    somaliguy | Unrecorded Date waxaa tariikhdu xuseeysaa in ummaddatan soomaaliyeed ay ahaayeen dad reer guuraa ah qarniyo farbadan, taasi oo raad ku leh qaab nololoodkooda miyaga ah, kaasi oo ah mid hadba ku xidhan daaqa iyo biyaha, waxaa kaloo aan la iska indha tiri karin in soomaalidu aad u xiisayn jirtay safarada iyo booqashada deegaanada shisheeye, oo xitaa arintaasi iyaga oo ka hadlaya weynaanteeda waxaa ay ku maahmaaheen" nimaan dhul marini dhaayo mayo le", waxaa iska caadi ah safarada aynu k kala bixino dhulalka deriska ah iyo kuwa shisheeye, qaar badan oo safaradaas ah ayaa ku salaysaan dhaqale sameyn ama qanibad helid waxa aynu dhamaanteen wada xasuusanaa nimankii seamananada ahaa ee soo tebin jiray sheekooyinka ku saabsan dhulalka shisheeye iyo waxyaabaha ay kala kulmeen, qasar iyo faaiido, kuwasi marka ay sheekaynayaan aad ayaa loo dhegaysan jiray oo dadklu u xiisayn jireen, taasi waxaad ka garanaysa sida soomaalidu u xiisaynayeen maqalka waxyaabaha aduunyada ka jira ma ka dhacaya, qolyahaasi sharaf iyo qadarin ayeey bulshadooda ku lahaayeen , waxaana la siin jiray geyaanka ay doortaan, sida uu arintaas axmed faarax cali idaajaaba carabka uga dhuftay , mar uu ka hadlayey arin ku saabsan mawduucan waxaa qarkeen xasuustaan oo kale safaradii waddamada carabta oo shaqaale farabadan oo soomaali ahi u xoogsi tageen markii dhaqalahoodu dilaacay oo miro dhalay, waxaa arintaas ku baxay magacyada janaale iyo weliba gaadhiga xaajiyada iyo sheekooyin kale. runtii qulqulkaasi waxaa uu saameeyey dhaqaalihii wadankeena , iyadoo lacag badani soo xerootay, weliba aynu baranay isticmalka qalab cusub sida record iyo wayaabo xiiso lahaa berigaas iminka oo soomaluaa dagaalo sokeeye naafeeyeen qaxitaanku waa ka badan yahay mid kasta oo dhacay taariikhda soomalida markaad eegto, mida kale sababta socdaalku waa ka duwan yahay kii hore, haatan waxaa uu la baxay magaca qaxooti, oo waa ka duwan yahay kuwii hore, qaxootiguna waxaa uu ahaa mid ay dad yar oo keliya ay yaqaaneen, malaha qolyihii yamanta ka soo qaxay lixdameeyadii, malaha qolyahii kasoo qaxay dagaalkii soomaliyaa iyo ethiopia, malaha kuwii danbe ee ka dilaacay gudaha soomaliyaa, kdib markii xukuumadii siyaad bare ay si aan aabe yeel lahayn diyaaradaheedu u duqaynayeen magaalooyionka waqooyiga, hadase waxaa qaxaya dhamaan jamhuuriyada, waa dagaal sokeeyem waa dhiig daadin, waa gawrac saqiir, waa kufsi, waxa laga qxayaa, jahada loo qaxayaase waa hlak ugu dhow ee lagu nabad geli karo waa wadadmada deriska ah oo kenya kamid tahay oo iyagu caadaysaty silicdilyeynta iyo sixun ula dhaqmid ummadda soomalyeed, waa jabuuti oo awalba tabacaan iska ahayd oo aan qaadi karin tira badan oo qaxooti ah, waa ethiopia oo iminka markii ugu horeeysay soo dhoweeynaysa soomaali, waa yaab masaafadu intaas kuma eka waa ilaa qaarada afrika ilaa yurub, waxaa kordhay farsamooyinka ku sabsan tahriibta, waxaa mashquul noqday kuwa sameeya waraaqaha been aburka ah, meel kasta yaa hada loo socdaa, waxaa laysu wada sheegay in galbeedku dhaqaale iyo bini,aadanimoba ay dadka ku soo dhaweeyaan islamarkaana sharcigu durdur yahay, waxaa laga dayriyay wadamada bariga yurub oo layidhi xaaladoodu mafiicna qaxootigana maqabilaan hada wa toban sano markii badiba xooga qaxootiga soomalidu yimaadeen galbeedka , maxayse la kulmeen, dad kaduwan iyo dhaqan ay layaabeen , biloowgii laakiinse kadib ay qaar aqbaleen oo ku daydan xita kaba dareen, waxaa kordhay sidoo kale ololaha diinta oo uŽjeedadiisu tahay badbaadinta qoysaska soomaliyeed, waxaa kordhay ismaandhaafka qoysaska , caruur badn ayaa faraha kabaxay, waxaa soomalide loo sheegay inay ku qasban yihiin in ay raacaan sharuudaha iyo xeerarka waddanmadana ay yimaadeen, qaar badan ayaa ku ganuunucaya waa gaalo xunxun oo diinteena iyo jiritaankeena ku lid ah, waxaa kordhay shirarka soomalida si ay arimahaasi isaga gaashaantaan hadana qaar badan ayaa fashilmay arimo qabyaaladeed awgeed weli waxaa ay joogaan galbeedka, waxaa weli socda dibindaabyda iyo jeesjeeska lagu hayo, afxumada kuwa qabislan arimaha socialku waa sii kordhaysaa, waxaa la durayaa diintooda dhaqankooda iyo midabkooda hada waxaa bilaabmay in xaalada wadanku ka soo raysay, goobo badan ayaa ku dhawaaqay nabadgelyo iyo horumar, waxaasi oo dhan wqxaasi oo dhibaato ah oo soomaali ku dhcaya hadana waa ay ku adagtahay in ay galbeedka isaga tagaan waa ku adagtahay in iska ilaaban wadooyinka quruxsan , xafiisyada bilicsan, ee hadanase ay duulka kale samaysateen, wa ku adagatahay qaarkood in ka tanaasulaan cheque daqada ka soo dhacaya ee loogu tala galay caruurta, waa ku adagtahay in maskaxda ka saaraan galbeedka iyo nidaamkiisa, balse mid aysn lahayn qaar badan ayaa qiimahoodii lumay , luntay kalsoonidoodii dadnimo, shaki ayaa uga jira mustaqbalka soomaaliyaa weli waa ku adagtahay inay isaga tagaan duli waan ku dheeradaay waan ka xumahay waa mawduuc dood ah oo furan, suaashuna waxa weeye maxay weli noogu adag tahay in aynu isaga tagno galbeedka, intaasi oo dhibaato xitaa anaga oo la kulmayna |