We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 02:36 am || Taariikh: 1.10.2000 || || Somali Forum || || Akhriso B. Martida || || Saxiix B. Martida || BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA [1. Arar][2. Warka][3. Ganacsi][4. Qubane][5. Doodda][6. Haweenka][7. Diin][8. Dh/yaro][9. Murti][10. Iidheh] AL-ITIXAAD IYO DOWLADDA CABDULQAASIM MAXAA KALA HAYSTA Sida aan wada ognahay, madhabta wadaaddada al-Itixaad waxay ku salaysantahay in aanan siyaasadda la faragelin, Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay ee xukunkii Siyaad Barre sii liicayay wadaaddadaasi waxay ahaayeen kooxdii ugu xoogga badnayd wixii dalka joogay kolka laga eego dhinac kasta, ama ha ahaad mid urureed ama habaysnaanta iyo taageerada ay ka haysteen dadwaynaha Soomaaliyeede. Sikastaba arrinku ha ahaadee, Al-Itixaad way ku fashilmeen in ay la wareegaan maamulka dalka intii uu liicayay xukunkii Siyaad Barre sababtuna waxay ahayd, qaar badan oo madaxdooda ka mid ahaa ayaa aaminsanaa in aananay bannaanayn in siyaasadda laga qaybqaato. Kolkii dagaallada sokeeye billowdeen, waxay ka qaybqaateen dagaalladii qabyaaladeed ayada oo koox walba taageerayso qabiilkeeda, halkaas ayaa kolka waxaa ka soo baxay kooxo al-Itixaad ah oo qabiil ku salaysan, qabiil kastana wuxuu yeeshay al-Itixaad asiga u gaar ah, sidaa darteed waxaad arkaysaa in qabiilada diiday in maxkamadaha laga furo meelaha ay joogaan ay yihiin qaar aanan lahayn wadaaddo qabiilkooda u daacad ah. Dhalashadii dowlladii Carta Kolkii Ina Geelle ku dhawaaqay barnaamijkii uu ugu tala galay soomaaliya ee lagu soo dhisay dowladda cabdulqaasim madaxda ka yahay, wadaaddada habargidir ee al-Itixaad al-Islaami, ee badankoodu ka dhashay beesha Cayr, waxay ku dadaaleen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dowladda cusub ee laga abuuri doono Carta. Sababta keentay in wadaaddaasi xiiseeyaan ka qaybgalka dowladda soomaaliya ee la filayo waa danaha dhaqaale ee ay ku haystaan dalka dhexdiisa iyo heshiiska ka dhexeeya ayaga iyo ganacsatada, halkaas oo loo baahday in la helo nabadgelyo si Itixaadkuna cantoobyada uu ku hayo bulshada u sii xoojiyo canacsataduan ay taageero uga helaan ayaguna dhaqaale ku kabaan, kolka waxaa loo baahday dowlad u adeegta danaha labadaas kooxood ee runtii ah dano dhaqaale iyo kuwa diimeed oo isasoo dhexgalay. Hadda iyo dan, kolkii al-Itixaad ay gogosha boorka uga jafeen dowladda cusub oo ay dadwaynihii Muqdisho joogay ka dhaadhacsheen in ay dowladda Cabdulqaasim tahay lamahuraan ayay hadda u soo jeesteen soomaalida qurbaha ku nool. Al-Itixaad oo soomaalida qurbaha joogta taageero dowladda uga raadinaya Inkasta oo aanuu al-Itixaad tartanka taageero u raadinta dowladda cusub kaligiis ku ahayn, oo ay wehliyaan kooxo kale oo ay ka mid yihiin al-Islaax iyo Qabyaaliistayaal kale iyo ganacsato, hadana waxaa muuqata in wadaaddada al-Itixaad ay horyaal u ahaayeen kicinta iyo taageero raadinta ka socota wadamada ay soomaalidu ku nooshahay. Meelo badan ayaa laga dhigay xaflado lagu taageerayo dowladda Cabdulqaasim ayada oo cinwaan looga dhigay taageeradaas "bulshada soomaaliyeed ee meel hebla joogta oo xaflad taageero ah qabatay" runtii ma aha bulshada waxa qabtay xafladda ee waxaa badanaa abaabula kooxa al-Itixaad ayaga oo ku adeeganaya magaca bulshada soomaaliyeed, sida ka dhacday meelo badan sida Maraykanka, Canada, Malaysia iyo Carabaha. Sababaha keenay Loollanka siyaasadeed ee al-Itixaadku galay Hadal iyo dhammaantiis, waxaa muuqata in al -Itixaad ay galeen bad cusub oo ah loollan siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waana arrin ka soo horjeeda falsafaddooda, maxaa wacay kuma jirto madhabtooda in adduunka la isku mashquulsho siiba labada arrimood ee aan soo sheegay. Ugudambaystii al-Itixaad wuxuu noqday kooxda ilaa iyo hadda sida daacadda ah ugu adeegta dowladda Cabdulqaasim madaxda ka yahay, sababtuna waa: 1.In al-Itixaadkaas badankoodu ku qabiil yihiin madaxwaynaha. 2.Ayada oo badankoodu yahay ganacsato ama ganacsato gacansaar la leeyihiin. 3.Ayaga oo doonaya in ay awooddooda madhabeed dalka ku sii adkeeyaan, maxaa yeelay soomaalida badankoodu waxay raacsanyihiin madhabtooda mana doonayaan wadaaddadaasi in soomaalidu madhabado kale qaataan. Arrimahaas iyo qaar kale oo aanan malaha loo jeedin ayaa ka dambayn kara taageerada indhala'aanta ah ee al Itixaadku la garab joogsaday dowladda Cabdulqaasim, laakiin waxaa hubaal ah in ay soo foodsaari doonaan dhibaatooyin aydoloojiyadeed oo kaga yimaada xagga siyaasadda kana soo horjeesta madhabtooda diimeed, kuwaas oo keeni doona kala dillaac ku yimaada ragga madhabta al-Itixaad laftooda. Somali Forum Free Email Free Guest Book Free Home Page FAALLADA WARKA QABYAALAD SHARCIYAYSAN IYO QABYAALAD AANAN SHARCIYAYSNAYN! Kolkii Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle lagu yiri: maxaad dowladda aad Soomaaliya la doonaysaan qabiil ugu salayseen, wuxuu ku marmasimooday "Qabiil-qabiil baa laysu dagaalay, kolka in qabiil-qabiil loo heshiiyo ayaa lama huraan noqotay". Weedhaasi, wixii maalintaas ka dambeeyay waxay noqotay falsafad ay ku howlgalaan dhammaan qabyaaliistayaashu kuna cadgoostaan ayaga oo ku marmarsimoonaya in qabiil-qabiil loo dagaalay, ayna kolkaas lama huraan noqotay in qabiil-qabiil loo heshiiyo. Halkaas waxaa ka cad in ragga sidaas ku doodaya oo ay hormuud u yihiin nimanka hadda madaxnimada loo doortay iyo kuwa taageera intaba, in ay si caqliyaysan u sherciyeeyeen qabyaaladdii dadwaynihiina ka dhaadhacsheen in qabyaaladdu tahay wax lama huraan ah oo ilaahay inagu jarribay dhinac looga taagsadana aanay jirin. Intaas kolkii ay isugu toostay bay waxay billaabeen in ay kolkaa dowladda cusub guud ahaanba falsafadeedu ahaato "qabiil-qabiil" sidaa darteed, nimankii loo saaray in ay dowladda cusub u qoraan ciidan booliis ah waxay ciidanka qoriddiisa ka billaabeen qaraabadooda iyo taageerayaashooda intii kalena waa la iska illoobay! Guddiga uu madaxda u yahay General Muhammad Nur Galal oo maalmahanba ku howllanaa sidii ay u qori lahaayeen ciidan doladda cusub in uu garab u noqdo loogu talagalay ayaa maalmahan ku mashquulsanaa sidii ay u qori lahaayeen liiskii ciidankaas ayaga oo u xulaya hadba sida ay dadku u kala qabiil sokeeyaan kolka laga eego galaalka laftirkiisa iyo madaxwaynaha cusub iyo intii la halmaasha. Hadaba su'aasha iswaydiinta mudani waxay tahay, haddii ciidanka booliiska ee dowladda cusub uu noqdo Galaal iyo Cabdulqaasim ina adeerradood oo soocan sidee dowladda cusub loola heshiin doonaa? sideese dalka maamulkiisa loo wadaagi doonaa. Taas waxaaba ka daran, haddii xaalkii askartu sidaas yahay, maxaan ka filanaynaa golaha wasiirrada, maareeyayaasha iyo agaasimayaasha, maamulayaasha iyo inta la halmaasha tolow ayaguna ma waxay noqon doonaan Cabdulqaasim Salaad Ilma adeerradiisa oo miiran mise dad kale ayaa farxi doona?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 07:02 pm TO;; YUSUF WARYAA WAXAAD TAHAY KALAB XUN OO AAN WAXBA KALA OGAYNE AMA WAX FIICAN NOO SHEEG AMA MAGADAA NAC-NACDAADA ISTUBIR XUN BAAD TAHAY...YAA KU YIRI WAXAAS OO KALER AYAA MEESHA LA LA YIMAADAA.. ITIXAAD KAA FIICAN KAANA SHARAF BADAN SAA WAA CULUMO DIINEEDEE...MAXAADSE ADIGU KALA OGTAHAY..HADALKAAGUBA MA MIISAANEE...INTAAD TAAS KA BAXDID NOO SHEEG WAX NA ANFACA.. WASSAKH YAHOW... EYGA AH
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 07:11 pm SALAAN aad baan uga xumahay yusuf hadalada uu ku hadlay ninkaas..caydu ma fiicna mana aha wax loo baahan yahay sidaas daraadeed.waxaan ku oran lahaa yuusuf walaal hadalada aad ku hada shay ma aha hadalo uu ku hadlo qof damiir leh maxaa yeeley waxaad u gaftay culumo oo aad ku sifaysay in ay yihiin qabiilaysta yaal hadalkaas waa hadal khatar ahoo lagula xisaabtamayo maalinta qiyaamaha saaxiib waxaan kugula talin lahaa in aad ilaahay o noqotid oo toobad weydiisatid
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 09:02 pm assalamu calaykum dhammaan aad baad u mahadsantihiin masalada aan ku darayaa waa 1-saaxiibayaal cayda joojiya oo xigmad isticmaal 2-marka laga hadlayaa arimo ku saabsan diinta waa in la isticmaalaa cilmigaas, diinta islaamku maxay ka qabtaa falalka itixaadka waxaan ognahay tobaanki sano itixaadku waxay laayeen dad badan oo muslimiin ah sidoo kale waxay itoobiya umadda u dileysaa dalkana ugu jirtaa afka hadalka itixaadka faanka iyo quruurka ay meel kasta ka sheegtaan ka gadaalla qabiilkooda ay magan weydiistaan, waxaan leeyahay itixaadku dib ha u fiiriyeen manhajka salafiga waxa uu ka qabo lugoynta umadda.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 12:56 am Maalin wacan Haddaannu nahay soomaali waannu isnaqaan oo dad iska dhibban baannahay guud ahaan. Balse hadda rafaadka ugu darani wuxuu haystaa culumada islaamka u nasab sheeganaysa ama matasha, kuwaasoo dadkii uga dhaartay xasillooni marba dhinac bay kasoo gali ayagoo kolba falsafo sheegani mar waxay dhihi waxaan nahay salafi mar waxay dhihi waxaan nahay jihaadiyiin mar waxay dhihi waxaan nahay muctadiliin mar waxay dhihi waxaan katirsannahay ururkaa mar waxay dhihi waa xaaraan in urur lagamidnoqdo ee bannaanka boodbood. Waa imtixaan in dadkii aad u wareeray. Hadalka wuxuu kusocdaa Salafi waayo anigu mabasii qiimeeyo soomaalida qabiil diin kadhigatay oo unool min ajli qabiil, waxaan lahadlaa dadka islaamka u taagan inkastooy intooda badan wareersan yihiin. Anigase wareer kabaxay hawshaydu waxay noqotay cibaadaysi iyo camal wanaagsan ku'ekoow oo qudha. waan kabaxay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 01:31 am salafi waa kululaadey markii loo jawaabey ninka wax ka sheegey itixadka. Kacadati qowmin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 06:55 am asalaamu calaykum. walaalayaal waad mahadsantihiin dhamaantiin. maah-maah... HABAR FADHIDA LEGDINI WAX UGA FUDUD! dhamaan rijaalka iyagoo aan waxba ogayn intooda badani ummada ku taaaganoow walaalyaal xisaabiya naftiina intaan laydin xisaabin. ninkii bogaan furay waxaan leeyahay waxaa hadalkaaga kamuuqatay inaad dadgaara u cadhaysantahay. waxaan ku leeyahay C/Qaasim waxaan anigu maqlay waa Islaax Ilaahay ayaan inaga yaqaan waxaanad arkaysaa inuu adduunyo jacayl iyo wm u doontay kursi,masuuliyaduna AMAAMAL-LAAHI way culustahay ee Allaah ha fahamsiiyo xaqa. anigu hal mar ayaan khudbad uu leeyahay dhagaystay nin wadaada noocaas dumarka ii heesa oo gabya leh laguma sheegi karo waxaanan ka naxay AAYADAHA Quraanka ah ee uu soo daliishanayo meel aan ku munaasib ahayn.. walaalayaal weli mahayno xukunkaynu ku gaadhi lahay dariiqa Ilaahay ee toosan waa cilmaaniyiin calooshooda u shaqaystayaal ah. waxaase inala gudboon gaar ahaan dadka Manhajka Rasuulka iyo saxaabada fahamsan inaynu fitnada iska dayno culimadana u dayno waayo iyagaa ka masuula umada. xadiiskii Xudayfa ku sugnaada waanadii ku jirtay. ................................................ inta C/Qaasim u sacabinaysaay haku aakhiro seegina ee Diintiina barta oo cayda iyo hiilka xaqdarada ku dhisan joojiya. cilmaani inaanu hanuun ugu ducayno sharkiisana ka magan galno maahee waxkale oo naga dhaxeeyaa majiro!!!! anigu Cigaal ayaan aad ugu dhawahay xaga qaraabada shuqul kuma lihi isaga iyo C/Qaasim iyo dhamaan kuwa lamidka ahi agtayda waykasiman yihiin. waxaanan ka jecelahay dhamaan walaalaha hamigoda iyo qamigooda iyo xayaatadooda ku dabaqaya jecelna inay KALIMADA ILAAHAY KOR AHAATO. Rasuulkii salalaalhu calayhi wasalam)wuxuu yidhi qofkii jideeya wax fiican ilaa inta ku camalfasha oo dhan ayuu ajar ku leeyahay kii wax-xun iyo shar jideeyana intii qaykagaysatay ee ku camalfashay damigooda qayb ayuu ku leeyahay. joojiya tacasubka aan xaqa ahayn iyo inaad cilmaaniyiinta ummada ku wareerisaan. Um-Hafsa!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 07:16 am assalamu calaykum ikhwaanii mawaadiicda yaan la isku qasin alle dartiina ha looga saaro tacasubka xarakiga ah maalinta qiyaame ku anfici mayso itixaad baan ahay iyo islaax baan ahay ee dadka diinta bar adiguna baro, u fakar umaddaada si daacad ah xamaasad been ah yeysan ku qaadin la tasho culumada diinta u saaxiibka ah waan ogeyn wadaadadii itixaadka ka baxay markay u adkaysan waayeen qaska iyo fowdada, raadi muxaadarooyinkii sh.nuur qawi iyo cukaashe gal bogga salafi.com la soco manhaju salaf waxa uu ka qabo masaa,tacasubka xarakiga ah. waxaan leeyahay yaan umadda cadow gacanta loo galin, C/qaasim ama ninkalaba ha hogaamiyee danta umadda ha la fiiriyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 10:42 am salafi. Dowladda sucuudiga haddaad oggishihiin in la taageero maxaad ku diideysaan dowladdan soomalida?. Maxaad dadka islaamka uga saartaan madhabka salafiga markey wax ka sheegaan dowladaha aan islaamka wax ku xukummin haddana aadan u oggoleyn kan ?.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 10:52 am Asalaamu caleeykum. Ku. Umu Hafsa. Walaal ii macnee kalimada CILMAANI iyo waxa ay xambaar santahay. Ku. Cabbe walaal aad baad ugu mahad santahay sida fiican aad ugu ishaartay. Jawaab ayaan kaa sugaaya ukhtii fillaah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 10, 2000 - 05:45 pm assalaamu calaykum. To. skandaneefiya. Umu hafsa waa gabar walaasheen ah wayna xanaagday laakiin aad iyo aad bay hadal fiicnayd. hadaan ka jawaabo su'aasha aad waydiisay inkastoo aadan iwaydiinin. sida ku cad diction-riyada Eglishka waa Qof aan diin shaqo ku lahayn macneheeduna waa (GAAL). NInka furay boggaan ha iga raali ahaado warkiisu waa dheer yahay nuxurna maleh sidaas darteeda ma akhrin maadaama aanan waxba ka faa'iidaysan intii aan akhriyay. Baaraka-laahu fiikum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 11, 2000 - 07:25 am NINKA BAABKAAN FURAY ISAGU DIB HA ISUGU NOQDO OO NAFTIISA HORTA HA BAD BAADIYO
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 11, 2000 - 07:25 am NINKA BAABKAAN FURAY ISAGU DIB HA ISUGU NOQDO OO NAFTIISA HORTA HA BAD BAADIYO
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 11, 2000 - 10:38 am Asalaamu caleeykum Ku. Abu salman. Walaal aad baad u mahadsantahay sida aad iigu jawaabtay. Laakinse walaasheen ayaa rabaa in ay ii fasirto. Ku. Umu hafsa. Ukhtii fillaah, jawaab ayaan walito kaa sugaaya. Mise waxaad ku qanacday habkii uu u sharxay walaalkeen?, mise waad ka yara duwan tahay. Walito waan ku sugaaya. Sidaas iyo nabad galyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 11, 2000 - 02:15 pm As-Salaamu calaykum. skandaneefiya.... Walaal marka hore adigoo iga raali ah magac ayaa kolay lagu yiraa ee iska dhaaf tilmaamta magaca dawladaha reer YURUB ay sheegtaan waa kaftan ee iga raali ahaw. Xagii su`aasha kolay kama foga sida uu ku jawaabay walaalkii kale.marka laga reebo inaanan odhan karayn waa gaalo cad. CIlmaani waxa weeyaan qofka aan ogolayn in Quraanka iyo dhamaan shareecada Ilaahay xukun laga dhigto, mas`alada laakiin lagu gaalaysiinayo culimada ayaan warkooda ku gaabsanaynaa qof isagu aan muujisanayn qaalnimo lagula deg-degi maayo in gaal cad lagu tilmaamo. Culimaduna waad ogtahay markay waxkaqoreen waxyaabaha Islaamnimada burisa inay kamid yihiin in uu qofku diido ama dafiro xataa AAYAD KALIYA AMA HAL XADIITH OO SAXIIXA HADUU YIRAA MAJIRO AMA MARUMAYSNI WAY GAALAYSIIYAAN.. Markaynu arinta soo duuduubno waxa weeye qofkii Islaamnimo sheeganaya hadana xukunka Ilaahay aan ka xukun qaadan culimadu waxay ku tilmaamaan cilmaani. laba ayaa loo kala qaadaa. Qof rumaysan inay xaqtahay in shareecada Ilaahay laysku xukumo islamarkaana sababo aykamid yihiin inuu maslaxaad dano adduunyo darteed uga tagayo inuu Quraanka ka xukun qaato.ama wixii lamida inuu yahay mid laga sareeyo xaga jagada oo iska mustadcaf ah sidaa darteeda isagoo rumaysan shareecada Ilaahay inay tahay waajib inlagu dhaqmo hadana madiirkiisa aan ku khilaafin oo quuta daruurigiisa iska fiirsnaya. etc. noocaa koowaad waxay qaarkamida Salafkii ummadan(sida CabdiLAAHI Ibnu Cabaas oo kale markuu fasirayey aayadaha ku jira SUURATUL-MAA`IDAH 44,45,47 AYUU SHEEGAY) iyo kuwa hada nool qaarkamid ahiba ku tilmameen inuu yahay KUFRUN DUUNA KUFRI (GAALNIMO GAALNIMO KASOKAYSA AMA GAALNIMO YAR)WALCAYAADU BIL-LAAHI! Waxaa sida qaba Sh.IBNU CUTHAYMEEN,SHARIIF CABDI NUUR,AL-BAAANI ETC. Nooca labaad waaka isagu sicad udafira una diida inlaysku xukimo shareecada Quraanka iyo axaadiista nabigana diida isagoo og inay yihiin xaq.kanoocaan ah ama wax yaabo aynaan halkan ku soo qori karayn oo lamida ku dhaqma sida raga iyo dumarku way siman yihiin Rasuulka oo waxlaga sheego iwm. Waxay Culimadu ku tilmaameen KUFRAN BAWAAXAN"WALCIYAADU BIL-LAAHI!! Wixii faah-faahin ah waxaa kuu kala dhigdhigi karaya dhamaan culimada Salfiyiinta ah ee ku dhaqanta Quraanka iyo Sunnaha. hadaad Yurub ku nooshahay la xidhiidh SH.AXMED DAAHIR AWAYS OO AH SHEEKH SOOMAALI AH OO KU NOOL YURUB IYO KUWO KALE OO BADAN. ................................................ HADII AY WALAAL KAA AHAYD SU`AASHU CILMI DOON JAWAAB TAYDA KA FIICAN KANA FAAH-FAAHSAN WAAD HELAYSAA. HADAY KAA AHAYD WAX KALENA SIDA INAAD CILMAANIYIINTA U TACASUBAYSID WALAAL ADIGU U CAMALFALO KALIGAA MAALINTAAD ILAAHAY LAKULMI DOONTID ADIGOO MASKIIN DACIIFA AH (YAWMIL CADIIM) ISKANA ILAALI DADKA AYNU ISLA GARANAYNO WAA WALAASHAA WAXAAN ILAAHAY INOOGA BARYAYAA INAANU INAGU KHASHIFIN KHALAA`IQDA HORTOODA MAALINTA QIYAAME. IGA RAALI AHAW. aniguna waxaan kamid ahay dadka khayrka jecel cilmi yaraantuna hayso markaa qofna ma xukumi karo ee waxaan uun bartay qofka aaminsan inaan xukunka shareecada Ilaahay laga dhigan karin qawaaniin inuu dalaal kusuganyahay Islaamnimadiisuna khatar kujirto.umalkhair@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 11, 2000 - 04:35 pm ummulkhair ama ummuhafsa. Billahi caleyka an tuffassir "ISKANA ILALI DADKA AYNU ISLA NAQAANNO"
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 11, 2000 - 04:37 pm La soco dintu waa nasiixa iyo ammaano. Facaleykal bayaan wixii dadka aad uga digeyso. Innaba waxaa nala yiraahdaa qolo heblaayo iska ilaaliya. Taa diin am nqoqoneyso ee warka caddee ukhtii fillaah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 12, 2000 - 02:58 am Asalaamu caleeykum. Aad baad u mahad santahay sida sharafta leh ee aad igu soo jawaabtay. Qeeybta 1:aad. Horta uma arko magaca aan wato in uu dhib lee yahay si diineed, marka laga reebo in uu xumaan wato. 2:aad. Sida aad igu fasirtay kalimada CILMAANI wali wax baan ka qabaa. Sida in uu yahay mid aan rabin/dooneeyn in lagu maamulo dawladda diinta Islaamka, waan kugu raacsanahay. Bal in yar aan sii durjino niqaashkeena. Waxaad tiri waa dad CILMAANIYIIN ah oo isku tagay(dawlada soomaaliya). Ma waxaa ku tilmaamnaa dadka ku jira golaha shacbiga in ay yihiin CILMAANIYIIN oo ka soo horjeeda diinta islaamka, hadana tirtiraayo meeshi ay ku arkaan tayaar diineed oo siyaasi ah??????????????????????????????????????????????? Ma ku tilmaami karnaa culimada ku jirta barlamaanka Soomaaliya in ay yihiin CILMAANIYIIN (LA DIINIYIIN) oo ka mid ah Sh. Cumar Faruuq???????????????????????????????????????????? Dr. Cabdulqasim miyuu la siman yahay xag diineed, marka loo eego, Kamal atatûrk, Anwar Sadat, Burghiiba, Xusnul Mubaarak iwm???????????????? Kuwaaso aan la socono waxa ay u geesteen diinta Islaamka ee qarnigii hore. Bal walaasheey dib isugu noqo in yar oo ka fiirso arintaasi. Marka aad leedahay dhinaca culimada salafiyiinta ka qaado diinta. Waxaan arkaaya in ay iyaga isku si wax u wadin. Oo waxaa jiraa mid barlamaan galay, mid diidan, mid xaraki ah, mid diidan xarako iyo mid iyo mid iyo mid iyo mid badan. Marka iyaga horta ha isla soo meel dhigaan arimahooda. Salafiyiin badan ayaa ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya maanta, haddana tan Sucuudi Carabiya waa la taageer sanyahay. Marka, horta iyaga wax ha isku soo af gartaan. Dawladdaan Soomaaliyana waxaan aaminsanahay in ay dhib weey u keeni doonto salafiyiinta oo kala burburi doonaa, iyagoo hadda bur bursan. Maxaa yeelay mooqif siyaasadeed oo mideeysan ma LEH.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 12, 2000 - 04:19 am skandneefiya. C/qasim doctornimada heli okaa?. Mise ninkii jamaacada ku biira waa iska doctor?.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 12, 2000 - 10:25 am Asalaamu caleeykum. Horta maxaad la qarineeysaa magacaaga waa hadii aad daacad kaa tahay su´aashaada. Anigu koleey ninkaa wuxuu yahay ma hubo, ee waxaan ku taageersanahay in uu shucuubta lagu kor hardamaayo, in uu sabab u noqdo wax ka bedelkeeda. LOOW (haddii) u noqon lahaa badalka Dr. C/Qasim , kii kheerka darnaa ee BURGHIIBA, waan taageeri lahaa. Maxaa yeelay, waxaan arkaa jiil sii hoobanaayo oo aan cidna u maqneey ceelna u qodneeyn, aan ka aheeyn RABIGII UUMANKA. ISLAAM nimadana, ma ahan walaal wax hadda loo bislaaday, waxeey u baahan tahay jiil,iyo wax ka badan. Waxaan rabaa carruurteeda, carruurta ay dhalaan in ay goostaan miraha. NIN SAA U FAKARAAYO ayaan ahay. Xagga aqoonta: Waxaan aamin sanahay in QAOON iyo AQLIGA oo la bisleeyo, in lagu adkaado ayaan aamin sanahay. Marka hore waxaan ka bilaabaaya nafteeda oo aniga ayaan raadsanaaya (aqoon). Markaas ka dib ayaan falankeeda galaaya sidii aan u abuuri lahaa JIIL cusub oo ka duwan kan maanta jooga. Intii karaan keeyga ayaan wadi, waa kaa DARIIQEEYGA. Sidaas iyo nabad galyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 12, 2000 - 03:51 pm Waa hagag skan. waa arkey jawaabta. skan magacaaga ma ahan adigaba ee maxaa ku jaban mid kaloo maran isna?. waan kugu raac sanahay tarbiyada islaamiga iney lagama maarmaan tahay. dadkan hadda jooga waa gogol xaarkii mustaqbalka. islaam hadda ka dhalan maayo dowlad ku maamusha soomaaliya. Haddey ramadaanka xiraan meelaha cuntada, baararka qamradana baa bi'iyaan, dhilleysiga la dagaallammaan, Garka hala xiirona haddeysan oran, oo xijaabka aanan lala dagaallamin, oo diinta wixii ay ka sameyn karaan ka sameeyaan waa horumar weyn. Ka badan ninkii ka suga isagaa cirka roob ku og. Islaamka tartiib yuu usoo noqon doonaa. Hal habeen kuma soo laabto. Adiga xizbiga iska dhaaf si aad u walaaleysato dadkoo dhan. Aniga xizbi kama tirsani. waxaa igu adkaatey inaan wax ku wanaajiyo xizbiga ama kaga fogaado walaalaha kale. Cilladaha yey ka mid tahay ugu weyn. Midna ha raacin oo dhamman walaaleyso. Jamaaco islaam midaan aheyn ma jirto. Rasuulka jamaacada islaamka yuu madax ka yahay. Saxaabadana jamaaco kale malaheyn. Taabiciyiintiina sidoo kale. Walaal waxaan intaa kuugu darayaa, aniga ha ii maleyn kuwan dhallinyarada meeshan dadka la colka ah oo qofkaan iyaga ka mid aheyn bidci yiraahda ama culumada soomaalida keysan wax ka aqrisan eedeeya oo diinta ka saara haddey doonaan. Iyaga waa walaalahey laftooda laakiin high gear bey ku jiraan. wali kalsoonidaas ma lihi aan wax kaga sheego culumada soomaalida wax dadka barey. waa iga waano. walaalkaa fil islaam.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 12, 2000 - 08:44 pm To umu hafsa assalaamu calaykum Ukhtii filaah, aad baad ugu mahadsantahay sida cilmiyaysan ee aad u dooday alle ha kaa abaal mariyo. walaashey waxaan ka codsanayaa si dhib yar oo hambalnimo ku jirto inaad wixii aad u aragto inaad ku khaldantahay aad ka noqoto waana dariiqadii ahlul cilmiga. igama aha in aan kaala saftay skand ee waxay iga tahay in aysan fududeen in aad isticmaasho erayga calmaani ama gaal adoo la hadlaya muslimiin ilaa inaad hubsato in ay caqiito ahaan oga soo horjeedaan shareecada. To skand. Waxaan kugu taageersanahay in aad u baahanay dowlad waqtigaan waloow aanan helin tii xaqiiqada ahayd iyo in aan baarlamaanka lagu tilmaamin gaalnimo haba isku ekeeysiiyaan reer galbeedkee. Walaal culimada aad xoogaa carabka ku adkaysay ka fududee carabka. Madaxda aad carabowdayna ha simin sida Kamaal ataaturuk iyo xusni mubaarak. ma difaacayo Mubaarak laakiin wuxuu lamidyahay madaxda kale ee islaamlka oo C\qaasin ka mid yahay sidaas darteed ha deg degin sida aan ku iri walaasheey ookaleba. UMU hafsa inay tiraahdo iska jir dadka aan isla ogayn way ku sax santahay hadii ay ula jeedo ahlul bidca.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 14, 2000 - 12:54 am Asalaamu caleeykum Ku Arday, aad baad u qiimo badan tahay sida QURUXDA badan oo aad igu soo jawaabtay, iyo fikrado rasiin ah. Ee waad mahad santahay. Walaal horta ANIGU xizbi ma sheeganin si cad in aan banaanka u soo istaagay oo aan afka ugu dhuftay. Ku noqo fikradihii aan qorey, waxaan u hadlaaye aniga sida "fikradeeyda, aragtideeyda, aaminsanahay iwm. Ee horta magac xizbi kuma hadlin, mana ku hadlaayi, maxaa yeelay, anigu ma dhisan mana ihi maamulihiisa. Marka hore aniga waxaan la shaqeeynaaya oo aan la falgalaaya qof walba oo sidaa u shaqeeynaaya, ama ha ahaado kuwo magac xizbi wataan, ama kuwo ka duwan, ama hay´aadaha GAALADA aaminsan in wanaag loo qabto shucuubta. Maxaa yeelay AHLU KITAABKA Ilaaheey ma simin, oo waxaa ku jiraa kuwo muxsiniin ah oo AJAR raadis ah. Marka walaakey ARDEY, waxaan diyaar kula ahay ADIGA naftaada in aan kula shaqeeyo, waxaa SHARDI ii ah in aad WANAAG ka shaqeeyneeysid. Ku. Abu Salman Walaalkiis aad baad u mahad santahay adigana, sida aad ii waanisay iyo caqli celinta aad ii sameeysay. Walaal horta anigu ma ihi shabaabka xamaasada badan wax badan dumisa intii ay wax dhisi la heeyd. Walaal horta kalimada CILMAANIYA, ma ahan kalimad fudud oo qof walba dusha lagu dhufto. Ninkaa aad sheegtay Husnu Mubaarak in uu Cilmaani yahay wax shaki igama jiro ANIGA oo uu fulinaayo arimaha CID:da iyo MOSAAD. Ee aniga lama simaayi wax yaalihii u u geestay KAMAAL Atatûr Turkiya isaga. Laakiin wax aan waxba ka yareeyn ayuu u geestay MASAR 20 sano oo u dambeeyay. Aaway dhaqdhaqaa yadii ISLAAM ka oo kala duwanaa, aaway qiyaadaatkii xarakaatkii???????????siduu ula dhaqmay culimadii iyo AQOON YAHANADII hogaanka u hayay??? Markaas ayaad miizaan saareeysaa. Iga raali noqo hadii aan kugu xad gudbay. Su´aal dhamman walaalaha. xarafka "Z" luuqada soomaaliga ma lagu soo darey? arintaas ayaan maqlay ee maxaa ka jiraa?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 14, 2000 - 07:02 am Walaahi waa su'aal fiican, wadaada maxaa tusay xumaanta dowlada kana qariyey tan boqortooyada sucuudiga oo la ogyahay inay tahay qabiil yar oo xoog, hanjabaad, xabsi gelin iyo dilid ku maamula waddanka sucuudiga. Diinta islamku ma qabto boqortooyo laakin wadaada soomalidu waxay qaar kamida u shaqeeyaan danaha sucuudiga.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 14, 2000 - 08:00 pm To skand Assalaamu calaykum Walaal aad baad ugu bahad santahay sida qimaha badan ee aad iigu soo jawaabtay. Runtii ma difaacayo mujrimka Xusni mubaarak liikiin aniga ayaan 12 sano ku dhawaad iska ilaaliyay in aan muslim sheegta ku dhoho kalimad kufri ah sidaas in aan ka diin dhigto ayaana alle igu hanuuniyay ka dib markii aan aad u dhex galay kutubta salafka gaar ahaan Ibnu taymiya axima hullaah. Walaal su'aashaada jawaab uma hayo maxaa yeelay waa ii su'aashada. Khayran insha'llaah su'aal waxaan maqlay in wadaadadu(some) markay dawladu caga dhigato ay dagaal ku qaadi doonaa oo xukunka sidaas kula wareegi doonaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 15, 2000 - 08:54 am Faaruuqna ma ku jiraa dowladda....waa bes! ka baxay sheekada anigu.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 15, 2000 - 10:05 am Asalaamu caleeykum Abu Salman mahad baad ku sugnaatay. Walaalkiis anigu wali ma maqlin wadaado leh, waa ku duuleeynaa dawladda cusub. Laakiin waxaan u arkaa wadaad walba oo ku duulaa ama caqbo ku noqda, in uu yahay mid aan maskax gaaban oo tafkiirkiisa saa u sareeynin. Maxaa yeelay, shacab burburay, oo dhulka ka sii hoos marey, marka aad xabad u qaadato. Maxaa ka fili dad weeynaha soomaaliyeed?, haaaa . Waxeey ku arki nin wax dumis mooyaane, aan ka shaqeeynin wax wanaajin, nin aan aheyn mas´uul oo wax aan hogaamin karin. Iyo wax yaalo badan. Markaas ayaa dhulka ku dhici sharafta diineed iyo hibada. Diintaan weey soo laabani, taas wax shaki kuma jira oo ILAAH ayaa balan qaaday arintaas. Laakiin imtixaan ayaa jiraa oo Insaanka ayaa la fiirinaaya siduu u dhaqmo, waana cibaaradii uu yiri ILaaheey "Watilkal ayaamu nudaawiluhaa lilnaas" Iga raali ahaada warkii waan badiyay. Sidaas iyo nabad galyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 15, 2000 - 11:01 pm To skand Walaal sida aad sheegtay Alle ayaa diintan difaacaya laakiin waxaad ogaataa in rag lagu difaaci doono ee kaalin fiican ka qaado. Walaal caawa waxbadan ma qori karo oo waan xanuusanayaa waa inoo markale.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 12:20 am Assalamu Calykum. Walaalayaal waxaan jecelaystay in aan wax yar ku darsado mawduucan ciwaankiisa kor lagu xusay ee maxaa kala haysta kooxaha kala masalaxda ah! Runtii waxaa laga joogaa mudo dhawr bilooda ah markii aan soo bandhigay mawduucii ahaa AAR CULUMOY CUMAR FAARUUQ YAA KA WAR QABA.iyadoo ay maalintaa waxii wax garnaya , ilaahayna ka cabsnaya ee aan dhinacna caadifad qab'iil iyo mid xarki ah ugu sacabineyn ay u muuqatay in si aad walaac iyo khatar badan oo waliba isu guulwadeyn ah ay ka dhex socto madashii shirkii masaalixa iyo nabdeynta soomaliyeed ee carta, oo waliba qaar badan oo culumada aynu jecelaeyn aheyd, waxa badana aynuu duruustooda iyo casharadooda kuwda xirneyn, ee aheyd u hiilinta kitaabka eebbe iyo ka dheeranshaha gaalnimada iyo cilmaaniyiinta, ay si daneysi ah iyo xeeladaysi ah ay ula safteen kooxo badan oo aan xal isaalmi ah aan AAMINSANEYN Maalintaa dadbadan baa mawduucaygii ka xanaaqay, balse maanta waxaa sida cad-ceeda ALLE u cadeeyey waxii aynu isku khilaafsaneyn ee aheyd WAR YAAN MASALAXAD YAR OO ADUUN, LOO TUURIN KITAABKA EEBBE, nasiib wanaag maanta la wada arag in dibutaatinimo laga doortay in xaq iyo kitaabka eebbe loo adeego. Waxaa iga talo ah waxii alle ka baqayoow xaq hawga tagin caadifad qab'iil iyo mid xarakeed. HALKAN HOOSE WAXAAN KU SOO QORAY MAWDUUCII HORE EE AHAA AAR CULUMOY CUMAR-FAARUUQ YAA KA WAR QABA, MARKAA ADIGA IYO GARASHADAA, MAALINTAA WAXAAN LAHAA IYO MEESHA HADDA XAAL MARYO. ALLOW BAADINIMO AYAAN KAA MAGAN -GALY. WAA KAN MAWDUUCII: Walaalayaal bacda salaanta islaamka, waxaan jecelaystay in aan idinku war galiyo in shirka carta ka socda ee jabuuti walaalaha soomaliyeed ku heshiisinayso(khayr alle ha ka siyee) laga daawado canalo tv oo jabuuti furtay, mid ka ah dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee laga sii daayo tv-codka nabda waxaa ka dhex muuqday sheekh cumar faaruuq oo soomaliyeed ku tilmaamey in ay ka liitaan dameeraha, waxaa la yaabey insaanku miyaanu aheyn midka abuuridiisu alle ay aad ugu weyn tahay, lagna doortey oo laga kor yeelay makhluuqadaka kale ee eebe unkay, waxaa is weydiin leh sheekh siday ka noqotay, mida kale waliyul-amriga xadiiska nabigu SCW, uu ee sgeegay in loo hogaansamo waxa uu sheekh si cad u yidhi waa ismail cumar geelleh ah jabuuti xukuma, oo kitaabka alle aan wax ku xukumin, waxaan xusuustaa qolooyin suufiyaal ahaa oo siyaad barre siday u amaanayeen markii danbe gaadhsiyey in uu sifooyinkii rasuulkii alle SCW,oo kale leeyahay sida magaciisa oo maxamed ah , xaskiisa oo sidii ummadii muminiinta la dhaho khadiijo, walaahay walaalayaal sida sheekhu u dhaqmayey xafladii furitaanka shirka waxaad moodaa kuwii oryateeshindii xamar ka qudbeyn jirey ee aan xaq iyo cabsi eebbe sheegi jirin, lakiin daaquudada amaanta iyo burhantooda ka sheekeyn jirey, allow noo gar-gaar oo daaquudada maanta islaamka saydareyey yanaan xukun iyo dhadhamo ka raadin, walaalayaal waxii aan gaf falay halyga cafiyo, wa-bilaahi tawfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 16, 2000 - 06:20 am asalaamu calaykum tO:ABDINAASIR.. WAxaan kaa codsanayaa dib in aadan ugu soo laaban cumar-faaruuq iyo mowduuciisa ..waan galay bogaad furtay dib ayaana uga soo noqday..sababtu waxa ay tahay sidaad adigu u hadshay iyo sidii dadkii kaa dambeeyey ay u hadleen..walaal culumada ma aha wax laga dhigto dariiq laga indilaaqo..waxaan ku leeyahay ale ka cabso oo shiikha afkaaga ka daa ..luxuumul culumaa masmuumah..haka dhigin shiikha magaciisa mid halkaan looga doodo..mowduucaana shiikha ma khuseeyo kabaq alihii ku abuurtay oo jooji mowduucaan..waa musiibo weyn hadaan culumadeena shaqo ka dhigano..aflagaado hadii shiikha loo gaystana adigaa u sababay..maxaa yeelay waad ka war haysaa meeshaan waxaa soo gala cid walba oo hadalkay doonaan iska tuura haka dhigin shiikha wax la isku tuur-tuuro..wuxuu kaa mutaystay duco .. wasalaamu calaykum.. abu-cumayr
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 17, 2000 - 07:50 pm To Dhamaan NASEEXO Walaalayaal yaan lala siiwadin C\naasir arinta Cumar faaruuq Wallaahi sida uu sheegay abu cumaye ayaan ka cararay markaan arkay danbiga halkaas ku qornaa, waxaana kabaqay in danbi iga soogaaro. Sidaasdarteed yaanan afka loo kala qaadin xataa haduu magacyada badasho. Qofkii arkaa mowduucaas wax jaab ah xataa yuusan isku dayin. F.G Waa iga talo ee qasab ma'aha. JAZAAKUMULLAAHU KHAYRAN. Abu salman
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 18, 2000 - 06:40 pm To: All of you Waa tahay ,waayaab ka yaabkii ,goormaa geela caloosha lagararay. Waxaan ula jeedaa raga argagaxu ku dhacayow soo mabda'a ugu way ee Al-itixaad ma'ahayn xukun doon maxaad ula yaabteen C/faaruuq in uu noqdo xildhibaan ,wuxuuba rabaa in uu wadanka ka noqdo madaxwayne
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 18, 2000 - 07:04 pm Cumar faaruuq markiisii horeba horta wadaad ma'ahaa? Maxaa rag badan oo wadaadada wahaabiyada isku sheegaya ku dhamaan doona meeshuu cumar faaruuq ku dhamaaday, dabadeedna jahanama.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 18, 2000 - 10:32 pm CABDINAASIR Ninkaan ku aqoon waxaas u sheeg,ma maantuu malakumowd wan isaga kay soo dhigay? Waan garanayaa waxa aad sh.Cumar Faaruuq ku haysatid wax kale ma aha ee wuusan qabiilkaaga ahayn. Maad Aadan Maxamed Ciise wax ka sheegtid waa kii basaska u kiraynayay dawladda C/qaasim e? mise waa ina adeerkaa ? hadba diin ku dhuumo nedelyohow oo iska dhig mid culimada ka mid ah oo wax saxaya waan ku ka shifin haddaadan edeb yeelan makhruun baad tahaye.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 18, 2000 - 11:21 pm Aslamu Calaykum Salaantaas kadib. Horta yaan loo jawaabin ninka la baxay Anonymous waa ninka sida la'ogyahay u caytamay. Akhlaaq Islaami ahna ma lahan. Waa haddii dadka meesha ku wada hadlaya ay Islaamiyiin yihiin, haka aamusaan ninkaas. Sidoo kale labada nin ee ugu dambaysa oo midna yahay nin aan waxba la socon (Jabuuti) midna uu yahay Suufi (Muraad) Marka labaad waxaan la yaabanahay ninka la yiraahdo Skandanevia oo markii hore hab Islaami ah u hadlaayay markii dambana yiri qolo walba waan la falgalayaa haba ahaadeen gaalo. Waxaa halkaas ka muuqata inaadan lahayn mabda' cad oo aad ku kala saarto wanaaga iyo xumaanta. Ma jirto mana jiri doonto gaalo ka shaqaysa wanaaga muslimiinta. Tusaaleyaal badana waxaan filayaa inaad indhahaaga ku aragtay haddii aad joogto Skandanevianka, Waxaanse ka baqayaa in aad joogto Afrika oo aad aaminsan tahay in gaaladu naga naxariis badan yihiin. Ma waxaad ku sirmatay lacata cayrta (welfare) Marka sadexaad waxaan ka xumahay in Jameecadii Itixaad ahayd ay ku dambayso in ay difaacaan oo u doodaan dad aan aqoon amaba ladagaalamaya manhajkii Salafiga ahaa ee Nabi Muxamad S.C.W iyo Asxaabtiisa. Ugu dambayn waxaan amaan usoo jeedinayaa Umu Hafsa, waxaanan rajaynayaa inaad qaadatay naseexadii Abu Salman
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 01:04 am asalaamu calaykum.. TO:C/NAASIR... marka ugu horaysa waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo wixii aan ka baqayey in ay dhacday waad aragtay baan u malaynayaa qoraalkii uu qoray ninka muraad isku magacaabay hadalada uu ka qoray shiikh.cumar faaruuq iyo sida uu hadalka u dhigay....taas waxaa ka mas'uul ah adiga maxaa yeelay shiikha adigaa ka dhigay wax meeshaan lagu taxliiliyo alaah ka cabso oo culumada islaamka ka har duco iyo amaan ayey kaa mudan yihiin kaama mudna in aad waqtigaaga ku lumisid dacniga culumada..waxaan u arkaa wax kasta oo shiikh la yiraahdo in aad adiga mas'uul ka tahay... TO:ABU-SUBAN... Walaal waxaa jeclaan lahaa xoogaa hadalka in aad qaboojisid tan kalena aad ka hadashid wax dan noogu jirto....arinta aad tiri... waxaan ka xumahay in jameecadii itixaad ahayd ay ku dambayso in ay difaacaan oo u doodaan dad aan aqoon amaba la dagaalamaya man hajkii salafiga ahaa ee nibi maxamad iyo asxaabtiisa.... walaal hadalkaas ma aha hadal toosan al-itixaad ayagaa ah salafiyiin mana dhacayso in ay difaacaan cid ka soo horjeeda manhajkaas salafiga ah oo ay iyagu aaminsan yihiin..taas waxaan u arkaa hadal xaqiiqada ka fog.... ugu horayn iyo ugu dambeynba waxaan walaalaha ugu nasteexaynayaa cadaalad in lagu wada hadlo ..culumadana laga xishoodo oo la amaan galiyo waa dadka diintaan u khidmaynay qof jaahil ahi diinta wax uma qaban karo mana difaaci karo..hadaan nahay dalabtul cilmi waxaa nala gudboon in aan culumada ku taageerno siday diintaan u nashrin lahaayeen ma aha in aan anagu caqabad ku noqono..hada waxyba ku mashquuleen culumadii siday shabaabkii u kala saari lahaayeen amaba ay u heshiisiin lahaayeen taas ayey ku mashquuleen oo ka mashquulisayba dacwadii kale... TAAS AYAA IGA NASTEEXO AH abu-cumayr wasalaamu calaykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 03:21 am Marka hore waxaan ku mahadcelinayaa SEEF, iyo sida wanaagsan , oo haddana canaanta leh ee uu ula hadlay shaqsiga isku dhexyaacsan ee loogu yeero C/naasir. Intaa waxaa dheer, waxaan aad ula yaabay, isla markaana aan ula fajacay sida liidata ama foosha xun ee dhalinyarada qaarkood loo soo barbaariyay. Marka ay leeyihiin Cumar faaruuq ayaa kutubtii xooray, oo ka raacay adduun, maxay ula jeedaan? Maxaa adduun ah , maxaanse ahayn?? Haddii laga qayb galo baarlamaanka, isla markaana culummadu ay ka qayb qaadato dib u dhiska iyo waxtarka dadka muslimiinta ah ee ay ka dhasheen, oo ay luuqad garanayaan, oo dhaqan garanayaan, isla markaana ay xaqiijiyaan in sharciga lagu soo darin mid aan islaamka waafaqsanayn, maxay tahay dhibaatada ka imanaysa?? qofkaasi ma adduun buu raacay mise dadaalkiisii ayuu sii kordhiyay ?? Haddii aad C/naasiroow u aragtid in Cumar faaruuq xooray kutubkii , waxaad ogaataa inuusan keligiis ahayn, waxaa kaloo horay u xooray kutubta qaar badan oo ka mid ah saalixiintii, rushushii iyo weliba nebiyadii: tusaale: Nebi Yusuf (AS) waxaad ku xumaysaa inuu xooray kutubtii ,isla markaana uu adduun raacay , aamdaama uu isku sharraxay , oo uu weliba dalbaday in laga dhigo wasiirka dhaqaalaha. Marka walaalo dib isugu noqo, oo ogoow in wax u qabashada diinta aysan ahayn masaajid la fariisto , oo kutub laga akhriyo !!!! seef wad mahadsan tahay mar kale
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 05:17 am asalaamu calayku.... TO:XAQ-U-DIRIR.. walaal aad baad ugu mahadsantahay jawaabta aad bixisay.. waa loo baahanyahay cid sidaas ugu jawaabta.. waxaa kaloo mahadsan..walaalka SEEF.. WASALAAMU CALAYKUM.. abu-cumayr
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 05:34 am Asalaamu calykum. to XAQ UDIRIR. walaal maxaa kugu xambaaray inaad u tiiriso inay Rusushii IlAAHAY KUTUB XOORAEEN.. ILAAHAY UGA NOQO GAFKAAS OO TOOBADKEEN.INTAAD CHANCE KA HAYSATO!SUBXAANAL-LAAH!!! BAL QORAALKAAGII DIB U AKHRI. TO; SEEF: WAXAAN KUUGU XASTEESAYNAYAA INAANAD SEEFLABOOD NOQONIN ,OO ADIGOON OGAYN C/NAASIR UU HAYAY AANAD MID AAD U CADHAYSNAYD OO LAMAGACA KAN MEESHA WAX KUSOO QORAY ISKA MAAGIN!!!!!!!!! QOFKASTA OO SALAFI AH OO RUN U FAHMAYAANA MAANTA ARINTA LA XIDHIIDHA SOOMAALIDA IYO DAWLADAY DHISANAYAAN UU KAAABSADAY. LAAKIIN INTA SHEEGATAAA AMA XARAKOOYINKA KU XIDHANI WAA NACAMLAYAAL AAN WAXBA FAHMAYN SIDA WAX LOO KALA MACAASHAYO. CILMAANINYIIN! ILAAHAY SHARKOODA HANAGA NABAD GALIYO. MEESHAY KA XUKUN QAATAAN WAA AMEERICA OO AY SIYAARADII UGU HORAYSAY KU YIMAADEEN. WALCIYAADU BILAAHI. WAAR ILAAHAY KABAQA OO RAGII SALAFKA AHAA XAN IYO QIILA WAQAALU WAKHTIGOODA KUMAY LUMIN JIRIN EE DIB ISUGU NOQDA. DUMARKAA XAN IYO WARBADNI LAGU XAMAN JIRAY IDNKIIBAABA KADARAY MA QURBAHA AYAAD KU KHAFIIFTEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEN?????????????????????????????????????????????????????????
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 10:13 am Asalaamu Calaykum Waxaan filayaa in ujeedadii bogaan loo furay oo ahayd Dowlada cusub iyo Itixaad maxaa kala haysta? laga leexday, oo arimo kale lagalay. To Xaq-u-dirir Haddii aad layaabtay sida shabaabka loo soo tarbiyeeyay, aniguna waxaan la yaabay sida laguu soo tarbiyeeyay. Bal fiiri hadalkii aad qortay sida ay u fahamtay gabadha Umul-Khayr ah. Adigu waxaad rabtay inaad ka dhigato daliil Nabiyadii hore S.C.W. waxaase kaa xumaaday tacbiirka. Mida labaad sow ma ogid in waxyaabo badan oo Nabiyadii hore iyo umadahoodii u banaanaa inaysan anaga noo banaanayn. Waxaana ka mid ah arinkaan isku sharixida iyo raadsashada xukunka. Nabi Muxamad S.C.W wuxuu yiri "anagu uma dhiibno xukunka nin raadsaday ama isku soo sharaxay" Culimada rasmiga ah oo dhana waxay isku waafaqsan yihiin in aan loo daliishan karin Nabi Yusuf S.C.W. arinkaan, maadaama Nabigeenii S.C.W. oo ka dambeeyay uu sidaas yiri. To Abu-Cumayr Ma waxaad la aamin san tahay waxa uu qoray Xaq-u-dirir waa adiga u hambalyeeyee. Ma isku sharixi karaa jago oo ma raadsan karaa nin wadaad ah? Mida kale waxaan ula jeeday hadalkayga kore in Itixaadkii la difaacayo oo ay difaacayaan dad manhajkale haysta oo aan Salafiyiin ahayn "Fiiri qoraaladii hore" To Umul-khayr Walaal aad baad u mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad u hadashay. Laakiin iska ilaali kalimada "cilmaaniya" haku degdegin hana ku tuurin dawlada Somaliya ka dhalatay dadka ku jira. Maxaa yeelay cilmaani waa qofka yiraahda kitaabka quraanku uma qalmo in casrigaan la joogo lagu xukumo dadka, waana gaalnimo. Laakiin mujarad uusan kitaabka wax ku xukumin qofku kuma gaaloobo ilaa la ogaado waxa uu ka qabo kitaabka ee ka fiirso. Mida kale ma ogtahay in madaxda kaliya aan laga rabin inay kitaabka wax ku xukumaan ee qof walba laga rabo aana soo wada hoos galayno. Markaas waxaa halkaas ka dhalanaya in aan shacabka oo dhan niraahno waa cilmaani gaalo ah, waana fikradii Takfiirka. Mida kale ee aad tiri Salafiyiintu Xan iyo .... Waxaad ogaataa dadka meeshaan ku wada hadlaya ma wada aha Salafiyiin. Waxay isugu jiraan qaar ah qaar sheegato ah iyo kuwo kaba xanaaqaya. Wabilaahi Towfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 04:20 pm Abu-suban. Walaal cilmiga in la korosado waa fiican tahay. Waxaan rabaa inaad sii faahfiso hadalkaaga dambe: " Mida kale ma ogtahay in madaxda kaliya aan laga rabin inay kitaabka wax ku xukumaan ee qof walba laga rabo aana soo wada hoos galayno." A- Ilaa xad intee le 'eg yaan aniga iyo adiga fulin karnaa sharciga islaamka. B- xuduudda yaa oogaaya?. Ma dowladdaa oogeysa mise afraad?. C- Haddii xuduudda la oogi waayo mawada dambaabeynaa mar haddey masuuliyadda isla eg tahay?. Al-xakim wal-maxkuum? Waxaan rajeynayaa inaadan qalad u fahmin su' aalaheyga waa arrimo isaga key qasan oo aan rabo fahamkooda inaad ii bayaamiso haddaad awooddo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 05:10 pm asalaamu calaykum.... TO: UMUL-KHAYIR... Walaal waxaad moodaa in xaqiiqo badan isaga kaa dhax yaacsan tahay..waxaana u malaynayaa in aad wadanka somaliya wax badan aad ka soo maqan tahay..taas waxaan ula jeedaa..dawlad aad cambaaraynaysid....bal keen adigu badalkeeda..hadii ay tahay CILMAANIYAD waa sidaad adigu hadalka u dhigtaye...miyeysan dhaamin wadciga maanta somaliya yaala..dilka iyo boobka iyo dhaca yo kufsiga 24 saac dhacaya..miyaadanse ogayn qaacidada la yiraahdo AKHAFUDARAREYN.... Walaal bal dib ugu laabo hadaladii culumadeena salafka sida IBNU-TAYMIYAH..oo sheegay boqol sano oo dawlad jaa'ir ah waxa ay ka fiican tahay hal saac oo dawlad la'aan ah,,,,,, walaal waxaa kaa muuqata in aad tahay gabar jecel hal mar bal in ay u is taagto khilaafa islaamiyah,,,,,walaal khilaafa islaamiyah waa jano aduun janana waa loo shaqaystaaye ma u shaqaysaney....ma raadinay sidaan dawlad ku dhisi lahayn islaam ah xaalkeenuba halkaas buu taagan yahaye sideen ku sugnaa awladaan rabnay in ay noo dhalato...waxaadna ogaataa tan maantay dhalatay in ay kaba fiicantahay sidii loo malaynayey... marka anagoon u shaqaysan inoo imaan mayso ,,,adigoo qoraalkaan iskaqorayana kuu imaan mayso..waxa ay u baahan tahay asbaabteeda oo la maro iyo aloo qadara iyo rag u istaaga... TO:ABU-SUBAN.... WALAAL lama aaminsani hadalkaa uu yiri laakiin waxaan ugu hambalyeynayey difaaca uu difaacay shiikha in kastoo uu cibaaraad qalaf san adeegsadey,,,waqtigoo igu yar daraadeed ayaan u sii hsdlin laakiin hadalada uu ku hadlay walaalkeen waa hadalo culus.....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 06:37 pm Ummulkhair waa seef la boodka walaalaheen salafiyiinta. Abusuban. Barna waa sheegad barka kalena waa ka caroodaan waxaa ka maqan meesha kooxdii saddexaad ee meeday maadan noo sheegin. Asxaabu tazkiyada lagu siiyey monoply mad-habka salafiga. Lalama xisaabtamayaasha aawey. Dhuubaa liman shagalat cuyuubahu can cuyuubinnaas. Cumar faaruuq aniga wax ka duwan uma arko kuwa u shaqeeya sucuudiga ee nushaharka ka qaata dowladda. Ama aan wada xukunno culumada ama innaga kuweennaan hanaloo daayo dusha laga saaran yahay habeen iyo maalin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 07:28 pm QORAALADIINA LAMA AQRINI KARO MAXAA YEELEY WAA AY DHAADHEEERYIHIIN BADNAASHO MA AHA WAXAAN KA HAD LAAYO EE SADARKA AAD QOREEYSAAN AYAA AAD U DHEER MARKA MA ISTICMAALI KARO MARKASTAA RIMUUDKA FADLLAN SADARADA SOO GAABGAABSHA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, October 19, 2000 - 07:30 pm QORAALADIINA LAMA AQRINI KARO MAXAA YEELEY WAA AY DHAADHEEERYIHIIN BADNAASHO MA AHA WAXAAN KA HAD LAAYO EE SADARKA AAD QOREEYSAAN AYAA AAD U DHEER MARKA MA ISTICMAALI KARO MARKASTAA RIMUUDKA FADLLAN SADARADA SOO GAABGAABSHA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 20, 2000 - 12:54 am Asalaamu Calaykum To Marti Walaal waad mahansan tahay. Waxaan ula jeedaa in dhamaanteed nalaga rabo oo aan soo hoosgalayno, Aayadaha Maa'ida "Waman lam yaxkum bimaa anzala laah ... Humul kaafiruun" Waman waxaa soo hoos galaya qof walba, waxaana laga rabaa in uu kitaabka ku xukumo waxa hoos yimaada isaga sida naftiisa, gurigiisa, ganacsigiisa dowlada uu xukumo imw. A: Ilaa xad intee le'eg... Sida aan kor ku sheegay xadkaagu wuxuu ku egyahay inta aad u taliso, Tusaale ahaan ganacsigaaga waxaad ka ilaalinaysaa ribada, gabdhahaaga waxaad u xiraysaa xijaab iwm. B:Xuduuda waxaa oogaya dowlada oo kaliya ee shaqsiyaad ma oogi karaan. Xataa haddii wiilkaagu uu wax xado gacanta kama goyn kartid. C: Xuduuda aan la oogin waxaa ku dambaabaya Xaakimka ee adigu ku dambaabi maysid. To: Abu-Cumayr Aad baad ugu mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad ugu sharaxday walaasheen dhibaatada dawlad la'aanta. Waxaana tusaale noogu filan inaan usoo qaxnay oo aan ku hoos nool nahay dowlado aan gaalnimadooda shaki nooga jirin. Wali waxaa ii rahman mowqifka Itixaad ee shacabka iyo dowlada Somaliya. To: Cabbi Maxaad ula jeedaa Asxabu tazkiya, lalama xisaabtamayaasha? Waxaad tiri Cumar Faaruuq uma arko wax ka duwan kuwa mushaarka ka qaata Sucuudiga. Hadana waxaad tiri hanaloo daayo culumadeena. Maxaad ula jeedaa ma difaacaysaa Sh. Cumar Faaruuq mise waad ceebaynaysaa, ileen waxaad la sintay kuwa mushaarka qaatee. Maxaase ceeb ah oo ku sugan ninka daaciga ah ee mushaar ka qaata Sucuudiga, anaguba lacag cayr (welfare) ayaan ka qaadanaa wadamo gaalo anagoon waliba ducaad ahayn. Mase ogtahay in mushaarka Sucuudigu uu bixiyo lasiiyo ardayda kasoo qalin jabisay Jaamacadaha Islaamiga ah 50% si ay dadka wax u baraan iyagoon gacanta u hoorsan. Mase ogtahay in wadaada lacagtaas la siiyo in ay isugu jiraan nooc walba Islaax, Itixaad, Akhwaan iyo kuwo aan intaasba ahayn. Haddii aan doono waan kuu tirin karaa magacyada wadaadadaas, mana u arko in ay lacag xaaraan ah qaataan. Wabilaahi Towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 20, 2000 - 12:58 am To Anonymous Anagu si fiican ayaan u aragnaa, mana u baahano in aan isticmaalno mouse ka. Cilada ku haysata waxay tahay computerkaaga screen kiisa ayaa yar ee iska badal oo soo dhigo mid 15 ama 20 ah!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 20, 2000 - 01:49 am Abusuban. Waan filaayey inaad aad u xiiseyneyso ku degdegga jawaabteyda maxumase. Waa xaaraan miyaad ka aragtey hadalkeyga?. Haddii qof aad duullaan ku tahay waxaa badan inaad eegto meesha uu ka shabbaho ciddaad la dagaalsan tahay. Garta in sida aysan ceeb u aheyn ama xaaraan lacag in laga qaato dowlad aan islaamka wax ku xukummin ama bar ku xukunta ama thuluthkiisa iney tan soomaalidana la mid tahay oo caddaalad u fala ninkii wax ku darsada. Ma ulajeedda kalaad ku heysaan sheeqa aan aheyn dowladduu wax ku darsadey waa adinkan mid heysta iyo mid ku raacsan noqdaye?. Aniga waxaaba igu fiicnaan laheyd sheekha inuu isaga yiri waan ahay xubin ka tirsan dowladda. Ma dhici kartaa iney iyagu iska sharfeen oo siiyeen boos, raalli ma ka yahay isna shekha?. Su'aalo badan waa in la isweydiiyaa intaan seefta galka lagala bixin. Laakiin caado qowm leeyahay waa adag tahay sidey uga tagaan. Unsur akhaaka daliman ow madluman si fiican baad ugu howl gashaan oo kama qabataan qofkiinna qaldan waxa qaldan oo uu ku hadlo maadaama uu wax ka sheegaayo ciddaad macal asafka xiwaarka leedihiin. Asxaabu tazkiya maxaad iga weydiineysaa waa adiga iyo jamaacadaada noo diiddan inaan idin la wadaagno wanaagga salafkee. Waxaad qabtaa ITIXADKA iney sheegad yihiin ee ma aha salafi. Waxaad ku hadleyso maan kuu tarjumaa YAA ABAA SUUBAN?. Ilaahey suubbanaan hana wada siiyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 20, 2000 - 07:22 am Salaama dhaamaan walaalaha. In kastoo aan labadaan bari maqnaa, duruufo awgood(Imtixaano), haddana waxaan rabaa in yar in aan jawaab ka baxsho hadalo aniga i quseeyo. Ku. Abu suban. In fahamkeena diineed uu kala duwanaan karo hadana layaab ma leh arintaas. Waxaana ILAAH kaaga baryaa in uu ku siyaadiyo DIFAACA diinta islaamka, waa HADDII ay dhab iyo kal gacal diineed ku hayo. Meeshana ka sii wad ARINTAAS.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, October 20, 2000 - 10:51 pm Waa yaab! Haddaan xaqa la sheegin maxaa la sheegi? C/naasir waad ku mahadsantahay naqdigaaga cilmiga ah ee aad halkaan ku soo ban dhigtay, maxaa yeelay waxaa halkaan iiga muuqda laab lakicii aan Somaalida ku aqaanay. Magaca salafka ayaan ka xumahay meesha la dhigay iyo dadka sheeganaya, cid walbaa sheegatay! wuxuu yiri Abu cumayr Cumar Faaruq u ducee laakiin waxba haka sheegin! goormaa diinteenu waxaas sheegtay waa yaabe? Haddii aanan qaban qofka qaldan shiikh kasta ha ahaadee salafka aan sheeganaynaa waa kuwama ma kuwo xaqa ka aamusay ahaayeen? yaanan been isu sheegin runtana yaan laga xishoon. Cumar Faaruuq dacwada meel wayn ayuu oga dhacay shabaabkii isaga tiigsanayayna niyad jab ayuu ku riday
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 21, 2000 - 12:30 am asalaamu calaykum... TO:SALAFI 2... SALAANTA ISLAAMKA KA DIB.. waxaan kuugu mahdinayaa sidaad u qiirootay adigoo doonaya in aad xaqa difaac did.. waxaan doonayaa labo jawaab in aan ku siiyo. 1:waxaad soo rartay hadalkaygii ahaa in shiikh cumar faaruuq aan waxba laga sheegin ee loo duceeyo..taas hadal khaldan ma aha walaalkiis mana aha sidaad u fahantay adigu oo ah in aan xaqa la sheegin.waxaanse ku weydiinayaa... ma xaq la difaacaa in shiikha halkaan khaladaadkiisa halkaan lagu soo qoro..hadii aad doonaysaan in aad arintaan wax ka qabataan ma aha in aad meelahaan oo kale kaga hadashaane waa in aad shiikha raadisaan una sheegtaan..laakiin ciwaan weyn baan halkaan ka furayaa shiikha magiciisana waan soo qorayaa xaq baana difaacayaa kala daaya..mana aha asluubta ay shareecadeenu na bartay ,,nasteexo iyo xaq is ku sheeg waa loo baahan yahay laakiin BIL XIKMAH...ma aha taasi in aan shiikha howshaan ku waa faqsanahay.. walaalayaal taasi xikmad ma aha ee si kale arintaan u cilaajiya... 2:tan kale ...CUMAR FAARUUQ DACWADA MEEL WEYN BUU UGA DHACAY...hadalkaas waad ku khaldantahay walaalkiis...shiikha in aad sidaas ku tilmaamtana wax haboon ma aha..shiikhu dawr aadan adigu ka ciyaarin dacwadaan ayuu ka cayaaray,wixii uu in taas soo wadwyna,hal mar gacantiisa kuma bur burinayo ...adigoo daalibul cilmi ah in aad tiraahdid hadalkaas uu shiikha taas u nisbaysid u malayn mayo hadal sadiid ah in uu yahay.. wasalaamu claykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 21, 2000 - 09:07 pm To dhamaan assalamu calaykum sida quraanka ku cad in aan lala fariisan dadka alle wax ka sheega. fahamkaga daciifka ahna wuxuu isiiyay in aan lala sheekaysan dadka culimadiisa caaynaya oo iska daaya lagu la'yahay. Insha'allaah dib danbe boggaan la iguma sii arki doono qorid iyo akhrisba.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 22, 2000 - 01:09 am Asalaamu Calaykum To: Abu-Cumayr & Salafi2 Walaal Abu Cumayr aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad ugu caqli cilisay walaalkeen Salafi2. Asagana waxaan ka rajaynayaa inuu taladaada qaato oo uu san mardambe Sh. Cumar magaciisa halkan ku soo qorin isaga iyo inta kale oo Sheekha wax ka sheegaysaba. To: Cabbi Walaal maxaad u xanaaqday? Ma markii aan iri anaguba lacag welfare ah ayaan qaadanaaa baa arinku kula xumaaday? Hadalkaagii hore waxaa ka muuqatay in aad ceebeynayso wadaadada mushaarka qaata. Qof walba oo afsoomaali yaqaana wuu dareemi karaa. Tan kale anigu qof duulaan kuma ihi, shaqsina ma magacaabin, ee waxaan sheegay daliisha aan u haysto in aan la raadsan karin madaxtinimo. Laakiin adigu hal daliil nooma aadan sheegin oo aad ku banaysay, marka laga reebo af-Soomaali macaan iyo aftahanimo. Diintuna ma taqaano aftahanimo ee waxay rabtaa daliil cad. Waxaan kuu sheegay xadiis Nabi S.C.W. markaasaad leedahay "Garta inaysan ceeb ahayn..." Maxaan garanaa haddii aadan daliil noo sheegin? Mida aad tiri Asxaabu tazkiya... Horta anigu jameeco aan ka tirsanahay ma jirto Rabbina waa igu ogyahay, ee bal adigu noo sheeg inaad jameeco ka tirsan tahay iyo in kale? Mida labaad, wanaaga Salafka aniga iyo qof kale midkeena dadka uma diidi karo. Waxaase badan dad iska sheegta Salafka iyagoo garab maraya manhajkii Salafka. Tusaale: Abshir-Bacadle wuxuu sheegtaa in uu yahay wadaad Salafi ah, wuxuuna qabaa in laraadsan karo oo laga qayb gali karo baarlamaanada jira!! Wuxuu kaloo qabaa in ciidul wadan loo dabaal dagi karo, sida 1da Luulyo oo uu sanadkaan aan ku jirno uga hadlay Raadiyo Horn Africa "Muqdisho" isagoo difaacaya iskuna dayahaya in uu daliil u keeno. Waxaa ka mid ahaa daliilihii uu u keenay in Nabiguba S.C.W. markii uu yimid Madiina uu arkay yuhuudii oo soomaysa maalinka Caashuuraa oo ah maalintii uu Rabi jabiyay Fircoon. Markaasna uu yiri Nabigu S.C.W. "anagaa uga xaqnimo badan Muuse" sidaasna uu ku jideeyay in la soomo Yoowmu Caashuuraa. Sidaas daraadeed Bacadle wuxuu yiri "dadka caamada ah anagaa uga xaqnimo daban in aan u dabaal dagno maalintii Rabi naga xoreeyay gaalada" Nabiguna S.C.W. wuxuu yiri anagu hadaan nahay muslimiin waxaan leenahay laba ciidood oo kaliya oo aan u dabaal degno. Ogow waxaan joogay magaalada Muqdisho maalinka uu saas leeyahay Bacadle. Haddii aad ku tiraahdo Bacadle waxa aad sheegayso waa qilaafsan yahay manhajkii salafka, wuxuu kuugu jawaabayaa "waxaad ii diiday wanaaga Salafka oo rag gooni ah ayaa meel ku xirtay, oo is tazkiyaynaya" Marka walaal manhajkaan qof loo diidayo ma jiro, laakiin qofkii ka inxiraafa waxaa la leeyahay waad ka leexatay manhajkii Salafka ee u soo noqo. qofkuna waxay sharaftiisu ku jirtaa in uu qaato qaladkiisa oo uu isa saxo. Ee ma'aha in uu dacaayaad aan jirin faafiyo si uu u qariyo qaladkiisa. Itixaad markii la yiri waxaan aad samayseen -oo ah dagaalada fitnada ah oo aad ka qayb qaadateen- waad ku qaldanteen ee kasoo laabta, sidaada oo kale ayay u hadleen iyo waliba dacaayaad aan raad lahayn. Waxaan filayaa in aad ka qanacday arimahaas oo dhan. Wabilaahi Towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 22, 2000 - 04:23 am Assalaamu caleykum. Abu-suban. Muran dheer oo i jiid aan ku jiidee diinta ma qabtaa?. Haddey maya tahay anigoon jecleyn inaan sii badbadiyo hadalkeyga aan ku tusaaleeyo wax yar: culumada salafka lug bey dowladda sucuudiga ku leeyihiin. Dan kalena uguma jiraane waxey ugu jiraan diintan ineysan nuqsaammin oo balaayo kale meesha soo gelin. Caddaalad intaad sameysaan bal sheega daliilka dusha laga saari waayey dowladda sucuudiga cidda la shaqeysa oo xafiis ay dusha ka maamulaan fadhida, oo la rabo in dusha laga saaro kuwan soomaalida?. Mise sida caadada idiin ah waa soomaali ha la eedeeyo ilaa ilaahey jahannama kaga shubo sidey u dhanyihiin?. Ogow wadaadka sucuudiga kitaabka bukhaariga inuu xafidsan yahay yaa la ga yaabaa oo ay ku taal "Idaa wussidal amru ila geyri ahlih fantidiri saacah" waana caddahay cidda xukunka heysa islaam ineysan ahal u aheyn iney wax maamulaan. Ma aragtey kii macattabka xirtey?. XUKUNKA reer aal sucuud sow kuma qabsan xoog?. "Uma dhiibno xukunka ciddii weydiisata' miyuusan aheyn xaddiskii kale ee isna bukhaari ku yaley?. Hadda ogoow iney xaaraan ku aheyd kolkii hore qabsigeeda, Haddana ay weli xaaraan ku tahay oo waliba kuwuu rasuulka ilaahey ku sheegey xaddiiskiisii xukkaamta iyo jabbaabirada sifaadkooda iney leeyihiin. Walaal, Rijaaludowladnimadii halkan soomaaliya waa ka mamnuuc laakiin KHALIIJKA WAA OKEY. Kii wax ka sheega dowladdana waxaa la yiraahdaa waa ikhwaan ama SIYAASI. Haddii soomaalida maanta shidaal u qodnaan lahaa SIDAA UMAAD HADASHEEN KUWIINNAAN soomaalida laga shido oo fitnana ayan jirin waddanka, waxaa la isticmaali lahaa Fatwadii "AKHAFFU DHARAREYN". Halkan maxaa akhaffu dharareynka u diidey. Is daba markan inteed ka barateen?. Salafi maruu meel wax ku qoraayey wuxuu yiri "Dowladaha iyo shacbka ayey isku diraan". Bal ilaahaan kugu dhaarshaye ma tahay sidaa caddaalad?,. Dowladuhuu sheegaayo waa kuwa carabta iyo kuwa kale, TAN SOOMAALIDANA MA OGGOLA. Waxaad tiri aftahannimmo diin manoqoto. Waxaad ishaartey xaddiiskii ummi salama rc ay ka warisey rasuulka scw "Falacalla bacdhakum yakuunu ablaga min bacdhin, Fa axsiba annahu sadaqa , Fa aqdhiya lahuu bidalik". Taa maad ka cabsatey iney halkan ka dhacdo OO ADIGA XAQQAAGA IYO ANIGA BAADILKEYGA SIDAAD ISHAREYSO IS GAFAAN. oo HALKII WARKAADA LA QAADAN LAHAA KEYGA LA QAATO?. Walaal, Aniga sidey ila tahay yaan kuu sheegey halkanna uma immaaddo inaan is tazkiyeeyo aniga. Tazkiyada ilaahey baa ku sheegey quraankiisa inaan la is tazkiyeyn "Ha tazkiyeynina naftiinna, Allaa og cidda ka dhowrsata" Miyeynan aheyn aayaddii quraanka aheyd?. CEYRTA AMA WELFAREKA MAAD KA NAXDEY yaad tiri?. Thanniga waa waxa halaagey dad badan. Haddaba aniga proffessioanl ayaan ahay u shaqeeya HI-TECH company. waxaanan masuul ka ahay shiftigeyga qeyb dhan oo aan xiriiriye, farsamayaqaan, wax u hagaajiya ka ahay. Falilaahil xamdu wal manna. Weligey mareykan immidoo ceyr toddoba biloodda qaxootiga la siiyo yaan qaatey. Dib dambana uma aan raadsan. School, shaqo yaan ku howlanahay oo xooggeygaan cunaa. Warka waxaan kusoo xirayaa: Raggiinnaan meesha ku seyrey doodaha faraha badan waxaad dhaliseen dhibaato fara badan. Waad ka warqabtaan sida wax u qallafsan yihiin. Maad diinta dadka bartaan kolkaad maalinba nin ku dheggan tihiin?. Waan idinla yaabbanahay aniga. Waxaad sababteen mashaayiq badan in halkan laga gaaleysiiyo. Suufi ka dooda halkan ma jiri jirin illaa aad billoowdeen waxan. Markii dhallinyaradii difaaceysey xibigana idin la doodeen meeshii waa laga faa'iideystey. culumadii cirdhigoodii iyo waxaa la banneystey sharaftoodii iyo diintoodii. Miyeysan idin dhibin inaad sabab u noqotaan waxa meeshan ka socda?. Waajibaadkii diinta islaamka dadka saartey yaa la oggolaadey duruufo markey jiraan in laga tago. Haddii aad weysan dood aqlaaq ku saleysan oo aad ogtihiin in gaf immanaayo MAXAA IDIN FALEY OO AAD LASOO INDHA CADDIIHIIN?. Baddala waddada oo ka hadla islaamka qeybihiisa kale. Waxaad moodda missionakiinnii inuu hal yahay. ATTACK, ATTACK, ATTACK,. Ilaahey ha idin garowsiiyo inaad sabab u noqon weydaan dood keenta in culumada lagu xad gudbo. Haddaad diiddaan warkaan inaad ka baxdaan aan aragno halka warka ku dambeeyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 22, 2000 - 07:06 am asalamu calaykum Abu cumayr walaal waad ku mahadsantahy naseexadaada, laakiin runtii wali ima qancin hadalkaagu. maxaa yeelay waxaad tiri shiikha maad raddisaan un sheegtaan? waxaan wadnaa sow raddigii ma aha? tan kale waxaad tiri inaad halkaanoo kale cinwaan wayn oo sheekha wax looga sheegayo ka furtaan ma ahayn. Walaal dadka halkaan soo galaa sow muslimiin somaaliyeed ma aha? miyanay xaq ulahayn inay wax ka ogaadaan culumadooda iyo diintooda hadba wixii cusub ee war ah ee ku soo kordha? Anigu ma qabo in sheekha la aflagaadeeyo laakiin wanaag iyo shar wixii uu dacwada u qabtay in la sheego waxba igula jabna.Taas waxaan ahayni waa nin jeclaysi iyo dadka qaana dambigooda ha la sheego qaarna ha la qariyo. khaladna yaan la iga fahmin mala xumadu ma fiicnee.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, October 22, 2000 - 01:08 pm Asalaamu caleeykum dhammaan. To. Caabbi: Waxaan AAD iyo AAD kugu mahad celinaaya sida qiimaha badan aad ugu sharaxday akhyaarta ku jirta HAWADA. Adiga oo meelo kala duwan aad ugu i shaartay. Waxaan rajeeynaaya in badan oo shucuubta soomaaliyeed oo halkaan akhrisataa in ay ku cibra qaataan arintaas. Waana dhalinta adigoo kale oo wax bartay haddana xoogiisa quuta, ay Soomaaliya u baahan tahay. Dad kaas oo kale oo inoo soo guuriyaa ILBAXNIMADA wanaagsan ee reer Galbeedka. Ee walaalkiis meeshaas ka sii wad dadal kaaga xag balba ah. Intaas ayaan igu kaliftay in aan maanta soo qoro, anigoo xogaa ka yara gaabsaday baryahaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, October 24, 2000 - 11:11 am Waa yaabe maxaa Sh. Cumar faaruuq laga rabaa? Maxaa daalibul cilmiga salafiga ku diray sheekha oo aan ognahay intuu dacwada salafiga u qabtay. Walaalayaal waxaa idinkaga sahlan inaad aadaan kuwa bidcada ah ee maanta wadankeenna ku soo badanaya sida islaax, takfiir, tabliiq oo maanta dhalinyaradii salafiyada la wareegay. Marka sheekha faraha ka qaada haduu dowlad aan kitaabka wax ku xukumayn kujiro iyo hadii kale dacwada waa wadyaaye. wa bilahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 01, 2000 - 01:29 pm To ukhtii slafi salaam ka dib Abaayo waan fahamnay macnaha, sheekadu soo mari mayso Cumar Faaruuq iska daaya xaq iyo baadil wuxuu rabo ha ku sugnaadee. Haddii ay walaalahaaga kale ee sheegta salafiyadu sidaas mar hore u caddaysan lahaayeen hadalba meesha ma yaaleen ee adigu waad ka daacad santahay anaguna daacadnimadaada ayaan kuu tix galinaynaa mar dambna Cumar Faaruuq wax ka sheegi mayno anagoo og inuu baadil ku sugan yahay.
|