We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 03, 2000 - 04:51 am Bismillaah Yaa ii sharxi karo si cilmiyeysan manhajka layidhaa Alashcari iyo aragtidiisa iyo waxyaabaha ay aaminsanyihiin ee u gaarka ah.In lacaayo ama al'amaano dooni maayo waxaan uun rabaa inaan sifiican uga dhargo Madhabtaa iyo aragtideeda. Wuu mahadsanyahay qofkii iga qanciya. Axmed
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 05, 2000 - 08:52 pm To Axmed Waqtiga oo igu yar darteed ma soo wada koobi karo mowduucaan ee iga raali ahoow. Axmadoow; Ash-cariyo waxaa bilaabay nin la oran jiray Abu Xassan Al-Ashcari oo kadanbeeyay Shaafici iyo loodkiisaba. Waxaa waqtigaa jiratay falsafado badan oo ku saabsanayd Alle sifaadkiisa iyo magacyadiisaba oo ay si aad u foolxun u badalaan macnaha sifooyinka Alle. Hadaba Axmadoow ninkaas Abuu xassan wuxuu la yimid arimahaas kkilaafsan kii ay aaminsanaayeen saxaabada a'imadii kaleba. Tusaale hadii aan ku siiyo. Waxaa dhacday in Nabeegana(SCW)uu yiri Alle habeenkast afarta saacadood ee danbe ayuu u soo dagaa samada 1aad isoo leh yaa danbi dhaaf iwaydiista oo aan u danbi dhafaa. Mu'miniintii hore waxay ku fasireen sideeda iyagoo yaqiinsan in Alle oo kaliya ay u qalanto habka soo degi taanka oo uu ka duwan yahay kan makhluuqaadka.Reer ashcari waxay dheheen xadiiskaas iyo kuwo kaleba iyo aaydaquraan ahba waan badalaynaa macnaha sababtoo ah ma dhici karto in Alle soo dago ee waxaa laga wadaa wax kale. Nasiib wanaag Abuu xassan waa ka noqday afkaartaas baadilka ah wuxuuna ka qoray labo kutub. Saaxiibadaa way iska indha tireen kutubtaas waxayna ka qabsatay tii hore. wa bilaahi towfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 06, 2000 - 04:34 am Assalaamu calaykum Aadbaad umahadsantahay walaal. Xarakadu waxay u muuqataa mid dhibban ee allaha soo hanuuniyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 06, 2000 - 04:41 pm To Anonymous Walaal waxaan rabaa inaad noosheegtid labada kitaab oo uu abuu Xassan al ashcari qoray oo uu sheegayo inuu kalaabtay caqiidadii ashaacirada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 08, 2000 - 06:05 pm A/W/WABARAKAATUHU. TO:XAQDOON walaal waxaan rabaa inaan codsigaagii anigu fuliyo walow aanan ahayn ninkaad waydiisay waxaan ugu horayn sheegi doonaa labadaas kitaab,dabadeedna waxaan raacin doonaa labadaas kitaab safaxaadkoodii wax yar oo kamida marka samir yeelo haddii ay yara dheeraadaan. 1)AL-IBAANAH CAN USUULI DIYAANAH 2)MAQAALAATUL ISLAAMIYIIN.... WALAAL marka ugu horaysa waxaad ogaataa marka laga hadlaayo sifaadka allaah waxay qayb ka tahay marka laga hadlaayo allaah daatadiisa oo waxaad ogaataa marka la sugayo illaahay daatadiisa waxaa la cadaynayaa allaah inuu jiro,ee maahan in daatada allaah la sawiranayo,taasi macnaheeda waxaa lamida marka allaah sifaadkiisa laga hadlayo waxaa la sugayaa waa in allaah uu leeyahay sifaad uu isagu isku sifeeyay rasuulkiisuna ku sifeeyay,ee maahan macnuhu in la taxdiidinayo ama la takyiifinayo[muhiim weeye intaanu] WUXUU YIRI abu xasan al-ashcari(dhintay 324h) kitaabkiisa al-ibaanah safxada 182 haddii uu yiraahdo qofi waad diideen hadalkii muctasilada[muctasiladu waa firqo ka mida firqooyinkii sifaadka alle diiday waliba dhamaan muctasiladu way diideen sifaadka alle,waxayna yiraahdaan muctasiladu iyo culimada qaarkeedba mad-habka ashaaciradu waa ka liitaa ictisaalka maxaa yeelay muctasiladu iyaga dariiqooda waa la gartay oo waa diideen sifaadkii alle,laakiin ashaaciradu waxay ogolyihiin 7sifo oo kaliya,markii la waydiiyay sababta ay ku diideen inta kalana waxay yiraahdeen caqligaa keenaya,allana waan nasahaynaa)iyo qadariyada waa firqo iyaguna yiri qadar ma jiro ee alla wuxuu ogaadaa wuxu markay dhacaan kadib,iyo jahmiyada iyaguna sifaadka alle waydiideen waxayna yiraahdeen qu'aarku waa makhluuq,iyo khawaarijta kuwaanuna waxay gaalaysiiyeen saxaabadii nebiga,iyo raafidada iyo murji'ada waa kuwo yiri iyaguna dadku waa qasbanyahay oo qofkasta gaal iyo muslim meesha uu maro allaa ku qasbay,waxaa lagu yiri intaas hadaad khilaafteen abii xasanow noo cadeeya caqiidadiina wuxuu yiri qowlkeena aan leenahay iyo diinteena aan ka diin dhiganaynaa waxaa weeye in laqabsado kitaabka alle iyo sunadii nebigeena iyo wixii laga weriyay saxaabadii iyo taabiciyiinta arintaas iyada ayaanu haysanaa iyo wixii uu ku sugnaa abu cabdullaah axmed ibn muxamed ibn xanbal illaahay wejigiisa hanuuriyee darajadiisana kor ha uqaadee ajarkiisana ha badiyee ayaanu leenahay wixii khilaafana waanu khilaafaynaa maxaa yeelay waa imaam faadil ah waana ra'iis kaamil ah uu allaah ku cadeeyay sababtiisa xaqqa(wuxuu ishaarayaa arintii ku saabsanayd khalqu qur'aan ee lagu dhibaateeyay sheekha isaguna uu diiday oo yiri qur'aanku waa kalaamkii alle ee maahan makhluuq) ee allaah uu sababtiisa ku qaaday dalaalka uuna ku cadeeyay manhajka kuna burburiyay bidcada mubtadiciinta iyo kuwa dhunsan lumintooda iyo kuwa shakisan shakigooda....... WAXAAN RABAA HADDA BAL INAAN SOO NAQLIYO KALAAMKIISII OO AF CARABI AH wuxuu yiri[wajumlatu qowlinaa inaa nuqiru billaah wamalaa'ikatihi wa..wa..w.. wuu sii waday hadalka ilaa uu yiri WA'ANNALLAAHA MUSTAWIN CALAA CARSHIHI KAMAA QAALA[ARRAXMAANU CALALCARSHI ISTAWAA]WA'ANNA LLAHA WAJHAN KAMAA QAALA [WAYABQAA WAJHU RABIKA DULJALAALI WAL'IKRAAM]WA'ANNA LAHA YADAYNI BILAA KAYF KAMAA QAALA [KHALAQTU BIYADEYA]WAKAMAA QAALA[BAL YADAAHU MABSUUDHATAANI]...ilaa aakhiru kalaamihi. waa hadal dheer laakiin intaas aan ku daayo wuxuu kaloo yiri kitaabkiisa kale ee maqaalaatul islaamiyiin markuu soo sheegay sifaadka alle ee uu u sugay sidii uu ugu sugay kitaabkiisii hore ee ibaanah wuxuu yiri markii uu sheegay qawlkii asxaabul xadiith iyo ahlu sunah ee ku wajahan usuulu ictiqaad,wuxuu yiri [WABIKULI MAA DAKARNAA MINQAWLIHIM NAQUUL,WA'ILAYHI NAD-HAB,WAMAA TAWFIIQUNAA ILLAA BILLAAH, WAHUWA XASBUNAA WANICMAL WAKIIL, WABIHI NASTACIINU,WACALAYHI NATAWAKAL,WA'ILAYHILMASIIR. INTAAS KADIB WAXAA NOO RAACI DOONA RAGII UGU WAAWEYNAA EE MAD-HABKA ASHAACIRADA IYO DHAMAAN RAGII FALSAFADA GALAY EE TA'WIILIYAY SIFAADKA ALLE GABAGADII SIDII UU ALLAAH UGA MANAYSTAY HANUUNKIISA OO AY UGA NOQDEEN AFKAARIHII KALE UGUNA SOO NOQDEEN MAD-HABKII AHLU SUNNAHA,WAXAANA KA MIDA RAGAAS: 1}AL IMAAMU QAADI ABU BAKAR BAAQILAANI[DHINTAY 402H] 2)CALAAMAH ABU MUXAMED CABDULLAAHI BN YUSUF ALJUWEYNI(DHINTAY 438H)WAXAANAN SOO QORI DOONAA INSHA ALLAAH HADAL UU LEEYAHAY SHEEKANI OO UU KAGA HADLAYO SABABTA KEENTAY ASAL AHAANBA IN LA TA'WIILIYO SIFAADKA ALLE IYO SABABTII KU BIXISAY RAGAAS INAY TA'WIIL LA YIMAADAAN 3)CALAAMAH IMAAMUL XARAMAYN ABUL MUCAALI ALJUWAYNI(DHINTAY 478H)WAA SHEEKHA HORE WIILKIISII WAXAYNA KU SIFEEYEEN RAG BADANI INUU YAHAY SHEEKHANI NINKII UGU HOREEYAY EE AWILAY SIFAADKA ALLE 4)WAXAYNA SHEEGEEN CULIMADA QAARKEED `IN ABAA XAAMUD ALQASAALI OO AHAA RAGII FALSADA IYO TA'WIILKA KU CAANKA AHAA AHAANA ARDAYGII IMAMUL XARAMEYN ABUL MUCAALI[DHINTAY 505H]INUU USOO NOQDAY MANHAJKII SALAFKA UUNA ISKA TUURAY MANAAHIJTII FALSAFADA IYO MASAALIKTII KALAAMKA UUNA KU RAALI NOQDAY FIKRADII SALAFKA SHARCAN WA MINHAAJAN 5)IMAAMU SHAHRASTAANI[DHINTAY548H) 6)IMAAMU FAKHRUDIINU RAASI[DHINTAY 606H). KULAN DAMBE INSHA ALLAAH
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 08, 2000 - 06:30 pm ISTIDRAAK: WAXAAN IRI MARKAAN KA HADLAAYAY SHEEKH IMAAMUL XARAMEYN ABUL MUCAALI WAA NINKII UGU HOREEYAY EE TA'WIILIYAY SIFAADKA ALLE HADDABA WAXAY KU QAYDANTAHAY AHLU SUNNAHA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 04:51 am To dhaalibul cilmi walaal horta suaashaydii sifiican ugama aadan jawaabin waxay ahayd suaashaydu mawaxaad aragteen imam Xassan AL Ashcari kutub uu qoray oo odhanayo waa kabaxay caqiidadii ashaacirada mana ka hadlayo wax laga qoray sababtoo ah qof casta wuxuurabo buuqori karaa waxaa kaloo jira imamku wuxuu kasoo baxay oo katoobad keenay waxay ahayd muctazilo caqiidada ashaaciraduna ma aaminsana todobo sifo kaliya ee waxay aaminsanyihiin sifo kasta oo kamaal ah in ILAAHAY(SW)loo nisbeeyo sifo kasta oo nuqsaana na in ILAAHAY(SW)kanasahan yahay midakale waqtigii saxaabada iyo taabiciinta fidno majirir laakiin waqtigii IMAM XASSAN AL-ASHCARI waxaa jiray muctazilo iyo falsafo dadkii muslimiinta ahaana waa la khalkhalgaliyay sidaas darteed baa waxaa lamahuraan noqotay in kutub laga qoro.aayadaha QUR-AAN ka qaarkoodna latawiiliyo sida WAYABQAA WAHU RABIKA THULJALAALI WAL-IKAAM aydaan sidaytahay looma qaadan karo sababtoo ah micneheedu waxaa weeye WAXAA BAAQI NOQONAAYA ILAAHAY WAJIGIISA marka hadii aan latawiilin waxay noqonaysaa ILAAHAY WAJIGIISA MAHANE INTIISA KALE BAAQI MANOQONAYSO sidaas darteed waxay culumadu u tawiiliyeen ayadaan ILAAHAY SUBXAANAHU WATACAALAA BAA BAAQI NOQONAAYA WALAAHU ACLAMU
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 04:00 pm To Xaqdoon. Walaal iga raali ahow waqtiga ayaa igu yar oo habeenkii xili danbe ayaan imaadaa guriga mana aanan furin boggaan. Khayr alaha siiyee daalibul cilmi ayaa kaaga jawaabay labadaas kutub. kadibna waxaad tiri waxaan rabaa kutub uu qoray abuu xassan ee marabo kuwo laga qoray. Jawaabta su'aashan waa HAA isaga ayaa qoray ee looma qorin waxaa kale oo faah faahin dheeraad ah aad ka heli kartaa kitaam Xaadil arwaax.... ee Ibnul-Qayim muqadamadiisa. Su'aashaadii labaad inuu kanoqday falsafadaas, waxaan kaa oran lahaa hadii aad carabiga ku fii cantahay kutubtasna aad daalacato waad arkaysaa inuu ka noqday waxayna u cadahay sida Qoraxda oo kale. Arinta ta;wiilka halkaan waa adagtahay inaan kaga hadlo ta'wiilka iyo qaybihiisa waxa ay culimadu ka dheheen, laakiin hadii ay dhab kaatahay xaqdoonimadu kutubta dhexgal. Alle xaqa ha nawaafajiyo. Aamiin. waa walaalkaa abu salman. Jazaakallaah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 04:05 pm To Dalibul cilmi. Assalaamu calaykum waraxmatullaah. Waxaan karkaa inaad Sheekh tahay ee khayrka iyo dacwadii Nabi muxamed ku dadaal oo faafi Alle ha kuu danbi dhaafo cilmigaagana ha siyaaydiyo naaficna ka dhigo. Waxaan horay u isticmaalay Anonymous, laakiin waxaan ahay abu salman. Billaahi towfiiq wasalaamu calaykun.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 05:59 pm asalaamu calaykum..... Waxaan fahmaayaa iney wahaabiyo iska jiibineyso hadalka marka laga reebo Akha la yiraahdo Xaqdoon. Ta'wiilinta quraanka meelo ayey daruuri ku tahay oo waxaan ta'wiil aheynba uu aqbali karin. Rabigeen ayaa cadeeyay, qofkii u baahan ha aqriyo: "MINHU AAYAATUN MUXKAMAATUN..." raacraaca iyo dabagalka macaanida aayaatka aqbali kara macaanida badan waxey ka mid tahay tilmaamaha nifaaqa. Ashaaciro, waxaa ka soo baxday culumadii islaamka, ragga aad kutubadooda aqrisataan, fadlan luqluqdoo astaqfirullaahi dhaha, afkiinana culumada ka ilaashada. Waxey ashaacira u dhalatay in ay la dagaalanto falsafado kalaami ahaa oo bedeli rabay fasirka iimaaniyaatka, sida WAHAABIYA ay ugu dhalatay in ay la dirirto waxyaabo dadka ku hogaamin jiray shirkiga in the era of Sh. Muxamed Ibnu C/wahaab (raximahullaah). slmu.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 04:46 am walaalayaal labadaan kutub imam Xassan Al-ashcari waa leeyahay laakiin nasiibdaro dad baabadalay oo inta kitaabkii u tageen bay waxay rabaana kudareen waxay rabaana kagooyeen taasina waakhiyaano ay khiyaaneen dadka waxaan haynaa kutubtaas imam Xassan al ashcari Raximahulaah oo originaal ah marka iskajira walaalayaal kutubta ay qoraan maxamad c/ wahaab iyo waxii raacsan iyo dawlada sucuudiga sababtoo dad la aamini karo maaha saxiix bukhaari bay inta utageen bay dheheen xadiith kaana waadaciif kana waa moduuc waxay u bogi waayaan oo kahadlaaya tasawuf ama siyaaro waxay sidaas ku sameeyeen kitaabka layiraahdo adkaar oo imam nawawi rxl leyahay waxay kagooyeen meelkasta oo uu kahadlay tawasul siyaaro iyo waxkasta oo aysan ogolaayn bidcadu kamana maarmaan imamyada fuufiyada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 11, 2000 - 10:50 pm To muslim Adigu noo sheeg kuwa aan labadalin ee uu sheekhu qoray waabad ducaysantahay, car... halagaa helo hadaysan kaa ahayn waa kacaan diid oo kale. Tan labaad anagu sucuudiyiin ma nihin ee soomaali baan nahay waligayna sucuudi ma arag. ee raaca xaqa shiikhu(abuu xasan) doortay ama iska aamusa dadka ha fasahaadinine waxay dadku haystaan caqiitadii shiikh Shaafici iyo taabiciintii iyo saxaabadii. adinkaa difaacaya caqiido aan shiiklh lahayn.hadiise la qadaro in abuu xassan uusan ka laaban kuwaas hore ayaa ka fadli badan kana caansan kana horeeyahay nabigeenuna noo cadliyeeyah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 14, 2000 - 06:43 am To abu salman kutubta caafimaadka qabta oo aan labadalin waxaa kamida kitaabka layiraa AL IBAANAH oo uu leeyahay imam xassan al-ashcari waxaana taxriijiyay Dr. fawqiya laakiin IBAANAHA uu qoraalkiisa kasoo qaatay dhaalibul cilmi waa mid wixii larabyna lagu daray wixii larabayna laga gooyay marka walaalayaal ILAAHAY kacabsada xaqana raadsha dadka kutub sheekhyaal muslimiinah ayqoreen badalaya oo been kasheegaya dad ILAAHAY kacabsanaya maaha ee yaanan raacin wasalaam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 14, 2000 - 04:33 pm A/C/W/WABARAKAATUHU. ugu horayn allaah ayaad mahad iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina nebigiisii suubanaa dushiisa ha ahaato. WABACDU,SIDAAD la socotaan walaalayaal beentu inooma banaana,mana wanaagsana in allaah cabsidiisa inta lays amro hadana qofkii amrayay uusan asagu allaah ka baqin,maxaa yeelay horay ayaa sheekh u yiri CAJABTU LISHAYKHIN YA'MURU NAASA BITUQAA WAMAA RAAQABA RAXMAANA YOWMAN WAMAA TAQAA hadaba waa lagama maarmaan in qofka muslimka ah kadibna culimada muslimiinta ka mid ah aan lagu been abuuran,waxaadna ogaataan soomaalida ayaa ku andacoota kitaab ayaa waxlaga badalay iyo waxlagu daray,taasina waxay salka ku haysaa cibaaradoodii ahayd BOQOL,AFAR IYO TOBANKA AYAAN AQAAN WAXAA KU FILAN YAA KAA AQRISANAAYA,taasina waxay ku tusinaysaa dadka qaarki jaxdigu meeshuu gaarsiiyay hadaan usoo noqdo mawduuceenii hore waa hadalkii caalimkii weynaa ABU MUXAMED CABDULLAAHI BN YUUSUF ALJUWAYNI(waalidu imamul xarameyn)dhintay 438h,waa risaaladii uu ugu nasteexaynayay sida uu isaguba sheegi doono ragii ay aqraanta ahaayeen gaar ahaan fuqahaa'ul ashcariyah ashaaficiyiin waana garanayaan sheekhani makaanka uu ka joogo ashaacirada iyo aakhiru xayaatihi ka hor inuu ahaa ragii mad-habka(acni ashaacirah)wax laga waydiin jiray,wuxuuna risaaladiisa ugu magac daray [ITHBAATUL ISTIWAA'I WALFOWQIYAH]waxaanan idin xasuusin lahaa hadalka sheekha ka hor,qofkastaahi inuu ogaado in marka allaah la xuso in uusan qofna suuraysan karin allaah daatadiisa sababtuna waxay tahay insaanku arintaas inuu gaaro waa laga caajis galiyay oo maba awoodo,sidaas daraadeed sifaadka alle farac ayay ka yihiin daatadiisa hadaba sida looga cajis galiyay daatadii ayaa sifaadkiina looga caajis galiyay(marna yaysan maskaxdaada ka maqnaanin taasu)hadaan usoo noqdo hadalkii sheekha wuxuu yiri risaaladiisaas [qaybta hore safxada 174-188}WABACDU fahadihi nasiixatun katabtuhaa ilaa ikhwaanii fillaah ahla sidqi wasafaa'i wal ikhlaasi walwafaa'i lamaa tacayyana calayya min maxabatihimfillaah,WANASIIXATIHIM FII SIFAATILLAAHI,....... hadalkii ayuu siiwaday ilaa uu sheegay xadiithkii naseexada ilaa uu soo garay isagaa iska bilaabay xaaladiisii ayuu ka sheekaynayaa,wuxu yiri ANNANII kuntu burhatan fi dahri MUTAXAYIRAN fii thalaathi masaa'il: MAS'ALATI SIFAATI,WAMAS'ALATI FOWQIYAH(yacni inuu allaah makhluuqaadkiisa ka sareeyo)WAMAS'ALATIL XARFI WASOWT FILQUR'AANIL MAJIID,wakuntu mutaxayiran fil aqwaalil mukhtalifati almawjuudati fii kutubi ahlil casri fii jamiici daalika min ta'wiili sifaati wataxriifihaa aw imraarihaa walwaquufi fiihaa,aw ITHBAATIHAA BILAA TA'WIILIN, WALAA TACDHIILIN,WALAA TASHBIIHIN,WALAA TAMTHIILIN. FA'AJIDU nusuusa fii kitaabillaahi,wasunati rasuulihi s.c.w naadhiqatan munbi'atan bixaqaa'iqi hadihi sifaat,WAKADAALIKA FII ITHBAATIL CULUWI WALFOWQIYAH,wakadaalika filxarfi wasowt. THUMA ajidu almuta'akhiriina minal mutakalimiin fii kutubihim,minhum man yu'awilu AL-ISTIWAA'A BILQAHRI WAL-ISTIILAA'A WAYU'AWILU NUZUULA BINUZUULIL AMRI WAYU'AWILUL YADAYNI BILQUDRATAYNI,AWI NICMATAYNI.......TA'WIILAADKOOD- II AYUU sii waday ilaa uu soo gaaray WAMIMMAN dahaba ilaa hadihil aqwaal aw bacdihaa qowmun lahum fii sadrii manzilatun mithla dhaa'ifatun MINFUQAHAA'IL ASHCARIYAH ASHAAFICIYIIN li'annii mad-haba shaafici radiyallaahu canhu caraftu faraa'ida diinii wa'axkaamihi,fa'ajidu mithla haa'ulaa'ishuyuukhi ajilahi yad-habuuna ilaa mithla hadihil aqwaal,WAHUM SHUYUUKHII waliya fiihim ictiqaadun taamin lifadlihim wacilmihim,thuma innanii maca daalika ajidu fii qalbii minhadihi ta'wiilaat XAZAAZAATIN LAAYADHMA'INNU QALBII ILAYHAA,WA'AJIDUL KADARA WADULMATA MINHAA,WA'AJIDU DAYQA SADRI WACADAMI INSHIRAAXIHI MAQRUUNAN BIHI,FAKUNTU KALMUTAXAYIRI ALMADHRUUBI FII TAXAYURIHI,ALMUTAMIMILI MINQALBIHI FII TAQALUBIHI WATAQAYURIHI. MUHIIMADII HADALKU WAA DHIMANTAHAY
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 14, 2000 - 07:26 pm To muslim assalaamu calaykum. Walaal ii sheeg waxa ay ku kala duwan yihiin laba kutub(acnii) kan aad sheegtay iyo kan daalibulcilmi sheegay mase akhrisay hadaadse akhrisay ma waysay in uu ka noqday fikradas waxaan kaa sugaa waa jawaab. To Daalibul cilmi Akhii ha ka caajisin in aad difaacdo sunadii Nabigeena(SCW) waana waa jib ku saaran. Baarakalaahu fiika
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 14, 2000 - 07:43 pm KU: Musim xaq doon iyo dhamaan raga halkan isugu yimid. anigu waxaan ka mid ahay ragga akhrista bogan si aadana u raba inuu diinta islaamka u barto. Laakin waxaa caqabad igu noqotay oo aan marar badan is waydiiyey maxaa kitaabada qaarkood loo bedelay. Markii aan raadiyey sababta loo bedelayna waa garan waayey. Tusaale ahaan kitaabka la yiraa riyaalu saalixiin ee uu leeyahay imaamka afarta madhaba laga yaqaanno ee imam nawawi ayaan arkay iyadoo laga bedelay waxyaabo badan. Marka su'aashaydu waxay tahay kitaabadu ma sidii baybalkaa oo ninkii raba waxna ka bedelaa kii rabaana waa ku daraa. miyaanay jirin xaq uu diinku leeyahay iyo mid uu qoraagu leeyahay, hadiise la bedelay maxaa magaca loog bedeli waayey?.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 15, 2000 - 12:05 pm walaalayaal sidaan hora ugu sheegayba kitaabka aan labadalin oo IBAANAHA ah waxaa taxriijisay Dr fawqiya sanadkii 1977 dii daarul ansaar oo ku taal wadanka masar waana midka kaliya oo nabad qaba oo aan ognahay kuwa kale waxay ku qoreen wahaabiyadu caqiida dooda sidoo kale imam nawawi oo ah ashcari iyo suufiba waxay badaleen kutubtiisa in badan waxaa kamida kitaabka layiraa ADKAAR oo uu taxriijiyay ninka layiraa cabdul-qaadir arna-uu. oo wahaabiga ah wuxuu badalay BAABU SIYAARATUL QABRI NABIYI (SCW)wuxuuna kadhigay BAABU SIYAARATUL MASJIDI NABIYI(SCW) wuxuu kaloo ka gooyay baydadkii cutbi ninkii acraabiga ahaa oo nabiga(SCW)qarigiisa inta yimid ku tawasulay. marka waxaa ILAAHAY mahadiisa in aan hayno ADKAAR aan waxba lagu darin waxna laga gooyn oo aan nalagu qaldi karin. qofkii xaqa rabana ILAAHAY waa hanuunin.qofkii xizbiga uu ku jiro waxkasta kadoortana asagaa isku shuqule. koleey anagu meeshaan muran uma aanan imaan walaal cilmidoon waad mahadsantahay ILAAHAY ciduu doono buu xaqa tusiyaa ALXAMDU LILAAHI RABIL CAALAMIIN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 15, 2000 - 03:44 pm to:cilmidoon walaal hadaad cilmidoon tahay ha galin waxaadan cilmi u lahayn,taas waxaan ula jeedaa waxaad ku andacoonaysaa kutubaa labadalay,mana aanaan arkin kutub labadalay,ee waxaad tiraahdaa AXAADIITHTII uu nawawi ku qoray kitaabkiisa xoogaa ka mida ayaa lacileeyay,waana laga saaray,hadaad u baahantahay cilooyinkaas lasheegayo waxay yihiin iyo noocyadooda waxaad akhrisaa kitaabkii uu qoray IMAMU NAWAWI laftigiisu oo ka hadlaysa arintaas waana [TAQRIIBU NAWAWI]waxaase aad loo heli karaa sharaxiisa oo uu leeyahay JALAALUDIINU SUYUUDHI oo uu u bixiyay[TADRIIBU RAAWI FII SHARXI TAQRIIBU NAWAWI]waxaanan walaal kaala talinayaa inaadan gelin waxaadan cilmi ulahayn ileen horaa loo yiri MANDAKHALA BIGHEYRI FANIHI ATAA BILCAJAA'IB.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 15, 2000 - 06:32 pm UGU HORAYN ALLAAH BAA MAHAD LEH. marka xigta waxaan u mahad celinayaa dhamaan dadka aqrisanaya boggan maca ikhlaasin,gaar ahaan walaalkay ABU SALMAN walaal waad ku mahadsantahay dhiirigalintaada,waana[JUHDIL MUQILI]. HADAAN usoo noqdo qaybtii ka harsanayd caalimkii hadalkiisii waa ABU MUXAMED CABDULLAAHI BN YUSUF ALJUWEYNI,qaybtaanse waan afsoomaaliyaynayaa insha-allaah,waa risaaladiisii ITHBAATUL ISTIWAA'I WALFOWQIYAH safxada174-187,waxayna ku dhexjirtaa kitaabka labada majalad ah ee MAJMUUCATU RASAA'ILU MUNIIRIYAH,WAANA risaalada ugu horaysa waa sii waday oo yiri(waxaanan ka baqi jiray inaan idlaaqo sugitaanka SARAYNTA ALLE UU KASAREEYO MAKHLUUQAADKIISA,IYO SOODEGITAANKA ALLE UU USOO DAGO SAMAA'U DUNYAA(sidii uu nebigu s.c.w sheegay,cid garankarta ama suuraysan kartaana ma jirto allaah uun baa yaqaan waase nuzuul allaah u cuntama,ayna waajib tahay inaan rumayno)ANIGOO KA BAQAYA ALXASRI WATASHBIIH,WAMACA DAALIKA,MARKII AAN EEGO NUSUUSTA kusoo aroortay kitaabka allaah iyo sunadii nebigiisa s.c.w waxaan helayaa nusuus tusinaysa arintaas xaqiiqadeeda,waxaanan kaloo arkayaa rasuulku s.c.w inuu cadeeyay isagoo ka waramaya rabigiisa kuna sifaynaya sifaadkaas,waxaanan si qasab ah ku ogahay in nebiga s.c.w majliskiisa ay soo xaadiri jireen(ileen waa masaajidkii iyo meelkasta oo nebigu s.c.w joogo wuxuuna ahaa rasuulku s.c.w macalinkii umada)shariif,caalim,jaahil,daki,baliid acraabi,jaafi(wuxuu ulajeedaa qofkasta mid wax yaqaan iyo mid aan wax aqooninba inay dhagaysan jireen nebiga s.c.w)thuma laa'ajidu shay'an yacqubu tilka nusuusa alatii kaana yasifu rabbahu bihaa laa nasan walaa daahiran mimaa yasrifuhaa can xaqaa'iqihaa,wayu'awiluhaa kamaa ta'awwalahaa haa'ulaa'i mashaayikhii alfuqahaa'i almutakalimuuna,mithla ta'wiilihim al'istiila'a bil'istiwaa'i,wanusuulal amri lilnusuuli,waghayri daalika,kamana helin nebiga s.c.w inuu dadka uga digi jiray inay rumeeyaan hadalka uu ku hadlaayo daahirkiisa,fii sifatihi ladayhi minal fowqiyati walyadayni waghayrihimaa,lagamana soo guurin rasuulka s.c.w maqaalo ku tusinaysa in sifooyinkaan iyaga ahi inay leeyihiin macaani kale oo baadhina ah(qarsoon)oo ka duwan macaanida daahirka ah. thuma qaala,waladii sharaxallaahu sadrii fii xaali haa'ulaa'i shuyuukh aladiina awwalul istiwaa'a bil'istiilaa'i,wanuzuula binuzuulil amri, walyadayni binicmatayn wal qudratayn huwa cilmii bi'annahum maa fahimuu fii sifaati rabi tacaalaa illaa maa yaliiqu bilmakhluuqiin,famaa fahimuu canillaahi istiwaa'a yaliiqu bihi,walaa nuzuulan yaliiqu bihi,walaa yadayni taliiqu bicadamatihi bilaa takyiifin walaa tashbiihin,falidaalika xarraful kalima can mawaadicihi,wacadaluu maa wasafallaahu tacaalaa nafsahu bihi. WAXAA KU XIGI DOONA XIWAARKA UU SHEEKHANI LA GALAYO RAGAAS ISAGOO SI WAAFI AH UGA SHAAFINAYA MAS'ALADA KU SAABSAN SIFAADKA ALLAAH. KULAN DAMBE ISHA-ALLAAH
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 15, 2000 - 10:54 pm to Daalibul cilmi assalaamu calaykum Walaal waxaan kaa rabaa in noo sheegto mesha aad joogto hadii ay suurto gal ka tahay agtaada To Cilmi doon Walaal waxaa kuu jawaabay akhaas iga horeeyay waxaan in aan kuu waadixiyo kitaabkaas la badalay ee aad sheegtay iyo kuwa kale oo aadan sheeginba. insha'allaah dib ayan kaaga soo qore doonaa. to dhamaan walaalaha aan isku baranay boggaan walaalayaal labo bari ayaan idinka maqnaandoonaa in sha allah sababtuna aniga oo xoogaa xanuusanaya kadib markii gaarigii aan watay shil ku galay caawa. Alle wax wayn ima gaarsiin. mahadana isga ayaa iska leh.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 04:53 am walaalayaal waxaan idiinka digayaa dadkaan wahaabiyada ah oo aad aragteen siday ubadalayaan kutubta mashaaikhda oo u khiyaanayaan dadka. soomaaliya markay soo gaartay wahaabiyadu waxay dheheen dadkii horoodhan waagaalo marka dadkii ayaga raacay kutubtii mashaaikhda suufiyaalku qoreenna waa u badaleen oo waxay kagooyeen meelkasta oo kahadlaysay tasawuf ama siyaaro ama waxay dheheen shiikhaan wakasoo laabtay suufinimadii ama ashcarinimadii ileen kama maarmaan mashaaikhdii suufiyadee marka xagee xaq ku arkayaa qokii raaca wahaabiyada ileen qol bayku xirteen makay dheheen culumadii soomaalida oo hore waagaalo kutubtiina u badaleen aayadihii kusoo dagay gaalada bay wahaabiyadu u soo daliliyaan muslimiinta sida aayada micneheedu udhawyahay(U CAABUDI MAYNO(SANAMYADA)IN AAN ILAAHAY UGU DHAWAANO MAAHANE WAXKALE) marka looma soo daliilin karo aayadaas dad muslima waxaa laga hadlayaa gaalo caabudaysa sanamyo qof mulimana ilaahay qayrkiis macaabudo hadii nabiga(csw)lagu tawasulo ama sheekh lasiyaarto na maaha caabud lacaabuday ilaahay qayrkiis
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 05:55 am asalaamu calaykum... to:MUSLIM.. Walaal marke ugu haraysa anigoon bogaan horay wax ugu qori jirin..hadana waxaa jeclaystay in aan wax khayr kuu ah adiga kuu sheego... walaal marka ugu horaysa bal kantarool qoraalka aad qoraysid yeysan kaa noqon difaac cid..taas waxaan ula jeedaa hadalkii aad tiri...wahaabiyadu waxay yiraahdeen dadkii hore oo dhan waa gaalo..walaal xagaad ku aragtay cid hadalka in taas le'eg ku hadashay yeyse yihiin cida somali gaalaysiisay ..miyaadan ogeyn hadalkaas hadii uusan jirin in aad khatar ku sugan tahay adigu..ka cabso alaah oo is ilaali..walaal waxaan doonayaa in aan su'aalo ku weydiiyo..horta wahaabiyada hadalkaas tiri xageebey ka joogaan somaliya?....maxaase la yiraahdaa wahaabiyo...xageese ka yimaadeen.. waxaan rajaynayaa in aad si fiican u soo hadashid.. abu-cumayr
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 10:29 am To abu cumayr walaal hadaadan arkin wahaabiyada oo oranaysa dadkii hore oo soomaalida ahaa waa gaalo anagaa aragnay waxayna dhahaan qabuuro bay caabudi jireen ilaahay kasokoow sheekhyaal bay baryi jireen iyo hadalo lamida marka sidaas daraadeed qofkii raba inuu wahaabi noqdo waa inuu tawxiid cusub layimaado sababtoo ah markii hore gaalbuu ahaa hadaan kaaga jawaabo magaca wahaabiyada. wahaabiyo waxaa loo yaqaan dadka u nisba sheegta maxamad c/wahaab walaal waxaad tiri"qoraalka aad qoraysid yeysan kaa noqon difaac cid"qoraalka aan qorayo waxaan ku difaacayaa imam xassan al-ashcari raximahulaah oo halkaan niman ayku qoreen ashaacirada waaka laabtay inta soo qoreen kutub ay wahaabiyadu badashay oo ay ku qoreen waxay rabeen not wixii uu imamku ku qoray kitaabkiisa waxaana uga digayaa dadka muslimiinta ah inaysan rumaysan beentaas ileen qofna isdhihi maayo kitaab sheekh leeyahay baa dad muslim ah oo ilaahay kacabsanaaya badalayaan oo dhahayaan sheekhii baa saas yiri wasalaam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 04:59 pm asalaamu calaykum.. TO: MUSLIM... walaal weli ma aadan cadayn hadalkaaga...waxa aad sheegaysidna waa wax aan jirin..walaal ale ka sokow cidii cid kale wax ka barida ama talo saarata cidaas xukun keedu muxuu noqonayaa...ulama jeedo fulaan bi caynih..qof gaar ah ulama jeedo adigaan ku weydiinayaa alle ka sokow cida cidkale kaalmaysata..xukun keeda waadixi..hadaba kala saar sheyga in xukunkiisa la sheego iyo in cid gaalnimo lagu tilmaamo... walaal imaam xasan al-ashcari..waxaa difaaci kara qof manhajkiisa ku socda ee cid walba ma difaaci karto..waana la yaqaanaa manhajkiisa amaba caqiidadiisu sida ay ahayd... walaal maxed c/wahaab wuxuu ahaa shiikh ka mid ah skuyuukhdii islaamka waxana uu aaminsanaa waxay aamin snyihiin aimadeena sida shaafici,abu-xaniifa,axmed iy maalik iyo qayrkoodba...mad hab gaar ahna shiikhu ma lahayn aan ahayn tan AHLUSUNAH WALJAMAACAH.... cid u nisba sheegatayna ma jirto...ee bal dib isugu noqo.. waxaan kaloo mar labaad kuugu nasteexaynayaa hadalkaaga in uu alle ka cabsi ku dheehnaado.. wasalaamu calaykum abu-cumayr
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 06:13 pm abu cumayr walaal adiga laftaadu waxaad u muuqataa inaad difaysid wahaabiyada (miyaanay sidaa ahayn). haddaba walaal waxaa cad inay wahaabiyanimadu kugu cusubtahay,maxaa yeelay waxa isaga kaa qasan 30 sano ka hor (markii ay wadanka yimaadeen) waxay oran jireen iyo waxa ay hadda yiraahdaan. War wahaabiyadu waa ilbaxdee ninyahow wahaabiyada ha ceebayn, waxyaabahasoo kalena halkan ha la iman.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 07:08 pm to abu cumayr assalaamu calaykum waraxmatulaah. Akhii ha u fadhinin waqtina yuuna kaaga lumin in ay mazdar kuusheegaan iyo meesha wax ku qoran yihiin. waydii khuraafaad kale (WA MIN KARAA MAATIHI ANAHU...) iyo fulaan baa buubay waad arki doontaa sida ay ula soo baadaan waa dad aan lagu karin xataa inay ka run sheegaan waxa ay akhhriyaan. Bilaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 07:28 pm A/C/W/WABARAKAATUHU. TO:ABU-SALMAN WALAAL E-MAILKAN IGALA SOO XIRIIR asunnah@maktoob.com WAANAD MAHADSANTAHAY WALAAL.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 17, 2000 - 04:52 am walaalayaal marka ugu horaysa qoraaladayadu yaysan noqonin muran iyo aflagaado(sida walaalkeen abu salman) ee qofkii haya xigmad iyo diin hakeeno taasina waa iga talo hadaan usoo noqono mooduuceenii aahaa kitaabihii ay badashay wahaabiyadu.waxaan kula talinayaa walaalaha xaqa raadinaaya inay waydiiyaan kutubta nabada qabta dadka cilmiga leh oo ahlu sunada ah oo ashcariyada ah iyo suufiyada maxaa yeelay kutubta waaweeyn waxaa iskale iimamyada ashaacirada iyo maaturiidiyada oo kuligood suufiyada ah sida imamu NAWAWI raximahulaah oo kitaabadiisa ilaahay aad u barakeeyay sida riyaatul saalixiin, arbaciinu nawawi,adkaar, iyo kutub kaloo badan kitaabka layiraa adkaar meela kamida wuxuu uga hadlay siyaarada qubuuraha wuxuuna kusoo qaatay baabka siyaarada qabriga NABIGA(CSW)qiso nin acraabi ah oo inta yimid qabriga nabiga(CSW)kutawasulay buu qasaaid tiriyay marka waxaa agjoogay imamu cutbi oo qoray qasaaidkii uu tiriyay acraabigii markaas buu imamku ku gam ay meeshii markaasuu wuxuu ku riyooday nabigii(CSW)oo ku yiri ninkii acraabiga ahaa raadi oo waxaad ku tiraahdaa waa laguu dabi dhaafay markaasuu raadiyay wuuna waayay.marka qisadaan waxaad ka arkasaa in nabiga(csw)lagu tawasulo iyo in awliyada ilaahay lagu tawasulo iyo in qabuurahooda lasiyaarto in ajar wayn laga helaayo ilaahayna loogu dhawaanayo ILAAHAY XAQA HANA TUSO AAMIIN wasalaamu caleeykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 17, 2000 - 07:18 pm To Muslim Walaal ka jaab su'aalaha uu ku waydiiyay abu cumayr. in aan run sheegay waxaa ku tu sinaya adoon ka jawaabin su'aalahii lagu waydiiyo. Hadaadan ka jawaabaynin su'aalaha lagu waydiinayo way igu adagtahay inaan dooda kula sii wado.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 18, 2000 - 05:17 am TO abu salman walaal anigaa bogaan abu cumayr uuga soo horeeyay anigaana xaq ule in la'iiga jawaabo su'aalahaygii. sidaad ula socotayba niman baa waxay qoreen in imaamu abuu xassan al-ashcari uu kalaabtay caqiidadiisii.ana waxaan u sheegay kutubta ay haystaan in laqiyaanay oo wahaabiyadu badashay markaasna yiraahdeen sheekhii baa sidaas yiri. marka hada waxaan ka rajeeynayaa ninkii qoraalkaas qoray iyo ninkii bogaan furay iyo daalibul cilmi iyo adiga iyo abu cumayr IN AAD ILAAHAY KACABSATAAN OO U TOOBAD KEENTAAN OO KITAABADA SAXDAA RAADISAAN OO AAD BOGAAN KUSOO QORTAAN SIDAAS BAAN RAJEEYNAYAA. hadiikale xaqiina waacadaaday baadilkiina waa burburay meeshana aan ku kalatagno wasalaamu caleeykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 21, 2000 - 08:54 pm To Dhaalibul cilmi assalaamu calaykum Akhii e-mailkaad isiisay waa ii shaqayn waa yay. wasalaamu calaykum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 26, 2000 - 11:35 pm Asalaamu Calaykum Waraxmatu Laahi wabarakaatuhu. Walaalayaal waad salaaman tihiin dhamaantiin . Walaalahay Abu Salman iyo Abu Cumar walaalayaal waad salaaman tihiin labadiinuba,Abu Salmaan walaal sidee noqotay waa adigii shilka galaye, Alle haku caafiyo, waa midda labadaade walaalayaal waxaa la waaniyaa ninkii waano doona ee lama waaniyo nin doonaya inuu murmo oo weliba doonaya inuu ku murmo suufinimo iyo inuu qabriyo dawaafo, waliba qiil ka dhiganaya qofkii qabri dawaafa waa ahlu jano,walaalayaal Illaahay ha soo hadeeyo walaalkeena iyo intii raacsanba.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 27, 2000 - 05:24 am TO:anonymous. walaal hadaad adinku ku faraxsan tihiin wahaabiya nimo iyo bidco anaguna waxaan ku faraxsan nahay inaan nahay suufiyo iyo ashcariyo.LAKUM DIINUKUM WALIYA DIIN.LAKIIN MANOO DAYN KARTAAN CULUMADAYADA IYO KITAABAHOODA SIDA, ABUL XASSAN AL-ASHCARI,MUXAMED IBN MUXAMED IBN MUXAMED AL-GHAZAALI,JALAL AL-DIIN AL-SUYUTI,TAJI AL-DIIN AL-SUBKI,YAXYA IBN SHARAF AL-NAWAWI,IBN XAJAR AL-HAYTAMI,IBN XAJAR AL-ASQALAANI, IYO CULIMO KALOO BADAN.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 27, 2000 - 05:40 pm ANAGU HADAAN NAHAY ASHCARIYO IYO MAATURIIDIYO. IDINKUMA HAYSANNO HADAAD TIHIIN WAHAABIYO SHIIQYADIINA SIDA, IBN TAYMIYA,IBN QAYIM, MAXAMED C/WAHAAB,AL-BAANI IYO WIXII RAACSAN. DHIHINA MAYNO WAYKASOOBAXEEN WAXAY AAMIN SANAAYEEN. LAAKIIN MALAYDANKA HELI KARAA ADINKA INAAD ISKA DAYSAAN MASHAAYIQDA MUSLIMIINTA OO AAD KU BEEN ABUURATAAN KITAABAHOODANA QALADAAN.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 29, 2000 - 12:19 am Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu bacda salaan walaalayaal cidina idinkuma haysato waxaad aamin santihiine waxaan Eebbe idiinkaga baryayaa inuu idin tuso dariiqa saxa ah ee ha ku dheganaanina bacaadka aan daliisha lahayn iyo hilibka aad rabtaan inaad cuntaan ee aad u weydeen jid aad u soo martaan iyo qabuurta aad ka dhigateen inay wax idiin qabanayaan bal fekera oo maskaxdiina ka shaqaysiiya eega waxa aad haysatin iyo waxa aad berito Rabbi la hortegi doontaan Rabbi haydin soo hanuuniyo waxkale oo aan idiinku duceeyo garan maayee.wa bilaahi tawfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 29, 2000 - 03:57 am KU;ninka magaciisa qariyay. Waxaan ku su'aalayaa imam Nawawi(raximahulaah)ma saxsanaa mase waa qaldanaa? waxaan kaa sugayaa jawaab inshaa Alaah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 30, 2000 - 05:41 am Wali iima aadan soo jawaabin!! Marbaad waad tiri"cidina idunkuma haysato waxaad aamisan tihiine"Waruntaa shuqulna kuma lihidin afarta madhab{inkastoo iidnaan kamaarmin ayaga iyo ardaydoodaba}waxaana arrintaas cadeeyay ninka wahaabiga ah oo qoray kitaabka layiraa xayaatul guluub wuxuuna yiri{markuu madaahibta soocaayay kadib}"WAQAD BARA-A ALAAHU RASUULAHU SALALAAHU CALEEYHI WASALAM MINAL MADAAHIBI KULIHAA ID QAALA INALLADIINA FARRAQUU DIINAHUM WAKAANUU SHIICAN LASTA MINHUM FII SHAY"marka wuxuu u soo daliiliyay aayadaan inay madaahibta iyo dadka raaacsan baadil yihiin!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, November 03, 2000 - 12:33 am inal xamda lilaah naxmaduhuu wanastaciinuhuu wanastaq firuh wabacdu walaalayal waxa fiican inaan wax kala faa'iiday sano oo aynaan soo galin safxada inagoy qalbiga inooga buuxdo rag iska dhici ,waxan hubaal ah hadii niyad xumi aan ku akhrino qoraalada walaaladeena kale inaynaan marnaba wax kala faa'iidayn, waayo qofkaad ladagaalan santahay ,ceeb uuna lahayna waad uraadinaysaa khayr kastuu sheegana dhag jalaq uma siinaysid siduu yidhi shaacirkii( wa ceynu ridaa can kulli ceybin kaliilatun=======walaakin ceynu sakhdhi tubdii masaawiyaa) hadaan intaa kaga gudbo nasteexadaas waxan yar milic sanayaa "ashaaciro iyo waxay aaminsan tahay" awalan waxan ognahay in ashaaciro loogu magac daray abuu xasan al-ashcari, hada abuu xasan muxuu aamin sanaa??abu xasan wuxu markii hore ka tirsanaa "muctazilah" wuxuna mad'habkaa usacyin jiray kana mid ahaa mudo dhan afartan sano siduu sheegay sheekhul islaam ibnu taymiyah , kadib alle wuxu ku manaystay abu xasan inuu fahmay mad'habkaa muctazilada iyo baadi nimadiisa markasa abu xasan wuxu malin jimce ah ka istaagay masajidka oo uu dadka u sheegay inuu bari ka yahay mad'habkaa ictizaalka, maro uu xidhnaana iska saaray, markasu yidhi (waxan uga dhex baxay mad'habka ictizaalka sidaan uga dhex baxay maradaydan)lakin abu xasan wuxu kamid noqday kadib firqada layidhaa "al-kullaabiyah"taasoo ku abtir sata ninka layidhaa c/laahi binu saciid binu kullaab ,oo hada firqada looyaqaan ah ashaaciro ,c/laahi binu saciid binu kullaab wuxu u qiri jiray alle todobo sifo oo kaliya waxana yidhahdaan caqligaa tusinaya todobadan , waana sidan soosocota (1)cilmi (2)awood (3)doonid (4)nolol (5) maqal (6) arag (7)hadal intan waxay dheheen caqligaa sugaya amaa wuxu aqligoodu diido isaga daaqaday ka xooreen hadaba akhristoow waxad ogataa ood aad u dhuuxdaa arimahan soo socda oo ayqabaan ahlusunnah 1) jiritanka alle sidad u sugtay ayaad usugaysaa sifaadka alle (2) sifaadka alle iyo kuwa makhluuqa magaca umbaa ka dhexeeya lakiin wax alle lamid ah majiro (3) hadaad halsifo alle uqirto waxa lazim kugu noqonaysa inaad intakalana sugto waxan qiraynaa inuu alle jiro , waxana qiraynaa inuu mukhluuq jiro jiritaanka alle iyo jiritaanka makhluuqa farqiga udhexeeya ayaa marwalba udhexeeya sifaadka alle iyo sifaadka makhluuqa , hadaba aan usoo noqono qolyahan sifaadka alle qaarna sugaya qaarna diidaya sifadkay diidaan waxa kamid ah 1)soo dagida alle 2) istiwaha iwm waxay yidhaahdeen sifaadkani waxay keenaysaa tashbiih macnaha in alle uu makhluuqa u ekaado akhriste xusuuso qaacidadii kore "hal sifo hadaad alle u sugto waxa lazim ah inaad inta kalana sugto" hadaba kaalay aan fiirino sifaadka ay alle usugeen iyo kuway diideen farqiga udhexeeya aan fiirinee sifaadkay sugeen waxa kamid ah sidaan horey usoo sheegnay "nolol" su'aashu waxay tahay muxuu ku diiday sifaadkii kale een kor kusoo sheegnay sida"istiwaha" haduu yidhaa dee makhluuq baad alle ku shabahday oo makhluuqa wax ku istiwooda, waxan ugu jawaabaynaa, haye nolol baad alle u qirtay makhluuquna way nool yihiin miyaadan adba ku shabihin makhluuq alle ? haduu yidhaa dee makhluuqa noloshooda iyo tan alle way kala duwan tahay, waxan kuleenahay istiwaha makhluuqa iyo tan allena way kaladuwan tahay , haduu yidhaa istiwaha micnihiisu saad u fahan teen ma'aha oo "waa qabsasho" oo uu soodaliishado shaacirkii gabay giisii(istawaa bishrun calal ciraaqii==== biduuni seyfin wadamimihraaqii) waxa loogu jawaabayaa maxaad ka caraysay markaad "istawaa" istowlaa ku fasirtay ? haduu yidhaa dee waxan ka cararayaa inaan alle ku shabaho makhluuqa, waxa loogu jawaabayaa waxabad ku dhacday taad ka cararaysay mid kadaran oo ah inaad alle sifo naaqus ah ku sifaysay , waayo waxan ognahay in qofka wadan qabsaday sida "bishirkan" aad tusaalaha usoo qaadateen uuna markii hore awood ulahayn wadanka uu qabsaday ,kadib markuu qabsadayna uu awood u helay,"allena waa mid wax walba awooda" hadaba alle yaa ka haystay uu ka qabsaday !?! ( farra minal mowti wafil mowti waqac) hadaba intaasi waxay ahayd jumla ictiraadiyah aan siiwadano cashir keenii , hadaba akhristow waxa dhacday in mar labaad abu xasan alle kumanaystay inuu faham siiyay mad'habka ashaaciradu inuu yahay mid baadil ah wuuna iskaga baxay waxan kamid ah kutubtuu ku cadeeyay mad'habkiisa sida kutubtiisa lakala yidhaa "maqaalaatul islaamiyiin wa ikhtilaaful musaliin" iyo kitaabkan riix linkiga http://members.nbci.com/iman2/alibanaht.htm halkaa oo aad ka helayso hadaladiisa uu kaga noqonayo mad'habka "al-kullaabiyah" inkastoo laydihaa wali waxa wax kaga sii hadheen dhinaca quranka hadalo khilaafsan caqiidada salafka lakiin alxaasir sheekhu (rxm) wuu katoobad keenay mad'habkaa munxarifka ah marka inloo nisbeeyo sheekha waalaga wanaag sanyahay waxana haboon in layidhaa "al-kullaabiyah" wallaahu aclam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, November 05, 2000 - 07:00 pm TO: Salafi Walaal horaa looga hadlay arin taan, oo waxaa cadeeyay walaalkeen muslim. Marka hadaad run sheegaysid waxaad noo sheegtaa imam abuu Xassan Al-ashcari(rxl) meeshuu kuyiri waa ka noqday caqiidadaan aaminsanaa oo Ashaacirada. Kitaabka uu ku yiri magaciisa iyo boga iyo cida taxqiijisay iyo meesha lagu daabacay. Mana larabo kutub ay Wahaabiyadu ku ciyaartay oo ay waxay rabeena kudareen wixii kalana kagooyeen. Mideeda kale wali mamaqal Ashaaciraa waxay aaminsantahay Ilaahay (sw) in tadobo sifo kaliya looqiro. Arintaasna waxaan u maleenayaa inay Wahaabiyadu ku masabiteen Ahlu sunna Wal jamaaca waana been abuurasho weyn.!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, November 09, 2000 - 02:00 am farxaan walaal waxan ku waydiinayaa manoo sheegi kartaa sifaadka kale ee aan ahayn todobadaa aan kor ku sheegay ee ay qirayaan ashaaciro ?? waxa kalood sheegtaa sifaadka aad u aragtaan inaan alle lagu tilmaami karin?? mase uqiraysaa alle inuu "qoslo" leeyahayna labo gacmood ???
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, November 10, 2000 - 06:43 pm To Salafi walaal marka hore waad ku mahadsantahay sida daggen ee aad halkaan ugu soo gudbisay caqiidada aad aaminsantahay adigoo aan caytamin, maxaa yeelay meelo kale ayaan kugu arkay adigoo caytamaya oo waliba kuwo aad wahaabiyo isla tihiin caayaya. Tan kale Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "nin fadhiya lama legdo" nin gar naqsadayna lagama gar helo.Waxaan uga jeedaa waxa aad halkaan ku soo guurisay dhammaantood waa waxyaabaha ay wahaabiyadu dhexdooda isugu sheegaan, ashaacirada iyo maaturiidiyadu ama ahlusunna waljamaacah waxa ay qabaana wax yar baad ka ogtahay haddaan qoraalkaaga tix raaco.Walaal ujeedadaydu ma aha in aan ku caayo laakiin aniga ayaa ashcari ah waxyaabaha aad ka sheegtay ashcariyadana ma aaminsani. Waxaa intaas dheer inkastoo aanan ahayn caalim ee aan ahay arday wali wax barta, haddana kutubta ahlusunna waljamaaca ee ashcariyada iyo maaturiidiyada waan akhristay oo ma ahi nin casabiyadi iska hayso ama sidaad kor ku sheegtayba rag iska dhici kaliya ku socda. Walaal aan bal ku waydiiyee wax iiga sheeg kutubta ashaacirada ee aad akhrisatay iyo culimada ashaacirada kuwa yiri toddobo sifo kaliya ayaan Ilaahay u sugaynaa, ama sidoodaba culimada ashaacirada aad taqaanid? Waxaan suaalahaan kuu waydiinayaa bal inaan ogaado inaad taqaanid dadka aad baadilka ku xukumaysid. Maxaa yeelay caddaaladda ka mid ma aha in xukun lagu rido dad aanba la aqoon. Waan tix galinayaa aan wax kala faaiidaysannadii aad tiri, soaalahaagana waan ka jawaabi doonaa haddii Allah idmo inkastoo waqtigaygu aad ciriiri u yahay. Ibn casaakir
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, November 11, 2000 - 02:57 am ibnu casaAKIR HALA IIGA JAWAABO MARKA HORE SU'AALAHAYGA HADALKOO KOOBAN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 13, 2000 - 02:58 am walal waxad moodaa inaydaan wax jawaab ah bixin waxan ku darayaa waliba inaad caqiidada aad aaminsantihiin oo faah faahsan halkan kusoo qortaan su'aashayda aan kuwaa kore raacinayo baa waxay tahay "maqiraysaan inuuna quraanku makhluuq ahayn " walaal waxan isku dayayaa inaan u wada niqaashno sicilmiyaysan iyadoon lays caayin waa hadiii idinka laydinka helo wallahu aclam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 13, 2000 - 07:18 am To Salafi Waxaad tiri ashcariyadu waxaay aaminsanyihiin todobo sifo kaliya in Ilaahay loo qiro. waliba waad ku adkaysatay. Hadaan wax ka taabano caqiidada Ashaacirada oo Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ijmaalan, Ilaahay wuxuu ku Sifoobay sifa kasta oo Kamaala oo isagu isku sifeeyay.Waxaana ka mustaxiila, sifa kasta oo nuqsaana. Tafsiilan, waxaa ugu waaweeyn labaatan(20) sifo. Waxaayna kala yihiin (1) Al-wujuud (2) Al- qidam (3) al-baqaa (4) Mukhaalafatuhu tacaalaa lil xawaa diisi (5) Qiyaamuhu tacaalaa binafsihi (6) Al-waxdaaniyah (7) Al qudrah (8) AL-iraadah (9) Al-cilm (10) Al-xayaat (11) AL-samac (12) AL-basar (13)AL-kalaam Wakoonuhu tacaalaa (14) Qaadiran (15) Muriidan (16) Caaliman (17) Xayan (18) Samiican (19) Basiiran (20) mutakaliman. Hadii Ilaahay idmo waxaan kasoo hali doonaa Sifooyinka aan banaanayn in Ilaahay loo Sifeeyo. Salafi wali waa kaa sugayaa inaad soo sheegtid meesha uu uga baxay Imam abul Xassan al-ashaciri sidaad adigu tiri caqiidadiisii Ahlu Sunna Wal-jamaaca. Waxaad soo sheegaysaa kitaabka magaciisa, cida taxqiiqisay, meesha lagu daabacay,iyo sanadka ladaabacay.sidaan horay ugu soo sheegnayba waxaa jira kutub ay wahaabiyadu qaldeen oo wax uu san dhihin imamku ka sheegeen wuxuu yirina kagooyeen. Wasalaam.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 13, 2000 - 11:23 pm farxan walaal dhibtu waxay ka taagan tahay hadaan kusoo qoro waxad leedahay wahaabiyaa dhilqisay iyo wax lamid ah marka nin shakisan sida wax laysula keeno way adag tahay ee walaal shakiga iska saar waxbaa ladhil qiyaydana iska daaya oo xujadiinu ha'ahaato waxani naska mawaafaqay mise waa khilaafay . waxan moodayay inaad kitaabka aan linkiga halkan ugu yelay akhrisan karto oo aad fahantay meesha uu sheekhu kaga noqday caqiidadaa lakiin anaa iyadoo faah faahsan kusoo qoraya walaal aan alle kabarino inuu wadada saxda ah inagu toosiyo walaal kawaran sheekh bajuurii iyo "jowharada" waxa kale oo aan idinka codsanayaa magac yada aad badinaysan inaad iska daysaan oo ku ekaada ibnu xazam waayo waxaan arkaa ibnu casaakir, farxaan islam = ibnu xazam wallahu aclam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 13, 2000 - 11:46 pm istidraak walaal su'aalahan kasoo jawaab waxad tidhi (Ijmaalan, Ilaahay wuxuu ku Sifoobay sifa kasta oo Kamaala oo isagu isku sifeeyay.Waxaana ka mustaxiila, sifa kasta oo nuqsaana.) waa hadal saliim ah hadalkani lakiin su'aalbaan qabaa hadii alle isku sifeeyo sifo rasuulkiisuna ku sifeeyo lakiin maskaxda bina'aadamka ee gaabani ay u aragto inay sifadaasi nusqaan tahay oo uu markaa ta'awiiliyo "mawaxaad qaadan alle & nabigiisu(scw) sifaday sheegeen mise ta'awiilka kaa wax ta'wiiliyay"??? miyaysan tusinayn ta'wiilka uu sameeyay sidii isaga oo yidhi alle wuxuu isku sifeeyay sifo nuqsaan ah iyo rasuulku m marka anaa usixi""? "labada "fariiqse" keebaa badbaado badan"? "maqiraysaan inuuna quraanku makhluuq ahayn "?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, November 14, 2000 - 05:02 am To Salafi Walal waxaan aad uga xumaaday in aadan su'aalahaygii hal xabana ka jawaabin, anigoo kaaga jawaabay su'aalahaagii, inta hartay na ku iri waa kasoo jawaabayaa. qalad kaagiina aadan qaadan ahaa Ashaaciradu waxay aamin santahay todobo sifo kaliya in Ilaahay loo qiro. Waxaad tiri "nin shakisan sida wax laysula keeno way adag tahay" walal anigu mashakisani ee hubaal ayaan ku socdaa wahaabiyadu waxay khiyaaneen kutub badan oo uu kamid yahay kitaabka IBAANAH uu leeyahay imam Abul Xassan Al-ashcari (rx)waxaan kula talinayaa qof kasta oo xaq doonaya inuu radiyo kitaabka Ibaanaha oo nabada qaba.waxaa taxqiiqisay kitaabkaa Dr fawqiya waxaana lagu daabacay daarul ansaar oo ku taal wadanka Masar sanakii 1977. Waxaa kala garan kara kutubta saxda ah iyo kuwa aan ahayn qofkii cilmi leh sheekhna leh sheekhiisuna uu sheekh leeyahay ilaa iyo Asaxaabadii(rm) iyo Nabigii(csw) laakiin qofkii lagu yiri dadkii hore oo dhan waa gaalo makala fahmi karo. wixii larabaana loo sheegayaa. walaal aad baad ii faanisay markaad itiri waxaad lamid tahay Ibn xazm iyo Ibn casaakir waad mahadsan tahay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, November 14, 2000 - 08:33 am As-salaamu calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu To Farxaan & Salafi Farxaan walaal aad baad ugu mahadsantahay sida wanaagsan ee aad ugu jabaabtay al-akh Salafi jazaakallaahu kaayran. Salafi walaal meel fiican ayay noo maraysay ee yaanaan khal-khalin. Waxay ahayd inaan wax iswaydiinno suaalahana aan ka jawaabno inagoon mawduuca ka bixin.Waxaad tiri: "walaal waxan ku waydiinayaa manoo sheegi kartaa sifaadka kale ee aan ahayn todobadaa aan kor ku sheegay ee ay qirayaan ashaaciro ?? waxa kalood sheegtaa sifaadka aad u aragtaan inaan alle lagu tilmaami karin?? mase uqiraysaa alle inuu "qoslo" leeyahayna labo gacmood ??? " >Jawaab:Suaasha 1aad waxaa ka jawaabay Farxaan. >Tan 2aad: Ilaahay (sw)laguma tilmaami karo sifo kasta oo xun sida bakhiilnimo iwm. >Tan 3aad: Waxaan Ilaahay (sw) u qiraynaa sifo la yiraahdo (Dixk)oo macneheeda isagu yaqaan,waxaa kale oo aan Allaah u sugaynaa sifada (Yad)"Bal yadaahu mabsuudataan" iyo sifada (al-istiwaa) cilmigeedana ilaahay ayaan u tala saaranaynaa sidii ay yiraahdeen salafkeenii suubanaa. Ha iloobin waxaan ka hadlayaa waa mad-habka ashaacirada ee aan anigu ka midka ahay.Adigu mad-habka aad difaacaysid iima aadan sheegin waxaase ku qiyaasay inuu yahay wahaabiyada. Walaal waxaan kaa rabaa inaad suaalahayga iiga soo jawaabtid haddii aan kuwaagii kaaga soo jawaabay mana rabo inaad aniga igu soo celisid sidaad kor ku tiri: " walaal kawaran sheekh bajuurii iyo "jowharada"" Waxaa kale anigu Ilaahay ayaan ka baqayaa mana ihi Ibn xazam iyo Farxaan midna ee waxaan ahay Ibncasaakir. Jawaabta suaalahaygii hore ayaan kaa sugayaa mahadsanid. Ibn casaakir
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 15, 2000 - 02:56 am bismilaah walaxamdu lilaah wabacdu ibnu casaakir & farxaan awalan horta anigu ma'ihi wahaabi waxana u malaynayaa inaad kafahmi kartaan magacayga meesha aan u nisbo sheeganayo oo anigu waxan ahay "salafi" jidkoodii midka sokeeyana inaan raaco allaa iiga digay marka waa dulmi hada kadib hadaad ogaateen inaad wahaabi igu tilmaantaan. marlabaad wahaabi ma'ihi shaafici ma'ihi xambali ma'ihi xanafi ma'ihi maaliki ma'ihi ================================================== kuwanna iskaba daa hadalkooda ashcari ma'ihi maaturiidi ma'ihi khaariji ma'ihi muctazili ma'ihim murji ma'ihi qadariyah ma'ihi jabriyah ma'ihi jahmiyah ma'ihi rafidah ma'ihi shiicah ma'ihi =============================WAXAN AHAY ============= ================SALAFIYAH======================= amaa sheekh abuu xasanul ashcarii meeshuu ku cadeeyay madhabkiisa waa sidan sheeshu markuu kasoo hadlay khawaarij, rafido, jahmiya,iyo kuwo kaleba yaa wuxu yidhi =====dikru maqaalatu ahlu sunnah wa asxaabul muxadithiin============ (hadalakooda oo kooban waxa weeye buuyidhi in laqiro alle iyo malaa'igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo wax kasta oo xaga alle kayimaada iyo waxay ka wariyaan dadka lagu kalsoon yahayi xaga nabiga(scw)dhamaan arimahaa shayna madiidaan iyo inuu alle ka sareeyo carshigiisa siduu alle sheegay -markasa wuxu soo daliishaday aayada kujirta suuratu dhahaa awalkeeda,- iyo inuu alle leeyahay labo gacmood "bilaa keyf"-markasu akhriyay aayada ku jirta suuratu "saad" dhamaad keeda, iyo inaan la'odhan magacyada alle waa waxan alle ahayn siday yidhaahdaan muctazilada iyo khawaarijtu -markasa wuxu sheegay in ahlul xadiithku u qirayaan alle maqal iyo arag- hadalkuu soowaday oo wuxu yidhi (waxay yidhiaahdaan quraanku waa hadal alle makhluuqna ma'aha iyo inuu alle usoo dago samada soke .....alxadiith iyo inuu alle imanaayo maalinta qiyaamo markasu akhriyay aayada ku jirta walfajri)ilaa uu kayidhi (wakaas duuduub ahaan waxay amreen isticmaalina jireen kuna tageen -(yacnii ahlul xadiith)-markasu yidhi(dhamaan waxan soo sheegay oo aqwaashooda ah baan anana dhahaynaa isaga ayaana ku soconaynaa wafajin taydana allaa iska leh ) fiiri maqalaat islamiyiin (290-297)ama mukhtasarul culuwi (236-237) hadaba walaal waxad arkaysaa hadalkiisa ugu danbeeya inuu sheekhu madhabkaa salafka kutagay wuxu hadalkan oo kalena ku sheegay al-ibaanah wuxu yidhi haduu qof yaadhdo waad diideen qowlkii muctazilada iyo qarariyah iyo jahmiyah iyo xaruuriyah iyo raafidah iyo murji'a noo sheega qolka aad leedihiin iyo diinta aad ka diiin dhiganaysaan waxan ku leenahay waxan leenahay qowlkayagu oo odhanayno iyo diinta aan kadiin dhiganayno waa in kitaabka iyo sunada nabiga(scw)iyo wixi laga wariyay saxaabada iyo taabiciinta laqabsado iyo a'imada xadiithka taas ayaana qabsanaynaa iyo arinkuu ku taagnaa axmad ibnu xambal wajigiisa alle hanuuriyee..........,fur linkiga kore hadaad hadalkan ubaahan tahay inaad aragtid wakaa halkana wuxu ku cadaynayaa mowqifkiisa iyo inuu ku raacsan yahay imaamka axmad ibnu xambal amaa aniga iyo waxan ka aqaano ashaaciro runtii aniga sheekhii quraanka isoo baray wuxu ahaa ashcari waxakamid ahay hadalada aan qaadi jiray marka lafurayo dugsiga diintaa wa ayo ? diintay waa furqaan dariiqadaa wa ayo? dariiqaday waa qaadiriya caqiidadaa wa ayo? caqiidaday waa ashcariya waxana kamid ahayd kutubta layxif disiiyay oo aan hada wax yar ka xusuusto ""caqiidatul cawaamka"" beydadka aan hada kasii xasuusto waxa kamid ah oo ay ugu qirayaan alle todobo sifo oo kaliya sidan (lahuu sifaatun sabcatun tastalzimuuu ******** fal qudratun iraadatun samcam basar) siidhamays tiro gabayga marka wataa ashcariyadaan naqaanay anagu ee qolyihiinan gadaal kayimid waxa fiican inaad "mufawwidah" iyo wax lamid ah labaxdaan walaal jawaabaha su'aalahayga halaysa soo wada raaciyo inta ka hadhay sida sheekh beyjuurii saad u aragtaan iyo kitaabka "jawharada"? iyo hadii alle sifo isu qiro nabigiisuna(scw)uqiro oo markaa nin uu macnihii leexiyo keebaa laraaci ma mu'awilka mise sida kucad naska ?? iyo masalada qur'aanka? su'aal cusub ma waxad leedihiin micnaha (arraxmaa, arraxiim ) nabiga(scw) iyo saxaabada midna mafahmayn!!!!??? wallaahu aclam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, November 16, 2000 - 11:28 am To: Salafe Salaanta islaamka ka dib Walaal waxaa jirta qaaciido islaami ah oo oranaysa "in kunta naaqilan fas-sixah, ow muddaciyan fad-daliil" taasoo macneheedu yahay:Haddaad wax soo guurisid waa inay saxiix yihiin, haddaad adigu sheeganaysidna daliil keen. Walaal waxaad af muggi ku tiri: todobo sifo kaliya ayay ashaaciradu Ilaahay u qirayaan markaasaad sidii qof ishuba haddana waxaad tiri: "manoo sheegi kartaa sifaadka kale ee aan ahayn todobadaa aan kor ku sheegay ee ay qirayaan ashaaciro ?? " Markii lagu waydiiyay sheeg meeshay ashaaciro ku yiraahdeen todobo sifo kaliya ayaan Ilaahay u qiraynaa ama culimadooda wax ka sheeg waxaad tiri: "amaa aniga iyo waxan ka aqaano ashaaciro runtii aniga sheekhii quraanka isoo baray wuxu ahaa ashcari waxakamid ahay hadalada aan qaadi jiray marka lafurayo dugsiga[..] caqiidaday waa ashcariya waxana kamid ahayd kutubta layxif disiiyay oo aan hada wax yar ka xusuusto ""caqiidatul cawaamka"" beydadka aan hada kasii xasuusto waxa kamid ah oo ay ugu qirayaan alle todobo sifo oo kaliya sidan (lahuu sifaatun sabcatun tastalzimuuu ******** fal qudratun iraadatun samcam basar) siidhamays tiro gabayga" kalimadda (tastalzimuu)waa naaxil jeebkaaga ah ee sawaabku waa(tantazimuu). Walaal been aan geed loogu soo gabban oo aan sal iyo baar lahayn ayaad culimada ashaacirada ka sheegtay. Waxaana beentaas iyo masabbidka kuugu wacan mad-habkooda oo aad jaahil ka tahay.Caqiidatul-cawaamku waxay ka bilaabataa (Abda'u bismil-laahi war-raxmaani wabir-raxiimi daa'imil-ixsaani) (Fal-xamdu lil-laahil-qadiimil-awali al-aakhiril-baaqii bilaa taxawuli) Al-qadiim, Al-awal,Al-aakhir iyo Al-baaqii miyaynan ka mid ahayn sifaadka Ilaahay(sw)? Walaal ciddii hal sifo oo ka mid ah sifaadka Ilaahay diidaa waa gaalo, adiguna waxaad sheegtay ashaaciradu todobo mooyee inta kale inay diideen taas oo macneheedu yahay waa gaalo. Waxaa la yiri "Afkii ba'ay yiri towba waa karaa" xadiiskuna waa tuu ahaa "kullubni aadama khadaa' wa khayrul-khadaaiina tawaabuun" Waxaan kuu soo jeedinayaa inaad ka towbad keentid beenta iyo misabidka aad culimada ashaacirada u gaysatay. Ogowna fadeexada adduunka tan aakhiro ayaa ka darane. Waxaan kaa sugayaa labo waxyaalood oo kaliya 1-inaad qiratid khaladkaaga oo ah inaad ku been abuuratay ashaacirada Ilaahay raalli ha ka ahaadee markaad tiri todobo sifo kaliya ayay qabaan xaqiiqadu inay sidaas ka duwantahayna aad ogaatay. 2-inaad citiraaftid inaadan mad-habka ashaacirada waxba ka aqoon.Kama wado sidaada kale ayaad jaahil u tahay. Haddii aadan arrintaas qiran niqaashkayagu ma sii socon karo maxaa yeelay been kale ayaad sheegi kartaa. laakiin haddii aad qiratid danbigaaga diyaar baan u ahay inaan si asluub ah kuula wado dood cilmiyeedkaan. Ibn casaakir
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, November 16, 2000 - 11:39 pm ibnu casaakir walaal waan qaatay wixi nasteexo ah waa laga yaabaa inuu tadhawuray madhabka "kullaabiyadu" intii iga dambaysay marka cafwan beydadka aan soo qoray waxay kamid ahayeen kuwo lay xifdisiiyay anoo aan wali caq liyaysan waxana ku sheegayaa inaana wali isdul taagin kitaabkaa caqiidatul "cawaamka" marka waxan ka dhex helay maktabada maskaxdayda dhexdeeda wax yabahaan hadakahor ka "tanqiixiyay" walaal waan qaatay wax aliyaale wixii aad tidhaahdaan waan kaqiraynaa sifaadka alle waana qalad inaan dusha idinka saaro waxaydaan odhan marka cafwan walaal mafahmin micnaha(tantazimuu) marka balsoo faah faahi maqoraalkaad khaladay waayo waxa laga yaabaa inuuna afsomaaliga sifiican ugu muuqan kalimada caribigu, bal afsomaali macnaheeda kusoo qor fadlan. su'aalahayga wali maydaan galin jawaabtooda sida (1)"maqiraysaan inuuna quraanku makhluuq ahayn "? (2)iyo hadii alle sifo isu qiro nabigiisuna(scw)uqiro oo markaa nin uu macnihii leexiyo keebaa laraaci ma mu'awilka mise sida kucad naska ?? (3)ma waxad leedihiin micnaha (arraxmaan, arraxiim ) nabiga(scw) iyo saxaabada midna mafahmayn!!!!??? (4)sheekh beyjuurii saad u aragtaan iyo kitaabka "jawharada"? (5)(tantazimuu) waxad kawado? wabillaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, November 17, 2000 - 11:19 am To: salafi Ugu horayntii waad salaamantahay salaanta islaamka. Waxaan qoraaladaada ka akhriyey meelo badan, wax la akhrin karana midkan ayaa uga jira. Marka waad mahadsantahay ee halkaa ka sii wada munaaqashada, anaguna aan idinka faa'iidaysanee. Wa bilaahi towfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, November 19, 2000 - 11:21 pm To Salafi Walaal waad ku mahadsantahay wax bartood inaad gartaadii ka qaadatay. Waxaad tiri "walaal waan qaatay wixi nasteexo ah waa laga yaabaa inuu tadhawuray madhabka "kullaabiyadu" intii iga dambaysay marka cafwan " Walaal mad-habka Ashaaciradu ma tadawurin intii kaa dambaysay ee markii hore ayaadan waxba ka aqoon. Waxaa kaliya oo aad taqaanay magaciisa isagiina hadda wuxuu kaaga qasanyahay mid aad ku magacawday "kullaabiyah". Culimada Ashaacirada waxaad ka taqaanaa sidaad sheegtay wadaadkii dugsiga idiin hayay, horay baad u tir: "marka wataa ashcariyadaan naqaanay anagu ee qolyihiinan gadaal kayimid waxa fiican inaad "mufawwidah" iyo wax lamid ah labaxdaan " munaasabkaagu wuxuu ahaa inaad tiraahdid waataa ashaaciradii aanan waxba ka garanayn ee qolyihiina wax ka yaqaanaa ii faaiideeya. Walaal mad-habkaad taqaanid waxaa la sheegi karaa inuu saxsanyahay iyo inuu khaldanyahay, laakiin ka waran mid aadan waxba ka garanayn haddii aad rabtid inaad wax ka qortid khaladkiisana bannaanka soo dhigtid? Bal isqabadsii arrintaas aniga waa isukay qaban waydaye. Aan isku dayo marka inaan su'aalahaaga ka jawaabo. 1)Waa qiraynaa Qur'aanku in uusan makhluuq ahayn ee uu yahay Klaamul-laah.(2)Naska ayaa la raacayaa maxaa yeelay nasku Ilaahay ayuu nasahayaa marnabana tajsiim, tacdiil iyo tashbiih midna uma ogola.(3)subxaanallaah! diin aan Nabiga csw iyo saxaabadu fahmin nama soo galo ee xaggee ka keentay waxaan?(4)Sh. Baajuuri raximahul-laah waa sh. ashcari ah wuxuuna ahaa shaykhul-Azhar; Jawharadu waa kitaab ka mid ah kutubta ashaacirada.(5)Tantazimu ama tantadimu baytka aad sheegtay ayay tamaamul-bayt u tahay, todobo sifo oo gabay ahaan u tixan ayuu sheegayaa naadimka caqiidatu-cawaamku raximahullaah wallaahu aclam. Iga raalli ahaw haddaan kaa soo daaho aad baan mashquul u ahaye Mahadsanid mar labaad.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 20, 2000 - 01:39 am ibnu casaakir walaal aan is ixtiraano balanbay inoo ahayd xasuuso walaal waxan ku waydiiyay (3)ma waxad leedihiin micnaha (arraxmaan, arraxiim ) nabiga(scw) iyo saxaabada midna mafahmayn!!!!??? su'aashani waxay ka timid hadalkaagan hoose ((Tan 3aad: Waxaan Ilaahay (sw) u qiraynaa sifo la yiraahdo (Dixk)oo macneheeda isagu yaqaan,waxaa kale oo aan Allaah u sugaynaa sifada (Yad)"Bal yadaahu mabsuudataan" iyo sifada (al-istiwaa) cilmigeedana ilaahay ayaan u tala saaranaynaa sidii ay yiraahdeen salafkeenii suubanaa)) aad ufiirso hadalkaaga ah ((((((((Waxaan Ilaahay (sw) u qiraynaa sifo la yiraahdo (Dixk)oo ""macneheeda"" isagu yaqaan,))))))))))))) waxad ku jawaabtay (((3)subxaanallaah! diin aan Nabiga csw iyo saxaabadu fahmin nama soo galo ee xaggee ka keentay waxaan?))) waxan ka keenay hadalkaaga kore ================================ su'aalo (1) hadaba hadalkaaga ah ((oo macnaheeda isagu yaqaan))) aad ugu fiirso waan ognahay inuu alle macneheeda yaqaan lakiin dadkuu alle usoo dajiyay kitaabka inay fahmaan tadaburana micnihiisa mayaqanaan miyaa micna (yad) iyo (dixk)!!? (2) kawaran ninkii yidhaa (allaah fissamaa) (3)kawaran ninkii yidhaa (allaah laafowq walaa taxt walaa yamiin walaa yasaar walaa khalf walaa amaam laa daakhilal caalam walaaa khaarijahuu)? waxad tidhi ((.(2)Naska ayaa la raacayaa maxaa yeelay nasku Ilaahay ayuu nasahayaa marnabana tajsiim, tacdiil iyo tashbiih midna uma ogola)) marka ka waran baydkan ku jira ""jowharada"" (wa kullu nassin owhamattashbiihaa****** awilhu ow fawid warma tashbiiha)??? (3)waxa kalood so faah faahisaa todobo sifaa halkan loogu qirayaa alle, maxay tahay faa'dada kaligood uu usheegay saaxibu caqiidatul cawaam madaamoy jiraan sifaad kale oo farabadan ? (4)waxa kaloon xasuustay inuu ku jiray bayd kale oo odhanaya (min waajibii lilaahi cishrinasifaa) marka alle ma labaatan kaliyuu leeyahay sifaad kale oo u waajibay malaha miyaa????!!! (5) cibaaradana kawaran (madhabu salaf aslam, wa madhabul khalaf aclam wa axkam)!!!!? walllaahu aclam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, November 24, 2000 - 02:24 pm To Salafi Asalaamu calaykum Waxaad moodaa inaan yara soo daahay. Walaal waxaad tiri aan is ixtiraamno, waa talo wanaagsan waana aan kaa yeelay. Walaal haba yaraatee ixtiraam darro uma aanan qasdin ee sidaas ula soco. JAWAABTA SU'AALAHAAGA: waxaad iwaydiisay " ![]() Walaal hadalkaygii sida aad u fahamtay ioy anigu waxaan ka waday isma leh. Markaan iri Ilaahay baa macneheeda yaqaan waxaad u fahamtay inaan leeyahay Nabiga csw iyo saxaabadu ma yaqaanaan, waxaana dhici karta sidaad hadalkaygaba aad macno ka gedisan kii aan ka waday ugu qaadatay in qaar badan oo inaga midihi ay macnaha Qur'aanka iyo Xadiithka si aan sax ahayn u qaataan. Iyadoo taasi jirto ayaa haddana anigu markaan macneheeda Ilaahay u talo saaranayo aan uga dayday culimadii SALAFUS-SAALIX! wuxuu yiri Imam Axmad (rc)markii la waydiiyay axaadiista sifaatka "NU'MINU BIHAA WA NUSADDIQU BIHAA WALAA KAYFA WALAA MACNAA" waxaa sanad saxiix ah ku wariyay Al-khlaal. Sidoo kale Imaam Al-Bayhaqi (rc) wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Al-Ictiqaad (b57)isagoo ka hadlayay xadiith al-nuzuul in wixii saxaabada iyo taabiciintu ayna ka hadlin sida xadiithkaanoo kale ahlul-xadiithku ay laba midkood ka sameeyeen. (a) kuwo rumeeyay oo aan awilin cilmigeedana Ilaahay(sw)u tala saartay bilaa kayf walaa tashbiih (b) kuwo rumeeyay macneheedana ku xambaaray hab luqada ku ansaxaya tawxiidkana aan burinayn. Walaal waxaa intaas dheer bal macnaha YAD& DIXK qaamuuska ka fiiri haddana GACAN & QOSOL qaamuuska af Soomaaliga ah ka fiiri waxaad arki doontaa farqiga wayn ee u dhexeeya. Qaamuuska carabiga ah markuu ku siiyo macnayaal badan oo DIXKIGU leeyahay kan Af Soomaaligu wuxuu ku siinayaa hal macne kaliya oo qosolku leeyahay oo ah "Dhawaaq ama yeer dadka ka yimaada, oo faraxa iyo yaabka iyo jeesjeesku keenaan, oo inta muruqyada wejiga la giijiyo, afka la kala qaado." ma la oran karaa qosolkaas ayaa Ilaahay u sugnaaday? subxaanallaah u malayn maayo inaad sidaas ka wadid. " ![]() Waa hadal saliim ah haddii uu intaa ku ekaado,makaanna Ilaahay ka nazaho, maxaa yeelay Qur'aanka ayaa sidaasi ku caddahay. laakiin qofkii yiraahda meel baa Ilaahay joogaa waa mujasim. " ![]() Waa hadal sax ah maxaa yeelay waxyaabahaasoo idil taxt,fowq,yamiin yasaar iwm. Ilaah ayaa abuuray intuusan abuurina isagu waa jiray. Xadiith saxiix ah ayaa oranaya (KAANALLAAHU CAZA WAJALLA WALAM YAKUN SHAYUN GAYRAHU)waxayna cibaaradani waafaqsantahay hadalka Imaam Daxaawi(rc) "watacaalaa canil-xuduudi wal-gaayaati wal-arkaani wal-acdaa'i wal-adawaati laa taxwiihil-jihaatu al-sittu kasaairil-mubtadacaat" "marka ka waran baydkan ku jira ""jowharada"" (wa kullu nassin owhamattashbiihaa****** awilhu ow fawid warma tashbiiha)???" (Warum tanziihaa) waa habkii ay culimada salafku ula dhaqmi jireen nusuusta, mad-habka ashaacirada ee ahlusunna waljamaacana jidkaas ayuu ku joogaa. Culimada Salafusaalix naska ama waa ta'wiilin jireen ama waa tafwiidin jireen.maxaa yeelay eeg Aaydda (67)ee Suuratu Al-tawbah (NASULLAAHA FANASIYAHUM) lama oran karo Ilaahay wuxuu leeyahay sifada nisyaan maxaa yeelay Qur'aanka ayaa diiday(WAMAA KAANA RABBUKA NASIYAN) (Maryam 64)Ibnu Jariir oo ahaa xaafid salafi ah wuxuu ku awilay nisyaanka tarki. Eeg Tafsiirkiisa juska (8/102).Imaam Axmad (WAJAA'A RABBUKA) wuxuu ku awilay jaa'a thawaabuhu (Al-Bidaayah Wannihaayah) 10/327.Imaam Bukhaari ayaa isna Dixkiga ku awilay Raxmah (Fatxul-Baari 6/39),Al-asmaa Wasifaat Al-Bayhaqi(470).Imaam Maalik ayaa isna NUZUULKA Rabbi ku awilay amarkiisa wuxuuna yir"YATANAZALU RABBUNAA TBABAARAKA WATACAALAA AMRUHU AMMAA HUWA FADAAIMUN LAA YAZUUL" ka fiiri Tamhiidka Ibnu Cabdil-Bar (7/143) iyo kitaabka Imaam Al-dahabi Siyar Aclaamin-nubalaa' (8/105) TAFWIIDKA IYO SALAFKA Xaafid Al-tirmidi wuxuu ku wariyay sunankiisa (4/693)in Sufyaan al-thawri, Maalik,Ibn Mubaarak, Ibn Cuyaynah, Wakiic iyo gayrkood ay wariyeen axaadiistaan ayna yiraahdeen sideeda ayaan u warinaynaa waana rumaynaynaa kayfna oran mayno markaasuu yiri"WAYU'MANU BIHAA WALAA TUFASAR WALAA TUTAWAHAM WALAA YUQAALU KAYF,WAHADAA AMRU AHLIL-CILMI AL-LADII IKHTAARAHU WADAHABUU ILAYHI" Sidoo kale Xaafid Al-dahabi ayaa qaba TAFWIIDKA wuxuu yiri isagoo soo guuriyay imaam Maalik hadalkiisa ah "AMIRRAHAA KAMAA JAA'AT BILAA TAFSIIR" FAQAWLUNAA FII DAALIKA WABAABUHU ALIQRAARU WALIMRAARU WATAFWIIDU MACNAAHU ILAA QAAILIHI AL-SAADIQ AL-MASDUUQ" Siyar Aclaaminubalaa (8/105).Xaafid Ibn Xajar ayaa isna yir"IMRAARUHAA CALAA MAA JAA'AT MUFAWIDAN MACNAAHAA ILALLAAHI TACAALAA" Fatxul-Baari (13/390).marka saaxibul Jawhara waa saxsan yahay mar haddii TAFWIIDKA iyo TA'WIILKUBA Salafkeenii ay ka sugnaadeen. mad-habka ashaaciraduna waa labadaba marba kii munaasabsan. (3)waxay culimadu yiraahdeen sifa kasta oo Ilaahay leeyahay in la rumeeyo ayaa waajib ah guud ahaan. laakiin 21 sifo oo Allaah (sw)leeyahay iyo 20 mustaxiil ka ah waxaa qofka muslimka ku waajib ah inuu korka ka xafido maxaa yeelay sifaadka kale oo dhan ayaa soo hoos galaya wallaahu aclam. (4)Ilaahay (sw) sifaad aad u fara badan ayuu leeyahay ee labaatan kaliya ma aha. (5) cibaaradaas dhalinyarada salafiyada ayaan ka maqlaa ee ashaaciro oranaysa ma arag.laakiin sawaabku wuxuu yahay in markasta mad-habka salafku uu nabad galyo iyo aqoonba badan yahay.mad-habka salafka ee la leeyahay waa nabad badanyahay waxaa laga wadaa TAFWIIDKA maxaa yeelay salafku isaga ayay u badnaayeen inkastoo ay mararka qaarkood wax ta' wiilin jireen sidaan kor ku soo sheegnay. Mad-habka ashaaciraduna waa kan salafka oo tafwiidka ah haddii aan loo baahan ta'wiilka oo markaas macno luqada carbeed ka mid ah tawxiidkana aan jabinayn lagu xambaaro nusuusta.Mar kasta habka ashaaciradu waa habka Salafus-saalix.Wallaahu Aclamu wa axkamu wa xasbunaa wa nicmal-wakiil.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, November 26, 2000 - 10:33 pm bismilaah wal´xamdu lilaah. ibnu casaakir marka hore waxan alle ka baryaynaa inuu inaga aqbalo soonkan aan soomanahay, inaguna hanuuniyo jidka toosan intaa kadib waxan rabaa inaan noqdo nuqdo usoo qaadana hadalkii aad kor ku qortay nuqda kasta markaan dhmaynana inaan mida kale furo waayo risaalooyinka aýaa dheeraanaya fahamkuna wuu baahayaa marka si muujis ah ayaan uga wada niqaashaynaa, anigo hadalkaaga kasoo qori doona insha allaah risaalo wada socota . arinka kowaadna waxa weeye waxan ku waydiiyay (kawaran ninkii yidhaa (allaah laafowq walaa taxt walaa yamiin walaa yasaar walaa khalf walaa amaam laa daakhilal caalam walaaa khaarijahuu)?" waxad ku jawaabtay ((Waa hadal sax ah maxaa yeelay waxyaabahaasoo idil taxt,fowq,yamiin yasaar iwm)) waxanad ogaataa hadalka kore inuu kamid yahay (walaa khaarijahuu) waxan ognahay in caalamku uu makhluuq yahay hadaba marka laga baxo mamakhluuqbaad ku ogtihiin hadaad haa tidhaah daan (haatuu burhaanakum) haday jawaabtu maya tahay, waxa halka kaaga cadaanaya malahad suray sateen oo ah khaarijal caalam inuu makhluuq yahay halkaasuu ku baaba'ay bilaahi calayka su'aasha aan kuwaydiinayo baa waxay tahay oo aan jawaab maya iyo haa kaliya uga baahanahay . MAJIRAA AAYAD AMA XADIIS SIDAA SHEEGAYSA AMA QOWL SAXAABI ?? SU'AASHA LABAAD HADUUNA ALLE INTAA MIDNA JIRIN ==============EYNA ALLAAH========????? jawaabtana saxiib kusoo dhakhso fadlan walaahu aclam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 27, 2000 - 09:44 am TO ; SALAFI ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU . WALAAL JAWAABTU WAA MID KOOBAN OO AH ; [ FI SAM,AA ] RUUXII DOOD KA QABA HA LA DOODO ; [ ICTIQHAA FA,INAHAA MU,MINA N ]. WASALAAMU CALAYKUM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 27, 2000 - 09:45 am TO ; SALAFI ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU . WALAAL JAWAABTU WAA MID KOOBAN OO AH ; [ FI SAM,AA ] RUUXII DOOD KA QABA HA LA DOODO ; [ ICTIQHAA FA,INAHAA MU,MINAH ]. WASALAAMU CALAYKUM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 27, 2000 - 09:45 am TO ; SALAFI ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU . WALAAL JAWAABTU WAA MID KOOBAN OO AH ; [ FI SAM,AA ] RUUXII DOOD KA QABA HA LA DOODO ; [ ICTIQHAA FA,INAHAA MU,MINAH ]. WASALAAMU CALAYKUM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 09, 2000 - 03:03 am bismilaah walxamdu lilaah wabacdu awalan mowduuca sifaadku waa mowduuc ay ku lumeen firaq badan kagana leexdeen jidka salafka, marka waa mowduuc khatartiisu aad u wayn tahay ninkaan qur,aanka iyo sunnada iyo fahamka salafka ulanoqon, fikrado ”ahlul kalamna ” ka hor mariya sadexdaa marjic, ”wa raximallaahu ibnu qayyim xiina qaal (al cilmu qaalallaahu qaala rasuuluhuu ¤¤¤¤¤¤¤¤ qaala saxaabatu leysa bittamwiihii mal cilmu nasbaka lilkhilaafi safaahatan ¤¤¤¤¤¤¤¤ beyna rasuuli wa beyna ra’ayi faqiihii ¤¤¤¤¤¤¤¤ kallaa walaa jaxdu sifaati wanafyuhaaa ¤¤¤¤¤¤¤ xadaram mina tashbiihi wa tacdhiilii) arinkan sifaadkana salafku waxay ku bineeyeen qawaacid ta’asiilsan sidan hada kahorba kasoo hadalay waxana asal u ah labo qaacido, (1) sifaadka alle(sw) oo siday kitaabka iyo sunnada ugu soo arooreen looqiro (2) iyo inaan alle lagu shabihin wuxu abuuray oo ah diidmo iyo sugid, alle (sw) oo laga nazaho in makhluuqaadkiisa lagu shaboho iyo in loosugu sifaadka uu isku sifeeyay siduu alleba yidhi (alle wax lamid ah majiro, waxna wuu maqlaa waxna waa arkaa)suratu shuuraa(11) haday dadku aayadan sifiican u fahmi lahayeen khilaafka xaga sifaadku wuu soo afjarmi lahaa, waana qaacido kaamil ah oo baabka sifaadka aayada qaybta hore oo ah( alle wax lamid ah majiro) waxay radinaysaa qolyaha alle makhluuq ku shabaha sida(al-mushabbaha wa al-mujassamah ) qaybta dambana oo ah(alle waxna waa maqlaa waxna waa arkaa) waxay radis u tahay qolyaha sifaadka alle diida oo macne ayna tusinayn markaa kula carara sida (mucadhalada) marka waa labo qolo oo did isku ah (mucadhalada >&< mushabahada) mushabahadu siday isu lahayd ka carar qolyaha sifaadka alle diidaya baa waxay xadka ka saareen sugida sifaadka alle,markasay alle makhluuqiisa ku shabeheen. mucadaladuna siday isu lahayd ka carar qolyaha alle wax ku shabahay bay iyana xadkii ka bexeen,markasay sifaadkii alle ka dhigeen waxay ta'wiiliyaan iyo waxay tafwiidiyaan,qolyo iyagu in kirayba in alle sifo loosheegona wayba jiraan oo waa kuwa xadka ka gudbay.waxanad ogataa qolyahan dambe inay yihiin mushabaha ,oo siday ku yihiin ?, waxay niyada galiyeen in sifaadka alle uu ku sheegtay kitaab ama sunnada ay keenayso tashbiih , marka tashbiih buu niyada galiyay markasay macno ayna lahayn kula carareen, salafkuna waxay odhanjireen (mushabahaduna waxay caabudaan sanab , mucadhaladuna waxay caabudaan waxan jirin) marka salafku waa wasad labada qolo dhexdooda, oo ah sifaadka alle oo lasugo iyo inaan makhluuq lagu shabihin , sifaadka uu alle ku sheegtay kitaabka iyo sunaduna ma keenayaan tashbiih hadii looqiro siday ku yimaadeen, sidaa darteed wuxu yidhi nuceym binu xamaad al-khuzaacii(qofkii ku shabaha alle makhluuqaadkiisa wuu gaaloobay , qofkii diida wuxu alle ku sifeeyay naftiisana wuu gaaloobay, tashbiihna makeenayso wuxu alle ku sifeeyay naftiisa, rasuulkiisuna uu ku sifeeyay) wayaa subxanallaah waxa wax lalayaabo ah inuu mid xaamilu raayatal khalaf ah soo boodo oo uu yidhaa daahirka nusuustu waxay keenaysaa tashbiih hadaan sugno marka waa inaan ta’wiilino ama aan tafwiidino, waxad moodaa qolyahan wax ta’wiiliya ama wax tafwiidiya markay hadlayaan inay alle uga aqoon badan yihiin sifaadka uqalma , waxabad moodaa inay leeyihiin ” allow sifaadkan aad isku sifaysay kuuma qalmaan oo waxay keenaysaa nuqsaan iwm marka anagaa ta’wiilinayna oo jeebkayga kala soo baxayna micne adiga kuu qalma , arinkanina waa dacnin risaalada allaah ama ha isdareemeen qolyahan ta’wiilinaya sifaadka alle ama yayna isdareemine waxa jira arin lagama marmaan ah inaan ku baraarugno, dadka qaar baa waxay u qaateen marka salafku ay leeyihiin mara sifaadka alle( bilaa tafsiir) inay ula jeedaan macnaha sifaadka alle in ”latafwiidiyo” oo layidhaa allaa garanaya macnaha ”dixk” iyo ”samc”iwm, waana arin ay iska cadahay inuu dalaal yahay waayo waa hadal tusinaya inuu alle umadiisa kula hadlay, hadalayna fahmayn micnihiisa .allena (sw) wuxu ina faray inaan micnaha quraanka ku tadaburro si’aan ufahano, wuxu yidhi alle(sw)(mayayna ku tadaburayn qur’aanka ) marka salafku waxay u qiraan alle sifo kasta uu isku sifeeyay, rasuulkiisuna (scw) uu ku sifeeyay , iyadoo layska ilaalinayo arimahan soo socda (1) ATTAXRIIF waana naska oo macnihiisa laga leexiyo, wuxuna u qayb samaa labo(A) lafdiga naska oo lalexiyo sida ”istawaa” oo ”istowlaa” loogadiyo, laambay ku siyaadiyeen sida yuhuudu ay ugu siyaadisay nuunta markii lafaray inay yidhaahdan(xidhah) baa waxay dheheen (xiNdhah) (B)in lataxriifiyo macnaha naska sida qolya ku fasira raxmada alle ”iraadatul incaam”iyo macnaha ”cadhada” ”iraadatul intiqaam” (2) ATTAC’DHIIL waana inaad diido macnah sifaadka alle ay tusinayaan adigoon ku fasirin macne kale siday samayso (al mufawiddah) (3)ATTAM’THIIL waana in layidhaa sifaadka alle waxay lamid yihiin kuwa makhluuqa waana tashbiih. (4) ATTAK’YIIF waana inaad tilmaanto qaabka ay u egyihiin sifaadka alle hadaba akhristow waxad ogataa in salafkii ay tafwiidin jireen qaabka sifaadka ama keyfiyada sifaadka, e ayna tafwiidin jirin macnaha sifaadka waanatan cadaymaheedu. sufyaan waxa laga warinayaa, wuxu yidhi (waxan lajoogay rabiicah binu abaa c/raxmaan , marka ninba su’aal waydiiyay oo wuxu yidhi –markasu akhriyay aayada suratu dhahaa(5)- markasu yidhi, (siduu alle ugu istiwooday?) markasu yidhi (istawuhu waa waxan laga jaahil ahayn , qaabka uu ugu istiwoodayna waa waxaynan garanayn, alle xagisayna risaaladu katimid , rasuulkana(scw) korkiisa waxa ah inuu gaadhsiiyo , inagana waxa inasaaran inaan rumayno) firi mukhtasirul culuwi(s 132) waana athar saxiix ah sidu sheegay albaani. waxa laga warinayaa yaxyaa binu yaxyaa attamiimii iyo jacfar binu c/laahi iyo koox kale inay dheheen, ninbaa u yimid imaamu maalik ,markasu yidhi ,abuu c/raxmaanow –markasu akhriyay aayada dhaaha(5) - markasu yidhi, (siduu alle ugu istiwooday?) markasu yidhi raawiga atharkan , ma arkin imaamu maalik oo cadhooday siduu uga cadhooday hadalkaa , dhididbaana shax kasoo yidhi, dadkiina waysugeen , markasu xanaaqii kadagay , oo uu yidhi ( keyfiyada istawuhu waa waxaynaan garanayn , istawuhuna waa wax layaqaan , inaan rumaynaana waajibay inagu tahay , in la’iswaydiyaana waabidco-yacnii keyfiyada- waxana ka baqayaa inaad lunto, amarbuuna kubixiyay oo waa lasaaray ) wuxu yidhi imaamu thahabi isagoo tacliiqinaya hadalkaa imaamu maalik (waa arin ka sugan imaamu maalik mid isaga lamid ahna waa inoosoo hormaray oo laga warinayo Rabiicah sheekha imaamu maalik waana hadalka ahlu sunnada dhamaan ,( in keyfiyada istawaha aynaan garanayn ,bal jaahilbaan ka nahay , istawahuna waa wax layaqaano siduu kusheegay kitaabkiisa alle , iyo inuu yahay istiwaa isaga u qalma , kumana xeel dheraanayno mana sii dhex galayno waxa kalazimaya diidmo iyo sugid toona bal waan ka amusaynaa, waana ka istagaynaa siday salafku uga istageen, waxana oganaynaa in haduu lahan lahaa ta’wiil ,inay inooga hormari lahayeen saxaabadu iyo taabiciyiintu ....)firi mukhtasirul culuwi(s 141-132) wuxu yidhi sheekh albaani(rxm) oo tacliiqinaya hadalka imaamu maalik(al-istiwaa’u qeyr majhuu) waa wax layaqaan sidaa darteed waxan arkaynaa in ahlul cilmigu markay soo guurinayaan jumladan oo imaamu maalig kasoo xiganayaan waxay odhanayaan (al istiwaa’u macluum) siduu qurdhubi kasoo xiganayo imaamu maalik oo inoo imandoonta kitaabka dhamadkiisa . sidaa darteed macnaha (al-istiwaa’) luuqad ahaan waa wax layaqaan ,taas oo lafasiri karayo, laguna turjumi karayo luuqado kale , wuxuuna kamid yahay ta’wiilka ay garanayaan (arraasikhuuna filcilmi) amaa qaabka uu alle ugu istiwooday ,wuxu kamid yahay ta’wiilka uuna garanayn alle mooye cidkale ,sida daatada alle (sw) iyo dhamaan sifaadkiisaba )firi isla kitaabka kore(s 141) wuxu yidhi bukhaarii (rxm) dhamaadka kitaabkiisa saxiixa ah markuu fasirayay aayada uu alle ku leeyahay (wuxu ahaa carshiga alle biyo dushiis) iyo aayada uu alle ku leeyahay(alle waa rabbiga carshiga wayn) wuxu yidhi bukhari mujaahid (rxm) wuxu yidhi ”istawaa” calaa calal carshi) fiiri mukhtasirul culuwi (s 101) wuxu yidhi shekheena salafiga ah abuu c/raxmaan albaani(rxm) waxay radis utahay qorayaasha casrigeenan ee dadka mood siinaya in salafkii ayna ka hadlin aayaadka sifaadka , oo ayna fasirin marnaba, oo ay ku gaabsadeen akhriskeeda iyagoon ku tadaburayn fahmayna, waana arin uu cadeeyay baadil nimadeeeda sheekhul islaam(rxm) kutubtiisa dhexdeeda. waa sax oo mayna fasirin tafsiir uu lajiro tashbiihin iyo takyiifin bal way nahyiyeen arinkaa nahyi kan ugu daran sidaad ku arki doonto kitaabkan dhexdiisa oo imaamu maalik laga warinayo iyo kowo kaleba, wuxu wariyay imaamu laalakaa’ii kitaabkiisa ASSUNNAH(1/91/2) can bishir binu cumar athaqafi oo (dhintay.. 207)( waxan maqlay in ka badan hal oo mufasiriinta ka mid ah oo odhanaya aayada ku jirta dhahaa(5) ”calal carshi irtafaca” yacnii carshiguu ka sareeyaa)firi alculuwi (s 101-102) wuxu yidhi waliid binu muslim waxan waydiiyay owzaacii iyo maalik binu anas iyo sufyaanu thowrii iyo leyth binu sacad , axaadiistan ka hadlaysa aragtida alle iwm waxay ku jawaabeen (mar , keyfiyo la’aan) meelkalena isla atharkan laftiisa wuxu ku wariyay waliid (umara siday ku timid tafsiir la’aan) marka halkana waxay ku cadaynaysa in salafku marna ka cabiraan (bilaa keyf) marna (bilaa tafsiir)marna(bilaa macnaa) dhamaana waxay ulajeedaan inaynaan fasirin macnaha keyfiyada sifaadka,wayna inoo iman doontaa iyadoy sicad usheegayaan wuxu yidhi axmad binu nasar (rxm) waxan maqlay sufyaan binu cuyeynah anoo jooga gurigiisa cishaha kadib oo aan ku cel celinayo su’aasha , markasuu igu yihi idhaaf aan nafis qaate’e , markasan ku idhi abu maxamadow waxan rabaa inaan ku waydiiyo wax, markasu yidhi waxba haywaydiin , markasan idhibuu yidhi laabudda inaan ku waydiiyo hadaana adiga ku waydiin yaakaloon waydiin? markasu yidhi soodaa iwaydii , markasan idhi kawaran xadiiska cubeydah uu kawarinayo cabdullaahi canninabiyi(scw)(alle cazza wajalla wuxu ku xambaari samawaadka hal far dhulalkana halfar) iyo xadiiska sheegaya (quluubta binu aadmigu waxay ku jirtaa labo farood ee allaha raxmaanka ah dhexdooda ) iyo xadiiska sheegaya inuu alle layaabo oo uu ku qoslo qofkii ku xusa aduunka cidhifkiisa kale .markasuu sufyaan wuxu yidhi (axadiistaasi waa sidday ku timid, waan qiraynaa waxana ku warinaynaa keyfiyo la’aan)firi kitaabka daara qudhni ee layidhaa assifaat(s 42) dara qudhni wuxu yidhi , waxaanoo waramay maxamed binu makhlad xadathanaa alcabaas binu maxamed addowrii wuxu yidhi waxan maqlay abaa cubeyd alqaasim binu salaam oo intuu sheegay baabka uu ku warinayo xadiiska aragtida alle maalinta qiyaamo iyo kursiga iyo mowdica qadamaynka iyo qosolka rabi uu ku qoslo adoomadiisa quusanaya una taqarubaya cidaan alle ahayn iyo xaguu rabi joogay intuusan abuurin iyo inayna jahanamo buuxsamayn ilaa alle uu saaro cidhibtiisa oo aymarkaa odhanayso QaD QaD iyo axaadiis kuwaa lamid ah, markasu yidhi. axadiistan waa saxiix asxaabu xadiith iyo fuqahaduna waxay ku xambaareen qaarba qarka kale , agtanadana waxay ka yihiin xaq shakina kuma jiro, lakiin hadii layidhaa (qabkuu keyfa) u sarayaa alle cidhibtiisa iyo siduu u qoslaa , waxan ku leenahay * LAMA FASIRO ARINKAN MANA AANAN MAQAL QOF FASIRAYA*) firi kitaabka dara qudhni ASSIFAAT(s 40) akhriste walaal u fiirso hadalka kore ee abaa cubeyd alqaasim binu salaam wuxu yidhi (LAKIIN HADII LAYIDHAA (qabkuu keyfa) u saarayaa alle cidhibtiisa iyo siduu u qoslaa , waxan ku leenahay * LAMA FASIRO ARINKAN MANA AANAN MAQAL QOF FASIRAYA) wuxu sicad kuugu fasirayaa in culumadu markay leeyihiin (bilaatafsiir )iyo waxa lamidka ah ayna ulajeedin macnaha sifada e ay ulajeedaan qaabka sifada , marka baraarug walaal oo iska jir ahlul bidaca ku dhagaya sida koolada hadalada mujmalka ah ee culumada wuxu yidhi sufyaan binu cuyeynah(dhamaan wuxu alle isku sifeeyay qur’aankiisa dhexdiida , sida loo akhrinayo ayaa tafsiir u ah Qaabna looma sheegi karo Mithaala lagama bixin karo)firi assifaat(s 40) wuxu yidhi wakiic (axadiistaa waxan ku daynaynaa siday ku timid mana odhanayno” keyfa hathaa , walima jaa’a hathaa)assifaat(s 40) sulaymaan binu xarbi wuxu yidhi waxan maqlay xamaad binu zeyd oo leh(waxay ku dul wareegayaan inay yidhaadaan samada alle majoogo –yacnii aljahmiyah) wuxu yidhi imaamu thahabi oo tacliiqinaya hadalkaa xamaad binu zeyd (hadalka salafka iyo a’imada sunnada , bal saxaabada iyo alle iyo rasuulkiisa(scw) waa in alle cazza wajjala uu jiro samada oo uu carshiga ka sareeyo, oo samooyinkiisa ka sareeyo, uuna usoo dago samada soke , xujaday u haystaana waa nusuus iyo aathaar , maqaalada jahmiyaduna waa in alle tabaraka watacaalaa uu ku dhex jiro meel walba , (tacaalallaahu can qowlihim) bal alle wuxu ku joogaa meel walboon joogno cilmigiisa, maqaalada kuwa muta’akhiriinta ahna waxa weeye in alle uuna joogin SAMAWAADKA KOR KOODA IYO CARSHIGA KORKIISA , IYO SAMAAWAAADKA IYO DHULKA KORKIISA IYO CAALAMKA DHEXDIISA IYO DiBaDiiSa, OO UUNA KA DHEX BAXSANAYN KHALQIGA XIDHIIDHNA LALAHAYN waxayna dheheen in dhamaan sifaadkani ay yihiin sifaad jismi, allena wuu ka nazahan yahay jismi. waxay ugu jawaabeen ahlu sunnah wal athar anagu madhex galayno arinkaa , waxan dhahaynaa wixii lanoo sheegay anagoo raacayna nusuusta ....... hadalkiinana madhahayno , maxaa yeelay XAYUUBINTAASI waa sifaad waxan JIRIN , allena waa ka hufan yahay CADAMNIMO bal waa mowjuud oo ka soocan khalqigiisa , kuan sifaysan wuxu isku sifeeyay , oo ah inuu carshiga ka sareeyo keyfiyo la’aan )firi mukh tasirul culuwi(s 146-147) hadalkan imaamu thahabi wuxu radis u yahay qolyaha yidhaa ( alle kor majoogo oo hoos majoogo oo madig majiro oo bidix majiro oo gadaal majiro oo horay majiro , aduunkana kuma jiro kama dhex baxsana ) waana baadi ay iska cadahay oo aan wax sharax ah u baahnayn wuxu yidhi xamaad binu zeyd waxan maqlay ayuub assakhtiyaanii oo intuu ka sheekeeyay muctazilada leh, (qowmkani waxay ku dulwareegayaan inay yidhaahdaan samada wax jooga maleh)fiiri mukhtasirul culuwi(s 132) alle waxan kabaryayaa inuu iigu daro mizaankayga xasanaadka waxan asiibay waxan ku gafayna ii dambi dhaafo wallaahu aclam ÈÜÞÜáÜã ÃÈæÇáÍÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜ ÇáÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜáÝí ÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÜÇÑË
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 09, 2000 - 03:41 am Maashallaah. Salafi intuu sheegayba oo sifaadka ilaahey ah waan ku raacsanahay iyadoo sidey tahay la innaga rabo inaan u rumeyno sifaadka ilaahey subxaanah. Ilaahey wuxuu sheegto ama nebigiisa uu u sheegey dood kama immaneyso ninkii u raaca sidey usoo arooreen. Ninna looma dirsan inuu xil iska saaro oo dood ka keeno ama inkiro ama fasir qaldan ku fasiro. Waa dariiqa saxda ah ee diinta islaamka ay qabto. Ninkii qilaafana ilaahey ha ula diyar garoobo sababta sifo uu sheegtey ALLE uu u diidey qofkii ama macno qaldan uu ugu fasirey. Salafi. Assalaamu caleykum. Intaad wax qoreysey intan yaan ugu jeclaadey ee doodda badan intaad ka baxdo meelaha kale lagu hayo qeybaha cilmiga ee halkan oo kale ah dadka ugu faa'iidee. wallaahu aclam. Cilmigii waad dayacdeen waxaana beddeley dood waxba aan miro dhal laheyn. Ilaahey innagoo muslixiin inaan noqonno u qasdeyna nagama dhigo mufsidiin insha' allaah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 09, 2000 - 05:32 am to naasir iyo anonymous walaalayaal waxan idinkula talin lahaa inaad iska daysaan dacninta aad naduraysaan minwaraa'i sitaar anigu waxan qorayey oodhan waxan u arkaa wax sawaab ah ama ha'ahaado bogan ama bogaga kale ee aan xizbiyada indho la'aanta ah kaga hadlay marka waxba hay tahniyadaynina aniga waa isugu kay mid anaan cadeeyo ninkii kalexda jidka salafka ama hakaga leexdo inuu xizbiyo iyo tafaraaruq ku keenay umada ama hakada leexdo inuu sifaadka awilo marka walaalayaal wali waxad moodaa inaydaan ka zuulin dhariiqadii ahayd diintu waa (qishr iyo lub)halagu dadaalo "lubka" taasna waxay keenaysaa siday sufiyadu hada kahor naga dhadhiciyeen inay wax kasta uu nabigu ku hadlay ay tahay sunne iyagoo markaa tacbiirkooda laga dhadhan sanayo sunnadu inay tahay wax mustaxab oo kale ah oo qofkii ka taga uuna wax dhib ah lahay marka walaalayaal naftiina dib isugu noqda oo iska saara tacasubka shadiidka ah manhajkii salafkana usoo noqda , xataa waad ogtihiin qaar salafka kamid ahi inay fargan uu kareebay hadalka ukala goosteen idinkana maanta waxad ka dhigi lahaydeen , dakhsi sanka laga duuliyay oo kale walllahu aclam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 09, 2000 - 08:18 pm Assalaamu caleykum. Salafi. Cidna ku doorsan maayo wehelkaaga run ahaantii laakiin wax yaalo aan kugu raacsaneyn iney jiraan oggoloow una arag inaan ku qilaafi karo. Walaal durriinshaha waa qalad laakiin aniga daacad bey iga aheyd oo waxaan rabaa matalan hal nin in looga haro raddinta xarakada inta kalena ay wixii munaasab ah meesha ku diyaariyaan si meesha ay u noqoto meel tanawuc xagga aqoon kororsiga ah leh. Waxaan shaki ku jirin hala midoobo oo hal haloo noqodo cadawga islaamka iney tahay arrin wanaagsan oo waajib ah. In shakiga iyo tuhunka la iska qabana la bayaamiyo waa mid saaran qof walba oo la tuhunsan yahay. Islaamka waa walaalo sidaa daraaddeed ninna kama maarmo walaalihii. Ammaan aan ku ammaanayo ummaan qorin hadalkeygii hore laakiin sifaadka markaan arkey sidaad usoo taxdey yaan farxay oo aan jecleystey inaan ra'yigeyga anna ka dhiibto. Haddii sidaad u qaadatey aan u qori lahaa daraaddeed waan niyad xummaan lahaa. Laakiin minashirki al-asgar in qof dartii wax looqoro ilaahey loogu dhawaan lahaa. Xarakada badan hala baabi'iyo oo hala isku daro, islaamka ha midoobo, madaxda aan waxba diinta ku xukummin halaga shaqeeyo sidii looga qaadi lahaa ammaanadii ay gudan waayeen, Ilaahey aan ka barinno in islaamkii noo soo noqdo. Khilaafada imman doonta aan dadka u diyaarinno haddaan innaga kari karin inaan yeelanno ma xuntahay?. Ilaahey hakuu dambi dhaafo, ramadaankaagana hakaaga dhigo mid barakeysan oo lagaa aqbalo. (waxaan kuugu duceynayana waa inaan helo intaan kuugu duceeyey ee wax kale ha u qaadan). Akhuuka fillaah. walaalkaa ii arag walaalkaagaba kamaad xumaateen. Wabillahi towfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 03:05 am walaal barakallaahu fiika jazakallaahu khayr waxan fiicnaan lahayd hadalkaaga meel baa khashiki iga galay inaad soo bayaamise waana sidaad rabto inaad xukaamta kaga qaado xugunka maxabad iyo qori afkii? ma dacwo iyo in wax loobayaamiyo ? walaal marlabaad barakallaahu fiiika
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 05:28 am Assalaamu caleykum. salafi. Waa isla anigii qorey maqaalka dambe. Ibnu kathiir wuxuu yiri tafsiirka aayadda suuratul bakhara ee soddonaad ee ka hadleysey ilaahey markuu malaa'igta ku lahaa dhulka ayaan khaliifa dhigayaa sidan" "Waqad istadalla al-qurdhubi wageyrihi bihadihil ayah calaa wujuub nusbil khaliifah liyafsila beynannaas fiimakhtalafuu fiihi, wayaqdhac tanaazucihim, wayantasir limathluumihim man thaalamahum, wayuqiim al-xuduud wayuzajir can tacaadhi al-fawaaxish ilaa geyri dalika minal umuuril muhimma ALLATII LAA TUMKIN IQAAMATUHAA ILLAA BIL IMAAMI WAMAA.... LAA YATIMUL WAAJIBU... ILLAABIHI FAHUWA WAAJIB". Ka eeg safaxada 108 ee tafsiir ibnu kathiir. Mar haddii waajibnimada imaamka la isla garto wey sahlan tahay in laga hadlo dariiqa ugu habboon ee loo mari lahaa soo celinta imaam iyo ummad mideysan. Taana qofkastoo muslim ah oo damiir islaami ah leh wey ku jirtaa qalbigiisa. Bal marka hore iney dowladahan baadhil yihiin hala isla garto oo yaan qiil loo raadin aan aheyn inaan la gaaleysiin, marka xigtana halaga shaqeeyo dacwa ku wajahan towjiiha muslimiinta iyo ku beerista qalbigooda soo celinta Imaam. Ummad mideysan sida quraanka lagu sheegey yaa la rabaa. Warkiiyoo kooban walaal anigoon ku daalin oo waxba hadalkana kugu badin, ilaahey ha innaga dhigo kuwa islaamka u qiirooda min alifihi ilaa yaa'ih. U GALA ISLAAMKA SI KAAMMIL AH HANA RAACINA TALLAABOOYINKA SHEYDAANKA ayaa nalagu leeyahay. Qofkii raaca sabiil aan aheyn kan mu'miniinta waxaa faraha looga qaadaa cidda ay tawallistaan dadkaa ayaga ah. Arrintana taasey u ek tahay. wallaahu aclam. Ilaahey hannoo dambi dhaafo dariiqa toosanna hana tuso dhammanteen. Wasalamu caleykum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 07:47 am magaclaawe walaal waxan ku leeyahay ""xiddta canil mowduuc"" walaal su'ashan ku waydiiyay iigamaadan jawaabin waxana ka codsanayaa inaad meelkale inoo furto hadii aad rabto inaan ka niqaashno mowduucan in min alif ilaa yaa lawada qaato diinta waa waxan shalay kaala hadlayay markan kulahaa =============== alqishr & wallub=========== ninka caaqilka ahi isharaduu wax ku fahmaa
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 04:38 pm Assalaamu caleykum. Salafi "alqishr&wallub" waaye sheekada haye?. Jawaabta i maqashii si aan kuugu jawaabo yey aheyd warkeyga. Walaal mowduuca innoo fur si aan u ogaado aragtidaada ku saabsan arrinka. Waadna awooddey inaad wax ka tiraahdo. IMAAM MA OGGOSHIHIIN IN LA RAADIYO?. Haddey haa tahay ANAA MACAKUM. haddii maya ay tahayna salaadda sida loo tukado waan aqaan iyo shirkiga WUXUU YAHAY. bidcadana la isaga ilaaliyo (calaa shardhil axaadiis, raddiya wixii bidca ah I don't care). Igu filan. Dariiq gaaban baan iska marayaa oo muran iyo qajajac aan lahayn. Soo diyaari Gunaanadka iyo sida islaamka lagu soo celin lahaa markii lagu daro AL-IMAAMAH. Inta kale waan ka dheregsanahay. Kutubta la akhriyo waa hal, tafsiirkana hal meel baa laga soo wada xigtaa, Nin walba ibnu kathiir, qaala cadhaa, qaala qataadah, qaala ibnu cabbaas, qaala mujaahiddaas yuu ku hayaa. culumadana waa isla culumadii. Meesha qilaafka ka taagan waa cinaad qolo walba heysta. Nin walba wuxuu rabaa inuu kis meel ku xareysto sida isagoo la yiri aruuri dadka oo tiimbaro ku dhaji. Magacaaga salafi lama dhaho maxaad keyga ka rabtaa?. Ha innoo ahaato haddaad mowduuca furto markaad damacdo. Inta kale dhinaceyga yaan ka aqrisanayaa waxa la qoro. Markaan wax ku iraahdana waan kuu sheegayaa inshallaah. Halkaa kasii wad dadaalka. Waxaan aad u jeclaan lahaa inaad is xilqaanto oo MOOWDUUCAAS AAD IGA JAAHIL BIXISO ku saabsan Imaamka in lasoo celin karo oo loo shaqeyn karo iyo in dowladahan raalli lagu noqdo oo howsha ay iska ahaato "Bixasbi' imri'in". Diinta waa waasac ninkii ciriiri raadiyana wuu ka helaa. Salaantana ha illoobin haddaad iisoo jawaabto waayo waxaan garanayaa inaad ii xanaaqsaneyn. Awalaa adullukum..arrin haddaad sameysaan aad is jeclaaneysaan... afshu-salaama beynakum". Wasalaamu caleykum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 12, 2000 - 03:27 am ibnu casaakir walaal hadaad mowduucii ka qanacday waa alle mahadiis allena khayrbaan kaaga rajaynayaa waana tagay wasalaamu calaykum
|