu gaadhsiiyey inaanuu shheekh qawlkiisa soo xigan waa nicmo allaah,laakiin ninkii shiikh kudaba fayla oo wuxuu ku gefana aan ku raacin dee adeerayaal halla nabad geliyo yaan la bidcayne. to/madhablaawe: qolooyinka aan sheegayey adigaa walaal ka mid ah,laakiin waxaan kuu hubaa qaar badan oo sidaadaas oo kale ahaa inay saaxiga keeneen kadib kolkii ay diinta aad u fahmeen. Madhablaawaw khayr Allaah hakusiiyee bal diinta barashadeeda ku dadaal. Allaah khayr hasiiyo(Yaasmiin iyo Carmaleboston). Wabillaahi tawfiiq. Magan. |
    madhab laawe. | Unrecorded Date Yaasmiin./maqan. Aniga waxaan qaataa dhammaan ninkii quraanka iyo ahaadiista nabiga waafaqsan. Uma kala eexdo nimanka fuqahada ah. Mid aan wax goonni ah wadaagno majiraan oo aan aheyn islaannimada. Dad dadaaley oo cilimi leh ayey ahaayeen. Haddii aan u baahdo mas'alo aniga aan aqoon waxaan ka fiirin karaa dhammaan madaahibta iyo waxey ka qabaan arrintaas waxaanan ka raacayaa midka ugu xadiis saxsan ama iigu sahlan haddey dhammaan wax daliil cad ah heystaan. Waaa qalad iyo bidcinnimo in qof yiraahdaa waxaan ahay madhab hebel. ALQURAN-WAL XADIIS waxaa soo raaca sida ay culumadu u fahmeen labadaas oo leh wax saxan iyo wax qaldan ama wax liita iyo wax daliil xoog leh heysta. Diintu waa waasac. Tacasubkuna cariiri iyo xorriyad la'aan ayuu keenaa. Qilaafkana waaba invitationkiisii oo heer waxaa muslimiinta mar gaareen ineyan isku xiran salaadda madaahib darteed. Hadda si fiican ayaa waddada loo hayaa. Quran,xadiis kadib culumo waxey tiri. Sheeq hebelaa yiri madax xanuun bey keentaa ee leynka dambe waa in la dhigaa quran iyo xadiis wixii ka sokeeya. |
    CARMALEboston | Unrecorded Date to madhablaawe walaal marka aad tiri (waa khalad iyo bidcanimo in qof yiraahdo waxaan ahay mad-hab hebel)maxaad daliil ah oo aad uhaysataa. waynu isla ogolahay in aanu banaanayn tacasubku balse walaal culimadii islaamka ma waxaad ku wada xukuntay bidco iyo dad khaldan maxaa yeelay walaal way unasab sheegan jireen madaahibta mase ay ahayn kuwo (taqliidul acmaa)wax ku raaca. walaal xaqu waa cad yahay waana kitaabka iyo sunada waana in loo fahmaa siday selefku u fahmeen waa walaal kaa carmale boston |
    Magan. | Unrecorded Date Asalaamu caleykum. Magan. To/Madhablaawe. Walaal imminka waad soo yare dhawaatey ee bal aan kaala hadlo madaahibta. Akhii fil islaam Aayadaha iyo axaadiistu inay yihiin meesha keliya ee islaamka laga qaadanayo muran kama taagna ee aynu isla meel dhigno madaahibta. Ugu horrayn waajib maaha in madhab la qaato ee macnuhu waa uun in fasiraadooda laga faaideysto si ay nooga caawiso fahamka diinteena,sidoo kale waxaa la mid ah ibnu kathiir iyo culimada kale ee iyaguna waaweyn kitaabada qora. Walaalaw haddaan ku idhaahdo kitaabada ibnu kathiir baad akhrisataayoo waxaad haysataa madhabtiisa saw khayaali kumaanan hadlin. Kolkaa qofka ubadan madhab akhriskeeda oo isagu ku qanacsan oo aan ku tacasubayn isla markaana arrimihii ay ku khaldan tahayna aan ku raacayn wax dhib ah malaha. Arrin aan kasoo horjeedo ayaa jirta oo ah turkida oo madhabka xanafiga haysta oo aan wax kale lamarsiin karin,xitaa haddii aad ula timaadid nas cad oo burinaya arrin ay ku dhaqmayaan kaama dhegeysanayo oo wuxuu lasoo taagan yahay xanafiyadayadu sidaas maqabto. Mrka walaal arrintan aad leedahay madhab baan haystaa waa bidcinimo bal kafiirso oo culimada waaweyn ee kuu dhowdhow weydii. Wabillaahi tawfiiq. Magan |
    ALLAALE. | Unrecorded Date ASSALAAMA CALAYKUM. kadib markaan wax ka aqriyay doodaan waxaan jeclaystay in wax ka iraahdo. madahab micnihuusu waa ra'yi uu kutagay qof mana ku koobna afarta mad hab ee aad looyaqaan waxaa jira culumo badan oo madaahib kale lahayd laakiin aan faafin sida imaamu awzaaci, sufyaanu thawrii iyo kuwakale oo badan. wax la'isku khilaafayna ma'ahan asalka diinta ee waxyaalo farac ah oo fiqiga kusaabsan sida ay qaar walaalaha kamid ah sheegeen. waxa ladiidayna waa tacasubka xaqii oo cad aad tiraahdid mad'hab fulaan waxaas maqabo ee qofku wuu noqon karaa mad'hab mucayana yacni wuuku raaci karaa shiikhaas mad'habkiisa siiba marka uu qofku yahay MUQALAD. waxaa jira culo badan oo aan ayagu mad'hab gaar ah aan raacsanayn. sidookale waxaa jira culomo waa wayn oo ayuguna masaa'isha fiqiga kaqaata mad'hab gaar ah laakiin wax mar walba ladiiday waa tacasubka iyo daliilka la diido oo ladhaho waxaan ahay mad'hab hebel. wallahu aclam. assalaama calykum. |
    Anonymous | Sunday, October 15, 2000 - 09:40 am A. C Waa maqaal ad u xiiso badan midkaani ee maad sii wadaaan walaalayaal? Wasalaam |
    cadde | Saturday, November 25, 2000 - 06:14 pm TO: dhamaan Waxaan jeclaystay inaan halkan wax ku darsado. Waxaa jirta oo la'ogyahay islaamka oo dhamina raacsanyihiin waligoodna raacsanayeen afarta madhab ee aynu wada naqaan, marka laga reebo afar soomaali ah oo iyaga diinu ugu horaysay markii ay sucuudiga tageen. Markii ugu horaysay waxaad tiraahdeen madaahibtu waa afar daaquud, hadana waxaad isku haysataan hala raaco iyo yaan laraacin. Madaahibtaa in la raacayo iyo inaan la raacayn waa wax in ka badan 800 sano ay kawada hadleen umadda islaamku, mana ahan wax hadda afar somali ahi ay kawada hadlayaan. Ugu dambayntii waxaan idin su'aalayaa imisa adinka ah ayaa raacsan (is ogow ama ha is ogaanin) madhabka Maxammed C/wahaab oo loo yaqaan Wahaabiyada ama salafiyah? waxaan filiyaa inaydaan isku haysan midkaa ay dhibaato idinku hayso kuwa ay hastaan muslimiinta oo dhan. |