Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Gabdhaha somalidu maxay isu qaawiyaan wiilashuse maxay jeegada u xiirtaan ma reer magaalnimaa mise waa diin la aan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islam

Unrecorded Date
waxaan is waydiiyaa oon la yaabaa markaan arko gabr somaliyeed oo surwaal qabta ama madax qaawan ama sankiyo bishimaha duran

waxaase kasiidaran markaan arko wiil somaliyeed oo dhagaha durtay oo geegada xiirtay maxaa laga wadaa arintaas maxaa se laga faaiidaa kama jawaabi karo qof ayna khusaynin cayduna ma banaan waxaa jira kuwa meesha u yimid inay wax caayaan oo kaliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakatu

To: islam

walaal su'aalaha aad dadka waydiisay waxaa ugu wacan waa diinla'aan iyo qalidaad ay qalidayaan gaalada haba ugu horayso Yuhuuduye oo balan qaaday in ay muslimka jidka ka dhumiso si ay uga adkaato la'ina umad walba quwadeedu waa shabaabka marka shabaabkii ayaa la ataagay iyaguna ma garato ayey noqdeen waxaana la yidhi man caasha qowman 40 yoman saara minhum waxaana ka wadaa kuwa ku nool wadamadooda dee iyagii oo kale ayey noqodeen hadanay kaba darin waana la arkaa dhibaatada haysata umada Islamka ah meel ay joogtaba marka walaal diintii ayaan dayacnay akhiro iyo xisaabna waa la ilaaway marka ilaahay umada ha tuso xaqa wanaagsan aamiin

ukhtukum filaah
yaasmiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/laahi

Unrecorded Date
To islaam
Walaal waxaan ku raacsanahay sida ay walaashay Yaasmiin wax kuugu sheegtay, laakiin waxaan kuugu darayaa Soomaalidu in aysan lahayn waxa la dhaho Hadaf, taasna waxaa kuu cadaynkara Qofka soomaliga ma meesha uu yimaado ayuu ka mid yahay,
waxaadna ogaataaugudambaytii qofka hadii uusan asaga waxba keenaynin wixii loo keeno waa in uu qaataa, marka sidaas ayaa noogu wacan in aan dhaqamada kale qaadano.
waad mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Unrecorded Date
to yaasmiin iyo C laahi

walaalayaal waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan eed arinta uga hadasheen

waxaanse ka xumahay inay dhalin yarda soomaalidi ayna saad wax u dareensatihiin ayna u dareensanayan bal way isla saxn yihiin runtiina waa wax laga murugoodo waana wax wax la inaga waydiin doono waayo inagu waynu ognahay inay arintu qaldtahay waxaan marka naftaydiyo tiinaba u dar daamayaa cabsida ilaahay iyo inaynu dadka wax wanaagsan ugu yeerno wadna mahadsantihiin waa walaal kiin ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMSE

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WAXMATULAAH SALAANTA MUSLINKA KADIB WALAALAYAAL AAD BAAD U MAHADSANTAHIIN SIDA WANAAGSAN EE AAD UGA HADASHEEN ARINTAN MANA AHA ARIN YAR EE YAAN LA YARAYSAN WAA DHQAN XUMO, WAA DAD XUMO ,WAA FEKRED XUMO WAA WAA WAA
INTAA KADIB WAXN ODHAN LAHAA IN DADKA LA DHEXGALO OO WAX LOO SHEEGO SAY U SUURA GASHO IN AYNU BAL WAX KAXUN BAA JIRA E IN BAL HALKAA BAL HORTA YAAN LA DHAAFINNOO KAN DHEGTA DALOOSHADAY BERI WAX KA XUN AYUU SAMAYNAYAA BAL DHEGAYSTA QISADAN WAA RUN DHACDAY ILAA HADANA JIRTA WAXAYNA KA JIRTAA YURUBTA WAQOOYI
WAXAY DHALINYARO SAAXIIBO ANU NAHAY U TAGEEN YAR SOOMALI AH OO QALIIN LAGU SAMEEYEY IN NIN LAGA BEDELO OO NAAG LOO BEDELO DAWLAD DHAN BAA ISU TAGTAY OO TIDHI MAR HADII UU SOOMAALI YAHAY NA WAXAYNU DHAKHTARO LEENAHAY ISUGUI GAYNO TIINA WAY DHACDAY YARKII QLIIN BAA LAGU SAMEEYEY XUBNIHII DAREEMAYAASHA QAYBTII NIN NIMADA WAXNA UU FURTAY GURI SI DABADA LOOGA MARO ILAYN TII RAGNIMO UNUGYADII AYAA LADILEY HADALYAAN IDINKU DAALINE MARKII DHALINYARADII U TAGEEN WAA SOO DHAWEEYEY MARKII AY MAGACII WAYDIIYEEN AYUU ISGA OO SIDII DUMARKA ISU JEJEBINAYA COD DUMARNA KU HADLAYA MAGAC DUMAR SHEEGTAY BALSE WAXA LAYIDHI MIYAANAD HEBEL AHAYN HAA BUUYIDHI WIILKII AAD BAA LOO WACYIYEY WAA UU OOYEY ILAA XAD BALSE WAXA UU KU YIDHI INGILIISHA AAD BAAD U SOO HABSAANTEEN HADA WAXAN JOOGAA MAR AAN WAXBA LAGA QABAN KARIN QALIIN BAANA LAYGU SAMEEYEY WAXANA LADILEY XUBNIHII RAGANIMO OO DHAN WA QISO DHEER BALSE WAXAN UGA JEEDAA ARITU SAAD MOODFAYSAAN IYO LABAQOF OO AAD ARAGTAAN WAY KA WEEYNTAHAY HADII AAN DADKA LA DHXGELIN OO WAX LOO SHEEGIN CID U SHEEGAYSAA MA JIORTO HADII KAN WADADKA AHI YIDHAAHDO KAASI NAFMALEH OO BEERTA AYUU GALAY GABADHA WADAADA AHINA TIDHAAHDO TAASI NAF MALEHA OGSOONAOOW RABIGAA WAA KUGU BEDELI KARAA BALSE WAA LAGU GU EEGAYAA EE HADALAKA YAANAN WAXABA IDINKU DAALINE WAXAASOODHANI WAXAY KA YIMAADEEN DADKA OOMAAN DCWADA LA GAADHSIIN INAGANA MUDAN IN AYNU WAXII AYNU KU DHAANO DGAADHSIINO MIDNA OSOONAADA GAALO IYO GAALO RAAC MA HADHAYAAN ILAA AY AMA KAA TAKHLUSAAN AMA AAD RAACDID RABAANA INOO SHEEGAY OO WAXA CAAD INAGA SAARAN YAHAY MAAHA WAXANA KU SOO GEBEGEBAYNAYAA NIN BAA WAXA UU YIDHI WAAR HEBELOOW HABEL WAA KU CAAYAYEY MARKAASU YIDHI OO MACUU IGA CAAYAA AWELBA COL BAANU AHAYN HADII UU ICAAYO IYO HADII KALEBA GAALO KUMA DAYNAYSO ILAYAN AWLBA COL BAYNU AHAYN GAASHAANKUNA WAADIINTA HADII LAWAAYONA LAGAA ADKAA
WASALAMA CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame.m a

Unrecorded Date
Walaal aniguba waan yaabanahay wiilasha aad madaxooda u malaynayso geed hoosta xoola ka diirteen iyo gabdhaha intay surwaalka isku taageen u malaynaya inay iyagu dadka ugu wanaagsan
yihiin waxaan rabaa inaan xusuusiyo kuwaas aan ku tilmaami karo caruur raad weyn xadiiskii nabiga ee ahaa naagtii madaxa qaawisa jana mageli doonto.waxxase ka sii daran ninka futadiisa muuqato oo surwaalku ka dhacayo war doqonyohow qaawanaanta ma quruxbaa fadlan jawaab baan kaa sugayaa.WA BILAAHI TAWFIIQ>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maydhane

Unrecorded Date
To: yasmiin cabdilaah & xamse

Asalaamu Caleycum
walaallayaal aad baad umahad santihiin sida wanaagsan ee aad uga waranteen dhibaatada haysata umada soomaliyeed
walaal waxaasi oo dhani waa diin la,aan iyo qofkii
oo aan xiriir lalahayn Alaah. Markaa walaayaal anigu waxan odhan lahaa dadka soomailyeed ee halkan ku sheekaysta hala wacyiyo oo wax ha loo sheego. Waliba dadka diinta garanayaa haka jawaabeen suaalaha aya dadku doonayaan . markaa waxa laga yaabaa inay waxgartaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Akyaarta

War hadaad aragtiin mid dhaga dhaga qabo waa 'laga roonee' la socda. Haduusan markaa aheena wuu noqon mar dhow.

Hadaad aragtiin mid gabar ku sheeg ah oo sarwaal xun oo ku dhagan wadata, sidii hal meel geeda badan lagu foofiyeye oo kale, ku "raamsan" Mcdonald trainada iyo public transportigana dhaxdooda waa mid is nacday ee ogaada.

Anigu waxay ila tahay inay tahay Diin la'aan iyo reer magaalnimo xuma. Waayo qofka reer magaalka ah waa qof garan hayo dantiisa, si aad dantaada u garatana waa inaad Diintada taqaan, markaad Diintada taqaanana Dadkaaga baad ku dhaxjiri.

Alla maxaan karbaashi lahaa hadii aan Jeega Dheera Surwaal balaq oo Madax garoon ah leh markaan arka.

Aduunka waxaan ugu necbahay kuwa "rasuul" ka dhigta Adoon asaga iyo Aabihiiba la adoonsan jiray oo Malcuun min cindilaah ah oo waxuu yahay uusan jirin. Intey sil silada xun xun iyo sawaar xun soo gashto oo CD soo qato dhihi 2pac baa saas yiri. War wuxu qaabdaranaa, wayey way alla ku waas yaa meel "cidla ciir sila' ah iila taga. Anaa tusi lahaa inuu 2Pac la dhashay iyo inaan anigu la dhashay ee. War niman/naaga yahow sida isku dhaama oo xataa Adoonka aan Alla iyo nabi aqoonin iska daaya raacidooda oo sharaf isku yeela.

Kusow
Safiirka oo aad u xanaaqsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cusaab

Unrecorded Date
TO damaantiin
anigu waxaan layaabanahay waxay lahadli la yihiin kuwa ay arintaani khusayso si laaga qanciyo mise wuxu way ogyihiin inuu wuxu qalad yahay ee way is qarinayaan waar hadla hala idin wacdiyee oo ilaahay kacabsada hadaad dad muslimiin ah tihiin waana iga nasteexee iga cay ma aha

walaal aan arintaan ku jirina waxaan ugu nasteexayn lahaa inay iska ilaaliyaan wxaana idinka codsanayaa inaad noosoo ducaysaan inuu ilaahay naga badbaadiyo fitnadaan socota