    Abdalla | Unrecorded Date Salaamu calaykum. Walaal waxaan jeclaan lahaa dad soomaaliyeed oo wax garad ah oo aan arimaha soomaaliya si qoto dheer uga doodno? waayo dadkeena cid aan inaga ahayn oo ay sugayaan ma jirto. ha la bakhaylin ra'ayigaaga. |
    Somar | Unrecorded Date salaama caleykum. arimaha soomaaliya way badan yihiin hase yeeshee wax dhibaato ah ma leh hadii aan ra,yi isdhaafsano marka xagee ka bilownaa? |
    Abdalla | Unrecorded Date Calaykum Asalaam. Walaal Somar waa runtaa oo waa badanyihiin arimaha soomaaliya laakiin waxay ila tahay inay kala muhiimsanyihiin waxay ila tahay inaynan wakhti badan ku lumin maxaa keenay burburka soomaaliya waayo siday aniga ila tahay wax yar ayaa fahmay dhibaatada runta ah meesha ay ka timi waxaana lala doontaa arimo ay ka midyihiin qabiil iyo xukumado wadanka ka soo talin jiray ,waa run oo qabiilku waa dhibaato jirta laakiin ma aamnisani inuu yahay waxaa keenay dhibaatada dhabta ah ee soomaaliya ,xukumadihii wadanka ka soo talinayey iyo qabqablayaashan ordayaaba way ku leeyihiin eed burburkii soomaaliya laakiin ma aha macnaheeda inay dhawr qof oo xumi ay soomalida ku jiraan oo dhawrkaas qofina ay xukunkii qabteen ama ay yihiin qabqablayaasha hada meelaha ordaya dabadeedna dadka intiisii kale wada xumaaday,laakiin arintu intaa way ka sal fogtahay waayo sidaad ogtahay soomaalida inteeda badani waxay yihiin ama aabayaashood ahaayeen reer miyi ,noloshii ay ku noolaayeen ama hada ku nool yihiin waxay ahayd mid ama tahay mid aad u dhib badan ,laakiin waxay ahayd mid dheeli tiran xaga maamulka ,oo waxaa jiray kaabaqabiilo dadka laga dhex doorto oo xalin jiray wixii dhibaatooyin ah ee dadka dhexdooda ka dhasha, marka arimahoodu gacantooda ayay ugu jireen oo wax kasta oo lasoo gudboonaada xal ayay u heli jireen ,waxaa nasiib daro noloshii sidaa u dheeli tirayd hal mar ay habsatay markii gumaystayaashu yimaadeen ,oo waxay inoola yimaadeen hab nololeed ka duwan kii aynu ku soo noolaan jiray oo ah habkii lagaga noolaa yurub,habkaasi ma ahayn siduu ahaa mid ugu haboon bulshadeena waayo wuxuu inooga yimi bulsho ka duwan teena xaga dhaqanka ,diinta akhlaaqda ,fikirka ,habnololeedka isla markaana tadawur soo samaynayey dhawr boqol oo sano. Waa run oo wuxuu inooga yimi bulsho ka horumarsan teena xagga teknoolajiyada iyo fikirka dadkaba. Markaa waxaa isku dhacay labadii dhaqan ,meeshii looga baahnaa inaynu si aayar aayar ah wixii ina anfacaya uga soo qaadano ayaan hal mar keenii tuurnay oo aan si toos ah u qaadanay koodii ,sidaa daraadeed waxaynu ilaa hada u la'anahay xal waayo nidaamkani ma aha mid bulshadeena ka soo dhex baxay. Waxaan jeclaan lahaa intaynan ka doodin maxaa xal ah oo aad muhiim au siday ila tahay inaan isla fahano waxa keenay oo aan isleeyahay dadka ayaa ku daalaya inay akhriyaan mooyaane waan sii wadi lahaa qoraalka. |
    Somar | Unrecorded Date salaama caleykum(walaal cabdala). walaal dhibaatada ina saamaysay hadii aynu soomaali nahay waa masiibo xag alle inooka timi ahna mid aynu kasbanay waayo wixii ilaahay ina faray oo dhan waan ka tagnay wixii uu inaka xaaraameeyeyna waynu falay.walaal dhibaatada umadeena haysata waynu xalin karnaa hadii aynu dadaalo noqonana dad samir leh,waxaana shaqsi ahaan aamin sanahay in guusha ay inaka xigto samir.dadka aad arkaysid ee maanta qabiil qabiilka isu haysta hadii ay arkaan hogaamiye caadil ah qabiilkuu doono how dhashee waxaad arkaysaa umadii oo ul iyo diirkeed ah marka walaal qorshaha ilaah baa wata laakiin inaga waxaa layna ka rabaa samir,wanaaga oo lagu dadaalo,wixii xuna la reebo.aduun iyo aakhirana u shaqaysano. |
    Abdalla_199 | Unrecorded Date Salaamu calaykum. Walaal somar waa runtaa oo waxyaalaha inagudhacay hadaynu soomaali nahay iyo wax badan oo inagu soo socdaba waxay ka ahaadeen xag Alle ,sababtuna waa sidaad adiguba sheegtay waxaynu gacmaheena ku kasbanay iyo xaqii oo aynu dhinac maray. Laakiin markaad dhinac kale ka eegto fahanka diintu ummadeena wixii sideetamaadkii ka horeeyey aad iyo aad ayuu u liitay ,oo dadka qofkii salaada tukada ayaa shiikh ahaa waxaan rajaynayaa hadaad soomaaliya ku kortay inaad dareemi karto,qofkuna waxaanu aqoon u lahayn wax wayn kamadhigto ,dadkii madaxda ahaana waxay ahaayeen qaar iyagu dadka ugu liita xagga diinta marka inaanu burbur imaanayn miyaanay kuu muuqan . Waxaan muran ka taagnayn in xalkeenu islaam ýahay taasna maanta qofkasta oo soomaaliyeed waa uu dareensanyahay. laakiin walaal su'aasha muhiimka ah ee u baahan jawaab wanaagsani waa sidee lagu gaarayaa inaan helo dawlad caadil ah oo diinta inagu xukunta? Waxaan aad u jeclaan lahaa inaan ra'ayigaaga ogaado. |
    Dheereeye | Unrecorded Date Cabdalla iyo Somar Waad salaaman tihiin Ka hadalka dhibaatooyinka Soomaaliya ayadoo la isku dayayo in loo helo xal waara musiibadan ku habsatay bilowga qarniga 15aad ee taariikhda Muslimka, waa mid aad iyo aad muhiim u ah, dhalinyaradana looga baahan yahay inay door weyn ka ciyaaraan wax ka qabadkeeda. Waxaan anigu, shakhsi ahaan, aaminsanahay in dhalinyarada maanta, meel walba oo ay joogaan, ay wax weyn ka qaban karaan dhibaatada maanta jirta, dhallinna karaan isbedel cusub (hana noqoto mid bulsheed, dhaqaale, dhaqan, wacyi siyaasadeed iwm). Arrintu waxay maanta taagan tahay "taaban taabadey laba gacmood wax ku qaban karaane", marka dhalinyaro bal wixii tabartayo ah aan isu geeynee u soo diyaar noqda... waxaan dhowaan idiin soo qori doonaa barnaajim aan doonayo in wax looga qabto dhibaatada wadanka ka taagan. Dheereeye |
    Somar | Unrecorded Date salaama caleykum walaalayaal(abdalla&dhereye) walaalayaal sida aad sheegteen xalka keliya ee wadankeena maanta lagu toosin karo waa iyadoo lagu xukumo shareecada islaamka,ku xukunka shareecada islaamkuna waxay u baahan tahay wadajir iyo daacadnimo intaasna maanta umadeena laga heli maayo waayo tobankii qof ee magaalo deganba 5 ka mid ahi waxay sheeganayaan al-itixaad,3na al-islaax,2da soo hartayna ikhwaan.waxayna arimaha noocaas ahi aad ugu badan yihiin dadkii dhalinyarada ahaa ee la rabey inay ka shaqeeyaan isu keenka iyo wadajirka umadda,marka walaalayaal anigu shaqsi ahaan waxaan qabaa in lala dagaalamo firqooyinka si loo helo shacab diintooda ku midaysan markaas ka bacdi wax walba waan xalin karaa hadii rabi idmo. NB:habka loola dagaalamayo firqooyinka ma aha mid xabad la qaadanayo ee waa mid umadda lagu wacyigelinayo inay ka dheeraadaan firqooyinka iwm. |
    Abdalla Denmark | Unrecorded Date Salaamu Calaykum(Dheereeye iyo Somar). Waa mahadsantihiin labadiinuba sida niyadasan ee dadkiina uga fekeraysaan,waxaanan aad ugu farxay dheereeye inaad tiri waxaan hayaa qorshe wax looga qaban karo soomaaliya ,waana kaa sugaynaa si aan isula eegno sida uu macquul u noqonayo in la hirgaliyo qorshayaashaadaas. Walaal Somar waxaa tiri aynu la dagaalano firqooyinka ,miyaanay ka wanaagsnayn aynu midayno? waayo waxaan qabaa inay dhamaantood xaqa ku taagnyihiin ,laakiin uu jiro khilaaf yar,laakiin uu sii balaariyay bisayl la'aanta soomaalidu aysan u bislayn wax wada qabsiga ,waxaan ula jeedaa qof waliba tiisa ayaa la quman mana rabo inuu tanaasul sameeyo. Waxaan jeclaa inaan qorshayaasha aan hayo aan barbardhigo kuwa dheereeye markaan arko kiisa. Waamahadsantihiin. |
    Deceysane | Unrecorded Date Ku: Walaalaha iga horeeyey: Assallmu Caleykum. Aniga Halkudhigeygu waa "Alcaddaalah -Caddaalad". Anigoo Rayigeyga dib kasoo qoridoona, waxaan idunkula talinayaa adinka iyo kuwa iga dambeeya ee doodaan ka qeybqaata in ay caddaalad falaan. Waayo aniga aragtitideyda haddii caddaalad la helo wax kasta waa hagaagaan, haddii lawaayana wax walba waa xumaadaan. Wasalaamu caleykum. Duceysane. |
    Abdalla | Unrecorded Date By Abdalla. Ku dhamaan walaalaha ka qaybgalaya iyo inta akhrisanaysaba. Walaalayaal waxaan u baahannahay inaan jawaab u helo la taaban karo sidii lagu heli lahaa dawlad daacad ah. |
    Khalif | Unrecorded Date Salaamu calaykum. Marka ugu horraysa walaalayaal dhibaatadu wixii keenayba hakeeneene waa jirtaa. Shacabka Soomaaliyeedna waa kala dhinteen. Waxaana dhexmaray wax ay adagtahay si lagu ilaawo.(dagaal iyo dhimasho farabadan) Ninbaa dagaaladii hooyadii lagu dilay.Nina aabihii. Nina dadkiisii oo dhan waa lalaayey. Cuqdad iyo colaad baa jirta. Aamin xumo ayaa jirta iwm. Sidee looga gudbi karaa? Dadaal kujiro alla kacabsi iyo gargaar ilaah.Ilaah markuu la hadlaayey Aws iyo Khasraj wuxuu yiri aayad macnaheeda ahaa: Xasuusta markaad cadow isku ahaydeen(islaynayseen 40 sano iyo inkabadan.Maalaa yacni isku dilayseen) markaa kadib aan quluubtiina isku soo duway oo markaa kadib naxariistayda darteed aad ku noqoteen walaalo. Abaal marintaa maxay ku heleen? Rumayn ay ilaah rumeeyeen. Anaga maxaa nalaga rabaa inaan quluubta bogsashadeeda ilaah u dayno markaa kadibna aan cabsi ilaah la imaano. Wasalaamu calaykum. Intaas ayaan isaga gaabsan hada. |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Naxariis iyo Nabad Ilaahay Korkiina ha Ahaato Walaalayaal Weli rajaynu leenahay haddii aynu wada hadlayno. Haddii aynu dhibkeena isu sheegan karno. Haddii dhacdooyinkii wiil iyo walaalkii kala geeyay la isu sheegi karo. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid wadaagta luqad, diin iyo dhaqan. Inkasta oo siyaasiinta iyo hormoodku dan moodeen in ay bulshada u kala qaybiyaan qabiilo aan wax dhex meri karin, waxaan ku weydiiyay shan aqal oo aad deris tihiin caawo tag. Shantaa aqal waxaan hubaa in aad ku arki doonto dad ku kala abtirsada qabaa'il kala duwan oo aad isu jecel. Bal u fiirso, abtigaa iyo adigu waxay u badan tahay in aad kalo abtirsiinyo tihiin. Maya adiga iyo walaalkaaga hooyadaa dhashay ayaa kala abtirsiinyo. Maxaad ku daali adiga iyo hooyadaa, walaashaa caruurteed iyo haddii aad reer leedahay saxiibkaaga nosha ayaa kala abtirsiinyo ah. Waa tusaale wanaagga abtirsiinayada iyo qabiilku leeyahay. Aqoonta qabiilkaagaa ama cidda aad u dhalatay, u dhaxday ama la dhaqantay waa wanaag agtayda. Aniga Qabiil ilama xuma waxaanse nacay qabyaaladda. Haddii Qabyaalad wax ku ool tahay xagee bay ka bilaabataa ama ku dhammaataa. Tusaale qof aadan weligaa maqal magaciisa iska daa jiritaankiisee ayaa intuu dabo gaab kuu soo xirto wuxuu ku dhihi aniga reer hebal ah waa in aan hooyaddaa walaalaheed layno oo aan reerkaaga dumino iyo saxiibkaa dhacno oo aan dariskaaga kufsano. Haddii aad iga diiddan dhiig ma lihi oo tol ma tihid. Ma inaga keligay baa kuwaas arkay? Wuxuu ku dhihi waxaynu nahay Hawiye, Daarood, Isaaq. Markaad haye tiraahdo ku dhihi maya waxaan ula jeeday waxaad tahay: Abgaal, Murusada, Majeerteen, Mareexaan, Habar Gedir iyo kun habar oo kale. Markaad haye tiraahduu ku dhihi sidan ma ahayn adigu waxaad Ilaahay waxba. |
    Dalmar | Unrecorded Date Abdalla iyo Walaalkiin Salaan badan saaxiibayaal Sidaad la socotaan dalka Soomaaliyeed wuxuu hadda u qaybsan yahay gobolo. Puntiland Somaliland Jubaland Banadir Hiran Bay and Bakool Haddii dadka Soomaaliyeed ku nool goboladdaa ama dan ka hayso in ay ku noolaadaan gobalada xoogga saaraan in ay dhistaan gobalkooda, deegaankooda, dhaqaalahooda iyo ay dar yeelaan bulshadooda. Doortaan hoggaankooda iyo maamulkooda. Dhistaan dawlad gobaleed wax ku ool ah oo leh dastuur iyo xeer. Ka dib gobal walba ergo u doorto is-bahaysi Soomaaliyeed oo isu keena madax iyo hoggaan ay soo doorteen dadku. Ma idin la tahay in ay suurto gal tahay? Ma idin la tahay in la raadsho? Ma aha qaybin Soomaaliyeed ee midayn Soomaaliyeed oo ku dhisan rabid, sinnaan, nabad, is-afgarad iyo is-qadarin. Mise waa quulle aan jirin qoryo u guro? |
    Khalif | Unrecorded Date Salaamu Calaykum dalmar iyo walaalaha kalow. Gobolaysi waa quule aan jirin quryo uguro. Fiiri Jubbaland;fiiri Bay; fiiri Gaalkacyo iwm. Maxaa kasocda? Dagaalo ah dhul balaarsi right! Xalkale kasoo fakir walaalkayow oo kasii shaqaysii maskaxdaada shaqaynaysa.Thank you.Salamu calaykum. |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Hadaba haddii gobalaysi yahay "Quud aan jir qoryo u guro" qabyaaladna tahay "qurun iyo uf" wadannimo iyo Soomaalinimana tahay "Miro Geed Saaran" dadkiina yahay "Cidna uma maqna Ceelna uma Qodna" yaabaye xaggee taladu jirtaa! Ilaahay jidka toosan nagu toosi adaa awood lehe! Anna waxaan leeyahay YAA MAALI JIRAY? |
    Deceysane | Unrecorded Date Hagaajinta iyo xal u helidda umadda Soomaaliyeed waxuu ka bilaabanayaa. 1. In qofkasta oo naga mid ah uu diido kana horyimaado una caddaato in hogaamiyaasha dagaalka ee qabiilkiisa ay dan lataaban karo u wadin asaga iyo qabiilka uu kadhashay toona. Waa baqo kalin iyo hoohaa ayagu kudaneysanayaan oo ah haddii aan idinkatago qabiil hebel ayaa idin gumaadaya. Ma og tihiin in dhamaan hogaamiyayaasha dagaalka ay hoos saxiib ka yihiin heshiisna ku yihiin in aan dagaal dhamaan waayo noloshooda ayaa ku xiran. tusaale: * Calimahdi iyo ina caydiid sanado ayey is dagaalayeen oo maal iyo moodba Muqdisho ku dhameeyeen, markii dambana maamul degmo ayey madax kawada ahaayeen " meeday colaadii ka dhaxeysay? * Cabdullahi yuusuf Markii hore Jeneral Ceydiid saxiib ayuu la ahaa kolkii dowladdii gen. ceydiid cad fiican looga diiday ayuu dowlad kale sameystay! * Moorgan iyo Caato Waa saxiib oo Beeraha ayey heshiis ku yihiin. * Haddana waxaaba laleeyahey Moorgan Ina ceydiid baa lacag siiyey oo yiri Kismaayo ii banee! Hadeysan saa aheyn muxuu u dagaalami waayey waasagameel uu galay lawaayey? * Moorgan kolkuu iyaamo maqnaado oo lacagtuka sii dhamaaneyso ayuu inta ku dhex dhaco qabiilada qaarkood ayuu oranayaa Anaa ina ceydiid iyo raga la socda meesha ka kicinayee hub iyo lacag keena, kadibna meshii ayey " Kadhimey Ka dhimtu ka soconeysaa". Haddaba haddaad xal soomaaliyeed raadineysaan aan ogaanno in raga qabiiladda horjooga u ah aysan qabiilkooda iyo mid kale toona dan u hayn ee dhiiga shacabka doolar ku iibsanayaan. 2. Marka aan ogaanay kaalinta hogaamiyayaasha maanta ay uga jiraan mustaqbalka Soomaaliya, waxaan ku talin lahaa in nin walba oo inaga mid ah ku fakaro dadkana ku guubaabiyo in wadankii lagu noqdo, xataa lasoo booqdo dadkana la wacyi galiyo. In ninkii ilmo iyo reer dbanaanka u joogo ku dadaalo in uu celiyo. Warmiyeydaan arag Koosavo sida ay ugu soonoqonayaan wadankooda oo 99% la burburiyey. Wadankeenii 10% kaliya ayaa burbursan ama ka yar. Intaan billka gaaladu nasiiso dugsaneyno ayaa magaceena khariidada aduunka laga waayi doonaa. Waan ku dheeraaday qoraalkii ee mid ogaada " ALcaddaala" Walaalkiin duceysane |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Ducaysane Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga Ha Ahaato. Ducaysanow walaal afkaaga caano lagu qabay. Waxaad noo sheegtay ama na xusuusay wax aan dhammaan ka dharagsanahay oo sida bil dhalatay u cad. Yaas ku cibro qaadan? Cabdullahi Yusuf wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee dabka Soomaaliya wada gubay afuufay. Soddon nin oo Majeerteen madaxdoodii ah ayuu cunay intii uusan Mingisto alambakho ku tuurin. Cali Mahdi ummad rag iyo Rabbi taqaan ayuu middi u soofeeyay. Mee Abgaal? Maanta labo qoys Warsangeli Abgaal iyo Agoonyar ayaa 15 qof iska dishay. Caato iyo Ina Caydiid markii ay Cayr iyo Saleebaan Soomaali oo dhan ay ku direen bay Sacad raggii u kacay sidii dhurwaa suuqa ka ugaarsadeen. Morgan waa ninkii ugu horeeyay ee gabadh Soomaaliyeed ku kufsaday Aabaheed, Ninkeedii iyo Walaalkeed hortooda waxayna ahayd Majeerteen Cumar Maxamuud ah ka dibna ceelashii Majeerteen xoolahoodu ka cabayeen ayuu sumeeyay. Cumar Xaji Masale Mareexaan nag buu ka dhigay. Maxaad mood Gedo rag kuma harin. Welina dabbuu sitaa. Inteena soo hartay wax badan ma dhaan oo iyagaa dabo joognaa oo u sacbinaynaa. Noolow oo soo dhawaw Mudane Melese Sanawi, Madaxweynaha Itoobiya iyo Soomaaliya. |
    Duceysane | Unrecorded Date SAlaanta Allah korkiina ha ahaato Dhammaantii. Ku: Walaalkiin. Walaal ragaas aad warqaddaada uga hadashay anna aan hortaa xaqiiqdooda wax ka taabtay aan wax yar kaa iraahdo. Waxaa muhim ah in aan fahamno war nimanku kheyr maleeyihiin mise malaha? Wax ummadda Soomaaliyeed ma uqabteen kol hore iyo hadda toona? Haba yaraatee wax indheergaradnimo ah ma ku jirtaa wax wanaag ahse malaga sugayaa? Waxaa filayaa in qof soomaali ah, muslim ah ama damiir bini aadaminimo leh aysan caad kasaarneyn in jawaabta kooban ee su aalahaas ay tahay " MAYA". Hadaba magac-dhowga falalkooda xun xun yuusan waqti inaga qaadine aan ka talinno sidii looga hari lahaa nimankaas!!! Tankale waxaad mooddaa in aad quusatay " Haddaad mile sanaawi soo dhaweysato muxuu wanaag ah oo uu kuu keenayaa? Walaal ogow in ummado badan soo mareen xaalad tan soomaaliya ka xun haddana ka kabteen. Halheyskeenu waa " ha quusan, waxuun qabo, caddaaladna ogow" duceysane |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Ducaysane Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga Ha Ahaato. Ducaysanow walaal waad ducaysan tahay. Ilaahay ha kaa ajar siiyo taladaada wanaagsan. Walaal toban sano waa wakhti dheer oo ilmahaa uur galay ay same iyo xumaan ku gartaan. Weliba Ducaysanow marka lagu daro toban kale oo qaran jabkii ka horaysay, waa aaaaah iyo Allow Adaa Magan ah. Ducaysanow ma quusan "Naxariista Ilaahay gaal uun baa ka quusta" ee walaalow waan cataabay. Cali Xuseen muxuu yidhi? Inkaar buu ku go'ay Odaygii Soomaale..Awlaadduu dhalayna waa sida Adoogood e! Walaal Ducaysanow duco qabo ma soo dhaweeyeen Saneewo ee maxaan ka qaban karaa haddii walaalkeen dhulkii ka gaday? Sanawi soo dhawoow Gabar qaado. Ha ismartiyeen! |
    Fahima | Unrecorded Date walaal sanawigad shegayso xamar gurigii jabhada tigerhu daganayd gurigayaga ayuu ka soo hor jeday xafada casopopolare markasna dawlada somaliya ayaa cawin jirtay waxayna ladagalamayen mingistu. |
    Abdalla | Unrecorded Date Salaamu Calaykum. Dhamaan walaalaha sida wanaagsan uga qayb qaadanaya doodan waa mahadsan yihiin,waxaan oranlahaa yaynan wakhti ku lumin nimanka aad tilmanteen oo wadanka sidaad aragteen iyo si ka sii daran u galay, laakiin aan xooga saaro sidaan nimankaas dadka uga xorayn lahayn,iyo dibu dhiska wadankeena iyo meesha laga bilaabayo. Walaalkiin abdalla(Denmark) |
    Walaalkiin | Unrecorded Date Fahima Walaashay Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga Ha Ahaato. Waa runtaa oo Sanaawi isagoo injir badan ayuu Xamar Soomaali magan ugu ahaa. Doodaydu waa yasid qiimo darida qabqablayaasha gubay dalkeenii ay ku sugan yihiin. Tegreeyiintii isku dayay in ay dumiyaan Aqalka Ilaahay (Kacbada) oo aad Fahimay ku arki jirtay Xamar ayay dhamaantood u shaxaad tagan. Inta soo hartay Sanaawi walaalkiisa Eretariya aya u baryo tagaan. Alla idin qabay! Abdalla walaale hawsha aad sheegtay waa tan loo baahan yahay ee maxay kula tahay in aynu raadino oo sheegno kuwa faraha bad rag iyo dumar, culumo iyo caamada isugu jira ee dalkii ku haray har iyo habaynna wanaag iyo nabad raadinaya. Qaarkoodna natooda u waayeen. In aynu wanaagga sheegno oo aan amaanno oo aan shaaca ka qaadno maxay walaal kula tahay? Mase haysaa dad noocaas ah iyo wixii ay qabteen? Ilaahay nabad iyo naxariis aakhiriyo adduun baan ku weydiisanay. |