Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Wadada Salafka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-Athari

Unrecorded Date
Salamu alaikum

Waad salaaman tihiin walaalayaal.

Salaam kadib.

Manhajka Salafka yaa ii qeexi karra,?.

Salamu alaikum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abuyahya

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum,
To: Al-Athari & walaaladayda kale oo Muslimka ah

Kalimada 'Salaf' luqa ahaan waxa weeye dadkii kaa horeeyey, kaagana horeeyey Cilmi, Iimaan iyo wanaag kaleba.
'Ibn Manduur' wuxuu kitaabka qaamuuska ah ee la yidhaahdo 'Lisaanul Carab 159/9' ku yidhi:"Salafku waa kuwii kaa horeeyey oo ay ka mid yihiin aabayaashaa iyo qaraabadaada kuwaas oo kaa sareeya xagga da'da iyo wanaagaba. Sidaas awgeed ayaa loo bixiyey Saxaabadiiiyo Taabiciintiiba 'Salafu-Saalix'".
Macnahaas luqa ahaan ayaana Nebigu (SCW) uu ku yidhi inantiisii 'Faadumatu-Zahraa'(RC) "Fa inahu nicma-salafi ana laki- Aniga ayaa Salafkaagii wanaagsanaa ah" (Saxiix, Muslim).
Taasii waa macnaha Carabi ahaan loo yaqaan.

'Isdilaax'(Eray bixin) ahaan waxay Culimadu 'Salaf' ku magacaabaan Asxaabtii Nebiga (SCW) waxaa kale oo soo gelaaya Taabiciinta (Ardaydii Asxaabta)iyo kuwii ka dambeeyey oo wanaag ku raacay. Siduu Nebigu (SCW)yidhi: "Dadka waxaa ugu khayr badan Qarnigaygan, waxaana ku xiga (xaga Khayrka) kuwa ku xiga, dabadeedna kuwa ku xiga" (Saxiix, Bukhari).

AL-Qasali (Iljaamul-cawaam can cilmul-kalaam p.62) asagoo qeexaya kalmada 'Salaf' wuxuu yidhi: "Waxaan u jeedaa mad-habkii Saxaabada iyo Taabiciinta".

Culimadii noolayday saddexdii qarni ee ugu fadliga badnaa Ummadana 'Salaka' sidaas aynu soo sheegnay ayey u yaqaaneen.
Tusaale ahaan, Muslim(p.16) wuxuu ka wariyey Muxammad bin Cabdullah in uu yidhi waxaan ka maqlay Cali bin Shaqiiq asagoo leh: Waxaan ka maqlay Cabdullaahi bin Mubaarik asagoo meel shir ah ku leh: " Ka taga hadiiska Cumr bin Thaabit, sababtoo ah 'Salafka' ayuu caayi jirey".
Salafka halkan wuxuu ula jeedaa Saxaabada (RC).

Haddaba waxaa muhiim ah (kuna waajib ah) in qofkasta oo Muslim ahi uu u nasab sheegto oo uu raaco wadadii ay Salafku mareen, diintana u qaataan una fahmaan sidey u fahmaan. Sababtoo oo sida uu Nebigu inoo sheegay ka kaliya ee badbaadayaa inuu yahay ka raaca wadada Salafka-Saxaabada. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi, Xadiis uu ka soo wariyey Cawf bin Maalik (RC): "Yuhuudu waxay u qabsantay kow iyo Todobaatan (71) qayboob, mid ayaa Janada ka gashay todobaatana Naarta ayey galeen. Kiristanku waxay u qaybsameen laba iyo todobaan (72) qaybood, mid ayaa Jannada ka gashay kow iyo todobaatana Naarta ayey galeen. Ka ay naftaydu gacanta ugu jirto (Allah) ayaan ku dhaartee, Ummadani waxay u qaybsami doontaa saddex iyo todobaatan (73) qaybood , mid ayaa Jannada ka galaysa laba iyo todobaatana Naarta ayey galeyaan"
Waxaa lagu yidhi "Waa tuma taasi (ta Jannada galaysa"?.
Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: "AL-JAMAACAH" (Xasan, Ibn Maajah).
Riwaayad kale Nebigu (SCW) wuxuu yidhi (ta Jannada galaysaa waa)"Ta ku sugan waxaan aniga iyo Asxaabtaydu ku suganahay".

Allah haynaga dhigo kuwa raaca wadadii 'Salaf' dhinac kastaba, ha noqoto Caqiido, Manhaj IWM.

Wixii kale ee faah-faahin ah kuna saabsan 'Manhajka Salafka' Akhriso Kitaabka uu qoray 'Shaykh Saliim Al-Hilaali, oo arday u ahaa Muhadiska Casrigan Shaykh Muxammad Naasiri-Diin Al-Albaani. Kitaabka magiciisu waa 'Basaa'ir dawii-Sharaf bisharxi marwiyaatu manhaji salaf"

Wasalaamu Calykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum;

Abuyahya:
Jazaaka-allah-kheyra.
Allaha kaa abaal mariyo cimigaad noo faa, iideysey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi doon

Unrecorded Date
as-salaamu calaykum jazaaka-laahu khayra sida wanaagsan ee daliisha ku sugan ee aad noogu qeexday manhajka salafka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Faa'idooyinka aad noo faa'iideysay wax kale ku oran maayo Akhii....

Jazakallaahu Kheyran!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-salafiyiin

Unrecorded Date
as-salaamu calaykum wa raxmatu lahi wabrakaatu.waxaan halkan uga mahad celinaynaa walaalkayaga ABUU YAXYE jazaaka laahu khayra sida wanaagsan eeaad mawduucan aad usharaxday waxaan anaguna jeclaysanay inaan faa`iido yar ku kordhino. MANHAJU SALAF.
daliilaha waajibinaya in la raaco wadadooda allah waxuu kitaabkiisa ku yiri. cidii garab marta Rasuuka kadib markii hanuunku u cadaday oo raacda wadaii muumiinta. ayada 115 al-nisaa.
aayadan waxay ku tu sinaysaa haddii la khilaafo wadadii muuminta yacni sxabtii Rasuulka scw.
oo ah selifkii umadan caaqiiba xumada ayleedahay si ay ayada aakhirkeedu ku tusinaso oo aanan halkan ku dhamays tirin. Rasuulka scw waxa uu yiri korkiina ha ahaatoo sunadayda iyo sunada khulafu araashidin xadiiska oo uu wariyey abuu daa`uud iyo gayrkiisa .markaas adilooyinkaas iyo kuwo farabadan ookale oo aan halkan kuxusin.
waxay tilmaamayaan in uu manhajka selika uu yahay waajib in laga dhigto ha noqto caqiido,cibaado suluk, iyo manhajba waana wada liibaanta.
wixii dheeraad ah hadii loobaahdo oo if bixin ah waan soo qori doonaa inshaa alaah
walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomali

Unrecorded Date
Waxaase khatar ah in waayahaan dambe dadka loogu soo duur xulo magacan wanaagsan ee salafka.

tusaale muxuu yahay farqiga u dhaxeeya salafkii hore iyo salafiyyiinta maanta ??

salafkii hore waxay haysteen manhaj, laakiinse kuwa maanta sheegta inay salafkii hore raacsan yihiin waa kuwa ka fog manhajkii salafka.

Tusaale. Inta uu dagaal ku qaado walaalihiisa muslimiinta ah ee soomaaliya (garoowe, gedo iwm) ayuu kugu oranayaa waxaan raacsanahay salafka.

Waxaysan kala saari karin muslimiintii hore(salafkii) iyo manhajka salafu-saalixa ah(ee xaddiisku sheegay).

Waxay ku leeyihiin waxaynu raacsannahay salafu-saalix, waana been abuurasho lagu been abuuranayo salafkii hore.

haddii salafkii hore uu sidsan oo kale ahaa, diintaba nababa soo gaarteen,ee ciddii ka ra'yi duwanba way gaalayn lahaayeen , bal way dili lahaayeen ,sida ay kuwani sameeyaan ,maanta.

dadka yaanan been lagu soo xero gelin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ku.somali.
war ninyahaw somali ha sheegane sheego magacaaga ama dadka aad uhadlayso kolay waa suufiyee!.
umada soomaaliyeed ilaahay mahadiis si wayn bay u aqbashay dacwadaa salifiga ah ee ladhimo carada ku haysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tbone99

Unrecorded Date
In the name of Allah most Beneficent & Most Merciful

Aslamu Laykum Warahmatulahi Wabrakaatu


Verily the dawah salafiah is the dawah of the Prophet Muhammad (pbuh) it is also that of his companions(ra) and that of the first 2 generations who proceeded them in goodnedd may Allah be pleased with them.

In our days when there are many different ideas of how islam is to be practiced, one need only look to the example of these Salaf and we have there an exact detailed Manhaj of how this dean is to be followed.


Your Brother In Islam,

Abdinasir

Peace!