    Heridiid | Tuesday, October 24, 2000 - 07:44 am MURUSADE OO AHAA CURADKI HAWIYE WAYAY HIRAAB YIRAAHDEE HERIDID WAQTIGAADI LA SOO DHAAF MAANTA HIRAAB HESHII EE WIXI AAN KUU SOO QAADNO QAADO MR.GALEYDHNA WAXA UU YIRI HADIIBA HAWIYE WAXKUU WAAYAY ANOO DHULBAHANTE AH MAAD WAX IGA SUGEE? |
    HIRAAB | Wednesday, October 25, 2000 - 04:05 pm TO: Heridiid. Saaxiib waa marka horee kuuma aqoonsani inaad tahay curadkii duriyada Hawiye, oo taariikh dhab ah lagaama hayo, maantana Hiraab waa isku filan yahay, oo Soomaali iyadaa u baahan Hiraab, ee ku noqo Iimeey ama Puntland, hoygaadu waa meeshaase. Hiraabna dhib maahane dheef kuuguma qabaan. Hawiye waa badan yahay waxaa jira Xawaadle, waxaa jira G/jecel iyagana kuraastoodii waa heleen. Ha guuleysto iskaashiga Hiraab. |
    HERIDIID | Wednesday, October 25, 2000 - 08:51 pm hiraab ha i dhihin kuma aqoonsani curad ee imey aad ma ilowday kolki Abgaal dhihi jireen oo mudane ali mahdi wadan ka noqday madax abgaal is mahadiyeen oo yraahdeen habar gidir halaga saaro oo haloo celiyo gaalkacyo ila weyninka waa lagu jabaa ee ha jabin oo waxi abgaal ka raacay saxa oo i soo dhaweysta xawaadle iyo gaaljecelna soo dhaweeya oo hawiye isku haya oo sida mudane Ali Mohdi uga samray inuu isna cideeyo kuwi shalay cideeyay Ali xaqiidi maanta wadada cali aan wada raacno oo iskaashano oo is cafino majiro qabil ka xoog roon qabiil ee carankaada sax |
    CEELBUUR | Wednesday, October 25, 2000 - 10:59 pm Diradiraalaha isu jawaabaya waxaa dhihi lahaa, HIRAAB waa walaalahay, cabdiqaasimna waa madaxwaynahayna,. waqtigi HAWIYE tooshka la isugu shidi jiray waa dhaafay. xitaa hadii aanan wasiir helin, taageero 100% ayaan u haynaa mudane cabdiqaasim, galayr oyo mudane deeroowba. cid aad isku diri karto ma jirto. maxaa iga maqan hadii soomaaali inteeda kale qanacsan yihiin. BURJIKADUNA waa shaqo, shaqaana sharaf leh. |
    Puntland | Thursday, October 26, 2000 - 01:10 am Waxa meeshan ku qoran waa wax aad u xiiso badan, anigu qarsan maayo meesha aan ka imid asalkeeyga, laakiin waxaan ku dhashay oo aan ku soo koray Xamar murusadana/herdiid. waa aqaan oo xaafada H/wadaag baan deris ku aheyn, oo sida aan u kala aqaan majeerteen uma kala aqaan. su`aasha aan doonayose inaan weydiiyo ninka la magac baxay Hiraab waxeey tahay goormaa murusade degaankiisu noqday Puntlad? mise dhabahaad kol dhow soo saari rabtaan? hadiise taasi dhacdo waxaan lee nayahay inagu murusadoow idinku dayan meeyno ee gacmo furan ku soo dhawaada. waana Ilaaheey mahadii inaad kala ogaataan qofkii qadarin idiin haya iyo qofkii kale. qasaaraha ugu weyn ee usc eey qabiil u geysatayna waa kiina. dhabtii waxa dhacaya waan ka xumahay maxaa yeelay weli saaxiibadeeyda ugu badan ee aan leeyahay ayaad tihiin. nsalaama. |
    CEELBUUR | Thursday, October 26, 2000 - 01:32 am Puntlad Adigoo mahadsan, anigu waxaan ahay nin murusade ah, mana aaminsani dadka halkan waxa ku soo qoray inaay yihiin murusade. laakiin waxaan kuu sheegi lahaa inaaysan jirin qabiil hawiye ah oo u ciil qaba qabiil kale oo hawiye ah, waliba waxaa taas sii dheer inay hawiye daaweeyaan wixii soomalida kale dhex maray oo xumaato ah. waliba aan dhexdhexaadino MAJEERTEENKA iyo MAREEXAANKA oo ay kismaanyo wada degaan , maadaama hada mariixaanku xoog ku haysto KISMANYO, |
    HABARGIDIR | Thursday, October 26, 2000 - 01:52 am Ceelbuur, nimanka jawaab fiican ayaad siisay, ---waxaysan ogeyn aasaasihii USC (cali wardhiigleey) inuu murusade ahaa, 1990 markuu dagaalku xamar ka bilowdayna, in barta murusade laga duuli jiray. murusade la aantiis HAWIYE waxba ma aha, rag dhegta wax loo sheegi karo ma aha, dhib kasta oo gaara waa rag xamar XOOGOODA ku jooga yaa isxaaan isu sameeyay, waa kaase MAXAMAD QANYARE u taga bal inaan xoog iyo been wax uga qaadiin |
    MUDULOOD | Thursday, October 26, 2000 - 01:55 am Ha iga caaynin waalaheey, ayagaan dad ugu jecelahaye ma waadan ogeyn qabiilka sedexaad ee xamar aag u xiran yahay oo loo geli waaayay ineey yihiin. AR EEBOOWYAL reer abootooy xaal qaata, iskana jirahee dadaa wax noogu darsan yihiin oo deb shidida kaliya ka helee waa CUMAR MAXAMUUDE |
    Anonymous | Thursday, October 26, 2000 - 02:39 am Ok habargidiroow bal inoo ka sheekay Kuwaydii jabtay maalintay baxday!!! |
    Hiraab | Thursday, October 26, 2000 - 02:57 am Wixii la doono ha lagu hadlo anigu waxaan ogahay in Murusade uusan wax faa`iido ah u laheyn Hiraab, dowladna eeysan inoo suuro galeyn intaan ragaas dabada ku wadano, bal fiiriya sidey isaga hor geeyeen Abgaal iyo H.gidir. ma xusuusataan jiibtii jees-jeesato aheyd? oo eey marba meel u ridi jireen si eey u yiraahdaan kan kalaa soo riday, maantase markii aan ku heshiinay ineeynaan la tashan waad aragtaan guusha iyo is-jaceylka aan gaarnay. Murusadana lama tebin oo Hiraab maanta waa isku filan yahay cid aan Alle aheyna uma baahno. waxa kale iska dhaafa ee bal fiiriya ninka la yiraahdo Qanyare, wuxuu qandaraas ku qaatay inuu ka dhex shaqeeyo Hiraab, hadaan H.girir nahayna waxaan balan ku qaadnay inaan X.Ceydiid iyo Caataba ka dheereyno Qanyare ka dibna bal hadduu rag yahay Xamar hasii joogo. In tuugadaas la iska qabto waxaa sharafteeda leh Iimaanka Hiraab, Cali Ugaas, Galaal iyo A.qaasim. Guul Hiraab, Xawaadle iyo G.jecel. |
    Anonymous | Thursday, October 26, 2000 - 03:05 am Runtu waa murursade waa qabiil aad u yar. Dagaalkii caydiid ku qaadayna wuxuu socday saacado waxaana loo bixiyey Kuwait. Bakaaraha waxaa saacado gudahood imaatay alaab laga soo biliqaystay xaafadihii ay Murursade ka carareen taasoo aad u jebisay qiimaha alaab badan. Qofkaa rabtid oo Xamar joogay waydii weerarkii Kuwait. Midda kale wasiir qof noqday masuuliyad lee isa saaray iyo cabsi joogta ah ee dad kale wax ma dheero. |
    Samo talis | Thursday, October 26, 2000 - 04:20 am maanta waxaan la yaabanahay inuu hiraab yiraa cidna uma baahnin iyadoo somali oo dhan la isu keenayo. dadka waxaa la isu raaciyay sida eey isu xigaan, marka hiraaboow idinkaa la idinka rabaa meeshii aad dadkaas walaalheen ah ugu talogasheen, anaga hadaan reer hiiraan nahay raali kama nihin waana kasoo horjeednaa waxa aad sameyneysaan, haddaan ilaah ka cabsadana cid murusade oga fiican hiwiyenimada ma arg, waxa dhibka u keenayna waa arintaas baan dhihi karaa, wax walbose qadarka Alaa ka weyn, hadaadse walaalaheena hiraaboow shar kale soo wadiin Ilaaheey ha idinku koob idinka, iskana dhaafa soo dhoweysiga beenta ah ee aad u muujineysaan xawaadle iyo galjecel, cid danboo lagu owr kacsado waa laga soo tegay. sidaas iyo nabadeey. |
    Anonymous | Thursday, October 26, 2000 - 05:48 am What's hiraab? I never heard of it! Is it a new tribe being formed? |
    3&9 | Thursday, October 26, 2000 - 08:39 am TO:: HIRAAB salaamo calaykum Ninkaaga sheegtay Hiraab mid baan kaa iri 1- in aan curudkii Hawiye ahay ogolaansho kaagama baahna oo waaba ahay 2- Hiraabka aa sheeganaysana shaki aa iiga jira sababtoo ah nin hiraab ah ama nin hawiye ah waa ogyahay waxa uu murusade gudo ama gooyo hadii ay noqoto dhalasho,colaad,gargaar&nabadoonimo 3- meesha aad u noqo leedahay waa meel qiimo leh laakiin mala, socotaa in somaliya badankeed gooftayda aheed marka eebow waxaad qabto cadeeso aan kuula qaad-qaadee ha ku ganban magac HIRAAB "NINKII FADHIISTO FOOL LIBAAX AA FUU-FUU & GEERI LOO FILAA" Nimanka aad leedahayna iyagaa ayaa ka danbeeye in murusade laga tashto waa niman aad ka been sheegtay ee ilaah u noqo waa dan baawday HADII CIIL HORENA KU HAAYO ISKA CADEESO EE DIRBIYDA HAKU DHUUMAN EEBOW |
    MURSAL KARANLE | Thursday, October 26, 2000 - 08:54 am TO________HIRAAB ARYAA IGAARYOOW SHEEKTAY HIRAAB HIRAAB MATIHIDII WAX KALE SHEEGO HIRAAB WAA NIN U AHAYWALAALKIIS "HIRDIID" XUSHMO, QADARIN, CURADNIMO, GEESINOMO, AFTAHAN, MIDA KALE ADIGA XUMAHA KU HAAYO AMA OOFTA KU HAAYSO OO LA GARAN LA YAHAY XAY TAHAY? HADAA TAHAY NIN HADA KA HOR GACAN GAARTAY KA RAALI NOQO MEELAHAAAN HA QAYLININEE HIRAAB AMA HAWIYE WAA OGYIHIIN MURUSADE WAXA UU KA YAHAY HAWIYE DHEXDIIS SIDAAS DARAADEED WAXAAD RABTAA IN AAD DHIMANKAAN WALAALAHAY NAGA HORKEENTO OO COLAAD AAN JIRIN NAGA DHEX ABUURTO WARKAASNA WAA LAGAA DIIDAY AMA AAN ISDILNO AMA AAN HESHIINO AMA AAN WAX ISASIINO ANGAY NOO TAALAAA WARKA SII SAAARNAAN MAAYO EE HADII AAD TAHAY NIN WAX HORE TABANAYA SOO SHEEGO AMA HADAAD TAHAY NIN KALEBA OO CIIL LA JIIFAY |
    BARGAAN | Thursday, October 26, 2000 - 09:10 am TO_______-ANONYMOUS WAXAAN RABAA IN AAN KUU SHEEGO IN MURUSADE LA DAGAALAMAY DHOWR QABIIL OO KALA DUWAN DAGAALKA SIDIISABA WAA LAKALA ADKAADA ,WAANA LAKALA AAR GOOSTAA,WAANA LA HISHIIYAA WIXII INTAAS KA BAXSAN WAX LAGU SHEEGI KARO MA JIRTO LAAKIIN WELI MA DHICI MURUSADE AA LAGA ADKAADAY OO MAQAN OO IS DHIIBAY TAARRIKHDA WAA AY KAA WAYNTAHAY EE SOO BARO MURUSADAHANA WAA DAD YAQAAN NABADA & COLAADA MARKA WIXII KALA DHEXMARA MURUSADE &HABARGADIR ADIGA KUMA QAADO EE KA HADAL WIXII IDIN DHEXMARAY ADIGA & MURUSADE |
    Real-punt. | Thursday, October 26, 2000 - 12:44 pm Waryaa Murursade bal maanta ka waran xaaladaada? waxaan xusuustaa xiligii "hala rooraan run moodayday" inaad aheydeen kuwii ugu adkaa oo xataa Habargidir kasii darnaa, maalintaana waan garanayey inaad lunsan tahay maantana mirihii aad beerateen ayuunbaad guraneysaa. Waxaa dadka ugu aqli badan qofkii kala og wixii u roon iyo wixii u daran. Waxaan dhihi karaa Abgaal mar walbo wuu ogsoonaa siyaasada Ceydiid waana taas sababta keentay inuu marna Ceeydiid jebin waayo Abgaal. Hadda Murursadoow waxba kuugu digan maayo ee waxaan ku leeyahay oo keliya tasho sida Hiiraan iyo RRA. Soomaalida nabada jecelna wax la qabso, dowlad ku sheegtaana inkastoo adiga laguugu midgeeyey maba aha mid shaqeyn doonta, Wallaahi run baan kuu sheegi oo intaad dadkaan ku kaban tahay waa uun kuu qasaaro, doofaar ma daahiro nimankaas inagaa naqaan jab mooyee faa`iido malaha. Maantana meel walbaa looga kacey oo waad agartaan waxa Qoryooleey ka dhacaya, Murursadoow maanta kac oo ku biir walaalaha dulman ee D/M. iskana dhaq wasaqdii eey kuwaa ku mariyeen. Taariikhdiina waan garanayaa oo weligeey baan maqli jiray iyadoo laga sheekeeynayo. Waxaan idiin rajeynayaa guul, ogaadana ma aha keligiin, ee waxaa dulman Somali badan. |
    Heridiid | Thursday, October 26, 2000 - 04:31 pm To-Hiraab Iyo Real-Puntl. Horta ninkan hiraab maxa haya anigu ma filayo in uu hiraab yahay saa marka wuxuu yiri aad iimey punland.puntland xaa ii galay tan labaad waxa uu qoraalkisa ku celceliyay xawaadle iyo gaal jecel oo iyaguna ah walaalayaga balse hiraabna maaha heridiidna maka raali noqo ragga mudulood iyo kii ceel bur si fican waa u hadleen adiguse kuma fahmin ee cadee meesha ku bugto. Mr.Real puntl ------------ Adigu waxaad rabta arinti kuweit dhabaaxo walaal iyo tuurmo burciid halna kama dhibaan ee adigu wixi aan ku dhihi lahaaba waan ka amusay Mr.ceel bur --------- waxaa ragan ma ahan reer murusade horta intaan murusade ahay aan wiliba curadkaadi ahay anoon wili aqoon sidaas isugu kalsoo -nahay hadii ay ku dhibtay cinwaan adba waa ku dhibtee waa qarsee oo ugaaskeyni yaa ka carooday ee saas ula soco |
    SHADOOR. | Friday, October 27, 2000 - 01:56 am "Hiraab hadoow heshiiyo, Heridiid hal muufo waaye" Hadaan nahay barbaarta Waceysle iyo Duduble waxaan nahay kuwii mar walbo fahamsanaay qiyaanada Murusade maantana waxaan ku faraxsanahay in Hiraab intiisii kale idin fahamtay haba ugu horeeyaan barbaarta Saleebaane kusoo beryahaan idinku haayay halgan aan kala go`laheyn. Xamarna waxaa u tashtay Hiraab Ceelbuurna waa taargedka labaad wixii dhagax jira waa dhul Duduble wixii bari jirana waa dhul Waceysle waxaan balan ku qaadnay inaan Qanyare soo qabano ka dibna madaxiisa soo gooyno surnona Kaasa-bolobolaare. markaas afar-qoobloow meeshaad aadi laheyd ayaa laga rabaa waxaad ka dhamaan weeyday inaad ka dhex shaqeyso H.Gidir iyo Abgaal iyo maraad Daarood usoo sir waranto. Heridiid hal muufo waaye.Heridiid hal muufo waaye. SHADOOR. |
    Waceysle-run | Friday, October 27, 2000 - 02:23 am Waa maxay Hiraabka aad sheegeysaan war aamusa yaan leydinku qosline. Hiraab ma waxaad mooday in dadka lagu sasabto. Shalay dadkii hubka noo qaatay laayayna maatadeena waxa ahaayeen Habargidir maantana waxay lasoo ordaayaan Hiraab orodoo odayga Hiraab bada ku rid. Murusadana waa dad wax badan iasaga mid nahay inkastoo mararka qaar la duufsado ee ha isku keen dirina. |
    SHADOOR. | Friday, October 27, 2000 - 02:54 am TO: WACEYSLE-RUN. Saaxiib hadii aad tahay Waceysle run ah sidaas uma hadasheen maxaa yeelay isma laha waxa aad ku hadleyso iyo cida aad sheeganeyso mida aad leedahay murusade mararka qaarkood waa la duufsadaa lama duufsadee waa ula kac iyo isku dir dadka walaalaha ah muwaadan walaaloow ogeyn in dadkaas uu Hawiyoo dhan go`aan ka gaaray? waa ku sidee! muywaadan ogeyn inuu Waceysle uusan cadow kale laheyn iyaga maahee? inta wax yar xisaabtantid bal car sheeg meel yar oo nimankaas lagu qaato shalay markaan Xamar soo dejinay weey nagu kibreen. waxeey jaajuuseen Salaad Gabeyre oo waa tii la dilay maanta waa markii ugu horeysay ee aan talada Hawiye wax laga soo gelin waadna argtaa guusha weyn ee markiiba la soo hooyey makula tahay hadii lala tashan lahaa markii Jabuuti la joogay in lasoo dhisi lahaa dowlad? jawaabtu waa maya C.qaasimna wuxuu balan ku qaaday inuusan weligii nin Murusade ah la tashan Barbaarta Hiraab siyaasadoodu ma aha in cidaas wax loo dhimo ee waa in la tuso awoodooda oo keliya Xamarna eey kala mid ahaadaan sida dadka Soomaaliyeed ee ee sharafta ee Eeylada taasu waa qorshaha fog ee laga leeyahay mana aha mid eey marna ka badbaadi karaan. sedexda sanadood oo dowlada ku meel-gaarka ah markey dhamaato hadey baar-lamaan danbe soo galaan aniga shaash ii xir booskooda waa otherska taas aniga iga qor. SHADOOR. |
    DAC | Friday, October 27, 2000 - 03:05 am Walaalahay murusade. Waxaan idin dhihi lahaa hala hadlinina kuwa iska dhigaya hiraab, kuwa leh waxaa nala yiraahdaa DUDUBLE iyo WACAYSLE, xitaa hadii aad tihiin shaqsi ayaa tihiin, ama ruufiyaan aanba hawiye ahayn ayaa tihiin, qabiiladaas aaad sheegteena waa walaalahayn. dhulkooda ayay joogaan anaguna keena |
    WABXO | Friday, October 27, 2000 - 03:10 am uf, uf, uf uf uf, SHADOOR War ilaahaan kugu dhaarshaye, magaca shadoor haku ciyaarin. looma ooyaan, ku nasiibso, sacbooleey .car xamar tag, waxaa tahay waad soo arkiye uf ufu ufu ufu .aaway JEYTE, aaway calasoow, iyo intii aqoonta lahayd aniga ayay ii magan yihiin. soomaali waa istaqaan. waan ka xumahay inaan taraaraxo. laakiin maanta la is baray. |
    SHADOOR. | Friday, October 27, 2000 - 04:34 am TO:Dac. Waxaa tihiin maato caano leh Murusade waa la ogaaday markii waxaad tahay laguu sheego ku leex-leexo Hawiye maahid iyo wax la mid ah si aad beer-laxoowsi ugu raadsato walee waqtigiinii waa dhamaay, balan waxaa ah geedkii uu Ajuuraan idinku hoos dili jiray in la idin geeyo oo abaalkiina la idin mariyo. xuduuda walaalaha waceysle iyo dudublana waa Gal-hareeri iyo Caga-cade. sorry your name is history. |
    SHADOOR. | Friday, October 27, 2000 - 05:01 am TO: WABXO. Macalinka adiga ma og-tahay in tuuladaan Wabxo eey ka tirsan tahay Maxaas oo eey mar-dhow u tashan doonaan halyeeyada Xawaadle? Waxaad tiri Soomaali waa is-baratay runtaa ee maxey isku baratay? waxaa la bartay in wax ma tare minority adigoo kale ah daaqada laga tuuro. Waad xusuusataa wixii Jabuuti kaa qabsaday waxaa la idin siiyay 4 kursi oo weliba laga sheexay in Somalidu nala yaabto ee ma aadan istaahilin Xawaadlena wuxuu helay 6 kursi Hiraabna isagu tirsiba ma laha oo waxaa la yiri qeybiye qad ama qooro weynaaw. waxaa dhacday in ugaaskiinu la baroortay yaan Xawaadle la iga hoos marin taasoo loogu jawaabay sorry. qeybintii wasiiradana la idinka aamusay ka dibna aad Cali-khaliif u tagteen idinkoo sidii caadada idiin aheydba dhogor badashay, ka dibna la idinku xukumay inaad caado-qaate Qanyare keentaan si kursiga isaga loo siiyo waxaadna tihiin cida keliya ee kursigooda shuruuda looga dhigay ineey war-lordkooda soo xiro geliyaan Xamarna waxaad oga jirtiin godka iyo deyniile oo labadaba ah meelo uray dhowaana duqa magaalada uu hadiyad ahaan u siin doono baar-lamaanka kmg boosas ku yaal deyniile fad ama ha fadin waa lagu fadsiin. Mr.Wabxoow maxaa kaloon kuu sheegaa? waxaa tahay halkan laguma soo koobi karee miskiin yaa miskiin your time is passed, go back to your hyena holles. SHADOOR. |
    Heridiid | Friday, October 27, 2000 - 05:40 am Heridiidki hooyadey dhashow hiran ma ii hibey kartaa.walee aqoonyaro aa rag isku layeen war mursade ma taqaanane shadoor alah u naxarist rag wada dega oo is dhaqan iyo dhareer wadaag ah yaan loo kala dab qaadin waceysle waa naqaan oo waa hormoodka mudulood hadalka yusan ka xumaan |
    Oday Cadaado. | Friday, October 27, 2000 - 05:58 am HORTA WAXA MEESHAAN LAGU SOO QORAY KULIGOOD WAA WADA RUN. HERIDIIDNA RUN BEEY SHEEGEEN RAGA KALENA RUN LAAKIIN HERIDIIDOOW WAXAA LA YIRI HADAAD BOQOL SANO BIR AHEYD BOQOLKA XIGA BOOC BAAD NOQOTAA. DARAAD WAXEY AHEYD HIRAAB & HERIDIID SHALAYNA HERIDIID - ABGAAL - H.GIDIR MAANTANA HERIDIID - WACAYSLE - DUDUBLE/SALEEBAAN BERINA HERIDIID - CALI-GAAF - MAX.CAMAL/OBOKOR OO SIDAAS BAA WAX LOO QEYBSAN DOONAA BERI. SAADANBANA HERIDIID - IYO ANIGA SHAQSIYAN, OO WAXAAN SOMALI KA HELO WAX U DHIGA AYAAD IDINKUNA XAQ U YEELAN DOONTAAN. MARKA GEEDKA WAAD KA DEGTEEN OO WELI DHEXBAAD SII SOCOTAANE AAYARSADA WELI DHULKA MA EEYDAAN GAARINE. ANIGA WAXAAN AHAY NIN ODAY AH TAARIIKHO BADANA HAYA WAXAAN ARKAA IN WAQTIGII HERIDIID DHAMAADAY DHINAC WALBO. |
    Baadicade | Friday, October 27, 2000 - 06:55 am Herdiid waa curadkii hawiye taasna cid la weeydiinaayo ma jirto murusadena waa xubin weyn oo hawiye uusan ka maarmin ee meesha nac nacda kala taga dadkiinan waxeey sheegeen waayey. mida kale ma maqasheen arinkaan in mar dhow eey kulmeen odoyaasha gugundhabe iyo murusade oo ay ka wada hadleen sidii ay quwad weeyn u sameeysan lahaayeen oo la tartanta hiraab hade waan ognahay inaan ugu tiro badan nahay hawiye hadaan nahay gugundhabe. |
    Wiil-Abgaal | Friday, October 27, 2000 - 07:43 am To: Shadoor, Cadaado, iyo dhamaan intii labtay walaakayn Heridiid......... Marka hore waxaan idiin sheegaa in murasado ow yahay lafdhabarka Hawiye cid wax ka sheegi kartana majirto, Tankale nimankiinaan Murasade wax ka sheegaaya sorr waa idin fahanay oo waxaa tihiin dad raba in ay isku diraan bahwaynta Haawiye, laakin waxaad ogaataan majirto cid warkiina xun dheg u dhigaysa ee waqti yaan layska qasaarin.. Tankale waxaan idiin sheegaa anagu hadii aan nahay bahda mudulood in aan Murasade aad u jecelnahay sida walaaladeena kalba, marka kuwaan iska hadlaayow iska aamusa waxaa tihiin dad aan hawl u aalin.... Haawiye waa mid, Soomaali waa mid.. To:::::::: Murusade oo dhan saaxibayaal ogaada dadkan waa dad raba in ay isku kayn diraan, bal waxaaba dhici karta in aysan shuqulba ku lahayn dadka ay sheeganayaan just waxay rabaa in Hiraab, iyo walaakiis Heridiid is caayaan amaba is nacaan.. Anaga iyo Murasade waxaa nahay dad walaalo eh amaba is dhalay marna wada dhashay.. Taas waxaa daliil u ah hadalkii uu yire alaha u naxariistee abwaankii [FAARAX SEEFEEY] Faarax wuxuu yire: Dhalyo waxaa nacay markii lay,yiri Murusade Hiraab maaha!!!!!!!!!! Taas waxay ku tusee iska jacaylka ka dhexeeya Hiraab iyo Heridiid.. Ugu danbaystii walaalyaal iska daadya xitaa ha u jawaabina kuwaan raba in ay iska horkeenaan dad walaalo ah oo is jecel.. peace& Love Wiil-Abgaal |
    wiil murusade | Friday, October 27, 2000 - 08:38 am TO: SHIDOOR & ODAY CADAADO & KAN LA BAXAY HIRAAB MEESHAAN WAXAA KA MUUQATO IN AAD TIHIIN RAG SI KALE U CARAYSAN LAAKIIN SU`ÀASHA WAXAY TAHAY " MA WAXAAD TIHIIN ILMIHII AGOONTA AHAA OO SOO KORAY? "" HADII JAWAABTO HAA TAHAY ILMIHIINA AA AGOON KALE NOQONAAYO ILAYN WAA JIDKII ODAYAASHIIN KU LA`DAY AYAA KU TAAGAN TIHIIN TO___WIIL ABGAAL --BAADICADE---WACAYSLE RUN AH " EEBOW YAAL WALAALKII JIRA OO JOOGA ALAHA IDINKA DHIGO NIMANKAAN ISKA HADLAYA WAA LAGUU GARTAY WAA AGOONTII OO CIIL KU KORTAY WAANA OGNAHAY MEESHA AAN HAWIYO KA TAAGAN NAHAY & TOLKEENA WAANA MAHAD SANTIHIIN SIDA AA UGU SHEEGTEEN NIMANKAAN ISKA HADLAYA IN AY SAN MAGACYADA AY SHEEGANAYAAN ISKA DHAAFAAN |
    SABTI & FOOL CULUS | Friday, October 27, 2000 - 08:49 am TO::::: ODAY CADAADO WAXAA IS WAYDIIN AH MEESHA AAD MAANTA KA NOQOTAY HIRAAB AMA HAWIYE SHALAY MARKAAD DHIBAATEESNAYD OO MAREEXAAN KU GARAACAYEY QOFKA AAD DHIBKAAGA ULA IMAAN JIRTAY SOO ANIGA MAAN AHEEN DARAADNA DAGAALADII USC MARKII UU JIRAYNA SOO UGAASKAAGII MA AHEEN QOFKA KU OONAYEY MAGACA MURUSADE CAJALADIHII LAGA SOO DUUBAY IN AY YAA LAAN MA OGTAHAY??? SALEEBAAN HA KA SOO DHAMAADO "MAXAMED QANYARE " CIIDANKIIS ILAYN MURUSADE GACAN KUUMA QUURO SALEEBAAN MA KU AADAN MAXAMED QANYARE? JAWAABTO WAA MAYA WAAD LA SOCOTAA HALKA NIN AAD CAABUDU JIRTEEN WAXA UU KU DHIGAY AFKAA SHALAY NAGU AMAANAYSAY WAA KUU YAALA EE LA SOCO "TAARIIKHDA SOMALIYA LAGUMA HAYO QOF SALEEBAAAN OO WAX NOQDAY EE ISKA AAMUS SARIIRIHII AAD QAADI JIRTAY AA KU SUGAAYO |
    FOURZO HABAR MAXAMED | Friday, October 27, 2000 - 08:56 am """"""SALAAMU CALAYKUM """""""" DHAMAAN WAAD SALAAMANTIHIIN KUWA CAYTAMAYO & AQIYAARTA KA SOO HORJEEDA ARINTA XUN EE MEESHA KASOCOTO TO= ODAY CADAADO WALEE WAAD TAQAAN FOURZO HABAR MAXAMED WAA NIMIKII NAARTA KUUGU SHUDAY MAANTA WAXAY KAA JOOGTAA YAA HIRAAB AH HIRAAB WAA NIMAN WALAALAHEY AH LAAKIIN ANIGA OO HABAR MAXAMED AH & ADIGA OO SALEEBAAN AYEE NAGA DHAXAYSAA RAG NOQO I HOR IMAAW MISE SIDII FARAH AAD UGA GUBATAY WAAD I HOR IMAAN LA DAHAY? HAHHAHAHA BE MAN COME TO ME |
    mataan cabdulee | Friday, October 27, 2000 - 09:07 am Maalin wanaagsan dhamaan aqiyaarta meesha ku kulan tay Waxaa nasiib xumo ah in maanta meeshaan loogu gafay ragii walaalaheen ahaa kuwaas oo ah ""MURUSADE""" waxaana u gafay niman gashan shaati uu dad ka dhaxeeyo shaatigaas oo ah HIRAAB Oday cadaado & Hiraab : waxaan rabaa in aan idiin sheego in aad dhunsan tihiin sababtoo waxa aad ku hadlaysaan yaa idinla qaba ? aniga hiraab ayaa ahay laakiin idila ma qabo waxaan jira hiraab oo dhan in uu idanla qabin hadii aad tihiin sida wiil murusade oo sheegay AGOOTII waa wax macqul ah waayo ciil baa idin hayo oo meel uu idinka hayo ma aqaano MURUSAE waa la yaqaan waa rag geesi dagaal yahan ah dad jecel ehel jecel mana idinku dayanayo kuwiinaan oo kale HAWIYE GUUL HIRDIID GUUL HIRAAB HAWAADLE GAALJECL SOMALI GUUL Ragiina iska hadlayo wax isku fala murusade ma gaartaane aniga waxaan ahay nin Abgaal ah wacbuudhan Reer mataan duuliye mataan guray xariir murusade waa gob dad la heli karo ma aha |
    josepa | Friday, October 27, 2000 - 09:44 am to;hawiye salaan waxaan idiin sheegaynaa in anagoo ah jaale daarood in hawiye aan ka citiraaf san nahey dhowr qabiilo 1 habar gidir,wax guda waxna qasta, 2 abgaal daris wanaag iyo calool fiyoow qayaano la aan 3 xawaadle oo markaad soo tunteen daarood soo magan galey xamer hadii aad ku midoobi weydaan 3 bilood waxaan idiin shegayaa in mar dambe hawiye dambe xukun loo dhiibeyn waayo waad na washeen nabad aan rabnaa somali ha isku soo noqoto mooryaanteydana ceshan maayo oo isma maamuli karno waxaan sameyn naynaa hadii c.qaasim raaci weydaan oo aad diidaan in dowlada aan la tageyno oo dalkeenii geysan doona ,waayo meel kasto waa nabad inta dhulkina laga reebo ma aqaan waxa taas niigu wacan,aawey irir samaale ma aragteen in been aheyd ruwayadaas waayo mid mid kiin wax u ogal maleh, abgaal peace ,iljeex peace or war,murursade sorry hakuna qoob |
    BIYO MAAL | Friday, October 27, 2000 - 03:11 pm Ar maxaa meeshaan ka dhacooy dadka sidaas loo heesto murusade miyaa. yaa. walaahi wax laga xumaado waaye waxaaneyto. unuka inteen ku jurnaa hawiye us isaga aa dhibkaan isku haayo. allaa soomaaliya aafo aa dhacday. murusade wax gooni eh aas geestay ma maqlin dhib waa laga badneey hadiin Ilaahey ka cabsano. waxaan u maleeyhaa hawiye masiibo oo kor ka timid aa heeso. waxaa la yiri ninkii dad xume ku dhoho dad laawe aa la dhahaa. yacni walaalkaa xun walaal la aan aas dhaamaa maalin lees wax kuu galaa cidaasna maba ku jurto. maanta qabiilada qaar yaraan aa haayso idinkana badnaan aa isku nacdeen. Ilaaheey dhib dhaame waaye. aniga hawiye ma ihi waa isla dhalani laakiin Ilaahey booskooda walaalo kale oo dhaamo hanoo keeno.hawiye rixin maleh unuka hoostiina aa ku dhamaani. somaaliya Ilaahey ha u naxariisto bis waaye waa ka sabri. |
    nabad doon | Saturday, October 28, 2000 - 12:49 am TO== KAN LA BAXAY HIRAAB & ODAY CADAADO WAXAA NASIIB XUMO AH IN MAANTA COLAAD AAD U QABTID WALAALKAA "MURUSADE" LAAKIIN WAXA AAN GARAN WAXA AAD KU HAYSATID RAGAAS OO AAD U ADEEGASANAYSID MAGACA "HIRAAB" HASE YEESHEE HADII AAD IDINKU OGEEDEEN COLAAD WAXAA IDINKA DANBAYSAY NABAD & HISHIIS MARKA SIDAAD AWGEED ISKU XISHOODA WAXNA ISKU FALA KANA HARA WALAALKIIN "MURUSADE" AMAMCADAYSTA HADII AY JIRTO WAX AAD KA SABRI WAYSEEN AAN IDIKA XAAL QAADNEE RAGA WAA DAAALAMAA WAANA HISHIIYAA MURUSADE WAA RAG GEESI AH OO COLAAAD & NABADBA YAQAAN GUUL AYAAN IDIIN RAJEYNAYAA DHAMAAN DHAMAAN BEESHA HAWIYE OO CURUDKOOD HOGAAAMINAYO real Hawiye |
    SHADOOR. | Wednesday, November 01, 2000 - 01:06 am Waxaan salaan qaayo leh usoo gudbinayaa saaxiibadeyda Oday Cadaado iyo Hiraab. "Anigoo hogaankii Hiraab ah heridiid hakaa horeeyo waa hertaan haleysku hoogo" heridiid waa maato caano leh taasna waa la tusay. waxaa kaloo dhamaatay wixii la dhihi jiray Abgaal iyo murusade.oo gabdhihii dhibkaan waa u adkeysan waayeen. Ha waaro is raaca Hiraab(Mundulood H.)(Madar kicis H.) (Maxamuud H.) (Martiile H.)Ha waaro iskaashiga Hawiye kan Irir & kan Somaaliyeedba. Vivo Somalia with out Heridiid. |