We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaan dhamaan: walaala yaal waxaan idin sheegayaa arin aad ii taabatay, waxaana u baahanahay in aan is xasuusino mahad naqa Eebe iyo Shukriga nicmada Alle in ay carabkeena ka qoyanaato mar walba. Waxaan maalin dhaweed ka arkay t.v. cidaadacad snnka iyo jornaal aan ka aqriyay dagalada dhibka ay u geeysteen shacabka dagan magaalada. Haweenay oranaysa biyo aan ugu mayro baan waayey cunugayga ilaa mudo badan cunugu waa lix bilood oo sidaa u ku dhashay baa wasaq ugu taal, oo cunuga aad ka naxayso sida uu u eg yahay, Subxana Allah. waxaan ka soo xasuustay dhibka ka taagan wadankeena somalia iyo dadka masaakiinta ee aanhaysan nasiib ay ku soo baxaan oo ku yimaadaan meel nabdoon ama ka heli karaan waxa ay u baahan yihiin sida (cuno, dhar, jiif iyo wixi la mid ah) Ilaah meel kasta waa uu ku siin karayaa. WAxaa loo bahan yahay bal dib u eega dadkeenan westiga joogo miyaan ka fakirnaa biyaha aan ku qubasan lahayn maya waxaa jiraa qaarkeen oo malintii afar ilaa sadex goor qubaysta, bal ka waran kuwaan biyo la'aanta haysa. Waxaan u hal qantaagaynaa sidaan gaarigaba midka ka cusub ama ka danbeeyo ku iibsan lahayn ama guriga ugu fiican dagi lahayn. Sow inaguma haboona oo waajib inagu ah in aan Alle u mahad naqno waayo kuwaa dhibatada ku jiraa oo kale waynu noqon karnaa haduu ilaah idmo laakin Alxamdullilaah Ilaah waxaa uu inoo nimceeyey waa in aan kuwa sare eegin ee aynu eegnaa kuwaan dhibataysan. si loogu waano qaato. Alle waxaa uu jecel yahay adamoodiisa mahad naqa badan oo shukriya in badan. waxaan Ilaah ka rajeeynayaa in uu kuwaa dhibaatasan u gar-gaaro kuwaan wax haystana u saa'idiyo sida qayrka leh. Allaaah wuxuu yiri i xasuuso gootaad barwaaqo ku dhex jidho anigana waan ku xasuusan goortaad dhib la kulanto. runtii waynu u mahadnaqnaa Ilaah laakin markaad eegto arintaan oo kale waxaa laga yaabaa in aad ku fakiri jirin qubayska iyo shaaha aad cabaso sodada xisaab la'aanta ah iwm. in ay ahay wax sidaa u wayn laakin Walaahi dad baan haysan oo gaajo u dhinteen. waa in aynu noqonaa Adoomo mahad naq badan. waa inoo mar kale sidaa iyo Nabad galyo. fadlan hadaan qalad qoro waad sixi kartaa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Assalaamu calaykum warax matulaah. Salaanta islaamka kadib. Allaah ayaa mahad iskaleh inoo sahlay wax walba oo aan ubaahanahay,nabad galyo iyo naxariisna ha ahaato nabigee Muxamad ahaa. Suleekho allaah hakaa abaal mariyo waanadii aad ana waanisay iyo ayaadkii cad cadaa oo aad noo tusaalaysay. Anagana Allaah hanaga dhigo kuwa maqla xaqa kadibna kudhaqma.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO: WALAALAHA ISLAAMKA AH ASALAAMUCALAYKUM WARAXMATU LAAHI,, walaala yaal waxaan jec laystay inaan walaalahayga islaamka ah aan xasuusiyo cabsida alle, ilaahay kor ahaaye wuxuuyiri, allahu nazala axsanal xadiitha kitaaban muta shaa bihan taqshaciru minhu juluudul ladiina yakhshowna rabahum thuma taliinu juluuduhum wa quluubahum ilaa dikrilaahi daalika hudalaahi yahdii bihi man yashaau waman yudli laahu famaalahu minhaad (aayada 23 zumar) >fasirid> eebaa soodajiyay kan ugu fiican hadal,alle kitaab buu soo dajiyay isu eg, oo soo noqnoqda, aylana qaman dhacyooto jidhka kuwa ka yaaba eebahood, markaasay lajilci jidhkoodu iyo quluubtoodu xusuusta eebe, arintaasuna waa hanuunka eebe uuku hanuuniyo ciduu doono, ruuxuu eebe dhumiyana majiro cid hanuunin.>>>>>>> waxaa kale oo uu alle yiri kor ahaaye, yaa ayuhal ladiina aamanuu laayaskhar qawmin- casaa anyakuunu khayran minhum walaa talmizuu anfusakum walaa tanaa basuu bil alqaabi bi sa ismul fusuuqa bacdal iimaan waman lam yatub fa ulaaika humul daalimiin. micnaheedu waa sidan->>>>>> kuwa xaqa rumeeyoow yuuna yasin nin ninkale waxay udhawdahay inuu ka khayr badan yahaye, haweena yay yasin haweenay kale waxay u dhawdahay inay ka qar badan yihiine, hana ceebaynina naftiina, hana isagu yeerina naanays yadada xun xun,waxaa xun magaca faasiqnimada iimaanka kadib, cidaan tawbad keenina waa daalimiin. faalo yar aayadan >> aayadani waa aayad layaableh oomu miniinta ku toosin kuna hanuunin wadada wanaagsan, ugana digi jidka xun sida xaqiraada yasida naanaysta xun, isagu yeedhida is ceemaynta, tuhunka,malaha badan iyo is jaa juusida dhamaan wax yaalahaasna waa wax kuxun diinta islaamka, ruuxa muminka dhabta ahna waa inuu ka fogaado dhibka walaalihiisa muslimka , iyo xumayntiisa siduu rasuulkii alle yiriba ( n n k ha ahaatee)<< ruuxa muslimka ah waa ka xaaraan muslimka xoolihiisa iyo sharaf tiisa iyo dhiigiisaba, waxaana shar ugu filan inuu xaqiro walaalkiisa muslimka ah>> WAXAA WARIYAY ABUU DAAWUUD IYO TIRMIDI. walaala yaal labada aayadood ee iiharsan waxaan u malaynayaa inaan tafsiirkooda kaliya aan soo sheegi doono waqtiga oon ii saamaxayn awgeed,>>>>> waxuu alle yiri kor ahaaye->>> markuu bini aadamka taabto dhib wuxuu baryaa alle isagoo unoqonaaya alle markuuse nimco siiyo alle- wuu iloobi nimcadii wuxuuna eebe uyeelaa shariig -micnaha asaga oo hawadiisa raaca ama owliyo iyo wax alle kasooharay ayuu baryaa nabi aloow waxaad ku dhahdaa dadkaa iyaga ah ku raaxayso gaalnimadaada,wax yar waxaad ka mid tahay ehlu naarkee.(zumar 8) aayada xigta wuxuu alle na oranayaa isagoo nafta adoomadiisa u raaxaynaya waxaad ku dhahdaa nabiyoow adoo madayda ku xad gudbay naftoodow ha ka quusanina naxariista eebe, eebaa dhaafa danbiyada dhamaan toodee, waana alle- danbi dhaafbadane naxariis badane. (zumar 53) DEEQO2@HOTMAIL.COM walaalayaal aan ahaano adoomo alle oo mahad naqbadan allena is xasuusiya had iyojeer
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salamacalaykum; To Deeqo: walaal ajar iyo xasanaad Ilaah ha kaa siiyo qoraalkii muhiimsanaa ee aad soo gudbisay. Nabadgalyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO: SULEEQO SAGAARO SALAAMU CALAYKUM KULIGEENBA WALAAL ADIGABA AJAR ALAHA KAA SIIYO QORAAL KAADII QIIMIGA BADNAA JIZAA KALAAH XABIIBTII
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaal deeqo eebe ha kaa abaal mariyo waanadaas iyo wacdigaas, runtii waxaa nagu waanisay wixii ilaahay noo abuuray ahaydna in aan laasimno. Walaal waxaa iga talo ah in aadan QURAANKA KU QORIN luuqad aan carabi ahayn sababtuna waa isagoo Eebe yidhi waa qurŽaan carabi ah xikmadaha ku jira hadalkaas waxaa ka mid ah in aan afkale oo saxi kara quŽaanka ku dhawaaqiisa,macnihiisa iyo xuruufihiisa oon carabi ahayni in uusan jirin. Waxaad heli kartaa in aad aayada macnayso ood tirsiga iyo suurada xero galisid, tusaale:(al-xashar 2)iwm. Wixii aragti ah waxaad iga heli : qansah@hotmail.com waa walaalkaa ABU-c/LLahi
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO: ABU-C/LLAHI SALAAMU CALAYKUM walaal jizaakalaahu qayraa wanaaga aad ii sheegtay awgii waayo markuu alle nalahaa waxaa tihiin umada umadaha ugu qayrka badan waxaad ika reebtaan xumaanta waxaad is fartaan wanaaga, so jizaa kalaah marlabaad, waa tuu alle yiri kor ahaaye ha utar tameen kuwa wax utartama khayrka iyo samaha, <suurada mudaf-fiin:aayadda 26>>> marka waxa kaliya een raadinayay waxay ahayd qayr!!!!!! salaamu calaykum ABU-C/LAAHI IYO DHAMAAN WALAALA HAYGA ISLAAMKA AH!!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date asalaamu calaykum ,walaalayaal ilaahay ha idinka abaal mariyo dadaalkiina ,ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu dunuubteena iyo ka waalidkeen ba dhaafo inaguna hanuuniyo sidii aan ugu shukriyi lahayn aamiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date AYNU NOQONO ADOOMO MAHAD NAQ BADAN. walaalayaal sidaynu ogsoonahay alle waxuu inaga soo bixiyay umada umadaha ugu qayrka badan, mida xigta waxuu nagu kamilay diintiisa macaan ee <<<islaamka>>> waxuu ina siiyay nim cooyin badan siduu quraan kiisa ku sheegayba, miyaadan arkin in eebahaa samada biyo ka soo dajiyay oo markaas uu galin dhulka iyagoo ka soo burqan dhulka markaasna ku soobixin beer midab keedu kala duwan yahay markaas kadib uu ingagi ood arki isagaoo cawlan kadibna ka yeeli bur bur arintaasna waxay xusuus u'tahay kuwa caqliga leh. suuratul zumar" aayadani waxay na tu sinaysaa ama ka hadlaysaa in alle markuu waraab keeno oo daaq soo baxo oo daaqii misane dib udhinto yaa soo celinkara oo ale ahayn waa cidna dabcan waa inuusan carab keena uusan ka daalin mahad celinta alle. runtii aayadaan xikmawayn ayaa ugu sugan kuwa caqliga u'saaxiibka ah waayo waa nimco uu alle ladoonto adoomadiisa tan ugu fiican waayo hadaad si kastaa qalab wax soo saara u'haysato haduuna alle ku arsaaqin qalab kuma arsaaqi karo fine. aayadanina waxay leedahay ruuxa eebe uwaasiciyay laabtiisa islaamka malamidbaa(mid laga daboolay xaqa quluubtiisa) halaag waxuu u'sugnaaday kuwa ka angagtay quluubtooda xuska eebe(quraanka) ku waasi waa kuwa baadi cad kusugan. mathalan qof ayaa aabihiis awoowyadiis dhamaan tood gaalo ahaayeen mana uusan arag meel diin islaam lagu hayo dabeed wuu dhin tay isagoo gaala. waxaana lagu cadaabi gaalnimadiisii. marka waxay mahad aan la soo koobi karin u sugnaatay allaha naga dhaliyay islaamnimada marka alaha inaga dhigo kuwii diinta alle ku dhaqma rabina <<waxida>> qowl kooduna ahaadaa<<<<<laa ilaaha illa laahu waxdahu laa shariika lah lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kuli shay in qadiir astaqfiruka wa'atuubu ilayka>>>>>>>****** wal xamdu lillaahi rabil caalamiin>>>>**** wabilaahi tawfiiq wixii xumaana naf iyo shaydaan bay ka ahaatay wanaagana alaa i waa fajiyay walaashiin deeqo dagan <<<sweden>>>> deeqo2@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salmacalaykum; Deeqa walaal Allaha kaa abaal mariyo qoralkaga sharfan. Nabadgalyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date slamu calaykum walalayaal gabar wadaada baan raadinayaa
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To.Deeqo. Masha Allah. walaasheena muslimka aheeydey,allow khayrku sii,allow anagana naga dhig kuwa qaata wacyigaadii (Aamiin) Waa Ukhtilmuslim.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Xusuusta nimcada rabi. walaalaha muslinka ahoow waxaan idiin sheegayaa inaan jeclahay ka hadalka diinta walibana aqoonkororsiga marka yaa ii sheegi kara calaamadaha lugu garto yowmul aakhiro wabilaahi towfiiq. by Roble wasalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.
|