Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Cigaal waa Prime Minsterki ugu danbeya ee shacbiga doorteen
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciroweyne

Monday, October 23, 2000 - 03:14 pm
Waxaad ii sheegtan Mudane Cigaal oo ahaa Prime
Minsterki ugu danbeyay ee shacbigu xaqa ku
doorteen,kadibna Afweyne Xoog ku qabsaday wada-
-nkan heystayna mudo ka badan 21sano,hadda
dowlada dhalata oo uu hogaaminayo Mudane A/Qasim salad oo muddo 15 sano la shaqeyay Afweyni
Sidee idinla muuqataa maanta in A/qasim Yiraa
Mr.cigaal Dowladeyda Soo Raac?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nugaal Godan

Tuesday, October 24, 2000 - 04:20 am
war hadii la doortay 40 sano horteed maxaa hadda idinku soo celiyey isagoo weliba asaasaqa miyaan dad kale ku dhalan waqooyi 40kii sano ee ina soo dhaafey war ceeb bay ku tahay dhamaan dadka reer waqooyiga in ninkii musuqmaasaqa keenay uu maanta weli dad hortaagenyahay.Qabiil baana idin indho tiray oo 40 sano dib idiin celiyey ee xishood oo qofkan yaanan mardambe maqlin hadii ay inyar oo aqoon ihi kugu jirto.