    MISKIIN | Unrecorded Date ASALAAMU CALAYKUM WARAXMA YAA AXIBAYA: Bacda salaam dhamaan ahlu khayrka waxaan idin salaamay salaan walaal idin jecel.salaan kadib akhyaarey waxaan jeclahay inaan waano yar iyo feejignan idiin soo gudbiyo.kuna dhaliilo halkan maamulka forumka. Amaa waanada ayuhal axiba khayr ma jiro ilaa suubanuhu SCW waxuu tusay umada sharna ma jiro ilaa wuu uga digay.khayrkuu na tusay waxaa ka mid ahaa uguna waaweyn KITAABKA ALAH EE CAZIIZKA IYO SUNADA MUDAHIRADA AH.waxuuna Nabigu Scw asagoo xadiis saxiix ah uga hadlaya yiri: (Inahu man yacish minkum fasayara ikhtilaafan kathiira CALAYKUM BI SUNATI WA SUNATI KHULAFAA'U RAASHIDIN CADUU CALAYHAA BINAWAAJID) Xadiiskas macnahiisu waxa weeye Qofkii idinka oo noolada waxuu arki doona khilaafad fara badan ee ku dhaga oo haysta sunadayda iyo sunada khulafadii hanuunsanayd waxaadna ku qabsataan gawsdanbeedyada. Taasna waxaa ka muuqda in sunadu ay noqon doonto mid gawsaha xataa in laga bixiyo la isku dayi doono, Suubanuhuna uu dadka kula dardaarmayo inay ku kor dhintaan iyada oo xagsadaan.sida uu Nabigu Scw xadiis kale ku sheegay in qofka sunada haysta uu noqon doono qof dhimbil dab ah ku dagan.markaa walaalayal waxaa waayadan danbe forumkan ka socotay weerar lagu hayo sunada nabiga Scw kadib markay muuqatay in dhalinta soomalida khaas ahaan dadkooda ilaahay wax fahansiiyay isguna daray aqoon aduun iyo mid aakhiro inay u sii badanayan xaga ku toosnanta sunada Rasuulka SCw iyo ku dhaqanka shareecadooda xaniifka.waxaana olalahaas kan ugu weyn wada nin la baxay magaca AXMED.inkastoo ay walaalaha qaar meelo badan uga hor tageen baadhilkiisa hadana har iyo habeen midna kama seexdo inuu hawl ka hayo forumkan dhexdiisa.waxaana uu awal abuuri jiray mawduucyo balse markii la wada bartay oo uu arkay qusacbalaadkisu inaysan soconayn hada waxuu bilaabay arin ka sii xun tii hore oo ah inuu mawduuc horay loo qoray farfarteeyo oo cay iyo saqajaanimo ka dhex bilaabo.waxaadna ku arki kartaa sida uu u qasay mowduuca TAARIIKH NOLALEEDKI SHEEKH ALBAANI RAXIMAHU LAAH.asagoo sheekha caayay.meel kasta oo sunada iyo xadiista ehelkeeda lagu sheegana ay gubayso. AMAA SOMALINET.runtii forumku waxuu ahaa meel hufan,waxayna dadku u imaan jireen oo waqtigooda u soo huri jireen inay wax ka faa'iidaystaan.gaar ahaan qaybtan ISLAM waxay ahayd meel xurmaysan oo qof walba lugta iska darsan,balse waayadan waxay noqotay meel wax walba lagu soo qoro,hada ka horna mawduucyo cabashaa ayaa la idiin soo gudbiyay waxna kama aydnaan qaban,markaa miyaysan u muuqan inaad raali ka tahiin ama aadba wax ka wadaan in Rasuulka SCw iyo sunadiisa loogu gafo meeshan.waxuu ALLAH SWT quraanka ku leeyahay (Hadaad maqashaan AAYADAHA ALLAH oo lagu kufrinaayo ama lagu jeesjeesayo ha la fariisan qoomkas ilaa akhiru ayah.waxuu kaloo alah ku tilmaamaya vii suurati TAWBAH.nimankii saxaabada rasuulka wax ka sheegay inay ku jeesjeesen aayadki alah waxaana lagu yiri ha cudurdaaranina waad gaalawdeen islaanimadiini ka dibe) Markaa runtii hadaad aayadki alah iyo sunadii rasuulka scw oo lagu jeesjeesayo ama la caynayo aad raali ku noqoteen waxaa baas leh qofkii forumkiina furta idinkalana qayb gala barnaamijyadiina.waxaana hadaydnaan wax ka qaban ee aad ignor garaysaan cabashadayada aan leeyahay. YAA AHLU KHAYR WAL FADLI ALLAHA IDIIN SAHLO GURI KA WANAAG SAN KAN SOMALINET HANA KU SOO NOQONINA MEEL AAYADKA ALAH IYO SUNADA RASUULKA LAGU CAAYAYO HADAAD KU SOO NOQOTAANA IYAGOO KALE AYAAD NOQONAYSAN. WASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.WAA WALAALKIN MASKIIN OO KHAYR IDIIN RAJAYNAYA IYO INAD FORUM CUSUB NOO SAHAMISAAN HADAAN WAX IS BADALIN. |
    cajabo | Unrecorded Date Salaamu calaykum Walaal Miskiin, Waan arkay waxuu ninkaan AHMAD la yidhaahdo ku heeyo meesha. Tan kale waa hore ayaa waxaa iga siiyay digniin walaalkeen Bashir Abdi. Aniga runtii maba eego meeshaa sababtoo ah dembigaa baan ka cararayaa. Laakiin walaalo waxaan hada ka hor igu maqaala ah qofkii dooda ku badiya diinta ma fiicna. Marka taasna waan eegayay. Sababtoo ah su'aalaha badan iyo dooda farabadan waxaa lagu nacladeeyay yahuuda. Kolkaa waxaan odhon lahaa hadii ninkaa meeshiisa loogu tegin ma dhib baa dhacaya? Hadaanu ka aamusno oo aan la sii wadin soo qaybtiisa la ilaawi maayo? Tan aad maamulka u gudbisay ma xuma. Waxaa jira xataa nin Christian ah oo qaybteena ku jira. Runtii kolkii hore waan ka cadhooday. Hadana waxaan arkay aan ogahay diinta Islaamka ma aha mid qasab dadka ku ah oo qofkii Ilahay nuurka tuso weligii Tawxiidka buu ku toosnaan Ilahay idinkii. Kolkaa dee gaalnimo waxay igu sii abuuraysaa jecelka diintayda. Tan Ahmadna maba galo badiisa sababtoo ah dembi inuu iga soo raaco baan ka baqaa. Kolkaa walaalo bal tan dooda iyo murunka iga jaahil bixi hadaad iiga aqoon fiicantahay. Peace |
    fawzi | Unrecorded Date assalamu alaykum walaalayaal miskiin & cajabo marka hore iga guddooma salaanta kor ku xusan,salaantaas ka dib waxaan aad ula dhacay sida wanaagsan aad uga danqanaysaan ugana xanuunsanaysaan wixii xumaan ah oo diinta loo gaysanayo taasina waxay ku tusaysaa jacaylka aad u qabtaan diintiina iyo iimaankiina anigoon amaan ka wadin (waa intaan ka arkay qoraaladiina)arrintiinase ilaah baa iga og. waxaanse aad ula yaabay ummadda ku soo qoraysa boggaas islamka ood arkaysid qofkii oon wax macluumaad aan haynin oo iska iftoonaya ama wax aan loo dirsan ka hadlaya amase raba inuu niqaasho waxyaabo ayka gaabsadeen culimadii waaweynayd marka waxaan oran lahaa ha lagu kala faaidaysto qolka laakin diinta yaan meel looga dhicin hana la ixtiraamo dadka magaceeda wata. anigu ma ahi dadka wax ku soo qora ama akhriya boggan laakiin waa laga yabaa inaan mar mar soo booqdo waxaana jeclahay inaan ku arko ummad is jecel oo kala danbeysa oo kala faaidaysanaysa oo wax wada qabsi diyaar u ah. marka walaalayaal xaqqa allaha na tuso hanaguna hagaajiyo. walaalkiin deeq(makka al mukarrama) wassalamu calaykum. |
    Anonymous | Unrecorded Date Miskiin waanadaada qof halkaan kaa weydiisatay ma leh ee la tag masaajidyada haddii aad cilmi la burqanaysid. Midda sensor ha la sameeyo oo maqaallada qaar yaan la soo deyn aad somalinet ku boorineysana, soo ma aha afxirid iyo tayda keliya ha la maqlo midda dhulalkaan na keentay. Hadii aad adigu wax sheegaysid sheeg, haddii kalena isaga bax meesha dadka kale ha aamusine. |
    abtiga. | Unrecorded Date Hal qof buu dhibi karaa miskiin miskiin hadalkiisa. Waana qofka aan filayo dhibaatada meesha taal inuu keeney. Anonymous. Haddaad dumar tahay dumarka sharaf goonni ah buu mudan yahay o waxaan ku oran lahaa waxaad dadka ku heysato adiga marka hore ka bax. Yaa adiga qaasatan inta kuu yimi ku yiri wax noo sheeg qudhaada?. Haddaad nin tahayna aan isla tirsannee magac rageed la bax illeyn tirsi weeye waxaaguye. |
    Yaasmiin | Unrecorded Date salaamu calaykum waraxamatulaahi wabarakaatu ahlu imaan, To Akhi MIskiin, Jazaaka laahi khayran yaa akhi walaahi inta aad sheegtayba wan dareensanahay waana waxa nagu kalifay in aanu ka aamusno oo inta badan walaal horena wan ula hadalnay masuliinta lakiin mafi udun saamica marka alaahu mustacan walaal katharalaahu amthalak wa zadanaa cilman wa taqwaa wasalaamu claaykum waraxmtilaahi wa barakaatu. ukhtak filaah Uma Ahmed |
    BASHIR ABDI. | Unrecorded Date Walaalaha ma waxaad isla garateen inaan iska aamusno?. Intaad is heyn karo waan is heyn doonaa bi'idnillaah laakiin guaranteed mahan. wabillaah. |
    Muslim | Unrecorded Date Asalaamu Caleykum Walaalayaal aniga waan jeclaan lahaa inaan fikrada aad soo jeediseen idinku raaco laakiin duruufo jira awgood ayaa ii diidaya. Marka waxaa jeclahay inaan idiin sheegayo inaysan inoo cuntamin inaan ka aamusno balse inaan RADINO oo meel walba lala istaago oo propogandada ay wataan umada loo sheego sharkoodana dadka looga digo. Markii ay bateen bidcada iyo been abuurashada ayaa muslimiinta in badan radiskooda batay waxaana Imaam AHMED raximahulaah lagu yiri maxaad dadka uga aamusi la'dahay oo aad hebel iyo hebel uga hadleysaa mar walba wuxuu ugu jawaabay hadalkaan, "Aniga hadaan ka aamuso adigana ka aamusto sidee dadka diintooda ku aqoonsanayaan? Markaas ayuu imaam Ahmed kordhiyay radiska oo uu yiri hebel waa bidci, hebel waa beenloow, hebel waa laga qaadanayaa hebelna waa lagu radinayaa. Waxaan u maleynayaa inay muhiin tahay in gaalada iyo gaalo-raacyada lala doodo oo muslimiinta looga digo. Ilaahey ha ka abaal mariyo walaalaha arrinkaas har iyo habeen u taagan oo marwalba ku howlan sidii ay dhibta jirta muslimiinta uga digi lahaayeen. Waxaan nafteyda iyo tiinaba ku boorinayaa inaydaan ka caajisin xaqa u orodkiisa xumaantana dadka ka reebtaan wanaagana umada tustaan. Ammaa mida maamulka Somalinet ayadu waxaan u maleynayaa waxaa inooga filan aayadii Qur'aanka aheyd ee ku jirtay suuratul-Acraaf, taasoo ku soo dagtay qolyihii xumaanta reebayey iyo kuwii ka aamusay ayagoo wiliba xumaanta neceb waxayna yiraahdeen maxaad u wacdinaysaan dad Ilaahey cadaabayo waxay ugu jawaabeen "cudurdaar Ilaahey agtiisa ah ayaan u yeelaynaa." Aayaadka ku xiga ayaa lagu sheegay in kuwii xumaanta reebayay la badbaadiyay kuwii xumaanta suubinyayna la cadaabay. Marka meeshaas waxaa ka cad in xumaanta oo laga aamuso ama aamuska sidiisaba uu yahay "NOOC MINA RIDAA" hadaba maamulka somalinet arrintaas dhibkeeda ha ku baraarugaan. Waxaan kaloo maamulka Alle u waydiinayaa inuu tusiyo wadada xaqa ah kuna arzuqo raacideeda maxaa yeelay waa dad is dhex galiyay samaan iyo xumaaan ee Ilaahey naxariistiisa ha ugu deeqo ajarna ha ka siiyo intii ay inoo qabteen dambigii ay galeena ha ugu dhaafo wanaaga ay muslimiinta u galeen. WALAAHUL MUWAFIQ |
    Abdul26 | Unrecorded Date Salaama Calykum Walaalayaal Mahad waxaa leh Allaah nabaray sida wax loo qor loona akhriyo. Walaal hadaan wax ka iraahdo qoraalka walaalkeen miskiin wuxuu sheegay waa run laakiin walaal ninkaas Ahmed waa nin (Gaala ah) oo cadaysatay marka hadaan ka aamusno umad ayuu sii fidnaynayaa waa inaan meeshuu wax ku qoro darinaa xakmadi ku jirto insha Allaahu. Waxaan kaloo u soo jeedinayaa walaalaha kharka jecel ineyna laciciyaarin dadka Diinta ku ciyaaraya, hadaad wax u sheegtaan oo aydiidana waa laga aamusaa qofka jaahilka ah. Talo ayaan waxaan ku soo jeedin lahaa inaan dadka aan wax dheernahay u faa,iideyno hadaan meesha kaga tagno Juhaal ayaa lumin. To: Cajabo Abaayo dadka ayaad sifiican wax u sheegi jirtay maxaa kugu dhacay, meel halkaa ah ayaad wax ku qortaa oo aan wax faa,iido ihi ka soosocn marka walaalo waxaad dhaantid walaalhaa haa u sheeg insha Allaahu, waxaan ka xumaaday markuu Wiil ku yiri Jerry Springer show waa inaad aadaan, runtii waan naxay, wayana ku siidiciifin dadkaasi waa iga talo walaalno, wixii aan ku khaladamay Allaah ayaan denbidhaaf weydiisa. Your's Abdul26 |
    cajabo | Unrecorded Date Salaamu calaykum Walaalayaal, Waxaa iga keenay hadalkaa wax kale ma aha. Hadaan doodaa galo waxaan ka baqayaa inaan dembaabo. Sababtoo ah ma ahi qof cilmigeeda diinta aad u sii sareeyo. Waan aqaan waana bartaa laakiin ma ahi qof weli is tidhi ama dooda ka qayb qaado ama wax ka sheeg. Malaha waa kalsooni daro laakiin umalayn maayo ee waa Alle ka cabsi. Murunka badan iyo dooda badan yahuuda ayaa lagu nacaladeeyay. Ninkaan Ahmad ah ha ka yaabin inuu iga dhaadhiciyo inuu Rasuul ka dembeeyo Rasuulkeena (SCW). Kolkaa hadalkiisa waxaan ka soo qaaday ZERO. Waxaan idin weydiiyay su'aal ah ka warama hadalka iyo murunka badan idinkoo iga raali ah waxiina iga badiya. Tan kale walaal Abdul26 hadaad dib u akhrisid qoraalka Jerry Springer nin baa hadal yidhi anigana waan ka jawaabay. Walaal maba ahi dadka TV fiirsada xataa warka uma helo waqti aan ku daawado. Iskaba daa wax fawaaxish ah. Ilahay ayaa iga madooweeyay markii horeba oo kama helo mursalsal iyo show, iwm. Alxamdulilaah. Canaantana waa la isku leeyahay hadaad i aragtid anigoo ka leexanayaa wadadii fiicneed. Waadna ku mahasantahay walaal. Qoraalkayga wuu yaraday sababtoo ah waxa laga hadlayo oo dhan beryahaan ima cajibin. Wadnahana farta waan ku heeya. Miyaad ila aragtay kuwa ka hadlayaa qabyaalada iyo isu tagga xaaranta ah iyo dumarkii oo yidhi rag uma baahniin. Kolkaa walaal afkii baa juqda gabay si kale kuma sheegi karee. Peace |
    MISKIIN | Unrecorded Date ASALAMA CALAYKUM. DHamaan ahlu khayrka waxaan idinku salamay salaanta islaamka ee sharafta badan.gaar ahan walaalaha halkan wax ku soo qoray sida: Cajabo. Fawzi. Yaasmin. Bashir Abdi. Muslim or Mualim. Abdul26. Ayuhal ikhwa runtii qoraaladiinu waa kuwo macquula oo xikmad ka buuxdo waadna ku mahadsan tahiin.waxaase meesha taal forumkan waa guri la isagu yimaado,waxna la isku dhaafsado waadna la socotaan qofka soo aadaya qiimaha uu ugu fadhiyo waqtigu khaas ahaan dadka qurbaha jooga.sidoo kale waqtigu waxuu ka mid yahay waxyaabaha raxmaanka hortiisa la iska weydiin doono umana suubana in meel aan munaasab ahayn la galiyo.markaa miyay noo haboon tahay inaan meel khasaaro ah galino? Amaa Xaga radinta iyo doodaha ayuhal ikhwa meesha ma taal cid aan radino iyo wax nala dooda toona waa qolooyin hadba inta wax meesha ku dhex tuura cararayaya,waxaana wax ka qaban kara qolooyinka forumkan waayo hada hadaad ku soo qorto wax qabiil ka hadlaya markiiba way tirtirayan waayo waxay ogyahiin in fooda la isla galayo oo meesha buuq badan ka dhalanayo.maxay u tirtiri la'yihiin gef ay u jeedan in loo gaysanayo kahyru khalqi laahi MAXAMED IBNU C/LAAHI SCW.waxaan hada ka hor dhagaysatay muxaadaro uu leeyahay sheekh culumada soomalida raximahu laah.waxuu yiri wadankeena guduhiisa yaa garanaya wax aan tol lahayn?ka dibna tusaalayal buu bixiyay tuugu tol buu leeyahay.oo qabiilku waa muqadis hadii la caayo ama lagu xadgudbana dhiig iyo dhibaato ba'an baa ka dhacaysa.qolo walba dhulkay degto hadii taako la qaato dhibaato ayaa ka dhacaysa.DIINTA ALLAH EE WAXYIGA SAMADANA KA TIMID RABUL CAALAMIIN LEEYAHAYNA HADII LA CAAYO IYO HADII LAGU XADGUDBO TOL MA LEH.waxaa markaan somalinet arkay igu soo dhacay hadalkii. Yaa ikhwatii hadii meesha radin iyo dood taalo qofkii raba ha soo qorto mawduuca uu ka hadlayo,si banaana halkaa ha ula yimaado,waxaa loogala doodaya loona radinaya si wanaagsan.laakin tabar uma hayno boqol mawduuc oo diinta alah loogu gafayo,cid ahlu cilmi ah oo aan kala doodnana aanan garanayn ee dad ciyaal suuqa hadba ay meel ku soo qorayan,maalin walba ma mid baan is haysanayna.waxaan filaya marka danbe xigmada ayaa meesha ka dhumaysa markaa dadka guriga maamula waxii macquula meesha ha ku reeben waxii iska hadlaya ama ciyaal suuqaynayana ha tirtireen ileyn cid walba ayaa meeshan imaanayse. To:Cajabo. Walaal runtii meelo badan oo aad doodo ka dhiibanaysay waan arkay iyo meelo aad laguugu gafayaba,balse ilaahay xumaantaada ha kuu dhaafo walaalahi kugu xadgudbayna allah ha u danbi dhaafo.balse walaal waano ahaan iska dhaaf barnaamijyada forumka kuwii an khayr ka socon.iga raali ahow hadaan shaqsiyadaada dhex galay waa iga nasteexo.amaa su'aashada walaal ma fahmin ee bal ii soo sharax. To:Anonymous. Hadaad tahay dadka aan ka hadlaynayna hadii hanuun laguu qoray alaha kuu soo dadajiyo.hadaad ahlu shiqaawo tahayna sharkaaga umada alaha ka qabto khalqiga dhexdiisana alaha kugu fadeexeeyo amaa hadalkaga jahliga fasalaaman laka laa nabtagil jaahiliin. To: Yasmiin. Ukhti vi laah ka waran waxbarashadi?yaa umu Axmed keyf xaluki?Khayr baan kuu rajaynaya Vi Dunya Wa Vil Aakhira. Dhamaan akhyaarta khayr baan isku ognahay wa salaamu laahi calaykum wa raxmatahu wa barakaatuhu. |
    Abdul26 | Unrecorded Date Salaama Caleykum Walaal Miskiin waxaan akhriyey Qoralkaaga , Allaah haku xafido, Walaal dadka meesha wax ku soo qoraan Diinta waxba kama yaqaanaan , waxay wadaan muran iyo afxumo ku dhisan. Walaal Somalinet waa ogtahay wax jira iyaga iyo Allaah.Walaal waxa xun waa inaan u sheegn walaalaheen soomaliyeed Allaah waana weydiin hadaanaan waxa xun sheegin, waxaana loo baahan yahay Samir iyo Dulqaad joogta ah. Fiiri wixii soo gaari jirey dadkii naga horeeyey marka dacwada dadka u sheegi jiree. To: Cajabo Abaayo arinta Dooda iyo muranku ma fiicna, Laakiin wixii sax aa waa in la sheego Nebigu salalaahu caleyhi salam wuxuu yiri"Xaqa sheega dacar ha qaraarnaadee" Macnaha wixii jira sheega. Mida kale walaal muran maaha ama Dood hadad Gaalka Gaalnimadiisa Sheegtid. Waxaa dhacday maalin inaga Wiil isla socona ayaan waxaan ag marnay Qabuuro Gaalo markaas ayaan waxaan iri "Bashiruu Jahanaba”Wiilkii wuxuu igu yiri Fanatic ayaad tahay, waxaan ku iri Nebiga Salalaahu caleyhi wasalam ayaa yiri”Hadaad Qabuur Gaalo ag Martaan u bishaareeyey Cadaamka”. Walaal waxaan arkay dad Muslimiin sheegana oo leh markii reer binu Isreal Allaah ku yiri waxaad gowracdaan Sac, waxay dheheen sacaasi waa Caaisha Binu Abubakar, qofkaas oo kale maxaad oron, Ahlu suna Wajameeca waxay isku raaceen qofkii Nebiga iyo asxaabta Wax ka sheegaa inuu Gaaloobayo oo Diinta ka baxayo. Walaal allaah Diinta hanoo fudeeyo barashadeeda si aan Waqti ugu bixino. Mida kale Xadiiskale ayaa wuxuu yahay Qofba wuxuu lee yahay Diinta Saaxiibkiis marka ka fiirso saaxiibadaa Sidee ku yihiin kharka iyo wanaaga. That is all today, waxaan khalday Allaah ayaan uga toobada keenin . Your’s Abdull26 |
    Uma Ahmed | Unrecorded Date salaamu calaykum waraxmatulaai wabarakaatu CIIDKUM MUBAARAK WALAALAHAYGA MUSLIMIINTA AH MEELKASTA OO AD JOOGTAANBA TAQABALALAAHU DAACADKUM AAMIIN. To Akhi miskiin Jazaka laahu khayran yaa akhi filaah wa katharalaahu amthalak walaal waxaan aad iyo aad kaaga mahad celinaa waraysigaaga barkalaahu fik yaa akhi, walaal waxbarashadii ilaahay mahadii waxaa iiga hadhay laba bilood hadii ilaahay idmo waxaana ku tala jiraan in aan imaado canada fasax insha allah, walaaal ciid wanaagsan ilaahayna walaal dariiqa xaqa ah ha ina waafajiyo dhamaan. wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu. ukhtakum filaah uma ahmed |
    Hussein | Unrecorded Date Asalamu Calaykum. Walaal marka hore waxaan idinku salaamay salaanta kor ku xusan, miskiin iyo walaaleheyga muslimiinta ah oo kaleba. Akhwaanii filaah marka hore ilaah ii barya inuu caafimaad i siiyo, mida xigta aniga oo bogan waqti badan ku dhumiya xaga aqrinta jaceylka aan muslinka iyo somaliniba u qabo, ayaan hadana aad u naxaa markaa arko meel diinta wax looga sheegayo, ama qabaa'il laysku caaynayo, anigu aad uma jecli inaan wax qoro maxaa yeelay cilmigeeda ma lihi, hase yeeshee waan jeclahay inaan aqristo waxa ay qoreen walaalaha kale ee muslimiinta ah, marka waxaan idin oran lahaay hadii ay maamulka somalinet wax ka qaban waayaan aflagaada lagu hayo diinta iyo rasuulka, aan diyaar u noqono inaan forum cusub furano oo diinta kaliya ah, kaas oo sensur lagu sameeyo hadii ilaah idmo. Diyaar ayaana u ahay inaan sameeyo hadii aan awood u helo sameyntiisa, la isku raaco insha alaah. Wixii qalad ah ee aan qoray alaha iga cafiyo. Intiina qeyrka jecel ilaaheey ha idinka abaalmariyo. Waa walaalkiina muslinka ah Hussein. |
    zaynab | Unrecorded Date salaamu caleekum walaalayaa horta hore kheyrka Ilaah hana wada waafajiyo kuligeenba (aamiin) marka labaad aniga qofkaan labaxay Ahmed horta wax uu qoray ma arkin oo kuma danbaabi karo laakiin waan idin wada rumaynayaa hadaad isku raacdeen in uu gaal yahay waayo kuligiin waxaad tihiin kuwo Ilaah jidka kharka ku hanuuniyay Ilaahna idinka,aniga iyo umada muslimiintaahba hanoo siyaadiyo kharkeena kuwa dhunsana hasoo hanuuniyo (aamiin) qofkaan Ahmed lagu sheegaayo hadaad umada ehlu kherka ah aad leedahay dulmi ku dhax abuur oo qofkii daacad ah oo rabo walaalahiisa ka aqoonta badan in uu wax ka siyaadso aad shaki ku abuureeso Ilaah hakaa jaso siiyo walaalayaa idinkana waxba qofkaas daraadiis ha u joojinina in aad u faa'iidaysaan walaalihiin ee meeshiina kheyrka ka sii wada Ilaah ha iduunku danbi dhaafo e salaamu caleekum zaynab |
    zaynab | Unrecorded Date salaamu caleekum walaalayaa horta hore kheyrka Ilaah hana wada waafajiyo kuligeenba (aamiin) marka labaad aniga qofkaan labaxay Ahmed horta wax uu qoray ma arkin oo kuma danbaabi karo laakiin waan idin wada rumaynayaa hadaad isku raacdeen in uu gaal yahay waayo kuligiin waxaad tihiin kuwo Ilaah jidka kharka ku hanuuniyay Ilaahna idinka,aniga iyo umada muslimiintaahba hanoo siyaadiyo kharkeena kuwa dhunsana hasoo hanuuniyo (aamiin) qofkaan Ahmed lagu sheegaayo hadaad umada ehlu kherka ah aad leedahay dulmi ku dhax abuur oo qofkii daacad ah oo rabo walaalahiisa ka aqoonta badan in uu wax ka siyaadso aad shaki ku abuureeso Ilaah hakaa jaso siiyo walaalayaa idinkana waxba qofkaas daraadiis ha u joojinina in aad u faa'iidaysaan walaalihiin ee meeshiina kheyrka ka sii wada Ilaah ha iduunku danbi dhaafo e salaamu caleekum zaynab |
    MISKIIN | Unrecorded Date ASALAAU CALAYKUM IKHWANI dhamaantin waad saaamantahiin; Hussein iyo Zaynab khayr alaha idinka siiyo sida aad xaqa walaalihin ugu baraarujinaysan. Waxaan arkay meelo SOMALINETKU ay ku qortay sababta aysan dadka aara'dooda u hor istaagayn waxaana la yaabay qofkii maamulka ka mid ahaa oo hadalada qoray sida uusanba u dareensanayn xilka meshan.waxaa hadaladiisa ka mida qofku waxuu rabo ama diinta uu rabo ayuu halkan ku soo qori karaa?waa yaabe haday saasi jirto maxaad qaybtan ISLAAM UGU BIXISEEN? mida kale umada soomaliyeed waa dad haysta diinta islaamka sunina wada ah.hadii mid caadaqaate ah qolokale wax ku soo shubato ma waxaad dhahaysan ha idinkula dhex galgasho. ANIGU HADA SOMALINETKA MAAMULKIISA AYAANBA KA SHAKIYAY! TO:Umu Axmed. Ukhti vilah jazaaka laahu jawaabtadi wanaagsanayd.wa zaadaka laahu cilmun naafic.waxaan aad ugu faraxsanahay dhamaantayo kuliyadada diiniga ee aad soo dhamaysay.waxaana kaa rajaynaynaa inaad dacwada allah ka qayb qaadato. Waxaanse aad anigu uga naxay soo noqoshada aad u ku soo noqotay CANADA waxaana ay iila muuqata soonoqoshada lagu soo noqdo wadamada gaalada qof ilaahay naar ka badbaadiyay oo dib isagu soo tuuray.waxaanse kaa rajaynaya adiga alaab aad ku ilowday inaad ka qaadandoonto oo degdeg uga noqon doonto. jazaaka laahu khayra yaa umu Axmed Yaasmin. Wasalaamu laahi calaykum wa raxma. |
    Hussein | Unrecorded Date Inta muslima Asalamu Calaykum Inta kale Asalamu Calaa mani tabacul hudaa. Axmed waxaan ku weydiiyay qur'aan hadii aad raacayso xageed ka galeysaa, aayadaha lagu tilmaamay inla raaco rasuulka, ma tirtirtay, xageed geysay, madaa sidii aad doonto noogu macneynayo, maadaa qur'aanka luqada uu ku qoran yahay iska leh?. 1- "Wamaa ataakumu rasuulu faquduuh, wamaa nahaakum canhu fantahuu". 2- "Qul inkuntum tuxibuunalaah, fatabicuunii yuxbibkumulaah". 3- "Fa'in tanaasactum fii shey faruduuhi ilalaah warasuul, inkuntum tuminuuna bilaahi wal yoomil aaqir". 4- "Wamaa yandhaqi canilhawaa in huwa ilaa waxyin yuuxaa". Axmed aayadahn sow qur'aan maahan tilmaamaya in la raaco nabiga iyo axaadiistiisa, xageed ka galeysaa adigu maalinta yowmulqiyaamo. mase waxaa tahay kuwii la yiri "Afa tuminuuna bibacli kitaabi, watakfuruuna bibacli". Waxaad tiri Albaani alahii ayuu ka furtay, maadiga alaah ku xiran aan ku su'aalee? Waxaad qortay waxakan: PAUL + CO: "NO, the Gospel is not enough -- Jesus is the Son of God...we MUST accept this." Ilaahna wuxuu noogu sheegay qur'aanka inuusan waxba dhalin, lana dhalin, sow marka maadan beenin qur'aanka iyo ilaaha aad leedahay waan rumeeyay. Ninyahow wax badan ayaa lagaa digay meelo badan oo wax ku sheegtay ayaan sida adigoo yiri Abaahureyra waa beelow, maanta waxaa taagan tahay, Sheilkhul Albaani raximuhu laah waa mushrik, waxa kale oo aad tiri rabi ayaa wax dhalay, waxaan rajeynayaa inaad iska xukunsan tahay, hase yeeshee waxaa isku dayayaa inaan arimahan aad qortay Print ka saaro ka dibna aan fax u galsho Soomaalia soona waydiiyo Shekheyna weyn ilaah aa weynee Shariif Cabdinur, wixii uu ka yiraahdana aan meesha kusoo bandhigo maaulkan wax ka qaban waayay arinkaaga waxay mudanayaan maalinta qiyaamana waan su'aali sheekha insha alaah ayagana indhahooda haku arkaane waxay idmeen waxa aydiintu ka qabto. War badan ku sii dhahi maayo By Hussein. Qodobkan kor ku qoran ka raali ahaada waa post aan meel kale kula hadlayey Axmed oo aan soo koobiyeeyay. Miskiin waxaan kula socodsiinayaa insha alaah maamulka Somalinet ee waxakan ogol, waxa ay diinta ka qabto inaan u bandhigo culumadeena waa weyn sida Shariif Cabinuur iyo Maxamed Nur Alqawi, jawaabtana waan idinla soo socodsiin. Inta muslima Asalamu Calaykum Inta kale Asalamu Calaa mani tabacul hudaa. |
    Uma Ahmed | Unrecorded Date salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu To walaalkay miskiin, jazaaka laahu khayran wa zadaka laahu cilman wa taqwa walaal waxaan kaaga mahad celinaa jawaabta iyo ducada iyo boorinta aad igu booriday in aanan la fadhiisan cilmiga meel ee aan dadka u faa'ideeyo barakalaahu fik yaa akhi filaah, walaal imaanshahayga canada ama ku so laabashadayda runtii ma aha waxlagu farxo wadan gaalo ku noolaashahiisu lakiin carabta ayaa waxay tidhaada maahmaah ah( maxaa kugu qasbay qaraarka markas ayey yiraadeen waxkasii qaraar) marka akhi al caziiz majbuurah imaanshahayga canada oo daruuf iga xoog badan ayaa igu kaliftay in aan ku soo laabto ilaahayse naguma daa'imo anaga iyo waxii islaamana hana nagu xifdiyo dhulkiisa hanagu amaansado walaahu mustacaan cala amuur al dunyaa wadiin, Sina hadii loo fiiriyo waxan isleeyahay hada ayad u faa'iideenkaray walaahayga jooga wadankaan ka imi anoo mutamakinad ah insha allah. Ilaahayna walaal aan u barino in uu raxmad iyo naxariis amni inoo dhex dhigo kaan u dhalanay, wasalaamu caalaykum waraxmatulaahi wabarakaatu ukhtakfilaah uma ahmed. |
    Hussein | Unrecorded Date Asalamu Calaykum walaalaha muslimiinta ahow. Waxaan in mudo ahba isku dayayey inaan su'aalo ku saabsan halkan aan weydiiyo Sh. Shariif Cabdi Nur, Alxamdu Lilaah xalay ayaan la hadlay asaga oo Maka joogo, su'aalahana waxa ay u dhaceen sidan: ------------ Axmed Qebtiisa----------------------- S- Waxaa jira inaan isticmaalno aalada computer-ka oon halkaas aqbaarta dadka isaga kala gudbiyaan waxaa dhacday in baryahan dambe meel dadka islaamka ah ay wax ku kala faa'iideysataan inuu ku soo qoro nin la baxay Axmed hadalo aan aad ugu kululaaday, hadaladaas waxaa ka mid ah nin shabaabka islaamka ka mid ah ayaa waxa uu qoray taariikhdii Sh. Al-Baani raximuhulaah, ninka Axmed la yiraah hadaladiisii ayaa kuu aqrinayaa uu ku jawaabay, waxaana u aqriyay hadalkiisii ahaa sidan oo markaas i horyaalay: war heedhe -- waxaa i heley...mid ka mid ah kuwa mushrikiinta ah oo alle ka furtey baa halkan laga faanshey. xaqiiqdii, al-baani wuxuu ahaa mid allehii ka furtey. alle iyo aayaadkiisuu ku been abuurtey -- ummadana jid xun buu u hagay. raxmaanka alle ah...wuxuu dad walba u soo saaraa cadow -- ibliis iyo ehelkiis...runtii waxay ku soo arooraan kuwa dhafoorkooda alle ku qorey; "mushrikiin"...sababtoo ah, ibliis iyo ehelkii waxay mushrikiinta ka jecel-yihiin baa jirin. odeyga carbeed ee halkan looga waramay...waa mid dadka u jideeyay in "xadiisyadu" ay yihiin wax qur`aanka u baahan yahay...alle baana wuxuu yiri; "wax kasta oo wanaag ah...kitaabkaan dadka ugu sharaxnay" sidoo kale, wuxuu jideeyay in qur`aanka aan la fahmi karin ilaa xadiisyada la istimaaclo mooyaane. alle baana wuxuu yiri; "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid carabkiina u fudud, bal inaad wax fahantaan." "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid xasuusnaan u saaxiib ah, bal inaad wax ka qaadataan" "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid aad u fudud(in la fahmo) si aad wax u qaadataaan" hadaba labadooda mid baa beenlow ah -- subxanaalah, alle waa mid ka fog in wax xaq ah mooyee uu wax kale sheego. been iyo shar waxay isugu timid kuwa alle ka doc hadla -- oo wuxuu yiri...wax qilaafsan arooriya. carada alle baana dushooda ahaatey kuwa been-abuur u saaxiibka ah! Markii aan u dhameeyey. J- Sheekha waxa uu yiri ninkaas waxaan oran karnaa hadii ugu yaraado waa Jaahil, Mulxid haduusan ahayn. S- Hadalkii ayaan ku noqday, waxaana u sheegay ninkan inuu ku mrmayo inuu qur'aanka raacsan yahay, hase yeeshee uu axaadiista intooda badan uu ka soo horjeedo, asaga oo oranaya inay kasoo horjeedaan qur'aanka, ninkana uu qur'aanka si fiican ugu yaqaano afka ingriiska, waxaana u daba dhigay hadal markii horteeda yaalay oo uu qoray kaas oo oranaya sidan: Kuwa faanfaaniya cadowga alle iyo rasuuladiisa. iyo kuwa fusuq iyo baadhil u sacabatuma. yaa ka qurunsan kuwa alle nacaladay? anigu garan maayo! Dabadeed waan sii wadoo waxaan u sheegay in dhalinyarada inta badan ku eedeynayaa meel uu ku qoray in ataxyaadka inta dambe laga tagi karo qaasatan ashahaatinka, laakiin aanan aqrin, hase yeeshee aan u arkay ninkan inuu axaadiista intooda badan ka soo horjeedo aragtideeda. J- Mulxid(Diinlaawe) weeyaan, maxaa yeelay nusuus badan oo qur'aanka ah ayaa cadeyday in rasuulka aan raacno, rasuulkana(scw) waxa uu yiri "MAN RAQIDHA CAN SUNATII FALEESA MINII" . ----------- Qeybta Maamulka SomaliNet------------- waxaan u weydiiyay sidan: S- Meesha ninkan ama dad kale oo la mid ahba uu nabiga, ama diinta wax uga sheegayo, waxaa ka mas'uul ah dad, arinkaana waa loo sheegay oo ilaa hada waxay ka qabteen ma leh, ayaga xukunkooda waa sidee? J- Kan Qoray ayey la mid yihiin. S- Waxaa jirta in hada ka hor meelo qabaa'il wax looga sheegay inay tirtireen, midana aysan waxba ka qaban n kastoo dhowr jeer loo sheegay, aniga fikrad ahaanteyda dadkan maamulka ah waxaan u arkay hadii inay qabiilka ka hor marinayaan diinta(Hadii aan idinku gafay i cafiya), marka ma waxaad leedahay hadii kani kaafir yahay kuwana waa kaafir, mase dambiga loo qoro uunbaa loo qorayaa?, mida kale waxaan u sheegay inay meeshaan dad gaalo ah xataa soo gali karaan aa ay aqrisan karaan, iyo dad muslim ah laakiin aan diinta si fiican u aqoon. J- Nacam, maxaa yeelay ninkii raali ka noqdo in diinta iyo rasuulka(scw) wax laga sheego, kan ka sheegay ayuu la mid yahay, wuxuuna ii daba dhigay tirtira adinku. S- waxaan u sheegay inaanaan awood u laheyn inaan tirtirno, laakiinse aan isku dayi karni inaan furano meel islaamka u gooni ah dad islaam ahna ay gacanta ku hayaan oo wixii aan habooneyn laga tirtiro. J- Wuxuuna yiri waa tan ugu wanaagsan, ee hadii ay wax ka qaban waayeen, uga taga oo meel kale sameysta hadii aad awoodaan. ----------- Abdulahi---------------------------- S- waxaa jira ayaan iri nin la yiraah cabdulaahi oo leh haweenkii waa la gumeystay oo wadaado aan diintii aqoon ayaa qalad u sheegay oo gurga inay fadhiyaan ayaa la rabaa, waxa kale oon u daba dhigay in gabdho badan oo islaam ah u jawaabeen, madaxana ka garaaceen?. J- 1-Abdulahi waa jaahil, hadii cilmi dari u gaysay. 2-Hadiise uu doonayo gabdhahayaga muslimaadka ah inuu guryahay kasoo dareeriyo, oo ay banaanada wareegaan(Kalmada ma hubo laakiin wax u dhaw ayuu yiri sheekha) waa Daalim. Hadalka waan dheeray waana soo gunaanadayaa ee iga raali ahaada, wixii aan qalday aniga iyo sheydaan xagooda ayay ka ahaadeen, wixii aan saxeyna allaah ayaa mahad leh. Walaalkiin Xuseen. Asalamu calaykum |
    MISKIIN | Unrecorded Date ASALAMU CALAYKUM. JAZAAKA LAAHU KHAYRA YAA AKHII HUSSEIN. Jawaabtaydi waxaan ku qoray meesha aad fatwada sheekha ku soo qortay. To:Umu Ahmed Yaasmin. Jazaaka laahu khayra yaa ukhtii,yaa uktii inshaa allahu waxaan alah ka rajaynaya inuu kaa saaro CANADA adigoo minal saalimiin ka mida. Inshaa alaahu xaga dacwadana bal warkaaga iyo sida aad muslimiinta wax u tarto waan soo raadin doona,waxaana waydiinayna walaalaha TORONO AMA OTTOWA hadba kaad tagto. Waxaana ku leenahay LI AN YAHDIYAKA LAAHU BIKA RAJULAN WAAXIDAN KHAYRUN LAKA MIN XUMURI NICAM.ow kamaa qaala SCW. WALAALAHA KALE: Walaalayal waxaan aniga iyo umu axmed ka cudurdaaranayna sida khaaskhaaska ah ee aan isagu jawaabayno inaad wax kale u aragtan,waayo shaydaanku dadka waxuu ka socda meelaha dhiigu ka socdo.waxna ha u qaadanina jabaahayga ama kuweeda waa walaashen ISLAAMA oo wax ku soo baratay dalalka islaamka anaguna waxaan ku boorinayna waxii xaq ah. WASALAAMU CALAYKUM. |