    abdikarim hassan | Tuesday, October 24, 2000 - 01:37 am anigu waxaan qabaa inay soomaalidu jaahiliin tahay sababtoo ah kii waxbartay, culimadii iyo kii caam- amada ahaa isku si baynu u fekeraynaa waxaana ina- ga awood batay qabiilka aynu caabudno, wuu ina majarahaabiyey qabiilku inooma ogola in aynu wax fiican ku fekero, inooma ogola wax horumar ah, inooma ogola in aynu qabiilka ka haro aan heshino is cafino, inooma ogola in ilaahay u noqono,inooma ogola in aynu dhisano dawlad caddaalad ah ummadda soomaaliyeedna horumar gaarsiisa dhinac walba ah. inooma ogola in aynu isku kalsoonaano oo aynu wax qabsan karo qabiil la,aan. waxa keliya ee qabiilku inoo ogol yahay waxaa weeye in aynaan weligeen meel isugu imaan,heshiin qolo qolo aynu isu xasuuqno aynuna dhulka ka hoos maro. qabiilku inooma ogola inay u shaqeeysano aakhiradeena iyo adduunkeena, wuxuu ina baray kalsooni daro is aamin la,aan faan aan meel jirin anigaa reer hebel ah oo reer hebel ka wanaagsan ka tira badan ka dagaal badan, maxaynu ugu fekeri la,nahay in aynu ka xorawno qabiilkan ina curyaamiyey aana inoo ogolayn wax horumar ah, su,aashaas ilaa hadda cidi jawaab uma hayso. waxaanse u malaynayaa inaynu iska dhaadhicinay in aan qofna noolaan karin qabiil la,aantiis taasina waxay i tusaysaa kalsooni darada qof kasta oo soomaali ah haysata, taas ayaa inoo cadeeynaysa in aynu wada nahay jaahiliin. |
    RUN | Tuesday, October 24, 2000 - 02:38 am XAYAWAN YATAHAY ADIGA |
    Anonymous | Tuesday, October 24, 2000 - 03:56 am Uf qabiil anigaa idhi waxuun baana ku adeegta, ........... Gabayaaga weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac ayay ka mid ahaayeen erayadiisi, bal adigu gabayga intii aad ka xusaasato ku kurdhi: Bahashu, waa xuntahay, laakiin wakhti dheer ayay qaadanaysaa inay Soomaalidu ka horumarto, ilaa ay ka helayso nidaam kale oo ay ku bedesho, lagama yaabo inay ka guurto. Marka nidaam laga guurayo waa inuu jiraa mid kale oo loo guurayaa. Kabtaada xun la xooro ilaa aad mid kale hesho. Ogow maanta qofka dhinta, waxaa aasaya reerkiisa. Haddii aad xoolo beeshid, waxaa kuu soo gurmaanaya waa ciddiina, sidoo kale arooska iyo waxyaabo kale oo badan ay iskaa garab taagayaan. Haddii lagu weeraro way kuu dhimanayaan, haddii wax kale ku soo gaadhaanna kaama daalayaan, waxayna u arkaan inaad xaq ugu leedahay, oo adiguna sidaas oo kale aad u sameynaysid, haddii ay iyagu ku imaan lahayd. Habka qabiilku aad ayuu Soomaalida dhexdeeda kugu shaqeeyaa. Waxaana loogu talogalay in waxyaabahaasi wanaagsan ee aan ka soo sheekeeyay iyo qaar kale oo badanba uu bulshada uu u ahaado shebekedda istaageersiga. Taasoo ku abuurta qofka kalsoon buuxda inuu ku qabo naftiisa haddii ay wax gaadhaan inay jiraan meel uu ka heli karo kaalmo wixii uu u baahan yahay. Markii hore ee aanu jirin wax qaran ah, iyada oo keli ah ayaa shaqeyn jirtay, waxayna u taagnayd dareelka qofka dhinac kasta oo ku saabsan noloshiisa, sida sharaftiisa haddii wax loo dhimo, dhaqaalihiisa, xilihiisa, naftiisa, ubadiisa iwm. Waxaa la filayay in qaranku la wareego hawlahaasi muhiim ka ee ay qabyaaladu u qaban jirtay qofka, laakiin sida muuqata, waxaa dhacday in qaranka laftiisii la qabiileeyay, oo qabiilkii ka xoog roonaaday qarankii. Lacagtii qaranka, shaqadii qaranka, difaacii qaranka iyo xuquuq kasta oo uu lahaa qaranku waxaa loo weecsaday dhinac qabiil. Sidaas awgeed ayaa nin kasta oo madax qaran ah ay qoloda qabiilkiisu u aragtaa, wax u soo kordhay qabiilkooda. Waxay ku xisaabtamayaan in wax kasta oo awood ah oo ninkaasi la mukisiisay si uu u filiyo hawlaha qaranka inuu u leexin doono xaggooda iyo danaha qabiilkooda. Waxaad madashan ku aragtaa dar xiiqsan oo leh Ra´iisal wasaare ayaa la ina siiyay. Ra ´iisal wasaare xigeen ama Wasiirka Gaashaandhigga ama kan maaliyadda ama kan caafimaadka . Wax kale meesha looma rabo, ee danaha qabiilka in lagu fuliyo ayaa loo soo gabangaabsanayaa. Kaga daranta, laguu qarin maayo ee si cad oo aan loo cumaamadin ayaa afka loogu kala waaxayaa. Laakiin waxay illoobayaan maxaa ka raacay kuwii ku tagrifay danaha noocaasi ah??? Mareexaan mee? Ismay waydiin. Haddii uu qofku aamino qabiilkiisa, oo uu doonayo inuu dadka qabiilka lah, wax mulki ah oo uu isagu soo xogsadayna uu siinyo, cid ku qabsan karta ma jiro. Haddii uu ceelal ka qodo carrada uu qabiilkiisu dego, ama uu dhaqtarro ka sameeyo, waaba loo mahadnaqayaa.Adna Aad Dhakhtar ayaa xooggeedi gelisay dhakhtarro, tusaale ahaan. Laakiin waxan la isku deg iyo dem leeyahay ma ah waxaas ee xaaraan iyo booli qaran ayaa caloosha loo sii safaysanayaa. Inaa lilaah. Markaas sheekadu weli ma dhadhawa. |
    ABDIKARIM HASSAN | Tuesday, October 24, 2000 - 04:40 am TO RUN IN AAN XAYAWAAN AHAY WAAN OGAHAY WAAYO SOMAALI AAN KA DHASHAY EE WAX KALE MA II SHEEGI KARTAA AAN KAA FAA,IIDAYSTEE AMA UMMADDU KAA FAA,IIDO. |
    fartaag | Saturday, October 28, 2000 - 09:38 pm abdikarim hassan waa runtaa adiga xayawaan ma tihid ee run ama wixii la mid ah ayaa qurun iyo qabiil ku dhaqma,lakiin sorry walaal soomaali way kala tagtay ee danahaaga ka raaco,aniga kula hadalaaya waan soomali jeclaa lakiin markaan arkay mid leh anigaa xamarkaa soo buriyay iyo mid leh waligaa waan ku gumaysan jiray ayaan danahayga ka raacday iyo mid leh somaliland ayaa ingiriis noo bixiyay ee saxiib danahaaga ka raaco hadaad somaaliya jeceshahayna meeshii aabahaa ku dhashay dhiso qori ak47 ahna iibso iyo rasaas badan wabilaahi towfiiq, |
    GAABOW | Saturday, October 28, 2000 - 10:03 pm WALAAL ILA TAHAY MA AHA INAAD TIRAAHDO ADIGOO SOOMAALI AH WAYO WAXAAD OGTAHAY DADKAAGU INAY KA BUUXDO JAAHILNIMO,ISXAQIRID.MARKA WAXAAN KU LEEYAHAY NASIIBKAAGA AYAA NOQDAY IN AAD SOOMAALI KA DHALATO WAXAA HADA KULA GUDBOON HADII AAD TAHAY QOF AY DAACAD KA TAHAY WANAAGA AAD SHEEGAYSO U HUR NAFTAADA IYO AQOONTAADABA. |