Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): TOBON CASHO OO FAA'IIDO LEH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Waxaa lagu jiraa tobonka maalmood ee ugu horeeya bisha DUL-XAJJ waana maalmo cadidan oo kheyr badan ku soo arooray. Waxaa laga wariyay nabiga inuu scw inuu yiri "Ma jiaan maalmo camalka wanaagsan looga jecel yahay Alle agtiis maalmahaan(yacni ayaamul-cashara) waxay yiraahdeen asxaabta, xataa jihaadka Allena rasuulka alloow, wuxuu yiri "Xataa jihaadka, Illaa qof ma oyee kaa soo la baxay naftiisa iyo maalkiisa aanan la soo noqon waxba." Waxaa halkaas inooga cad inay ayaamahaan yihiin maalmo faa'iido wayn inoo leh ayna mudan tahay inaysan na dhaafin inagoo ka maahsan. Waxaa haboon inaan TAHLIIL, TAXMIID, iyo TAKBIIRta aan badino ayaamahaan acmaasha kheryka lehna u dagdagno. Waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa inaad acmaal wanaagsan suubino ayaamahaan kuna dadaalno inaan noqon kuwo ku tartama camalka wanaagsan.

SIDEENU UGA FAA'IIDAYSAN KARNAA?

Fursadaan qaaliga ahi waxaa laga yaabaa inaadan gaarin sanad dambe ama aad gaartid laakiin ay duruufaha kuu diidaan si aad camal wanaagsan ula timaadin amaba aad jirato oo sariir saarnaato marka waxaa kuu fiican inaad waqtiga xisaabsato oo aad ku dadaasho sidii aad uga faa'iidaysan laheyd. Waxaa looga faa'iidaysan karaa siyaabo kala duwan sida in la soomo, salaad suuno ah lala yimaado (salaatu-layl) in aad sadaqo bixisid, birul-waalideyn suubiso, silatu-raxim la timaado iyo adigoo adkaarul-sabaax wal-masaa'a daa'ima. waa fursad qaali ah kuna siinaysa mudo gaaban oo aad naftaada tababar yar oo ku anfaca ku siinaysa. waxaad isku daydaan tobonkaan casho inaad kheryaadka daa'imtaan oo aad waqtiga quraan akhris iyo salaad iyo soon idinku dhaafo maxaa yeelay acmaasha waa la laalaabaa ayaamahaan qaaliga ah. Waxaad iska ilaalisaan dunuubta badan siiba lahwiga, qowlka iyo ficilka maa'laayacniga ah ee waqtigaaga kaa qaadaaya wizrina kuu keenaya.
AL-FAQIIR ILAA LAAAAAAH
AKHUUKUM MUSLIM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxamtulaahi wabarakaatu

Akhi Muslim

Jazaaka laahu khayran wa zadaka laahu cilman naafican,
walaal wadku mahadsan tahay sida fiican ee aad wax noogu sheegtay ilaahay miisanka xasanaadka hakuugu daro dhamaanteena ilaahay ha inaga dhigo kuwii la yimaada camal wanaagsan aamiin.
barakalaahu fik yaa akhi wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

ukhtak filaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Muslim, mahadsanid walaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'aleukum,

Jazaaka laah yaa akhil caziiz, keep the cool staff coming....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umhaanim

Unrecorded Date
Sallamu alykum

Ikhwani, as the brother said increase ur remembers by doing more good deeds in general, because good deeds are beloved by Allaah and will bring a great reward from Him. Whoever is not able to go to Hajj should occupy himself at this blessed time by worshipping Allaah, praying (salaat),reading Quran,remembering Allaah, making supplication (du’aa’), giving charity, honouring his parents, upholding the ties of kinship, enjoining what is good and forbidding what is evil, and other good deeds and acts of worship.
We should recit the tahliil, tahmiid, and takbiir "Allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar, laa illaaha illallaahu, allaahu akbar allaahu akbar walillaahi al xamd" Allahu akbar kabiiraa wal xamdulillaahi kathiraa wasubhanallahi bukratan wa asiilaa, Laa illaaha waxdahuu sadaqa wacdahu wanasara cabdahu wa acaza jundahuu................. As well, as supplicating to Allah much in the night through qiyamulayl. We should recite as much as we can, as for brothers, they should recite it out loud, when they go to market place, work, majids, etc, coz the commander of the faithful and Abu hurayrah, use to do this, nevertheless,the sisters should recite it quietly. Thus if this act is done sincerely for Allah, it will increase our eeman and remove our sins insha’Allah.

Allahum a'cinaa calaa dikrika wa shukrika wa xusna cibaadatika.

Salaamu calykum