    Axmed Jeylaani | Unrecorded Date Bismilaahi Raxmaani Raxiimi Asalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuh, Walaalayaal, Waxaan is weydiinaayey haddi ay jiraan waxyaabo uu Ilaahey na faray oo aanu sameyn karno waalidkeena geeriyoodey, anagoo ula jeedna Alla dartii kuna dooneyna ajir iyo xasanaad inuu Eebe uga dhigo waalidkeena geeriyoodey. Fadlan fikradaada ka dhiibo si daacadnimo ah ogowna in fikrad aad kaftan ahaan u soo dhiibatey ay dhibaato kuu kenni karto, waayo waxaa lga yaabaa inuu qofku u qaato mid sax ah, halkaasna waxaa ka imaan kara caro Ilaah. Wasalaamu caleykum waraxmatullaahi. |
    Xareed | Unrecorded Date Bismillaah Assalaamu calaykum Axmed Jaylaani way badan yihiin waxyaabo aad uqaban karto waalidkaa ayagoo dhintay. Aan xuso dhowr shay oo bannaan waalidkana wax utari: Inaad u ducayso, inaad dhiibto wixii xaq lugu lahaa oo ayna bixin sida daynta iwm sidoo kale inaad ucafis dalabto haddii ay jiraan dad ay wax u gaysteen intay noolaayeen, inaad kasoonto haddii soon lugu lahaa iwm. Runtii way badan tahay siyaabo badan oo ajir loogu raadiyo ama dhib ay gaysteen lugu xalliyo. Ogoowse sida ay soomaalida caadaysteen ee kusaabsan qubuurahooda masjidka laga dhiso iwm inayna bannaanayn sharciyan. Raxmadda alle waa waasac mu'minoow Intaa waa intuu Xareed aqoontiisa diineed ee yar kasoo saaray, inshaa allaah culimada waawayna waxaynu kasugi sharax dheeraad ah. Khayr badan Alle hakaasiiyo mas'aladan diiniga ah eed boggan keentay Wassalaam Xareed |
    DEEQO | Unrecorded Date TO: AXAMAD JAYLAANI SALAAMU CALAYKUM!! akhi xareed alaha ka raali noqdo waad noo faa iidaysay. hadaan waxyar kudaro mawduucan qaaliga ah! walaalkeen furayna waxaan leenahay alaha wanaag kuugu abaal mariyo. caisha ayaa waxay tiri r,c,u nin ayaa nabiga u yimid waxuuna ku yiri rasuul kii aloow hooyaday ayaa waxay la kulan tay geeri kadis ah taasoo aan waqti u siin haday wax sadaqaysan lahayd marka rasuulkii aloow ajar maka helayaa hadaan aniga wax u sadaqeeyo ayuu ku yiri? nabiga c,s,w waxuu ku yiri HAAH!! ABUU HURAYRA ayaa ina waxuu yiri rasuulku waxuu yiri qofka markuu dhinto camalkiisii wuu go'aa 3 wax yaalood moogiye 1) sadaqo waqaf ah(joogto ah) 2)cilmi intifaac leh 3) ilmo khayr qaba oo u soo du ceeya SADAQO WAQAF AH mid maytanuhu markuu noolaa uu joogto ola bixi jiray waa liyiraa! iyo mid markuu dhinto ka gadaal loosoo baxsho! CILMI INTIFAAC'LEH telx: qona waxuu ka tagaa qoraalo ama maqaalo munkara markaa saa ruuxii dhagaysta ama aqrista danbiga looqorayo ayuu wax ku yeeshaa haduuse geeridiisa horteed uu ka toobad keenay wax danbi ah korkiisa ma'aha qofna qoraalo ama maqaalo diini ah ayuu ka tagaa markaasaa qofkastaa oo wax ka faa iidaysta ajarkiisa ayuu wax ku yeeshaa markaa cilmigiisii waxuu noqday cili intifaac leh ILMO KHAY QABA OO U SOO DUCEEYA waa ilmo wanaag iyo diin lagu bar baariyay markaasuu markii waalid kiisa dhintaa laxdaadkastaa(waqti) alle u waydiiyaa inuu alle u danbi dhaafo uguna naxariisto naxariis teeda wanaagsan cadaabkana ka xoreeyo waxii aan ku gafay naf iyo shaydaan bay ka ahaatay waxii aan saxayna alaan uga mahdinayaa aloow danbigeena iyo danbiga waalidkeenba dhaaf aloow u naxariiso adaa inta naxa riisata u'naxariis wanaagsane! (aamiin) SALAAMU CALAYKU DEEQO DEGAN SWEDEN |
    Anonymous | Unrecorded Date Assalamu calaykum Mash'allah xarreed iyo deeqo ayaa waxkasta ku sheegan balse waxaan kudarayaa middan oo ah, inaad xiriiriso waliidkaa dadkay xiriirin jireen markay noolaayeen, hadday ahaayeen qaroobo ama dad saaxiibo ay yihiin. wallahu aclam peace |
    mustafe | Unrecorded Date salaamucalaykum to: ahmed jaylaani waad kumahad santahay mowduucan aad noosoo qortay ilaahayna ajar hakaa siiyo faa iidadiisa to: deeqa ilaahay ajar hakaa siiyo sidaad nooga jaahil bixisay iyo sidaad axaadiistaa rasuulka s.c.w u daliilsatay intaa kadib: deeqa sidaad u sheegtay waxaad tidhi markii nabiga s.c.w lawaydiiyay hadii sadaqo loo bixiyo ajar malaga helayaa wuxuu nabigu s.c.w yidhi (haa). waxa iga su'aal ah hadii xoolo laqalo oo masaakiinta raashin looga dhigo ma ansaxaysaa mise waa in lasadaqaystaa wixii aan xoola ahay? sikale ha uqaadanin suaashayda inaan waxwada faaiidaysano ayaan doonayaa. walaalahayga muslimiinta ahna sidoo kale inay kafaaiidaystaan. sababta aan kuu waydiiyayna waxay tahay, dadbaa isku khilaafsan arinkan oodoonaya cid diinta wax kataqaan oo ka jaahil bixisa. salaamu calaykum |
    deeqo | Unrecorded Date TO: MUSTAFE SALAAMU CALAYKUM HAAH" waa hadii sidaad shegtay masaa kiinta la quudinayo waayo iyagaa ehelkeedii ah BALL waxaad ogaataa wax walba waxii loo NISBEEYO ama loo NIYOODO inaad ama wanaageeda helayso ama xumaan teeda helayso!- taas oon ola jeedo XUSKA" waxaana wanaagsan inaad tiraa ducaan qabaa, hadaad wax qasho, aadana oran waa xuskii aabahay /hooyaday XUSKA ayaaba markii lamicneeyo noqonaya DUCO" siday culimada badi leedahana waxaa wanaagsan in aad adiga qudhaada aad laxdaadkastaa u ducayso hadaad karto. WALLAAHU WALIYUL ACLAM SALAAMU CALAYKUM DEEQO |
    Axmed | Unrecorded Date Waxa ay aniga ila tahay; In ayan habooneyn sida soomaalideena badankeeda ay sameeyaan oo ah in maalin looga qabto sanadka maalintaasoo inta badan ah maalinka uu marxuum/ada geeriyoodey/tey, tan kale xadiis waxaa ku sugnaadey in nabigeena SCW uu yiri, raashin la cuno waxaa ugu shar badan waliimada, wuxuuna sii raaciyey, in ay waliimada aan dadka u qalmo laga quudin ee dad iyagu dhergan looga sharaf raadsado, |