Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Waa yaab! WAAN HINAASANAHAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HINAASAN

Unrecorded Date
asalaamu caleykum WALAAL IGA JAHIL BIXI WAXAAN MAQLEY IN NINKA MUSLIMKA AH INUU HELAAYO AKHIRO GABADHO BADAN XURARACEENA AH:

1.GABADHA MUSLIMADA AH IYA NA MAHELEYSAA NIN XURAARCEENA AH? HADDII EY SIDAA TAHEY ANA WAA SHAQEYSANŽE

ARRINTA KALE WAXEEY TAHAY NINKII ADDUUNKA
NINKAAGA KU AHAA XURARACEEN BUU RAACI YAA RUN MIYAA?. ANIGANA.
HADDII NINKEYGU UUI JECEL YAHAY NA XURARCEENTU DIYAAR MIYAA MARKASTA? XITAA HADDII ANA KUDHIBIN ADDUUNKA NINKEYGA XURARCEENTU DIYAAR MIYAA?

WALAASHIIN 21SANO ANI WAAN HINAASANAHAY!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abucabdala

Unrecorded Date
hinaansan.
asalaama calaykum.
anigu makajaabikaro su'aashaada,laakiin waxaan wax kadhihi lahaa hinaansanaanta aad sheegayso in aad kafiirsato yaad lahinaasaysaa ma'iswaydiisay ma eebihii ku abuuray mise xukunkiisa?.
maxuma in aad ogaato waxaad aad leedahay aakhiro laakiin marwalba waxaa laggaa rabaa sida laguyaqaan dadka mu'miniinta ah samicnaa wa adacnaa.
igaraali ahoow hadii aan hadalka meel uusan ahayn katuuray afsoomaaligu waa margi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Cudurdaar: Waa la iga cilmi badan yahay oo jawaab kaafi ah kama bixin karo laakiin sida nafteyda aan isugu jawaabi lahaa ayaan jecleystey inaan HINAASANNA ugu jawaabo.

Hinaasan.

Hadda arrin sir ah aan kuu sii sheego ABBAAYO.

1- Abaa hureyra ilaahey haka raalli noqde wuxuu rasuulka ka wariyey SCW inuu yiri "Qofka ugu darajada liita jannada waxaa la oran doonaa 'Wax dooro" markaasuu ku dheeraan doonaa fakarka ilaa markuu doorto la yiraahdo 'INTAAD DOORATEY IYO WAX LA MID AH AYAA LAGUU OGGOLAADEY". MUSLIM ayaa wariyey.

Walaasheey xaddiska carabiga macnihiisa ugu dhow afsoomaliga ayaan kuugu sheegey laakiin ulajeeddadeyda waxa waaye MARKI LAGU DHAHO WAX DOORO ADIGA NIN QURUXSANAAN RABAA KOLLEY LAGUUMA DIIDI DOONO ee is diyaari oo kashaqee sidad ku tagi laheyd.


2- Waxaan hadda ka hor maqley xaddiis hadda aanan xusuusan meeshuu ku yaal. oo ka hadlaayey NAAGTII NIMAN BADAN GUURSATA IN IQTIYAAR LA SIIN DOONO INEY KALA BAXDO NIMANKEEDII DUNIDA AY NOLOL WADAAGGA AHAAYEN MIDKOOD OO WALIBANA KAN UGU DABEECADDA FIICAN AY LA BIXI DOONTO.

3- Qof foolxun janada ma galo Rasuulka ilaahey waxaa laga wariyey scw inuu yiri"Dhammaantood waa hal suurad dadka oo waxey u egyihiin xagga abuurka aabbahood adam". Bukhaari iyo Muslim baa wariyey.


ULA JEEDDADA JANNADA AAD U RABTO HA AHAATO INAAD ILAAHEY ARAGTO OO AAD INDHAHAAGA KU ARAGTO MAADAAMA ADIGOON ARAG HADDA AAD RUMEYSAN TAHAY TAASAANA KA MUHIIMSAN NIN IYO NAAG IS GUURSADEY.

XADDIIS:

jariir ibnu cabdilla waxaa laga wariyey rtc inuu yiri.

"Waxaan la joogney nabiga scw, Markaaasuu dayaxa eegey habeen ay kaamil aheyd wuxuuna yiri:" Waxaad RABBIGIIN u arki doontaan SI CAD SIDAAD DAYAXAAN UGU JEEDDAAN OO KALE IDINKOON WAX DHIBAATO AH KALA KULMIN ARAGTIDIISA" bukhari iyo muslim ayaa wariyey.

Waana dadka ilaahey rumeeyey dadka arkaaya ilaahey inta kale ee ku kufridey waa laga qarin doonaa walcayaadu billaah, marka sow qasaaro maahan innagoo ilaahey rumeysan haddana inaan arki weyno?. Waaba tan iigu daran aniga INAAN ARKAAN RABAA ILAAHEY. JANNADA NIN NASIIB LAHAA GALO. Maxaaban ku sii xisaabtannaa nin iyo ni naag quruxsan isagoo rasuulkii alle uu yiri:

"Jannada ninna camalkiisa kuma galo inuu ilaahey naxariistiisa ku daboolo maahane" Xitaa adiga maku galeysid miyaa rasuulkii alloow ayaa la weydiiyey ". Wuxuuna ku jawaabey xitaa aniga ".. Meel nabi maxammed caleyhi salaam iskala xishoodey inuu yiraahdo WAAN GALAYAA MAADAAMA ILAAHEY I DOORTEY BAL KA WARRAN DADKEENNAAN afku dhiigle, gacan ku dhiigle, qalbi ruujino, xan badane, dambi kale badane, xaaraan cune ah?. Ilaahey sheegasho kuma lihin inuu naxariisto maahane. Gaar ahaan aniga.

Dhamaanteen kuwa ilaahey arka oo aragtidiisa ku raaxeysta ilaahey ha innaga dhigo. Adigana ilaahey hinaaska hakaa saaro oo QOFUU JECEL YAHAY hakaa dhigo si aad waxaad doonto u hesho. Nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HINAASAN

Unrecorded Date
TO:ABU CABDALA WALAAL WAAD MAHAD SAN TAHAY ( ALLAAH SAMCINAA WAA ADACNAA)

TO:bashiir ABDI
salaamu caleykum walaal bashir abdi waad mahad santahay ILAAHEY KHEYR HAKAA SIIYO AMMINN WALAAHI WAA RUN TAA INTAAN NIN KA FIKIRAAYO MAAN KA FIKIRO ILAAHEY ARAGTIDIISA . ILAAHEY OW I DAMBI DHAAF AMIIN !!!!!!!!!