Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): DARDAARAN KU WAJAHAN MUSLIMIINTA KU NOOL EUROPE AND AMERICA IYO MUSLIMIINTA DHAMAAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, September 29, 2000 - 10:25 am
Marka hore waad salaaman tihiin
Marka xiga waxaan lahadlayaa walaalahay ku nool wadamada yurubta iyo ameerika waxaan u dardaarmayaa in ay ilaahay ka baqaan meelwalba ay joogaan oo ay iska ilaaliyaan gaalada dhaqankooda maxaa yeelay deriska iyo bii'adaba wuu saameeyaa ruuxa banii'aadamka ah ee marwalba waxaad qalbigaaga ku haysaa in aad dhimandoonto ka dibna lagula xisaabtami doono oo qabriga cidna aan kugu wehlidoonin intaas hadii qalbiga aad ku hayso waxaa suuro gal ah in aad ku xernaatid rabbigaaga ee dadoow ilaahay ka baqa meelwalba aad joogtaan iskana ilaaliya gaalada ludfigooda iyo waxbixintooda maxaa yeelay dano gaar ayay ka leeyihiin ee dadoow diintiina haku badalanina maal aduunyo .
hadana waxaan lahadlaayaa walaalahay muslimiinta ah dhamaantooda meelwalba ay joogaan walaalahay muslimiinta ah waxaan idinleeyahay ilaahay diinta islaamka hanagu sugo qalbigeena ee walaalayaalow iska ilaaliya arinta xisbiyada layiraahdo maxaa yeelay xisbiyadu waxay kala gooysaa xiriirka islaamka oo hore u jiray, waxay abuurtaa cadaawanimo laba qof oo muslimiin ah iyo nabigeena oo naga digay in laka go'go'o .
walaalayaal arinta ah xisbiyada dhibkeeda waa wax aan lagu soo koobi karin halkaan ee qofkii doonaya in uu arintaas igala sheekaysto ha igala soo xeriiro emilkayga oo ah sadiqalqa@hotmail.com ama sadiq_q@yahoo.com
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhax dhaxaad

Friday, September 29, 2000 - 10:47 am
Asalaamu caleeykum

Walaal aad baad ugu mahadsantahay, intaas ka dib.'
Walaal waxaan u fahmay waanaadaada kaliya in aad dhalaceeysid dad muslimiin ah oo u gargaaraayaan diintan.
Maxaa yeelay xizbiyada waa kuwa maanta dunida muslimka soo qaaday aqoontooda diineed. Haddii ay jiraan dad aan xizbiyo ku jirin oo ka heer sareeya wax qabad kooda xizbiyada, bal ila socodsii.
Qofkana waxaa fiican haddii uu wax waaninaayo in uu dhax dhaxaad ahaado. Oo uusan afka ku taagin walaalihiisa shaqada hayo.
Intaas ayaa iga naxteexo ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Friday, September 29, 2000 - 12:24 pm
ASALAAMU CALAYKUM WALAAL
HAAJI ILAAHAY JAZAHAAGA HAKA DHIGO FIRDAWSAL-ACLAA.
WAXAAD SOO QORTAY NASEEXO KOOBAN OO TAABANAYSA QALBI KASTA OO IIMAAN HABA YARAADEE KU JIRO.

WAXAAN KU NOOLAHAY DHULALKA AAD TAABATAY GAAR AHAAN AMEERICA,ANIGOO ISLA MARKAA KA FIKIRAYA XAGEED UGA KACDAAN BALADKAN AHALKIISU DAALIMKA YAHAY IYO XERADAN SHAYDAANKA AYAAN WAANADAADIINA AKHRISTAY ILAAHAY AYAA OG MEESHAY IGA TAABATAY.
WAAYO WAXAAN HUBAA INAANU MEESHAN KU SOO LUGONAY.
WAL-LAAHULMUSTACAAN..............................

WALAALKA DHAXDHAXAADKA LA BAXAYOOW,ILAAHAY CAAFIMAAD BADAN HAKU SIIYO WAAYO WAXAAD MOODAA INAAD XUSBI KU DABA LEEDAHAY!

WAXAAN KU WAYDIINAYAA SUAALAHAN EE FADLAN XAQA HA KA CADHOONIN WAAYO WAXAA LA YIDHI GACALKA AMA LABADA ISKA NAXAYSA AYAA ISCANAANATA.

1.MAXAAD DALIIL HAYSATAA IN LARAACO,LOO KAALMEEYO LALA MACAAMILO FATWA LAWAYDIIYO XISBIYADA???

2.MIYAANAD MAQAL XADIITHKII RASUULKA EE UU KU CADEEYEY"INAY UMADU UKAL BIXI DOONAAN FIRQADO KULIGOODNA AY AHAAN DOONAAN NAARTA ILAA MID MOOYAANE"
WAXAANU KU SIFEEYEY INAY YIHIIN KUWA KU TOOSNAADA SIDII RASUULKA IYO AXSAXAABTIISU AHAAYEEN?

MIYAANAD MAQAL DARDAARANKII RASUULKA EE AHAA"LABA SHAY AYAAN IDIINKA TAGAY OO HADAAD QABSATAAN AYDAAN WELIGIIN LUMAYN QURAANKA IYO SUNNAHA"

WALAAL HALKAN KAGA DHARGI MAAYO INAAN WARKA SIDUU YAHAY AAN U QORO EE WAXAAN KAAGA DIGAYAA XUSBIYADA WAX AAN AHAYN TAFARAARUQ IYO BIDCO KAFAA`IIDI MAYSID.
WAXAAD KA EEGTAA KUWA AY TAHAY INAYNU KU DAYANO..
SUURATUT-TAWBA AAYADA 100"

WALAAL CIDNA HA U TACASUBIN EE MANHAJKII RASUULKA IYO ASXAABTA RAAC IYAGAA KUGU FILAN!!!!!!

IGA RAALI AHAW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Friday, September 29, 2000 - 03:08 pm
HAJI.
Qolada Baddalka laga dhigan lahaa ee soomaalida ah ee masjidkooda inta lagu xirmo masaajiddada loo faaruqin lahaa MAAD SI DAACAD AH INNOGU SHEEGI KARTAA Adoon isticmaalin MUDAAHANAH iyo hadal guud oo qof walboo muslima yaqaan, sida salafka waxa uu yahay, Illeyn masaajidda iyo culumada waxaa la saaraa miqyaas islaami ah oo kii salafka ah intaan arkeyna wax qilaafsan waa yar yihiin. MARKA maad ammanada intaad si fiican u gudataan adiga iyo ummulkheyr INOO SHEGEYSAAN CIDDA AAN WAX KA AQRISANNO OO AAN KU BIIRI LAHEYN?. MA YAREYN KARTAAN YOOLKA IYO BIYO DHACA HADALKA OO MA NA ORAN KARTAAN CIDDAAS YAA FIRQATU NAAJIYAH AH EE SOOMAALIDA LAGA DHEX HELAA?.

Bal isku daya inaad sidaa yeeshaan intaad iska deysaan hadalka kiisa mujmalka ah. Ma dhowa inta dadka loo aqrinaayey miqyaaska islaamka iyo DALIILKA QURAANKA IYO SUNNADA RASUULKA INUU YAHAY WAXA LAGU EEGO QOFKA MUSLIMKA AH AMA JAMAACADA ISLMAAKA GUUD AHAAN. WAANA SIDA AY U BADAN YIHIIN MASAAJIDDA SOOMAALIDA WAX KA BARTO, EE SHEEGA CIDAA KA SAXSAN DADKA EE AAD RABTAAN DADKA INEY WAX KA BARTAAN.

Halkee la idinka helaa haddaad firqatu naajiyadii soomalida tihiin laga dhex helayey aan idinka wardoonee?. Maxaad aqrisaan oo ka duwan TAFSIIRKA QURAANKA CULUMADII SALAFKA AY FASIREEN IYO SUNNANKA?. TOWXIIDKA dadka la baro, Quraanka dadka la baro xifdigiisa, Jaceylka jihadka iyo in islaamka la soo celiyo sharaftiisi wax ka badan maad bartaan dadka?. Daliilka aad u heysaan in qof intaa aqrinaaya la GOOYO MUXUU YAHAY OO ADINKA LA IDINKU SOO BIIRO DHINACIINNA?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, September 29, 2000 - 09:15 pm
Walaalayaal waad salaaman tihiin.

Waxaan dhamaanteed rajaynaynaa inuu waanadii Alle ka cabsiga ahayd ee uu noo soojeediyey walaalkeen Haaji qaadano aananna diinteena iyo jiritaankeena loo halaynin ama la dhaafsan maalmo yar waxaad heleyso oo nafcigooduna yar yahay.

Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqayaa inaan ka xoroobay toban sano in ka badan anoo Soomaaliya jooga "hebelow kuwaas iska jir" ama "kuwaasi waa noocaas" ama wax la mid ah.

Waxaan oran lahaa dhalinyaroy Diinta si fiican ha loo barto loona fahmana waxaana muhiim ah in la fahmo.Taasi waa ninkii raba inuu ka xoroobo aragti wadaad ama dhalinyar uu qabo inuu dadka diin uga dhigo ama si dadban u dhaho aragtidan baa sax ah kuwa kalena waa khalad. Ninkii aan afka Carabiga garanayna wuu ugu daran yahay. waana aniga siday ila tahay aanan waayo aragnimo u leeyahay.

Mid kalena aniga waxaan islahaa soomaalida aaday qurbaha ee la kulantay xadaarooyin kale inay ka qaadan doonaan waxyaabo badan oo wanaagsan oo dhaqankaasi leeyahay. Waxaa ka mid ah waxbarashada furan ee ay haystaan, intee wax barata??? uma jeedo intee aada collegeka ama jaamacada, waxaanse u jeedaa intee waxbarashadu wax ka bedeshay dhaqankiiisii, nolol maalmeedkiisii iyo hab fikirkiisiiba.
Taas waxaan u iri ma nihin caruur wax loo yeerinayo oo la leeyahay kaa ha samayn,kaasi ma fiicna ama kaas baa fiican. Marka xagee wax si ka yihiin? ma caruur baa wax loo sheegayaa mise caruurbaa dhalinyarada la mooday oo bogan caruurta ayaa loogu talagalay???.

Tii ugu danbaysay, Soomaaliyeey aan isbarno dadkeenana aan barno banii'aadamnimadu waxay tahay.
wasalam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, September 30, 2000 - 09:59 am
jawaabo aan ka bixindoono hadalada walaalahay
marka ugu aan ugu horeeysiiyo walaalkay dhaxdhaxaad walaal waad mahadsan tahay ee waxaan ku leeyahay aqoon uma lihid arinta layiraahdo firaq ama xarakooyin ee walaal hadii aad u baahan tahay in aan arintaas kawada doodno iyadoo doodu ay ku dhisan tahay cilmi diineed soo diyaar garoow.
marka xigta waxaan u jawaabayaa walaasheey umulkhayr abaayo aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sida ay kuu saameeysay waanada maxaa yeelay waanadu waxay saameeysaa mu'miniinta oo kaliya siduu ilaahay nuugu sheegay suuratu aldaariyaati sidoo kale waxaad ku mahadsan tahay sida xikmada ku dheehan oo aad walaalkeena ugu dhaadhicisay arinta xisbiyada.
marka xiga waxaan lahadlayaa walaalkeeyga marti walaal waad mahadsan tahay ee warkaaga si fiican looma fahmin ee walaalow cid ku tiri anaga ayaa saxan ee na raac majirto ee adigu waxaad raacdaa kitaabka iyo sunaha wixi ka soo hara ka har intaas waa iga waano walaal macaan.
hadana waxaan la hadlaayaa walaalkey aan magaca lahayn walaaal waad mahadsan tahay ee waxaan ku leeyahay xaqqa ilaahay hanawada tusiyo ee walaal hormoodkaaga ha ahaadaan alle iyo rasuulkiisa ka dib waad liibaanaysaa.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhax dhaxaad

Saturday, September 30, 2000 - 01:08 pm
asalaamu caleykum
To: Haji, walaal waad ku mahad santahay arinta aad soo jeedisay. Waxa aad ka doodeeyso ama aad rabto in aad furto waa mid aan hada loo baah neey oo meelo badan looga hadlay.

Waad dood soo burburisay qaar ka mid ah xarakaatka soomaaliya maanta ka jira, iyagoo qiyaadaatkooda ku kala tagay, mana rabo in aan wakhti ku lumsho arintaas.

Anigana meesha aad ka duuleeyso ayaan kula fahasanahay, ee waala arki doonaa cida waxa sida xun ku wada. Ee su´aalihi uu idin weeydiyay walaalkeen marti uga jawaaba sida ay tahay waa hadii aad meesha xaq ku haysaan ama aad tihiin firqa naajiya.

dhammaan xarakaatka maanta jira uma arko in ay yihiin firaqdii leexatay oo ku kala tagay caqiidadii AHLU SUNA WAL JAMAACA. Waa tii uu sheegay Sharif Cabdinuur.
waa iyo mar kale hadii aan wakhti helo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umm-caaisha

Saturday, September 30, 2000 - 05:01 pm
salaamu-laahi calayka.

dhaxdhaxaadoow ma wakhti aad meel aad ku disho wayday iyo dood aan ku dhisnayn cilmi iyo xikmad ayaad la soo taagantahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Rasuulkii ALAAH ayaa laga soo weriyey inuu yiri qofka kataga dooda,muranka xataa asagoo xaq sheegaya waxaan u balaqaaday aqal JANNADA badhtankeeda ku yaal.

arintaasi waa iga xasuusin inaanad muran iyo waxa aan daliil lahayn lasoo taagnaanin.

wakhtigana nidaamsoo ku dadaal barashada DIINTA iyo qiraa`ada QURAANKA.

xarakooyinka ugu daran ee markay rabaan inaan inaan lafahmin siday wax uwadaan miyaad ku lug leedahay ??????

waxyaabaha ay soo qaataaan waxaa kamida waxay odhanayaan tusaale ahaan...Sh.C/Nuur ayaa sidaa yidhi hadana waxay ku xigsiinayaan mid xarakadooda ah tusaale ahaan qolada Islaaxa labaxday waxay isku darayaan Sh,salafi ah iyo mid mubtadic ah.ama Diinta ku xadgudbay sida YUUSUF QARDAAWI OO KALE EE RIBADA BANEEYEY inay fatwadooda dadka u sheegaan.WAL-CAYAADU BILAAH!

Shariif cabdi nuur waa Sheekh Salafi ah aananu wax kabarano ee dadka kala baro.

ISLAAXA,ITIXAADKA TABLIIQIGA ,SUUFIYADA..ETC

TABLIIQIYIINTA WUXUU SH.BIN BAAZ KU TILMAAMAY INAY YIHIIN SUUFIYIINTA MUCAASIRIINTA AH EE QARNIGAN.DHAMAANTOOD SIDA LIBAAXA UGA CARAR!!!
iska ilaali oo ku qabso DIINTAADA gawsdambeedka.

kana xorow xarakada iyo xulafadeeda!!!

MACSUUMNA MANIHINE ICAFI HADAAD IQOONSATO WAXAAN KUGULA DHACAYAA KULAYL AAN U QABO XARAKOOOOOOOYINKA.

MAHADSANID.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Saturday, September 30, 2000 - 06:34 pm
HAJI.

Shukran laka.


Anonymous.

Adaan kaa arkey wax macquula ah. Saaxiib, ku bishaareyso, carabiga si fiican yaan u fahmaa, Haddana wiil aan dhowaan shaqada isku baranney yaa iga oggolaadey inuu ii aqriyo dhammaan kitaabbada aan rabo. Waana qof aan ku kalsoonaan karo oo aan ka baqeyn inuu waxaan waafaqsaneyn kutubta iga dhaadhiciyo. Teeda kale waxan ilaahey ha innaga najeeyo fitantooda. Aniga waxaba ila qumman qofkaan waxba ku darsan qolana si gaar ahaaneed oo dantiisa ka raacda. Hadda haddaan iraahdo wiilka wax ii aqrinaaya waa xaafidu quraan, ahlusunnah ah, oo caqiido wanaagsan, dad baa jeclaan lahaa iney i weydiiyaan xizbiga uu ka tirsan yahay. Kulligood waa axzaab waxan. Goonni yaa la siu xiriiriyaa. Sirta iyagaa uunbaa isu sheegta, Haddaad masjidka gasho waa lagu soo dhowri illeyn jamacada kama tirsanid. Xiriir goonni ah yaa kawada dhexeeya giddigood sey u dhan yihiin. Salaantii rasuulka alle yiri hala faafiyo aad isku jeclaataan dad bey qaas ku tahay. Marka waxaabad moodda waxa la isku heysto aayad quraan ah iyo xadiis iney dheer yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Sunday, October 01, 2000 - 12:49 am
ummuca'isha.

Maad heysataa cajaladdii lagu lahaa sheekh shariif cabdi nuur waa dhaal mudhil?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, October 01, 2000 - 09:00 am
To : ummu caa'isha iyo dhexdhexaad iyo caabi
marka ugu horeyso walaashay caaisha abaayo aad baa u mahadsan tahay sida xikmada leh aad noo waanisay iyo aqoontaada diineed ilaahay hakuu siyaadiyo iyo fahamkaaga oo aan u maleenaayo in uu waafaqsan yahay kitaabka iyo sunada baarakallaahu fii cilmiki wafahmiki wajazaakillaahu khayran .
marka xiga walaalkay dhexdhexaad walaal waxaan u maleeynayaa in aad araktay walaalaheena ummu alkhayr iyo ummu caa'isha iyo marti hadaladooda oo xikmada ku dhisan iyo waanadooda waxayna ila tahay qofkii ilaahay xaqa tusinraba ayaa arkaaya oo qofkii ilaahay ugu tala galay in uusan arkin ma arko walaal adiguna waxaan u maleenayaa in xarakooyinka muuqaalkooda sare aad ka araktay ee dhibkooda maanan arkin maxaa yeelay waa sida hadalkaaga laga fahmaya, walaal macaan anaga kuma oranin firaqu alnaajiya baan nahay ee cid garankarta ma jirto cida ah firaq alnaajiya ee nabigeena naxariista rabbi iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ayaa wuxuu yiri (umadeyda waxay u kala bixidoontaa sadex iyo todobaatan firqadood gedigooda waa ahlunnaar illaa mid mooyee midkaas waxuu ku tilmaamay jidka ay ku taagan yihiin asaga iyo saxaabadiisa oo kaliya)
hadaba walaal waa su'aal maanta waxaa jira xarakooyin farabadan intoodaba waxay leeyihiin anagaa xaqqa ku taagan, miyay suuro galaysaa arintaas, mida kale walaal hadii kitaabku mid yahay sunahana mid yahay in loo kala qaybsamo firqooyin ayaa qaldan waxaa sii dheeraad ah in qolo ay u aragto walaalahooda muslimiinta ah cadaawad sababtuna ay tahay xarakadeenu kama tirsana walaalayaal waxaan xasuustaa waqtigii sideetameeyadii anagoo dhoor wadaado ah oo aad isku jecel oo cunadeena xitaa halweel kawada cunaynay waxbarashadana haldugsi kawada baranaynay culuumta diiniga halsheekh ka wada baranaynay oo wax naysku keenay aan jirin oo alle dartiisa aan ahayn iyo goobaha waxbarashada laysku bartay ayaa waxaa noo yimid xarako ka mid ah xarakooyinka ka jira soomaaliya ka dib waxaa bilaabatay wadaadadii in ay tartiib tartiib loo kala kaxaystay dadkii shalay naftooda iska jeclaay ayaa waxay noqdeen in aan laysa soo ziyaaranin in halkii dugsi laga go'ay sheekhii aan wax ka barajirnay laga haray iyo salaanta oo lakala goostay iyadoo arintaas lala yaaban yahay ayaa waxaa la ogaaday in balaayadii oo dadka isjacel kala goysgoyso uu soo dhexgalay shabaabta waxaa laysku dayay in lasoo celiyo jacaylkii iyo xiriirkii wanaagsanaa oo markii hore dadkii daganaa magaaladaas ay layaabanaayeen isjacaylkooda nasiibdarro way suuro gali wayday maxaa yeelay nin walba wuxuu ku tacassubay xarakadiisa, marka walaal dhibaatada xarakooyinka lama soo koobi karo ee fadlan adiga kitaabka iyo sunaha ka fiirso noloshaada nabiga ayaa noo sheegay cidii labadaas ku dhagta in ay lumaynin waligooda.
walaal caabi arintaas aad sheegayso waligeeda ayay soo dhici jirtay ee adigu iska daa oraah dad ee waxaad ka adkaataa naftaada culumada in lagaaro dhibkeeda ayay leedahay ee ilaahay hasoo hanuuniyo walaalaheena
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marti.

Sunday, October 01, 2000 - 05:41 pm
haji.

walaal waxaan idinku raacsaneyn ee ka baxsan kitaabka quraanka iyo sunnaha aan idiin sheego anigoo aan marnaba idinkaga hiillineyn dadkaad radisaan ee aad tirahdaan waa bidcah munxarifah.

1- Salaadda waan la tukan maadaama ay sida rasuulka scw u takanayaan. Daliil aan oggoleyn in lala tukadana haddad heyso halkaan iigu soo bandhiga.

2- Cashar waan ka dhegeysan ilaa aan ka arkayo inxiraaf ay ku sameynayaan caqiidada salafka iyo fahamkoodii saxiixa ahaa.

3- Anigoon xizbigooda sheeganeyn, yaan xuquuqdii islaamka ee ay ku muteysteen islaannimada yaan siin, sida axadiista rasuulka scw kusoo aroortey.
Waxaan idin xusuusinayaa in xukaamta aad ugu cudur daarteen axaadiistii nabiga caleyhi salaam ee oraneysey intey salaadda ku oogayaan dhexdiinna iyo sida xaddiiskuba ahaa. Marka walaal Innagoo ka dheregsan waxey yihiin xukkaamta oo aan is weydiin SALAFNIMADOODA oo aan ku xujeyn iney mashaayiqda ixtiraamaan yaa la oggolaadey in islaamka aan laga saarin marka maxaa keeney dadkii ka owleysnaa iyaga ee diintan usoo halgamayey in la yiraahdo yaan waxba lagu darsan?. TAASI CADDAALADDA WEY KA FOGTAHAY.

4- Culumada islaamka uma arko nimaan wax ku qilafi karin inuu jiro maxa yeelEy rasuulka kaliya ayaan aammin sanahay inuu macsuum yahay. Albani iyo bin baaz oo lagu tiriyo casrigeennan iney yihiin ahlu xilli wal caqdiga yaan ku garab mari karaa masaa'isha culumada kale aysan kala midka aheyn ee ay la kaliyoobaan. Sida tan jihaadka ee ALBANI raximahullah. Taasina waa midda aad ku liidataan dadkiinnaan salafiga ah oo waxaad ka dhigteen culumadii inaan hadal laga keeni karin warkooda. Iyadoon la nuqsaamineyn darajadoodii yaa haddana islaamku qabaa in la xusuusto qofaan macsuum aheyn inuusan jirin. Tabriigga culumada diinta kama mid ahan. wixiinnu waa tabarruk kassuufiyah. Waxaaba an arkey NIN igu yiraahda gaal baad tahay markaan sidaa kore ku iri.

5- Qilaafka dhex mara mashaayiqda salafiga ah ee ku saleysan xagga dowladaha ee ay isku af dhaafaan illeyn waa bani aadame ku xugmin maayo mid iyaga ka mid ah anigoo eegaya darajada agteyda mid ka mid ah uu ka joogo. Waxaan iga dhadheceynin qofi qof inuu iga xigo khilaaf dartii dhex mara labada qof.


6- Ma oggolaan karo in qof muslima aan diinta ka saaro sida uu yiri imaamka weyn ee IBNU TEYMIYA "KUFR MUCAYYAN YAXTAJU ILAA DALIIL MUCAYYAN" . Taasina waxey meesha ka saartey been abuurka dadka la isaga been abuurto ee keenta in dadkii laga soo saaro dadaan diin heysan. Xukaamtii aan islaamka wax ku xukkumeyn yaa la yiri "Kufrigoodii waa kufr duuna kufrin". War dadkan islaamka ahna ka warran ee dacwada har iyo habeen u taagan wax haka qaldanaadeen haddey doonaan.

Marka walaal arrimahaas sidey kula tahay bal wax uga dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, October 01, 2000 - 11:58 pm
Waaad salaaman tihiin dhamaantiin.

Waa anoo mar labaad ku soo laabtay.

Waxaa MAhad leh Ilaahayga umaadiisa abuuray, cilmiga siiyey,QAAR BADANA MUSLIMIIN KA DHIGAY.Waxaa mahadsan dhamaan dhalinyarada ku dadaashay inay aragitooda dhiibaan iyagoon cidna aflagaadayn oo dhamaantiin ah.

Walaalayaal mid waad kuwada dadaalaysaan oo ah inaad Diinta u gargaartaan ninba siday la noqotay, waana wax aad loogu farxo.

Waa dareen aan qabo, umalaynmaayo dhalinyarada golahan aragtida ka dhiibatay inay ku jiraan kuwo kitaabka iyo Sunada aanay u ahayn ill(ama source ama reference,marjic) --waxay wax ka qaadanayaan labadaas illood.

Waxaa ka mid ah oo ugu waawayn oo ay diinteenu na barayso waxaa ka mid ah inay Diinteenu nagu hogaamiso inay Muslimiintu hogaan u noqdaan nolosha dunida. Dhamaanteena waxaan wada qiraynaa in diinteenu ay koobayso dhinacyada nolosha oo dhan ha noqoto dhaqaale, ganacsi, xiriirka muslimiinta dhexdeeda, xiriirka muslimiinta iyo dadka kale, ganacsiga, caafimaadka, technologiga, iwm. mise waxaa jirta qayb nolosha ka mid ah oo diinteenu faraha ka qaaday???.

Si muslimiintu oo Soomaalidu u horayso ay noloshooda u bedelaan si ay aduunka u hogaamiyaan, ama ugu yaraan wax u qabsadaan, waa in dadka Soomaaliyeed ay la yimaadaan caqli xor ah oo rational ah ee aan ku salaysnayn emotional. Waana aasaaska ugu horeeya ee qof horumar ku gaari karo. Qof aan xor u ahayn dhaqaalihiisa, Diintiisa, aragtiddiisa,dadnimadiisa u malayn maayo inuu noloshiisa xor u yahay meelna ma gaari doono oo adoon buu yahay wax kale ha noqdaan group, QOF, qabiil, material, IWM.Waxaa adoon ah qofka aan xor u ahayn aragtidiisa ee iska raaca aragti kale oo loo yeeriyey isagoon filterayn (shaandhayn).
Waxa koowaad ee qofka xorayn kara waa cilmi iyo dhaqaale. sidaas darteed u malayn maayo dhalinyarada maanta u heegan inay Diinta wax u qabtaan, inay labadaas aasaasi oo wada socda ay wada haystaan(waa aragtidayda).Intaynaan gaarin meel fog nafteena xor ma u nahayna dhaqaale ahaan? cilmigan aan baranayno ama aragtiyadan aan xambaarsanahay siday ku yimaadeen, aragtiyadan kalese maxay ku kala duwan yihiin?. Cilmiga uu qofku baranayo waa in uu keenaa rational thinking and reasoning ee aanu keenin emotional sayings and actions.Cilmigu waa inuu keenaa civilized person ee aanu keenin ...... , cilmigu waa inuu keenaa constructive mentality( wax dhisa) ee aanu keenin destructive mentality (wax dumin). Cilmigu waa inuu qofka u keenaa Identity (who am I, whom I am going to be).

Waxyaabaha koowaad ee aan ku arkay dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah in dadka caqligooda aan looga dhigin ee qofkasta uu rabo inuu khasab kaga dhigo inuu qof kale aragtidiisa ku shubo si dadban ama si aan dadbanayn. Tusaale ahaan, waxaa markii soomaaliya la joogay lagu oran jiray "hebelow, buugaas ha akhrisan, ama masaajidkaas ha aadin, ama kuwaas iska jir, ama sheekhaaas waa sidaas ee la soco, ama kuwaas wadaado ee ha raacin haddii kale adna iyagoo kalad noqon, IWM. Taasi waxay keenaysaa in qofka caqligii uu wax ku kala saari lahaa loo diiday ayna sal ku yeelan karto in qofkaasi fikrad kasta iska qaato waayo waxaa la yidhi kuwaasna wax ka qaadan eee kuwaas kale wax ka qaado. Lamase oran intaad wax barato meeshii cilmigaagu ku geeyo adoo adeegsanaya rational thinking and reasoning ku dhaqaaq ama qaado.


AAN KU DHAMAYSTIRO HADALKAN "WE HAVE TO be OPEN-MINDED AND LEAVE PREJUDICES, AND MAKE ROOM FOR NEW IDEAS, NEW CONCEPTS, NEW TRUTHS,ETC".

WASALAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Monday, October 02, 2000 - 02:04 am
TO: dhamaan dadka halkan wax ku qorey

a/c/w/wabarakatahu
salaan ka bacdi waxaan jeclaan lahaa in aan idin soo xasuusiyo dardarankii uu nabigeena (SWC) ugu dar daraarmey qaar ka mid ah axsaatiisa (RC)oo ahey(ilaahey ka cabsada meel walboo aad toogtaa,xumaatana raciya wanaag way masaxaysaye,dadka aad la nooshahiiina kuna nolaada dabeecad wanaagsan)

Wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhax dhaxaad

Monday, October 02, 2000 - 05:34 am
Salaanta islaamka ka dib, waxaan idin rajeeynaaya caafimaad dheer dhammantiin.

Ku. Walaal Haji anigoo filaayo in ay maanta igu dambeeyso, qeeybtaan oo aan u arko wakhti lumis iyo kala duwanaan caqligeena awgeed. Waalaal waa sidii aan ku sheegay hore, marnaba lagama yaabo in aan tuuro dadka aad sheegeeyso oo magaca wataa. Ka dib markii aan ka arkay wanaag badan ay sameeynaayaan.

Khaladaadka ay galaayaan iyo wanaaga ay sameeynaayan ayaan u arkaa in uu ka badan yahay khaladaad kooda.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaas (wiilal iyo gabdho)ah ayaa wax wada baranaa, iyagoo u nisba sheegto xarako ka mid ah xarakaatka jiraa.

Bal kaalay arag sida ay u fiican tahay akhlaaqdooda, iyo hamiga ay leeyihiin, iyo sida quruxda badan oo Islaamnimada ay u wadaan.

Meelo badan oo wadan keena ka mid ah ayaan ku maqlaa iskuuladaas, dugsiyadaas iyo isbitaaladaas, waxaa furay xizbi hebel, walina ma maqlin dad aan magac wadanin ayaa furay meeshaas.

Marka ma idinkaa fiican oo dadka wax u qabtaa mise iyaga ayaa khaldan?.

Marti iyo anonymous.
Aad ayaan idinku mahad celinaaya sida quruxda badan oo aad u hadasheen iyo indha dheernimada aad wax u tusteen, waa haddii ay jirto wax garad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c.raxmaaan

Monday, October 02, 2000 - 06:58 am
Asalaamu calaykum.
Walaalaha waxaan u soo jeedin lahaa nasteexo ah in Allaah laga baqo,runtii inta halkaan ku kulantaa waa dad ay kala duwan tahay aqoontooda diineed,inta ay soo ahaayeen mustaqiimin dhab ugu dhaqma diinta..iwm.marka waxbadan in aan si loo wada arag baa dhacda.

Hadaba waxaan ku soo khulaaseyn hadalkayga
1.war hooy ka digtoonaada in aad culimada salafka awelen afkiina aad cirdigooda ku wasakhaysan,xakameeyana waxaad qoraysaan.
2.waxaa loo baahan yahay ee allaah CAZA WAJALLA ina faray waa in aan cadaalada iyo insaafka dhawro,waxaana dariiq la maro ugu saxsan kii salafka 100%.
3.waxaa culimadu isku khilaafan waa in loo celiya daliileynka haddii daliil qaadicu dalaala ah uusan jirin waa in qof walba isaga oo xaq doon ah keliya uu qabsada daliilka uu qalbigiisu ku xasilo,walaalkiisa ka kale haysatana uusan ku tacidiyin naftiisa, ciridgiisa iyo maalkiisa.Aysana keenin shayga yar ee laysku khilaafay in tabaaqud iyo uur ximo timaado oo walaalkaa muslima aad xuquuqdiisa dhawrta.
4.magacyada xisbiyada soomaaliya ka jira waxaa salafi ka ah waa ITIXAAD,hase ahaatee itixaadnimo kama weyna magaca islaam waxa muslimnimo iyo hadyiga salafka dariiqooda ahna kuma amri karto kugumana kordhin karto marka magacoow maxaad faa'iideysay.hadii magacu kugu beeray in kii magaca wata aad ka jeclaato ka aan wadan ee salafi ah dariiqi salafkana haysta ogoow magac baad wax kula colaaytami waxna ku xidhiidhin a

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Monday, October 02, 2000 - 08:49 am
assalaamu calaykum
jawaab celin
marka ugu horayso walaalahay anonymous iyo nabadkunool iyo c/raxmaan waad ku mahadsan tihiin sida wanaaga badan aad noo waaniseen iyo sida aragtidiina aan u maleenaayo in uu toosan yahay waxaan idin leeyahay jazzaakumullaahu khayran dhamaantiina.
marka xiga walaalkayga marti walaal waxaan u maleenayaa suu'u tafaahum inay naga dhexdhacday
maxaa yeelay cid ku tiri majiro dadkaas ka hara oo islaamka ayay ka baxeenee ee walaal waxaad la socotaa in qofka haduu ku dhawaaqo shahaadateenka uu muslim yahay hadana walaalkaaga uu yahay qofkaas waad ladukan kartaa waxna waa ka barakartaa ee walaal qofka xakaduu rabo haku jiro laguuma diidin in aad wax ka barato ama in aad la dukato ama aad lasocoto ee waxa aan ka hadleeynay ayaa wuxuu yahay in arintaas oo bidcada ah layska ilaaliyo mida kale walaal qof muslim ah in lagu tilmaamo kufri ama wax lamid ah waad garan kartaa dhibaatada ay leedahay ee arintaas waxaa isticmaala xarakooyinka qaar ka mid ah oo waxay yiraahdaan xaraka fulaan islaamku way ka baxeen ayaguu ku aanaynaaya khalad ka dhaca xarakadaas, hadaba walaal layskuma haysto in ay xarakooyinka wax wayn ay ka geesteen dacwada islaamka ee waxaa laysku haystaa ma jidkii nabiga ayay dacwada ku wadaan mise jid ka khilaafsan hadaba walaal jidka toosan ilaahay hanagu hanuuniyo .
marka xiga walaalkay walaal hadii ay tahay marka kugu danbeeya iyo hadii aad ku jiraysidba anigu waxba igama khuseeyo ee walaal waxaan ku leeyahay muuqaalka sare yaynan ku sirin ee gudaha ayaa wax jira mida kale magacyada aad sheegtay oo waxqabadkooda lagu garanaayo walaal waxa aad qabanayso lama rabo in ay shaac baxaan hadii ilaahay dartiisa ay kaa tahay lakiin hadayn ahayn waxaaan doonto ayaad ka sameen kartaa lakiin camal ilaahay dartiisa loo sameeyo waa inuu ahaadaa mid sir ah oo cidna aynan ogaanin ee walaal aniga kuuma diidin in aad wax ka barato xarakooyinka ama aad lasocoto ama aad lasaaxiibto ee waxaan ku leeyahay jidka ay dacwada ku wadaan ayaa qaldan oo ma aha jidkii nabigeena (scw)uu ku wadi jiray ee maqaldana in cilmiga diinta aad ka barato ma garatay walaal.
intaas iyo nabad galyo
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Monday, October 02, 2000 - 11:48 am
Assalaamu caleykum dhamman.

Walaalaha waad mahadsan tihin dhammaan.

HAJI.

Waddo aan aheyn waddadii salafka oo ku dhisan quraanka iyo sunaha nabiga caleyhi salaam oo lagu kalsoonaan karo ma jirto. Waxaan shaqsi ahaan aniga leeyahay inaan ku dadaalo sidaan u qaadan lahaa wixii xaq ah. Xarakaatka wali aniga intaan ka mid noqdey waxba sidaa ulama wadaagin. Laakiin wax waan ka bartey mid ka mid ah. Muhimmadda waxey tahay dadka inaannu isku wada mid aheyn ee qaar cilmiga ku yar yahay ay halleeyaan ula jeeddada dacwada wanaagsan ee salafiga ah. Marka aniga qof muslimna islaannimadaa inaga dhexeyn doonta, wixii bidca ku saabsanna miizaanka diintaa innaga dhexeyn "Man axdatha fii aamrinaa haadaa maa leysa minhu fahuwa radd" xadiiskii ahaa yaa xukmin wax walba. Camal rasuulka ilaahey scw iyo saxaabadiisa aysan horumar ku gaarin cid kale horumar kuma gaarto. Diintana waa kaamil. Marka ilaa inta la oggol yahay in lagu wada xaajoodo kitaabka iyo sunnada ee aan laga horumarineyn aaraa iyo afkaar qofi leeyahay waxba leysla waayi maayo. Aniga cidaan ka baxo ma leh ama ku biiro. Diinteydaan ka wakiil ahay sidaa daraaddeed ciddii hadba ku saxsan oo aan isleeyahay waa badbaado inaad u gargarto haddaaan awoodo yaan caawin inshallaah anigoon duullaan ku aheyn qof kaloo muslima. Waxan wey iska dhammaan doonaan haddii eebbe idmo oo haddaba wax magac xizbi ku dagaallama wey siiyaraanayaan. Tacassub yaa harey isagana qalbi wanaagsan iyo walaaltinimaa lagu daweeyaa. marka inshallaah dhammanteen aan is cafinno. Ilaahey xaqqa ha inna wada tuso, qalbiga muslimmiintana ilaahey mid qura haka wada dhigo. Waxaan xusuustaa mar calaammadda salaadda iyo sunnada qofka ka muuqata la isku walaaleysto oo la isku tacaanuqo iyadoon wax intaa dhaafsiisan aan la is weydiin jirin. Haddana walaaltinnimadii caddaawad yaa beddeshey iyo in muhimmadda la saarey in qof waliba qofka kale u raddiyo, magac xumo iyo in laga cararona uu raadiyo. Raddinta waa xaq oo diintaa ku dhisan haddey tahay mid daliil wadata oo qofka xujo ku noqota. Marka qofkii wax raddinaayoow soo diyaarso mowduucaaga adigoo marjicana soo xaadirinaaya si dhammaanteen aan ula dagaallano cidii war ka keenta. Intaa wixii ka baxsan waa waqti dhumis. WASSALAAMU CALEYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, October 04, 2000 - 08:06 am
To Marti
walaal aad ayaad u mahad san tahay ee ilaahay xaqqa hanagu wada sugo
mida kale walaalayaal aan iska dhaafno wixii khilaafaad ah ee aan ku dadaalno waxbarasho iyo cibaado.
walaalayaaol maxaad ka qabtaan hadii aan bilaawno aqoon kororsi diineed oo aan kala faa'iidaysano hadii diyaar loo yahay waa inoo furan tahay
mida kale walaalayaal aqoon kororsiga ha ahaado qaabka su'aalaha
su'aalahana qofwalba ayay u furan tahay
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Wednesday, October 04, 2000 - 10:48 am
haji.

Inshallaahu qofkii awood u leh haka hadlo wuxuu yaqaan. adigaana mudan. Qofkii is xilqaama waan taageereynaa oo dadka bara wax wanaagsan. wassalaamu caleykum waraxmatullaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hussain///

Wednesday, October 04, 2000 - 11:35 pm
salaamucalaykum waraxmatullahi wabarakaatuh.
walaalayaal dhammaantiin waad hagaagsantiin
waxa idinka dhex muuqata isfahmi waa markii hore,
mid keliya ayaan idiin bayaaminayaa,
firaqa lagu leeyay wey leexsanyihiin maaha kuwan
aad sheegteen ee ah itixaad,islaax,tabliiq,etc.
dhammaantood waxa ay hoos imanayaan firqatul naajiya,haddaba firqada leexsan ee laynooga digay
waa firaqa ah sida qaadiyaaniyada,isnaa cashariyada,iyo kuwo badan oo kale oo alhamdullilah dhulkeena ku yar,ilaah haynaga nabad geliyee,markaa walaal ilaahay uun ka cabso diintana baro qofka muslim ahna wax ka dhegayso
wax ka baro ama ha noqdo itixaad,ama islaax,ama
ictisaam,ama tabliiq,ama ikhwaan iwm dhammaan way dadaaalayaan ilaah khayr hasiiyee wayna leeyiin khaladaad badan ilaah xaqa ha tusee,qofka muslimka ahi waa walaalkaaa kuwuu doono haraacee magac haku jeclaan diintiisa ku jecloow.
anigu shaqsi ahaan kama mid ihi xarakooyinkaas
midna haddana ma necbi oo waa walaalo muslimiin ah oo dadaalaya igana dadaal badan khaladaadka ay sameeyaana ilaah ayaa kala xisaab tami.
inanta walaashay ah ee ummul caai'sha,walaal ilaah ka cabso yuusuf al qardaawi waa mufti weyn ilaah ha u danbi dhaafee waana mid ka mida culimada waaweyn ee casrigan walaal yaan khalad lagaaga sheegin,xattaa hadduu gef sameeyo waa ibnu aadam,wanaaga badan ee uu leeyay hakuu muuqdo.
walaalkay dhexdhexaad,adigu walaal isdaji dadka halkan joogaa waa walaalo muslimiin ah oo fikrado isweydaarsanaya ha oran masoo noqonayo waanu kuu baahanay haddaad xarako kamid tahay ogow xarakada weyn ee ah islam ayaynu dhammaanteen hoos tagnaa
kuwa aad wax wada dhigataan iyo kuwa shiikh kale wax ka dhigtaa waa walaaladaa,waxoo dhan isku dar
afar qof baynu noqonaynaa marka loo eego dadka aan islaamka fahamsaneyn,bal eeg walaal forumka intaas le'eg ee ay soo galaan kumaankun qof wax afkaar islaamiya is weydaar sanaysaa ma dhamma toban qof haddii tobankiinii qof aad iskala qaadaan waa nasiib darro,jeebka gasho xarakada aad tahay qofkastoo islaama jecloow waxna la wadaag haddaad dhawr arimood isku qilaaftaan waxa badan inta aad iska waafaqsantihiin marka intaas isku raaca.
innamal mu'minuuna ikhwah,
no matter what party u belong to,ur muslim and they are muslims too.
please widen ur horizon.
salaamu alaykum waraxmah .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, October 08, 2000 - 06:32 am
Assalaamu calaykum
walaalayaal waxaan bilaabaynaa aqoon kororsiga diineed
su'aasha ugu horaysa
1-waxaan jeclahay fitnada ?
2-waxaan necbahay xaqqa ?
3-waxaan ka cararayaa naxariista alle ?
4-waan salaadayaa waysaqaad la'aan ?
5-dhulka waxaan ku haystaa wax aan alle ku haysanin samada ?
walaalayaal waa su'aalo marna waa hadal ee maxaa loola jeedaa su'aalahaas iyo micnaha ay xambaarsan tahay.
waxaan u maleenayaa in aan ka kororsan doono aqoon diineed
Wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Sunday, October 08, 2000 - 09:34 pm
HAJI.

Waa su'aalo wanaagsan ee aan dhowrno jawaabaha inshallaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Monday, October 09, 2000 - 09:23 am
to marti
assalaamu calaykum
walaal maxaad ula jeedaa aan dhowrno jawaabaha
waxaa lagaa rabaa hadii aad ka jawaabi kartid in aad ka jawaabto hadii kale aniga ayaan ka jawaabayaa inshaa allaahu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Monday, October 09, 2000 - 10:56 am
assalaamu caleykum.

Walaal diinta waxbaan ka aqaan xikamaddaase la i dheer yahay. Wax waan aqaan wax uma sheegi karo. Intaan fahamsaneyn baa badan. Ardeynimadaa iiga waasacsan iyo inaan dadka walaalaha kale dhegeysto oo si fudud aan weelkeyga u buuxsado. Wixii i anfaca yaan ka qaadan muslimiinta inshallaah. Adigaa ka jawaabi doona inshallaah. Aniga ma aqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Monday, October 09, 2000 - 03:42 pm
asalaamacalaykum saaxiibayaal ama walaalayaal
xaggaan u cararaa haddii dhulkaygii raja beel
yahay oo dad qalo kale soo baxeen,ilaahay waan
ka cabsadaa mar kasta laakin waxaan jeclaanlahaa
in dalkaygii hooyo dib ugu noqdo, hase ahaatee
waxaan ka cabsanayaa dhiigyacabyadii oo soomaaliya
dib u qabsaday, maarkaa walaalkayga muslinka ah
waxaan ka codsanayaa inuu talo keeno sidii laysaga
qaban lahaa tuugadan maalin walba dhaarbeen ah la
soo taagan dadkii iyo dalkiina cunay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Tuesday, October 10, 2000 - 02:51 am
as-salaamu calykum.

walaal C/Qaasim..


waxaan anigoo qofdumara ah iswaydiiyaa hadiyo jeer RAGA iyagoo og inay Diintooda,naftooda,ahalkooda,iyo wadankoodaba ka masuulka yihiin hadana doonaya in isagoo cidkale u salaxday ay dib ugu noqdaan.

xaqiiqadu sidaa maaha waa in aydin hadaad tihiin rag Muslimiina weliba Diintii garanaya oo xaqii fahmaya idinku noqotaan kuwa aan marnaba ka waabanayn inay u guntadaan inay wadankii sidaa uu yahay ugu noqdaan weliba aanay qori iyo dagaal ku bilaabine ay dadka wax baraan kadib marka laquwadaysto ee quwada IIMAANKA ayaa ugu muhiimsane laysku duubmo shakil`aan cilmaaniyiintu way baa`bi`i.
waana in Ducada la badiyaa Ilaahayna latalo saartaa.

waxaanad walaal ogaataa inay wadankii isugu soo hadheen dumar,caruur,xaqa raguna waa cilmaaniyiin naftooda iyo adduunyo qaadatay,qayb yarina waa wadaado inta badan duruuftu hayso oo dagaal lagula jiro IYO UGU DAMBAYNTII RAG DAROOGAYSAN OO QAAD IYO SIGAAR ETC.QAADATAY.


FADHIGA HALAGA KACO OO WADNKII NOO SII HAGAAJIYA.

Anigu 16sano ayaan kasoo maqanahay dumarna waan ahay aanu salaan idiinka dhigano tagista wadankii ee toosa oo fadhiga ka kaca.

wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, October 11, 2000 - 09:25 am
assalaamu calaykum
to walaalahay muslimiinta ah
walaalayaal diyaar ma u tihiin in aan ka jawaabo su'aalaha.
in shaa allaah
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faatima

Wednesday, October 11, 2000 - 10:32 am
asalaamu calaykum.

walaal Haaji,horta magacaaga macnihiisu ma ii sheegi kartaa????

sidaan anigu u aqaano waa qof u kicitimay inuu Xaj soo guto.

Hadaba walaal magac macne ku fadhiya la bax.

Sida... IBRAAHIIM,CABDALLAAH,CABDIRAXMAAN,XAARITH,ABUU DALXA,IWM intaasi waa kaftan iyo anigoo jecel magacyadii la oran jiray kuwuu ALLAAH U NICMEEYEY.ILAAHAY HA INAGA DHIGO(AAMIIN).

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii falaa furdaamiya"
adigaa bilaabay aqoonteedana ,malihine JAWAABAHA SOO DAA.

JAZAAKAL-LAAHU KHAYRAN!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faatima

Wednesday, October 11, 2000 - 10:35 am
asalaamu calaykum.

walaal Haaji,horta magacaaga macnihiisu ma ii sheegi kartaa????

sidaan anigu u aqaano waa qof u kicitimay inuu Xaj soo guto.

Hadaba walaal magac macne ku fadhiya la bax.

Sida... IBRAAHIIM,CABDALLAAH,CABDIRAXMAAN,XAARITH,ABUU DALXA,IWM intaasi waa kaftan iyo anigoo jecel magacyadii la oran jiray kuwuu ALLAAH U NICMEEYEY.ILAAHAY HA INAGA DHIGO(AAMIIN).

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii falaa furdaamiya"
adigaa bilaabay aqoonteedana ,malihine JAWAABAHA SOO DAA.

JAZAAKAL-LAAHU KHAYRAN!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, October 11, 2000 - 07:40 pm
OO halkan wahaabiyada maxaa isku diray. Waxaan filayey inaad kala dhegaysan doontaan isu sheegista sidaad muslimiinta u hagardaamayn lahaydeen. Malaha waxaa idinka buuxa qaar aan fahamsanayn Xashawiyanimada. Waa wahaabiya naaga wadata. Allow na baxso (aamiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Thursday, October 12, 2000 - 09:59 am
assalaamu calaykum
to walaalahay muslimiinta ah
iyo faatima

walaal faatima aad ayaad u mahad san tahay magacayguna micnaheedu waa iska magac ma aha qof xaj gudanaaya kaftankaagana waan kaa aqbalay.

jawaabuhu waa
1- waxaan jeclahay fitnada micnaheedu waa waxaan jeclahay maalka iyo caruurta, taasna waxaa u daliil ah ayaad ku jirta suurada al-tagaabun.
2- waxaan necbahay xaqqa micnaheedu waa waxaan necbahay dhimashada waxaa daliil u ah qowlka nabigeena muxamed (s.c.w) oo ah al-mowtu xaqqun.
3- waxaan ka cararayaa naxariista alle micnaheedu waa waxaan ka cararayaa roobka alle waxaa u daliil u ah aayad alle oo qur'aanka ku jirto.
4- waan salaadayaa waysaqaad la'aan micnaheedu waa salliga nabiga ayaan qaadayaa waysaqaad la'aan, waxaa daliil u ah ayaad alle oo ku jirta suurada al-axzaab.
5- dhulka waxaan ku haystaa wax alle aan samada ku haysanin micnaheedu waa dhulka waxaan ku haysanaa zowj iyo caruur alle ayaa ka hufan waxaas iyo wax lamid ah.

waxaan u maleeynayaa in aad fahanteen hadii fahamkeeda idinku cuslaada igu soo war celiya.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum